Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudanyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday xisbiyadda mucaaridka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddida ku hawlan dhexdhexaadinta Xisbiyadda mucaaradka iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ay Madaxweynaha ka heleen kalsoonida ay ku dhexdhexaadinayaan labada dhinac kadib markii ay dorraad kalsoonida ka heleen labada xisbi mucaarad. Waxa ay sheegeen in shalay ay madaxweynaha la kulmeen, islamarkaana uu bixiyay amar ah in la sii daayo madaxda mucaaradka ka xidhan, waxaanay sheegeen in maanta la sii dayn doono. Madaxweyne Biixi ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ka mid yihiin ku adkaysiga xubnaha Komishanka ee lagu muransan yahay kuwaas oo baarlamaanku ansixiyay lana dhaariyay. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xidhay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaraadka Carabta kuwas oo si sharcidarro ah uga ugaadhsanayay gudaha Somaliland. Raggan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay dhoofaan. Carabtan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxa la ogaaday in ay si sharcidarro ah u ugaadhsanayaan. Warkan waxa xaqiijiyay agaasimaha Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Naasir Xuseen. Source
  4. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si khaldan dhaar aan sax ahayn ugu dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, iyadoo Komishanka lagu dhaariyey dhaarta dastuuriga ah ee loogu talogalay in la mariyo Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, mudanayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), xubnaha Golaha Wasiirrada iyo madaxda kale ee dhaartooda dastuurku jideeyey, balse waxa waajib ahayd in xubnaha Komishanka lagu dhaariyo dhaarta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaannada ee Xeer Lr. 20/2001. Kulan ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Caasimadda Hargeysa maanta (Isniin, 25 November 2019), Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na goob-joog ka ahaa, waxa lagu dhaariyey lix xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee Guddida Doorashoyinka Qaranka, waxaanna la mariyey dhaarta ku xusan qodobka 19-aad ee Dastuurka Somaliland, taasoo ah; QODOBKA 129AAD DHAARTA DASTUURIGA AH Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan Dastuuriga ah, ka hor inta aannu xilkiisa bilaabin; sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya Madaxweynaha. “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.” Hasayeeshee, sida ku cad qodobka 19-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Degaannada ee (Xeer Lr. 20/2001), xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa sharcigu waajibiyey in la mariyo dhaar gaar ah oo ka duwan dhaarta ku xusan dastuurka ee loogu talogalay in lagu dhaariyo madaxda kale ee golayaasha qaranka, waxayna dhaarta Komishanku u dhigan tahay sidan; “WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILLAAHIYA IN AAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. IN AAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURRASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADDAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.” Sida ku cad farqadda 4-aad ee qodobka 19-aad ee xeerkan, waxa waajib ah in xubnaha Komishanka Doorashooyinku ay si mid mid ah (one by one) dhaartan sare ku xusan uga hordhaartaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay tahay in Guddoomiyuhu uu mid walba mar dhaariyo, balse dhaartan lama marin xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kalena si wadar ah ayaa mar qudha loo wada dhaariyey, waxayna taasi ka dhigan tahay in la jabiyey qodobka 19-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Degaanka ee xeer Lr. 20/2001, gaar ahaan farqaddaha 3-aad iyo 4-aad ee xeerkan. Sidoo kalena inkastoo ay gacanka saareen kitaabka qur’aanka kariimka ah oo ay tahay in lagu aammino, haddana Komishanku umay dhaaran inay si daacad iyo xil-kasnimo ah u maamulayaan doorashada, dhexna u noqon doonaan xisbiyada qaranka, maadaama la mariyey dhaarta dastuuriga ah oo aan ahayn dhaartii Guddida Doorashooyinka sharcigu ku waajibiyey, markaa waxa muhiim ah in dib loo dhaariyo. Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee hadda xilku ka dhammaaday, waxa loo dhaariyey si waafqsan qodobka 19-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka ee Xeer Lr. 20/2001, iyadoo uu dhaariyey Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali taariikhdu markii ay ahayd bishii December ee sannadkii 2014-kii, waxaanna kulankaas dhaarta ahaa goob-joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Maaha markii u horaysay ee dhaar khaldan la mariyo xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, balse waxa sidan oo kale dhaarta xeerkan ku cad aan la marin Komishankii la soo dhisay sannadkii 2007, kuwaasoo si rasmi ah loo dhaariyey taariikhdu markii ay ahayd 08 August 2007, waxayna magacyada xubnaha Komishankaas aan la marin dhaarta ku xusan xeer Lr. 20/2001 ay kala ahaayeen; 1. Mr. Jaamac Maxamed Cige 2. Mr. Maxamed Maxamed Xaaji Daahir 3. Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan 4. Mr. Maxamed Ismaaciil Maxamed 5. Mr. Maxamed Yuusuf Axmed. 6. Mr. Ismaaciil Muuse Nuur 7. Mr. Xasan Maxamed Cumar Waxa kaloo xusid mudan, in sidan maanta oo kale uu xiligaasna taagnaa khilaaf ka dhashay laba xubnood oo ay Golaha Wakiilladu dib ugu celiyeen Madaxweynihii Somaliland ee xiligaas Md. Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo ay toddobada xubnood ee loo soo gudbiyey ay Golaha Wakiilladu shan ka mid ah ansixiyeen 02 June 2007, waxaannu Daahir Rayaale muddo dheer ka meeraysanayey inuu soo beddelo labada xubnood ee Goluhu ansixin waayey, isagoo muddo saddex bilood kadibna soo gudbiyey laba xubnood oo cusub oo ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen taariikhdu markii ay ahayd 03 September 2007-kii, sidaasna lagu dhammaystiray toddoba xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Xubnaha Komishanka cusub ee dhaarta khaldan la mariyey maanta (Isniin, 25 November 2019), waxa ay ka kooban yihiin lix xubnood, waxaanna ka maqnaa xubintii uu soo xulay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxayna labadaas Komishanka iska shabbahaan khilaafka magacaabistooda iyo dhaarta khaldan ee lagu dhaariyey. Halkan hoose ka eeg dhaarta saxda ah ee la mariyey Komishanka xilku ka dhammaaday Halkan ka eeg qaabka khaldan ee dhaarta aan saxda ahayn loo mariyey Komishanka cusub By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland Source
  5. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhakhaatiir ka socota Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka ee (WAMY), oo Puntland ka fuliyey qalliin iyo daaweyn lacag la’aan ah. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane, Jaamac Faarax Xasan oo hogaaminayey wafdiga iyo Masuuliyiin ka socda Xafiisyada kala ah; Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYPD , Hay’adda Xikma, Shirkadda KEBARCO iyo Isbitaalka Gaalkacayo oo dhammaantood kala shaqeynayey Wasaaradda in Mashruucan qaliinka iyo daaweynta lacag la’aanta ah uu hirgalo. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Adeega Caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Dhakhaatiirtan ay dalka ka fuliyeen, Isagoo sheegay ka Dowladd ahaan inay marwalbo u fududeenayaan Dhakhaatiirta inay soo noqnoqdaan si ay howlaha samafalka caafimaad u gaarsiiyaan dhammaan Gobolada Puntland. Dhakhaatiirtan oo u kala dhashay wadamada Sacuudiga iyo Suudaan, waxaa ay Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo ka fuliyeen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah waxaa ka faa’ideystay dad ku dhow 140 qof, dadkaasi 105 ka mid ah waxaa loo sameeyay qalliin. Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin mahadcelin iyo dhiirigelin ah guddoonsiiyey dhammaan dhakhaatiirtii ka socotay Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka (WAMY) iyo xubnihii kala shaqeeyey mashruucan inuu qabsoomo. PUNTLAND POST The post Kusimaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay Dhaqaatiir ka socotay WAMY appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT- Jeddah)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxay sidoo kale ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaadhi karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh, Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud. Source
  7. (SLT- Nayjeeriya)-Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamed Buhaari ayaa iku eedeeyay wadamada reer galbeedka in dhaqamada ay keeneen afrika ay sababeen inuu hoos u dhaco ixtiraamkii iyo qadarintii la siin jiray odoyaasha dhaqanka iyo dadka waayeelka ah ee Afrika Madaxweynaha oo ka hadal ka jeediyay shir laga hadlayay xuquuqda dadka waaeyeelka, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen barlamaanka Urur goboleedka galbeedka qaarada Afrika ee ECOWAS ayaa ku baaqay in la sameeyo siyaasado lagu taageerayo xuquuqda dadka waayeelka ah. ” Ilbaxnimada reer galbeedka darteed, dhaqankeenii sharafta iyo ixtiraamka siin jiray dadka waayeelka ah waa sii yaraanayaa” Sidaas waxaa yidhi madaxweyne Buhari Wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo dhaqankii afrikaanka ee sharafta iyo karaamada lahaa ee daryeelka iyo qadarinta siin jiray waayeelka. Source
  8. (SLT-Riyadh)-Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Jaamacada Carabta ayaa diiday go’aanka dowlada Mareykanka ku taageertay dhismaha sharci darrada ah ee Israel ka wado daanta Galbeed iyo dhulka Falastiin. War saxafadeed ka soo baxay kadib kulan dag dag ah oo wasiirada arimaha dibada Jaamacada Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira ayaa lagu sheegay in go’aanka uu caqabad ku yahay dadaalada nabada ee Bariga Dhexe. Diblumaasiyiinta wadamada carbeed ayaa dhanka kale sheegay in go’aankan aan loo marin wax sharci ah xadgudubna uu ku yahay qaraarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Wasiirada arimaha dibadda wadamada Jaamacada Carabta ayaa dhanka kale cambaareeyn iyo diidmo isugu daray go,aanka Mareykanka. Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa 18-kii bishan November sheegay in aysan jirin wax diidaya dhismaha dowlada Israel ka wado daanta Galbeed iyo dhulka Falastiin. Mr Pompeo ayaa intaa raaciyay talaabada ay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ay sanadkii 1978-dii ku diiday dhismaha Israel ee daanta galbeed in ay tahay mid aan caqliga ka Tarjumeyn. Source
  9. (SLT-Nairobi)-Sida uu baahiyey wargeyska Daily Nation ciidamada Milatariga Kenya ayaa la wareegay amniga madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Kenya ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Sayid Aadan la dajiyey Hotel ku yaalla magaalada Mandera, islamarkaana ay la wareegeen amnigiisa, sida uu hadalka u dhigay. Sarkaalka la hadlay Daily Nation ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya ay u diideen madaxweyne ku xigeenka inuu gudaha galo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu sarkaalku ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka baxsan bixiyo, isagoo sheegay in xukuumadda Nairobi looga baahan yahay inay ka jawaabto arintaasi. Xaaladda gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, kadib markii maamullada degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay deegaano ku yaalla gobolka Gedo. Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda, iyadoo dhaq dhaqaaq milatari oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya laga dareemayo gobolkaasi. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo. Source
  10. (SLT-Washington)-Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa amartay in lasii daayo saddex nin oo ku nool gobolka Maryland, kadib markii ay meesha ka saartay dembigii loo heystay. Raggan oo kiiskooda dib u eegis lagu sameeyay ayaa markii hore loo heystay in magaalada Baltimore ay ku dileen nin dhalinyara ah, waxaana ay xabsiga ku jireen 36-kii sano ee lasoo dhaafay. Alfred Chestnut, Ransom Watkins iyo Andrew Stewart ayaa xabsiga laga sii daayay saacado kadib markii uu garsooraha maxkamadda ku dhawaaqay go’aanka, sheegayna in dembigii raggaas loo heystay uusan waxba ka jirin. Saddexdan nin ayaa la xiray sanadkii 1984, xiligaas oo da’doodu ay ahayd 16 sano, haatanna da’doodu ay gaareyso 52 sano. Garsooraha maxkamadda oo ka hadlay siideynta raggan ayaa yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca hannaanka cadaaladda, waxaan idin sheegayaa in go’aankan uusan idin qalmin maadaama aad xabsi dheer soo marten, waxaana idin ka raaligelinayaa wixii idin ku dhacay”. Chestnut, Watkins iyo Stewart ayaa la xidhay sanadkii 1983, waxaana lagu eedeeyay in ay dileen nin lgau magaacabi jiray DeWitt Duckett. Ninkan dhintay ayaa la sheegay in la doonayay in laga qaato jaakad nooca ciyaaraha oo uu watay, waxaana xabad lagaga dhuftay qoorta xilli uu kusii jeeday iskoolkii uu dhiganayay. Kiiskan raggan ayaa horaantii sanadkan waxaa markale dib u furay xeer ilaaliyaha magaalada Baltimore, Marilyn Mosby, kadib markii Chestnut oo kamid ah raggii xirnaa ee hadda lasii daayay uu warqad u qoray qeybta qaabilsan kiisaska dadka xukunka uu ku dhaco. Wargeyska The Washington ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa kusoo warramay in ninkan uu soo bandhigay cadeymo uu helay sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo cadeynaya in isaga iyo ragga kale ee la xiran aysan wax dembi ah gelin. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in warbixinta laamaha ammaanka oo kaashanaya dhowr marqaati ay muujineyso in nin kale uu dembiga geystay. Ninka lagu eedeeyay in uu dilka geystay ayaa marka uu dilka dhacayay la sheegay in uu ka baxsaday goobta, waxaana marqaatiyaasha ay cadeeyeen in saddexda nin aysan ku lug lahayn dilka ninka dhintay. Hasayeeshee booliska ayaa waxay xiligaas diiradda saareen baaritaan saddexdan nin oo looga shakiyay in ay dilka geysteen. Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in uu dhintay sanadkii 2002. Sarkaal katirsan xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Maryland ayaa maxkamadda u sheegay in booliiska aysan xiligaas arkin wax cadeyn ah oo shaki gelin kara tuhunka laga qabay raggan saddexda ah. Marar badan ayay caalamka ka dhacday in dad lagu xukumay dembi aysan gelin dib laga ogaaday xaqiiqda, kuwaas oo marka dambe la siiyo lacago magdhaw ah iyo raaligelin buuxda, waxaase aan la ogeyn waxa Dowladda Mareykanka ay ka yeeli doonta raggan. Source
  11. NEW YORK (HOL) - The UN Security Council Monday called for concerted efforts to realise universal elections next year in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Oniline) – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay xabsiga dhigeen 9 nin oo u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta. Sagaalka nin oo ugaarsato ah ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan halkaasi, iyagoona laga reebay diyaaradii ay raaci lahayeen oo ku sii jeeday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Raggaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada Somaliland, iyagoo u joogay howlo ugaarsi ah. Agaasimaha Duur-Joogta ee wasaaradda deegaanka ee maamulka Somaliland, Naasir Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ajaaniibtaasi si deg deg ah loo horkeeni cadalada, wuxuuna tilmaamay in laga qaadi talaabo adag, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland uu ka jiro sharci, islamarkaana cidkasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga. Inta badan Somaliland ayaa ka hortagta ajaaniibta sharci darrada ah uga shaqeysata deegaanada maamulkaasi, waxaana dhowr jeer ay ceyrisay ajaaniib kala duwan.
  13. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa magacaabay guddiga gurmadka degdega ah oo isugu jira, wasiiro, xildhibaano iyo Culimo. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxa ka shaqeyn doonaan, sidii gurmad loo gaarsiin lahaa shacabka ay saameeyeen roobabka iyo wax ka qabashada jidadka go’ay. Halkan hoose ka akriso magacyada: 1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga). 2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland (Xubin) 3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin) 4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin) 5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin) 6. Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin) 7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin) View the full article
  14. Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland ayaa saaka garoonka magaalada Hargeysa ku qabtay sagaal qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo xabsiga la dhigay. Somaliland ayaa dadkaasi oo dhammaan ka soo jeeda dalka Sucuudiga ku eedeysay inay si sharci darro ah uga Kalluumeysanayeen deegaanada maamulkaasi. Agaasimaha Duur -Joogta Soomaaliland ayaa sheegay in raggaani loo horkeeni doono cadaalada, si looga qaado tallaabo adag. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Somaliland uu ka jiro sharci, islamarkaana cidkasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga. View the full article
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu baahiyey wargeyska Daily Nation ciidamada Milatariga Kenya ayaa la wareegay amniga madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Kenya ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Sayid Aadan la dajiyey Hotel ku yaalla magaalada Mandera, islamarkaana ay la wareegeen amnigiisa, sida uu hadalka u dhigay. Sarkaalka la hadlay Daily Nation ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya ay u diideen madaxweyne ku xigeenka inuu gudaha galo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu sarkaalku ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka baxsan bixiyo, isagoo sheegay in xukuumadda Nairobi looga baahan yahay inay ka jawaabto arintaasi. Xaaladda gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, kadib markii maamullada degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay deegaano ku yaalla gobolka Gedo. Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda, iyadoo dhaq dhaqaaq milatari oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya laga dareemayo gobolkaasi. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo.
  16. Somalia’s Jubbaland Vice-President Mohamud Sayyid Adan is holed up at a Mandera hotel for his safety after Ethiopian forces are said to have prevented him from visiting Bula Hawa, a border Somali town. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay gelinkii dambe illaa xalay Muqdisho ka da’ay roobab ay ka dhasheen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa roobabkaani ku dhintay labo qof, iyadoo la soo badbaadiyey illaa saddex caruur ah oo dhismo uu ku soo dumay. Saameynta ugu daran ayaa waxaa ay daadadku ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho Sidoo kale biyaha ayaa jaray inta badan Waddooyinka Caasimada, iyadoona saaka aysan shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay intaba. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabkaasi. Duqa Muqdisho ayaa booqday degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, Xamar-ajab iyo Hodan, isagoo u u kuur galaya sida ay tahay xaaladda. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa faray waaxyaha gurmadka deg degga ah in ay u istaagaan ka hortagga dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhashay daadadkaasi.
  18. Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda ayaa faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan xal u helidda dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ay sababeen roobabka ka da’ay maagalada. Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar,isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo. Guddoomiye Cumar Filish oo dhageystay xaaladdooda nololeed ee bulshada degmooyinka uu kormeeray ayaa ka dhawaajiyay sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolku in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda bini aadanimo ee soo food-saartay dadka danyrata ah. Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada. View the full article
  19. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga,si ay uga qeybgalaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Talyaaniga,wuxuuna socon doona muddo labo maalmood ah. Wafdiga wasiirka ayaa ku soo bandhigaya shirkaasi fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiiska ee Soomaaliya kajira,kuwaasi oo wasaaraddu ay waddo dadaalo lagu horumarinayo,sidoo kale wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay kulmo gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya. Shirkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ay sii laba jiraatay dadaalka ay ugu jiro sidii horumar ballaaran looga sameyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee Soomaaliya. Dhanka kale Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo iyo mid diplomaasiyadeed oo qoto dheer. View the full article
  20. Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo xalay shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa qodobo xasaasi ah ka soo saaray xaaladda guud ee maamulka Galmudug. Qodobada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada ee maamulkaasi, kadib markii guddiga ay magacowday dowladda uu saaray jadwal cusub. Halkan hoose ka aqriso: qodobada. 1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. 2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood. 3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug. 4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-26112019-sax-1.mp3 View the full article
  22. Ciidamada Booliiska ee Somaliland ayaa saakay xiray Sagaal nin oo la sheegay iney u dhasheen Imaaraadka Carabta. Raggan ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, xilli ay doonayeen iney dib ugu noqdaan wadankooda. Wararka ayaa sheegaya in sababaha loo xiray raggan iney tahay kadib markii ay la ogaaday in mudadii ay Somaliland ku sugnaayeen sameynayeen ugaarsi sharci darro ah. Naasir Xuseen, agaasimaha duur-joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in raggan sharciga la marsiin doono. Wuxuu tilmaamay in ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyey deegaanka Sabo Wanaag ee Maroodi-jeex, iyaga oo iska dhigayey iney mashaariic ka fulinayaan halkaasi, balse dadka deegaanka ay soo xaqiijiyeen iney wadeen howlo ku aaddan ugaarsi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay si sharci-darro ah uga ugaarsanayeen degaannada Somaliland. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Degaanka Somaliland, ayaa laga soo xigtay in raggaasi saaka laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, xilli ay doonayeen in ay ka dhoofaan halkaasi. Raggaas ayaa sida la sheegayo, waxay Ugaar badan ku laayeen degaanka Saba-wanaag oo ka tirsan gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa xarunta u tahay, waxaana sawiro baraha bulshada la soo geliyay laga arkay raggaasi oo kor dhooban noocya ugaarta kamid ah oo dhulka daadsan. Bulshada ku dhaqan degaanka Sabo-Wanaag, ayaa warbaahintu ka soo xigatay, in markii raggaasi degaanka yimaadeen, ay dadweynaha u sheegeen in ay mashaariic ka fulinayaan halkaasi, balse markii dambe ay ugaarsi bilaabeen. PUNTLAND POST The post Somaliland oo xirtay Sagaal nin oo u dhashay Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  24. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa xalay go,aanno cusub ka soo saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi. Qodobada oo ka kooban illaa afar ayaa dhamaantood waxa ay yihiin kuwa liddi ku ah dowladda federaalka Soomaaliya oo garwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah. Sidoo kale hoggaanka Ahlu Sunna ayaa isku raacay in markale warqad ashtako ah oo looga soo horjeedo dowladda loo diro beesha caalamka. Waxaa kaloo qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna lagu sheegay in ay dhowaan shaacin doonaan habraaca doorashada ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka aqriso qodobada: 1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. 2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood. 3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug. 4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug. Shalay ayey aheyd markii guddiga farsamada oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe uu shaaciyey jadwadka doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.