Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa diidday qorshe ay wadday Dowladda Kenya oo la xidhiidha in la xidho Xerada ugu weyn Adduunka ee ay qaxooti ku noolyihiin oo ah Dhadhaab. Maxkamadda oo kiiskan dhegeysatay ayaa sheegtay in dad ka badan 200,000 qof ay ku noolyihiin xeradaas Soomaaliyana ayna ahayn meel lagu celin karo. John Mativo,oo ah garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda ayaa sheegay in Wasiirka amniga gudaha Kenya oo sameeyay ku tagrifal awoodeed kaddib markii uu amray in xeradaas la xidho. Garsooraha ayaa ku dooday in amarka Wasiirka amniga gudaha Kenya aan lagala tashan dadka uu khuseeyo sida dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya. Mativo, ayaa sidoo kale amarka Wasiirka ee lagu xidhayay Xerada Dhadhaab ku tilmaamay mid takoor ah oo ka hor imanaya xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha waxaana uu ka soo qaaday waxba kama jiraan. Dowladda Kenya ayaa ku doodday in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay AL-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo. Source
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dowladda Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habeynta, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood. Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Khayre la qaatay dhiggiisa Qatar ayaa qayb ka ah kulamo doceedyada uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa. Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha 19aad ee Dooxa ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Guddoomiyaha gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan deeqihii gargaarka ahaa soo gaarsiin gobolkaasi. Cabdisamad Yuusuf ayaa tilmaamay inay jiraan waddooyin dhowr ah oo burbur uu ka soo gaaray daadadkii ka dhashay Roobabkii ka da’ay deegaanada gobolka Bari. Sidoo kale wuuxu ka dalbay dowladda dhexe inay deeqaha Beesha Caalamka soo gaarsiiso gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/cod-gudomiyaha-bari-.mp3 View the full article
  4. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar uga qayb galay furitaanka madasha dhallinyarada aduunka oo soconeysa Deceembar 14-17, 2019. Madaxweynaha Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, ayaa furay madasha sanadlaha ah ee dhallinyarada aduunka, oo ah madashii sedaxaad tan iyo markii la billaabay sannadkii 2017. Madasha ayaa ah madal ay dhallinyaradu kula kulmaan dadka siyaasadda sameeya ee adduunyada, dadka go’aannada leh, iyo shaqsiyaadka kale ee saameynta leh, aragtiyadoodana ay ku wadaagaan. Madasha oo ajandayaasheeda sannadkaan ay qayb ka yihiin sugnaanta cunnada iyo kacdoonka warshadaha, ayaa waxaa sanad kasta ka qayb gala qaar kamid ah hoggaamiyahaasha caalamka, hoggaamiyayaasha dhallinyarada, dhallinyada hal abuurka leh, dadka caanka ah iyo ururada dhallinyarada adduunka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya dowladda Soomaaliya ayaa kahor inta madasha aan la furin waxa uu la kulmay madaxweynaha dalka Masar, ahana guddoomiyaha midawga Afrika, Abdel-Fattah El-Sisi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-151219.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada nabad sugida dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran, laguna soo qab qabtay tiro dad ah ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen degmada Beledxaawo iyo tuulooyin hoosyimaada ee gobolkaasi. Taliyaha nabad sugida ee gobolka Gedo, Cali Deyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi, isagoo sheegay in lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab iyo 4 nin oo liddi ku ahaa nabad gelyada, kana ganacsanayey maandooriyaha. Cali Deyr ayaa carabka ku dhuftay in tuulada Hareen Tuurre laga soo qabtay xubinta ka tirsan Al-Shabaab, isagoo kuu dhuumaaleysanayey halkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Gedo. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howgala gobolkaan ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyadooda Milatari, si meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab.
  7. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo midho dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan tallo wadaagga, waddaniyadda iyo isku duubnida. Dhankooda, Xubnaha Guddiga Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka midho dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Source
  8. (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadi doonan taasi oo la xidhiidha weeraro lagu qaaday xeryo Millatariga Mareykanka kaga sugan yihiin wadanka Ciraaq. War saxaafadeed ka soo baxay Pompeo ayuu sheegay in Iiraan ay taageero siiso maleeshiyo khalkhal ku heysa amniga Gobolka. Waxaa waajib nagu ah anaga oo ka faa’ideysaneyna fursadayada in aan ka hortagno weerarada ay Iiraan hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah ciidankeena iyo danaha wadamada saaxiib wadaaga aa nahay ayuu yidhi Pompeo. Arintaan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii weerar lagu qaaday saldhig Milatariga Mareykanka kaga sugan yihiin duleedka magaalada caasimada ah ee Baqdaad. Source
  9. Farmaajo oo la kulmay guddigu u xushay wada-hadallada Somalia & Somaliland Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa Madaxtooyada kulan wada tashi ah kula yeeshay guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynae Farmaajo uu guddigan ku bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen muddadii ay magacaabnaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso sida ay uga go’an tahay horay u socodsiinta isku soo dhawaanshaha labada dhinac. Madaxweynaha ayaa guddigan faray in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland. Dhankooda, xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa weli kulamo gooni gooni ah ka wada magaaladaasi. Khayre ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ah yahay xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin, kaas oo ka qeyb galaya madasha Dooxa. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dardar gelinta barnaamijka Deyn cafinta iyo dowrka Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay la kumay dhiggiisa dalka Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser Bin Khalifa Al Thani, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Kulamadaan ayaa qeyb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda ka qayb geleysa shirka Dooxa. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay ka qeyb galay furitaanka shirka madasha Dooxa, kaas oo uu daah-furay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani Waa markii saddexaad ee uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ka qeyb-galaayo Madasha Dooxa, isagoo goob-joog ahaa sanadihii u dambeeyey ee 2018-kii iyo 2017-kii.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. “Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yiri Deni. Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”. Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”.
  12. Kenyan President Uhuru Kenyatta on Friday launched a 50 MW solar power farm located in Garissa, northeast region, with the plant being one of the largest photovoltaic electricity stations in Africa. Source: Hiiraan Online
  13. Addis Ababa - Ethiopia announced Friday that it had secured roughly $9 billion (8 billion euros) in outside financing for ambitious economic reforms which analysts say could underpin the country's delicate political transition. Source: Hiiraan Online
  14. Four years of a brutal civil war in Yemen has forced more than 4.3 million people to leave their homes. Many of the Yemenis desperately seeking safety are turning to neighboring Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. The International Organization for Migration (IOM) signed a new cooperation agreement with the Federal Government of Somalia Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda horumarinta caruurta u qaabilsan Qaramada ee UNICEF ayaa go’aan ka gaaray muran u dhaxeeyay wasiirada waxbarashada iyo warfaafinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haayay guddi uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. Sida aan xogta ku helnay, mas’uuliyiinta UNICEF ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u sheegay in arintaan ay hay’adooda ka shaqeysay islamarkaana ay uga dan leedahay horumarinta waxbarashada Soomaaliya islamarkaana hadii ay sideeda lagula shaqeynin ay keeni karto dib u dhac masharuuca ku yimaado. Ilo-wareedo ku dhow Xasan Cali Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulan la qaatay wasiirka warfaafinta kuna amray in uu isaga haro doodda waxbarashada islamarkaana uu la yimaado mashruuc kale maadaama kan ay soo dhameysatay wasaarad kale. Kheyre ayaa wasiirkiisa warfaafinta ku amray inuu la shaqeeyo guddiga si hagar la’aan ah iyo in aan mar dambe warbaahinta loo adeegsan muranada wasaaradaha soo kala dhaxgala. Guddigii uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ee Waxbarashada, Hidaha iyo Seyniska ayaa todobaadkaan kulan ku yeeshay xaraunta Akadeemiyada waxayna ku doorteen guddoomiye, ku xigeen iyo xubnaha kale ee guddiga waxayna toos u shaqa bilaabeen howshii loo idmaday. Maareeye ayaa horey ugu dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.” Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage). Qoraalka Maareeye soo saaray ayaa ka carreysiiyey madaxda dowladda oo aqbali waayey inuu saxaafadda ka dagaalami intii uu arrintan u xalin lahaa qaab hoose.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa joojiyay in shirka guddoomiyaasha degmooyinka iyo shirarka kale ee gobalka lagu qabto hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore ee gobalka Allah ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqalaaha gobolka, hoolkii uu ku dhintay duqii hore ayaa waxaa saaran quful muddo bilooyin ah waxaana shirarka gobalka lagu qabtaa barxadda banaanka ee gobalka, halkaas oo markii hore lagu qaban jiray xafladaha waa wayn ee gobalka ka dhaca. Miisaska, iyo kuraasta shirka iyo teendhooyinka waxaa xir xira ciidanka ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobalka waxaana hoolka dib ugu celiya isla ciidankaas ,waxayna badanaa kulamada dhacaan xiliyada habeenkii ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka qayb gashay kulamadaasi. Si rasmi ah looma oga sababta uu guddoomiyaha uga baaqsaday hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore waxaase la aaminsan yahay in ay tahay cabsi dhanka amaanka ah. Cumar Filisha ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo inaysan dib usoo dhicin musiibo la mid ah tii 24-kii July, markaasi oo gabar agaasime ka ahayd gobolka ay isku dhex-qarxisay hoolkii shirarka. 14-kii November, Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ayaa shaaca ka qaaday in laga hortagay qarax la mid ah kii lagu dilay Injineer Yariisow oo isaga lala damacsanaa. Waxa uu sheegay in hay’adaha amniga ay qabteen agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax ka fulin lahaa xarunta gobolka, kaasi oo markii dambe qirtay qorshihiisa. Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna.
  18. Edmonton (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa waxay xukun adag oo 28 sano oo xabsi ah ku riday nin Soomaali ah, oo aan weli helin dhalashada dalkaasi Canada. Maxkamadda Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ayaa waxay Cabdullaahi Xasan Shariif ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay inuu fal dembiyeedyo gaystay. Ciidamada Booliska ayaa ninkan gacanta ku soo dhigay 30-kii bishii September ee 2017, ka dib markii uu toorey ku dhaawacay Sarkaal Booliska ka tirsan, ka dibna u damcay in uu ku baxsado gaadiidka xamuulka ee dalkaasi looga yaqaano U-Haul truck. Ka hor inta aanay gacanta ku soo dhigin Ciidamada Booliska ayuu gaariga jiirsiiyay dhawr qof, inkastoo dhaawacyo fudud uu falkaasi ka soo gaaray. Cabdullaahi Xasan Shariif oo 32 jir ah ayaa intii ay maxkamadayntiisu socotay waxaa la sheegay inaanu haljeer xitaa ka hor hadlin Maxkamadda, isla-markaana aanu samayn wax is difaacid ah. Sidoo kale intii ay socotay maxkamadayntiisa ayaa waxaa la sheegay inaanu jirin wax qareen ah oo ka difaacaayay waxyaabihii loo haystay, ee ay xeer ilaalinta ku soo oogtay. Wariye-yaasha ayaa ku waramaya in Maxkamadda ay ninkaasi siisay fursado dhawr ah oo uu ku hadli karay, balse uu iska diiday in Maxkamadda uu ka hor hadlo. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in ninkaasi xabsi daa’in lagu xukumo, inkastoo ay ugu dambeen Maxkamadda ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah. Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inaanu wax jixin-jix ah ka muujin xabsiga mudada dheer, ee ay Maxkamadda Edmonton ku riday.
  19. Tanu waa heesti ow ugu jeclaa Jaalle Siyaad xilli ay hobolladi Waaberi wacdaro ka sameeyeen dalka oo dhan, Jaale Siyaadna uu rumeystay erayada la adeegsanaayay berigaas oo ka dhigtay qof aan weli la arag isaga oo kale. Maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu taagan yahay heer uu xeelad kasta adeegsanaayo si uusan marna uga degin jagadaas. Madaxweyne Farmaajo waxaa u qarsan xeelado qofka caadiga ah uusan maleyn karin oo ay ka mid yihiin in la abuuro fowdo iyo qas aad u baaxad weyn oo dalka oo dhan lagu curyaamiyo si erayga DOORASHO meesha looga saaro.. Haddii aan soo koobno waxaa barnaamijka Farmaajo ka mida in muddo LABA sano ah loo kordhiyo si ay dowladdu u dhammeystirto dustuurka, xasiloonida dalka, dib-u-heshiisiinta iyo ka takhaluska uruka al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guuleystay inuu Mamul Goboledyadi oo dhismahoodi laga soo maray dhibaatooyin fara badan uu muddo SEDDAX sano ku baburburiyay…marka haddii loo kordhiyo xilka waxaa hubaal ah in dalka oo dhan lagu kala carari doono, waayoo asagu waa buldoozar oo loo adeegsado burburinta dhismayaasha ee buldoozar wax ma dhiso. Haddaba, siyaasiyiinta maanta ordaaya oo iyaga laftooda u baahan is-abaabul iyo is-afgarasho, waxaan kula tali lahaa inay raadiyaan xeelad ka hortegi karta waxaa uu soo wado Famaajo oo ah inaysan dowlad ka dambeyn doonin marba haddii uu booska waayo, waana isla tubti uu horey u qaaday Jaalle Siyaad mahey ku dambeysayna la ogaa. M/Weyne Farmaajo waxaan u sheegeynaa in ragi adiga kaa horeeyay oo booskaan iyo jagadaan hortaa soo qabtay waa jeclaayeen inay sii joogaan sidi ninki isagoo sakaraad ah yiri INAAN JOOGO JECLAAYAA!!! Markuu waqtigaaga dhammaado waa tegeysaa una maly maayo inaad doorasho dambe ku guuleysan doonto. Waxaana ´kuu kheyr badan inaad isaga tagto inta aad nabad qabto oo laga yaabo inay jiraan weli dad ku taageersan.Jagadaan aad ayaad u jeceshahay, laakin waxad rabto, mar kasta, lama wada helo..ku quus qaado Jaalle Siyaad mihi u dambeysay, waana ka shallaayay maraan shallaay wax terin.. Intaasi waa iga talo ee dalka iyo dadka ka badbaadi burbur iyo barakac hor leh. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay, in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay , in loo baahanyahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Mudane Deni, ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha ayaa ka dhacay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka, kaas oo soo abaabulay aqoonayahan Dahir Ali Omar. Ujeedada ayaa ahayd ogaanshaha iyo fahanka laga haysto caruurta kadib markii ay sii bateen dhibaatooyinka ka dhasha caruurta noloshu ka badalanto kuna wareera dhaqamada is diidan ee kala ah tan waalidkood ku soo koreen iyo midka caruurta qurbuhu ku dhasheen. “Waalidiin baddan ayaa aad ugu wareera fahanka ubadkooda waxayna horseeday is fahmi waa sababa in ilmuhu nolosha ka dhacaan halisna u galaan in ay mustaqbalkooda waayaan” sidaa waxaa yiri Dahir Ali Omar oo xiliyadii u danbeeyay waday baaritaan ku aadan xariir la’aanta waalidka iyo Ubadka ka dhex dhalata iyo waxa sababa. Aqoonyahan badan oo kulankan ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Waalidiin, Macalimiin, Ganacsato iyo quburo kale ayaa ka hadlay kulankan waxayna gorfeeyeen xaaladaha adag ee haysta Caruurta ku dhalatay qurbaha kuwaas oo la kulma dhibaatooyin kala duwan kana dhasha kala duwanaanshaha labada dhaqan. Ruqiya Kusoow oo ah Hooyo Aqoonyahan ah in mudaana ku noolayd dalkan ayaa soo jeedisay in Waalidiintu u dabacsanaadaan ubadkooda kuna xisaabtamaan in caruurtu yihiin dhibanayaal labo dhan u dhexeeya isla markaana u bahan in la fahmo saaxiib dhow lala noqdo loo muujiyo in diyaar loo yahay iyada oo dhanka kale xustay in waalidiintu xaruurta uga sheekeeyaan dhaqamada kala duwan iyo halisaha ku xeeran si dabacsan. Qaarkamid ah dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka oo ay ka mid tahay Deeqo Mohamed Siyaad ayaa soo bandhigay qibrada ay ka haystaan caruurta iyo waalidka Soomaaliyeed kana sheekeeyay dhibaatada jirta iyo aqoon la’aanta waalidiin baddan ka haysta Fahanka ubadkooda Ifrah Udgoon oo ah Macalin dugsiga dhexe u dhigta caruurta ayaa aad uu xeel dheeraatay dhibka jira soona jeedisay in caruurta Jacayl loo muujiyo iyo in saaxiib dhow lala noqdo iyada oo tusaale u soo qaadatay Nafteeda oo ah shaqsi ku koray qurbaha lana kulmay dhibka laga sheekeeynaayo. Gabi ahaan dadkii hadlay ayaa garowsaday in Halis baddan ku xeerantahay Caruurta qurbaha ayna kaga bixi karaan waalidiin u dabacsan saxiib laha isla markaana fahansan waxa iska badalay ubadkooda iyo marxaladaha ay marayaan. Waxa uu ahaa barnaamij aad u xiiso baddan loona riyaaqay waxaana lagu balamay in la sii wado kulmada caynkan ah si loo bad baadiyo caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray kuwaas oo halis ugu jira, dhaqan Guur, Daroogo, Xabsi, Dil, iyo Wax walba oo xun hadii aysan helin Gacan Naxariis iyo aqoon isku darsatay. Deeqo Shire (SONNA) The post Halis badan oo ku xeeran caruurta qurbaha appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hadal ka jeediyay Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa sheegay in Wasaaraddiisu waddo Qorshe lagu kala astaynayo dhammaan Soohdimaha degmooyinka, taasi oo tiir muhiima u ah hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiima ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ay diyaarinayso Khariirad ama Map aan ahayn Khariiradda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka. Hoos ka daawo Khudbadda wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo samaysanaysa Khariirad u gaar ah appeared first on Puntland Post.
  23. Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka), ayaa Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxa uu ka shaaciyay in Golaha Wakiilada Puntland ay ansixiyeen dhammaan Xeerarkii muhiimka u ahaa hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland. “ Golaha Wakiiladu, waxay qaateen doorkoodi, iyagoo ansixiyay wixii xeerar ah ee loo baahnaa, si loo dhaqaajiyo Hannaanka Dimoquraadiyadda Puntland” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkii kaga aaddanaa ka qaateen Magacaabidda iyo ansixinta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si loo dardar-geliyo Barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland. “ Sidoo kale, wuxuu Goluhu doorkiisi ka qaatay, Magacaabista iyo ansixinta, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, sida ku cad Qodobka 112-aad ee Dastuurka dowladda Puntland Lifaaqa kowaad” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha. Mudane Jibriil, ayaa Deeq-bixiyaasha Beesha Caalamka ka dalbaday, in ay Taageerada Dhaqaale ee looga baahanyahay ku bixiyaan Barnaamijka Dimoquraadiyadda Puntland, si uu taabba-gel u noqdo, loogana gudbo Nidaamka Qabaliga ah ee Puntland wax ku doorato. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhamaystiran PUNTLAND POST The post Abwaanka: Baarlamanka Puntland wuxu ansixiyay Xeerarkii muhiimka u ahaa doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.