-
Content Count
213,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-04112019.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe. Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,iyada oo Safiirkana uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan. Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan,wuxuuna sidoo kale tilmaamay ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Ingiiriska appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u muquda inuu ka guuray hal ku dhigga Nabad iyo Nolol, ee xukuumaddiisa ay caanka ku ahayd, una guurey hal ku dhig cusub oo uu adeegsigiisa billaabay. Ra’isul wasaaraha ayaa ha ku dhigii Nabad iyo Nolol ku beddshay isticmaalka laba hal ku dhig oo cusub, kuwaas oo kala ah: Hiigsi iyo Horumar iyo Ammaano iyo Adeeg Ra’isul wasaare Kheyre ayaa hal ku dhigyada cusub u adeegsaday gunnaanadka qoraal ku saabsanaa kulan dhex maray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Dr. Xaafid Gaanim oo lasoo dhigay bartiisa Twitter-ka. Arrintaan uu ku dhaqaaqay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa fasiraado dhowr ah laga bixiyey, ayada oo qaarkood ay ku macneeyeen inay qeyb ka tahay ololihiisa ku aadan doorashada dalka ka dhici doonto 2021 oo la filayo inuu noqdo musharax ka madax banaan dowladda talada heyso. Sidoo kale, xubno isaga ku dhow ayaa sheegay in hal ku dhigyada cusub ay qeyb ka yihiin un kuwa badan oo uu adeegsado balse aanu ka guurin “Nabad iyo Nolol”. Madaxda ugu sarreysa dalka ayaan ilaa hadda ku dhawaaqin wax xisbi ah, wuxuuna horey u sheegay Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed inay dowladda ku dhawaaqi doonto xisbi weyn. Lama ogo haddii ay Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha ku heshiin doonaan xisbiga cusub oo ay dowladda ku dhawaaqi doonto in kastoo loo badinayo inay ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha ku tartami doonaan kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya taasoo aan aheyn mid ku cusub siyaasadda Soomaaliya. Ra’isul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa horey ula tartamayey Madaxweyne Sheekh Shariif doorashadii dhacday sanadkii 2012. Sidoo kale Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa doorashada kula tartamay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2016. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Musuqmaasuqa oo la horjoogsan waayaa, waa halkuma taale Waa nin hashiisii lagu hormaalaayo, isaguna u heesaaya ama Hoogayayduun hayoo, hoos u foorare Tuuga haybta kugu raaca, intaad hoosta gelinayso Hayaaydaadu ogow waa huf iyo been Horumarka ubadkaaga oo la halaloobin, yaan laguu hadoodiline By Axmed Toorno Qaran News
-
Macharia Kamau Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in wefdigii ka socday dalkaasi ee ka qeyb-galay xafladdii Caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, ay ogolaansho ka haysteen xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay raalli k ahayd tegitaanka wefdiga kenya ee magaalada Kismaayo, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu hadda wanaagsanyahay. Sidoo kale, doorashadii ka dhacday Jubaland ee mar kale lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, ayuu ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ahayd oo si nabdoon u dhacday, isagoo bogaadiyay guusha Axmed Madoobe ka gaaray doorashadaasi ”Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri Macharia Kamau. Macharia ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd wafdigii ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, oo aysan jirin wax xad-gudub ah oo Kenya ay ku sameysay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kenya oo sheegtay in wefdigii uga qeyb-galay Caleema-saarkii Axmed Madoobe ay ogolaansho ka haysteen dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii ugu dambeeyey ee Galmudug waxaa ay sheegayaan in maanta magaalada Dhuusamareeb laga dejiyey ilaa 50 askari oo Haramcad ah kana tirsan booliiska Soomaaliya, lama oga waxa loo adeegsan doono, laakin si nabad ah ayey ku tageen. Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf ka dhex jiro Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka ah kadib markii ay ciidamada dowladda la wareegeen degmooyinka Guriceel iyo Matabaan, horayna la isku mari la’aa arrimaha doorashada. Dhinaca kale, muddo bil ah waxaa deegaannada Galmudug dhibaato ku haya Ayax, beero yar oo halkaasi dadku ku lahaayeen iyo xataa wixii dhir, caleemo ama cows ahaa waa cunay, waxaa kale oo laga cabsi qaba ain koronkorada uu ka tago ay sidoo kale dhibaato ku noqon doonto deegaanka sanadka soo socda. Wararkan oo faahfaahsan, kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusaareeb (Caasimada Online) – Warar baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay soo saaratay amar culus oo ka dhan ah dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee haatan ka socda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Amarkan oo la ogeysiiyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu sheegay in aan wax dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo la xariira doorashada maamulka Galmudug, islamarkaana aysan ogeyn dowladda dhexe aan lagu qaban karin gudaha magaaladaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in geedi socodka doorashada looga dambeynayo kaliya guddiga farsamada ee ay horay u magacowday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka kooban illaa 13 xubnood. Ugu dabeyn guddiga uu magacaabay Sheekh Shaakir oo 11 xubnood isna ka kooban ayaa looga digay in shirar siyaasadeed ay ku qabtaan Dhuusamareeb, waxaana loo sheegay in dowladdu ay u wakiilatay howlahaasi guddiga wasaarrada arrimaha gidaha Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqata in dowladdu ay markan awood u adeegsaneyso xiisada ka aloolsan Galmudug oo sii xoogeysatay, kadib markii ay Ahlu Sunna ka hortimid dadaallada dowladda ee maamul dhisida gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka markale diyaarad siday ciidamo ka tirsan kuwa dowadda ay ka degtay magaaladaasi. Ciidamadan oo ah kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa la sheegay in lagu wareejin doono ammaanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad xoogan o u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug. Khilaafka ayaa ka dhashay sameynta guddiga farsamada doorashada oo ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kaas oo ay ka hortimdi Ahlu Sunna Waljamaaca. View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday tirakoobkii laga sameeyey dalkaas. Uhuru ayaa sheegay in tirada Guud ee dadka ku nool Kenya ay yihiin 47.6 milyan ,halka sanadkii 2009 ilaa 2019 ay dadka kasoo biiray Shacabka Kenya ay gaarayaan 9 milyan oo qof. Sidoo kale tirade raga ku nool Kenya ayuu ku sheegay 23.6 milyan halka haweenkana ay yihiin 24 milyan,waxaana tani ay ka dhigan tahay in Ragga & Dumarka ay haweenka ku badan yihiin Kenya. Ugu dambeyn Gobolka Soomaalida ayaa tirada dadka kunool lagu sheegay 2,490,073 ( laba milyan afar boqol iyo sagaashan kun iyo todobaatan iyo sedex qof ). Magaalooyinka tirakoobka laga sameeyey gaar ahaan kuwa oo ay Soomaalida degan yihiin ayaa waxaa ay kala yihiin tirada dadka ku nool, Mandera 867, 457 qof, Garissa 841,353 qof iyo Wajeer 781,263 qof. Tirakoobka sanadkan ee dadka Kenya waxaa ku jiray dadka isku jinsiga ah ee isu taga waxaana tiradoodu kor u dhaaftay 1,500 qof. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo la shaqeeynta hay’adaha ammaanka. Madaxweynaha ayaa shacabka ku nool dagmada Baraawe ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidamada qalabka sida ee har iyo habeen u taagan sidii ay u badbaadin lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday inay sii kordhiyaan dadaalkooda. Dhanka kale Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa saraakiisha ammaanka kala hadlay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin K/koonfur Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa shalay gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhismahiisa la soo gabagabeeyay, sidoo kale wuxuu soo kormeeray xaaladda guud ee magaalada Baraawe iyo sida adeegyada bulshada ay u shaqeeyaan. View the full article
-
Goobjoog Sports ayaa kuu soo gudbinaysa guud ahaan dhacdooyinkii dhacay bisha October 2019 ciyaaraha Soomaaliya,iyadoo aan horay aqristiyaasheena sharafta badan ugu soo bandhigay bilooyinkii ka horeeyay. 01-October-2019-Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa hoyga uu ka daganyahay wadanka Masar ku qaabilay ciyaaryahanada Soomaaliya ugu qeyb galay ciyaaraha Golf Pan Arab Championships oo sanadkan lagu qabtay magaalada Qaahira. 02-October-2019-Kooxda Heegan Sports Club ayaa bogooda bulshada ku shaacisay in laacibkeeda qadka dhexe Mahad Maxamed Mahad (Saaha) oo iskaga fariistay gabi ahaan ciyaarista kubbadda cagta. 03-October-2019-Kooxda Degmada Xamar Jajab ayaa mudo dheer ka dib usoo baxay rubac dhamaadka tartanka kubabdda cagta Degmooyinka 2019,xidigaha Xamar Jajajb ayaa 2-1 kaga badiyay kooxd Hodan. 04-October 2019-Degmada Dharkenlay ayaa 8-sano ka dib usoo gudubtay wareega Sem-Finaalka tartanka degmooyinka,ka dib markii ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda degmada Shibis wareega sideed dhamaadka. 05-October 2019-Ciyaaryahan Farxaan Cumar oo ka mid ah kooxda PIF ee ka dhisan wadanka Finland ayaa kooxdiisa u soo saaray horyaalka heerka labaad ee Division 2,isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanahay taariikhda iyo guulaha uuu la sameeyay naadiga reer Finland. 06-October 2019-Xulka Soomaalliya ee Taekowndowga ayaa ka qaybgala Riga Open World Championship 07-October 2019-Dagmada Waabari ayaa markii 5-aad oo xiriir ah gaartay finaalaha koobka dagmooyinka Gobolka Banaadir,kadib markii ay ka adkaadeen kooxda dagmada Shangaani kulanka labada dhinac ayaa waqtigii looga talagalay ku dhamaaday barbaro 0-0,hase yeeshee waxaa 4-3 rigoorayaal sanadkii 3-aad oo xariir ah kama dambeysta taranka degmooyinka ku tiigsaday xidigaha kooxda degmada Waaberi. 08-October 2019-Degmada Dharkenley ayaa mudo sideed sano ah ka dib ah u soo baxday fiinalaha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ,ka dib markii gool ku laadyo 4-2 ah kaga badisay Xamar Jajab. 09-October 2019-Kooxda Heegan ayaa saxaafa usoo bandhigtay in ay soo qaateen goolhayaha kooxda degmada Waaberi u sahlay in ay soo tiigsato fiinalaha tartanka degmooyinka 2019 Cabdiraxmaan Daahir (Abwaanka),isagoo badal u noqonaya laacib Mustaf Maxamed Yuusuf oo kooxda ka tagay. 10-October 2019-Xariirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku sameeyay isku aadka koobka sanadaha ee Jeneraal Daa’uud waxaana isku aadka ka qeyb galay madaxda kooxaha Soomaaliya. 11-October 2019-Maamulka dagmada Xamar Jajab ayaa laacib Daadir Amiin Cali u magacaabay guddoomiyaha isboortiga degmada,isagoo kooxda Xamar Jajab mudo dheer ka dib u sahlay in ay soo gaarto Semi-fiinaalka tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2019. 12-October 2019-Wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada,Xariirka Kubbadda cagta iyo guddiga dhismaha garoonka kubbadda cagta Mira Awaare ayaa Puntland kusoo dhaweeyay Injaneerada Samayn-Lahaa Cabirka iyo Naqshadda Rooga Cagaaran ee garoonka waxaana laga wadaa in Puntland ay hesho garoomo casri ah. 13-October 2019-Ciyaartooydii hore kooxda kubbadda cagta Heegan iyo kuwa iminka dheela ayaa kulan saaxiibtinimo ku ciyaaray Muqdisho waxaana kulankaa badiyay halyayadii hore ee naadiga Heegan waxaana kulankan kasoo muuqday Diyeeshe Dheer oo ka mid ah xilidhibaanada Golaha shacabka. 14-October 2019-Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden ayaa noqotay naadiga 2-aad ee ugu aqlaaqda wanaagsan horyaalka Division Four ee dalka Sweden waxayna arintan dhiiri-gelin iyo hor u socod u noqotay maamulka Som United oo koox Soomliyeed. 15-October 2019-Macallinka reer Uganda ee hogaamiya kooxda Elman Robert Mayang ayaa qaatay diinta Islaam,isagoo sheegay in aad ugu helay habdhaqanka dadka Muslimiinta kusoo biiritaanka diinta islaamka tababaraha Elman waxaa goobjoog ka ah boqolaal qof. 17-October 2019-Injineerada gacanta ku hayo garoonka cayaaraha Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa guddiga dhismaha garoonka,Wasaarada Ciyaaraha iyo Xariirka Kubbadda Cagta Puntland u soo bandhigay qaabka ay doonayaan in ay u dhisiyaan garoonka markii ay dhameeyaan howsha iminka ka socota. 18-October 2019-Maamulka Kooxda Elman Sports Club ayaa amaanay macallinkooda reer Uganda Robert Mayanga oo qaatay diinta Islaamka,isagoo sheegay in loo bixiyay magaca Ciise,Maamulka Elman ay howshan ku bogaadiyay saaxiibadii ka shaqeeyay mudadii ay soo socotay sanadihii lasoo dhaafay. 19-October 2019-Garsoorayaasha heerka caalami ee Soomaaliya ayaa dhex Dhexaadiyay kulanka ka tirsanaa tartanka chan wuxuuna kulankaa u dhaxeeyay Xulalka Uganda iyo Burundi,garsoorayaasha kulankaa kasoo muuqday waxa ay kala ahaayeen Xasan Xaaji,Suleymaan Bashir ,Nuur Cabdi iyo Max’ed Nuur. 20-October 2019-Oradyahan Cabdi Lucky oo Soomaaliya orday tartanka Amsterdam Mrathon 2019 ayaa galay kaalinta 13-aad ee kala horeynta,isagoo soo bandhigay tayo sare bilooyinkii laga soo gudbay laacib Cabdi waxa uu ka qeyb galay tartamo kala duwan ee dhinaca oradka kuwaas oo ka kala dhacay wadamada Yurub iyo Africa,isagoo sanada soo aadan rajaynayo in uu gaaro kaalama sare oradka caalamka. 21-October 2019-Tartanka Kubbadda Cagta Jeneraal Daa’uud 2019 ayaa ka furmay caasimada Muqdisho waxaana kulankii furitaanka wada dheelay kooxaha Gaadiidka iyo Badbaado,iyadoo furitaanka ay ka qeyb galeen maamulka Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo madax ka socotay ciidan xoogga dalka. 22-October 2019-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhismaha iyo dib u dayactirka garoonka kubbadda cagta Bosaaso ugu deeqay lacag dhan $200,000 waxaan arintan soo dhaweeyay Xariirka Kubbadda cagta Puntland iyo bahda ciyaaraha. 23-October 2019-Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa shan ka dib guushii ugu horeesay ka gaartay naadiga Dekeddaha,kulamadoodii kowaad ee tartanka sanadlaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxaana goolka qura ay ku badiyeen u dhaliyay laacibkooda Feysal Axmed Xasan. 24-October 2019-Maamulka Kooxda Heegan Sports Club ayaa shaaciyay in ay dib naadiga ugu soo celiyeen laacibkooda qadka dhexe Mahad Maxamed (Saaha) uu horaantii October 2019 sheegay in uu gabi ahaan ka fariistay ciyaaraha kubbadda cagta. 25-October 2019-Kooxaha Kubbadda cagta Horseed iyo Elman oo wada ciyaaray is aragoodii kowaad ee tartanka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse ayaa ku heshiiyay barbaro goolal la’aan,iyagoo ku jira Group B. 26-October 2019-Injaneer gacanta ku haayo dhismaha garoonka Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo bandhigay dhaqshada iyo qaabka ay doonayaan in uu ekaado markii ay dhamaayeen howlaha iminka ka socdo waxaan sawirro muujinaya naqshadeentiisa lagu soo bandhigay barabraha bulshada. 27-October 2019-Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa horomar wanaagsan iyo kobac kasoo sameeyay dhinaca kale horenta qiimeeynta FIFA,isagoo soo galay kaalinta 198 maadam uu haray xulkeena Soomaaliya looga bartay kaalama 202 iyo wixii ka hooseeya,balse arintan ayaa ku timid da’daalada wanaagsan ay muujiyeen. 28-October 2019-Yoonis Cabdirashiid Egag oo ah weeeryahanka kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden ayaa ku guulaystay gool dhalinta horyaalka fasal ciyaareedkan 2018-2019,isagoo dhaliyay 17-gool 18-kulan oo uu dheelay wuxuuna ka mid yahay laacibtiina ugu tayada wanaagsan ee ka dheela dhinac weerarka wadanka Sweden. 29-October 2019-Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cali Cabdi Maxamed ayaa kormeer ku tagay tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho,iyagoo sheegay in ay madaxda Dowladda Soomaaliya ay shaqo wanaagsan ka qabteen dib u dhiska garoonka Muqdisho Stadium mudadii ay gacanta ku haysay. 30-October 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray xafiiska naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club,Furitaanka xafiiskan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay Gobolka Banaadir,Xariirka Kubbabadda Cagta ,macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga. 31-October 2019-Yoonis Cabdirisaaq Faarax ayaa kooxda reer Norway ee Trysil kula guulaystay horyaalka heerka afaraad ee dalka wuxuuna ka mid ahaa xidigihii kaalinta wanaagsan ka qaatay labadii kulan ee xulka Qaranka la dheelay dhigiisa Zimbabwe bishii September 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhacdooyinka Bisha October 2019 Oo Muuqaal Ah W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ciidamo dheeriya oo ka tirsan Booliska gaarka u carbisan ee lagu magacaabo Haramacadka waxay ku daabushay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dowladda ayaa ciidankaasi ka soo daabushay magaalada Muqdisho waxaana lagu biiriyay ciidamadii horay u joogay Dhuusamareeb oo ka koobnaa Booliska gaarka ee Haramcad iyo Kumaandooska DANAB. Tallaabadan cusub ayaa ku soo beegmatay xilli ay magaalada Dhuusamareeb ka aloosantahay xiisad u dhexaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaadka Ahlusuna oo halkaasi horay uga talin jiray. Labada dhinac ayaa ku muransan arrimaha doorashada Galmudug iyo saamiga kooxdaasi laga siinayo xildhibaannada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug iyadoo ay laba guddi-doorasho kala magacaabeen xukuumadda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna. Sidoo kale ciidamada dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin ka hor malayshiyaadka Ahlusunna kala wareegay degmooyinka Guriceel iyo Matabaan taasi oo xiisadda labada dhinac sii kululaysay. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaka ciidamo dheeriya gaysay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Qaybta kowaad : Hordhac: Ummadda Soomaalidu xaggee ayay ka soo jeedaan asal ahaan? Ma Carab ayay ka soo jeedaan? Ma qoomiyadda Oromada ayay ka soo jeedaan? Mise Afrikaan ayay ka soo jeedaan? Jawaabta weyddiimahan, ilaa hadda si rasmi ah looma garan karo, mana jirto jawaab qudh ah oo ay ku midaysan aqoonyahannada iyo xeeldheerayaasha ku talaxtagay aqoonta taariikhdu. Ummadda Soomaalidu waxa ay ka mid tahay qoomiyadaha deggan waddamada bariga Afrika. Shantii Soomaaliyeed, waxa ka suurtagalay in la helo saddex dawladood oo madaxbannaan, aakhirkiina laba dawladood oo saddexdii ka mid ahi markii ay isku darsadeen (British Protectrate Somaliland iyo Somali Italian) waxa soo hadhay laba dawladood oo madaxbannaan. Intii ka dambaysay burburkii dawladdii kelitaliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre 1991kii, goballadii Waqooyi ee Soomaaliya waxa ay dib ula soo noqdeen xornimadoodii. Laakiin ilaa hadda ma aanay helin wax aqoonsi ah, mana jirto dawlad qudha oo ilaa hadda dal madaxbannaan u ictiraaftay. Wixii burburka ka danbeeyay, Koonfurta Soomaaliya iyaduna waxa ay ku jirtay dagaallo sokeeye ama xaalado amnidarro ah. Intaa wixii ka danbeeyay, waxa lumay in aan si cad loo oddorosi karin meel ay saldhigan doonto iyo mustaqbalka halka uu ku dambayn doono aayaha ummadda Soomaalida ee Geeska Afrika. Marka la soo ururiyo, dhulweynaha Soomaalidu deggan tahay, maanta Jabbuuti oo qudha ayaa ka ah dal si buuxda u madaxbannaan; DDS iyo NFD waxa ay weli ka mid yihiin labada dal ee Itoobiya iyo Kiiniya. Soomaalilaand weli ma ay helin aqoonsi caalami ah, halka ay Koonfurtana weli tahay dal u baahan cid la dhista amnigii gudaha iyo nidaamkii dawladnimo ee soddonka sannadood soo burburayay. Marka uu xaal sidaas yahay, su’aalo badan ayaa dadka dooda dhexmara oo ah mustaqabalka dadka ama ummadaha Soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika sida u noqon doono xaalkooda mustaqbal; haddii xaaladuhu sidan ku sii jiraan? Halka dhanka kale dooddu odhanayso, werwer ma laha oo ma noqon doonaan ummad dabargo’da ama ay lunto awooddooda ummadnimo ee ay ku leeyihiin mandaqadda geesku. Gobalka Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Itoobiya, waxa uu ka mid yahay gobollada mahadiyay isbeddalkii siyaasadeed ee ka dhacay dalkan, 2018. Soomaalida deegaan ahaan deggan gobalku ma ay noqon kuwa qudha ee ka faa’iiday isbeddalkaas, bal se waxa arrintaas sida oo kale ku reeyay dhammaan cid kasta oo ka soo jeedda ama ku abtirsata sinjiga Soomaalida. Sababta oo ah, wixii ka dambeeyay isbeddalka siyaasadeed Jigjiga oo ah magaalamadaxda DDS, Jigjiga waxa ku soo qulqulayay tiro aad u badan oo ka mid ah ummadda Soomaaliyeed ee ka soo kala jeedda shanta gees ee Soomaalida. Sidaas darteed, waxa la odhan karaa, maanta waxa DDS iskugu yimid aragtidii siyaasadeed ee hore u fashilintay ee ahayd shanta Soomaaliyeed. Marka aad dhex marto suuqyada kala duwan ee magaalda Jigjiga, waxa aad ku arkaysaa shantii Soomaaliyeed oo si bilaa dhibaato, bilaa xasarad, bilaa xanaf iyo bilaa cunfi ah ku wada nool ama ku wada shaahaynaya. Waxa xusid mudan in xukuumadda hadda taladda haysa ee gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Mustafe Cagjar ay si aan gabbasho lahayn oo sharaf iyo maamuus leh ugaga nuuxnuuxsatay fagaarayasha la iskugu yimaaddo in halkan xarunta Jigjiga ay tahay, noqon doontana, meel u siman oo kulmisa dhammaan dadka u dhashay qooyimadda Soomaalida, ama ujeeddo ahaan meel hoy u wada ah Soomaali oo idil. Siyaasadda caynkan ah ama khudbadaha madaxweynaha ee farriimaha sidan ah xanbaarsani waxa ay runtii si xooggan u gilgileen quluubta iyo laabaha qof kasta oo ka isiran ummadda Soomaalida ee ee siyaasadda nacaybshaha iyo xumaatada siyaasigu kala qoqobtay. Taasi waxa ay dhalisay in ay dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirradaan in ay yimaaddaan Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida, kii iman kari waayayna uu qalbiga duco iyo farxad uga soo diro. La soco ………………. W/Q. Yuusuf Garas Addis Ababa Ethiopia Source
-
Hirar waawayn oo badda Laasqoray ka soo kacay ayaa dibadda u soo saaray oo burburiyay ugu yaraan toban doonyood Waxaana jira walaac laga qabo inay biyuhu galaan guryaha sida uu BBC-da u xaqiijiyay, Badhasaabka badhan u jooga Somaliland Cali Xuseen Saalax. Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo inay mahiigaannada ka da’aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya. Shalay ayay ahayd markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah. Dhanka kalana waxaa hoos u dhacay roobabka ka da’aya Juba, Shabeelle iyo waliba dhulka buuralayda ah ee Itoobiya. Daadad iyo fatahaado badan oo arrintaas ka dhashay ayaana khasaare badan ka gaystay deegaanno badan oo Soomaali ah Duufaan markale ku soo socota xeebaha Puntland iyo Somaliland berito sida ay sheegeen xarunta hawada ee urur goboleedka IGAD. Waxay sheegeen in duufaantu soo gaarayso berito xeebaha Somaliya. Digniin:- Saaka waxa jira daruuro badan oo onkod samaynaya waxay u eeg yihiin roobabki la saadalinayay, dadweynaha reer Berbera waxaan uga digaynaa meelaha biya mareenada ah inay u dhawaanin Ka dawlada hoose ahaan waxaan heegan buuxa galinay dhammaan shaqaale waynaha dawlada hoose oo ku jira diyaar garaw iyo inaan xaalada la socono. Ilahay SW marka aynu is baydhino ayuu isna ina badbaadinayaa. Source
-
Wararka ka imaanaya degmada Kaxda ee gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi askari ku dhaawacay gabar deegaanka ah. Askariga oo la sheegayo inuu ka tirsan yahay maamulka degmada ayaan la ogeyn sababta uu xabadda ula dhacay gabadha. Dibad-baxyo ayaa socda oo ay dhigayaan dadka deegaanka kuwaas oo ka carooday dhaawaca uu askariga u geystay gabadha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti heer wasiir ku xigeeno ah oo ka socda Somaliland ayaa ka qayb galay shir weyne Caalami ah, kaga qayb galay dalka Jarmalka. Weftiga Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf isla markaana ay xubno ka yihiin wsiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta Qaranka iyo masuuliyiin kale,ayaa magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka shir caalami ah kaga qayb galay ka dib markii si rasmi ah Somaliland shirka loogu soo casuumay, halkan hoose ka DAAWO warkaas oo faah-faahsan Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka markale ciidamo geysay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaas oo diyaarad looga qaaday magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ciidamadan oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gaaraya illaa 50 askari, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlada goboleedka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu xoojin doono kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi, islamarkaana ay la wareegi doonaan xarumaha ay shalay ka baxeen kuwa maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Dowladda Soomaaiya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ciidamo ku daabulisay Galmudug oo uu weli ka taagan yahay khilaaf ka dhashay arrimaha doorashooyinka la filayo in dhowaan ay ka dhacaan maamulkaasi. Sidoo kale arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay xiisad xoogan oo u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna ay ka taagneyd magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Xaaladda Galmudug ayaa sii xumaaneysa, waxaana uu hardanka u dhexeeyaa dowlada dhexe iyo hoggaanka Ahlu Sunna oo raba inay awood muuqata ku yeeshaan maamulka cusub ee la doonayo in loo dhiso Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Hoggaamiyaha garabka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland(Somalia), ayaa wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub ee loo magacaabay ururka Daacish, kadib markii la dilay Abu Bakr al-Baghdadi. Garabka Daacish ee Soomaaliya, ayaa barta internet-ka ee Telegram ku baahiyay sawirka hoggaamiyahooda, Sheikh Abdul Qadir Mumin oo geed hoostiis fadhiya, islamarkaana ay weheliyaan xubno ka tirsan kooxda. Qoraal kooban oo la soo raaciyay sawirka, ayaa Sheikh Abdul Qadir Mumin ku ballan-qaadayaa in uu daacad u noqon doono hoggaamiyaha cusub ee urur weynaha Daacish, Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi. Hoggaanka cusub ee Daacish ayaa la magacaabay, kadib markii ciidamada Maraykanku ay 26-kii bishii tagtay ee October hawlgal qorshaysan ku dileen hoggaamiyihii hore ee ururkaasi Abu Bakr al-Baghdadi. PUNTLAND POST The post Abdul Qadir Mumin oo wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub Daacish appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ugu baaqay Ummaddaha Islaamka in ay ka qayb qaataan u gargaaridda Shacabka Soomaaliya ee tabaaleysan, waxa aanu sheegay inay tahay mas’uuliyad saaran dhammaan dalalka Caalamka oo dhan. Warkaan ayuu ka sheegay kulanka Wasiirada kooxda xidhiidhka oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay caasimadda dowladda Qatar ee Doha. Wasiir Mevlüt Çavuşoğlu ayaa beesha caalamka ugu baaqay in aan laga aamusin dhibaatadda shacabka Soomaaliya heysata. “Khilaafka dhaxdeena ah waa in aan meel aan iska dhignaa, waanna in aan mideeynaa mowqifkeyna si aan ugu shaqeyno nabad ku soo dabaalida iyo badhaadhaha Soomaaliya, sidoo kale waa in aan xoojinaa xasiloonidda siyaasadda, amniga, dhaqaalaha dalka Soomaaliya”. Waxaa uu intaa ku daray in Dawladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiyeen dhanka bini’aadanimadda iyo Horumarinta oo ay ku baxday Lacag gaadheysa hal bilyan oo dollar. Source
