-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanah-aWarraka-12112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta toos uga soo muuqday bartiisa Facebooka ayaa qeyb ka mid ah hadalkiisa uga hadlay sida uu wax ku wado Madaxweyne Farmajo. Xasan Daahir ayaa sheegay in si gaar ah uu diiradda u saarayo ka hadalka Madaxweyne Farmaajo, maadaama wixii ka halaaba ay ka wada halaabayaan dalka. “Walaalow dhaqankaaga, sida uu u socdo, sidii laguu qaabilay, sidii aad ku timid iyo sidii lagu doortay is mahalahan, meeshaan ayaan in kala socdaa qaabka aad u socotaan oo aad wax ku wadaan waa qaab aan munaasab u aheyn, dad iyo dalka 30 sano ku soo jiray fitno, xasilooni darri, is xoogid iyo is dil dhaqankaan laguma xasili karo wadadeedna kuma socotaan” ayuu yiri Xasan Daahir. Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Waxyaabaha dareenka i galiyay Farmaajo waxaa ka mid ah adigoo yiri oday nabadoon ah ayaa dalka ka noqonayaa, ayaad dadka waxooda dhaceysaa oo aad caburineysaa, Farmaajo ragu walaalow wax u dhaama malahan ee jooji xoogaan aad wax ku dooneyso wax ku heli maysid waana uga darayaa dalkaane”. Xasan Daahir ayaa sheegay in madaxweye Farmaajo uu ku socdo maskaxdii Maxamed Siyaad Barre. “Waxaan dareemayaa in wadciga ama waqtigu uusan is laheyn balse aad ku socoto maskaxdii Maxamed Siyaad Barre, walaalow iga raali ahaaw wadcigaan lagu jiro iyo kii uu ku soo shaqeeyay Maxamed Siyaad isma lahan, balan qaadkaagii iyo waxaad ku dhaqmeysana is malahan, maskaxdaada iyo waqtiga lagu jirana is malahan meeshaasna wax aan la mahdin ayaa ka imaan kara” ayuu yiri wadaadka xabsi guriga ah ee Xasan Daahir Aweys. Halkaan ka daawo strong>Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay odayaasha beesha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaas oo ka dhacay Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho. Odayaasha beesha uu ka soo jeedo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guud ahaan siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Mudulood ayaa berri ku ballamay mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho waxaana loo yeeray Xildhibaanada ay Mudulood ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qaar ka mid ah odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan aqbali karin sidii loola dhaqmay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya iyo hadalkii daba joogay ee Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee digniinta ahaa. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in kulanka Mudulood kadib maalmo kadib la qaban doono kulan ay u dhanyihiin beelaha Hiraab, islamarkaana looga hadli doono qatarta dalka ka jirta. Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaaanka Soomaaliya ee Mudulood ka soo jeeda ayaa berri kulankaasi ka qayb gali doono waxaana la filayaa in go’aano ay ka soo baxaan sida ay noo sheegeen odayaasha dhaqanka Mudulood qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Wadani ayaa qoraal ay soo saareen uga soo horjeestay guddiga doorashada Somaliland kaas oo maanta qaar ka mid ah ay ansixiyeen golaha wakiilada. Haddaba, Halkan ka Akhriso MAWQIFKA RASMIGA AH EE LABADA XISBI MUCAARAD UCID IYO WADDANI. Ugu horreyn waxa aanu shacabka Somaliland ee sharafta leh u sheegaynaa annaga oo ka xun in hannaankii geedi-socodka dimuquraadiyadda ee Somaliland oo ahaa mid ku salaysan dastuurka isla markaana bulshada Somaliland u soo martay dariiq dheer oo ay ku baxday wakhti iyo hanti umadeedba, si loo helo doorasho xor ah oo xalaal ah oo ku fadhida hal cod iyo hal qof in xukumadda KULMIYE ay god dheer ku ridday gacantoodana ku gawracday. Sidaa darted, waxa ay labada xisbi mucaarad, ee UCID iyo WADDANI cadaynayaan in Komishinkii doorashooyinka qaranka ee la sugayay laga duway shuruucda dalka iyo shuruudihii uu xeerku u dhigay xulista iyo ansixinta xubnaha komishinka doorashooyinka qaranka, taas oo meesha ka saartay dhex-dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay xisbiyada ugu xaq-soori lahaayeen. Haddaba kadib Markii ay labada xisbi u caddaatay in xukuumadda KULMIYE ay baal martay heshiiskii saddexda xisbi qaran ku galeen madaxtooyada ee beesha caalamkuna ku dhexjoogtay, isla markaana ay caddaatay in Golihii Wakiiladda laga dhigay saylad, isla markaana hantidii umadda loo adeegsaday danaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Markii labada xisbi mucaarad ku qanceen in Madaxweynuhu uu burburiyay doorashooyinkii iyo dimuquraadiyadii dalkan ka hana qaaday ee Somaliland ku soo caano maashay, isla markaana uu caddaystay nidaam kelitalisnimo. Waxa ay labada Xisbi qaadeceen wadashaqaynta xubnaha lagu sheegay Komishinka ee lagu keenay sifada jujuubka ah, kaas oo loo maray dariiq sharciga baal marsan. Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo lagaga arinsanayo xaaladda uu dalk marayo qaranka Somaliland oo masiirkiisu uu gebi ka laalaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo hay’aadaha iyo dowladaha deeq bixiyayaasha ayaa shir ku yeeshay Washington. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’aadaha kala ah FAO ,EU , USAID, DFID, masuuliyiin ka socotay dowlada Talyaaniga, Midowga Yurub iyo madaxda Mashruucyadda GEEL iyo CCAP kuwaas oo wada shaqayn kala dhaxayso Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya. Ajandaha shirka ayaa ahaa sii wax la iskaga waydiin lahaa xog uruurintii la sameeyay iyo sidii la iskula wadaagi lahaa, sidii looga wada hadli lahaa qaabka bixinta shatiga Kalluumeysiga iyo cusbooneysiinta habka cusub ee laysan bixinta, casriyeyn ku saabsan hindisaha xogta kalluumeysiga iyo heshiiska wadaagida dakhliga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda. Wasiir Bidhaan oo kulanka hadal kooban ka jeedayay ayaa sheegay in qorshaha 2020-ka Wasaaradda ee bixinta shatiga sanadkan furo u noqon doono dakhli kororka dowladda, waxaana uu intaas ku daray inay yaraatay qaabka ka Kalluumeysiga sharci darrada. Balse Bidhaaan ayaa xusay in ay jiraan kiisas dhowra oo dhacay sanadkaan oo gacanta lagu hayo dadkii sida sharci darrada u Kalluumeysanayay iyo doomohoodii. Shirkan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay aad isugu khilaafsan yihiin arrimaha Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda. PUMTLAND POST The post Wasiir Bidhaan: Waxaa yaraaday Kalluumeysiga sharci darrada ee Badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ku simaha duqa Muqdisho ahna gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, ayaa kormeer isla xisaabtan ah ku sameeyay baraha Kontarool ee lagu qaado canshuuraha gaadiidka. Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim Dheere) ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Intii ay socdeen howlgaladda ayaa waxaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad si sharci daro ah u qaadayey canshuur boona la’aan ama canshuur aan tixraac la heyn. Ibraahim Dheere ayaa daboolka ka qaaday in ay ka go’an tahay dagaalka ay kula jiraan xubnaha noocaan ah, ayna sii laba jibaari doonan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Yee.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay dib soo celiyeen gudoomiyeyaashii degmooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow. Illo wareedyo ayaa u sheegay idaacadda Shabelle ee magaaladda Muqdisho in xubnahaan laga watay hoygooda lana geeyay wadanka Itoobiya. Warbixinadda ayaa daboolka ka qaadaya in lagala hadlay tacadiyo shacab loogu geystay gobolka Gedo, taas oo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ka dambeeyo. Mas’uuliyiinta ayaa la sheegayaa in ay iska fogeeyeen eedeymahaas, waxayna meesha ka saareen in ay wax kaalin ah ku lahaayeen. Wararka ayaa inaas ku daraya in laga codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si cadaaladda loo geeyo cidii geysatay xadgudubyaddaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ciidanka-Itoobiya.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-12112019.mp3 View the full article
-
Boorama (Caasimada Online) ― Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo hogaamiya Jabhad si weyn uga soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ee loo yaqaan Aara ayaa maanta bixiyey wareysi xasaasi ah oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah. Suldaan Wabar ayaa sheegay in ugu horeyntii ay xukuumadu aysan marnaba dhag jalaq u siinin tabashadoodii, taasina ay sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xukuumada haysa talada Somaliland. Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay isku deyday in ay gacanta ku soo dhigto, isla markaana ay disho, balse ay u suurto gali weyday, waa sida uu ka dhawaajiyey. Wabar ayaa waxa kale oo uu sheegay inuusan marnaba waxba ka sugeyn hogaamiyaha ugu sareeya Somaliland ee Muuse Biixi, maadama uu qarka u saaran yahay in uu kala dareeriyo beelihii Hargeysa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Suldaan Wabar ayaa waxa uu rajo la’aan weyn ka muujiyey in uu Madaxweyne Biixi keeni karo isbedel xal u noqon kara tabashadiisa iyo Jabhada uu hogaaminayo ee ka dagaalanta gudaha gobolka Awdal. Suldaanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xusay in ay Jabhadiisu aysan dooneyn in ay burburiso magaalada Boorama oo ay dhowreyso, balse ay dagaal kula jirto xukuumada ay sida weyn uga tabanayaan ee Muuse Biixi. Hoos ka dhageyso hadalka Suldaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Hadalka-wabara-caasimada-online.mp3 Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
Somaliland: Parliament Approves New NEC, Opposition Rejects
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland: Parliament Approves New NEC, Opposition Rejects The Somaliland House of Representatives have passed a motion of confidence in the new National Elections Commission, (NEC), but, the two opposition parties, Waddani and UCID have rejected this motion. The new commission which is set to replaced the previous commission, who had in a five year tenure, held one national elections, has already caused controversy. Both Waddani and UCID have rejected the new commission partly because of the nominees from the Kulmiye party. It is not clear whether the administration of President Muse Bihi Abdi will reconsider their nominees or whether the opposition party will acquiesce to the new commission. Somaliland’s parliamentary and local elections are severely overdue and this latest setback will make it even more harder to reach a consensus in order to hold the vote. Qarannews Qaran News -
Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Paris oo uu ka socdo shirka Madasha Nabadda kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov. Kheyre iyo Levrov ayaa dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay inay labada dal mideeyaan qaabka ay u wajahayaan la dagaalanka aragixisada caalamiga ah, sidaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda Ruushka. “Moscow iyo Muqdisho waxa ay xaqiijiyeen inay si wadajir ah u dheereeyeen wada-hadalladooda siyaasadeed iskuna xiraan siyaasadda arrimaha dibedda ee masraxyada caalamiga, oo ay ka mid tahay la dagaalanaka argagixsada.” Ayaa lagu yiri bayaanka. Lavrov ayaa muujiyey sida uu u taageersan yahay howlgalka nabadda ee Midowga Afrika uu ka wado, Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lasii wado dadaallada nabad waarto loogu soo dabbaalayo Soomaaliya. Xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre weli wax war ah kama soo saarin kulankan ka dhacay magaalada Paris. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha. “Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.” Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanadihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan. “Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isaga oo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta. View the full article
-
Rome (Caasimada Online) – Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku saabsan qorshaha isku ballaarinta caalamka ee kooxda Daacish ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa sheegtay in markii ugu horreysay tan iyo markii la aas-aasay 2015, ay Daacishta Soomaaliya qorsheysay weerar ka baxsan Soomaaliya. Warbixinta ayaa tiri in bishii December 2018, ay mas’uuliyiinta Talyaaniga ay gobolka Bari ku xireen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Moshin Ibraahim oo loo yaqaan Anas Khaliil, isaga oo lala xiriirinayey shirqool lagu qarxin lahaa kaniisadda St. Peter’s Basilica ee ku dhex-taalla xarunta Vatican City ee magaalda Rome, 25-kii December 2018. Gudidga ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey isaga oo gacan ka helay dowladda Talyaaniga uu shaaca ka qaaday xiriir ka dhaxeeyey Cumar iyo xubno ka tirsan Daacish oo ku kala sugan Somalia, Kenya iyo Libya. Anas Khaliil waxa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari bishii October ee 1998. Waxa uu dalka Talyaaniga kasoo galay Sicily daba-yaaqadii 2016 isaga oo dalbanaaya gargaar bani’aadannimo. Ka hor inta uusan soo galin Italy, Anas Khaliil waxa uu ku noolaa magaalada Nairobi ka hor inta uusan sanaddii 2016 u safrin Libya, halkaasi oo uu tababar ku qaatay. Anas Khaliil ayaa waxa uu xiriir la lahaa Abu Ayman Al Kinye oo ah sarkaal Daacish u qaabilsan dhanka saadka iyo socdaalka. Abu Ayman ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo jeedo dalka Kenya. Anas Khaliil ayaa waxa uu deganaa magaalada Bari ee Koonfurta Talyaaniga, intii uu dhaxeysay bishii March 2017 illaa December 2018. Intii uu joogay Talyaaniga waxa uu xiriir joogta ah la lahaa xubno Daacish ah oo ku sugan Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, wada-sheekeysi taleefon oo la dhageystay ayaa laga ogaaday in Anas Khaliil uu diyaarinayey shirqool uu bam ku dhigayey kaniisadda St. Peter’s Basilica, maalinka ciidda kirismiska ee December 25 2018. Kadib wada-sheekeysigaas, ayaa waxaa Anas Khaliil xiray mas’uuliyiinta Talyaaniga, si looga hortago inta uusan ku dhaqaaqin qorshihiisa qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, received on Monday at his office in the Ministry in the capital Mogadishu, the Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), H.E. Mr. James Swan, during which they discussed a number of topics related to political, security, humanitarian and economic. Minister Awad welcomed the positive stance of the United Nations in support of the government steps aimed at unifying the Somali ranks to meet the aspirations of the people, noting that “such meetings would strengthen the role of the United Nations in the interest of the Somali people.” View the full article
-
Britons have been warned against traveling to Somalia for fear of terrorist attacks and kidnappings. In an advisory, the British government has renewed its travel advisory against Somalia saying it was still under active threats of terrorist attacks. The advisory has dropped Hargeisa and Berbera in Somaliland from the list of the areas warned to travel to. “Any British nationals in areas of Somalia to which the FCO advise against all travel should leave. Any British nationals in Hargeisa or Berbera who are not on essential travel should leave,” the advisory reads in part. The FCO called on citizens to be vigilant and avoid crowded places. The advisory has been renewed since the beginning of the year. It urged citizens seeking consular services to contact the British embassy in Nairobi while those in Hargeisa can get help in the Addis Ababa embassy. View the full article
-
Somalia and the UN Development Programme (UNDP) today launched a new US$10 million climate adaptation project to help rural communities secure access to diminishing water supplies. More than 360,000 farmers and pastoralists are set to benefit from sustainable water management, expanded drought, and flood early-warning systems and more profitable livelihoods. “With the onset of climate change, our country is facing more frequent droughts and floods. Those living in rural regions are particularly vulnerable,” said Deputy Prime Minister, H.E. Mahdi Mohammed Gulaid. “Under this new project, we will put in place the foundations for Somalia and its people to manage their precious water. This includes reforming national policies and systems; building knowledge and skills at the national, state and community level; and expanding climate-monitoring infrastructure and early-warning systems.” Somalia experiences major climate-induced shocks every two to five years, with flooding, cyclones and particularly drought. These have contributed to the displacement of 2.6 million people across Somalia and increased competition for water and land to support animals and crops. The effect of climate change in reducing already scarce water resources is expected to exacerbate conflict within communities. Illegal armed groups, such as Al-Shabaab, have already targeted young people for recruitment, particularly in rural regions beset by drought-induced food insecurity and widespread unemployment. Pastoralists are particularly vulnerable to changes in climate because they rely on rain-fed rangeland for grazing livestock and have very few fixed assets. Often lacking formal ownership of land, they are marginalized in disputes over access to water. Led by Somalia’s Office of the Prime Minister and implemented by the Ministry of Energy and Water Resources, with US$8.8 million from the Global Environment Facility’s Least Developed Countries Fund and US$1.5 million from the United Nations Development Programme (UNDP), the new four-year project will establish Somalia’s first National Hydro-Meteorological and Monitoring Service, install automatic weather stations and monitoring equipment across the country and expand Somalia’s existing flood and drought forecasting and early warning tool (FRISC-DIGNIIN). The project will also work closely with villages to provide training on flood management and water conservation, as well as teaching pastoralists and small-scale farmers, including both men and women, to sustainably produce farming and livestock products. “This project will help us to tackle Somalia’s greatest challenges in water management and make sure that institutions and communities are more resilient to climate impacts,” said Minister of Energy and Water Resources, H.E. Fowzia Mohammed Sheikh. “This important initiative feeds into Somalia’s priorities identified under its National Adaptation Programme of Action and Nationally Determined Contribution under the global Paris Agreement,” said UNDP Resident Representative, Jocelyn Mason. “We are extremely pleased to see this fantastic project begin and are proving technical support for implementation. Access to clean water saves lives directly but is also closely linked to food security, livelihoods, poverty reduction, gender equality and – in Somalia’s case – peace and security. “Given increasing water scarcity in Somalia, the choice as to how each drop should be allocated and managed is critical.” View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee horumarka iyo dadweynaha oo ka furmay magaalada Nairobi. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aaanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda olalaha caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha. “Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanaddihii dambe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabku ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka caalamka ee horumarsan. “Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isagoo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soo jireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin haweenka Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Labada Madaxweyne ayaa waxaa arrimaha ay ka wada hadleen ka mid ah xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Nairobi u aaday ka qeyb galka shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya halkaasi. Kulankan ayaase ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay kiiska Badda ee ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafainta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media, kuwaas oo ka mid ah hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya. Wareegto uu ku saxiixan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi hay’adood Sababaha shaqada looga hakiyey labada hay’adood ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay raaci waayeen nidaamka ay wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka. Labada warqadood ee lagu kala ceyriyey labada hay’adood si faah-faahsan looguma sheegin qaladaadka ay sameeyeen ee horseeday inay jebiyaan xeerkii wasaaradda. Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan arrimo la xiriira dhinaca warbaahinta, iyaga oo xarumo waaweyn ku leh magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
