Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (CaasimadaOnline) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay doorashada 2020-ka gaar ahaan damac uu sheegay inuu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya inuu dib u soo laabto. Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu qaaday tallaabo kasta, iskuna dayey inuu bedalo qodobka 89-aad ee Dastuurka oo qeexaya nooca doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuuxu tilmaamay in Madaxweynuhu shiriyey xildhibaanno ka tirsan labada gole, si uu ugu qanciyo qorshiisa, balse uu ka waayey wax taageero ah. Halkan hoose ka aqriso: HALOO KALA DABQAADO MADAXWEYNAHA & QODOBKA 89-AAD EE DASTUURKA. Qodobka 89aad, faqradiisa koowaad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee wuxuu u qoran yahey sidatan: (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu muddadii saddexda sano aheyd ee uu talada hayey ka shaqaynayaa sidii asagoon waddo sharci ah u soo marin uu u bedeli lahaa qodobka 89-aad, xildhibanno waa shiriyey waqtiyo badan, hindise sharciyeedka doorashooyinka waa ku soo qortey, Guddoonka labada aqal ee barlamaanka waa qalqaaliyey, guddiga dib u eegista dastuurka wuu kala fariistey, wasiirkii hore ee dastuurka wuu kala hadley, ugu danbeynna xoogagga wadaniyiinta oo qura ayaa ku raacay. Madaxweynuhu illaa iyo hadda wuxuu ku qanci la’yahey qodobkii dastuuriga ahaa ee uu ku yimid, haddii uu rabo in uu mar kale soo tartamamana in uu wadadaas raaco. Haddii madaxweyne Farmaajo uu ku qanci waayey dastuurka dalka isla markaana sidaas ay ka go’an tahey wadada kaliya oo u furan waa ku dhawaaqidda afgembi mileteri, dastuurka dalka oo uu laalo iyo golayaasha barlamaanka oo uu kala diro, subaxda xigtana xoogagga wadaniyiintu ay banaanbax taageero ah banaanka ugu soo baxaan ayagoo ku dhawaaqaya “Cimrigii Jiryow, Jiryow, Jiryow, Caynaanka Hay…. Hay….Hay…. Weligaa Hay, Hay , Hay. Hay”. Dhar aad gadanayso ama tolanayso waad isku cabbiri kartaa sidaad jeceshahay laakin ma dhicin meel dastuur daleed uu hal qofi ku fakaro in uu isku jimeeyo, ka dibna damaciisa iyo hawadiisa le’ekaysiiyo. Madaxweynuhu waa inuu iimaansadaa dastuurka dalka weliba waajib ayey ku tahay inuu ilaaliyo waayo dhowrista dastuurka iyo shuruucda dalka ayuu horey ugu dhaartey.
  2. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has appointed Balal Mohamed Osman as his new special envoy to the Horn of Africa, Red Sea and Gulf of Aden Affairs. Source: Hiiraan Online
  3. Somalia’s Opposition alliance, the Forum for National Parties [FNP] has accused Ethiopian forces of illegally arresting regional officials in the Gedo region last week. The Ethiopian forces not serving under AMISOM “forced” the detained officials to go against Jubbaland state and work with the Federal Government of Somalia amid political standoff. FNP said Ethiopian forces are sowing chaos in Gedo near the Kenyan border and called on the International community for the removal of non-AMISOM troops from Somalia. Jubaland state leader Ahmed Madobe has been at loggerheads with Mogadishu over the region’s recent election and other issues, including the Federalism and war on Al-Shabab. View the full article
  4. (SLT-Muqdisho)-Warbixin dheer oo ka soo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa markale lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka. Transparency International ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ku sheegtay in Soomaaliya ay hoggaamineyso wadamada uu la degay musuqa, iyadoo la timid 10%. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ku soo xigaan dalalka Sudan, South Sudan, Guinea Bissau, Yemen, Equatorial Guinea, Syria, Afghanistan, Liby iyo North Korea. Dhinaca kale warbixintaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay dalalka horumarka ka gaadhay la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah. Denmark ayaa noqotay dalka ugu horreeya ee la dagaalama musuqa, iyadoona wadamada Mareykanka, Hungary, iyo Brazil loo aqoonsaday kuwo musuqa uu ku kordhayo, loona baahanyahay in isha lagu hayo, si wax looga qabto. Ugu dambeyn warbixinta hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in wadamada aadka ula dagaalamaya musuq-maasuqa ee hadda soo kabanaya ay kala yihiin Estonia, Ivory Coast, Senegal, Guyana, Australia, Chile, Malta iyo Mexico. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Baashe Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta markale bilowday dhageysiga dacwadda xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dacwadan oo la xariirto is hortaagii lagu sameeyey Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo ayaa xisbigu wuxuu gudbiyey 6-dii bishii October ee sanadkan ee 2019-ka. Wararka ayaa sheegaya in goor dhow ay bilaabatay dooda u dhaxeysa xeer-ilaaliyaasha Qaranka iyo Garyaqaanada u doodaya xisbiga Himilo Qaran. 18-kii bishan ayey rasmi ah maxkamaddu uguda gashay dhageysiga dacwadan oo salka ku heyo arrimo maamul, waxaana fadhigaasi ka qeyb galay guddoomiyaha maxkamadda sare, garsoorayaal, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno ka socda Himilo Qaran. Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi karta dacwaddan iyo sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa muuqata inay si aad ah maxkamaddu uga daahday dhageysiga kiiskan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa oo ay qabato maxkamadda sare. Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net
  7. After extensive consultations with its members and wider network of journalists, Somali Journalists Syndicate (SJS) this week submitted legal comments and recommendations about the Somali Media Bill (amendment) to the ministry of information and the Federal Parliament’s Upper House (Senate) – where the media law is currently being reviewed. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (HOL) - The High Court in Mogadishu is today hearing the case filed by the opposition Himilo Party against Somali Civil Aviation Authority. Source: Hiiraan Online
  9. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay, kadib iska hor imaad xalay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Israaseyntaan ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey xaafadda Gubta ee degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada Boolisku ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir View the full article
  10. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan meelaha Biyaha roobka fariisteen. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in u kuur galayeen xaaladaha qaar kamid ah xaafadaha magaalada. “Waxaan ku jirnaa kormeer aan ugu kuur galayno xaaladda iyo saamaynta ay yeesheen roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada iyadoo uu wali socdo roobkii lana fili karo waaberiga ilaa beri inuu gaaro”. sidaas waxaa yiri gudoomiye Tuulax “Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeedi doonaa caawa sidii uu gurmad ugu fidin lahaa haddii uu saameyn ku yeesho shacabka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada”. xalay illaa shalay galab magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob saacado badan socday kaas oo sababay in dadka danyarta ah qaarkood goobihii ay daganaayeen isaga baxaan ka dib daadad saameeyey. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo ka soo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa markale lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka. Transparency International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in Soomaaliya ay hoggaamineyso wadamada uu la degay musuqa, iyadoo la timid 10%. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ku soo xigaan dalalka Sudan, South Sudan, Guinea Bissau, Yemen, Equatorial Guinea, Syria, Afghanistan, Liby iyo North Korea. Dhinaca kale warbixintaan ayaa waxaa lagu kala qeybiyay dalalka horumarka ka gaaray la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah. Denmark ayaa noqotay dalka ugu horreeya ee la dagaalama musuqa, iyadoona wadamada Mareykanka, Hungary, iyo Brazil loo aqoonsaday kuwo musuqa uu ku kordhayo, loona baahanyahay in isha lagu hayo, si wax looga qabto. Ugu dambeyn warbixinta hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in wadamada aadka ula dagaalamaya musuq-maasuqa ee hadda soo kabanaya ay kala yihiin Estonia, Ivory Coast, Senegal, Guyana, Australia, Chile, Malta iyo Mexico. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda Maaliyada ayaa mar weliba cel-celiso inay la dagaalanto musuq-maasuqa, islamarkaana Soomaaliya aysan aheyn sidii hore, iyadoona dhowaan wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay inay la xisaabtami doonaan hay’ado uu sheegay inay warbixino been abuur ah ka gudbiyaan Soomaaliya.
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka cusub ee Somaliland ayaa maanta lagu dhaariyay madaxtooyada. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa dhaariyay, madaxweyne Biixi-na goob joog ayuu ka ahaa. Xubnaha la dhaariyay ayaa ka kooban 6 xubnood maadaama oo xubinta xisbiga WADDANI weli maqan tahay. Guddida maanta la dhaariyay ayaa waxa ka taagan muran u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumadda. Warkan oo faahfaahsan goor dhaw la soco Source
  13. Hay’adda PHARO FOUNDATION Oo Wasaaradda Waxbarashadda Ku Wareejisay Saddex Dugsi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Degaanno ku teedsan xeebaha gobolka Karkaar ee Puntland, ayaa cabanayaa kalluumaysto ka yimid meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo xeebaha gobolka Karkaar kaga jillaabanaya qalab mamnuuc ah oo xaaluf ba’an u gaysanaya Kalluunka. Kalluumaysato ku sugan degmada Bander-Beyla iyo tuulooyinka hoos yimaada ee Kulule iyo Durdura oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in ay xeebaha degaannadooda ay soo buux-dhaafiyeen doomo kalluumaysi oo wata qalab mamnuuc ka ah badda, kuwaasi oo jariifaya Kalluunka noocyadiisa kala duwan. Waxa kale oo ay sheegeen, in doomaha ay saaran yihiin kalluumeysato Soomaaliyeed oo isaga yimid degaanno kala duwan, islamarkaana watay ilaalo hubaysan oo cabsi ku abuurtay kalluumaysatadii degaanka u dhashay, kuna hanjabaya in ay xoog kaga kalluumaysanayaan halkaasi. Haddaba, Warbaahinta Puntland Post ayaa arrintaasi ka wareysatay, guddoomiyaha degmada Bander-Beyla ee gobolka Karkaar, Siciid Aadan Cali (Anteeno) oo isna dhankiisa faahfaahin ka bixiyay dadka laga cabanayo iyo dhibaatada ay ku hayaan Xeebaha degmada Bander-Beyla iyo tuulooyinka hoos yimaada. Hoos ka daawo wareysiga guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Kalluumeysatada Bender-beyla oo ka cabanaya doomo hubaysan oo xaaluf ba’an ku haya xeebaha degmadaasi appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka qeyb galayey munaasabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho ayaa fariin culus u diray Culimada Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay Culimada in ay sii dardar geliyaan wacyigelinta iyo ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan ugu baaqayaa culimadeenna sharafta badan in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.”ayuu yiri Filish oo ka qeyb galayey xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sidoo kale wuxuu ku booriyey Sheekha iyo wafdigiiga sida ay ugu soo gurmadeen walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee gobollada Hiiraan iyo Baay. Ugu dambeyn Cumar Filish ayaa ballan qaaday in Culimada Soomaaliyeed ay ka maamul ahaan ku garab istaagi doonaan wacyigelinta oo muhiim u ah bulshada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay la baajiyey Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii uu khilaaf hareeyey khudbadaasi.
  16. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweyne Muuse Biixi hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka ee dhawaan la dhisay. Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland oo dhawaan uu ansixiyey golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxaana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta. Xubnahan ayaa ka kooban 6 xubnood, waxaana ka maqan xubintii xisbiga mucaaradka Waddani u matali lahayd Komishanka doorashooyinka Somaliland. Guddiga maanta la dhaariyey waxaa ka taagan muran xoogan oo u dhaxeeya mucaaradka iyo Xukuuumadda uu hoggaaminyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Somaliland: Xubno lagu muransanaa oo la dhaariyey appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Xogo uu helayo telefishanka Saab ayaa sheegaya in Waddamada Somaliland ka taageera dhanka horumarka iyo doorashooyinku walaac weyn ka qabaan khilaafka u dhexeeya xukumadda madaxweyne Biixi iyo mucaaradka. Beesha caalamka ayaa ku cadaadinaysa madaxweyne Biixi in uu wax ka qabto xubnaha muranka abuuray ee Komishanka cusub ku jira waxaanay la wadaageen walaaca ay ka qabaan khilaafkan ee dhanka ammaanka. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Ingiriiska Oo Laga Abaabulayo Kulamo Waaweyn Oo Ka Dhan Ah Xukumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Raysal wasaaruhu hore ee Soomaaliya iminkana ah Madaxa Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu uga hadlay kulankii [...] Source
  20. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cali Maxamed Geedi oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuu aad ula yaaabay dhaqanka siyaasadeed ee madasha xisbiyada Qaran. Geedi ayaa tilmaamay in mar weliba ay ka soo horjeedaan dowladnimada, islamarkaana ay liddi ku yihiin madaxda dalka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu uga digay hoggaanka madashaasi in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed oo muddo fog ku soo jiray duruufo adag. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-dagane-cali-gedi-.mp3 View the full article
  21. Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed iyo midka Milatari ee ka socda gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Ugu horreyn Madasha ayaa ku eedeysay ciidanka Itoobiya inay xadgudubyo ka geysanayaan degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow ee gobolkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in kulankii hoggaanka madasha ay Arbacadii la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha Jubbaland iyo Gedo. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  22. (SLT-Dooxa)-Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyib Erdogan ayaa u safray magaalada Dooxa iyadoo la filayo in Isniinta maanta ah, waxaana kulan lagaga hadlayo arrimaha gobolka iyo xidhiidhka labada wadan uu la qaadan doonaa boqorka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Xukuumaha Ankara iyo Dooxa ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh adag iyadoo marka marka ka danbeysa uu sii Xoogeysanayo. Wadamadan ayaa dhanka kale ka mideysan siyaasada Falastiin iyagoo si kulul u dhaleeceyay afganbiga ciidanka Amniga Masar ay sanadkii 2013-kii xilka kaga tuureen madaxweynihii shacabka ay soo doorteen ee Maxamed Mursi. Sannadkii 2017-dii ayay aheyd markii wadamada Masar Sacuudiga iyo Imaaraadka ay isku dayeen afganbi fashilmay oo ka dhan ah dowlada Qatar iyadoo tan iyo wixii markaa ka danbeeyay uu Turkiga ciidan xoogan u diray magaalada Dooxa. Amiirka Qatar ayaa dhankiisa si kulul u canbaareeyay afganbigii fashilmay ee dabayaaqadii sannadkii 2016-kii la doonayay in xilka lagaga tuuro dowlada Turkiga. Source
  23. Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayso Dhuusamareeb iyo Cadaado waxay sheegayaan in Buuq Siyaasadeed uu wali ka taagan yahay qaabkii loosoo dhisi lahaa Galmudug [...] Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ku wargaliyeen Booliska rag hubeysan oo dhac ka gaysanayey xaafadda Gubta ee degamadaasi, waxaana kadib goobta soo gaaray ciidamada oo la dagaalamay kooxdaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay hal qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana saaka degmada Dayniile baaritaano ka wada ciidamada dowladda, si looga hortago kooxaha dhibaatada ka wada degmadaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ka soo yeereysay qeylo dhaan la xariirta dhibaatooyin amni oo ka jira degmooyinkaasi.