Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nin si la yaab leh diyaaradaha ku raaci jiray oo la qabtay Nin lagu magacaabo Rajan Mahbubani, una dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaableh u ku raaci jiray diyaaradaha. Ninkan oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa xiran jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka , looguna oggolaado in uu dhaafo albaabada la isku baaro. Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xirin garoonka Gandhi International. Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in markii la ogaaday ninkan uu doonayay in uu raaco diyaarad ay leedahay shirkadda AirAsia oo kusii jeeday Magaalada Kolkata. Taliye ku xigeenka booliska ee garoonka ayaa warbaahinta CNN u sheegay in shaqaale kamid ah shirkadda Lufthansa uu arkay ninkan, kadibna uu ku wargeliyay laamaha ammaanka ee garoonka, isagoona u sheegay in uu arkay qof uu ka shakiyay, kaas oo iska dhigayay duuliyeyaasha shirkadda Lufthansa. Mahbubani, oo ka soo jeeda Magalaada New Delhi ayaa booliska waxaa kale oo ay shegeen in uu watay kaar aqoonsi oo been abuur ah, una adeegsan jiray in uu ku galo garoonka, si uu u helo mudnaan gaar ah. “Kadib markii la xiray, Mahbubani waxaa uu inoo sheegay in u muuqaalo ku saabsan arrimaha duulimaadyada kasoo duubo garoonka oo uu soo dhigo YouTube iyo TikTok, kaarka aqoonsigana uu ka helay dalka Thailand,” ayuu yiri taliye ku xigeenka booliska ee garoonka, Mr Bhatia. Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkan Ninkan ayaa waxaa kale oo uu booliska u sheegay in waligiiba uu jeclaa in uu ku labisto dareys kala duwan, waxaana booliska ay taleefonkiisa gacanta ka heleen sawiro muujinaya ninkan oo xiran dareeska ciidmamada milateriga. “Mahbubani waxaa uu sheegay in marwala uu raaci jiray diyaaradaha isagoo xiran dareyska duuliyeyaasha, sidaas na uu uga gudbi jira albaabada la isku baaro, mudnaan gaar ahna la siin jiray,” ayuu raaciyay Bhatia. Wuxuu intaa ku daray in ninkan uu adeegsan jiray albaabka ay isticmaalaan shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha. Waxaa uu haatan ku jiraa gacanta booliska, waxaana lagu soo eedeeyay dembiyo ay ka mid yihiin khiyaano iyo in uu iska dhigay wax uusan ahayn. Haddii dembigan lagu helo, waxaa laga yaabaa in lagu xukumo xabsi, ganaax ama labaduba. Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacda noocan oo kale lagu arkay dalka Hindiya, gaar ahaan garonka Gandi. Waxay ahayd dabayaaqadii bisha Sabtembar ee sanadkan, kadib markii nin 32 jir oo lagu magacaabo Jayesh Patel uu iska dhigay odhay 81 jir ah, sii uu u raaco diyaarad u socotay Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Qaran News
  2. By T. Roble Somaliland Parliament has renewed its lease of life for the sixth time extending its uninterrupted stay for 17 years defying local and international pleas. In what has become a convenient tool to settle political scores and silence dissent, the House of Elders (Guurti) cast a majority vote (70/71) Saturday adding itself 3 years and dolling the Lower House a 2 years extension. The vote effectively makes Somaliland parliament one of the longest-running in a democracy in the world. Children born when the current parliament was elected in 2005 are past eligibility age to vote. HISTORY OF DELAYS The first elections after 2005 were 2010 but that deadline came and passed and new elections were set for April 2013. But there was then a delay on grounds that the parliamentary elections needed to be aligned with the presidential one. A new date, September 2015 was set but then another excuse arose-the electoral commission was not prepared to conduct the exercise. Endorsed without question, Parliamentarians were in again for the tenth-year drawing salaries from the exchequer from a blank cheque. March 27, 2017 was the decisive date when international partners notably the EU which had invested in preparations for the polls held hope the break-away region would finally agree to put to test its legislators. But there was yet another convenient and timely excuse- the drought. EU PRESSURE International donors had poured in money to Somalia to avert a looming famine and the EU saw no reason for electoral delays. “As international partners made clear this week in Hargeisa, the drought should not be used as an excuse for putting the democratic process in Somaliland on hold,” the EU said in a statement January 27, 2017 following the announcement the March 2017 polls would be postponed. “Somaliland’s reputation and credibility will suffer another severe blow from this decision. Somaliland stands at risk of losing the international attention it has enjoyed until now from committed international partners by virtue of its status as a budding democracy,” the EU warned. The warning yielded no results and even thoughts Somaliland would accede to it in the hope of getting favorable outlook for its quest for international recognition faded out. YET MORE EXTENSIONS The elections were extended to October 27, 2018 and later to March 2019. But when the March 2019 deadline approached, Somaliland polls body made a prompt statement in November 28, 2018 indicating the expected exercise would be put off until further notice. SNEC chairman Abdikadir Iimaan Warsame told the media in Hargeisa the polls body was forced to adjust the dates following time constraints and pressure from the opposition. The opposition Waddani had expressed lack of confidence in the electoral body. Come November 2019 and there’s a push and pull between the opposition and the government over the composition of Somaliland National Electoral Commission. Waddani hits the streets, demos erupt, its officials arrested. As if to forestall further political instability, the Elders (Guurti) pull what they know best- we take three, Lower House two. Qaran News
  3. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in codsi kayimid Jubbaland uu hirgali doono dhowaan, Codsigaas oo ahaa in Ciidamada Itoobiya ee ku [...] Source
  4. Magaalada Muqdisho waxaa xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ka da’ay roob saameyn ku yeeshay isku socodka magaalada iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa fariistay biyo kasoo rogmaday xaafadaha, waxaana sidoo kale jira jidcadayaal ay biyuhu xireen. Dhanka kale, biyo badan ayaa ku rogmaday qaar kamid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sida kan sayidka oo ay biyo galeen iyo sidoo kale kuwo ku yaalla degmada Kaxda. Qoysas badan ayaa xalay waaga u baryey iyaga oo biyaha dhextaagan, maadaama guryahooda oo markii hore ka sameysnaa cooshado ay biyuhu galeen. Dadka barakacayaasha ah ayaa u baahan gurmad dhan walbo leh oo ay ugu horreyso bacaha roobka laga galo. Dhanka kale, Maxamed C/laahi Tuulax oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir iyo xubno kale oo maamulka gobolka ka mid ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Hodan, Howl-wadaag,Wadajir, Xamar Jajab iyo Dharkeenleey, waxaana ay u kuurgalayeen saameynta roobka uu ku yeeshay dadka shacabka ah. Tuulax ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu saameeyey roobka saacadihii lasoo dhaafayey ka da’ayey magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF) ayaa sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 25 November 2019, hawlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ay ka sameeyeen buuraleyda degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor ee Buuraha Cal Miskaat. “Hawlgalkani waxaa uu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan dambe ciidanka PSF ka wadeen buuraleydaas si looga sifeeyo degaanadaas Al-Shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka PSF ee dowlad goboleedka Puntland. Laguma sheegin qoraalka waxyaabaha ay ciidamadu ku soo qabteen howlgalkooda iyo haddii ay jiraan wax iska horimaadyo ah oo dhexmaray ciidamada iyo kooxda Daacish. Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan buuraleyda Galgala iyo Cal Miskaat ee G/Bari, kuwaas oo mararka qaarkood soo qaada weeraro kala gedisan. View the full article
  6. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad soo gootin ah oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka. Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada. Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka. Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-25112019.mp3 View the full article
  8. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka. Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka argagixisada. Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka. Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxay kulamo u dhexeeyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo guddi ganacsato reer Galmudug ah oo dhowaan ka ambabaxay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Kulamadan oo ka qabsoomay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan tabashada ay qabto Ahlu Sunna, si loo guda galo dhismaha wejiga labaad ee maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulamada labada dhinac, iyadoo guddiga ganacsataduna ay dib ugu soo laabteen Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu Sunna ay hordhigeen ganacsatadaasi inay ku qanci karaan kaliya heshiiskii ay horay ula galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in 35 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub. Ilo ku dhow shirarkaani ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in guddigii ganacasatada ee ka baxay magaalada Muqdisho ay ku guul dareysteen inay Ahlu Sunna qanciyaan, islamarkaana aysan jirin wax natiijo ah oo labada dhinac ay ku gaareen kulamadaasi. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la yareeyo xubnaha ay Ahlu Sunna ku yeelaneyso baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dowladdu ay rabto in la siiyo 15 xildhibaan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana hakad ku jira howlaha dhismaha ee maamulkaasi oo dhowaan galaya doorasho guud.
  10. Sawirka mid kamid ah wadooyinka go’ay Guddoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Guardafui, Cismaan Maxamed Balli oo saaka wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in degaankaasi iyo guud ahaan gobolka Guardafui ay ka jirto xaalad go’doon ah, kadib markii roobab mahiiggaana gooyeen waddooyinkii halbawlaha u ahaa, isu-socodka gaadiidka ee gobolkaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudda 15 beri ah, aysan jirin wax gaadiid ah oo degmada Gumbax iyo guud ahaan gobolka Guardafui uga yimid dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Kadin markii roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba jareen waddooyinkii soo geli jiray gobolka. “ In 15 beri ah, waxa weeye gobolka Guardafui iyo degmadan Gumbax wax baabuur ah oo yimid oo Boosaaso uga yimid oo badeecad u keenay ma jiraan. Dhibaatada dhacdayna waxa weeye, waddooyinkii baa go’ay, awalna hadde dalku waddooyin ma lahayn, kuwa macmil dadku ka shaqeeyo oo hadba meel dhagax saaro oo dhagax ka qaado ayay ahayd” ayuu yiri guddoomiyaha. Sidoo kale, wuxuu sheegay in degmada Gumbax ay ka go’doonsantahay dhinaca Badda ee loo baxsan lahaa wakhtigaan oo kale, kadib markii maraakiib iyo doomo jariif ah ay kalluumaysatadii degaanka u diideen in ay foodda geliyaan gudaha Badda, islamarkaana hadda kalluumaysatadii ay gidaarada iska fadhiyaan. Hoos ka daawo wareysiga guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Xaalad go’doon ah oo ka jirta gobolka Guardafui ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Muddo xileedka xukuumadda waxaa ka haray hal sano iyo labo bilood, waxaa looga fadhiyaa oo waajib saraan oo dastuuri ah inay xiligeeda ku qabato doorasho oo loo tartamo hogaanka dalka. Source: Hiiraan Online
  12. Not a stranger to having its planes impounded, one of Air Tanzania’s new aircraft was seized by Canadian authorities this week. According to BNN-Bloomberg, the Bombardier Q400 was impounded because of a “land-compensation dispute” that dates all the way back to the 1980s. Source: Hiiraan Online
  13. Hezbollah and Amal were represented in the government of Prime Minister Saad Hariri who quit last month. Source: Hiiraan Online
  14. In the outskirts of Hagadera market sits Block J5. This is one of the many blocks (villages) that make up the Hagadera Refugee Camp, which is part of the larger Dadaab refugee complex, the world’s largest by population. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay 20-kii bishan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horeeyey ee matalayey Madasha Xisbiyada Qaran ayaa durba wajahaya caqabad kadib markii Madasha ay eedeyn culus u jeedisey madaxweynaha. Madasha ayaa qoraal ay shalay soo saartay oo ku saabsanaa xaaladda Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, waxay madaxweynaha ku eedeysay inuu durba ka baxay “qaar ka mid ah qodobadii ay kala hadleen.” “Madasha Xisbiyada Qaran waxey umadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in qodobadii ay kala hadashay madaxweyne Farmaajo kulankii arbacadii ee 20/11/2019 la soo dhaafey dhacey ay ka mid aheyd arrinta Jubaland iyo Gobolka Gedo, dhacdooyinka isdaba-yaalla ee gobolka Gedo ka dhacayana ay u muuqdaan in madaxweynuhu ka gaabinayo mas’uuliyaddii loo igmadey, taasoo bilow u ah in uu ka baxayo qodobadii madasha ay ka wada hadleen qaar ka mid ah.” Arrintan Jubaland iyo Gedo, kama mid ahayn shanti qodob ee Madasha Xisbiyada ay shaaca ka qaadeen inay kula heshiiyeen madaxweynaha. Sidoo kale, Madasha waxay sheegtay in madaxweynaha ay arrintan kala hadleen oo kaliya, taas oo macnaheedu uusan ahayn in heshiis laga gaaray. Si kastaba, waxaa durba muquda in labada dhinac ay kala boodayaan. Xiisadda Jubaland ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee dalka ka taagan, waana arrintii sababtay isku daygii dowladda ku hor-istaagtay ka qeyb-galka madaxadii hore ee caleemo saarka Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Itoobiya u adeegsatay inay inta badan usoo gacan geliyaan gobolka Gedo, taasi oo ka carreysiisay Jubaland iyo xisbiyada mucaaradka ah, mana muuqato inay joojin doonto qorshaheeda ah in gobolka Gedo ay ka goyso Jubaland. Haddii tani ay sii socoto waxay hormuud u noqon doontaa in heshiiska madaxweynaha iyo Madasha lagu kala boodo, xiisad cusubna ay mar kale ka dhex dillaacdo labada dhinac.
  16. Ankara and Doha have developed solid ties during testing times and the countries' leaders enjoy a strong relationship. Source: Hiiraan Online
  17. St. FX nursing student Farhiyo Salah grew up in one of world's largest refugee camps Source: Hiiraan Online
  18. A campaign to vaccinate some 1.7 million children in Somalia was launched on Sunday by the country’s government, in partnership with the World Health Organization (WHO) and the UN Children’s Fund (UNICEF). Source: Hiiraan Online
  19. Ciidamo ka tirsan Booliiska DFS iyo koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku dagaallameen xaafadda Gubta, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu yimid kadib markii ay ciidamada ka warheleen kooxdan hubeysan oo dhac u geysanayey dad rayid ah oo ku sugan Dayniile, waxaana xogta kooxdan usoo gudbiyey ciidamada dad shacab ah. Markii ay ciidamada gaareen halkaasi ayaa la sheegay in rasaas ay kala kulmeen kooxdii dadka dhacaysay, iyaguna ay iska caabiyeen. Hal qof oo rayid ah ayaa rasaastaasi ku dhintey, mid kalena waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal. Taliska ciidanka Booliiska degmada Dayniile iyo maamulka degmadaasi ma jirto weli wax faah faahin ah oo ay dagaalkaasi ka bixiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Ceel Waaq (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxay ciidan xoogan soo dhoobtay xuduuda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalena aan la garanayn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa soo dhoobashadooda halkaasi. Ciidamada Militariga Kenya ayaa waxaa Axadii si aan horey loogu arki jirin loogu arkay xuduuda Degmada Ceelwaaq, halkaasoo la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan. Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay garab iyo gaashaanba u yihiin Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Wararka ayaa waxay sheegayan in Madaxweyne Ku-xigeenka loo diiday in uu gudaha u galo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib markii Masuuliyiinta Degmooyinkaasi lagu khasbay inaanay la shaqayn Jubbaland. Jubaland ayaa ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeysay inay awood ku maquuninayaan gobolka, ayaga oo taageersan dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland ayaa waxay Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ku amartay inaanay la shaqayn Jubbaland, iyadoo qaar ka mid ahna ayba u hoggaansamayn. Madaxda Jubbaland ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay xaalad ka abuurtay Gobolka Gedo, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itooviya ay u carbisay inay ka shaqeeyan, sidii gobolkaasi uu uga madax bannaanaan lahaa Jubbaland. Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa dhankiisa waxaa uu Ciidamada Kenya ku eedeeyay inay weligoodba gaashaan u ahaayeen Maamulka Jubbaland.
  21. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen ganacastada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas gurmadka fatahaadaha. Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahan gurmad. Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsam Golaha Wasiirrada, qaar ka mid hoggaanka culimada Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada. “Waxaan ugu baaqayaa culimadeenna sharafta badan in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.” Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta. PUNTLAND POST The post Cumar Filish oo baaq u diray culimada appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay digniin u jeedisay shirkadaha shisheeye ee dalka ka hawlgala, gaar ahaan kuwooda sida sharci darrada ah dalka uga shaqeeya. Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shirkado sifo aan sharci ahayn dalka uga hawlgala, isagoona uga digay inay ka waan-toobi waayaan. Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha ajaaniibta ah, ee sida sharci darrada ah dalka uga hawlgala. “Tallaabo ayaa laga qaadi doonna shirkadaha ajanabiga ah ee sida sharci darrada uga hawlgala dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Somaliya oo maanta Warbaahinta la hadlay. Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay inay la xisaabtami doonaan shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, ee bilaa sharciga u jooggo Soomaaliya. Waa digniintii ugu adkeyd oo Wasiirka Ganacsiga u jeediyo shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, waxaanse la garanayn sida awaamiirta ka soo baxday ay ku dhaqangeli doonto
  23. Muddo xileedka xukuumadda waxaa ka haray hal sano iyo labo bilood, waxaa looga fadhiyaa oo waajib saraan oo dastuuri ah inay xiligeeda ku qabato doorasho oo loo tartamo hogaanka dalka. Shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka intaba ma teegeersana in xukuumadda ay sameeyso muddo korarsi, maxaa yeelay arintaas waxa ay sawir aan wanaagsaneen ka bixineeysaa dowladnimada Soomaaliya. Waxaa ka dhalan kara foowdo siyaasadeed oo keeni karta dib u dhac iyo bur-bur hor leh. Waxaa sida qoraxda u cadahay oo kale u cad in suurtogal aysan ahayn xiligaan oo hal sano u hartay xukuumadda in la qabto doorasho guud ahaan dalka ah oo qof iyo cod ah sidoo kalana ah xor iyo xalaal. Arrimaha muhiimka ah oo ay tahay in la qabto si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah waxaa kamid ah in amaanka dalka wax laga qabto, in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka qabyadda ah, in la ansixiyo sharciyo ay ka mid yihiin sharciga doorashadda, sharciga axsaabta iyo sharciga jinsiyadda iyo in heshiis siyaasadeed ay gaaraan Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda. Amniga dalka oo ah waxa ugu muhiimsan oo ay tahay in wax laga qabto si doorasho amni ah u dhacdo faraha ayuu kasii baxay, goobo badan oo dalka kamid ah xor ma aha oo gacanta Dowladda kuma jiraan, waxaa la ogyahay in dhibaatooyin dil iyo dhaawac isugu jira loo geeystay qaar kamid ah ergadii soo dooratay barlamaanka doorashadii 2016. Dowlad la tacaaleeysaa jidka Makka Al-mukaramah iyo eeriyada Madaxtooyada oo naf ka raadineeysa Ganjeelo lagu xiro jid cadayaasha xaafadaha Xamar xiligan ma sugi karto amaanka cod-bixiyaasha si doorasho amni ah ay uga dhacdo dalka 2020/2021. Dastuurka oo wax badan kala hagi lahaa dib u eegis laguma sameeyn, nooca Federaal ee la qaadanayo ma cada, nidaamka doorashada lagu galayo ma cada, ma nidaamka 4.5 ayaa lagu sii dhaqmi mise waxaa loo gudbi nidaamka xisbiyada. Arimahaas iyo kuwa kalaba kalama cada.Tirokoob dadweeyne lama sameeyn, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha iyana lama sameyn, dhaqaalihi howlahaas lagu fulin lahaa lama hayo sidoo kale majirto Maxkamada Dastuuriga ee kala saari laheed wixi is qabqabsi ah ee kayimaada natiijada doorashooyinka. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka oo marar badan ku celceliya doorasho qof iyo cod ah ayaa dalka laga qaban 2020/2021 waa inay ka toosaan riyo maalmeedka ay ku jiraan. Waxaa la gaaray xiligii laga run sheegi lahaa caqabadaha horyaala doorasho qof iyo cod ah inay dhacdo umadda Soomaaliyeed na loo soo bandhigo nooca doorasho ee xiligaan ku haboon, oo suurta galin karta in si daahfuran loogu tartamo hogaanka dalka. Waxaa jira talooyin ku aadan nooca doorasho ee xiligaan ku haboon Soomaaliya oo ay soo jeediyeen khuburada ku xeel dheer Arimaha Doorashooyinka, Dowladda waxaa laga rabaa inay dhageeysato talooyinkaas lana timaado nooc doorasho oo heshiis lagu wada yahay oo ku haboon waaqica jira. W/Q: C/llaahi Samoow Abdullaahisamoow@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa luuqad adag kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in uu sharcigii ka dul talaabsaday. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Somaliland ka dhigay meel uu gaar u leeyahay, isla markaana uu ka yeelo siduu rabo oo xabsiyadana ku guro cida ka hor-timaada maamulkiisa. Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Somaliland aysan marnaba ka aqbaleyn dhaqanada qalafsan ee Biixi, isla markaana ay isagu iman doonaan talo haddii ay dalka doorasho ka qabsoomi weydo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa kale oo uu rajo la’aan weyn ka muujiyey in Madaxweyne Biixi uu aqbali doono guddidii dhex-dhexaadinta ka dhex bilowday xiisada ka dhex aloosan isaga iyo Xisbiga Waddani. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha Hargeysa, ayaa waxa uu si adag u sheegay in Muuse Biixi uusan dalkan Kalitalisnimo kusii wadeyn, wuxuuna yiri “Hadii ay doorashadu dhici waydo tallo ayeey shacabku iskaga imanayaa, maanta dalkeena wasaarad shaqaynaysa ma jirto”. “Waxa uu dalkii ka dhiga madaxweyne Muuse tukaan uu lahaa oo xaqdaro kaga maqnaa 26 sanno oo uu soo ceshaday oo uu leeyahay aniga leh, taasina waxa suurogalaysa oo shacabku yeelayo maaha”. “Madaxweynihii aynu islahayn waxbuu hagaajinaya waxay tallo kaga soo hadhay madax adayg, laba sanno ayaa intaas baryayey oo madaxaan ka dhukaday way iga dhamaatay dulqaadii in nin qayrkay ah oo aan ixtiraamay oo madaxweyne ka dhignay oo la shaqaynay intaas in ka badan aan baryaa noqon mayso”. Wuxuuna intaas kusii daray “Shacabka Somaliland-na u baryi maayo, Kalitalisnimo dalkani kuma soconayo; qofka aan doonana waan xidhaya, waxaan jecelahay baa sharci ah waxaanan doonayna sharci maaha la aqbali maayo,” “Wada-hadaladii waxan ku wareejinay dadkii wadankan dhaqaalaha ugu badan lahaa ee ganacsadatada iyo culimo uu idinka ahaa, anigoo rajo weyn ka qabin inuu yeeli doono in uu doorkan yeeli doonno ayaan ilaahay ka baryeyaa”.
  25. Direct flights have resumed between the Kenyan and Somali capitals, after months of tensions that have driven a rift between the East African neighbors. The news comes after a meeting between the countries’ presidents in Nairobi. Flights between Mogadishu and the Kenyan metropolis were suspended six months ago, following a period of severely strained cross-border relations. At the heart of the spat: a yet unresolved dispute over an Indian Ocean maritime boundary, due to be heard next year before the International Court of Justice in The Hague. Airline operators and travel agencies in both countries welcomed the resumption of a direct air link. Somali travel agent Osman Abdullahi Osman told CGTN that the route’s revival would help his customers save time. “Initially it took our clients four to five hours between Mogadishu and Nairobi because of the mandatory stopover in Wajir,” he said. “This affected our passengers, especially those with connecting flights. The elderly and sick also suffered as a result.” Several Kenyan-owned airlines make regular flights in and out of Mogadishu, including the national carrier, Kenyan Airways. Somali airlines also stand to benefit from a new agreement between the countries that ensures visas-on-arrival for Somali citizens travelling to Kenya. Travelers were optimistic about the developments, telling CGTN the resumed flights were “a step forward” and would “improve the movement of people” between the two countries. But significant obstacles to cross-border migration remain. Somalia’s civil aviation authority still requires flights from Nairobi to the southern port city of Kismayo to transit in the capital Mogadishu. The move was put in place following a disputed regional election in August, which saw Ahmed Mohamed Islam — popularly known as Madobe — re-elected as president of Jubaland State. The victory of Madobe, seen as a strong proponent of Kenyan regional interests, ruffled feathers in Mogadishu, which has been pursuing a more centralized approach to governance that chafes against Nairobi’s desire for a semi-autonomous buffer state along its northern border. Leaders in the Somali capital are insisting on fresh elections in Jubaland — a strong sign that despite recent steps towards reconciliation, the diplomatic divide between Kenya and Somalia is far from fully resolved. With reporting from Abdulaziz Billow in Mogadishu.