Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xariirta fatahaado hor leh oo ka dhasha wabiyada Shabelle iyo Jubba, kuwaas oo hadda saameeyey nololsha dad badan oo Soomaaliyeed. War ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobab la saadaalinayo ay sababi karaan fatahaado ay sameeyaan labada wabi ee Shabelle iyo Jubba. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in fatahaadaasi ay dhici karaan labada maalin ee soo socoto, sidaa daradeedna loo baahan yahay inay dadku muujiyaan feejignaan, kana fogaadaan deegaanada ku dhow wabiyadaasi. Ugu dambeyn waxay wasaaraddu digniinteeda ku sheegtay in meelaha ugu daran ee laga yaabo in dadaadku ku dhuftaan ay ka mid yihiin degmooyinka Beledweyne, Baardheere, Doolow, gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Muddooyinkii ayaa waxaa jiray fatahaado xoog leh oo ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, sida Beledweyne oo ay ka taagan tahay xaaladdii ugu darneyd ee dhanka nolosha ah. Halkan hoose ka aqriso:
  2. Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo Dadka ay Fatahaaddu saameysay ay si wanaagsan u socdaan. Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka, Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaraddu xarumo KMG ah ay ka furatay Baledweyne, halkaas oo ah meesha ugu badan ee uu saameynta ku yeeshay Webiga Shabelle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka qaar, la gaarsiiyey gargaar billow ah, iyadoo loo eegayo meelaha ugu daran, islamarkaana ya howluhu u socdaan sidii loogu talo galay. Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa ka mid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale, Degmooyinkaas oo dadkii ku noolaa ay intooda badan isaga barakaceen. View the full article
  3. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa xalay guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka. Shirka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha fatahaadaha ka jira dalka, amniga iyo dib u soo celinta bilicda Caasimadda. Filish ayaa sidoo kale faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha amniga inay laba jibaraan howlaha shaqo ee loo igmaday. Muddooyinkii dambe maamulka G/Banaadir ayaa waday dadaallo xoogan oo lagu hormarinyo amniga Muqdisho, si looga hortago falalka lidiga ku ah nabadgelyada. View the full article
  4. Xiisadan oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saaka ka taagan gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in xiisada ay timid, kadib markii labada ciidan ay isku qabteen dad taageersan dowladda oo lagu xiray magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha iyo ciidamada dowladda la amray inay isaga tagaan guud ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Barre Cabdisalaan Yacquub ayaa Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho uga warramay xiisadaasi, wuxuuna ka dalbaday dowladda federaalka inay u soo gurmato. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-1Cadaani.mp3 View the full article
  5. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Lafta Gareen ayaa guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka gobolka Shabeellada Hoose u magacaabay, Cabdi Axmed Yuusuf, halka Mayow Yuusuf Xasan loo magacaabay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee gobolkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo dhowaan gudaha u galay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ay xireen guddoomiyeyaasha Luuq, Beled-Xaawo, Doolow iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Jubbaland ee gobolka Gedo. Sida aan xogta ku helnay mas’uuliyiinta iyo taliyaha ay kaxeysteen ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ka biyo diiday inay la shaqeeyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu haatan khilaaf xoog leh kala dhexeeyo dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha la xiray ay sharuud ka dhigeen in la sii daayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kadibna ay si toos ah ula shaqeyn doonan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare Jubbaland oo ku aadan arrintaasi iyo xarigga lagula dhaqaaqay mas’uuliyiintaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli halkeeda ay tahay xiisada siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe, islamarkaana qabsaday caleema saar aysan ogoleyn dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Guddiga Hawlaha Guud iyo Ganacsiga Baarlamanka Puntland oo ka warbixiyay kormeero ay ku sameeyeen afar kamid ah wasaaradaha Puntland iyo hay’adda PHA ayaa soo bandhigay, waxyaabihii ay ku soo arkeen xarumahaasi. Guddiga oo warbixintooda ku bilaabay kormeerkii ay ku tageen wasaaradda Hawlaha Guud iyo hay’adda PHA ayaa sheegay in ay ku soo arkeen isku dhex-yaac shaqo oo ka jira labada dhinac, maadaama aan shaqadooda la kala nidaamin, sida ay guddiga sheegeen. Warbixinta guddiga waxa kale oo lagu sheegay in garoomadaha diyaaradaha Puntland oo ay mas’uul ka tahay wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, ay jiraan lacago fara- badan oo laga qaado diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala garoomada, gaar ahaanna garoonka Boosaaso, taasi oo cabashooyin xiriir ah ka yimaadeen. Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu caddeeyay in dhammaan shaqadii wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ay la wareegtay shirkadda DP World oo gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, islamarkaana aan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay maamulaysay dekedda. Guddigu waxay ka deyriyeen xaaladda dekedda Boosaaso oo sida ay sheegeen ciid ka buuxsantahay baarkinkii ay ku soo xiran jireen maraakiibta iyo doonyaha, taasi oo keentay in gaadiidka badeecadaha looga soo daabulo badda dhexdeeda. Hoos ka daawo warbixinta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo eedayn kulul u jeediyay shirkadda DP World appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay si qasab ah ku kaxeysteen mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Jubbaland. Arrintan ayaa la sheegay inay ka dambeysay, kadib markii maalmihii dambe saraakiisha ciidamada dalka Itoobiya ee gudaha u galay degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo inay ka shaqeeynayeen sidii mas’uuliyiintaasi ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, balse taasi la sheegay inay ka biyo diideen xubnaha la xiray. Sidoo kale guddoomiyeyaasha degmooyinkaasi iyo saraakiisha laamaha amniga Jubbaland ayaa sharuud ka dhigay in la sii daayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, kadibna ay ogolaan doonaan go’aanadaasi. Xunaha ay kaxeysteen ciidamada Itoobiya, islamarkaana la xiray waxaa ka mid ah guddoomiyeyaasha Luuq, Beled-Xaawo, Doolow iyo sidoo kale taliyaha guud ciidamada Jubbaland ee ka howlgala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee haatan u dhexeysa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-06112019.mp3 View the full article
  10. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale digniin ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo in roobabka dayrtu ay ka sameeyaan degaanno ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaanna degmooyinka ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle. Qoraal ka soo baxay wasaaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda la saadaalinayo, in roobab xooggan ka da’aan dhulka buuraleyda ee dhinaca Ethiopia, islamarkaana sare u kac ku yimaado heerka biyaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo fatahaado hor leh sababi kara. Wasaaraddu waxay digiin gaar ah siiyay bulshada ku nool magaalooyinka ku teedsan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, halkaasi oo cabsida ugu badan laga qabo, in webiyadu ku fatahaan, waxaana meelahasi kamid ah magaalada Beledweyne oo awal la daala’dhacaysay musiibadii fatahaadda webiga Shabeelle. Wasaaradda ayaa bulshada ku dhaqan degaannadaasi waxay talo ku siisay, in aysan dib ugu laaban meelihii ay hore uga soo bara-kaceen ee fatahaaduhu saameeyeen, iyo in ay ka baxaan haddii ay ku jiraan meelo godan, lana socdaan wararka roobabka iyo fatahaadaha. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo mar kale digniin ka soo saartay fatahaado laga cabsi qabo appeared first on Puntland Post.
  11. Somalia's al-Shabab militants have released a video that for the first time gives a partial view of the group's leader, Abu Ubaidah. Source: Hiiraan Online
  12. Saudi crown prince describes agreement as a crucial step towards a political solution to end Yemen's bloody war. Source: Hiiraan Online
  13. Nadia won with 63% of the first-choice votes in the race, while Joseph Israel received 36% of the votes. She will replace Thom Miller, who did not run for reelection. Source: Hiiraan Online
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay khilaaf u dhexeeyey labada dhinac oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa halkaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan labada ciidan. Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa isku qabtay dad taageersan dowladda, kana soo horjeeda Jubbaland oo lagu xir xiray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka dowladda lagu amray inay isaga baxaan halkaasi, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen arrimaha maamulka. Barre Cabdisalaan Yacquub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladdaayaa sheegay in haatan ay ka sii dareyso xaaladda , islamarkaana xiisada kala dhexeysa Jubbaland loo baahan yahay in xal deg deg ah laga gaaro, si aysan u sababin gacan ka hadal. Sarkaalkan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah eee Soomaaliya inay soo farageliso arrintan, una soo gurmato, sida uu hadalka u dhigay. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe uu jiray khilaaf u dhexeeyey dowladda oo ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo, iyo sidoo kale xariga ay dowladda u geysatay wasiirka amniga Jubbaland oo weli ku xiran magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/ccc.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay bisha soo socota ee Disembar ku dhawaaqi doonto qorshaha bixinta shatigii u horreeyay ee shidaalka iyo gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya Wasiirka Betroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku soo jiidanayso shirkadaha maalgashiga. “Waxaan soo bandhigaynaa ilaa 15 xirmooyinka shidaalka ah,” ayuu yiri wasiirka, isagoo xusay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in xeebaha laga helay xirmooyinka cusub ee shidaalka ay ka fog yihiin badda Soomaaliya dhinaca ay dowladda Kenya muranka gelisay, taasi oo haatan dacwadeedu hortaallo maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ. Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in ay fursad shaqo u noqon doonto dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da’ yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda iyo argagixisada. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in ay bixin doonto Shatiyo shidaal baaris ah appeared first on Puntland Post.
  16. Muslim candidates, including Reps. Ilhan Omar and Rashida Tlaib, endured torrents of hateful, xenophobic and threatening tweets during last year’s campaign season, much of it amplified through bots and other fake accounts, according to a study released Tuesday. Source: Hiiraan Online
  17. United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) PRESS RELEASE UNHCR flies in relief for Somalis cut off by flooding This is a summary of what was said by UNHCR spokesperson Andrej Mahecic – to whom quoted text may be attributed – at today’s press briefing at the Palais des Nations in Geneva GENEVA, Switzerland, November 5, 2019/ — By Andrej Mahecic An airplane – a Fokker 50 cargo freighter – carrying six metric tons of aid items from UNHCR, the UN Refugee Agency, landed on Monday in Belet Weyne in Somalia’s Hiirshabelle state to assist people displaced by the country’s worst flooding in years. Monday’s delivery was the first in a series of flights UNHCR is organizing to bring in humanitarian supplies to more than 20,000 people who have been cut off by the floodwaters and can only be reached by air. We are scheduling up to 10 flights – three a day – to airlift a total of 60 metric tons of urgently needed humanitarian relief kits, including jerry cans, soap, blankets, kitchen sets and plastic sheets. UNHCR will also deliver some 2,000 emergency shelter kits to the area. Additionally, 500 further emergency kits will be airlifted to South West State, where there has also been serious flooding. The air operation largely depends on landing strips being available as floodwaters have engulfed a vast area. Reports by our partners indicate that villages on the outskirts of Belet Weyne have been submerged and hundreds of families trapped in their homes. The impact of the floods has been devastating for local communities in Somalia, with more than 270,000 people displaced in the last two weeks. The majority – some 230,000 people – have taken shelter in Belet Weyne town and are in urgent need of humanitarian assistance. Somalia has shown progress in dealing with both armed conflict and drought, but remains fragile, with an internally displaced population of some 2.6 million. The floods highlight Somalia’s increasing vulnerability to the effects of climate change. In July this year, humanitarian agencies had launched a drought impact response plan following below average rains, resulting in a severe drought conditions in the country. Given the latest developments, an immediate humanitarian emergency response is crucial UNHCR and partners have mobilized $2, 585 million USD for the response, with a gap of a further $11,865 million USD required to meet the humanitarian needs. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  18. Booliska waddanka dalka Thailand ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 15 ruux ku dhinteen weerar ay koox hubaysan ka geeysteen koonfurta dalkaasi. Taliska Booliska ayaa sheegay in weerarka uu sigaar ah u dhacay fariisin ay ciidamada amaanku ku leeyihiin gobolka Yala ee koonfurta dalka Thailand. Wargayska Bangkok Post ayaa isna soo weriyay in weerarka ay ku dhinteen 11 ruux kuwaas oo afar kamid ah ay ku geeriyoodeen isbitaalka gobolka Yala. Weerarka ayaa la rumaysanyahay in ay ka dambeeyaan koox islaamiyiin goonni goosad ah, kuwaasi oo tan iyo markii ay bilaabeen rabshada sanadkii 2004’tii ay gacantooda ku dhinteen dad gaaraya 7,000 oo ruux. PUNTLAND POST The post Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay waddanka Thailand appeared first on Puntland Post.
  19. Residents in Lewiston, Maine, have elected the first Somali American to the City Council. Source: Hiiraan Online
  20. The Somali Red Crescent Society (SRCS) on Tuesday expressed fears that floods could trigger deadly outbreaks of malaria, diarrhea, and other infectious diseases in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Somaliland strategic location, peace and democracy has sourced an increased attention from influential political and economy players across the world.Horn of Africa is gearing towards a new order set off by a global competition of strategic interest by great powers in horn of Africa and the rising competition in horn of Africa gave extra advantage to Somaliland. Geopolitical dynamics has created better economic benefits for Somaliland. The peace climate in the region has focused strategic competition between global powers. Somaliland strategic location made Somaliland a major political player in horn of Africa. The geographical settings and political competition in horn of Africa made Somaliland regional player. At the heart of the era of new geopolitics struggle over the role and influence in horn of Africa, Somaliland peace, security, stability and democracy have generated Geopolitics advantage to Somaliland in view of the country’s strategic location. This strategic location is to the gateway of the red sea, Bab el-Mandeb Strait and the canal Suez. It is also close to oil shipping routes in particular, the GCC countries. Somaliland strategic geopolitical history indicates its importance by world influential political players reason being it’s positioned in the center of attention in horn of Africa. This strategic close is close to vital oil routes and its ports could also serve landlocked Ethiopia, which has a population of 100 million. Saudi Arabia and the UAE increasingly view the Somaliland coastline as their “western security flank”, according to a senior western diplomat in the Horn of Africa region. Global terrorism and sea pirates have failed setting in Somaliland as Somaliland infernal security are in constant surveillance in cooperation with regional countries. Approximately 6.2 million barrels per day (b/d) of crude oil and refined petroleum products flowed through the Bab el-Mandeb Strait toward Europe, the United States, and Asia in 2018. The red sea that borders with Somaliland extending towards canal Suez. Bab el-Mandeb Strait which is chokepoint between the Horn of Africa and the Middle East linking the Red Sea to the Gulf of Aden is crucial for Middle East oil that form major part of global economy. Somaliland strategic location close to a region which is vital for global economy. The country strategic location is vital to the maritime of the red sea through which thousands of ships pass through every year. Above has created Geopolitics and Geo-strategy advantage in the favor of Somaliland which strategically uncontested. Diplomatic relationship between Somaliland and the majority of GCC countries is characterized ‘mutual interest. Somaliland port city, Berbera lies on the coast of Somaliland, facing the Gulf of Aden. Berbera is the center of regional and big power competition reason being the port city close to one the important shipping routes in the world. Located at the mouth of the Red Sea, the port city has already attracted the interest from many political and economy players across the world and as a result, the political situation in horn of Africa made Somaliland close to international recognition. DP world investment in Somaliland is not only an investment for the country, but it is also an investment for the people. Once completed, the expansion, it is expected to increase the port’s capacity from the current 150,000 twenty-foot equivalent units (TEU) to 450,000 TEUs. Berbera which was traditional port for livestock trade will become one biggest logistic hubs in horn of Africa after completed the port expansion. This investment deal offer Ethiopia alternative routes for its cargo from Djibouti. The investment deal in Berbera has shifted balance of power in horn of Africa in favor of Somaliland. The deal will encourage international investment, create much needed jobs and enhance the socioeconomic development not only for Somaliland but for the whole region. DP World investment deal in Berbera has contributed second source of income to Somaliland and this will open further investment in Somaliland, this because Business and diplomacy have found fertile ground in Somaliland. The investment deal has set Somaliland map in world political and Geographical map. The investment deal will attract more shipping lines to East Africa and its modernization will act as a catalyst for the growth of the country and the region’s economy,” DP World chairman Sultan Ahmed Bin Sulayem said. Once completed, Berbera will see amount of increased traffic in view of port deal that will generate business boom and also will open a new global port operator an alternative hub to Djibouti in the Horn of Africa. Somaliland port deal with DP world will be ‘channel growth for Somaliland as the port will attract more shipping lines to east Africa and will be regional trade logistics hub. It will attract more investment in Somaliland. Somaliland offers good opportunities for profitable investment and those who got in early will see the greatest gains. Somaliland government has signaled its eagerness to attract Foreign Direct Investment considering the upgrading and expansion of the port. DP world investment deal with Somaliland has generated unlimited opportunities to Somaliland economic growth as this has generated foreign capital, promoted Somaliland diplomatic status quo and encouraged other investors to investment in Somaliland. The horn of Africa being lies a very strategic location, world influential players have demonstrated an interest in horn of Africa this strategic location has generated geopolitics competition. Geopolitics which is described the analysis of the interaction and geographical settings focuses on political power linked to geographic space. Somaliland functions as an independent country like any country from the rest of the world. The country has filled any requirement to be recognized diplomatically. The country being a multiparty system, Somaliland held multiple elections, seen five presidents take office, prints its own money, issues its own visas, its own flag, its own notational emblem and two house of parliamentary that pass and enact laws. Zooming up, Somaliland has played a crucial role in global politics Ismail Lugweyne lugawayne123456@gmail.com Qaran News
  22. Cape Town (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in bisha December ay ku dhowaaqi doonto qorshaheeda iibkii ugu horreeyey ee shatiyada shidaal sahminta Soomaaliya. Wasiirka Shidaalka iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Reuters u sheegay in December la shaacin doona xilliga ay Soomaaliya billaabeyso xaraashka xirmooyinka shidaalka dalka. “Waxaan soo bandhigeynaa 15 xirmo” ayuu yiri wasiir Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Cape Town, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shirka shidaalka iyo saliida Africa. Waxa uu sheegay in xogtii laga soo ururiyey ciidda ee ay dowladda Soomaaliya amartay ay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil. Cabdirashiid ayaa sidoo kale ku adkeystay in 15-ka xirmooyin ay aad uga fog yihiin xuduudda badda ee Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, halkaasi oo iminka muran uu ka taagan yahay. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya ay gebi ahaan cirib tireen burcad-badeeddii Soomaaliya, taasi oo sahleysa in badda laga soo saaro saliid. “Soomaaliya waxaa horey loogu yaqiin burcad badeednimo, argagixiso, degenaansho la’aan, iyo wax kasta oo xun, balse dowladda federaalka ah ayaa iminka sameeneysa wax kasta oo ay awooddo si ay dalka u xasiliso” ayuu yiri. “Tobankii sano ee tagay ma jirin xitaa hal dhimasho oo ka dhalatay burcad badeednimo, sidaas darteed, xeebaha Soomaaliya waa amni in la maal-gashto.” Waxa uu sheegay in maal-gelinta shidaalka iyo saliidda Soomaaliya ay abuuri karaan shaqooyin cusub, islamarkaana ay ka hor-tagi karaan in dhallinyarada ay u weecdaan rabshadaha. “Soomaaliya waxay haysataa qariirad ay raacdo kadib marka ay soo saarto saliidda, sidaas darteed ma jiri doono dhib ka dhasha kheyraadkeena” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya dhibaatooyinka ay dalalka qaar kala kulmaan marka ay soo saartaan kheyraadkooda. Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in la filayo in madaxweyne Farmaajo uu dhowaan saxiixo sharciga shidaalka, oo hadda horyaalla aqalka sare ee Soomaaliya, taasi oo dhabbaha u xaari doonto inay dalka kusoo laabtaan shirkadaha shidaalka sidan Shell iyo ExxonMobil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo dadka Fatahaado saameysay gargaarkii loogu talo galay ku socdo qorshihii loogu talo galay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale ayaa warbaahinta u sheegay in Wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ka furatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne halkaas oo ah meesha ugu badan uu saameynta ku yeeshay wabiga Shabeelle. Agaasimaha guud ayaa tilmaamay in dadka qaarkood oo fatahaadu waxyeelo ku yeelatay illaa haatan lagaarsiiyey gargaar bilow ah. Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa kamid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale degmooyinkaas oo dadku isaga bakaceen guryihii ay daganaayeen. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sidii loogu tala-galay u socdo gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  24. Minneapolis (Caasimada Online) – Doorashooyinkii golaha deegaanka ee lagu qabtay gobolo ka tirsan dalka Mareykanka ayaa waxaa guullo taariikhi ah ka soo hoyey gabdho Soomaali ah oo ku guuleystay doorashooyinkaasi. Naadiya Cabdirisaaq Maxamed iyo Safiya Khaalid oo ah gabdho Soomaali ah ayaa ka mid noqday dadka guuleystay, kadib tartan adag oo ay u galeen doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolo ku yaalla Mareykanka. Gabadha koowaad oo ah Naadiya ayaa waxa ay ku soo baxday kursiga golaha deegaanka magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota, halka Safiya Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalkaasi. Naadiya ayaa heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka ninkii la tartamayey uu isna helay boqolkiiba 38. sidoo kale Safiya ayaa heshay 69.6% codadkii la dhiibtay. “Aad ayaa ugu faraxsanahay in anigoo gabar Soomaali ah oo xijaaban aan ku guuleysto kursigan, in aan u tartamo xilkan, waxaa igu dhaliyay in dalka uu yahay dalkeyga, oo aan doonayo in halkan aan nolol ka smaeysto oo ma donayo in aan dareemo in aan ahay qof marti ah, “, ayay ku tiri BBC-da, Naadiya Cabdirisaaq Maxamed. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay dooneyso in ay wax ka qabato kirada guryaha oo ay sheegtay in ay tahay mid qaali ah, oo dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan guryo raqiis ah. “In la I doorto waxay tusaale u tahay dhallinyarada Soomaalida ee dalka Mareykanka iyo Muslimiinta, iyo in waxwalba oo ay doonayaan ay ku guuleysan karaan oo dalka Mareykanka uu yahay dalkooda”, ayay raacisay Naada. Dhinaca kale, Cabdisalaam Aadan oo ah nin Soomaali ayaa isna sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaasi. Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkan ayaa waxaa soo dhoweeyey Soomaalida Mareykanka oo muddooyinkii dambe taariikha cusub ka sameynayey dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  25. Human rights watch oo soo saartay warbixin ka dhan ah maamulka Maxamed Bin Salmaan ee dalka Sacuudiga Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch warbixin ay kasoo saartay maamulka Maxamed Bin Salmaan ayay ku sheegtay in 200 ruux in ka badan loo xiray arrimo siyaasadeed tan iyo markii uu qabsaday talada dalka. Inkastoo uu ka sameeyay dalka Sacuudiga isbedello taariikhi ah sida dumarka oo kaligood safri kara, in ay gawaarida ka xeyn karaan iyo in ay garoomada ciyaaraha tegi karaan ayaa hadana dhanka kale waxa uu ka waday ugaarsi dhanka siyaasiyiinta iyo dadka wax-galka ah ee dalkaasi kuwaas oo uu u arkay in ay dhaawici karaan sumcadda iyo siyaasadda uu damacsan yahay. Dilkii wariyaha reer Sacuudi ee Jamal Khashoggi oo isaga lagu eedeynayo in uu ka dambeeyay sannad ka hor ayaa, gadaashiisa waxaa la xir-xiray 32 ruux kuwaas oo isugu jira dad u dhaq-dhaqaaqa arrimha xorriyadda, bini`aadamnimada, qareenno, saxafiyiin iyo waliba ganacsato. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ammaanta isbeddeleed ee uu sameeyay Bin Salmaan oo xukunka qabsaday sannadkii 2017 ay qarisay gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda bini`aadamnimada ee uu geysanayo. Dhawaan ayay dowladda Sucuudiga lamanayaasha aan is guursan ee ajaanibta ah u ogolaaday inay qolal ka kireysan karaan Huteellada dalkaas kaddib markii boqortooyada dhawaan ay shaaca ka qaaday hab u gaara ah oo dal ku galka loogu ogolaanayo dalxiisayaasha inay tegi karaan dalkaas, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag. Waxaa haweenka loo ogolanayaa inay kireysan karaan Huteelada iyagoo maxram la’aan ah. Horraan, lamanayaasha is qaba waxaa la weyddin jiray inay la yimaadaan caddeyn isla markaasna ay soo bandhigaan warqad muujineyso xilligga ay is guursadeen. Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dowladda Sucuudiga ay waddo barnaamijyo lagu xoojinayo dalxiiska dalkaas. Qaran News