Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan. Weerarka oo ka dhacay deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed ka xiga degmada Galkacayo ayaa waxaa lagu qaaday dad rayid ah oo la socday gaari siday Dhuxul, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka uu ku dhawaawamay mid kale, qofka dhintay ayaa ka mid ahaa dadka Dhuxusha shidayey, halka midka kale uu ka mid ah maleeshiyaadkii fuliyey weerarka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi oo xiisad cusub ka abuurtay deegaanada dhaca koonfurta Mudug. Inta badan waxaa dilalka ka dhaca gobolka Mudug ay salka ku hayaan kuwa la xariira Aanooyin Qabiil, taas oo in muddo ah xal loo la’yahay. Mamaullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland oo marar badan ka shiray weeraradan ayaa isla gartay in meel looga soo wadajeesto maleeshiyaadka huwan maga Qabiilka ee dhibaatooyinka kala duwan ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  2. DCI boss George Kinoti on Monday was on the spot for the delayed investigation into a sex tape linked to Wajir Woman Representative Fatuma Gedi. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka oo xalay ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ciidanka dowladda, kuwa K/Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta degmadaasi. Intiisa badan shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi. Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshihii ugu dambeeyey ee lagu furayo wadooyinka ay jareen Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Bakool inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Shalay ayey aheyd markii wafdi uu hoggaaminayo Madaxaweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay gaareen degmada Waajid, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan qeybo badan ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab qarax miino ay kolonyo ka tirsan AMISOM kula eegteen deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay halkaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay sheegtay in qaraxaasi miino ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana dhaq dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya View the full article
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirweynaha ururka ONLF oo lagu qabtay magaalada Godey ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu doortay hoggaan cusub oo uu yeeshay ururkaasi. In ku dhow 600 oo Ergo ah ayaa ka qeyb gashay shirkaasi iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ururkan oo muddo la dagaalamayey dowladda Itoobiya, hadana isku bedalay mid siyaasadeed ayaa waxaa xilka guddoomiyaha ku tartamay illaa laba musharrax oo kala ahaa, Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey iyo Axmed Yaasiin. Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaashii ONLF ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururkaasi, wuxuuna helay 340 cod, halka musaharraxa kale uu la yimid 251 cod, sida uu natiijada guddiga qabtay doorashadaasi. ONLF oo u dagaalami jirtay xoreynta dhulka Soomaali Galbeed ayaa sanadkii hore joojisay dagaalkii ay waday waxaana ay ku dhawaaqday inay tahay xisbi siyaasadeed. Arrintaasi ayaa waxa ay ku timid, kaddib heshiis ay la galeen xukuumaadda Ra’iisu lwasaraaha Itoobiya, Abiye Axmed oo isbedal ballaaran ka sameeyey dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  6. Jabhadda ONLF oo shirweyne uga socday magaalada Jigjiga ayaa xalay waxay halkaasi ku doorteen guddoomiye cusub, kadib doorasho dhacday. Dr. C/raxmaan Sheekh Mahdi ayaa loo doortay guddoomiyaha ONLF, wuxuuna helay 340 cod, halka Axmed Yaasiin oo la tartamayey uu helay 251. Doorashadan ayaa ahayd mid ay ka qeybgaleen dhammaan xubnaha guddiga, waxaana lasoo gabagabeeyey shirweynihii ururkan u socday. DR. C/raxmaan ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii ONLF, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa guddiga fulinta ee ururkaasi. ONLF ayaa dagaal badan usoo gashay sidii lagu xoreyn lahaa deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, balse xukuumadda Abi Axmed oo ay wadahadal la galeen ayaa sahashay iney joojiyaan dagaallada, raadintoodana ku bedeleen qaab nabadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-12112019.mp3 View the full article
  8. After months of silence over Egypt's first freely elected President Mohammed Morsi's killing, a U.N. report said that the Egyptian regime arbitrarily killed him, underscoring its grave human rights violations. Source: Hiiraan Online
  9. The World Bank, with our partners, has been supporting the Federal Government of Somalia's Financial Governance Committee that was created in 2014 which has helped cut costs and strengthen accountability. Source: Hiiraan Online
  10. Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug, ayaa in halkaasi uu ka dhacay weeraray sababay dhimasho iyo dhaawac. Weerarka oo ka dhacay degaanka Dhagtuur oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug, ayaa sida la sheegayo lala beegsaday dad Dhuxusha halkaasi ka shidi jiray, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal ruux mid kalena waa ku dhaawacmay. Wararku waxay sheegayaan, in malayshiyaad degaanka u dhashay oo ka caraysan shidista Dhuxusha ay weerarka gaysteen, kadib markii kooxda Dhuxusha shidaysay ay ka dhega-adaygeen amar horay uga soo baxday bulshada degaanka oo lagu joojiyay Dhuxul-shidista. dadka degaanka Dhagtuur, ayaa horay awaamiir uga soo saaray joojinta jarista Dhirta iyo gubista Dhuxusha, taasi oo sida ay sheegeen xaaluf iyo nabaad-guur ba’an u keenaysa dhulka xoola-daaqeenka ah. PUNTLAND POST The post Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  11. Magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, waxaa Talaadada manta ah ka furmaya shir caalamiya oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha. Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Dadka (UNFPA), ayaa looga hadlayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer Qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb-galaya madaxweyne Farmaajo, oo isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo ay shalay gaareen magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku weheliya; Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) iyo mas’uuliyiin kale. Wafdiga Madaxweynaha, waxa halkaasi uga sii horreeyay diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shir Caalamiya oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  12. Kenya's maritime border dispute with Somalia has become President Uhuru Kenyatta's international relations headache. His father, Mzee Jomo Kenyatta, however, found a rather sleek but cheeky way of handling them Source: Hiiraan Online
  13. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda la qaadi doono dacwad Xisbiga Himilo Qaran ka soo gudbiyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xisbiga Himilo Qaran, ayaa bishii October ee sanadkan Maxkamadda sare ee dalka dacwad geystay,kadib markii Garoonka Aadan-Cadde loo diiday in uu ka dhoofo Hoggaamiyaja Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xilligaasi u safri lahaa magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleema-saarkii Axmed Madoobe. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo la hadlay laanta Afka Soomalaiga ee VOA-da ayaa sheegay in dacwaddaas ay u gudbiyeen Hay’adda Saadaasha Hawada oo laga dacwoonayey,isla markaana maalmaha soo socda la baabi doono dhegaysiga dacwaddaasi. Waxaa uu sheegay in Sharciga Garsoorka dalka uu qabo hadii Xisbi uu dacwad u soo gudbiyo ina y u sii gudbiyaan dadkii laga dacwoonayay markii ay kasoo jawaabaana dacwada la qaado. Sidoo kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa xusay in dacwadaan ay tahay mid Sharci ah,isaga oo meesha ka saaray in ay faragelin kaga imaan karto dhinaca xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxkamada sare ee Soomaaliya oo dhegaysan doonta dacwad uu dowladda ka gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran appeared first on Puntland Post.
  14. RIYADH (Reuters) - A man stabbed three performers at a live show in Saudi Arabia’s capital and was arrested, state television reported on Monday, adding that the victims were in stable condition. Source: Hiiraan Online
  15. ONLF OO DOORATAY GUDDOOMIYE CUSUB Ururka ONLF ayaa caawa magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida oo maalmihii la soo dhaafay shir-weyne uga socday ku dooratay Guddoomiye cusub. Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka ONLF, ka dib markii uu helay 340 cod oo ka mid ah ku dhawad 600 oo ergo oo codeynayey, halka ninkii la loolamayey Axmed Yaasiin uu helay 251 cod. Maadey ayaa ka mid ahaa asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta. Cabdiraxmaan Sh. Mahdi Maadey Ururka ONLF ayaa muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska argagixisada kaddib isbaddalladii ka dhacay dalka Itoobiya. ONLF ayaa hadda ka dib noqonaysa xisbi siyaasadeed, waxaana u qorsheysan in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota ee deegaanka Soomaalida ka dhici doonta sannadka dambe. Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa markii u horeysay sheegay in talada xukuumada Somaliland ay u gacan gashay Rag Milliteri ah. Waddani ayaa ka dhawaajiyey in Milliteriga loogu talo galay cadowga soo duula, balse aan looga baahneyn in muwaadiniinta reer Somaliland ay ku qabtaan gacan adag. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa arrintaasi ka dhawaajiyay, isagoona xusay in Mas’uulka ugu Sareeya Somaliland ee Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Arrimaha guduhu ay yihiin Milliteri. Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu xilalka ugu waaweyn ku taxay niman Milliteri ah, kaasi oo uu ugu dambeeyay Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna yiri “Waxa la moodaa inaynu wada Militeriga noqonay, oo madaxweynihii waa Militeri, wasiirkii arimahaa guduhu waa militeri, taliyihii ciidanka waxa loo soo bedelay taliye militeri ah”. “Taliyihii ciidanka asluubta waxa laga dhigay taliye militeri, militeriga cadowga loogu tallogalayey gacantii adkayd ee militeriga hoos u dhiga”. Xirsi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay yihiin kuwa ugu mushaarka yar ee ku shaqeeya duruufaha adag, isla markaana loo baahanyahay in loo kordhiyo mushaarka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Marka laga hadlayo arrinta doorashada iyo weliba sida ay suurto-gal u noqonkarto waa mid aad u xasaasi ah ayna adagtahay in la rumaysto soomaaliya in ay gelikarto doorasho qof iyo cod ah. Shakhsi ahaan waxaan ahay dadka aaminsan in ay adagtahay doorasho qof iyo cod ah in ay ka qabsoonto wadankan, iyada oo la sameeyo dhowr arrimood oo mubiim ah mooyee. Arrimha aan aaminsanahay in ay hortaaganyihiin doorshada ama adkaynaya ayaa ah dhawr qodob oo inta badan ay macquultahay in ay dadku ila qabaan. Xuduudihii waddanka oo aan xidhnayn Tiro-koob sax ah oo aan laga hayn bulshada soomaaliyeed. Dhul ay adagtahay in laga codeeyo sababo amni iyo in dhulka qaarkiis ay maqanyihiin oo aysanba ogolayn in ay ka dhacdo doorasho, sida deegaannada somaliland. Nidaamka xisbiyada oo u baahan ansaxin iyo weliba buuxinta shuruudaha oo ay u horrayso in ay sameeyaan xafiisyo ku yaalla waddanka intiisa badan. Intan oo arrimood oo jira awgeed waxaad mooddaa in ay adagtahay qabsoomidda doorashada la tuhmaayo 2021. Waxaa jira hawlo badan oo ay qabteen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo weliba xeelado kale oo ay ku qabaanayaan doorashada waddanka. Sidee doorashadu ay noqon doontaa? Xuuraamin iyo la-sheekaysi aan la yeeshay Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee soomaaliya, waxa ay caddeeyeen in ay sameeyeen hannaan cusub kaas oo sahlaya doorashada qofka iyo codka ah ee la filaayo. Guddigu waxa ay ku hawlanaayeen muddo dheer hannaanka ay noqonayso doorashadu, ilaa maanta iyo maalintii la magaacabayna waxa ay sameeyeen shaqo wanaagsan oo la taabankaro, una muuqata in ay tahay natiijo soo dhowaysay hannaankii doorashada qofka iyo codka noqon lahayd. Waxa ay sameeyeen jaan-gooynta qaabka doorashada iyo weliba goobaha ay ka dhacayso, waxa ay diyaariyeen degmooyinka ay ka qabsoomayso iyaga oo weliba wada-tashi la yeeshay bulshooyinka deegamadii ay tageen waa sidaa ay ii sheegen e. Waxa ay guddigu sheegeen in doorashadu ay noqon-doonto 24 Degmo oo ka tirsan maamul gobolleedyada kuwaas oo weliba ay ku sameeyeen sahmin dhamaystiran. Marka la eego shaqada ay qabteen guddigu oo ahaa in ay dhammaystireen haddana waxaad mooddaa in ay jiraan shaqooyin badan oo dhiman taas oo ku noqon karta caqabad hannaanka ay wadeen muddooyinka. Maxaa hor-is-taagikara shaqadii ay qabteen guddiga doorashooyinku? Waxa uugu weeyn ee caqabad ku noqonaysa waa in golaha baarlamaanka Soomaaliya aysan ansaxin hannaanka doorashada iyo wixii ay soo qabteen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka. Waxyaabaha uugu weeyn ee sababaya in aysan baarlamaanku ansaxin hannaanka doorashada qof iyo codka ah ayaa noqonaysa in qaar ka kim ah golaha baarlamaanku ay xulafo la yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumaddan iyo in ay qaarkood iyagu yihiinba kuwo rajo ka leh hoggaanka waddanka, waxana ay aaminsanyihiin haddii uu waddankani galo qof iyo cod in ay suuro-gal tahay xukuumadda hadda jirtaa in ay soo laabato, maadama inta badan xukuumaddan ay taageere ka haysato shacabka intiisa badan. Dhanka ka kale xildhibaannada qaarkood waxa ay aaminsanyihiin in xukuumaddani ku shuban doonto doorashada qofka iyo codka ah. Waxaa jira xildhibaanno badan oo iyagu aanba doonayn in waddanku ka gudbo hannaanka ku dhisan 4.5 oo ay go’aanka leeyihiin baarlamanku, waayo darajada baarlamanka ayaa u ah halka waddo ee ay siyaasadda kaga cayshaan. Ma qabsoomaysaa doorashadu wakhtigii loo asteeyay oo ku beegan “2021-February”? Marka la eego wakhtiga doorashada iyo hannaanka socda ama laga yaabo in uu yimaaddo, waxa ay u eegtahay in ay doorashadu dib u dhacdo iyada oo weliba xilligaas dawladdu soo bandhigto qorshayaal doorasho oo ka duwan kuwii hore, fulintooduna ay macquultahay in ay qaadato wakhti. Waxa suurto-gal noqonaysa in nidaamka ay ka hor-yimaaddaan maalmul Gobolleedyada iyo weliba xubnaha wakhtigaas u taagan qabashada hoggaanka soomaliya, jiid-jiidkasi waxa uu sababikaraa in uu qaato wakhti dheer kaas sababa in doorashadu ay dhaafto wakhtegeedii. Sida oo kale doorashadan ay dalwddu qorshaysay ee ah qofka iyo codka haddii ay fusho, waxaa wakhti qaadanaya xilliga soo bixista natiijada iyo weliba Ku qancinta tartamayasha natiijada, maaddaama ay tahay markii uugu horraysay ee waddunku galo doorasho caynkan ah. Muddadan lugu jiro kala guurka wejiga cusubna leh uuma malaynaayo wax xumaan ah in ay leedahay haddii laga gudbaayo hannaankii hore ee hab-qabysiga beelaha ah ku dhisnaa. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa maanta gaaray degmada Dhahar ee waqooyi galbeed gobolka Sanaag, si uu ballaariyo ololaha ka dhanka ah maamulka Siciid Deni. Boqolaal dadweyne ah ayaa Dhoobo Dareed iyo wafdiga la socda ku soo dhoweeyey halkaasi, kuwaas uga hortagay duleedka magaalada. Guddoomiyaha xil ka laga qaaday oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Dhahar soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan. Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen Dhoobo Daareed xildhibaano gaaray 49 Mudane ayaa waxa uu dib ugu laabtay gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey. Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedp oo sheegay inay ka tashan doono aayaheeda Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  19. PRESS RELEASE London, UK Monday, November 11th 2019 The Federation of International Employers (FedEE) writes at 10:00 am BST Embargo: Immediate release A personal reflection by Robin Chater, from the international Think Tank FedEE. Whatever went wrong? The 90s and now I remember the 7th of August 1998 very well because that was the day I resolved to stop travelling by plane. The attacks on two US embassies in East Africa brought to the fore an organisation called al-Qaeda and I knew instinctively that their next target must logically be an aircraft. The golden age of the 1990s was over and the World’s post-war regained innocence was destroyed. I never flew again until 2003, by which time the post 9/11 security blitz and hysteria had made the entire World so bleak and distrustful. The cold war had ended, but a far dirtier one had begun. Things had all been so different after Mikhail Gorbachev had announced on December 7th 1988, to a stunned UN Assembly, that the Soviet Union would no longer meddle in the affairs of eastern European countries. The World held its breath – and even doubted its own optimism when events in Tiananmen Square seemed to reverse the tide a year later. But as the year turned in 1989 Francis Fukuyama was declaring the “end of history”, a message that rang out as it was finally realised that western liberalism had triumphed. Looking back, for those of us that were around at the time, the 90s meant more than the fall of the iron curtain. It was the era of Microsoft and Apple, MTV, “Friends” and wall-to-wall Nirvana, it was the time when Germany reunited, the EU was born through the Maastricht Treaty and Mandela was released from prison. Yes, there was the Rwanda massacre, the first Iraq war and the death of Princess Di, but somehow all seemed essentially set for a positive future and no-one really distrusted change. But how the benefit of time improves perspectives. Now we can not just ask what went so horribly wrong, but can no longer hope for anything else. The first crack in the liberal Utopia came as greed – a throwback from the Bush and Thatcher years – met economic naivety for many people who had started online trading. I can recall back in 2005 meeting a complete stranger at a petrol filling station who went into raptures about how much money they had made by trading on-line that day. “What was the secret to selecting a winner?” I asked. “That’s the beauty of it, they are all going up every day.” So, what first went wrong was that the huge bubble burst and “the beauty of it” was no more. The truth was out – that western liberalism was inextricably linked to a flawed capitalism that could never be sustained. By the time the recession was over a cultural implosion had taken place that few of us can still articulate, but only know by its uncomfortable aftermath. Nothing is as it was, or truly works any more. Look at Google trends for proof – we are all more interested in lies, but also in politicians. We respect the law, but not lawyers and no longer believe in words like “trust”, “democracy” or “authority”. The feeling that is more evident as we search the net is fear: fear of uncertainty, foreigners, crime and the future itself. What thus defines the World as we enter the third decade of this millennium is that we no longer have any faith in the future. This is reflected so well in social movements such as the French “yellow vests”, and protest groups in Chile and Hong Kong. What started with one issue quickly spread to a multitude of discontent. The mass of people do not really know for sure what they want any more, but they do not want the status quo. In fact, what unites everyone is the act of protest itself. Like in the anarchist collectives of Barcelona during the Spanish civil war, the revolution must be perpetuated because it is the ambivalence and confusion that is the fundamental unifying purpose. It is not the end of history that has taken place, but the death of the future. We no longer wish to know what it will be like in 50 years time. Futuristic movies will now find it very hard to find the Hollywood money to make them. Neither is nostalgia something to shed tears on the Ipad. It is all about “now” and a stark reality that we can no longer escape from. We believe in nothing and can no longer wait for dreams we anyway doubt. Hedonism does not come anywhere near to the state we thirst for, but until then a crazy hell will do. For further information please contact Eustace Fernsby at the FedEE Press Office on press@fedee.com and 0044 203 608 4412. What is FedEE? The Federation of International Employers (FedEE) is a leading corporate membership organisation for multinational companies. It was founded in 1998, with financial assistance from the European Commission. Today it is an independent body with corporate members all around the globe. Qaran News
  20. Ururka ONLF ayaa caawa magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida oo maalmihii la soo dhaafay shir-weyne uga socday ku dooratay Guddoomiye cusub. Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka ONLF, ka dib markii uu helay 340 cod oo ka mid ah ku dhawad 600 oo ergo oo codeynayey, halka ninkii la loolamayey Axmed Yaasiin uu helay 251 cod. Maadey ayaa ka mid ahaa asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta. Cabdiraxmaan Sh. Mahdi Maadey Ururka ONLF ayaa muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska argagixisada kaddib isbaddalladii ka dhacay dalka Itoobiya. ONLF ayaa hadda ka dib noqonaysa xisbi siyaasadeed, waxaana u qorsheysan in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota ee deegaanka Soomaalida ka dhici doonta sannadka dambe. PUNTLAND POST The post ONLF oo dooratay Guddoomiye cusub appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-111119.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf oo la hadlay lanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay dacwaddii Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka gudbiyay madaxda dowladda federaalka. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan dacwadaas maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysigeeda dacwadda uu u soo gudbiyey Xisbiga Himilo Qaran eek u aadan xayiraadii garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweyne Shariif Sheikh. Baashe Yuusuf guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in haatan ay maxkamaddu awood u leedahay in ay qabato kiiskaas ayna madax banaantahay, isagoo sheegay in dhinicii kale ee ay ku socotay dacwadu ay la wadaageen ayna ka soo jawaabeen. Xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka hogaamiyana uu ka yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka Shariif Sheikh Axmed ayaa dacwad ka dhan ah xayiraddii safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo bishii September u gudbiyay Maxkamadda Sare. Halkaan ka Dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/cod-1-abdiqani-.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com