-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (SMN) – War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxa xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu taageeray heshiiska laga gaaray arrimaha Galmudug. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Safiirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an taageeridda dadaalladan, isla markaana ay hubinayso hirgelintooda, si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni. Amb. Yamamoto, waxa uu sheegay in Maraykanku bogaadinayo gorgortamayaasha howsha adag qabtay, si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirta hawlaha midaysan ee la’dagaallanka argagixisada Al-Shabaab. Danjiraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in Maraykanku aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga xildhibaannada Baarlamanka, isago xusay in ay dhiirigelinayaan hirgelinta heshiiskaasi. Mr. Yamamoto sidoo kale wuxuu xaqiijiyay, in Safaaradda Mareykanka ay ka go’antahay, fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug. Halkaan riix si aad u akhrisatid qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Maraykanka oo soo dhaweeyay Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay heshiiska 20-ka xildhibaan ee ay gaareen dowladda federaalka ah iyo Ahlu sunna. Mareykanka ayaa qeyb weyn ka qaatay sidii heshiiska loo gaari lahaa. Qoraal ay soo saartay safaaradda oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa uu u qornaa: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni. Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab. Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska. Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Al-Shabaab militants ambushed a Somali army base in Hilweyne, Lower Shabelle region Wednesday evening leaving at least five dead. Source: Hiiraan Online
-
Kooxda suufiyada ah ee Ahlu sunna ayaa qoraal ay ka soo saartay arrimaha heshiiska ay dowladda federaalka ah ee 20-ka xildhibaan ku sheegtay in isu soo dhowaanshiyaha ay ka dambeeyeen beesha caalamka. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kooxda u qaadatay iyada oo ilaalineysa maslaxadda iyo danaha Galmudug. Waxaa kale oo qoraalka loogu mahadceliyey sida ay dowladda federaalka ah dadaal ugu bixineyso dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmudug oo mid ah. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kooxda Ahlu sunna kula heshiisay in golaha wakiilada laga siiyo ilaa 20 xildhibaan. Dhanka kale, guddiga doorashada Galmudug ayaa ku guuldareystay jadwalka iyada oo todobaadkan ay aheyd in ay socoto xulista xildhibaannada si ugu dambeyn ay doorashada madaxtinimada u dhacdo 23-ka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - The U.S embassy in Somalia has welcomed the new agreement in Galmudug between the Federal Government and Alhu Sunna group noting his country will lend support to implement the process. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo iyo Culimaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa ka heshiiyay Khilaaf muddooyinkii dambe u dhexeeyay oo salka ku hayay Saami-qeybsiga xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in heshiis rasmiya laga gaaray murankii ka taagnaa Saamiga Ahlusunna laga siinayo xildhibaannada Baarlamanka Galmudug. Wasaaradda ayaa sheegtay in labad dhinac ku heshiiyeen, in Ahlusunna 20 xubnood laga siiyo xildhibaannada la soo xulayo ee baarlamanka Galmudug, sidaasina uu ku dhammaaday khilaafkii ka taagnaa saamiga Ahlusunna ka helayso Golaha Wakiilada cusub ee Galmudug. War-saxaafadeedka, oo uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sidoo kale mahad-celin loogu jeediyay Hoggaanka Ahlusunna oo la sheegay in ay tanaasul muujiyeen, si loo dhiso Galmudug midaysan. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo qoondo gaara laga siiyey Baarlamaanka cusub ee Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kooxda Ahlu sunna kula heshiisay in golaha wakiilada laga siiyo ilaa 20 xildhibaan. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha waxaa lagu sheegay in xildhibaannaasi ay qeyb ka yihiin 89-ka xildhibaan ee guud ahaan golaha uu ka kooban yahay iyada oo xilheyntooda ay ku egtahay muddada xilheynta baarlamaanka cusub. Dhinaca kale, waxaa heshiiskan soo dhoweeyey xildhibaan Mahad Salaad isaga oo bartiisa Faceboogga ku soo qoray “Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska laga gaaray kala aragti duwanaanshihii dowlada federaalka iyo Ahlu Suna ee dhismaha Galmudug. “Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo waqti badan geliyay sidii arintaan loo xalin lahaa. Waxaa sidoo kale u mahadcelinayaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanadii iyo Ganacsatadii ka shaqeeyay in uu miro dhal noqdo heshiiska maanta la gaaray”. Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku guuldareystay jadwalka iyada oo todobaadkan ay aheyd in ay socoto xulista xildhibaannada si ugu dambeyn ay doorashada madaxtinimada u dhacdo 23-ka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE), ayaa u oggolaaday deeq wadarteedu gaadhayso US $ 110 Milyan oo dollarka Maraykanka ah dalalka ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si loogu horumariyo nidaamyada waxbarashada iskuulada. Sida lagu baahiyey warbixin shalay lagu daabacay mareegta GPE, ayaa lagu faahfaahiyay dalalka ka faa’iidaysanaya deeqdan GPE , waxaanay tilmaantay warbixintu in dalalka deeqdan ka faa’iidaysanaya ay ka mid yihiin Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cote d’Ivoire, Tansaaniya, Kenya, Somaliland, Somalia’s (Puntland) iyo Zimbabwe. Sidoo kale GPE oo ah urur fadhigiisu yahay dalka Marakyanka ayaa sannadkii hore ku bixiyey in ka badan 312 Milyan. Julia Gillard, oo ah Madaxa Guddiga Iskaashiga Caalamiga Waxbarashada ayaa tidhi “Maaddaama waddamada aan wada shaqeyno ay sii wadaan inay maal gashadaan waxbadan oo agabyadooda gudaha ee dhinaca waxbarashada ah, maalgelinta dibeddu sidoo kale waa mid u muhiim ah guushooda.” “Deeqdan cusub waxay gacan ka geysan doontaa in la dhaqaajiyo horumarka dhabta ah in arday badan fursado u helaan waxbarashada, gaar ahaan gabdhaha iyo carruurta ka soo jeeda bulshooyinka danyarta ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta mareegta GPE. Ururka Iskaashiga Waxbarashada Caalamiga ah ee GPE ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay ku bixinayaan dhaqaale gaadhaya $ 3 Milyan, wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee iskuulada ay abaarahu saameeyeen ee Somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa saamiga gabdhaha ee iska diiwaangelinaya iskuulka. Source
-
Qaar ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa mooshin ka gudbiyey wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye iyada oo lagu eedeeyey in warbaahinta qaranka uu ka sameeyey eex iyo sinnaan la’aan gaar ahaan marka ay jiraan doodaha hindise sharciyeedyada iyada oo warbaahinta qaranka ay sii deyso muuqaalada xildhinaanada taageersan xukuumadda. Qoraal ka soo baxay xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ka muuqda saxiixa 11 xildhibaan, waxaa lagu soo bandhigay qodobo lagu cadeeyey sababta loogu yeerayo. Nidaamkaas oo la sheegay inuu ka hor imaanayo dimiqoraadiyadda ayaa waxaa kale oo wasiirka wax laga weydiin doonaa: Cadaalad la’aanta baahinta doodaha golaha shacabka. Sababta aaney u soo gudbin doodaha waqtiga ku haboonaa Sababta SNTV oo ah warbaahin qaran aan looga baahin doodaha oo dhameystiran Wasiir Maareeye ayaa lagu wadaa inuu golaha hortago 15-ka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Maanta oo khamiis ah, 12 December, sannadka 2019-ka waxaa guud ahaan dalkan Britain subaxnimada looga dareerayaa doorasho nooceeda aan hore loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida. Doorashadani waxey saamayn ballaadhan ku yeelan doontaa jihada mustaqbalka dalka Britain oo kaalinta 6-aad ee dhaqaalaha adduunka ku jirta, saamayn siyaasadeedna ku leh qaaradda Yurub – waliba waxaa intaasi dheer in doorashadan ay ka dhalatay go’aanka reer Britain ee ka bixista Midowga Yurub oo xiisad siyaasad dalka ka buurtay. Ra’iiusl Wasaaraha Britain Boris Johnson oo hoggaamiya xisbiga muxaafadka ee concervetifka iyo hogaamiyaha xisbiga shaqalaaha ee mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa loolankan xoogiisu uu u dhexeeyaa – labaduba waxaa looga fadhiyaa in ay jahawareerka siyaasadeed ee taagan soo afjaraan, xisbiyada liberal democrat iyo SNP ayaa Iyana kaalin muuqata ku leh doorashadan. Boris waxaa uu balan qaaday in uu Britain kaga saari doono Midowga Yurub sanad guduhiisa, halka hogaamiyaha Mucaaradka oo Corpyn uu ku tilmaamay balan qaadkaas mid liddi ku ah horumarka dhaqaale ee dalka isla markaana uu balan qaaday in uu afti kale shacabka dib ugu celin doono saddex bilood kadib haddii uu doorashada ku guullaysto. Horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida waaxda caafimaadka ee NHS, guri la’aanta, isbadalka cimilada, ka hortagga dambiyafda iyo qaar kaloo badan ayaa Iyana kamid ah olalaha iyo hal ku dhigyada doorashada ee axsaabta siyaasadda dalka Britain. Saadaasha doorashada ayaa muujinaysa in xsibiga Ra’iiusl wasaare Boris uu ku guulaysan doono doorashada 43% halka la saadaalinayo in xisbiga shaqaalah uu helo doono 33% hase yeeshee dhowr jeer oo hore oo la saadaaliyay in xisbiga taladaha haya uu guulaysan doono ayaa isu badashay in labada xisbi ayna heli doonin kuraas ku filan, kuna qasbanaan doonaan in xisbi kale uu dowladda lasoo dhiso. Dadka dalkan laga tirada badan oo gaadhaya 7.5 milyan oo qof oo isugu jira Soomaalida, dadka bariga yurub, afrika iyo Muslimiintu ay ku jiraan ayaa doorashadan la filayaa in ay xoogoodu u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy corbyn. Si kastaba ha ahaatee natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo subaxnimada maalinta barito oo jimco ah, mana cadda in cid walba oo guulaysta ay soo afjari karto qalalaasaha siyaasadda ee ka bixista Britain ee Midowga Yurub. Source
-
Al-shabaab oo weeraray Xero ciidan oo u dhow degmada Balcad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Xerada ciidan ee Hiilweyne oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Balcad. Malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xeradaasi Ciidan ee Hiilweyne waxaana la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dileen 5 ruux oo 4 ay yihiin rayid, kan kalena askari. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay saacado kooban qabsadeen saldhigaasi sidoo kalena ay gubeen laba gaari oo xerada yaallay ka hor inta aysan isaga bixin halkaasi. Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerar kii Al-Shabaab ku qaadday hoteelka SYL oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, 11 kalena ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weeraray Xero ciidan oo u dhow degmada Balcad appeared first on Puntland Post. -
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo magaalada Aswan u jooga ka qayb galka madasha Aswan, ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Canada, François-Philippe Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo François-Philippe, looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Canada Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa ay la yeelanayaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb gelaysa shirka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara ee maanta ka furmay Masar. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo khamiis ah, 12 December, sanadka 2019-ka waxaa guud ahaan dalkan Britain subaxnimada looga dareerayaa doorasho nooceeda aan horay loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida. Doorashadani waxey saamayn balaadhan ku yeelan doontaa jihada mustaqbalka dalka Britain oo kaalinta 6-aad ee dhaqaalaha aduunka ku jirta, saamayn siyaasadeedna ku leh qaaradda Yurub – waliba waxaa intaasi dheer in doorashadan ay ka dhalatay go’aanka reer Britain ee ka bixista Midowga Yurub oo xiisad siyaasad dalka ka buurtay. Ra’iiusl Wasaaraha Britain Boris Johnson oo hogaamiya xisbiga muxaafadka ee concervetifka iyo hogaamiyaha xisbiga shaqalaaha ee mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa loolankan xoogiisu uu u dhexeeyaa – labaduba waxaa looga fadhiyaa in ay jahawareerka siyaasadeed ee taagan soo afjaraan, xisbiyada liberal democrat iyo SNP ayaa Iyana kaalin muuqata ku leh doorashadan. Boris waxaa uu balan qaaday in uu Britain kaga saari doono Midowga Yurub sanad guduhiisa, halka hogaamiyaha Mucaaradka oo Corpyn uu ku tilmaamay balan qaadkaas mid liddi ku ah horumarka dhaqaale ee dalka isla markaana uu balan qaaday in uu afti kale shacabka dib ugu celin doono sadex bilood kadib haddii uu doorashada ku guulaysto. Horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida waaxda caafimaadka ee NHS, guri la’aanta, isbadalka cimilada, ka hortagga dambiyafda iyo qaar kaloo badan ayaa Iyana kamid ah olalaha iyo hal ku dhigyada doorashada ee axsaabta siyaasadda dalka Britain. Saadaasha doorashada ayaa muujinaysa in xsibiga Ra’iiusl wasaare Boris uu ku guulaysan doono doorashada 43% halka la saadaalinayo in xisbiga shaqaalah uu helo doono 33% hase yeeshee dhowr mar oo hore oo la saadaaliyay in xisbiga taladaha haya uu guulaysan doono ayaa isu badashay in labada xisbi aysan heli doonin kuraas ku filan, kuna qasbanaan doonaan in xisbi kale uu dowladda lasoo dhiso. Dadka dalkan looga tirada badan oo gaaraya 7.5 milyan oo qof oo isugu jira Soomaalida, dadka bariga yurub, afrika iyo Muslimiintu ay ku jiraan ayaa doorashadan la filayaa in ay xoogoodu u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy corbyn. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dadweynaha Britain oo u Dareeraya Doorasho appeared first on Puntland Post.
-
17 former members of the Watergate special prosecutors force wrote in a Washington Post op-ed on Wednesday that they believe President Trump committed impeachable offenses and should be removed from office Source: Hiiraan Online
-
A story out of Minnesota relates how a group of Muslim immigrants are taking on Amazon to challenge what they feel are inhuman working conditions required by the company. Fair enough. Source: Hiiraan Online
