Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho-(Caasimada Online) – Dawladda Denmark ayaa wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 11 bilood ka soo badbaadisay waqooyiga dalka ay dagaaladu halakeeyeen ee Syria, kaas oo waalidkiis ay ku dhinteen dagaalka ka socda dalkaas. Ehelada qoyska uu wiilkaas ka dhashay oo la hadlay VOA ayaa sheegay in wiilka yar laga soo qaaday magaalada Erbil ee dhacda waqooyiga dalka Syria. Wiilka ayaa markiisii hore laga keenay xerada Al-Xuul ee isla dalkaas, kadib markii ay xeradaas ku geeriyootay hooyadiis bishii Maarso ee sanadkan. Sidoo kale aabihiis ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhintay dagaalada ka socda dalka Syria. Wiilka laga soo badbaadiyey Syria awoowgiis ayaa sheegay in gabadhiisa oo dhashay wiilka yar ay sanadkii 2015-kii u safartay dalka Syria, halkaas oo ay ku guursatay nin Soomaali ah. Geerida gabadhiisa ayuu sheegay in lagu soo wargaliyey bishii Maarso ee sanadkan, kadib markii madaafiic lagu garaacay xerada Al-Xuul ee dalka Syria oo ay ku noolaayeen. Awoowaha ayaa sidoo kale sheegay in ninka dhalay wiilka yar oo qabay gabadhiisa uu ku dhaawacmay dagaalka ka socda dalkaas, isla markaana uusan hadda xaqiiji karin geeridiisa. Talaadadii lasoo dhaafay ayaa awoowga wiilkaas iyo gabar uu dhalay waxa ay gaareen magaalada Erbil ee dalka Syria, si ay halkaas uga soo qaadaan wiilka yar oo bad-baadintiisa ay ku gacan siinaysay dowladda Denmark. Qoyska ayaa dowladda Denmark uga mahad celiyey sida ay ugu garab siisay soo bad-baadinta wiilkaas yar, iyagoo sheegay in wax kasta ay dowladdu u hurtay sidii wiilka looga soo badbaadin lahaa Syria. Dhinaca kale waxaa la sheegay in dalka Jarmalka lagu soo celiyey ilaa saddex gabdhood oo mid ka mid ah asalkeedu yahay Soomaali, halka mid kale oo Jarmal ahna ay u dhaxday nin Soomaali ah oo ay carruur u dhashay. Gabadha Soomaalida ah ayaa bartamihii bishan lagu soo celiyey dalka Jarmalka, waxaana wali ku socda baaritaano ay ku hayaan laamaha amniga dalkaas. Sidoo kale gabar wadatay seddax caruur ah oo u dhacday nin Soomaali ah ayaa Sabtidii lasoo dhaafay laga dajiyay dalka Jarmalka, ninka Soomaaliga ah ee qabay gabadhaas oo sida la sheegay heystay dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu dilay dalka Syria. Dad Soomaaliyeed oo ka badan 50 ruux ayaa la sheegay inay ku jiraan Xerada Al-Xuul iyo xeryo kale oo ku yaalla dalka Syria, kuwaas oo doonaya in lagu celiyo Soomaaliya, dadkaas ayaa badan kood waxa ay Syria u tageen ka mid noqoshada Ururka Daacish.
  2. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda hada taagan ee roobabka lixaadka ee sababay burburka wadooyinka guud ahaan Puntland gaar ahaana Gobolka Gardafuu, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg dega ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland. Guddigaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo gaarsiin lahaa gurmad shacabka ay waxyeeleeyeen Roobabku iyo wax ka qabashada jidadka go’ay. Waxay kala yihiin Guddigaasi:- 1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga). 2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland (Xubin) 3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin) 4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin) 5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin) 6. Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin) 7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin) PUNTLAND POST The post Magacyada Guddiga Puntland u magacowday Gurmadka Waxyeelladii Roobabka oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  3. A vicious cycle of droughts and flooding has trapped Somalia in a difficult situation over the last few years. Prolonged dry spells have all too often been followed by disastrous floods, Source: Hiiraan Online
  4. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo caawa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in xarunta Inji uu kulan deg deg ah uga socdo hoggaanka ugu sareeya Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca. Kulanka ayaa, sida aan xogta ku helnay, looga hadlayaa arrimo la xiriira soo xulista baarlamanka cusub ee Galmudug iyo jadwalka doorashada Galmudug, oo ay maanta soo saareen guddiga farsamada iyo maamul dhisida Galmudug, ee ay magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ku sugan xubnaha kala ah Macalin Maxamuud, Cabdirisaaq Al-Ashcari iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ee uu horay u magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu-Sunna laga yaabo inay go’aano kasoo saaraan jadwalka doorashada ee maanta la soo saarey iyo heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka. Guddiga ay dowladda magacowday ayaa jadwalka doorasho soo saarin, ayada oo aan xal buuxa laga gaarin khilaafkii u dhaxeeyey dowladda iyo Ahlu-Sunna. Haddii Ahlu-Sunna ay ku gacan seerto jadwalka maanta lasoo saaray, ama ay iskeed u magacowdo jadwal doorasho oo u gaar ah, waxay kasii dari doontaa xiisadda siyaasadeed ee Galmudug.
  5. (SLT-Washington)-Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Mark Esper ayaa shaqada ka eryey Xoghayaha Ciidanka Badda Richard Spencer, arrin la xidhiidha askari ciidanka Navy-ga ka tirsanaa oo lagu eedeeyey inuu dambiyo dagaal ka geystay dalka Ciraaq. Esper ayaa amarkan bixiyey Axaddii shalay, iyada oo Spencer uu warqaddii is casilaadda gudbiyey, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jonathan Hoffman. Arrintan ayaa la xiriirta sarkaal lagu magacaabo Edward Gallagher, kaas oo lagu tuhmay inuu dambiyo dagaal ka geystay Ciraaq, sanadkii 2017-kii. Waxaa laga cafiyey dambiyo kale oo uu geystay oo dil uu ku jiro, iyada oo lagu helay dambi ah inuu isku ag sawiray meydka wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ururka ISIS, markaas ka dibna darajadiisii hoos loo dhigay. Hase yeeshee, Madaxweyne Trump ayaa soo fara galiyey, cafisna u fidiyey sarkaalka, iyada oo darajadiisii iyo mushaharkiisba loo soo celiyey. Markii toddobaadkii hore uu Trump ogaaday in ciidanka Navy-gu uu qorsheynayo in arrintan Galaghar dib loo eego, si loo go’aamiyo inuu sii haysan karo billadda lagu magacaabo Trident Pin, taas oo muujinaysa inuu xubin ka yahay unugga kumandoska ee xulka ah ayaa mar kale Trump uu arrinta soo faragaliyey. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “Navy-gu kama qaadi doonaan Addie Galagher oo ah dagaalyahan ciidanka Navyga ka tirsan billaddiisa Trident Pin. Kiiskan si xun baa loo maareeyey bilowgiiba. Shaqadaada ku noqo.” Ayuu qoray Madaxweyne Trump. Source
  6. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa Dr Stephen W. Njoka ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis ay Soomaaliya 28 sano kadib markale dib uga mid noqotay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa , iyadoo ay Soomaaliya iska dhiibtay qaraankii lagu laha mudadii ay ururkan ka maqneyd. Munaasabadda oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Guddiga Beeraha ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, Wakiilo ka socday Hay’adda cunada Aduunka ee FAO iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in hada wixii ka dambeeya ay Soomaaliya xaq u yeelaneyso inay hesho adeegyada uu Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa ka qabto dalalka xubnaha ka ah sida ka hortagga musiibadda Ayaxa oo xilligan dhibaato ku haya gobolo badan oo dalkeena ka mida, Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa dhinaca kale tilmaamay in Soomaaliya ay waqtigii ugu habooneyd dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo uu tilmaamay inay shaqo wanaagsan dalka ka qaban doonaan. Agaasimaha Guud ee ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa Dr Stephen W. Njoka ayaa soo dhaweeyay kusoo laabashada ay Soomaaliya dib uga mid noqtay Ururkan, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgali doonaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan goobaha uu hada Ayaxu dhibaatada ku hayo Sagaal dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa qeyb ka ah Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo la aasaasay sanadkii 1962, waana urur la dagaallama cayayaanka gaar ahaan Ayaxa oo hada dhibaato ku haya qaar ka mid ah gobolada dalkeena. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-25112019-sax.mp3 View the full article
  8. (SLT-Muqdisho)-Waxa aanu halkan idin ku soo gudbinaynaa cod laga duubay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlaya culimada suufida ee magaalada Muqdisho, xilli ay taagneyd xiisadda u dhaxeysay ayaga iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Madaxweynaha ayaa codkan ku sheegay in dowladda ay joojisay muxaadaradii uu Sheekh Umal ku qaban lahaa magaalada Muqdisho kadib markii culimada ay ka hor-yimaadaan. Source
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoqraadiyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobadii ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jiro kadib kulan 23 Bishaan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen walaac ku aadan inay dowladda hadda talada heyso sameysan doonto waqti kororsi iyo nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonto, wuxuuna tilmaamay inay iyadoo taas laga jawaabayo uu madaxweynaha casuumaad usoo diray. Madaxweyne Farmaajo ayuu tilmaamay inuu si cad ugu sheegay inaysan dhici doonin inay dowladda sameysato waqti kororsi. Sidoo kala wuxuu sheegay inuu madaxweynaha u sheegay inay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sida uu qabo Dastuurka. Guddoomiye Cabdullaahi ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed u sheegayo inay u diyaar garoobaan doorasho qof iyo cod ah si ay u doortaan cid kasta oo ay u arkaan inuu hoggaamin karo. Wuxuu xisbiyada tilmaamayo inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah ugu baaqay inaysan niyad jabin Shacabka Soomaaliyeed. “Adigoo xisbi ah haddii aad aamisan tahay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah waa inaad isaga laabato qabiilkaaga oo iska dhaafto xisbi, waxaan xisbiyada u dhisnay inaan qabiil ka gudubno, doorashada ay ku dhacdo nadaam dimoqraadi ah dadkana ay doortaan cidda ay u arkaan inay masiirkooda ku matali karto” ayuu yiri guddoomoye Cabdullaahi. Halkaan hoose ka daawo shirkii jaraa’id ee Guddoomiye Cabdullaahi
  10. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Siyaasiyiin xilal ka haya Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay ka shaqeeyaan sidii ay Somaliland u dumin lahaayeen. Mr. Ramaax oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Hargeysa ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu Fagaare ka sheegay in Xisbiyadu aanay lahayn Xasaanad Sharci oo ay kaga hadlaan arrimaha dalka ka taagan, laakiin haddii Xisbiyadu yeelan waayaan Xasaanad aanu Baarlamaankuna yeelan doonin. Ramaax oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu yidhi, Xasaanad iyo Sharci malaha wixii ka hadla (Arrimaha taagan) oo la xidhaa, marka Xisbiyadu Xasaanad yeelan waayaan Baarlamaan Xasaanad yeelanayaana ma jiro.” Xoghayaha Arrimaha gudaha ee UCID wuxuu Guddoomiye Baashe ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Dad ka shaqaynaya sidii Somaliland u dumi lahayd “Baashe wuxuu Toddobaadkan ku dhawaaqay oo uu yidhi ‘soo eega Xamar’ ma shaqaalaha Xamar ee Farmaajo Maamulo ayuu ka mid noqday mise waa Nin reer Somaliland ah oo ka mid ah Madaxdii Dalka ugu sarraysay..”? ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Baashe wuxuu xidhiidh toos ah la leeyahay oo aanu Caddaynteeda haynaa Rag waaweyn oo ka shaqeeya Duminta Somaliland, kuwaasi oo xilal ka haya Xamar, sidaasi daraadeed marka uu Baashe ka shaqaynayo fidmada halkan (Somaliland) wuxuu fulinayaa sidii ay fidmo dalkan uga dhici lahayd..” Source
  11. (SLT-Riyadh)-Maxkamad ku taalla Dalka Sucuudiga ayaa xukun ku ridday 38 Qof, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Maalgeliyeen Ururrrada Argagixisada. 38-ka Qof ayaa lagu riday Xukuno u dhexeeya 30 Bilood illaa 25 Sanadood oo Xabsi ah. Sidaana waxa soo weriyey Telefiishanka Dawladda Sucuudiga ee Al Ekhbariya oo soo xiganaya Laamaha Amniga Sucuudiga. Dadka la xukumay ayaa qaarkood lagu eedeeyay inay sameeyeen Ururro Argagixiso intii ay ku jireen Xabsiga, qaarkoodna ay Maalgeliyeen, halka qaarkoodna lagu eedeeyay inay galeen kooxaha loogu yeedho Takfiirka, sida uu Maanta baahiyay Telefiishanka Al-jazeer. Sannadkii 2017-kii, Boqortooyada Qaniga ku ah Saliidda ee Sucuudi Carabiya ayaa daah-furay hawl-gal ay ku xidh-xidheen tobanaan hoggaamiye, Aqoonyahanno iyo Adeegayaal bulsho, kuwaasi oo dhammaantood lagu xidhiidhiyey Argagixisonimo. Bishii April, 37 Nin ayaa Madaxa lagaga jaray Sucuudiga, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo galeen, xilligaa Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilan Xuquuqda aadamaha ayaa sheegay in Raggaasi ka mid ahaayeen Muslimiinta Shiicada oo uu ku dhacay xukun aan Caddaalad ahayni. Source
  12. (SLT-Hargeysa)- Wasiirro ku-xigeenu ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa eedaymo u jeediyay odayaasha madasha wada-tashiga iyo xisbiyadda mucaaridka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa si kooban uga hadlay dhexdhexaadnimada xubnaha Komishanka cusub ee maanta la dhaariyay. Madaxweynaha oo goobjoog ka ahaa dhaarinta Komishanka lagu muransan yahay ayaa qoraal kooban oo uu Facebook ku baahiyay kaga hadlay dhaarta xubnaha Komishanka. “Waad dhaarateen oo waxa aad ku dhaarateen in laga bilaabo maanta aad dhex iyo garsoor u tihiin bulshada iyo xisbiyada oo dhan. Waxa aan idinkula dardaarmayaa caddaallad iyo garsoor xaq ah. Rabbi ha idinku guuleeyo hawsha baaxadda leh ee qaranku idiin igmaday.” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi Source
  14. (SLT-Berbera)-Aragtida Shacabka Reer Berbera Ee Muddo Kordhinta Golleyaasha Guurtida Iyo Wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa ku warramaya in masuuliyiin xukuumadda madaxweyne Biixi ka tirsan u sheegeen in ay ka walaacsan yihiin siyaasadda ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr Abiy Axmed ee ku salaysan gobolka. Masuuliyiinta Somaliland ayaa aamminsan in Abiy Axmed la saftay xukuumadda Muqdisho, islamarkaana uu hoos u dhacay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya ee wakhtiga dheer ku salaysna danaha labada dal. Cabdinaasir Axmed Xirsi agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa wargeyska u sheegay in xukuumadda Somaliland dareen taban ka qabto isbedellada Abiy Axmed sameeyay ee uu ka mid yahay heshiiska Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee laga reebay Somaliland “Heshiiska saddex geesoodka ah waa laga reebay Somaliland laakiin, waanu rumaysan nahay xidhiidhkii xooggana ee Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi. La taliye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sii xoojiyay walaaca Somaliland waxaanu tilmaamay in ay muuqato in Itoobiya hoos u dhigtay danaheeda Somaliland, tusaale ahaan ilaa September Itoobiya ma soo magacaabin danjiraheedii Hargeysa ee bedeli lahaa wakiilkii hore ee hawlgabay. Masuuliyiinta Somaliland u hadlay oo ay ka mid yihiin Maxamed Xaaji Maxamuud oo wasaaradda arrimaha dibadda la taliye u ah iyo Maxamed Barawani oo ku xeeldheer xidhiidhka arrimaha dibadda ayaa sheegay in ay si dhaw ula socodaan isbedellada Itoobiya gaar ahaana siyaasadda arrimaha dibadda ee gobolka ku wajahan. Waxa kale oo walaaca Somaliland ka mid ah in uu hoos u dhacay xidhiidhka wada shaqayneed ee dhanka ammaanka gaar ahaana wada shaqaynta amniga xuduudka. https://www.thereporterethiopia.com/article/somaliland-expresses-concerns-over-ethiopias-regional-policy Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay cod laga duubay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlaya culimada suufida ee magaalada Muqdisho, xilli ay taagneyd xiisadda u dhaxeysay ayaga iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Madaxweynaha ayaa codkan ku sheegay in dowladda ay joojisay muxaadaradii uu Sheekh Umal ku qaban lahaa magaalada Muqdisho kadib markii culimada ay ka hor-yimaadaan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilli ay kulan lahaayeen culimada Suufida uu wasiiru dowlaha madaxtooyada Cabdulqaadir Baghdadi oo Suufida ka mid ah uu qadka taleefonka soo geliyey madaxweynaha. “Markii aan xaaladda aragnay waxaan isku qancinay in berri la baajiyo muxaadarada isbartiibada.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo, waxaana kadib xigay culimada Suufida oo dhahaya “Allahu Akbar.” Madaxweynaha ayaa codka ku sheegaya in dowladda ay ku qasban tahay inay amniga ilaaliso, sidaas darteedna uusan dooneyn isku dhac ka dhaca garoonka oo dad badan ay ku waxyeeloobaan. Sida ku cad codka madaxweynaha laga duubay ee ay Caasimada Online heshay, madaxweynaha ayaa leh “waan aqbalay codsiga” oo macnaheedu in dalabka joojinta muxaadarada uu markii hore uga yimid dhanka culimada. Codka laga duubay madaxweynaha ayaa khilaafaya adalkii Sheekh Umal uu shalay sheegay iyo kii hore ee wasaaradda awqaafta ee ahaa in muxaadarada lagu joojiyey codsi ka yimid Sheekh Umal. Lama yaqaan cidda saxan. Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha
  17. Galmudug regional state Presidential elections will be held from 17th to 23rd December, the technical committee has announced on Monday. The new timetable will kick off with the verification of traditional elders from 25th to 28th November whereas the election of the regional parliament will be held from 29 November to 9th December. The members of the new regional assembly will be sworn from 10th to 12th December before the election of the President and Deputy President towards the end of the year respectively. There are more than five candidates for regional state leadership including former Interior Minister, Abdirahman Odowa, Ahmed Abdi Kaariye, current state Minister for public works and housing and former villa Somalia chief of staff, Kamal Gutale. View the full article
  18. A nursing student from Somalia wept Thursday afternoon as she met her 18-month-old nephew for the first time at the gates of the Halifax Stanfield International Airport. Farhiyo Salah, who is in her third year of nursing at St. Francis Xavier University, hadn’t seen her family in three years. Community members who had gotten to know Salah since she arrived in Antigonish, N.S., fundraised about $40,000 to bring her two sisters and their five children to Canada. “The future is very bright for me and for them, and for the community who really worked so hard to see this day,” Salah said. Salah was born amid the Somali Civil War. Her father was killed and when she was just eight-months-old, her mother fled with her and her siblings to Kenya. The family lived in Dadaab, one of the world’s largest refugee camps, with hundreds of thousands of other people displaced by war, famine and droughts in the region. Finding food, water and shelter was a struggle. “When you don’t have something to drink, you don’t think of even going to class. We really struggled to get to school,” Salah said. “It’s all about try your best and get whatever [is] available.” Despite the challenges, she never stopped trying to get an education. She earned a scholarship from the World University Service of Canada, a non-profit organization that sponsors refugees as they pursue post-secondary studies in Canada. But even as she settled into life in Nova Scotia, Salah never forgot about her loved ones in the camp. Her story touched the people she met. “To have the opportunity to bring these two families to safety, that’s what inspired us. She inspired us,” said Michael O’Brien, who co-chairs the Antigonish-based organization Canadians Accepting Refugees Everywhere (CARE). The group partnered with other groups in the community to privately sponsor Salah’s family. It took nearly two years. Fellow CARE co-chair Sue O’Brien said a team of volunteers spent countless hours filling out forms, tracking down furniture, setting up a home and getting things ready for the newcomer’s arrival. CARE held bake sales, envelope donation campaigns and worked with other refugee sponsorship groups and 100 Women Who Care to raise the money. “It’s a big day. We’ve worked a long time. A lot of people have put in a lot of hours to be able to fundraise,” Sue O’Brien said. Salah said those volunteers are transforming her love ones’ lives, as well as her own. “You know what, family is all about what we need in life. The only thing you can feel, how much it means to you is when you miss them. So it’s like, the world to me,” she said. She laughed when she reflected on her own transition to Canada — the weather and the spice-free food were an adjustment. She said refugees develop a “strong immunity” to challenges though and her sisters “have their own resilience.” “I know it’s different, but I am sure they will catch up,” she said. Volunteers prepared dinner for the family Thursday evening and a group of former Syrian refugees that CARE sponsored planned to be at the house to greet them.
  19. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole Dowladda , Hay’adda Wadooyinka Puntland, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, Masuuliyiinta Mashruuca (TIS+ ee Hayádda USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu soo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka Wadooyink go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay. Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu ku baaqay Dowladd, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in dhammaan la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ugu horeyso meelaha xaaladdaha adag ka jiraan sida Gobolka Gardafuu. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Guddi u magacaabay Waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Puntland appeared first on Puntland Post.
  20. After extensive consultations with its members and wider network of journalists, Somali Journalists Syndicate (SJS) this week submitted legal comments and recommendations about the Somali Media Bill (amendment) to the ministry of information and the Federal Parliament’s Upper House (Senate) – where the media law is currently being reviewed. As per SJS submission, 26 articles out of 40 articles made up of the Media Bill have been reviewed and commented by SJS’s legal advisers, senior journalists and editors. The articles mentioned are about the independence and the legality of the proposed Somali Media Council, proposed journalists’ registration by the government, imposing fines against editors and media managers/owners as well as mandatory multi-level registration and licensing of the private and independent media houses. Sections of the bill with vaguely-worded articles and redundant definitions such as fake reporting, spreading false propaganda, violating the sound Somali culture and the Islamic religion, opposing national interest or national plan and national security were thoroughly reviewed, commented and suggestions were made with deliberations to right to Press Freedom, Freedom of Expression and Access to Information as constitutionally guaranteed rights. “It is a one positive step that lawmakers have now recognized that the current Media Bill is repressive and draconian and therefore we are grateful to the Members of the Upper House for refusing this Bill to proceed and making sure that the voice of our journalists be heard and counted,” Abdalle Ahmed Mumin, the Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said following the submission of the comments and recommendations. “Our struggle towards unimpeded freedoms for the journalists and the media continues even as we have submitted our recommendations and comments to the Parliament and the Ministry of Information,” Secretary General Mr. Mumin adds “Somalia is not exempt from laying foundations of its laws in line with the international best practices and that is what we expect to see in regard to the Media Bill.” Meanwhile, Somali Journalists Syndicate (SJS) commends Members of Somali Upper House for understanding the concerns of the journalists against the media bill. The current Somali Media Bill was first assented into law on 10 January, 2016. In March 2017, then Minister of Information, Abdirahman Omar Osman (Yarisow) promised a fresh review before it was approved by the Cabinet of the Ministers on 13 July, 2017. The bill was, however sent to the Federal Parliament’s Lower House and passed on 08 July, 2019 without properly consulting media representatives and journalists.
  21. Magaalada Nairobi waxaa iminka oo Isniin ah uu kulan uga socdaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo Saraakiil ka socda Villa Soomaaliya iyo kuwo Kenyan ah. [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa beenisay inay xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka hor istaagay inay ka dhoofto garoonka Aadan cadde. Xildhibaanka oo maanta ka hor hadashay golaha shacabka ayaa tiri “ Waxaan fasax geystay guddoonka shalay in aan muddo 10 casho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane, Tikit ayaan goostay, waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo soo gal saaka ayaan tagay, hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid, kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA, dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin waxaa rabaa guddoonka la hor keeno, oo la galo”. Hase yeeshee Caasimada Online oo la xiriirtay hay’adda, ayaa sarkaal oo sare oo ka tirsan waxa uu sheegay inuusan jirin wax amar ah oo hay’adda ay u gudbisay maamulka garoonka oo ay ku hor-istaagtay xildhibaanka. “Hal qof oo ka tirsan NISA lama uusan hadlin, maalmahan wax kasta oo dhacaba NISA ayaa lagu eedeeyaa,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online. Waxa uu sheegay in xildhibaanka laga doonayo inay soo gudbiso caddeyn muujineysa inay NISA celisay. “Haddii maamulka garoonka u sheegeen in NISA is hor-taagtay, waxaa laga doonayaa inay maamulka weydiiso caddeyntaas ama amar qoran. Mana jirto arrintaas.” Ayuu yiri. Caasimada Online ayaa sidoo kale la xiriirtay maamulka garoonka, si ay wax uga weydiiso dhacdadan. Hase yeeshee weli uma suurta-galin inay hesho maamulka. Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda iyo maamulka Jubaland. Xildhibaan Daleys ayaa lagu tiriyaa xildhibaanada aanay isku fikirka ahayn xukuumadda.