-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Safiirka Soomaailya ee dalka Turkiga oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uusan wax saameyn ah ku yeela doonin go’aankii dhawaan ay soo saartay dowladda Turkiga oo la xiriira sharciga deganaanshaha dalkaas. Go’aankaas ayaa dowladda Turkiga ay ku sheegtay inaan ikhaamada la sii doonin dadka dalxiiska ku gala dalkaas Turkiga. Danjire Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in uu maanta la kulmay madaxa hey’adda Socdaalka Turkiga, isla markaana uu u cadeeyey in dadka Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aan dowladda Turkiga ay ka soo saartay arinkaas. Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sheegay in madaxa hey’adda socdaalka Turkiga uu kala hadlay sidii Visa-ha loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa dadka caafimaadka u yimaada dalkaas. “Sannadkaan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyey in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid. Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr dal uu uu xiriir gaar ah kala dhexeeyo dalka Turkiga.
-
London (Caasimada Online) – Weerar mindiyeyn ah, oo boolisku ay sheegeen inuu ahaa weerar argagixiso xiriir la leh, ayaa maanta ka dhacay buundada magaalada London. Booliska ayaa sheegay in loogu yeeray weerarkan abaare 2-dii duhurnimo. Dhowr qof ayaa la tooreeyey, waxaana muuqaallo lasoo duubay ay muujinayeen dhowr qof oo weeraraya ninka la rumeysan yahay inuu yahay kan weerarka mindida soo qaaday. Booliska oo kadib goobta soo gaaray ayaa toogtay oo dilay ninkii weerarka soo qaaday. Shan qof oo ka mid ahaa dadka la tooreeyey ayaa sidoo kale la sheegay inay dhaawac yihiin. Ka hor inta aan la toogan ninka weerarka soo qaaday, ayaa qof ka mid ah dadkii isku dayey inay ka hortagaan, waxaa uu ka qaaday mindidii. Ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in lagu soo war-geliyey dhacdadan waxaana uu joojiyey olole doorasho oo ka waday deegaan doorashadiisa oo ah Uxbridge, isaga oo dib ugu soo laabtay Westminster. Weerarkan ayaa yimid toddobaadyo kadib markii hoos loo dhigay heerka halista argagixiso ee UK. Waxa uu sidoo kale weerarkan imanayaa laba sano iyo bar kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Buundada London, halkaasi oo 3 nin ay ku dileen 8 qof, islamarkaana ku dhaawaceen 48 kale.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-habeen-29112019.mp3 View the full article
-
Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka oo ay ku mideysan yihiin kuwa ugu weyn dhanka siyaasadda dhowr ayaa maanta waxaa ay soo saareen baaq ay u dirayaan Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyaga oo ugu baaqan in loo baahan yahay in dowladdiisa ay joojiso faragelinta ay ku hayso gudaha Soomaaliya. Madasha waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ay dhowaan Gedo ku xireen saraakiil la magaacay ee Baladxaawo iyo Doolow, waxaa kale oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland laga hor istaagay inuu booqdo deegaan doorashadiisa iyo arrimo kale oo ay Adis Ababa ku lug leedahay. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in muhiim tahay in dowladda Itoobiya ciidamadooda faraha kala baxaan waxa ka socda Galmudug oo aaney u faragelin sidii Koonfur galbeed ka dhacday sanadkii hore. Sidoo kale Madasha ayaa walaac ka muujisay doowarashada dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo deegaannada Galmudud, waxaana ay xuseen in dowladda federaalka ah ay faragelin toos ah iyo mid dadbanba ay ku hayso doorashada. Ugu dambeyntii waxaa ay madasha uga digtay AMISOM iney isticmaasho wax aan ku jirin heshiiska, kana baxsan awoodaheeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedkii 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan oo laba maalmood socday ayaa dib u habeyn lagu sameeyay hoggaanka Ururka IGAD, iyadoo gudoomiyaha cusub ee ururkaas loo doortay Cabdalla Xamduuk oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan. Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan. Sidoo kale Xoghaya Guud ee ururka IGAD ayaa loo doortay Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Xilka Gudoomiyanimada IGAD waxaa isku heystay Jabuuti iyo Kenya oo sidoo kale horey isku haystay murashaxnimada kursiga Midowga Africa uu ku leeyahay Golaha Amaanka ee Qarmaada Midoobay. PUNTLAND POST The post IGAD oo hoggaan cusub dooratay appeared first on Puntland Post.
-
Wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa warbixin ay ku eegaysay taageerada Turkigu siiyo Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in dawladda Ankara door muhiim ah ku leedahay dhismaha geeddi socodka nabadda ee Somaliland iyo Soomaaliya. Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya “Isaga (Wasiir Cawad) oo xusaya taageerada Turkiga ee dhismaha geeddi socodka nabadda Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta wakaaladda Turkiga. Waxa ay warbixintu intaas raacisay “Wasiir Cawad oo sii adkaynaya in Soomaaliya soo dhawaynayso taageero kasta oo dawladda Turkigu ku horumarinayso xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Muqdisho doonayso in walaalahood Somaliland dib ugu soo biiraan Soomaaliya.” Warbixinta ayaa lagu sheegay in wasiir Cawad Salaasadii safar diblamaasiyadeed ku tagay Turkiga lana kulmay wasiirka arrimaha dibadda. waxa kale oo lagu sheegay in uu shaaciyay sida Soomaaliya uga soo horjeedo cunoqabataynta hubka ee saaran laakiin, Somaliland ayaa ka soo horjeeda in cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya. Source
-
Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shir Madaxeedkii Caadiga ahaa ee 13-aad ee madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan oo laba maalmood socday ayaa dib u habeyn lagu sameeyay hogaanka Ururka, iyadoo gudoomiyaha cusub ee IGAD loo doortay Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan. Mr. Xamduuk ayaa ka hor intii uusan Ra’isul Wasaare ka noqon Sudan xubin ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya. IGAD ayaa sidoo kale Xoghayaheeda cusub u dooratay Workneh Gebeyehu, oo u dhashay dalka Ethiopia, oo uu dhawaan magacaabay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo hayay xilka madaxa IGAD. Xlika Gudoomiyenimada IGAD ayaa waxaa dhawaanahan isku heystay dalalka Djibouti iyo Kenya, oo sidan oo kale isugu qabtay murashaxnimada kursiga Midowga Africa uu ku leeyahay Golaha Amaanka ee Qarmaada Midoobay, oo Markii dambe ururku uu u codeeyay Kenya, in kastoo Djibouti ay ku dooday in nidaam haboon aan loo marin. Kullankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee shir madaxeedka caadiga ah ee wadamada IGAD ay yeeshaan muddo 10 sanadood ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa qoraal ay u direen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxay walaac uga muujiyeen faro-gelinta rabshadaha wadata ee ay ciidamada Itoobiya ku hayaan siyaasadda gudaha Soomaaliya. Madasha ayaa xusay xarigii 6-dii November ay ciidamada Itoobiya kula kaceen saddex guddoomiye degmo oo ka mid ah kuwa Gedo, kuwaas oo la sii daayey kadib markii lagu qasbay inay kasoo horjeestaan maamulkooda Jubaland. Madasha ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay 19-kii bishan is hortaageen in madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu galo degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo. Waxaa dhacdooyinkaas kasii horeeyey, sida qoraalka lagu yiri, isku daygii laga hortagay ay ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay Kismaayo ku galaan 19-kii August, si ay u faro-geliyaan doorashadii Jubaland, una xqiijiyaan in musharax horey loo qorsheeyey uu ku guulaysto. Madasha Xisbiyada ayaa sidoo kale ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay afduubteen doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii December 2018, taasi oo dhalisay in dad shacab ah lagu xasuuqo Baydhaba. “Xilliga aan qoreyno warqaddan waxaa ciidamo aad u qalabeysan oo ah Itoobiyaan aan ka mid ahayn Amisom la geeyey magaalada Dhuusomareeb, si loo faro-geliyo doorashada soo socota loona xaqiijiyo guusha musharax horey loo go’aamiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada. Dhamaan dahcdooyinka kor ku xusan, ayay Madashu sheegtay, inay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga iyo heshiiska nabad ilaalinta dalka. Madasha xisbiyada ayaa ugu baaqay Abiy Ahmed inuu dareen u yeesho dhacdooyinkan islamarkaana uu wax uga qabto si deg deg ah, oo ka aragti bixineysa Itoobiyada cusub. Qoraalka oo English ku qoran hoos ka aqriso
-
Xisbiga madaxweynihii Suudaan ee talada laga eryey ee Cumar Al-Bashiir ayaa Jimcaha maanta ah canbaareeyey waxa ay ugu yeedheen “xukuumadda aan sharciyadda laheyn” ee Suudaan ka dib markii ay dowladdu amartay in albaabada loolaabo xisbigaasi iyo baabi’inta nidaamkii Al-Bashiir ee dalkaasi soo xukumayay muddo 30 sano ah. Maamulka cusub ee Suudaan ayaa Khamiistii meel mariyey sharci cusub oo amraya in Xisbiga National Congress Party lakala diro, lala wareego hantida xisbiga, iyo in nidaamkiisii la baabi’iyo sida ay dalbadeen dhaqdhaqaaqa mudaaharaadayaasha ee horseeday in Bashiir la eryo bsihii April ee sannadkan. Hogaamiyeyaasha Xisbiga Al-Bashiir ee loo soo gaabiyo NCP ayaa ku eedeeyey dowladda iney isku dayayso sidii ay kula wareegi lahayd hantida xisbiga si ay ula tacaasho dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta taasi oo ay sheegeen iney dowladdu ku fashilantay maareynteeda. Golaha cusub ee xukunka haya iyo golaha wasiirada ee uu hogaamiyo ra’isulwasaare Abdalla Xamduuk ayaa ku meel mariyay go’aankan sharci cusub oo loogu magacaday “baabi’inta nidaamkii 30-kii June ee 1989-kii.” Madaxweynihii hore al-Bashir ayaa xukunka dalkaasi afgenbi ay kooxaha islaamiyiintu taageerayeen kula wareegay June 30, 1989-kii isaga oo afgenbiyay. Source
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolku, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan. Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka. Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD, haatanna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qeybta ka ah IGAD. View the full article
-
PRESS RELEASE Sudan: Decision to repeal public order laws a step forward for women’s rights Amnesty International calls on the government of Sudan to go further and ratify important instruments related to women’s rights including the Maputo Protocol LONDON, United Kingdom, November 29, 2019/ — Reacting to the Sudanese government’s decision to repeal the public order laws, which governed among other things, women’s presence in public spaces, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, Seif Magango, said: “This is a big step forward for women’s rights in Sudan. The repeal of the public order laws was long overdue. Many women were arbitrarily arrested, beaten and deprived of their rights to freedom of association and expression under this discriminatory law. “The transitional government must now ensure that the entire oppressive public order regime is abolished. This includes repealing the articles dictating women’s dress code that are still in the criminal law, disbanding the public order police and the dedicated courts, and abolishing flogging as a form of punishment. The authorities must amend the criminal law of 1991, especially Articles 77 and 78 governing consumption of and dealing with alcohol, and Articles 145-158 governing so-called “morality”, including consensual sex, dress code, and other matters on the conduct of individuals in private spaces. The repealed public order laws gave the public order police extensive powers to arrest any person, particularly targeting women for dancing at parties, vending on the streets, and begging. Amnesty International calls on the government of Sudan to go further and ratify important instruments related to women’s rights including the Maputo Protocol governing the rights of women in Africa, and the UN Convention on the Elimination of all Forms of Discrimination Against Women (CEDAW). Distributed by APO Group on behalf of Amnesty International. SOURCE Amnesty International Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aad u dhaliilay adeegsiga madaxweyne Farmaajo ee ciidamada Itoobiya, kadib markii maanta ay ciidamo Itoobiyaan ah gaareen magaalada Dhuusomareeb. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Madaxweyne Farmaajo ciidan kan Itoobiya ayuu u jecel yahey adeegsigiisa, dal loo safrana Itoobiya ayuu u jecel yahey, sanadkaan kaliya in ka badan 5 jeer ayuu isaga daba noqdey, gobolada dalka uu madaxda ka yahey goor ugu danbeysay booqashadooda lama garanayo, marka laga reebo Beledweyne oo uu ku sugnaa 2 saacadood oo lugaha biyihii fatahaadda uu soo galiyey.” Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee DhuusoMareeb la geeyey “ay daliil cad u tahay sida uu [Farmaajo] dalkiisa iyo dadkiisa ugu loogayo ciidamada dal kale ogolaanshihiisa in ay ku qabsadaan magaalooyin Soomaaliyeed.” Madaxwweyne Farmaajo ayaa horey ciidamada Itoobiya ugu adeegsaday doorashadii Koonfur Galbeed ee Baydhaba. Wuxuu sidoo kale isku dayay inuuu adeegsado Jubaland, balse waxaa ka hortagay Axmed Madoobe. Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin baahi loo qabo in ciidamada Itoobiya la geeyo Dhuusomareeb. “Farmaajo cidna lagama aqbali doono dalkaan inuu ciidan iyo lacag shisheeye si jajuub ugu qabsado asagoo ay cadaatay in wadaniyadiisii halku-dhigyada aheyd ay kashifantey, cid kasta oo wadaniyad iyo erayo wanaagsan ku taageertayna ay arkayaan maanta in madaxweyne Farmaajo la soo baxey dhaqankii qabqablayaashii dagaalka oo kale oo mar walba dalka u soo horkici jirey ciidamo Itoobiyaan ah.” Ka hor inta aan bishii Febraayo eee sanaddii 2017 loo dooran madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo waxa uu ahaa siyaasi Soomaalida ka gaday inuu neceb yahay shisheeyaha, gaar ahaan Itoobiya. Waxa uu marar badan wareysi uu bixiyey ku sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in marna ciidankooda ay joogaan Soomaaliya. Si kastaba, markii uu xukunka qabtay kadib, dhammaan mowqifyadiisii hore waa ay is-beddelaan. Waxa uu dowladda Itoobiya u gacan geliyey Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed. Waxa uu aqbalay joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo uu billaabay inuu dano siyaasadeed u adeegsado, waxaana kadib uu Itoobiya ka dhigtay isbahaysi.
-
Jilib (SMN) – Diyaarado aan heybtooda la aqoonsan ayaa weerar dhanka cirka ah ka geystay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe. Ma cadda dalka iska leh diyaaraddaha. Balse, aagaas waxaa aalaaba duqeymaha ka fuliya Mareykanka iyo Kenya. Lama soo warin khasaaro nafeed ama mid hantiyadeed oo ka dhashay howlgalkaan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay. Dhanka Al-Shabaab oo meelaha la beegsaday ka armisa wali wax war ah dhankooda illaa iyo waqti xaadirkan kama soo bixin. Bartamihii bishaan November sanadkan 2019 ayay ahayd markii Mareykanka uu duqeymo ka fuliyey Jubbooyinka isaga ku dilay xubno Al-Shabaab ah. View the full article
-
PRESS RELEASE UNHCR expands help to refugees in urban areas in Libya, reassesses role of Gathering and Departure Facility There are already some 40,000 refugees and asylum-seekers living in urban areas, some of whom are extremely vulnerable and in desperate need of support GENEVA, Switzerland, November 28, 2019/ — UNHCR, the UN Refugee Agency, announced today that it is increasing its support to refugees and asylum seekers in urban areas of Libya and reassessing the role and functioning of the Gathering and Departure Facility. “As the Libyan conflict intensifies, we have decided to expand the assistance provided to the refugees and asylum seekers living in urban areas,” said UNHCR’s Chief of Mission for Libya Jean-Paul Cavalieri. There are already some 40,000 refugees and asylum-seekers living in urban areas, some of whom are extremely vulnerable and in desperate need of support. Humanitarian assistance to refugees and asylum seekers is available at our Community Day Centre (CDC) in Gurji, district of Tripoli, where those in need can access primary health care, registration and cash assistance to help meet food and accommodation needs. The agency is also reassessing the role of the Gathering and Departure Facility (GDF), in light of severe and unsustainable over-crowding. The GDF was opened a year ago as a transit facility for vulnerable refugees and asylum seekers, mostly women and unaccompanied children at heightened risk in detention and for whom solutions outside Libya had been identified. These solutions remain very limited and require us to identify and prioritise the most acutely vulnerable people within a much broader population, many of whom are in great need. UNHCR and partners operate inside the facility, which is under the overall jurisdiction of the Ministry of Interior. However, since July, following a deadly airstrike at Tajoura detention centre, hundreds of former detainees made their way into the GDF. They were followed by another group of around 400 people from Abu Salim detention centre in late October, as well as up to 200 people from urban areas. They are part of a broader population of asylum seekers, refugees, and migrants who are vulnerable and exposed to risks in Libya – but have not been prioritised for evacuation or resettlement. The GDF is now severely overcrowded. It has capacity for around 600 people, but currently hosts nearly double that figure – many of whom have been there for several months. UNHCR, UN agencies and our partners have been providing them with humanitarian assistance, including medical care, psycho-social support, hot meals and high-energy biscuits. However, the situation at the GDF is unsustainable and it no longer functions as a transit facility, hampering UNHCR’s ability to evacuate the most acutely vulnerable refugees, for whom solutions outside of Libya have been found, out of detention centres and to safety. “We very much welcome the release of asylum seekers and refugees from detention by the Libyan authorities, and are now expanding our programme of support in urban areas so that they can get the help they need,” said Cavalieri. “We are also encouraging partners and donors to step up support to urban migrants and other vulnerable communities.” “We hope that the GDF will be able to return to its original function as a transit facility for the most acutely vulnerable refugees, so we are able to evacuate them to safety,” he added, while noting that the GDF has de facto become an “open centre” for urban migrants and asylum-seekers where UNHCR will continue to provide medical assistance and sanitation services for the foreseeable future, based on available resources. With the broader package of urban assistance in place, UNHCR will phase out food catering at the GDF in the New Year. UNHCR will continue to inform and counsel individuals who informally entered the GDF about their options and the availability of the urban assistance package. Those with a valid claim for international protection are being offered the urban assistance package to help them move out, including emergency cash for an initial two months, relief items, access to primary health care and medical referrals. They will also be offered to meet with our staff to identify specific vulnerabilities and solutions. We continue to appeal for additional resources that would allow us to provide more substantial and sustained support. Around 40 people have already agreed to this option, which does not rule out their eligibility for possible future evacuation or resettlement outside of Libya. For example, four individuals who accepted the package have been assessed as eligible for humanitarian evacuation following protection interviews. The processing of individual cases, including protection assessments and identification of possible durable solutions outside Libya, will continue to take place at UNHCR’s Sarraj registration office, in order to ensure the integrity of UNHCR procedures. UNHCR reiterates that options for resettlement remain unfortunately extremely limited, with the number of available resettlement places worldwide being far outstripped by the needs. Less than 1% of refugees identified by UNHCR as in need are able to be resettled each year. We urge the international community to come forward with more resettlement places and faster processes to help us evacuate more refugees in need of resettlement to safety. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
Addis Ababa (Caaismada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok u doortay inuu noqdo guddmooyiaha cusub ee ururka. Go’aanka lagu doorto Hamdok, oo ku dhisnaa heshiis ay gaareen dhinacyada, ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa, oo madaxda ururka ay ku shirsan yihiin, waxaana loo arkaa mid xal ah oo xilkan looga dhex bixiyey dalalka Kenya, Jabuuti, iyo Somalia oo aad isugu hayey. Caasimada Online ayaa shalay qortay khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Kenya ay hoggaamin karto in labadooda iyo Soomaaliya-ba, ay ku waayaan in madaxdooda ay beddelaan guddoomiyaha xilka ka degay ee Abiy Ahmed. Soomaaliya iyo Jabuuti, oo aad uga soo horjeeday in hoggaanka ururka ay qabato Kenya, ayaa diiday inay mowqifkooda beddelaan. Hamdok ayaa hoggaanka ururka kala wareegay Itoobiya oo haysay tan iyo sanaddii 2010. Sudan ayaa xilkan hayn doonto muddo sanad ah, taasi oo ra’iisul wasaare Hamdok siin doonta saameyn cusub, bilo kadib markii uu noqday madaxa dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan kadib xil ka tuuristii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir. Abiy Ahmed ayaa kursiga ku fadhiyey tan iyo markii uu awoodda la wareegay bishii April ee 2018. Itoobiya ayaa waxaa xilka hoggaanka IGAD tan iyo 2010 u hayey rai’iisul w saareyaashii ka horeeyey Abiy, ee Hailemariam Desalegn iyo Meles Zenawi. IGAD ayaa ka cabsi qabtay in haddii kursiga la siiyo Kenya, ayada oo ay diidan yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti, ay xiisad hor leh kasii dhex abuuri karto ururka, waana taas sababta keentay in la siiyo Sudan.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Cutubyo kamid ah howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM ayaa loo daabulay degaanada Galmudug. Askarta oo Itoobiyaan ah ayaa lagu wadaa in ay gaaraan gobolada dhexe si ay uga qeyb-qaataan sugitaanka ammaanka dowlad goboleedka. Ciidanka ayaa la sheegayaa in ay wataan gaadiid dagaalka ee Itoobiyaanka caanka ku leeyihiin loona yaqaano Uuraalka. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in ciidanka loogu talogalay in ay xaqiijiyaan nabad-gelyadda in ay qabsoomo doorashadda madaxtooyadda iyo baarlamaanka. Dhinaca kale, kulamo looga hadlayo amniga iyo doorashadda ayaa waxay ka socdaan magaala madaxda maamulka ee Dhuusamareeb. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay wadaa dedaalo ay ku dhiseyso Galmudug loo dhan oo ka qeyb qaadata horumarka waddanka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara. Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, Doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka dhacaan iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Cumar Filish ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay diiradda wada saaraan sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen amniga iyo sidii doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen Caasimadda dalka, si talada dib loogu celiyo shacabka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sameynayaan Xafiis amni oo labada dhinac xiriiriya, isla markaana mideeya qorsheyaasha uga dagsan amniga Caasimadda, isagoo xusay maamulkiisu inuu xoogga saarayo amniga in loo wajaho qorshe mida. “Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii qorshe mideysan loogu wajihi lahaa amniga, anagoo kaashanayna dhinacyada bahwadaaga ku ah ammaanka, lana diyaariyo sidii shacabka Caasimadda talada loogu celin lahaa, maadaama dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin”. Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta Caasimadda, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan barnaamijyada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aaddan amniga iyo doorashooyinka. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar M.M. Filish iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-29112019.mp3 View the full article
-
The Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, has pledged to work closely with the new Mayor of Mogadishu and Governor of Banadir Region, Omar Mohamud Mohamed, to ensure the mayor’s vision of a more secure and peaceful Mogadishu is realized. Mayor Mohamud Mohamed assumed office in August. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya, oo aan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay gaareen magaaladaasi. Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, watana gaadiidka xamuulka ciidamada ee Uraalaha loo yaqaano ayaa waxay gaareen Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku biiraya Ciidamadii Jabuuti ee ku sugnaa. Militariga Itoobiya ayaa Khamiistii soo dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka soo tallaabeen xuduuda labada dal. Ciidan kale oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, si ay amniga magaalada u xoojiyaan. Dowladda Somaliya ayaa waxay dareen ka muujinaysaa inay Ahlu Sunna caqabad ku noqoto amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada ee Galmudug. Madaxda Ahlu Sunna ayaa waxay dhawaan iska diideen in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan, iyagoo ku andacoonaya Dowladda Somaliya oo aan meelmarin heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen. Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ku jira qodob qeexaya in Ahlu Sunna 35 xubnood laga siin doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug, tiiyoo ay dib uga laabatay Dowladda Federaalka Somaliya. Inkastoo Ahlu Sunada Galmudug aanay weli qaadin tallaabooyin liddi ku ah dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa waxaan meesha laga saari karin suurta-galnimada inay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulkaasi.
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan Xog-Wareysi ah la qaatay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka, Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid. Kulanka ayaa looga hadlay Cilmi Baaris la Sheegay in ay Sameesay Jaamacadda Queen’s University ee Ireland oo ay ka Diyaarisay Dalagyada Dalkeena Kasoo Go’a. Guddiga iyo Wasaarada Beeraha ayaana ugu Danbayntii isla gartay, In Baaris Dhab ah, lagu Sameeyo Warbixintaas Been Abuurka ah . Wasiir Ciid oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaadey in lasoo jeediyey in xiriir lala sameeyo maamulka Jaamacadda isla markaana isla xisaabtan dhab ah lagala yeesho been abuurkaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Beeraha.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Boostadda Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyey sharciyo ay meelmariyeen Golaha Wasiiradda. Xeerarka la melmariyey ayaa waxay dhamaantooda ku saabsan yihiin Tiknoolajiyadda iyo Arrimaha Isgaarsiinta dalka. Cabdi Canshuur Xasan ayaa tilmaamay in sharicyaddan ay muhiimad gaar ah u leeyihiin guud ahaan shacabka Soomaaliya. Mr Xasan ayaa u mahadceliyay xubnaha xukuumadda, isaga oo sheegay in ay ka shaqeynayaan dhaqan-gelinta sharciyaddan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Wasiir.mp3 View the full article
-
Gedo (SMN) – Dhowr qof ayaa lagu waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay degaano ka tirsan gobolka Gedo ugu dhinteen cuduro aan la aqoon. Sahal Macalin Aadan, gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ayaa u sheegay Shabelle in dadkan ay ku geeriyoodeen duleedka Ceelwaaq. Mr Aadan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka ayaa kormeer ku tegay degaanadaas, iyaga oo u kuur-galayey xaaladda. Gudoomiye ku xigeenka ayaa wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladdan soo korodhay. Ugu dambeyntii, wuxuu dowladda federaalka iyo hay’addaha caalamka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii loola tacaali lahaa xaaladdan. View the full article
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wuxuu ka qeybgalayaa shir madaxeedka ururka IGAD. Farmaajo oo shalay gaarey Addis Ababa ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda qaar ee kasoo muuqan doonta shirkaas. Kulankaan ayaa waxaa lagu waddaa in xooga lagu saaro sidii loo hagaajin lahaa cilaaqaadka dowladdaha iyo dib u habeyn lagu sameynayo ururka. Madaxweynaha dalkeena ayaa lagu wadaa in shir madaxeedkan uu kasoo hooyo guulo kala duwan, isaga oo la fariisanaya hogaamiyeyaasha qaar ee IGAD. View the full article
