Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashada Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay gelinkii dambe kulan ka yeeshay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashada madaxweyne ee kusoo fool-leh dabaryaaqada sannadka dambe. Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020, uu u baahnaan doono wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer. Waxaa uu ka hadlay sida ay muuhiimka u tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyaan sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka-baddalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka bisha Diseember ee sannadkan si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada ee dabaryaaqada 2020. Waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, Qorshaha cusub ee Horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Qaran News
  2. Khamiistii dhoweyd November 14, 2019 Soomaaliya iyo Kenya waxay markale isku afgarteen in dib ​loogu soo celiyo xiriirkii labada dal ​halkii uu joogay bilowgii 2019​kii. Kenya waxay February 16, 2019 si ula kac ah u soo cayrisay​ Danjire ​Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, taas oo ka baxsaneed maamuuska iyo xurmada ka dhexeysa dowaladaha derisaka ah. Dhacdadaas wixii ka dambeyay, Muqdisho waxay ku dadaashay inay si taxadar leh ula dhaqanto Nairobi. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa isbedalay, oo keenay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu baadi goobo isafgarad aan melena u socon? Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxtooyadda Kenya wixii ka dambeyey ikhtilaafkii New York, ay si ba’an u raadineysay in mar uun dib u soo celiso is aaminaadii labada dal. Sidoo kale, Kenya waxaa caqabad ku noqotay siyaasadeedii cunaqabateenta Soomaaliya. War uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegaya in labada dal ay dib u soo celinayaan xiriirkoodii, ​isagoo aan soo hadal qaadin doodii aaga badda ee shidaalka hoddonka k​u ah (New York Times – November 14, 2014). Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan waxba iska bedelin mowqifkeedii ahaa in dooda garta badda lagu dhammeyo Maxkamadda ICJ, (VOA – November 14, 2019). October 18, 2019 Maxkamadda ICJ waxay go’aansatay inay dib u dhigto dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeya Soomaaliya iyo Kenya, ilaa iyo June 2020. Cusman Maxamed Xuseen oo wax ka qora arrimaha Geeska Afrika ayaa hore u yiri, “Kenya waxay September 3, 2019 codsatay in dhagaysiga dacwada dib loogu dhigo ka dib markii garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaaca dacwada.” Inkastoo Kenya ay ku doodaysay inay u baahan tahay muddo ay ku raadsato garyaqaanno, kuna soo bandhigto caddeymo dheeraad ah, haddana Soomaaliya waxay u aragtaa in ay dooneyso keliya, in waqti ay ka lumiso maxkamadda. Markale, Kenya waxay ku andacootay war aan xaqiiqadiisa la hubin, oo Maxkamadda ku gacan sayrtay. Kenya waxay caado ka dhigatay inay ceebeyso garta maxkamadaha caalamiga ah. Maxkamadda ICJ waxay u xaqiijisay labada dhinac (Kenya iyo Soomaaliya) inaysan aqbali doonin dib u dhigid dambe. Weliba waxay qaraar kama dambeynta ah ​dul dhigtay, in labada dhinac ay ka soo qayb galaan dhageysiga dacwada oo dhacaysa June 8 ilaa 12, 2020. Kenya, iyadoo fileysay in garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf uu ka degi doono doorka guddoonka dhowr bilood ka dib, islamarkaasna ku xisaabtameysa in Soomaaliya ay geli doonto doorasho keeni karta, in la beddelo xukuumadda talada dalka gacanta ku haysa, ayay qaadatay amarkii maxkamadda. Kenya waxaysan ku xisaabtamin in garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf uu sii hayn doono guddoonka maxkamadda ilaa February 6, 2021, kana sii tirsanaan doono garsoorka ilaa iyo 2027. Walow xilligaan Kenya aysan ku lahayn Maxkamadda ICJ garsoore ku matala, haddana xulashadeeda Mudane Gilbert Guillaume oo u dhashay dalka Fransiiska waxay tilmaan u tahay siyaasadeeda difaaca. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, shirkadaha Fransiiska waxay si lixaad leh u maalgashanayeen dalka Kenya. Maalgashigaas iyo xulashada garsoore Fransiis ah, ayaa kordhinaya tuhunka laga qabo in Fransiisku si dadban ugu lug leeyahay laqdabada Kenya ee badda Soomaaliyeed. Jilaalkii dhawaa, Madaxweyne Emmanuel Macron oo ah madaxweynihii ugu horreyay ee Fransiis ah oo soo booqda gobolka Bariga Afrika ayaa Kenya la saxiixday heshiis iskaashi amni, iyo dhaqaale gaaraaya 3 bilyan doolar. Dhinaca kale, ansixintiisii saami qeybsiga khyaraadka dalka ee bilowgiisii sannadka oo soo dedejisay in shirkadaha Exxon Mobil iyo Royal Dutch Shell ay dib ula macaamilaan Soomaaliya, balse waxaa muuqata in shirkadaha TOTAL iyo ENI Energy ay ka caga jiidayaan inay bixiyaan xuquuqda lagu leeyahay, lana macaamilaan dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa ah: Danta Fransiiska ee Kenya inteebey sii jiri doontaa xilli ay muuqato in Kenya aysan waxba ku lahayn shidaalka aan la baarin ee ceegaaga waqooyiga xuduud-badeedka Kenya iyo Soomaaliya? Ma qarsoona in Fransiiska iyo Talyaaniga, ay ku fashilmeen siyaasadoodii gobolka, gaar ahaan Rwanda iyo Soomaaliya, taas oo keentay inay dib ugu gurtaan. Marka ficiladooda laga fiiriyo xagasha “geopolitical rivalary,” waxaa muuqata in ay horey ugu dhacay dabin Ingiriiska iyo Mareykanka u dhigeen. Rubac qarni ka hore Fransiiska iyo Talyaaniga waxay ku qanceen in ay Liibiya iyo waqooyiga Afrika maalgashtaan, agaas oo ka rajo fiicnaa xilligaas Geeska Afrika, halka Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku sabreen inay la tacaalaan dib u dejinta Soomaaliya. “Taas ayaa maanta labadaba (Fransiiska iyo Talyaaniga) ka hortaagan inay ka qayb noqdaan maalgashatada khayraadka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda Geeska Afrika. Dhinaca kale, falanqeeyaasha dhaqaalaha gobolka ayaa aaminsan in isbedelka siyaasadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay qayb ka tahay ifafaalahaas soo kordhay iyo hoos u dhaca ku socda dhaqaalaha Kenya ay Soomaaliya ka heli jirtay. Inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin, haddana boqashadii Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre ee madaxtooyadda Fransiiska “Elysee Palace – Paris,” ayaa u muuqata diblomaasiyad wax weyn ka bedeli doono xiriirka Fransiiska iyo Soomaaliya, taas oo khatar ku ah qorshihii Nairobi ay carqaladeenta dacwadda badda. Tan iyo wixii ka dambeyay xilligii dowladdii Cabdi Qaasim Salaad, Soomaaliya wax xiriir toos ah lama yeelan Fransiiskaska. Xilligaas waxuu Cabdi Qaasim isku dayay inuu dib u soo celiyo macaamilkii shirkadda TOTAL ee shidaal baaristii Soomaaliya, taas oo ka careysiisay shirkadaha shidaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Dadka qaarkii ayaa aaminsan in dhacdadaas soo dedejisay in Cabdi Qaasim uu seego kursigii madaxtooyadda. Walow aan la ogeyn, waxa ka dhalan doono isfahamka Fransiiska, haddana Soomaaliya waxaa ka go’an inay dhowrto xiriirka deris wanaaga ee Kenya, si looga hortago xasillooni darro dhalisa isku dhac aan micno ku fadhin. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim Jamhuriyadda.com
  3. An Allegheny County jury Thursday found an Arlington Heights man guilty of second-degree murder, robbery and conspiracy to rob in the beating death nearly three years ago of a Somali cab driver. Source: Hiiraan Online
  4. LONDON - In central Somalia’s Beledweyne district, families still reeling from food shortages and livestock deaths after another year of poor rains were surprised by a new disaster last month: brutal floods that completely submerged homes after the Shabelle River burst its banks. Source: Hiiraan Online
  5. A Chinese envoy on Thursday called on the international community to help Somalia improve its governance capacity. Source: Hiiraan Online
  6. With Somalia scheduled to hold “one-person, one-vote” elections next year, leaders must act now to break the “stalemate” between the central government and federal member states, the top UN official in the country told the Security Council on Thursday. Source: Hiiraan Online
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay sii wadaan inay si sharci darro ah ku qabsadaan qeybaha waqooyi ee gobolka Gedo, oo ka mid ah saddexda gobol ee uu maamulka ka kooban yahay. Jubaland waxay ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeeysay inay shalay u diideen madaxweynaha ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayiid Aadan inuu galo magaalada Beled Xaawo. Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay qabsadeen Beled Xaawo kadibna ku dhaqaaqeen inay abaabulaan dibad-baxyo qasab ah oo shacabka halkaas degan loogu kicinayo maamulka, islamarkaana xarig ugu hanjabeen shacabka taageersan maamulka Jubaland. Qoraalka kasoo baxay Jubaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in hadafka guud ee ciidamada Itoobiya uu yahay inay ballaariyaan saameynta “maamulka Faraamjo ee gobolka Gedo, si Farmaajo uu dib ugu celiyo doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaan ee dhowaan ka dhacday Jubaland.” Jubaland waxay ku eedeysay Villa Somalia inay dooneyso inay madaxweynayaal ay ayada soo xushay oo daacad ah ay gayso dhammaan maamul goboleedyada dalka, ayna u aragto Jubaland inay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan. Waxay sidoo kale sheetay in qorshaha kaas kasii dambeeya uu yahay in madaxweynayaasha daacadda ah ee ay raadineyso Villa Somalia ay madaxweyne Farmaajo u gacan geliyaan fursad dib loogu doorto hoggaanka dalka. Jubaland ayaa ugu baaqday Amisom, Midowga Afrika, IGAD, iyo wakiilada QM ee Soomaaliya inay ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ka saaraan Jubaland. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Jubaland
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Hadalkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in dalka ay ka saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya hadii ay ilaalin waayaan sharciga dalka u yaalo ayaa saameen ballaaran ku yeeshay howlaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in talisyada booliiska iyo milatariga ay amreen in la xareeyo ciidamada dheeraadka ah ee aan shaqada ku jiran maadaama uu xasaasiyad dhaliyay hadalkii Shariif Sheekh Axmed. “Dhamaan ciidamada milatariga ee aan shaqada ku jirin waa la xareeyay, sidoo kale waxaa la yareeyay ciidamadii shaqada ku jiray waxaana kontaroolada lagu soo koobay dhowr askari oo shaqada loo kordhiyay waana booliska iyo milatariga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya. “Ciidamo badan ayaa ku daalay shaqada markii la xareeyay kuwii kale waxaana loo baqay in ay magaalada falal ka dhacaan maadaama ay jirtay cabsi ku aadan rabshado ka dhasha hadalkii Shariif” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan ciidamada soomaaliya. In la yareeyay tirada ciidamada ee ku sugnaa kontaroolada magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, halka sidoo kale milatariga ay noo xaqiijiyeen in milateri badan dib loogu celiyay xarumahooda. Sheekh Shariif ayaa saameyn weyn ku dhex leh ciidamada, oo badankood la qoray intuu madaxweynaha ahaa, aadna ay u qadariyaan. Waxaa sidoo kale jirta in inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay ku beel yihiin.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Muxaadaro la filayey inuu maant Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya. Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019, kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaan doona aaska Marxuumad Almaas Elman. Sheekh Umal ayaa maanta la filayaa inuy khudbadda Jimcaha ka jeediyo masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaana uu sidoo kale hoggaamin doonaa salaadda Janaazada ee Almaas. Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho. Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-21112019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii maanta ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho. Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda. Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay muhiim tahay ka qeyb galka Muxaadarada uu Sheekh Umal balan qaaday inuu barri ku qabanayo Garoonka Eng.Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxuuna carabka ku adkeeyay inay tahay mid loo baahi qabay Sheekhana ay uga mahadcelinayaan. Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in hadalkii Sheekh Soomow ay ka xumaadeen, si gaar ahna uu ula xariiray Sheekh Soomow isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii hadii uusan soo bandhigi karin cadeymo, balse Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Sheikh Soomow uu ku damiyay talefanka. Culumada ayaa shirkooda jaraa’id ka cadeeyay inay raali galin u dirayaan Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ay ku sheegeen inuusan dalka u imaan dalxiis, balse uu u yimid taakuuleynta dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan qeybo ka mid ah gobolada dalka. Culumada ayaa si gaar ah ugu amaanay Sheekh Umal taakuleyn uu muddo labo goor ah dalka keenay xilliyo ay musiibooyin ka dheceen, waxayna kala yihiin qaraxii Soobe iyo fatahaadii dhacday xilli roobaadkaan lagu jiro ee Deyrta. Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis ayaa Sheekh Soomow ku eedeeyay inuu ku xad gudbay dhaqanka Soomaalida iyo kan culumaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii, kaan raali galiyo Sheikh Umal inta uu joogo dalka, waxuuna Sheikh Cali rajo ka muujiyay inuu Sheikh Soomow qaada doono taladooda iyo soo jeedintooda, maadaama sida uu sheegay aqoon badan uu uleeyahay. Halkaan ka Daawo Sheekh Bashiir
  12. New York (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka. James Swan ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hadda sanad jirsatay ay caqabad xooggan ku noqotay in lagu guuleysto hadafyada qarameed ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed. “Tani waxaa qeyb ka noqon doona wada-hadal iyo isu-tanaasul dhex mara dowladda iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta, kuwa hadda xukunka haya iyo madaxdii hore, hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa bulshada,” ayuu yiri James Swan. “Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-marin waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay muhiim tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashada 2020. “Sidaas darteed, waxaan soo dhoweynayaa kulankii shalay ee madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horeeyey, waxaana dhiir-gelinayaa wada-tashiyo kale oo noocan ah.”ayuu yiri wakiilka QM ee Soomaaliya.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in xabaddii lagu dilay Almaas Elman Cali ay tahay mid dhashiike, isla markaan ay magaalada ku heystaan oo kaliya AMISOM iyo ciidanka Dowladda. Almaas Elman Cali Axmed ayaa galinkii dambe ee shalay lagu dhex dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo goobaha amaankooda sida aadkaa loo ilaaliyo, waxaana ilaa hadda la cadeyn cida dishay Almas, wallow la sheegay inay baaritaano socdaan. “Xabad aan sharqanteeda agagaarka laga maqal ayaa dishey marxuumad Almaas Elman AUN, laakin waxaa la wada og-yahay qoriga dhashiikaha ah ee xabadiisu ay dishey gabadha waxaa magaalada MUQDISHO ku heysta oo kaliya ciidamada dawladda ka amarqaata iyo AMISOM” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi. Xildhibaanka ayaa sidoo kale qormadiisa ku adkeeyay in madaxda qaranka si aan leex-leexad laheyn looga doonayo inay u cadeyso cidii geysatay dilkii marxuum Almas, isagoo ka dalbaday in shacabka loo soo bandhigo natiijo ay ku qanci karaan, kadib baaritaanka lagu sameeyay arintaas. “Haddaba waxaan ayadoon ka leexleexasho laheyn looga fadhiyaa Madaxda Villa Somalia In ciddii dambigaas geysatay sharciga la soo hortaago, ehelada marxuumadda iyo umadda Soomaaliyeedna lala hor yimaado baarista la sheegay in la samaynayo ka dib wax macquul ah oo lagu qanci karo” ayuu yiri Fiqi oo si weyn u mucaarada xukuumadda hadda talisa.
  14. Somalia is one of the world’s countries worst affected by global warming, suffering near-constant droughts, heat waves and floods. Recent flooding in south central Somalia affected 547,000 people, according to U.N. estimates, at a time when more than 2 million are food-insecure. Scientists and food safety experts say the climate shocks are not only destroying Somali crops and livestock but are also increasing the levels of toxins in the food that makes it to harvest. The frequent droughts, in particular, have significantly increased toxins in maize, sorghum and wheat, the main staple foods in the country. “What is making Somalia more vulnerable to these toxins is the climate change, because our farms are rain-fed,” said Abdi Mohamed Hussein, head of plant protection at the Ministry of Agriculture. “The droughts and the heat are creating a conducive environment for the bacteria to grow in these crops, thus damaging the corn trees (stalks)and making it easier for the mold and fungus bacteria.” A study conducted by Queen’s University Belfast on Somali crops, published earlier this year, found that levels of aflatoxin B1, a toxin linked to development of liver cancer, are dangerously high compared to European Union levels. Dr. Ewa Wielogorska of the University of Chemistry and Technology in Prague, who supervised the lab work for the study, says the results were “quite shocking.” “When we looked at the concentrations, unfortunately we found out that the levels of the most dangerous mycotoxin, which is aflatoxin B1, was over 400 times higher than the level permitted by the European Union,” she told “Investigative Dossier,” a VOA Somali program. “The other toxins exceeded European limits from 20 to almost 80 times.” Queen’s University collected 140 samples from maize, sorghum and wheat in 2014, but the result of the lab work was only released earlier this year. Wielogorska, who has a doctorate in food analysis, says all of the maize samples and almost all of the sorghum samples were contaminated with various amounts of toxins. “When we tried to translate the risk to the consumer, we found out that the risk is 700 times higher than the risk that the consumers in (the) EU are faced with when consuming widely available food,” she said. The U.N. Food and Agricultural Organization has not conducted its own study on the problem, but Emma Ouma, an FAO food nutrition expert, concurred with the role of climate shocks in high levels of aflatoxins. “We just know that because of the environment, that we have the food being stored in terms of the humidity, the soil, the nitrogen stress, the farm, we may have high levels of aflatoxin, but it has not been scientifically proven,” she said. “I do feel that in terms of climate change, it exposes the population to higher levels of aflatoxin.” There are no statistics proving that liver cancer is on the rise in Somalia, but Dr. Mohamed Mohamoud Fuje, a general practitioner based in Mogadishu, says he sees an increase. “Liver cancer is increasing in Somalia. The liver is very vulnerable to these toxins,” Fuje said. “The danger is even worse if the person was suffering from hepatitis B.”
  15. Bangoga Dowliga ah ee Puntland ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa dib u habayn lagu hotnarinayo Laguna balaarinayo. Mashruucaan oo kharashaad badan ku lacagta ayaa sare [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka jawaabay eedeyntii uu ujeediyey afhayeenka Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo aheyd inuu sabab u yahay musiibada ka jirto dalka, islamarkaana dartiis ay dad badan ugu jiraan Qabri. Sheekh Umal oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa dhammaan iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay in dadka kaliya ee la dagaalamay kooxda Al-Shabaab ay ahaayeen iyagu bilowgii, illaa dhammaadkii, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuusan ogeyn wax dood ah oo ka taagan muxaadarada uu iclaamiyey ee Jimcaha ka dhaceysa garoonka Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho. “Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen”. ayuu yiri, Sheekh Umal. Ugu dambeyn waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha la xariira in hadal uu horay u jeediyey lagu laayey dad badan, gaar ahaan Suufiyada iyo inuu gaaleeyey. “Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo.” ayuu markale yiri Sheekhu. Dhinaca kale, Sheekh Umal ayaa goor hore oo maanta waxa uu fariin muhiim ah u diray shacabka Muqdisho. Hoos ka daawo farriintaas.
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-21112019.mp3 View the full article
  18. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has been indicted on charges of bribery, fraud and breach of trust, Attorney General Avichai Mandelblit announced Thursday. Source: Hiiraan Online
  19. Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa magalaada Kismaayo ku soo bandhigay rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen xarakada Alshabaab, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka. Howlgal balaaran oo ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada ayey ku soo qabteen labo ruux oo magacyadooda lagu sheegay [ Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud) oo ciidamu sheegeen in ay ka tirsanaayeen Alshabab. Sidoo kale ciidanka amniga ayaa xusay in raggaan ay gacanta ku soo dhigeen xili gacanta ay kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus, ciidanka ayaa sheegay in ay halen goob raggaan keyd u ahaa waxaana ay ka soo saareen 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed. Dhanka kale Ciidama nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in raggaan ay qirteen iney ka dambeyeen dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo kuwaas oo loo geystay dad kala duwan. Ugu danbeyn Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad isku xirneyd oo la sheegay inay dilal iyo qaraxyo ka geysan jirtay magaaladaasi. War ka soo baxay hay’adda nabad sugida Jubbaland ayaa lagu sheegay inay ciidanka amnigu soo qabteen, Maxamed Cabdullaahi Abuukar iyo Cismaan Maxamed Maxamuud oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen weerarada magaalada Kismaayo. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in xilliga la soo qabanayey raggan ay gacmaha kula jireen fal dambiyeed, islamarkaana uu mid ka mid ah ku hubeysnaa Bistoolad, midka kalena uu waday qarax lagu dhex diyaariyey Tarmuus, siday lagu shaaciyey qoraalkan. Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi oo ah taliyaha nabad sugida Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay tageen goob keyd u aheyd raggaasi, islamarkaana laga soo helay labo qarax oo nooca miinada ah iyo todobo bam gacmeed. Ugu dambeyn wuxuu taliyuhu sheegay inuu uga mahadcelinayo shacabka Kismaayo, sida ay ula soo wadaageen xogta raggaasi iyo falalka ay abaabulayeen ee laga hortagay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaaladaasi ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan.
  21. Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku maraya magaalooyinka waa weyn ee Puntland,iyagoo sanadkii saddexaad halkaa booqasho ku maraya. Kulanka waxaa Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta mudane Deni ayaa kooxda qurbajoogta kaga mahad celiyay imaatinkooda dalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay wuxuuna maamulka kooxdan ku bogaadiyay howlahan muhiimka ah. Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabbdullahi Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laáan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaídeysan doona dad gaaraya 450 oo qof. Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30-xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxweyne Deni Iyo Kooxda Melbourne W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Nairobi)-Magaalada Nairobi waxaa maanta lagu qabtay shir lagaga hadlayay maalgashiga Somaliland, kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Somaliland. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay shirkado heer caalami ah kuwaasoo daneeya maalgashiga Geeska Africa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji ‘Faratoon’ ayaa ka warramay shirkan, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/upload Source