Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen. Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah. Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo gurmad deg deg ah ka dalbatay Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  2. Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankooda waxaa ay ku ansixiyeen labo sharci oo aad muhiim u ah. Sharciga 1-aad waa Sharciga iibka Qaranka, codeyntii dhacday waxaa ogolaatay ilaa 133 xildhibaan halka 2-xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay 4 kale. Dhanka kale, waxaa isla maanta la ansixiyey Sharciga Furdooyinka , codeynta golaha waxaa ogolaatay 134 waxaa diiday 5 sidoo kale sedax Xildhibaan ayaa ka aamustay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Washington)-Xubin kamid ah ururka Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hoggaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post. Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey. Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay inay muhiim u aheyd howl-galkii ciidammada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi. Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhammaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cidda soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar. Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa. Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u caddeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa. Source
  4. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa maanta warqad uu u diray Baarlamaanka Puntland si xasaanadda looga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaasoo sabtidii la soo dhaafay su’aalo adag weydiiyey madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni. Qoraalka waxaa laga codsaday guddoomiyaha golaha wakiilada inuu xasaanadda ka qaado xildhibaanka oo lagu eedeeyey inuu geystay qadaf, si loo soo taago maxkamadda. Akhriso: Qoraalka Source: goobjoog.com
  5. Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay laba ka mid ah dablaydii habeen hore salaadii subax weerartay saldhiga degmada Borama ee gobalka Awdal. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Dablaydan ayaa markii ay hawlgalka fuliyeen waxa ay qaarkood u talaabeen xuduudka Itoobiya ka dib markii ay hawlgal ay ku raad joogaan fuliyeen ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana dawladda Itoobiya ay qabatay laba ka mid ah kooxda hubaysan ee u talowday, ka dib markii ay dawladda Somaliland ku wargelisay Itoobiya inay kooxdaasi u talowday xuduudkooda. Sida uu warkani sheegay dawladda Somaliland ayaa isla shalayba ka codsatay Itoobiya inay u soo gacangeliso labada xubnood ee ay qabatay. Kooxdan oo uu hawlgalkooda sheegtay Suldaan Wabar, ayaa waxa ay fuliyeen hawlgal kooban oo aan sababin wax khasaare ah, waana hawlgalkii u horeeyay ee ay fuliyeen tan iyo intii uu Madaxweyne Biixi qabtay talada Somaliland sannadkii 2017. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maantana loo doortay inuu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xisbiyadii xilkaas u doortay uga mahadceliyey kalsoonida ay xilkaas ugu magacabeen. Shiikh Shariif ayaa mahad celin kadib ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka ku jiro gaar ahaan doorashada la filayo inay dhacdo marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Farmaajo. Sababta loo Aas’aasay Madashaan ayuu ku sheegay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo Aas Aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti Siyaasadeed. Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana qofkii doonayo in uu qabto lagu waajibiyey in uu dowladda fasax ka qaato taasina ay Dastuurka kasoo horjeedo sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu si toos ah u caddeeyey inaysan xisbiyada midoobay marnaba aqbali doonin Koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo iyagana ay camiraan sida uu hadalka u dhigay. “Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno, dowladdu inadhaheeda ha furto, Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay, dadkii diidanaa in halkaas doorasho lagu qabtana waxaa kamid ahaa madaxweyne Farmaajo dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Sheekh Shariif. Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad kooban oo looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen Xisbiyo dhowr ah oo dalka kajira oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Garoowe)-Xildhibaankii Su’aasha Kulul Weydiiyay Madaxweynaha Puntland Oo Xasaanadda Laga Qaadayo Si Loo Dacweeyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray mashruuc ballaadhan oo ay leedahay shirkadda SOMPOWER, kaas oo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda, halkan hoose ka ka DAAWO khudbadii Madaxweynaha Source
  9. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya bandhigga Tiknolojiyadda ee Dalka Qadar iyo Shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka Munich (Munich Security Conference). Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay Dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka Internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka Dhallinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad danabeedka (e-government), iyo ganacsiga Ellektarooniga ah (E-commerce). Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibradaha iyo qorshayaasha, gaar ahaan Dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya Dalalka Carabta dhinaca baahinta Tiknolojiyadda. ”Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka Dalal , Ururro, Shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan Wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka Boostada Soomaaliya, Mudane; Cabdi Cashuur Xasan. Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane; Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan Dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dalka Qadar, shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Isgaarsiinta iyo Tikonlojiyadda iyo isticmaalka Tiknolojiyadda ee ka hortagga iyo gurmadka musiibooyinka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. MOGADISHU (HOL) - Somali minister for Labour and Social Affairs, Sadik Hirsi Warfa on Tuesday held a meeting with World Bank Vice president, Havez Ghanem in Washington DC of United States. Source: Hiiraan Online
  11. Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa maanta guddoonka golaha wakiilada Puntland, ka dalbaday in xasaanada lagala laabto, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo dhowaan Su’aal adag weydiiyey Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana la gaarsiiyey guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanku uu ku xadgudbay shuruucda dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in dacwad lagu soo oogo. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article
  12. Idlib (Caasimadda Online) – Xubin kamid ah ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hogaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post. Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey. Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim u aheyd howl-galkii ciidamada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi. Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhamaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cida soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar. Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa. Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u cadeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-30102019.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Duufaan Ku Waajan Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Yuusuf Cabdulle Shaacir, ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo shacabka Somaliland in ay gurmad u fidiyaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay fatahaada webiga ee magaalada Beled-weyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir goordhow ay yeesheen xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqay madal ay leeyihiin oo lagu magacaabo Madasha Xisbiyada Qaran. Waxaa sidoo kale hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Arrintan ayaa la timid kadib wadatashi muddo socday taasi oo looga gol leeyahay in la mideeyo garabyada kala duwan ee xisbiyada mucaaradka dalka. Sheekh Shariif waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, waxaana u tanaasulay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah guddoomiyaha xisbiga UPD. Sidoo kale guddoomiye ku-xigeennada Madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa loo doortay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ah guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyey Xisbiyada sida kalsoonida leh oo ay ugu doorteen guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, isaga oo ballan-qaaday inuu si hufan ugu shaqeyn doono. Shariif ayaa sheegay in sababta loo aas-aasay madashaan ay tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is-ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo aas aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti siyaasadeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn sheegay in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed. Madashan ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin Himilo Qaran, UPD, Ileys, NPP, Kulan iyo Xisbiga Nabadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dacwad xasaasi ah ku soo oogtay, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada maamulkaasi oo dhowaan su’aal adag weydiiyey Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni. Warqad uu ku saxiixan yahay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana guddoonka baarlamaanka maamulkaasi la gaarsiiyey ayaa waxaa looga codsaday in xasaanada laga qaado Xildhibaan Daad, si loogu soo oogo dacwadda loo heysto. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa xildhibaanka ku eedeeyey inuu ku xadgudbay shuruucda u taalla dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in lala xisaabto, si wax looga weydiiyo hadallada xanafta leh ee uu ku dhawaaqay. Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay haddii guddoonku ogolaado dalabkan in xeer ilaalintu ay soo gudbi doonto eeda loo heysto xildhibaankaasi oo 26-kii bishan ka careysiiyey Madaxweynaha Puntland oo ku sugnaa xarunta golaha wakiilada Su’aasha xildhibaanka oo uu ku sheegay in xukuumaddu fashilantay, islamarkaana laga soo Qanuudo masaajida ayaa xiisad weyn ka abuurtay guud ahaan Puntland. Halkan hoose ka aqriso:
  18. MOGADISHU (HOL) - A military court in Mogadishu Wednesday sentenced to death Mahas district commissioner for the murder of his deputy in April in Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  19. Abdullahi Ali Abdi sells every kind of food item at his shop in Dugandug market that families living in the sprawling displacement camps outside the southern Somali city of Baidoa could want. Source: Hiiraan Online