-
Content Count
213,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay gurmadka loo saameynayo dadkii Magaalada Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle. Waxaa uu sheegay Muuse Suudi in dadkii uu sameeyay Wabiga Shabeelle aan weli la gaarsiin gurmadkii loo uruurinayay ee loo baahnaa in lasiiyo, isla markaana wax kasto ay noqdeen hadal uun kaliya. Isaga oo ka hadlaayay Senator Muuse Suudi kulan Maanta ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayuu Hirshabeelle ugu baaqay inay isku tagasho, isagoona xusay in aysan jirin wax gurmad ah oo u socdo halkaas. Senator Muuse ayaa u mahadceliyay Maamulka Puntland iyo dadka kunool deegaano kale, kuwaasi oo uu sheegay inay gumad usoo direen dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga, wuxuuna tilmaamay in aysan qof uu Gobolka Banaadir uga mahadcelinayo iyo dowlad intaba. “Hirshabeelle ha isku tashato, Puntland iyo goboloda kale waan u mahad-celinayaa oo dadka fatahaaddu saameysay wqax lasoo gaaray, Gobolkaan banaadirna qof aan uga mahad-celinayo oo joogta ma jirto dowlad aan u mahad-celinayana ma jirto, Xaqoodi iyo Canshuurtoodi iyagaa cunay” ayuu yiri Senator Muuse. Si kastaba hadalka Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo uu weli socdo gurmad loo sameeynayo dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Roobab xoog leh ayaa ka da’ay deegaannada xeebaha Somaliland iyadoo meelaha uu khasaraha u geystay ay ka mid tahay deegaanka Cabdi Geeddi oo waqooyi kaga beegan magalada Hargaysa, halkaasi oo la sheegay inay guryo ku dumeen roob dabayl wata oo ka da’ay balse aanay dad wax ku noqon, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
The UN agencies and other partners said Monday they have scaled up humanitarian response, providing food to address the short-term nutrition needs of flood-affected families across Somalia. The World Food Programme (WFP) and other partners facilitated by the Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) joined the national efforts to provide immediate assistance to tens of thousands of people affected by floods that have devastated parts of Somalia especially central Somali district of Beletwyene. “This is food that doesn’t need preparation and can support children, mothers, and everybody else who will need immediate response,” said Caesar Arroyo, director of WFP in Somalia said in a statement issued in Mogadishu. Arroyo said that the agency was working closely with the authorities to deliver relief items to affected families. The agency had delivered by road and airlifted over 260 tonnes of critical relief supplies, including high-energy biscuits. Arroyo added that WFP would continue delivering food to support about 4,000 households or about 24,000 beneficiaries. Heavy seasonal rains triggered floods along the Juba and Shabelle rivers in Hirshabelle, Jubaland and SouthWest regions. According to the UN, about 270,000 people in Beletweyne district alone have been affected, and casualties have been reported. Farmland and infrastructure have been destroyed and livelihoods disrupted in some of the worst-hit areas. View the full article
-
Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs H E Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani has said that the State of Qatar will continue to be a key supporter of Somalia and will spare no effort in providing the necessary assistance for development plans and programmes of government of Somalia in partnership with the United Nations and the World Bank. Source: Hiiraan Online
-
(SLT- Karbala)-Ugu yaraan saddex qof oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay kadib markii weerar xooggan ay ku qaadeen qunsuliyada Iiraan ay ku leedahay magaalada Karbala, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska. Dibadbaxayaasha ayaa ka gudbay afaafka hore ee laga galo dhismaha Qunsuliyada galinkii danbe ee shalay iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan dhismaha Safaaradda. Waxay ku qeylinayeen ma dooneyno Iiraan waa inaad nooga baxdaan dalkayaga oo ku eedeeyay in Iiraan ay faragalin ku heyso siyaasadda Ciraaq. Booliska ilaalada ka ahaa goobta ayaa isku dayay in rasaas ay ku kala ceydhiyaan dibadbaxayaasha inkastoo ay adkaatay ka hor inta aan la toogan saddexda qof. Agaasimaha hey’ada u dooda xuquuqda aadahana ee dalka Ciraaq Mr Mustafa Saadoon ayaa xaqiijiyay Isniinta maanta ah in saddex qof habeenimadii xalay ay ciiidanka toogteen. Mr Mustafa ayaa intaa raaciyay in xogtaan uu ka soo xigtay laamaha caafimaadka ee magaalada Karbala. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xil u magacowday Maxamed Cabdiraxman Cumar Cismaan, oo ah wiil uu dhalay allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warqad kasoo baxday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maxamed loogu magacaabay inuu noqdo xoghayaha koowaad ee ergada Soomaaliya ee New York. Warqaddan oo ku taariikheysan 30-ka October 2019, ayaa Caasimada Online u suurta-gashay inay hesho maanta, waxaana sax ahaanshaheeda ay ka xaqiijisay saddex mas’uul oo ka tirsan dowladda, oo aad la isugu haleyn karo. Hoos ka aqriso warqadda
-
The affiliate of ISIS in Somalia pledged on Sunday allegiance to the organization’s new leader following the death of Abu Bakr al-Baghdadi. Somalia’s Province posted pictures on Telegram of around a dozen fighters standing among trees, with a caption saying they were pledging allegiance to Abu Ibrahim al-Hashemi al-Quraishi. Quraishi was named as the organization’s leader on Thursday in an audio message that also confirmed Baghdadi’s death and vowed revenge against the United States. US special forces killed Baghdadi in a raid in northwest Syria last month. His death is likely to cause ISIS to splinter, leaving whoever emerges as its new leader with the task of pulling the group back together as a fighting force, according to analysts. ISIS has resorted to guerrilla attacks since losing its last significant piece of territory in Syria in March. Since Baghdadi’s death, it has posted dozens of claims of responsibility for attacks in Iraq, Syria, Afghanistan and elsewhere. Source: Al-Sharq Al-Awsat
-
Xil. Cawil Xassan Daad Guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa mudanayaasha Baarlamaanka warbixin ka siiyay heerka dakhliga iyo kharashaadka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha guddigaasi Xil. Cawil Xassan Daad oo warbixinta akhriyay, ayaa sheegay in saadaasha dhaqaalaha Puntland ay ka muuqato degga’naansho, taasi oo ka dhigan in lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan Puntland ka jirin hoos u dhac iyo koror dhaqaale midna. Balse, wuxuu Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku amaanay, in ay midaysay xisaabaadka dowladda, islamarkaana ay hawl fiican ka qabatay la’dagaallanka musuq maasuqa iyo sare u qaadidda canshuuraha berriga. Sidoo kale, wuxuu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Wasaaradda Maaliyaddu hormar fiican ka samaysay xakamaynta kharashaadka iyo sare u qaadidda dakhliga dowladda, gaar ahaanna isu’dheelli-tirka dakhliga soo xarooda iyo kharashaadka baxa. Hoos ka daawo warbixinta guddiga PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka soo saaray heerka dhaqaalaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowlada Kenya ayaa shaacisay in wafdigii ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam ay ogolaansho ka heysteen dowladda Soomaaliya. “Kenyaanka tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau. Macharia ayaa sheegay in haatan xiriirka labada dal uu wanaagsan yahay, inkastoo ay jeclaan lahaayeen in arrinta badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Isagoo u waramay BBC-da ayuu ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd wafdigii ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, oo aysan jirin wax xad-gudub ah oo Kenya ay ku sameysay Soomaaliya. Mowqifka dowladda Kenya ee ah in doorashadii dhawaan ka dhacday Jubaland ay ahayd mid xor iyo xalaal ah, si nabad ahna ku qabsoontay ayaa ka hor imaanaya warqad ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saarta kadib doorashadii Jubaland, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismayo Qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaalida ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in ay faragelisay doorashadii dhawaan ka dhacday Jubaland oo ay la safatay hal dhinac. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
BECO oo $40 kun ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Shirkadda adeegga korontada ee BECO ayaa maanta deeq Lacageed ku wareejisay guddiga gurmadka fatahaadaha ee dhowaan xukuumaddu magacowday. Lacagta oo dhan 40,000 oo Doller-ka Mareykanka ah ayey BECO ugu talagashay inay uga qeyb qaadato gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan. Cali Maxamed Kaariye oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda BECO aya sheegay in deeqdan aysan noqon doonin tii ugu dambeysay ee ay bixiso shirkadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka. Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa wada gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ku tabaaleysan degmooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee gobollada Hiiraan iyo Baay. View the full article -
Dowladda federaalka ah ee Soomaaaliya ayaa maanta amar culus dul-dhigtay guddiga farsamada doorashada oo uu dhowaan magacaabay madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Amarkan ayaa lagu sheegay in guddigaas hadda wixii ka dambeeya uusan wax dhaq dhaqaaq siyaasadeed ah ka sameyn Karin magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale waxa ay dowladdu sheegtay in wixii arrimo doorasho ah looga dambeynayo guddiga ay magacowday wasaaradda arrimaha gudaha. Ahlu Sunna ayaa horay uga hortimid guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, waxaana taasi ay dhalisay khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay labada dhinac. View the full article
-
Somali Police Force has appointed a new commander for Guriel station on Monday. Zakarye Abdi Ali will lead the new team at Guriel police station to restore law and order. His appointment comes two days after Somali National Army retook the control of the town in Galgadud from the Ahlu Suna Waljama forces. The ASWJ forces who controlled the town for years retreated after a brief clash with the troops. Similar deployment of the federal police force is also scheduled in Mataban in Hiran region. Security agencies held a meeting with local community leaders in the area to foster peace and security to maintain law and order. The Somali government has deployed security agencies in various parts in south-central that was recaptured from the armed group al-Shabaab in recent months. View the full article
-
The president of Southwestern State, Abdiaziz Lafta-Gareen met with local residents in Barawe, Lower Shabelle region and discussed with them how they can contribute to maintaining security and working with the administration. The president praised the people of Barawe district for working closely with the armed forces who are sacrificing to secure the region and called on them to increase their efforts. The president and his delegation arrived in Barawe, the administrative capital of Southwestern, and inspected the recently completed Barawe Airport, as well as he was monitoring the general situation. View the full article
-
Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya oo war soo saartay ayaa soo dhaweysay magacaabista hoggaamiya guud ee kooxdaasi Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi. Warkan ayaa lagu sheegay in Daacishta Soomaaliya ay la shaqeyn doonto hoggaanka cusub, islamarkaana ay qaadan doonto awaamiirta uu soo saaray. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada iyo weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay kooxda Daacish ay yeelatay hoggaamiye cusub , kadib markii bishii hore la dilay Abuubakar Al-Baqdaadi. View the full article
-
HirShabelle state security minister, Abdulkadir Aden Jeelle has arrived in the besieged town of Bulo-Burde in Hiran region on Sunday amid flood crisis in the province. Jeelle and his delegation received a warm welcome from the local community and held a meeting with police officials to discuss the current security situation in the district. In addition, the regional minister met with members of the civil society and was briefed on the security situation and humanitarian crisis following river floods in Beledweyne town. The town has been facing threats to the security from Al-Shabaab militants who frequently attack Somali and African Union troops stationed there. View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay barnaamij xalay ka baxay telefishinka Universal oo lagu dhaliilay xukuumadda Puntland. “ Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yiraado ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay” ayuu yiri wasiir Sabareey. Wasiirka ayaa sheegay in ay xiriir la samayn doonaan maamulka saree e telefishinka Universal, si ay wax uga weydiiyan dhaliilaha ku xusan barnaamijka xalay ka baxay telefishinkaasi “ TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xiriiri doona insha Allaah” ayuu sii raaciyay wasiirka. Mudane Sabareey, waxaa uu Universal TV ku eedeeyay in uu kicin dadweyne sameeyay, balse aysan waxba ka jirin arrimaha uu ka hadlay, isagoo ku hanjabay in dowladda Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto haddii loo baahdo. Hoos ka daawo hadalka wasiir Sabareey PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto Universal TV appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ka fulisay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid gaamdo ah ayaa waxaa lagu dilay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka HirShabele, sida ay sheegatay Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobolka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya. View the full article
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe. Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,iyada oo Safiirkana uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan. Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan,wuxuuna sidoo kale tilmaamay ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada View the full article
-
Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celintaPuntland ayaa maanta Garoowe ku soo geba-gabaysay Kulan ku saabsana ka doodista iyo kala tashiga bulshada ee arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Maxamed Rooble Cabdi, agaasimaha Waaxda Dastuurka ee wasaaradda,Yuusuf Ibraahim Saalax, aqoonyahanno, dhalinyaro, haween iyo bulshada qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka oo mudda laba maalmood ah socday, ayaa lagu soo bandhigay la tashiyo ku aaddan dib u-eegista qodobada 50-54-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, cutubyadaasi oo ka hadlaya awood-qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland, Maxamed Cabdi Rooble Ilyaas, ayaa ugu dambeyntii soo xiray kulanka oo lagu soo bandhigay aragtiyo wax ku ool ah oo la xiriira dib u-eegista qodobada Dastuurka ee ka hadlaya habka qeybsiga awoodaha heer Federaal iyo heer mamul goboleed. PUNTLAND POST The post Wasaarada Cadaaladda Puntland oo Garoowe ku soo xirtay kulan ku saabsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniina shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga Jubaland kaas oo bishiiba mar la qabto. Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha wasiirada ee ka tirsan golaha amniga iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo AMISOM waxaana looga hadlay dardar gelin sugidda Jubaland iyo la’dagaallanka Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay ballaarinta xarunta wadaaga xogta ee taliyada kala duwan ee ciidamada iyo shacabka. Qoraalka ayaa intaasi ku daray in la isku raacay ciidamada AMISOM in ay tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo amar cusub ku soo rogtay ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
