-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn Dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Mudane Baashe-cadde oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin Qaranimada Somaliland, Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo.” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na waa lama taabtaan.” ayuu yidhi. Source
-
Kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed Sports Club ayaa 3-2 kaga badisay dhigeeda Muqdisho City Club,iyagoo wada dheelay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse 2019 waana sanadkii labaad oo xariir ah ay labada naadi soo tiigsanayaan kama dambeystan tartankan. Kulankan ayaa waxaa 3-2 ku badiyay wiilasha uu hogaamiyo macallin Cabdi Joon ee Horseedwaxaana goolasha labo ka mid ah u dhaliyay ciyaarayahan Xasan Cabdi Nuur,halka goolka kale uu ansixiyay laacib Maxamed Shiine,iyagoo markii kolkii lixaad u dabaal dagay hanashada koobka Jeneraal Daa’uud. “Waa ku faraxsanahay guushan qiimaha badan waxaan kusoo bixinay da’daal dheer waxaan u mahad celinaynaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda oo juhdi wanaagsan bixiyay tani iyo bilaawgii koobka Jeneraal Daa’uud” ayuu Goobjoog ugu waramay tababaraha Horseed Cabdi Joon. Dhinaca kale guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa soo dhaweeyay guushan muhiimka ay kooxdiisa ka samaysay koobka sanadalaha ee Jeneraal Daa’uud . “Wiilashayda way mahadsanyihiin waxay fuliyeen balantii aan ku balanay ee aheyd hanashada koobkan qiimaha badan u leh naadiga Horseed waan bogaadinayaa da’daalka iyo shaqada adag ay soo bandhigeen intii uu socday tartankan,sidoo kale waxaan u hambaleynaynaa kooxihii kale ee aan kawada qeyb galnay koobkan” ayuu Goobjoog u sheegay guddoomiyaha kooxda Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, halkaasi oo inta badan ay ciidamadiisii ku biireen dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe oo ka hadlay shirkii golaha wasiirada Jublanad ee maanta ayaa sheegat in xaaladda kasoo cusboonaatay Gedi “aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda” Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu magacaabi doono guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo. Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya ayada oo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku sugan yahay Ceel-waaq Kenya islamarkaana uu ku guuleysan la’yahay inuu galo gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan ayaa in uu soo galo gudaha Soomaaliya gaar ahaan Ceel-waaq waxaa u diiday dadka degaanka oo u diyaar garoobay Banaanbax iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo dhawaan sheegay in ay ku biireen Ciidamada Soomaaliya halka markii hore ay ka amar qaadan jireen Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa myddo todobaad ah ku sugan Kenya waxa uuna raadinayaa in uu tago degmooyinka Ceel-waaq, Luuq iyo Doolow balse waa arin aad u adag sida ay soo sheegayaan odayaasha degaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayadoo gacan ka heleysa Itoobiya ay lasoo wareegto inta badan ciidamadii Jubaland ee ku gobolka Gedo, taasi oo caqabad ku noqotay maamulka Jubaland oo hadda u muuqda inuu lumiyey gobolka Gedo.
-
MOGADISHU (HOL) - The death of prominent Somali-Canadian human rights activist Almaas Elman, who was shot in Mogadishu yesterday, shows the risk faced by activists in the country and underlines the need for the authorities to ensure the safety of civilians, said Amnesty International. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Abwaanno Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu. Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka dalka Japan appeared first on Puntland Post.
-
Somalia is one of the world's countries worst affected by global warming, suffering near-constant droughts, heat waves and floods. Recent flooding in south central Somalia affected 547,000 people, according to U.N. estimates, at a time when more than 2 million are food-insecure. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadashay Siyaasiyiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee u safra caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Somaliland ayaa sheegtay in Siyaasiyiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee u safra Muqdisho, aysan waxba ka badaleyn qadiyada Somaliland ee gooni isku taaga. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya, ayaa ka dhawaajiyey in aan loo dulqaadan doonin Shaqsiyaadkaasi, isla markaana ay xukuumadu marin doonto shuruucda dalka. “Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo” ayuu yiri Guddoomiye Baashe. Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin waa lama taabtaan Qaranimada Somaliland”. “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na iyaduna waa lama taabtaan”. Siyaasiyiin iyo dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu arkayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyagoo arrimo kala duwan uga hayaamay deegaanada Somaliland.
-
Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegtay in ay soo qabatay shabakad ka kamid ahayd kooxda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo. Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxay sheegeen in ay Gacanta ku soo dhigeen Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Al-shabaab. Labada xubnood ee ciidanku qabteen ayaa sida saraakiishu tilmaameen waxa ay gacanta kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado iyo qaraxyo. Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in ay tageen goobo kayd u ahaa labada xubnood islamarkaana laga soo saaray 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed oo halkaasi ugu kaydsana. Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in ay soo qabteen shabakad argagixiso ah appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Kalfadhigii 48-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey. Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen: Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala. Source
-
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa culimada uga digtay in ay baraha bulshada ku dooddaan, iyadoo sheegtay in doodaha la xidhiidha arrimaha diinta ee baraha bulshada la isu mariyo ay waxyeello u geysan karaan wadajirka ummadda. Halkan ka akhriso qoraalka digniinta ah ee ay Wasaaraddu soo saartay: Digniin!!! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, Waxa ay digniin adag u diraysaa Culima -Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO) doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada jirka iyo nabadda ee aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaa ma jirto. Haddaba, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019, saacadduna tahay 2:00pm, Waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta J.S.L Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku yimi Puntland. Kulanka waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Ciyaaraha ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laáan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaídeysan doona dad gaaraya 450 oo qof. Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Dhaqaatiir iyo Dhalinyaro ka socday Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in sabtida uu madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilo hogaamiyaasha xisbiyada dalka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya. Xisbiyadaan oo gaaraya ilaa 57 xisbi ayaa lagu balamiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxayna warbixin ka dhageysan doonaan madaxweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen xubno sare oo ka tirsan Villa Somalia. Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ugu horreeyo doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020-ka iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto markii xiligaasi la gaaro, taasi oo aragti la iska weydaarsan doono. “Waxaa na balamiyay madaxweynaha Soomaaliya maalinta sabtida ah, ajandaha wali noolama soo gudbin balse waa uun kulankii ugu horeeyay oo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri mid kamid ah guddoomiyaasha xisbiyada dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Muqdisho ku qaabilay madasha xisbiyada oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed. Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Shariif iyo Xasan ayaa ah labada xisbi ee ugu saameynta badan siyaasadda dalka, hase yeeshee madaxweynaha ayaa doonaya inuu la hadlo xisbiyada yar yar ee aan inta badan codkooda la maqal. Madaxweynaha ayaa u muuqda in uu bilaabay qaabilaadda hogaamiyaasha xisbiyada dalka si looga tala-geliyo xaaladda Soomaaliya, xilli uu sii dhammaanayo muddo xileedkii u harsanaa xukuumadda iyo baarlamanka hadda jira.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu. Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dib u howlgalinta xarunta xanàanada caruurta degmada warta nabada Xarig-jarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay helaan fursada lamid ah kuwa ay waalidiintooda nool yihiin. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa digniin u diray dadka sida qaldan u isticmaala dhulalka danta guud ee bulshada loogu adeegi lahaa. Dhinaca kale, Cumar Filish ayaa xariga ka jaray dhismaha laamiga isku isku xira isgoosyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalane ee degmada Warta Nabada oo uu dib udhis ku sameeyay maamulka gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Almaas Elman oo ah gabar kasoo jeeda Qoys Soomaaliya dhaxdiisa caan ka ah. Almaas Elman Cali oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeeneysay arimaha xaquuqda aadanaha sidoo kale horey usoo noqotay diblumaasiyad sare. Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya in xarunta Dambi baarista CID-da ay furtay gal dacwadeed ku aadan dilka Almaas Elman iyo sida uu u dhacay, waxa uuna xusay in baarista ka qeyb qaadanayaan saraakiil khubaro ah. Dilka Almaas Elman oo ka dhacay gudaha xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaan wali la ogeyn sida u udhacay, waxaana gabadhan xabad ku dhacday xili ay saarneyd gaari dhax marayay gudaha xarunta Xalane. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/FF.mp3 View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen degaano hoosyimaada gobolka Jubadda Hoose. Wararka ayaa tibaaxaya in laamaha amniga ay howlgalkaasi ay ku soo qabteen afar qof oo mid ay tahay haween iyadoona sidoo kale lala xariirinayo in ay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in saacadaha ay soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonan islamarkaasi faah-faahin dheeraad ahna ka siinyaan howlgalkaasi. Afarta Qof ayaa la sheegay in ay maleegayeen weerar xarumo wasaareed oo ku yaala magaaladda Kismaayo. Dhinaca kale, Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo isku dhinac ah ayaa la wareegay Deegaano dhaca Gobolka Jubada Hoose. Deganaasi ayaa waxay kala yihiin; Buula Xaaji iyo Kaam Jaroon oo ka wada tirsan Dowlad Gobalaydka Jubbalad. Saraakiisha qeybta 43 ee Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen howlagalkaasi ay kaga saareen Dagaalyahnada Al Shabaab deeganada ay kaga sugnaaueen Gobolaka Jubada Hoose. View the full article
