Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,011
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Security Council on Monday called for peaceful, inclusive, credible and transparent universal elections next year in Somalia. In in a press statement, the Security Council said elections would be a historic step which will the country’s democratic development The 15 member UN body noted stakeholders to take a step to finalize the preparation of the exercise. The members of the Security Council noted that finalizing the election model would require a compromise. The council members emphasized that the election process should be inclusive, allowing for engagement from all clans and regions, and should provide for the full, equal and meaningful participation of women at all stages, and the commitments made by Somalia to including at least 30 percent minimum quota for women parliamentarians. “The members of the Security Council noted that finalizing the election model would require a compromise and called on all key actors and institutions in Somalia to set aside their differences and engage constructively in discussions,” the Council said in a statement. The members of the Security Council welcomed the role of the National Independent Election Commission in preparing for the elections and reiterated the need for the Electoral Security Task Force to meet and to set out a plan as soon as possible for the creation of a safe and secure environment for elections. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. Somalia last held one-person, one-vote elections in March 1969. That October, the government was overthrown in a bloodless military coup. View the full article
  2. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa rajo xumo wayn laga muujinaya helitaanka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyadoo uu sii kordhaya khilaafka arintaasi ku saabsan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhismaha iyo howlihii maamulka ay Xukuumadda Soomaaliya kuwado si dardar leh balse ay jiraan cabashooyin barbar socda oo ay muujinayaan Ahlu-Sunna iyo dadka degaanka. Aqoonyahaan Xirse Iimaan oo ka tirsan dadka ka soo jeeda Galmudug xog ogaalna u ah arrimaha maamulkaasi ayaa sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo isdiidan, kuwaas oo aan ka tarjumeen maslaxadda guud ah ee Galmudug. Caqabada ugu weyn ee dhismaha Galmudug waa in madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay ka baxaan heshiis ay la galeen Ahlu-Sunna kaas oo ay beesha caalamka uga digtay in la baalmaro. In dhamaan odayaasha iyo beelaha Galmudug aysan ku qanacsaneen sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wado dhismaha maamulka. Iyo dowladda Soomaaliya oo dooneysa in aysan degaanka u dhisin maamul ku saleysan rabitaanka shacabka balse dooneysa in ay u dhisto mid ku saleysan danaheeda siyaasadeed iyo doorashada 2020-ka. Waa saddex qodob ee ugu weyn ee dib udhigay dhismaha maamulka Galmudug sida uu noo sheegay aqoonyahaan Xirse Iimaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka soo jeeda degaanada Galmudug. Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa shalay Shaaciyay Jadwalka doorashada inkastoo ay ka soo horjeesteen masuuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna waljameeca.
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-26112019-sax.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun iyo Cabdi Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka magaaladda Hargeysa ayaa goor dhaweyd dib u helay xorriyadooda. Masuuliyiintan oo dhawaan laga qabtay Magaaladda Hargeysa ayay xukuumaddu xorriyadooda u soo celisay, ka dib markii sida la sheegay xadhigooda lagu canaantay xukuumadda. Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Hogaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji xasan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise, hogaanka iyo taageereyaasha xisbigaasi ayaa ku sugaya Xubnahan dib u helay xorriyadooda duleedka Magaaladda Hargeysa,kuwaas oo isu diyaarinaya soo dhaweyntooda. Source
  5. Wararka ka imaanyo magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo beelood deegaan hoos yimaada magaalada Ceerigaabo, waxaana ka dhashay Khasaare soo kala gaaray labada dhinac. Deegaanka dirirtu ay ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Waqadariya ee waqooyiga magaalada, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay sedex ruux halka laba kalana uu soo gaaray dhaawacyo kuwaas ka kala tirsanaa maleeshiyaadka maanta ku dagaalantay gobalka Sanaag. Sidoo kale laba dhinac ayaa goobta wali isku hor fadhiyo waxaana mararka qaar deegaanka Waqadariya laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo laba dhinac ay isku ridayaan, waxaana dadka deegaanka mar waliba ay ka cabsi ka qabaan inuu dagaal dhex maro labada dhinac. Dhanka kale waxaa warar ka la duwan ay ka soo baxayaan sababta dagaalka dhalisay wararka qaar ayaana sheegaya in labada dhinac ee dagaalantay ay ku loolamayaan gacan ku heynta deegaanka Waqadariya oo horay loo sheegay in uu yahay deegaan laga heli karo Kheyraad kala duwan sida Macdanta iyo Dahabka. Ugu danbeyn waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo ayagu mid waliba sheegto in uu hoos yimaado gobalka Sanaag ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaanka hoos yimaada magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Mali)-Saddex iyo toban Askari oo Faransiis Ah ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo Heicopter ah gudaha dalka Mali, waxaana loo malaynayaa inuu yahay khasaaraha keli ah ee ugu weyn ee ciidamada Yurub ee halkaas ku sugan soo gaadhay tan iyo 2013. Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Isniinta iyadoo askartu ay ku mashquulsanaayeen dagaalyahanno dhowr jeer weerarro isdaba joog ah ku qaaday waqooyiga Mali toddobaadyadii la soo dhaafay, xafiiska madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yidhi. “Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay geerida naxdinta leh ee ku timid 13 ka mid ah ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalka Mali fiidnimadii Isniinta ee taariikhdu ahayd November 25, shil ka dhacay labadooda helicobter intii lagu gudajiray howlgalka lagula dagaallamayo jihaadiyiinta,” ayaa lagu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku. Baadhitaan ayaa lagu wadaa sababta dhalisay shilka sababay isku dhaca dhinaca hawada ee labada diyaaradood ayaa sheegay wasiirka difaaca, Florence Parly. Ilo wareedyo wasaarada gaashaandhiga laga helayo ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in diyaarad Helikobtar ah oo isku dhacday ay sababeen dhimashada lix sarkaal. Shilka ayaa ka dhigaya tirada 38 askarta Faransiiska ee lagu dilay Mali tan iyo faragalinta Faransiiska lix sano ka hor si ay gacan uga geystaan ​​dib u soo celinta amaanka iyo la dagaalanka kooxaha hubaysan ee ku hanjabaya inay dalka ka saarayaan. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Soo Bandhigay Khaladaadka Dastuuriga Ah Ee Ku Jiray Dhaartii Komishanka Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook farriin ugu diray xeer-ilaaliyaha cusub ee qaranka ee uu madaxweyne Farmaajo magacaabya shalay. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Waxaan soo dhowaynayaa xeer ilaaliyaha cusub ee xilkaas weyn loo magacaabay shalay Md. Sulaymaan Maxamed, aqoon badan uma lihi balse xilka loo magacaabay ayaan aqaanaa iyo qaabkii siyaasadaysnaa ee xilkaas dano gaar ahaaneed ayadoo laga leeyahey loogu shaqaysan jirey uuna u fududeyn jirey ninkii asaga uga horeeyey. Waxaan xeer Ilaaliyaha cusub kula dardaarmayaa inuu xilkaas iyo waajibaadkiisaba u guto sida sharciga dalku qabo, oo aan laga dhigan aalad lagu shaqaysto ama lagu fushado dano siyaasadeed oo gurracan, asagoo ka tusaale qaadanaya in maalin un uu ka tagi doono, markaasoo xumaantii iyo gaboodfalladii uu ku kacey ay hortiisa ka muuqan doonaan, ayadoo sumacaddiisii iyo karaamadii uu umadda ku dhex lahaana oo dhaawacan uu ka huleeli doono xafiiskaas. Waa tallaabo horey loo qaaday in xafiiskii xeer ilaaliyaha guud isbedel lagu sameeyey, anigoo rajaynaya in guud ahaanba garsoorka dalku uu u baahan yahay dib u habeyn iyo isbedel la taaban karo, taasoo u suurtaglin karta hey’addaas mid hawlaheeda u gudata si ka madax-banaan hey’adda fulinta ee dawladda oo ah mid la siman garsoorka. Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha cusub waxaan kula talinayaa haddii uu xafiiskaas la iman doono dhaqan la mid ah midkii dadkii uga horeeyey xafiiska, waxa u dhaanta inuusan sumacadiisa meeshii uu ku dhaawici lahaa inuusan lugahiisa ku soo doonan, balse haddii uu sida uu yahey oo uu ku dhaaran doono uu u gudan doono xilkiisa, ha soo dhowaado waana midda aan u bogaadinayno xil magacaabistiisa.
  9. Burco(SL-): DegDeg: Gudoomiyaha GaashaanBuur Axmed Faarax, Bayle Iyo Faahiye Oo Beeniyay In La Casilay. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay xilkii ka qaaday Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir isagoo xilkaas u magacaabay Sulayman Maxamed Maxamuud. Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya sababtii keentay xil ka qaadistiisa, toos oo ay inta badan dadka Soomaaliyeed dhinacyo badan u kala fasirteen. Maxamed Maxamuud Cadde oo ah weriye hore islamarkaana arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa sheegay in Axmed Cali Daahir uu dowladda ka ilaalin waayey qaladaad qaanuun, sida shaqadiisu ahayd, taasna ay horseeday in la beddelo. “Xeer ilaaliyihii Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu ku fashilmay in uu dowladda ku ilaaliyo qaanuunka oo aysan sameynin xadgudubyo balse waxaa dhacay wax aan la fileyn, kuwaas oo markii dambe sababay in maxkamad lala tiigsado Xukuumadda iyo aduunyada ay ka yaabto qaladaadka qaanuuniga ah ee dalka ka dhacaya,” ayuu yiri Maxamed Cadde. “Dowladdu waxay sameysay xadgudubyo waa wayn oo dastuuri ah, waxaana loo baahnaa in uu waxyaabahaas kala taliyo, kana horjoogsado, sidoo kale waxaa jira kiisas badan oo dowladda ku furan sida dad la dilay, dad la is hortaagay, arrimahaas oo dhan waxay aheyd shaqadiisa in uu qanuunka waafajiyo kana tala bixiyo” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde. Xil ka qaadista Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka ayaa hadal heyn ka dhax-abuurtay bulshada Soomaaliyeed waxaana jira qoraalo kala duwan oo la isku dhaafsanayo Internet-ka. Dad badan ayaa aaminsan in arrintaan ay saameen wayn ku yeelan karto dacwadda Kiisa Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay jiraan dad badan oo qaba in uusan saameyn ku yeelan doonin xil ka qaadistiisa, maadaama qareenada u doodaya Soomaaliya ay weli sidoodii yihiin.
  11. (SLT-Hargeysa)-Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda xukuumadu ay sii dayso Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Xidhan. Waxaanay ilo wareedadaasi ay intaa ku darayaan in Xafiiska Xeer-ilaainta Gobolku ay saaka u qortay Maxkamada Gobolka qoraal ay ku sheegayaan in aanay wax dacwad ah u haysan masuuliyiinta xisbiga Waddani ee xidhan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha guud iyo Afhayeenka xisbigaasi sidaa darteedna xoriyadooda dib loogu soo celiyo. Sidoo kale arintan ayaa ku soo beegmaysa ama ka dhalatay kadib markii guddi is-xilqaantay oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbashay ergo ay isku xilqaameen ay ula tageen arinta sii daynta masuuliyiintaasi, sidaa darteenda la filayo in saacadaha soo socda ooda laga qaado masuuliyiinta mudada todobaadka ku dhaw sharci darada u xidhnaa. Source
  12. (SLT-China)-Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa Isniintii u yeedhay safiirka Mareykanka Terry Branstad, si ay cabasho uga muujiso sharci uu ansixiyey Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Hong Kong. Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigaas uu la macno yahay faro-gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee China. Qoraal ay wasaaradda ku daabacday website-keeda ayey ku sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Zheng Zeguang uu ku cadaadiyey dowladda Mareykanka “inay saxdo qaladaadkeeda, islamarkaana joojiso faro-gelinta arrimaha Hong Kong iyo China.” Dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda ayaa muddo lix bilood ah banaanbaxyo ka waday waddooyinka Hong Kong, xilli ay jiraan rabshado sii kordhaya iyo cabsi laga qabo in China ay sare u qaadi doonto jawaabta ay ka bixineyso qaadacaadda dowladda. Dibad-baxayaasha ayaa ka cadheysan wax ay u arkaan inay tahay faro-gelin ay China ku sameyneyso xoriyadihii loo ballan-qaaday Hong Kong markii ay Britain dib ugu wareejisay China sanaddii 1997. Source
  13. The Puntland emergency response committee has started meetings in Garowe, the headquarters of the Nugal region on Tuesday. The successive meeting discussed how to respond to floods affecting thousands of people in the regional state, according to the officials who spoke to Radio Shabelle via phone. The Minister of Public Works of Puntland, the chairman of the committee, Bashir Ahmed confirmed the meeting in an exclusive interview given to Radio Shabelle in Mogadishu. View the full article
  14. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in deegaanka Waqa-dariya oo dhinac berri kaga beegan magaalada uu goordhoweyd oo maanta ah ka dhacay dagaal. Dagaalkaasi oo sababay khaasaro iskugu jira dhaawac iyo dhimashaba, ayaa waxa uu u dhaxeeyay labo beelood oo wada daga deegaankaasi, kuwaasi oo isku mari waayey macdano laga qoto buuro deegaankaasi ku yaala. Waxaana dagaalkaasi ku naf waayey ilaa hadda inta naloo xaqiijiyey Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta meel deyga laheyn ee labada dhinac isku fureen. Wararka aan helayno ayaa intaasi waxay ku sii darayaan in weli deegaanka Waqa-dariya laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Maleeshiyaadka labada Beel, oo iyagu ku muransan macdanta laga soo saaro deegaankaasi. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga iyo Xukuumada Somaliland oo ku aadan dagaalkan maanta deegaankaasi hoos yimaada Ceerigaabo ku dhex-maraya labada Beel.
  15. HARGEISA (HOL) - A committee of elders in Somaliland said Tuesday it had successfully mediated the release of Waddani party officials who were arrested last week following planned protests in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  16. The Minister of Foreign Affairs and International Co-operation, Ahmed Issa Awad, met with his Saudi counterpart Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, in Jeddah, Saudi Arabia. The two officials discussed efforts to strengthen bilateral relations and joint cooperation on all sides and ways to achieve the interests between Mogadishu and Riyadh. They also discussed regional and international issues of mutual interest and the importance of continued consultation between the two countries. View the full article
  17. Roob xooganaa oo shalay galinkii danbe ilaa waabarigii ka da’ayey gudaha iyo hareeraha caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa uu ka geystay saameyn badan oo isugu jirta mid nafeed iyo weliba burbur soo gaaray guryo iyo waddooyinka qaar ee magaalada. Inta la xaqiijiyey ilaa 2 ruux ayaa ku geeriyootay laba kala waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii daad xoogan uu ku qaaday Laami yaraha Zoope ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir, ka dib markii ar is ku dayeen Mooto ay wateen in ay Laamiga uga gudbaan, ayaa waxaa ku yimid daad xoogan kaas oo qaaday ka dibna sababay in ay geeriyoodaan. Sidoo hal ruux ayaa ku geeriyooday 2 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii uu ku soo dumay dhisma qadiimi ah oo ay laheyd wasaaradda arrimaha guda dalka oo ay deegaan sanaayeen intii dalka uu burbursanaa kuna taalla degmada Boondheere ee goblaka Banaadir. Dhinaca kale Roobabka ayaa saameyn badan waxaa ay ku yeesheen dadka Barakacaaasha kuwaas oo deegaansanaya gudaha iyo daafaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaana soo gaara Khasaare kale duwan mar waliba oo ay roobab da’aan maadaama aysan heysan guryo ay ka galaan qaboogiyo iyo daadka ka dhasha biyaha Roobka uu dhigo. Dhanka kale, roobabka ayaa khasaare xoogan waxaa ay u geysteen dhismaha wadada Shaqaalaha taas oo roobka uu dumiyey inta ugu badan, wadada oo dhawaan la dhisay ayaa waxaa ay is ku badashay boholo waaweyn oo Roobka uu ka qoday wadada. Ugu danbeyn xubno ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo hoggaaminaayey guddoomiye Cumar Maxamuud Cumar Filish iyo ku xigeenadiisa, ayaa gobalka waxaa ay habeenimadii xalay ku sameeyeen kormeer ay ugu suura galyeen saameenta uu yeeshay roobka ayagoona booday degmmooyinka uu gobalka ka kooban yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Waqadariya oo dhinaca Waqooyi Beri ka xiga magaalada Ceerigaabo. Dadka kale ayaa ku dhaawacmay dagaalka welina xabbada ayaa socota sida ay ii sheegeen dad ku sugan Ceerigaabo oo aan la xidhiidhay. Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib markii Malleeshiyaadku isku qabteen Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta. Waqadariya, waa deegaan hodan ku ah Dahabka iyo macdanaha kale, sannadadii u danbaysayna dad is urursaday oo aan xukuumadda Somaliland ogolaansho ka haysan ayaa macdanta ka gurta. Xukuumadda Somaliland weli wax war ah kama soo saarin dagaalka maanta dhacay. Source
  19. Maayir ku-xigeenka Hargeysa ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee dhul uu gaar u leeyahay ka dhigga dan guud, halkan hoose ka Daawo Source
  20. Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u xoojiyey amniga magaalada Dhuusamameeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciidamada isku dhafka oo howlgallo cusub bilaabay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay u diyaar garoobeen howlaha doorashooyinka ee la filayo in dhowaan lagu qabto halkaasi. Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb ka socda kulamo iska so horjeedo oo looga arrinsanayo xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi. Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay guddiga farsamada uu shaaciyey jadwalka doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Galmudug. View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qoysas hor leh ay isaga hayaameen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qoysaskaan oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 900 oo qoys ayaa waxa ay ka barakaceen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan xaalad adag ay ku heysato duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. Ugu dambeyn qoysaskaan ayaa ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya in lala soo gaaro gurmad degdeg ah. View the full article