-
Content Count
213,996 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-24112019.mp3 View the full article
-
ADDIS ABABA, Ethiopia The people of Sidama zone — the largest ethnic group — within the Southern Nations, Nationalities and Peoples State of Ethiopia voted to have their own regional state, the country’s election body announced. In a televised news conference, Burtukan Mideksa, head of the National Electoral Board of Ethiopia said that 98.51% of the electorate voted in favor of a breakaway regional state. Voting was held last Wednesday in which more than 2.3 million people went to the polls and cast their ballots. The Sidama regional state, when approved by the House of the Federation, will be the 10th regional state in the country. The 1995 constitution stipulates that the Federal Democratic Republic of Ethiopia comprises nine regional states and two autonomous city administrations. This latest development of Sidama zone as the 10th regional state may therefore trigger a revision of the constitution. In September this year, Sidama youths declared a de facto regional states before referendum — an move that led the federal government to intervene. Scores of people had been killed in clashes with security forces before the riots were quelled and the region came under a military rule until the situation calmed down. According to the National Electoral Board of Ethiopia, there are other ethnic groups demanding breakaway regional states of their own in SNNPRS such as Wolayita and Gurage. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergey madaxweyne oo gaar ah u magacaabay Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed. Wareegto uu soo saaray madaxweynaha oo ku taariikheysan 17-ka November, ayaa xilkan loogu magacaabay Balal Maxamed Cusmaan, oo horey uga mid ahaa la-taliyayaasha madaxweynaha. Warqadda madaxweynaha, oo Villa Somalia aysan si rasmi ah u faafin balse ay heshay Caasimada Online, laguma sheegin shaqada ergeygan, oo ah xil Soomaaliya ku cusub oo aan horey u jirin. Si, kastaba xildhibaano ku dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ergeygan uu madaxweynaha u qabilsanaan doono xiriirka saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, wada-hadallada Kenya, iyo xiriirka dalalka badda cas sida Jabuuti iyo Yemen. Dad madaxweynaha ku dhow oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in madaxweynaha uu tallaabadan qaaday, ayada oo ay qeyb ka tahay guddi ay sidoo kale dalalka gobolka xubno soo magacaabi doonaan. “Maaxweynaha ma doonayo inuu mar walba u safro dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea ama Sacuudiga, oo arrimo badan ay kaga xiran yihiin Soomaaliya. Sidaas darteed wuxuu doonayaa ergey mar walba tagi kara dalalkaas, isaga kaliyana soo war-geliya” Ayuu yiri qof la hadlay Caasimada Online. Hoos ka aqriso magacaabista
-
Somalia’s President Mohamed Farmajo and his Prime Minister Hassan Khaire spent most of their adult lives abroad; the former as a diplomat who later attained American citizenship (which he claims to be renouncing) and the latter as a refugee in Norway who became an executive at Soma Oil. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland: The Beauty of Awdal Enchants A Visitor. The following two photos were taken recently by a foreign visitor to Somaliland. The visitor who workers for a humanitarian non-governmental organization were posted on all the social media outlets and highlight the beauty of our country which we often take for granted. Renowned Somaliland photographer, Yusuf Dahir, has published some iconic and spectacular pictures of Somaliland, it’s people and land, but, it is interesting to see our country through the eyes of a foreign visitor. After all, the international community are bombarded with horrifying images of the Horn of Africa, and in particular from our neighbour in the south. It is worth reminding people that Somaliland is an oasis of peace, stability and development in the region. The rains this year have been abundant and the soil is rich. These are the ranges in Awdal known as “Seeraha” and across the nation similar scenes are evident, Daallo, Sheekh, Gacan Libaax, Golis etc. thanks to the blessing of Allaahu Subxaana Wa Tacaal, the land is filled with milk and honey this year. Qarannews Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta faah faahin ka bixiyey sababta keentay in la joojiyo muxaadaro la qorsheeyey inuu ku qabto magaalada Muqdisho. Sheekh Umal ayaa sheegay in isaga uu dalbaday in gebi ahaan muxaadarada la joojiyo, isaga oo kasoo horjeeda in muxaadarada darteed uu dhiig u daato, kadib hanjabaad ka timid culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca. Isaga oo hadal ka jeedinayey kulan lagu soo dhaweynayey oo Galabta lagu qabtay Muqdisho ayuu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ka go’neyd qabashada muxaadarada balse isagu uu gartay in aan marnaba la qaban. “Haddii aan ummad Soomaaliyeed dhiigooda daadinayo marka ay dhibaatadu gaarto uma soo gurmadeen xoolo uma soo ururiyeen, sidaas darteed madaxda dowladda oo diidan oo ku adkaysanaya anigaa joojiye.” ayuu yiri Sheekh Umal. Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa uu intaasi ku daray inay nasiib darro tahay dadka leh fadwo uu sameeyey ayaa dad lagu laayey, wuxuuna sheegay in hadii ay taasi jirto uusan u soo gurman laheyn shacabka Soomaaliyeed. “Arrintu ma aha wadaaddada ha lakala qabto ee waa wadaad ayaa khaldamay, waana in la qabtaa ninka khaldan, aniga raali baan ahay.. ma ahi nin u dudsan muxaarado ayaa laguu diiday, mana qabo Magaalada Muqdisho ayaa laguugu takooray, mana qabo raali gelin inaan i siisaan.. markaan u jawaabayna waxaan iri Muqdisho waa magaaladeyda, marar kalena waan soo noqon doonaa..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa safar uu shalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Den ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo marka hore ku hormaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aan horey loo qorsheyn, isla markaasna aysan sharaxaad ka bixin madaxtooyada Puntland, ayaa waxaa ujeedkiisa yahay sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa in ay sii wadaan qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Khilaaf ba’an oo soo kala dhex-galay saamileydii ku midaysnaa shirkadda PDG ayaa keenay inay istaago taakuleyntii Imaaraadka Carabta siin jiray ciidamada MPPF, oo socotay muddo ku dhow 10 sano. Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa istaagay oo khal-khal ku yimaaday howlihii shirkadda, waxayna taas keentay inay Imaaraadka Carabta joojiyaan taakuleyntii ay siin jireen Shirkadda PDG. Khilaafka ka taagan qadanraaskaan ayaa cirka isku sii shareeray markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo garab ka helayo Maleeshiyo Beeled hubeysan ay gudaha usoo galeen Magaalada Boosaaso iyagoo ka gadoodsan khilaafka u dhaxeeyo saamileyda Shirkadda PDG. Qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo madaxweyne Deni ayaa la xaqiijiyay in ay soo af-jareen khilaafkii u dhexeeyay Saamileeyda shirkadda PDG, islamarkaana uu madaxweynuhu ballan-qaaday in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qancin doono, in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Heshiiskaas ayaa keenay safarka Madaxweyne Deni uu ku aaday Imaaraadka Carabta, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inay imaaraadka aqbali doonaan codsigiisa ah in dib loo soo celiyo taakuleyntii la siin jiray Shirkadd PDG.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane; Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta. Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortagga dembiyada abaabulan, sharciga ka hortagga Argagixisada, sharciga la dagaallanka musuq-maasuqa,cirib tirka Lacag dhaqista , hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah, dhibaatooyinka ka ganacsiga Dadka iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah. Wasiirka ayaa madasha kulanka Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta u sharraxay horumarka laga gaaray shuruucdaasi lasoo bandhigay, isagoo sheegay in la geeyay Baarlamaanka Soomaaliya. Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa xusay in ay halkaasi kulan gaar ah kula yeesheen, xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, isagoo sheegay in ay guddoonsiiyeen shahaado sharaf ku aaddan kaalinta fir-fircoon ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya. Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta ayuu sheegay in ay ku heshiiyeen in ay samaystaan Machad ay wadaagaan waddamada ku bahoobay Ururka, kaas oo lagu diyaarin doono shuruucda u gaarka ah iyo majallo lagu qoro arrimaha Carabta. Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Qadar, waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan iyadoo ay kulankaasina ka maqnayd oo keliya Dowladda Suuriya. Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dalka Marooko. Agaasimuha ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday uga warramay hannaanka dhismaha hay’adaha cadaaladda Dawladda Marooko iyo habraaca shaqo ee ay leeyihiin. Wuxuuna tusaalayaal kasiiyay sida ay u wada shaqeeyaan bahda cadaaladda Dawladdiisa, isagoo si gaar ah uga warbixiyay dhinacyada Maxkamadaha , xeer-ilaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin qorista iyo meel-marinta sharciyada oo ku kooban in haddii loo baahdo talo la weydiiyo. Wuxuuna ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya guddoonsiiyey agaasimaha guud haddiyad yar oo xasuus iyo mahadcelin ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-24112019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa ka hadlay muddo-kordhinta ay maanta sameeyeen golaha guurtida Somaliland waxaanu xukuumadda ku dhaliilay dib u dhaca doorashooyinka. Abwaan Weedhsame ayaa sidoo kale ka hadlay xadhigga mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI waxaanu ku yidhi qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook “Xumuumadda xilkeeda weeyaan qabashada doorashooyinku. Imikana xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guul-darraysatay oo kaalinteedii gabtay. Laakiin anigaaba waalane, ma xukuumadan madaxdii xisbiyada af-duubatay ee iyagoon maxkamadi xukumin xabsigii Mandheera u dirtay, ee aan sharciga iyo dookheeda kala aqoon ayaan doorasho iyo wax weyn kala hadlayaa!!!!!” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay safarkii ugu horeeyey ee uu Axmed Madoobe uga baxay Kismaayo tan iyo markii dib loogu doortay, kuna aaday Nairobi, ayaa Madaxweyne Farmaajo waydiiyey su’aal ku saabsan safarkaas. “Haddii uusan Axmad Madoobe ka celin karin in uu si toos ah Nairobi ugu duulo, muxuu madaxweyne Farmaajo u ciqaabayaa shacabka Jubbaland?” ayuu is waydiiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook. Cabdiraxmaan ayaa xusay in dadka u safrayo deegaanada Jubbaland ay dhibaato xoog leh ku qabaan soo marista Magaalada Muqdisho isagoo xusay in waqti iyo qarash badan uu uga baxo. “Diyaarada dhoobleey tagta ee tikitkeedu $80 ahaa, duulimaadkeeduna 20 daqiiqo, haatan waa $250 iyo 5 saac oo duulimaad ah, sababtuna waa in ay Muqdisho soo marto, su’aalo iyo baaritaan lagu sameeyo” ayuu sii raaciyey. Cabdiraxmaan ayaa tallaabadaan ku tilmaamay inay tahay dulmi cad loona baahan yahay inay dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan. “Waa dulmi cad waana in aan ka dhiidhino, dhamaanteen u doodno shacabka Jubbaland”. Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanayo xilli Diyaarad gaar ah ay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland saaka ka qaaday magaalada Kismaayo, iyagoo toos uga degaya magaalada Nairobi, taasoo mar kale jebineysa amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aada iyo kuwa ka baxa ay soo maraan Muqdisho. Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Nairobi ayaa la xiriira arrimo siyaasadeed iyo khilaafka ka jira Jubbaland, gaar ahaan arrinta ka taagan Gedo. Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Nairobi siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolkaas, sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
-
(SLT-Congo)-Ugu yaraan 19 qof oo iskugu jiray rakaab iyo shaqaalihi diyaaradda ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, kaddib marki ay diyaarad nuuca yar ay ku dhacday xaafado la daganyahay oo ku yaalla magaalada Goma ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Goob joogayaal ayaa sheegay, in diyaarada ay ku dulburburtay guryo ku yaalla xaafaddaMapendo ee magaalada Goma, halkaas oo laga cabsi qabo inuu ka dhasho khasaare nafeed. Diyaaradan oo nooceedu ahaa Dornier-228 ayaa kusii jeeday magaalada Beni oo 350 km u jirta magaalada Goma, waxana ay dhacday in yar kaddib marki ay ka kacday garoonka Goma. Dadka dhintay ayaa isugu jira 17 qof oo rakaab ahaa iyo lab aka mid ahaa shaqaaliyihi diyaaradda. Source
-
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga ayaa xarunta guud ee xisbiga kula kulmay guddida ku hawlan dhexdhexaadinta mucaaradka iyo madaxweyne Biixi. Guddida ayaa diiday in ay warbaahinta wax faahfaahin ah siiyaan sidoo kalena xisbigu wax war ah kama soo saarin waxyaabaha ay ka wada hadleen. Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in saddex ergo oo u timid xisbiga Waddani aanay midna wali indho saarin madaxweyne Biixi taas oo uu ku macneeyay in uu ka meeraysanayo. Xirsi oo xarunta xisbiga kula hadlay saxaafaddu wuxuu sheegay in aan xisbiga Waddani lagu khasbi doonin Komishanka iyo muddo kordhinta Baarlamaanka waxaanu talo maroorsi iyo kalitalisnimo ku eedeeyay madaxweyne Biixi. Source
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Kadib Isbeddelkii ku yimid hoggaanka iyo awoodda xukunka Itoobiya oo uu la wareegay Abiy Ahmed, maamulka gooni isku taagga Somaliland wuxuuu dareemaya inuu u dhibtoonayo wada shaqeynta dhabta ah ee uu Abiy la sameeyey Muqdisho iyo wadamada kale ee deriska ah. Waxayna madaxda Somaliland cod dheer ku sheegayaan walaaca ay ka qabaan xisaabtanka siyaasadeed ee maamulka cusub ee Itoobiya, sida uu qoray The Reporter Ethiopia. Sanado badan, dadka reer Soomaliland ee sheegay inay ka go’een Soomaaliya ayaa ku raaxeysanayey xiriir wanaagsan oo hormar leh oo ay la laahayeen Itoobiya iyadoo labada dhinacba ay u taagnaayeen ilaalinta danaha laba dhinaclaha ah. Laakiin, sida uu sheegayaan Cabdinaasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Mukhtaar Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Hanuuninta, horumarkii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay Itoobiya iyo natiijooyinka heshiiskii saddex-geesoodka oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya wuxuu dareen cabsi ah ku abuuray Maamulka Somaliland. “Heshiiska saddex geesoodka ahi wuxuu meesha ka saaray Somaliland. Laakiin waxaan jecel nahay inaan rumeysanahay inaan xiriirkeenna adag la leenahay Itoobiya, ”ayuu Xirsi u sheegay Wariyayaal ka socdo Itoobiya oo ku sugan Hargeysa. La-taliyayaal sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa xoojiyay walaaca ay ka qabaan Maamulkooda xagga danaha diblomaasiyadeed ee itoobiya. Tusaale ahaan, ilaa bishii September, Itoobiya ma magacaabin qunsul guud oo beddelaya dibloomaasi hawlgab ah oo xaruntiisu ahayd Hargeysa. Waxa intaa u dheer, dadka reer Somaliland waxay ka walaacsan yihiin nabadgelyada jilicsan ee xudduudka ay la wadaagaan Itoobiya. Si kastaba ha noqotee, Somaliland ayaa walaac ka qabto fal dambiyeedyada ka dhaco xuduuda labada dal, waxayna rumeysan tahay inay Itoobiya ka gaabisay kaalintii ay ku laheyd sugidda Amniga Xuduudda, waxayna saraakiisha Somaliland si gaar ah uga walwalsan yihiin waxa ka dhallan karo xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Itoobiya dhexdeeda. Mohmed Omar Hagi oo ah la-Taliyaha sare iyo kaaliye gaarka ah iyo Mohmed A. Maxamuud (Barawini), oo isna ah la-Taliyaha sare ee siyaasada, ayaa muujiyay dareenka ay ka qabaan xukuumadda Somaliland ee ku aaddan amniga xadka. Labaduba waxay iftiiminayeen kharashaadka ku baxa Somaliland ee ah ku dhawaad 40 boqolkiiba oo kamid ah miisaaniyadda Maamulka oo lagu bixiyo xagga amniga iyadoo xusid mudan tahay in asbuucii hore Baarlamaanka Somaliland uu ansixiyey miisniyadda sanadka cusub oo noneyso 500 milyan oo Doollar. Si kastaba ha noqotee, ku dhawaad labo sano, maamulka hadda ka jira Addis Ababa, sida mas’uuliyiintu sheeganayaan, fiiro yar ayey siinayaan nabadgelyada iyo walaaca diblomaasiyadeed ee la xiriira Somaliland. Waxay sheegeen inay si dhaw ula socdaan siyaasadda cusub ee dibedda ee Itoobiya. Sidoo kale, masuuliyiintu waxay muujiyeen walaac aad u weyn oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee walwalsan ee ka jirta Itoobiya oo laga yaabo inay soo gasho Somaliland. Inkasta oo uu jiro walaac xooggan, haddana mas’uuliyiinta Somaliland waxay sheegayaan inay kalsooni buuxda ku qabaan Itoobiya isla markaasna uu wanaagsanaan doono xiriirka labada dhinac.
-
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta. Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa ka hortagga dembiyada abaabulan, la dagaallanka musuq-maasuqa,cirib tirka Lacag dhaqista , hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah. Kulanka waxaa lagu soo dandhigay heshiisyo dhowr ah oo ay leeyihiin Dowladaha Jaamacadda Carabta oo la xiriira qodobbadii laysla soo qaaday. Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Baxreyn. waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan oo Sanadkii hore Guddoonka hayay. Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay barqanimadii maanta dowladda Kenya ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Ciidamadaasi oo qeyb ka ah kuwa Milatariga Kenya ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa ku warramaya in ujeedka loo keenay ciidamadu yihiin inay difaacaan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan halkaasi, kaas oo ay xiisad kala dhexeyso ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobollka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Deegaanka Yoonbays oo 100 Km u jirto Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu arkay mucjiso ka yaabisay dhammaan dadka dagan halkaas. Mucjisada ayaa lagu arkay gurig halkaas ku yaal oo ay dagan yihiin qoys xoolo dhaqato ah kuwaas oo sheegay in xoolahahooda ay gowracayaan wax aan la arkeyn taasoo qoyskaas ku abuurtay argagax weyn. Aaba qoyskaan oo lagu magacaabo Cabdiweli Faarax Warsame oo la hadlay Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in arigooda gaar ahaan waxaraha yaryar ay gowracayaan wax aan la arki karin. Aabaha qoyskaas ayaa sheegay in ariga qaar kamid ah laga jaray dhagaha, Naasaha iyo Lugaha isla markaasna aysan marnaba u jeedi karin cidda gowraceyso. Mucjisadaan ayaa waxay qoyskaan la kulmayaan muddo Shan Maalin ah, wuxuuna Aabe Cabdiweli BBC u sheegay “Arigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan”. Arrinta ugu yaabka badan oo uu Aabe Cabdiweli sheegay ayaa ah in neefka oo bireysan la geeyo guriga ama qeyb kamid ah lasoo gooyo oo loogu geeyo gurigooda. “Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.” Ugu dambeyntii Cabdiweli ayaa BBC u sheegay in shalay ay seddax neef sidaa noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale welina ay jirto cabsi ku aadan in kuwa kale la gowraco.
-
Popular Contributors
