-
Content Count
213,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu garaacay tuulo hoostagta degmadaasi oo lagu dhuftay illaa 6 gantaal, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, waxaana tuulada la duqeeyay gacanta ku haya dagaalyahannada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa degmada Awdheegle iyo deegaanad hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Illaa 200 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Darawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ku biireen ciidamada Milatariga Soomaaliya ee G/Gedo. Ciidamadan oo ka howlgalayey degmada Beled-Xaawo ayaa u wareeygay dhanka degmada Luuq oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamadaasi ay wadahadal la galeen ciidamada Itoobiya, kadibna laga dalbaday inay ka mid noqdaan kuwa dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhexeysay dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii maamulkaasi. View the full article
-
Amal Bank has distinguished itself as a premier financial services company by revitalising corporate responsibility in Somalia. Since 2015 Amal Bank has conducted business development training for female proprietors of small businesses in Puntland. Amal Bank organised one of those seminars with USAID and Somali Institute for Development Research and Analysis (SIDRA) last December. “Our role was the work with SIDRA to organise the training to link up female-owned businesses with Amal Bank” said Ahmed Said, the USAID official, who spoke at the training. The training was an opportunity for business women to present their business plans. Amal Bank representative at the venue said the bank would open business accounts for participants and urged them to meet the criteria for accessing a business grant from Amal Bank. Business plans presented by participants pertain to such different sectors as farming, convenience shops, beauty salons and groceries. Amal Bank extended interest-free business loans to more than 400 hundred businesses owned by Somali women. Amal Bank representative at the venue said the bank would open business accounts for participants and urged them to meet the criteria for accessing a business grant from Amal Bank. Business plans presented by participants pertain to such different sectors as farming, convenience shops, beauty salons and groceries. Amal Bank extended interest-free business loans to more than 400 hundred businesses owned by Somali women. At the 2018 Oxford Africa Conference Amina J. Mohammed, the Deputy Secretary-General and United Nations stated “African women produce 60% of food, earn 10% of income and own 1% of the assets.” Amal Bank: Business Grants In 2016 Amal Bank, ILO and Local Economic Development Forum ran a programme to distribute business grants to owners of small businesses in Qardho and Garowe. 220 business owners received business grants. Amal Bank and the Central Bank of Somalia conducted business plan competition for female business owners in Bosaso city. “The role of Amal Bank in local economic development in Puntland deserved to become a business case study” said Yusuf Ali, a journalist in Bosaso. © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post Amal Bank: A Pioneer in Local Economic Development appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane; Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo Maanta booqasho ku yimid Dalka. Kulanka Labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Ladabada Dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib usoo kabashada Dalka. Wasiirka arrimaha dibedda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho. Jeppe Sebastian ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha Dowliga ah iyo qorshaha dib u qaabeynta iyo dedaalka ay ugu jirto la dagaallanka Argagaxisada iyo dhismaha mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee Labada Dowladood. Bishii October ee Sannadkan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga Dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay Magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka. Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre, Jeppe Sebastian Kofod ayaa sidoo bogaadiyay “horumarka ay dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha dowladeed iyo qorshaha dib-u-qaabeynta iyo dadaalkeeda la dagaallanka argagaxisada, iyo dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.” Waxa uu caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay kusii garab taagnaato taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood. Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.
-
Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah soo saartay digniin ku saabsan fatahaado kale oo ka dhaca Dalka. Digniintan ayay Wasaaraddu shaacisay markii ay soo baxday halis ah in ay dhici karaan fatahaado iyo daadad, iyadoo ay isa soo tarayaan qatar ah in degaanada koofurta Dalka ka mid ah ay ka da’aan Roobab uu cabbirkoodu ka sarreeyo 40 Mile mitir Maanta iyo maalmaha xigaba. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin ku saabsan fatahaado kale oo ka dhaca Dalka. Digniintan ayay wasaaraddu shaacisay markii ay soo baxday halis ah in ay dhici karaan fatahaado iyo daadad, iyadoo ay isa soo tarayaan qatar ah in degaanada koofurta Dalka ka mid ah ay ka da’aan Roobab uu cabbirkoodu ka sarreeyo 40 Mile mitir Maanta iyo maalmaha xigaba. Source: goobjoog.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax lala beegsaday Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Qaraxa miino ahaa ayaa ka dhacay agagaarkadeegaanka Siinkadheer ee duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddadaasi. Ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada ee saarnaa gaariga ayaa ku dhaawacmay qaraxan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma’ahan markii ugu horreeysay ee qarax lala eegto Injineerada dhisamaha ka wada jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo horay dhaawac loogu geystay mid ka mid ah Injineeradaasi oo ku jiray howlihiis shaqo ee dhismaha waddadaasi. View the full article
-
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in Dowladdu ay ku tala jirto Bisha Disember ee Sanadkan in ay bixiso shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil. C/rashiid Maxamed oo Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika kaga qeyb galaya shirka Shidaalka iyo Gaaska ee Afrika ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay shirkado badani ku loollami doonaan qaadashada Shatiyadaasi. Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro Shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil, kaas oo fursado shaqo u noqon doona Dhallinyarada, Gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha Burcad badeedda. Wuxuu sheegay in goobaha laga helay xirmooyinka ay ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, lagana nadiifiyay Kooxahii Burcad Badeedda ahaa. View the full article
-
Safiyo Khaalid iyo Naadiya Cabdirisaaq Maxamed oo ah gabdho Soomaali Mareykan ah ayaa guulo ka soo hoyey doorasho gole deegaan oo ka dhacday Mareykanka. Naadiya Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga golaha deegaanka ee magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota, halka Safiya Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Maine. Natiijada lagu dhaawaqay ee doorahadan ayaa Naadiya waxa ay ka heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka Safiya ay la timid 69.6%. Sidoo kale Cabdisalaam Aadan oo ah nin Soomaali ah ayaa sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaas. Doorashooyinkan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa natiijada ka soo baxday soo dhoweeyey Soomaalida oo sanadihii dambe guulo taariikhi ah ka sameynayey siyaasadda dalka Mareykanka, gaar ahaan doorashooyinka heer gobol iyo heer Qaran intaba View the full article
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad received the Deputy Special Representative of the Secretary-General and UN Resident and Humanitarian Coordinator for the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), Mr. Adam Abdelmoula in his Mogadishu office. Mr. Adam is the newly appointed to the position by the United Nations Secretary-General, H.E. Mr. António Guterres. The two discussed reviews on humanitarian affairs in the country with a new UN Deputy Representative. Ambassador Awad who welcomed the new UN official also affirmed Somalia’s international commitments to cooperate with the UN institutions in the country to join hands in all efforts to address all humanitarian, political and security issues, pointing out to stand to help those affected by drought. View the full article
-
Somalia’s Minister of Petroleum & Mineral Resources says the upcoming offshore 15 block licensing round is a ‘game-changing development’ that will benefit the entire population If you were to ask where one of the world’s most significant hydrocarbon investment opportunities is located, not many would say Somalia. But, increasingly, it is recognized as a potentially huge, secure and fiscally attractive frontier prospect poised for take-off. In a turbulent region, this game-changing development will play a key role in transforming the lives of its people. The federal government has put in place a unique revenue-sharing agreement with our member states, which are set to receive an unparalleled up to 70pc of potential future petroleum revenues. Small but symbolically important early revenues from surface rentals paid by Shell and ExxonMobil are going to be distributed shortly for allocation under the terms of this agreement, which is helping to build a broad consensus across the country on how best to develop our hydrocarbon resources. Much needed investment in schools and healthcare are key priorities. Over the last four years, the government has employed Spectrum (now called TGS) the world’s leading provider of subsurface data. The area evaluated by Spectrum is huge—122,000km²—and each block in the upcoming licensing round will represent up to 5,000km². Spectrum’s surveys have been hugely positive for two reasons. Firstly, there is strong evidence of ‘source rock’ with potential oil hydrocarbons, which de-risks development potential. And secondly, the geological strata and structures to trap oil in a subsurface reservoir were also identified. In addition, Spectrum highlighted similar geological structures to those with proven oil and gas reserves in neighboring basins located in Madagascar, Kenya, Tanzania, and Mozambique. As a result, Spectrum stated that “offshore Somalia is about to become the hottest area offshore East Africa”. These results are already proving of great interest to the global oil industry, as many look to bid in the first licensing round for 15 blocks to be held later this year. While the subsurface data suggests huge potential, our government has also been focused on ensuring that ‘above ground’ work is moving forward as well. Our aim is to ensure that the regulatory and fiscal framework is fully competitive globally and in line with international best practice, enabling Somalia to attract the investment necessary to develop its resources. At all times, we have been fully cognisant that the production sharing agreement (PSA) we are putting in place delivers an equitable share to the Somali people for their resources, while providing the returns investors have every right to expect in a new frontier market. We believe we have got the balance right and that this will be demonstrated when we launch the license round later this year in Houston. Security is, of course, a top priority for the federal government and all the member states. In recent years, our international partners, such as the United Nations, have recognized the progress that has been made. This has included embedding a democratic and inclusive government working in true partnership with the member states, the pre-requisite for building secure and stable civil institutions for the long-term. As recently as October, the UN Deputy Secretary-General Amina Mohammed said that Somalia has made “enormous strides on its path to peace and stability… helping advance society towards an inclusive and peaceful future”. Looking at offshore, where the forthcoming licensing round is focused, the issues of piracy were resolved many years ago, with no incidents in recent years. Indeed, there were no issues as Spectrum collected their data. While we still have a long way to go on the mainland, offshore opportunities can be explored in a wholly secure environment. Our energy sector really is poised for take-off. The exploration and production of hydrocarbons in a responsible and safe manner will provide the vital resources we need to build communities and ensure the long-term sustainable development and prosperity of our country. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne XIL KA QAADIS Ku: Maxamuud Cabdi Dacar Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska Ku: Sulub Warsame Xuseen Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway Ku: Cabdalla Muuse Axmed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Ku: Cali Maxamed Axmed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal iyo Marwo, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran. MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: 1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska. 2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub. 3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya. 4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway. 5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika. 6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka. 7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya. 8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman. 9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda] ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu arkay muuqaal dheer oo ay baahisay kooxdiisa gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida. Inkasta oo si toos ah aan loo arkeyn wajigiisa, Abuu Cubeyda, ayaa sida caadada ah waxa uu muuqaalka ku bilaabayaan codkiisa. Fariintiisa oo si toos ah ugu socotay shacabka Mareykanka ee canshuurta ku taageera ciidamadooda ayaa wuxuu u sheegayaan “in ay dib eegis ku sameeyaan halka iyo qaabka ay ku baxdo lacagahooda”. Axmed Diiriye oo Amiirka Al-Shabaab ah tan iyo 2014-kii ayaa muuqaalka waxaa kaliya lagu arkayaa gacmahiisa iyo garbaihiisa. Labadaas qeybood ayaa soo muuqanaya xili uu la kulmayo dagaalameyaashii qaadey weerarkii Balidoogle ee 30-kii September, sanadkan 2019. Gacmahiisa waxaa kasoo muuqanaya laba shey, kuwaas oo kala ah Saacad iyo Faraanti kana sameysan qalin, sidda ay sheegeen dadka aqoonta u leh. Baaritaan dheer kadib ayaa lassoo ogaaday qiimaha suuqyadda caalamka ay ka joogaan iyo macluumaadyo kale oo muhiim ah. Faraantiga Sidda laga soo xigtay xeel-dheereyaasha, Faraantiga ayaa ka simeysan dhegax lagu magacaabo Aqeeq, kaas oo laga helo qaybo kamid ah caalamka. Badi Faraantiyadda noocaan ah ayaa lagu sameeyaa lagana helaa wadamadda Yemen, India, Germany iyo qeybo kamid ah qaaradda Latin America. Dadka Carabta aad ayey u jacel yihiin Faraantigaan si gaar ah midabka Orange-ga, iyaga oo u yaqaana magaca “midadkii nolosha”. Qiimaha uu suuqyadda caalamka ka jooga ayaa waxaa ay ku xiran tahay hadbka culeyskiisa, midabkiisa iyo tayadda uu leeyahay. Tusaale ahaan marka uu yahay 925 sterling silver, waxaa qiimaha uu ka joogo suuqyadda caalamka uu noqoyaa 100 illaa iyo 300 oo Doollar-ka Mareykanka ah. “Khuraafaadka” ku xeeran xirashadda Faraantiga ka sameysan dhagaxa Aqeeq ayaa waxaa kamid ah in qofka uu siinayo raaxo, caafimaad kana saarayo baqdinta. Saacadda Nuuca saacadda uu xiran tahay Abuu Cubeyda oo midabkeedu yahay madow ayaa waxaa sanadkii 1868 sameeyay nin lagu magacaabo Patek Philippe kaas oo u dhashay Switzerland. Saacadda oo inta badan ay xirtaan darawaladda baabuurta ayaa la jaan-qaadeysa heerka wadnaha qofka, xawaaraha uu ku socdo iyo aalad hubineysa heer-kulka ruuxa wata. Tani ayaa waxay imaaneysaa xili Axmed Diiriye Cumar lagu waramayo in “caafimaadkiisu liito”. Wallow ay jiraan sheegashooyinkaan, wali Al-Shabaab si furan ugama hadlin. Marka laga hadlayo suuqyadda caalamka, qiimaha ay Saacadan, oo loo yaqaano Sports Watch, ka joogto waxaa lagu sheegay 599$ [Shan boqol iyo sagaashan iyo sagaal oo Doollar,] sidda laga soo xigtay bogag kala gedisan. Xigasho: Garowe Online
-
The 2016 Somaliland Independence Day Parade in the capital Hargeisa To most, a functionally independent country that lies in the northern part of modern Somalia with a separate government, education system, and even a coast guard would be something out of a fantasy novel. However, Somaliland, hidden on the Horn of Africa, is exactly that. Its four million people declared independence in 1991—the second time they have done so since the colonial period—and have established a robust democracy that has seen peaceful transfers of power between political rivals in 2002 and 2010. Given that it is as large as Uruguay in terms of area, Somaliland clearly has the population, land, and democratic stability to be considered an autonomous nation by the international community. However, no country currently recognizes Somaliland’s sovereignty. The main factors holding Somaliland back from full international recognition stem from its complicated history with Somalia and existing relationships between global leaders and Somaliland’s troubled neighbor. Nonetheless, the country is making a strong case for itself by garnering huge international investments and maintaining a stable and robust democracy. It is now the duty of international powerhouses to recognize Somaliland for its progress and welcome it to the international community. History Should not Govern the Future The international community’s focus on Somaliland’s historical ties with Somalia is short-sighted and unfair. The two countries only unified in 1960, when the British and Italians finally decolonized the area. Shortly after unification, however, power was quickly centralized to the south in Mogadishu, the current capital of Somalia. Somalilanders’ anger at this new form of pseudo-colonialism perpetuated by Mogadishu boiled over in the 1980s when Somali President Siad Barre took violent control of the country. The nationalist leader lashed out against the northern part of the country by destroying 90 percent of Somaliland’s main city of Hargeisa, massacring an estimated 50,000 members of the country’s largest ethnic group. Somalilander freedom fighters finally ousted Somali forces from their territory in 1991 and subsequently declared independence for the second time. Within two years of independence, Somaliland enjoyed its first democratic election and built a stable democracy, while Somalia plunged into turmoil resulting from the power vacuum left by Barre. As Somalis were tied up in the long Battle of Mogadishu, Somalilanders developed their economy and democracy. However, since 1991, few countries have helped Somaliland establish its international presence. The two countries’ historical ties with one another has made it difficult for the international community to separate diplomacy with Somaliland from that with Mogadishu. The United States specifically has not recognized Somaliland due to its belief that it would be too disruptive to the Somali government. Even though it seems imprudent to hamper Somaliland’s growth solely because of its history with its southern neighbor, the world continues to ignore what the Economist calls “East Africa’s strongest democracy.” Where Somaliland is Headed Major international actors like the United States have not recognized Somaliland’s sovereignty in order to avoid amplifying the political challenges that Mogadishu is facing. Global leaders fear that recognizing Somaliland would further delegitimize Somalia’s weak government. However, international powerhouses’ willingness to send active military to Somalia 30 years ago contrasts sharply with their refusal to recognize a fully independent and prosperous government today. Nonetheless, many countries have consulates in Hargeisa, Somaliland’s capital, such as Denmark and the United Kingdom. Furthermore, South Africa, Ethiopia, Djibouti, Belgium, United Kingdom, France, South Sudan, and Kenya all accept Somaliland passports as legitimate means of identification. However, without any formal state recognition and an envoy to the United Nations, Somaliland has very little international power. While its diplomatic efforts have hit roadblocks, Somaliland is growing politically and financially at an unprecedented speed. Even without international support, Somaliland has been able to garner significant foreign investment, further proving that it deserves international recognition. In 2012, Coca-Cola invested in a $15 million bottling factory in suburbs of Hargeisa, which created hundreds of jobs for locals. Coca-Cola has committed to investing $15 million more in the Somaliland Beverage Company to support the factory’s maintenance. Furthermore, the Dubai-based ports operator DP World invested a startling $442 million into building a brand new port in the city of Berbera, which lies on the strategic intersection of the Red Sea and the Gulf of Aden. The resilience of Somaliland’s economic development is remarkable. This economic vigor translates to the country’s commitment to democracy, with the 2017 presidential election serving as clear evidence. The United States, France, the United Kingdom, and the European Union all sent representatives to watch the successful presidential elections. It is not clear whether this political momentum will carry over into recognition by these world superpowers. However, Somaliland is evidently on the right path to international statehood. Thus, the responsibility clearly lies with countries like the United States to reward Somaliland for being a shining Harvard Political Review Qaran News
-
Click here to read more Qaran News
-
PRESS RELEASE Flooding in Somalia increases risk for malnutrition and disease outbreaks UNICEF and partners working to meet urgent needs of most vulnerable children MOGADISHU, 5 November 2019 – An estimated 200,000 children have been affected by heavy flooding in Belet Weyne, Berdale, Baidoa, Jowhar and Mahadaiin, Somalia. Thousands of families have been forced to leave their homes and locate to higher ground. Living in makeshift camps or worse in the open, many of the displaced are in dire need of clean water, sanitation and hygiene services, safe shelter, health and food supplies. The floods have also destroyed schools and interrupted learning for thousands of children. “Children are very vulnerable in times of emergency,” said Werner Schultink, Representative of UNICEF Somalia. “If we do not act decisively, the impact of these floods will be felt in Somalia long after the water levels recede,” he added. Damaged crops and farms inundated with water will impede access to food. This will exacerbate the previously precarious food situation in the country. Food insecurity, lack of healthcare and access to safe water and sanitation will result in spikes in malnutrition among Somali children and cause a deadly cycle of fast-spreading waterborne diseases. UNICEF is working closely with local authorities and partners to determine and meet the most urgent needs of children and their families. The organization is dispatching emergency supplies and providing life-saving services through partners on the ground. 33,000 hygiene kits are being distributed to enhance access to safe water and prevent waterborne diseases Supplies will be preemptively dispatched to treat 90,000 people for acute watery diarrhea Nutrition teams are already on the ground to treat children with severely acute malnutrition Child-friendly spaces will be established to provide 1,300 of the most affected children a space to gather, learn and play safely “UNICEF and partners will continue to respond to the urgent needs of children and their families affected by the floods providing immediate assistance to mitigate the potentially life-threatening impact of this unfolding situation,” said Representative Schultink. Qaran News
-
Wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu soo gudbisay shacabka Soomaaliyeed qorshaha iyo waqtiyada ay wasaaraddaasi ugu talo gashay bixinta shatiyada xermooyinka shidaalka ku jira badda, soo bandhigidda shirkadaha guuleystay iyo dhaqan-gelinta heshiisyada la xiriira qeybiga kheyraadka, kuwaas oo dhammaan noqon been iyo mala-awaal. Wasiirka Batroolka dowladda federaalka ah Cabdirashid Maxamed Axmed oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in wasaaradiisa ay December 2019-ka ku soo bandhigi doonto shirka shidaalka ee Cape Town qorshaha lagu bixinayo shatiyada shidaalka, waxaa uu carabka ku dhuftay 15 xermo, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 30 Bilyan oo fuusto. Wasiirka ma qeexin sida uu yahay qorshahaasi, waxaana bisha soo socota uu sheegi doonnaa goorta ay shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya u tartami doonaan shatiyada. Haddii aan akhristayaasheenna dib ugu celino shirkii shidaalka ee London ka dhacay February 7, 2019, waxaa ay wasaaradda Batroolka ee dowladda federaalka ah sheegtay ama soo bandhigtay jadwal iyo qorshe la wada sugayey in la fuilyo. Kulankaas waxaa laga soo saaray in November 7, 2019 ay noqoto maalinta shirkadaha ay u tartamaaan xermooyinka shidaalka, December 9, 2019-na heshiis lala saxiixdo shirkadaha guuleysta oo hela shatiyada si bisha December 19-keeda, 2019 u saxiixaan golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, loona dhaqan-geliyo heshiiska qeybsiga kheyraadka January 2020. Hadda waxaa ay wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah leedahay jadwaalkaas waa uu guuldareystay oo qorshe cusub ayaa keeni-doonnaa December 2019-ka, laakin waxaa meesha ku jirta sida loo rumeysan karo wasaarad horay shacabka been ugu sheegtay. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa heshiis cusub la gashay dalka Masar, kaas oo la xariira dhinaca waxbarashada ee maamulkaasi. Heshiiskan ayaa waxaa Puntland uu saxiixay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo isaga iyo wafdi la socda ay booqasho ku joogaan dalkaasi. Wasiirka oo Qaahira kula kulmay, Dr. Daariq Showqi oo ah wasiirka waxbarashada dalka Masar ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ee deegaanada maamul goboleedka Punland. Sidoo kale heshiiskan cusub ayaa dhigaya in illaa lix iskuul ay dowladda Masar ka furato Puntland, kuwaas oo ay dhigi doonaan macalimiin Masaari ah oo ka howlgali doono qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. Cabdullaahi Maxamed Xasan wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn dowladda Masar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo ah Hooyada federaalka. Masar ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero dowladda dhexe, lamana sababta hadda ku soo beegtay heshiiskan, maadaama Puntland uu khilaaf xoogan uu kala dheexeeyo xukuumaadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland. Guddoomiyaha ayaa ku wargeliyay mudanayaasha, in ay fasax yihiin laga bilaabo Khamiista berriya ilaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda, wakhtigaasi oo dib la isugu soo laaban doono, si ay u sii socdaan hawlaha Baarlamanka. Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka. Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta ay ka sameeyeen warbixinihii guddi-hoosaadyada golaha wakiilada. Dhinaca kale, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in 31 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka ay saxiixeen mooshin xilka qaadis ah oo ka dhana guddoomiye Dhoobo. Xildhibaannada mooshinka wada, ayaa sida la sheegayo waxaa dabada ka riixaysa xukuumadda Puntland, kadib markii la xallin waayay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo. Mooshinka ayaa sida qorshaysneyd la gudbin lahaa maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda, balse guddoomiyaha ayaa sii fasaxay mudanayaasha, inkastoo aan la ogayn tallaabada xigi doonta. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddoomiye Dhoobo oo fasax kooban u diray Baarlamanka kadib markii mooshin laga keenay appeared first on Puntland Post.
-
Yoonis Cabdirashiid Egag wuxuu ka mid yahay naadiga Som United oo koox Soomaaliyed oo ka dhisan wadanka Sweden kana ciyaarta horyaalka afaraad ee Division 4,Yoonis Egag ayaa si weyn lagu yaqaanaa Sweden sababatoo ah waa xidiga sanadkan 2019 ku guulaystay gool dhalinta horyaalka heerka afaraad. “Saddex sano oo aan u ciyaaray kooxdayda Som United waxaan u dheelay lixdan kulan waxaana mudaas u dhaliyay 84-gool waxay ii aheyd qibrad aad u wanaagsan iyo shaqo adag,balse da’daal adag ayaan qudhayda muujiyay”ayuu laacib Yoonis Cabdirashiid Egag ugu waramay Goobjoog Sports. Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon ayaa sheegay in Yoonis Cabdirashiid Egag oo kale uu ku yar yahay isboortiga Sweden wuxuuna intaa ku daray in uu kaalin wanaagsan ka qaatay horomarka iyo heegsiga kooxda sanado badan oo u qaaday gool dhallinta. “Yoonis Egag kooxdeena kaalin wanaagsan ayuu ka qaataa sanad kasta ka macallin ahaan aad ayaan ugu mahadcelinaynaa maadaama uu xili ciyaareed kasta dhaliyo in ka badan 20-gool iminka wuxuu ka mid yahay ciyaartooyda ugu hadalheynta badan jaraaidyada ciyaaraha” ayuu Gooboog Sports ugu waramay layliyaha naadiga Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon. Maamulka iyo macallimiinta naadiga Som United ayaa ku da’daalya sanadaha soo aadan in ay u soo gudbaan horyaalada heerka 2aad iyo 1aad ee dalka Sweden,iyagoo doonaya in ay sameeyaan taariikh weyn mustaqbalka soo socda,si ay u noqdaan kooxdii ugu horeesay oo Soomaali ah oo halkaa gaarta. “Dhallinyarada soo koraysa ee iminka ku nool guud ahaan wadanka Sweden waxa ay ku daysadaan laacib Yoonis Cabdirashiid Egag,sababto ah isaga wuxuu u soo ciyaaray kooxaha badan oo ka dhisan magaalada Stockholm” ayuu markale Goobjoog u sheegay tababaraha Som United Maxamed Cabdiqaadir . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Yoonis Cabdirashiid Egag W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
