-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ever since Somaliland ended three decades long marriage with the union government of Somalia and declared herself as an independent sovereign state in the mid-1991, Source: Hiiraan Online
-
Hey’adda Socdaanka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in loo diiday visaha dalk ku galka ah Macalimiin ka socday dalka Masar. Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay waxba kama jiraan “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan”ayaa lagu yiri war kooban oo Hey’adda soo saartay. Sidoo kale Hay’addu ayaa waxay caddeyneysay in Xogta iyo sawirada la baahiyay ay been abuur yihiin. Baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay in Macalimiin Masaari ah loo diiday dal ku galka Soomaaliya, taasoo keentay in Hey’addu degdeg u soo saarto qoraal lagu cadeynayo in uusan sal iyo raad lahayn warkaasi, View the full article
-
Golaha Ammaanka ee QM ayaa ugu baaqay dawladdafederaalka iyo maamul goboleedyada inay dib u billaabaan wadahadalkooda si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya. Warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay inay walaac ka qabaan in khilaafkaasi uu caqabad ku noqon karo fulinta ajandayaasha qaran. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaallada lagu doonayo in doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan dastuurka dalka lagu qabto sanadda 2020. Sidoo kale Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda si nabad ah, oo hufan ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo la qaaday. Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in geeddi-socodka doorashada ay tahay inuu noqdo mid loo dhan yahay, kaasoo oggolaanaya ka-qaybgal dhammaan degaanada gobollada dalka oo dhan iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30% ah. Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay ballanqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ka geysatay Madasha Iskaashiga Soomaaliya 2dii Oktoobar ee sannadkan, kaasoo ahaa in la qaato sharciga doorashada illaa Disembar 2019. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-27112019SX.mp3 View the full article
-
Xildhibaanada aqalka Kongreska Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ku casuumay in uu kasoo qeybgalo dhageysiga dacwadda la doonayo in xilka lagaga qaado. Trump ayaa 4-ta bisha Diseemabar lagu wargeliyay in uu horyimaado xildhibaanada aqalka kongreska ee dhageysanaya dacwadda loo heysto. Jerrold Nadler, guddoomiyaha guddiga garsoorka ee qalka Kongreska ayaa sheegay in laba mid un ay noqon doontaa, oo kala ah in Madaxweynaha uu kaso qeybgalo dhageysiga dacwadda iyo ” in uu joojiyo ka sheegashada hannaanka”. Haddii uu Madaxweyne Trump ka qeybgalo kulankaas, waxaa loo wareysan doonaa sida qof marqaati ah. U yeerista madaxweyne Trump ayaa gogol xaar u ah tallaabada xigta ee qorshaha xil ka qaadista madaxaweyne Trump, kaasi oo ku saabsan wicitaankii dhanka taleefonka ee dhexmaray Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukarine, Volodymyr Zelensky. Wicitaankaas dhanka taleefonka ayaa madaxweyne Trump waxaa uu dhiggiisa Ukraine ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo haatan kamid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee Mareykanka. Joe Biden iyo wiil uu dhalay ayaa horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaaska ee dalka Ukraine. Baaritaankan ayaa lagu ogaanaya in madaxweyne Trump uu taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo Ukraine u adeegsaday dano siyaasadeed, sii uu Ukarine cadaadis ugu saaro baaritaanka Biden, hasayeeshee madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer ku celceliyay in uusan wax khalad ah gelin. Toddobadkii hore, guddiga sirdoonka ee aqalka Kongreska ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda loo heysto Trump oo ay daawanayeen shacabka Mareykanka, waxaana kulamadaas lagu wareystay dhowr marqaati. Guddiga ayaa sidoo kale kulamo ay albaabada u laaban yihiin la yeeshay marqaatiyaal wax ka ogaa eedeymaha loo heysto madaxweyne Trump. Adam Schiff, guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in guddiga hogaaminaya baaritaanka oo ay kamid yihiin sirdoonka, xafiiska arrimaha dibadda iyo kor joogteynta ay haatan ka shaqeynayaan warbixinta, taas oo lasoo bandhigi doonaa 3-da bisha Disembar. Muxuu Jerrold Nadler yiri? Mr Nadler ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu Trump ku wargeliyay kasoo qeybgalka dhageysiga dacwadda loo heysto. “Madaxweynaha isaga ikhtiyaar iskaleh, haddii uu rabo waxaa uu heytsaa fursad lagu matali kari ama uu isaga aaamusi karo ka sheegashada marwalba uu ka yahay hannaanka”. Wuxuu intaa ku daray in dhageysiga ay tahay fursad lagaga wada hadli kara waxyaabaha dastuuriga ah ee lagu saleynayo xil ka qaadista. Sidoo kale guddiga garsoorka ayaa la filayaa in ay bilaabaan qabya qoraalka qorshaha xil ka qaadista, kuwaas oo kala ah in Madaxweynaha uu galay khaladaad ka dhan ah dastuurka. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Donald Trump oo lagu casuumay in uu kasoo qeybgalo dhegaysiga dacwadda loo heysto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay 13 askari oo dowladda Faransiiska uga geeriyootay gudaha dalka Maali. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay shilkaasi. Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay tacsi u direyso dowladda iyo shacabka Faransiiska. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in wadamada Soomaaliya iyo faransiiska uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, iskaashi iyo wax wada qabs ah intaba. 13-ka askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda Faransiiska ayaa ku geeriyooday dalka Maali, kadib markii ay isku dhaceen 2 diyaaradood oo Helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah kooxda jihaadiyiinta ee ka dagaalama waqooyiga dalkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afar qodob oo muhiim ayaa muujinaya shaki weyn oo ah in Farmaajo uusan dhankiisa ka fuli doonin heshiiskii uu la galay madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in uu jiro shaki wayn oo ay qabaan Madasha Xisyada Qaran iyo inta badan dadka daneeya arimaha Soomaaliya, kuwaas oo markii hore rajo ka qabay in xasilooni dalka u horseedi doono kulankii dhaxmaray Farmaajo iyo madaxweyniyaashii hore. Afarta qodob ee muujinaya ama shaki gelinaya in dhinaca Villa Somalia uu ka fuli waayo waxyaabihii lagu heshiiyay ayaa kala ah. Kulankii Arbacadii hore, Villa Somalia waxay diiday in ay ka qayb galaan warbaahinta madaxda banaan oo ay ka qaybgalkeeda dalbadeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya. Villa Somalia sidoo kale waxay diideen in ay madaxweynayaashii hore soo ka xeestaan muuqaal duubayaal gaar ah oo ka tirsan Madasha sidoo kalane Kaamira maano u ah madaxdii hore halka madaxweyniyaashii hore ee dhankooda diideen kaamirada Villa Somalia. Kulankii Arbacadii hore ma jirin war qoraal ah oo ka soo baxay dhinacyada waxaana dadka falanqeeya arimaha siyaasada ay sheegeen in ay aheyd in heshiis walba noqdo mid qoran. Iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay diiday in ay warbaahinta kala hadasho waxyaabihii ay ku heshiiyeen iyaga madasha Xisbiyada Qaran balse kaliya ay warbaahinta la hadleen hal dhinac oo madaxweynayaashii hore ee dalka. Qodobkan ayaa kan shakiga ugu weyn abuuray, waxaana yaab leh in Villa Somalia aysan sheegin qodobada heshiiska, ayada oo ujeedku yahay inay ka fogaadan in dib loogu qabsado haddii ay ka baxaan qodobo ay horey u sheegeen. Arimahaasi oo dhan ayaa shaki wayn geliyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn in uu dhaqan geliyo heshiiskii uu la galay madaxdii hore, islamarkaana ujeedkiisu ahaa kaliya in xiisadda uu qaboojiyo. Maadaama aysan jirin cid goobjoog u ahayd heshiiska, islamarkaana uusan jirin qoraal Villa Somalia kasoo baxay, waxay u sahleysaa inay jebiso heshiiska. Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shalay sheegay in Villa Smalia ay markale ka baxday qodob kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay todobaadkii hore, kaasi oo ahaa dhowrista xuquuqda qofka, kadib markii garoonka Muqdisho laga celiyey xildhibaan Dalays xasan Aadan oo kusii jeeday gobolka Gedo.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay go’aansadeen qorshe liddi ku ah jadwalkii uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladda dhexe. Kulamo magaalada Dhuusamareeb uga socday hoggaanka Ahlu-Sunna saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu go’aamiyey in 29-ka bishan ay Ahlu-Sunna ku dhawaaqdo 89 xildhibaan oo ah tirada guud ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Maalinta ay Ahlu-sunna go’aamisay inay shaaciso liiska xildhibaanada cusub ayaa dhinaca kale waxay ku aadan tahay maalinta ay guddiga maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladdu ay jadwalkooda ku cadeeyeen inay bilaabanayso soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug. Masuul ka tirsan hoggaanka sare Ahlu-Sunna ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in fadhiga lagu go’aaminayey arrintaas ay goobjoog ahaayeen Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, isla markaana ay iyagu go’aankaas gaareen. Ahlu-Sunna ayaa hadda Dhuusamareeb ka wada soo xulidda xildhibaanada cusub ee Galmudug oo gaaraya 89 mudane, sida uu noo xaqiijiyey masuulkaas ka tirsan xubnaha sare ee Ahlu-sunna. Ahlu-Sunna ayaa horay u magacaawday guddi doorasho oo ka madax banaan ka ay magacaawday dowladda federaalka ee soo saaray jadwalka doorashooyinka maamulkaas. Sidoo kale go’aankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa laamaha amaanka magaalada Dhuusaamreeb ay soo saareen amar ah in hoteelada magaalada aan lagu qaban karin shirar ka dhan ah dowladda federaalka ama aan ogolaansho looga heysan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiir Sadik Warfa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara. “Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada – oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. “ ” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro. “Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. PUNTLAND POST The post Wasiir Warfaa oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha daryeelka Bulshada ee Geneva appeared first on Puntland Post.
-
Jubbaland waa cabatay!…OO yaaba is gaaray?!… wali waxaan garan la’nahay waxa laynaga maagay, talada iyo fikirkeenana waxay ku soo urureen qaab aad moodayso inaan wada qarweyno!…waa hadlaynaa, khalad baan arkaynaa, laakiin ma saxayno! Waxaan sheegaynaa talo kuma dhaqmayno!… Maxaa innagu dhacay?!…Baddeenii baa Kenya iska sheeganaysaa oo maalin kasta niman aanan annaga dooran oo aanan keensan oo siday ku yimaadeen aan ognahay u yeer-yeeranaysaa oo talo meel la dhiganaysaa oo qaybo dalkeenii ah nin u saxiixayaa! Waase haddii aan sidaas u dulownay!…Maxaa ina aamusiiyay?! Golihii-SHacabka baa loo iibiyay oo loo gaday niman la doonayo in qallinkooda laynoo adeegsado!…niman aan rumaysnayn wixii aan dhiganay ama aan ku heshiinay (Dastuurkii) sidee bay wakiil inoogu yihiin?!… Ummad waxaynu nahay xor ah! Waxaan marar badan ku celceliyay Awoowayaasheen waxay u dagaalameen oo u dhinteen GOBANIMMADEENNA laakiin annagu oraah baan ku difaaci la’nnahay dhaxalkii ay awoowayaasheen inoo dhaafeen!! Waxay innagu soo simmeen dal xor ah oo dowlad ah laakiin maanta waa kaalinteenii siiba dadka dhallin-yarada ah! Ololaha colaadeed ee ciidammada Itoobiya ka wadaan gobolka Gedo waa mid ka dhashay heshiisyada huursan ee dadka laga qariyay, markaan sidaas leeyahay malaha runtaan ka baqayaayee wax qarsoonba ma jiraan!… maamulka Jubbaland hiil buu u baahnyahay waxaana muuqata Abiy Axmed iyo Farmaajo heshiiska ay galeen inuu yahay midka horseeday xad gudubka ay ciidammada Itoobiya ku soo ku soo galeen gobolka Gedo, ee maamulka Jubbland ee Soomaaliyeed!…Arrintan ma aha sida dad badan ay moodayaan mid Jubbaland ku ekaan doonta, laakiin waa mid soconaysa oo aan joogsanayn gaaraysana dhammaan gobollada Puntland, Somaliland, waana midda Gal-Mudug lagu qabsan doono aakhirka, waxaana in dadka Soomaaliyeed inay fahmaan ay tahay in Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle ay yihiin sal-dhigyo ciidamo Itoobiyaan oo ka amar qaata si toos ah madaxda sida aan kor ku soo xusay talada dalka loogu dhiibay. Markii ugu horeysay 1996kii ayeey ciidammada Itoobiya ku soo xad gudbeen xuduudda iyo ciidda Soomaaliyeed, iyagoo ku marmarsoonaya inay ku raad joogaan argagixiso Soomaaliya gudaheeda kaga soo duushay, duulaankaas oo runtii ahaa mid dhibaato ma hadho ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan ayaa waxaa Itoobiya ku taageeray Qarammada Midoobay (QM), iyagoo sabab uga dhigay inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo!…waxaase nasiib daro ahayd in cabashadii dadkii shacabka ahaa ee gobolkaas aan cidina uga garaabin, iyadoo waliba ciidammada Itoobiya ay geysteen tacadiyo xagga bini aadanimmada ah oo ay laayeen dad badan oo shacab ah oo waxba galabsan, isla markaasna ay dhac iyo boob badan ka geysteen magaalooyinka Baled-Xaawo iyo Luuq! Waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in ciidammadaas ay kula kaceen shacabka xad gudubyo ay ka mid ahaayeen inay dadka xilliyada habeenimmada ah guryaha ugu dhaceen oo ay halkaas ka geysteen kufsi baahsan isla markaasna qoriga caaraddiisa ku qaateen waxayaabo qiimaha leh sida lacagta, dahabka iyo electronics-ka. Dacwadii Jubbaland wali James Swan waa ka jawaabi la’yahay, maxaad sababta u malaynaysaa?! SHaki la’aan Jubbaland marka la fiiriyo doorashadii ka dhacday waxay u dhaqantay sidii uu dastuurka qorayay, waxayna ku adkaysatay inay iyada is maamusho si madax bannaani buuxda ah oo xuquuqda uu dastuurka siiyay dowlad-goboleeddada waafaqsan, khaladaadkii ka dhacay doorashadii la qabtay waxaa abuuray oo si ku talo gal ah u sameeyay madax-weyne Farmaajo oo ku talo galkiisu ahaa in madax-weynaha Jubbaland Axmed-Madoobe uu xukunka ka tuuro xataa haddii ay ku kacayso dadka shacabka ah dhiiggooda, waxaan middaas cadayn u ah sida uu ula dhaqmay maamulkaas dastuuriga ah, haddii ay tahay inuu ka garab dhisay madax-weynayaal kale ama ciidamo Itoobiyaan ah ha ku dalbado! Waxaase Alle mahaddiis ah in dad-weynaha Jubbaland ay midnimo muujiyeen ammaankoodana adkaysteen! Waxaase ayaan daro kale noqotay in colaaddii Farmaajo aysan halkaas ku dhammaan oo ciidamo Itoobiyaan ku soo hoggaamiyay Jubbaland, waxaana la xirxiray maamulkii Gedo ka jiray ee Jubbaland, waxaana jira dhibaatooyin soo gaaray dadka shacabka oo qaarkood deegaanadoodii ka bar-kacay, sidaasoo kale waxaa jira khasaaro kala duwan oo naf iyo moodba isugu jira inkastoo aan la heli karin warar sugan oo la xiriira wax-yeelada ciidammada Itoobiyaanka ay ka geysteen deegaannadaas ay soo galeen. Arrimahaas oo dhan aduunka isagoo u jeedo ayuu ka aamusanyahay, laakiin Farmaajo Kenya ayuu heshiis la galay aduunka oo dhan baa u hambalyeeyay!…Yaa Salaam!!.. Waa arrimahaan waxa la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan!… Maxaa duulaankaan gar-darrada ah ee lagu soo qaaday dal xor ah, oo waliba xubin ka ha Qarammada Midoobay, dunida uga aamustay?! Waa midda la doonayo dadka Soomaaliyeed inay qaadaa-dhigaan macneeyaan, siiba dhallin-yarrada wax-baratay waa inay falanqeeyaan, fasiraad u helaan, waxa ay ka fahmaanna ay dad-weynaha ku war geliyaan, war-baahinta uga sharxaan!…Waxaase Alle mahaddii ah; ugu dambeyn 10 casho ka dib cabashadii Jubbaland in Madashii Xizbiyada ay ka dhiidhiyeen duulaanka ama faro-gelinta guumeysigu ka dambeeyo ee ay Itoobiyo ku hayso Soomaaliya, waxaase loo baahanyahay in guddomiyaha Madasha Xizbiyada SHiikh SHariif Axmed uu qoraal rasmi ah oo mowqifkooda ah uu u gudbiyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, isla markaasna uu ogeysiin siiyo xafiiska Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta. Wakiilka xafiiska Qarammada Midoobay, James Swan, wuxuu ka aamusay oo uusan wali wax jawaab ah ka bixin cabashadii ay gudbisay dowlad-goboleedka Jubbaland November14, 2019, taasoo ay kaga cabanaysay duullaanka Itoobiya ay ku soo qaaday gobolka Gedo, ee Jubbaland. Jawaab la’aanta Swan waxay noqon kartaa inuu ogyahay in ciidammada Itoobiya ay fasax ama codsi ka yimid dowladda federal-ka ah (Farmaajo) ay ku soo galeen gobolka Gedo, sababtaas aawgeedna uu u arko inay sharci ku joogaan… waana sababta ugu muhiimsan ee uu cudur daarka ka dhigan karo, laakiin taasi ma noqonayso cudur daar ku filan dhaqanka ciidammada Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka sameeyeen gobolkaas oo runtii xad-gudub ku ah qaranimmada Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah. Itoobiya iyadoo ciidamadeeda ay ka mid yihiin hawl-galka AMISOM in ciidamo kale ay dalka Soomaaliya soo geliso, oo waliba ay burburiyaan dowlad-goboleed ka tirsan dowladda federal-ka, waxay meel-ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya!… Xataa ciidamo ka tirsan AMISOM qaynuun ahaan ma dhex geli karaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleeddada iyo federal-ka, waayo xilkooda kama mid ah… Jawaab la’aanta wakiilka QM James Swan, ayaa dhinaca kale waxay qayb ka tahay qorshayaasha iyo barnaamijyada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ka leedahay Soomaaliya laguna ilaaliyo ciidammada AMISOM, si gaar ahaaneedna Itoobiya. Madasha Xizbiyada yeey wakiil ka yihiin?!…Burhaantiina muujiya!…Ha la arko Waxaa Madasha Xizbiyada hor yaala hawlo adag, xubno badan oo iyaga ka mid ah ayaa fari ku godantahay oo dhibaatooyinka jira qaarkood loo haystaa inay lug ku lahaayeen, hasa yeeshee haddii ay maanta wax saxayaan wax tarkooda waa loo baahanyahay, arrimaha ugu muhiimsan waxay tahay in dad-weynaha iyo midnimadooda ay raadiyaan, inay dad-weynaha xogta dhibaatooyinka uu dalka wajahayo ay la socodsiiyaan oo ku baraarujiyaan!… Itoobiya iyo Kenya, hawlaha ay ka wadaan dadlka gudihisa u turjumi karaan shacabka, dal kasta oo faraha kula jira arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya waa inay u fasiri karaan shacabka biyo dhaca siyaasaddiisa ku wajahan Soomaaliya!…dhammaan talaabooyinkaas waxay sare u soo qaadi karaan lixo jeclaha ay dad-weynaha u qabaan dalkooda, waxayna soo dhoweynaysaa midnimmada ummadda. Xaaladdu waxay maanta maraysaa meel aad khatar u ah, dalku ma laha Gole-SHacb, mana laha hay’ad kale oo la xisaabtamaysa Golaha-Fulinta, sidaas aawgeed xizbiyada mucaaradka ah waxay ku soo beegmeen xilli munaasab ah waa haddii ay gartaan kaalinta u banaanee!…shaki yuusan idinka gelin Golaha-SHacabka waxaa iibsaday waxa loogu yeero Beesha Caalamka, waayo lacagta xil-dhibaannadii ummadda u dhaartay lagu laaluushay ama lagu gatay waxaa bixiyay dalal shisheeye ah!…si dalka u u noqdo mid aan la kala xigin, danta laga leeyahayna laga qunsado iyadoo aysan jirin cid dantiisa ilaalinaysa!…Marka Xizbyada mucaaradka waa ay dadaaleen, wayna ahyd inay ka hadlaan xad-gudubka Itoobiya! Waxaa loo haystaa shkhsiyaad iskood isaga socda oo aan lahayn dad ay wakiil ka yihiin, waxaana fiicnaan lahayd inay qabtaan isu soo baxyo (Rallies) iyo kulano ay dadka kula hadlayaan, iyo waliba inay abaabulaan bannaan baxyo dad-weyne oo ay ku diidayaan fara-gelinta shisheeyaha; Itoobiya, Kenya, Maraykan, Ingiriis…iyo ku xad-xgudubyada xudduudaha Badda iyo Beriga ee ay wadaa Itoobiya iyo Kenya?!… Duulaanka Itoobiya iyo sheegashada badda Soomaaliyeed ee Kenya, Sal-dhigyada ciidammada shisheeyaha ah ee gobollada laga dhisay iyo hawl-galka AMISOM intuba waa mid waana isku ujeeddo!…laakiin shacabka?!…shacabka?!…waa la halmaamay, dowlad la hadasho ma leh, dowlad wax uga baahan ma leh (koleey cod ku tahay) xiriirkii iyaga siyaasiyiinta dalka waa la kala gooyay, sidaas aawadeed siyaasadda dalka kaalin kuma leh…waxaana shaxdaas dhigay oo jeexay waxa loogu yeero Beesha Caalamka!…. Balse ka feker, kulankii uu soo qabanqaabiyay Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ee dhex maray Farmaajo iyo Uhuru November 14, 2019, ka dib maxay Kenya ugu yeertay madax-weynaha Jubbaland?!…Madasha Xizbiyada maxay arrintaas kaga tashatay?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaadashada laaluushka iyo wax isdaba marinta ayaa meeshii ugu sareysay ka gaartay xarunta laga qaato warqadaha dhalashada (dad dhigista) ee dowladda Hoose, halkaas oo loo yaqaano Sugunto Liido. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka inta badan aysan tagin xarunta balse dirsadaan oo kaliya lacag ka badan intii adeega lagu qaban lahaa, waxayna sidoo kale dirsadaan xogta muhiimka ah ee lagu qori lahaa Documents-ka dhalashada kadibna ayagoo xaafadahooda jooga loo keeno dokumentisyadooda. . Sidoo kale xogta aan helnay ayaa cadeyneysa in Suulka saxiixa ah uu u saaro qof kale oo aan aheyn midka loo sameynayo dhalashada taas oo ka dhigan qiyaano iyo dembi weyn laakiin kamid noqotay howl-maameedka qayb kamid ah shaqada dowladda. Sidoo kale maalin gudaheed ayaa dadka lacagta laaluushka bixiya loogu dhameeya shaqada, halka kuwa mara wadada saxda ah ay ku qaadato maalmo dheer helida adeegooda. Lacagta looga baahan yahay qofka si sax ah usoo mara doonashada adeegdayada laga bixiyo qaybta dad dhigista ee dowladda Hoose waxay gaareysaa 15 dollar, halka kuwa kale ay bixiyaan lacag taas aad uga badan oo marka ku xiran qofka ay la macaamilayaan. Weriye ka tirsan Caasimada Online oo kamid ah dadka halkaasi adeegga u doontay ayaa yiri. “Kaliya waxaan bixiyay 25 dollar waxaana adeegayga helay 5 saac kadib waxaana fariin qoraal ku doray warbixintayda dhalashada.” Arrintan ayaa dhibaato ku ah dadka aan jeebka buurneyn ee aan awoodin lacagta dheriga ah, xilli tii sharciga ahaydba ay dhib ku tahay, kuwaas oo mararka qaar maalmo isaga daba noqda halkaas. Lama hubo sida wax looga qaban doono arrintaan waxaase muuqata in ay halis ku tahay degaanka iyo bulshada Soomaaliyeed waana shaqo muhiiim ah bulshada oo si maalinle ah loo qabto.
-
An internationally-renowned artist is using music to help connect the Somali youth to their cultural identity. Mohammed BK, who aims to connect Somalis in Bristol Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-26112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga sharciga doorashooyina ee baarlamanka Soomaaliya, oo dib u eegis ku sameynayey waxna ka beddelayey sharciga doorashooyinka ee ay golaha wasiirada Soomaaliya ansxiyeen 2-dii May 2019, ayaa shaqadooda soo geba gebeeyey. Guddigan ayaa dhowr maalmood ka hor guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan u gudbiyey sharciga doorashooyinka oo ay ka beddeleen dhowr qodob, balse waxaa ugu weyn uguna muhiimsan saddex qodob. Sida xubno ku dhow guddoomiye Mursal ay u sheegeen Caasimada Online, guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Qodobkan ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay muddo laba sano ah waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood. Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran. Guddiga ayaa go’aamiyey in wax ka badan 6 bilood oo ah waqti kordhin farsamo aan la siin karin madaxweynaha iyo baarlamanka. Taasi waxay noqon kartaa haddii arrimo farsamo ay u saamixi waayaan guddiga doorashooyinka qaranka in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda. Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in xildhibaanada cusub ee baarlamanka ay deegaanad ay kasoo jeedaan kasoo doortaan shacabka ayaga oo adeegsanaya nidaamka qof iyo cod ee doorashada deegaanada badan (Multi constituency), oo macnaheedu yahay in xildhibaan kasta laga soo dooranayo deegaan doorashadiisa iyo maamul goboleedkiisa. Tani waxay meesha ka saartay rabitaankii Villa Somalia ee ahaa in dhammaan xildhibaanada laga sooo doorto hal deegaan doroasho (Single constituency), taasi oo u saamixi lahayd inay dad taageersaan meel isugu keento, oo ay u codeeyaan dadka rabto kaliya. Go’aanka ugu culus ee guddiga gaaray ayaa ah in madaxweynaha cusub ay soo doortaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka, sida uu dhigayo qodobka 89-aad ee dastuurka, farqadiisa koowaad oo leh. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. Guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii ay rabtay Villa Somalia ee ahaa in madaxweynaha ay doortaan shacabka, balse aan shacabka oo dhan ahayn ee ahaa dad hal meel la isugu keeno oo la leeyahay waxay wada-matalayaan shacabka, taasi oo ogolaan lahayd in dad gaar ah oo lasoo xulay meel la isugu keeno, una codeeyaan qofkii isku keensaday.
-
Roma (SMN) – Shirkani oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo Talyaaniga looguna magaca daray (Afrika & Italy Business Week) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,kaasi oo ay si wada jir ah u fureen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re). Inta uu socdo shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Ganacsiga Dalxiiska,iyadoo ay iska kaashanayaan wadamada Talyaaniga iyo Afrika oo Soomaaliyana ay kujirto sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsiga Dalxiiska ee labada dhinac,wuxuuna socodn doonaa muddo labo maalmood ah. Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeey) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka shirkan (Afrika& Italy Business Week) ayaa dowladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda ku ammaanay martigelinta muhaajiriinta Afrika ee dalkaasi galaya. “Marti sharafka, hal abuurayaasha bulshooyinka Italy iyo Africa,diplomaasiyiinta,dhamaan mamuuskasta oo aad halkani ku fadhisaan,waxaan idin leeyahay subax wanaagsan , anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan wafdigan aan hoggaaminayo, marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan halkan kaga mahadceliyo dowladda iyo shacabka Talyaaniga,casuumaaddani oo ku aadan shirkan (Africa & Italy Business Week)kaasi oo ay martigelinayso magaaladan quruxda badan ee Milano,waxaan rabaa markale anigoo ku hadlaya magaca wadamada Afrika in aan uga mahadceliyo dowladda Talyaaniga badbaadinta iyo martigelinta muhaajiriinta badan oo Afrikaan ah,kuwaasi wadankan ku soo galaya hab sharci daro ah“.Ayuu yiri Wasiir Maareeye. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Waxuu la kulmay shir fool ka fool ahna la yeeshey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalka Talyaaniga Emanuela Claudia Del Re ,iyagoo ka wada hadlay horumarinta warbaahinta gaar ahaan Keydka Radio Muqdisho. C/risaaq Cabdi Cadullaahi agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku wehliya safarka wasiirka,waxaana inta ay halkaasi joogaan sidoo kale kulamo kaladuwan la yeelan doonnaan mas’uuliyiinta shirkaasi ka qeybgalaysa. Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe ku howlanayd sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Dalxiiska Dalka,maadaama dalka uu haatan ka soo kabsanaya dagaaladii sokeeyey iyo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka dowladnimo. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay laamaha amaanka magaalada Dhuusamareeb ee hoos taga dowladda federaalka ayaa lagu mamnuucay shirarka aysan ka warqabin ee lagu qabanayo goobaha hoteelada iyo maqaayadaha ee magaalada. Caasimada Online ayaa ogaatay in si gaar ah amarkaan loola wadaagay milkiilayaasha hoteelada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb. Amarkaan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa milkiilayaasha hoteelada magaalada waxaa looga digay in hoteeladooda aan lagu qaban karin shir aan ogolaasho ka heysan iyaga ama liddi u ah dowladda federaalka. Amarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada ay kulamo uga socdaan hoggaanka Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka arinsanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen talaabdii uu shalay qaaday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada maamulkaas. Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaas oo iyaguna Dhuusamareeb ka wada kulamo ay uga arinsanayaan hanaankii ay saamayn ugu yeela la haayeen maamulka loo dhisayo Galmudug. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyey inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.
-
Somalia’s Jubbaland Vice-President Mohamud Sayyid Adan is holed up at a Mandera hotel for his safety after Ethiopian forces are said to have prevented him from visiting Bula Hawa, a border Somali town. Mr Adan and his entourage were booked at the hotel five days ago by Kenyan security agencies in Mandera and their security immediately taken over by the Kenya Defence Forces (KDF). “We have a VIP from Somalia who was prevented from visiting Bula Hawa by some military forces but you can get much information from Nairobi,” a security source in Mandera told Nation. But KDF spokesperson, Major Paul Njuguna failed to pick several phone calls as we sought to confirm the military’s role in the stay of the Jubbaland VP. MEDDLING Somali Democratic Council (SDC), a lobby group, has accused the Ethiopian troops of preventing the VP from visiting the city of Beled-Hawo (Bula Hawa) in Gedo, Jubbaland state. SDC said the incident was “a clear and unmistakable invasion” by the Ethiopian government. In a letter dated November 20, 2019 and addressed to United Nations Secretary-General Antonio Guterres, the US-based group accuses Ethiopia and the federal Somalia government led President Mohamed Abdullahi Farmajo of meddling in Jubbaland affairs. “Mr Secretary General, We the Somali Democratic Council would like to make you aware of the grave and deeply disturbing events that are unfolding in the Jubbaland State of Somalia where non-Amisom Ethiopian troops are wreaking unimaginable havoc by detaining duly elected officials in the cities of Beled-Hawo, Dolow, and Luuq,” reads the letter signed by Abdikarim A. Omar, the council’s chairman. Mr Omar adds that “unfortunately, the Federal Government of Somalia is in cahoots with Ethiopian government forces to create chaos in Jubbaland.” View the full article
-
Popular Contributors
