-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar ayaa ka jawaabay muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada oo muujinayey isaga oo isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kaasi oo kadib dhintay. Taliyaha ayaa beeniyey in arrinta ay u dhacday sida loo baahiyey, waxaana uu faah-faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen. Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in ruuxaas, oo ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay. Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday. “Waxa la faafinaayo waa waxaan looga xishoonayn qaranimada, dadnimada iyo damiirka, ninkaas dhintay waxaa markii hore isbitaalka lagu geeyey si qalad ah, waxaa lagala baxsaday xabsiga, iyadoo nin dhakhtara oo ciidanka Asluubta ah la adeegsanaayo, kadibna markaan ogaaday waan ka daba tagay, iyadoo ciidanka gacantiisa laga baxshay, oo aan u fahmay in lala baxsa rabay, waayo reerka ninkaas in badan ayey horay iskugu dayeen inay la baxsadaan waxuuna ahaa nin loo heysto burcadnimo, waxayna horay maxkamadaha uga raadiyeen oo ka waayeen sidii ay ula bixi lahaayeen ninkaas” ayuu yiri Taliyaha xabsiga dhexe oo isagu ka soo muuqday warbaahinta bulshada isagoo isbitaalka xoog uga soo saaraya nin xanuunsan kadibna xanuunkaas u dhintay. Taliyuhu waxa uu sheegay in markii uu uga daba tagay isbitaalka la geeyey ee uu weydiiyey ehelkiisa sababta looga soo saaray isbitaalkii uu ku ogaa ee dowladdu maamuleysay, uu ka waayey jawaab uu ku qanco, taasina ay ku kaliftay inuu ku soo celiyo isbitaalka ay dowladdu maamusho ee Martiini, halkaas oo uu sheegay in maalinkii hore uu soo hagaagey caafimaadkiisu, balse xanuun ku soo booday maalinkii labaad uu u geeriyooday. Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayuu sheegay Taliyuhu inuu qabay xanuunka macaanka ama sonkorta oo kaliya, isla markaana uu hayo cadeynta warqadihii caafimaadka oo ay ku qoranyihiin xilliga uu geeyey isbitaalka Martiini oo ah isbtitaalka sharciga ah ee lagu daweeyo maxaabiista ku xanuunsata xabsiga dhexe. Eheladda marxuumka dhintay ayaa iyaguna madaxda ugu sareysa dowladda ka dalbaday inuu cadaalad helo Xasan Kurtun Calasow oo ay sheegeen inuu u dhintay daryeel la’aan caafimaad oo uu sabab u ahaa taliya xabsiga dhexe sida ay hadalka u dhigeen. Hoos ka dhageyso wareysi uu taliyaha siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Taliyaha-Xabsiga-dhexe-Sarreeye-Guute-Maxamed-Shiikh-Xirsiile-Cumar-Xirsiile.mp3
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay qunsulyaddo ka furato qaar kamid ah magaalooyinka Mareykanka, sidda uu ka dhawaajiyey safiirka waddanka u fadhiya Washington. Danjire Cali Shariif oo ka hadlayey xaflad ka dhacday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa tilmaamay in qorshahaas uu u gudbiyey madaxda sarre ee xukuumadda Muqdisho. Soomaaliya ayaa bishii September, 2019, dhisme u iibisay safaaradeeda Washington. Dhismaha oo ku yaala degaanka Wyomin waxaa 4.3 milyan oo Doolar laga siiyey Colombia. Lacagta waxaa bixisay Qadar. Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay gudaha Mareykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Jaaliyadaha ugu tiradda badan. “Waxay kaloo safaaradda ay ku talajirtaa, talana aan ku siinay madaxda-yadii, maadaama ay Jaaliyadu balaaran tahay waddankana [Mareykanka] meelo kala duwan ay ka joogto in adeega loosoo dhaweeyo oo qunsul-yaddo laga furo meelaha ay dadka ku badan yihiin si adeega ay Washington DC ugu imaan lahaayeen ay uga helaan meeshooda wixii suurtogal ah,” ayuu yiri. Sidda laga soo xigtay Cali Shariif, arrintaan ayaa kamida qorsheyaasha safaaradda ku talajirto in ay fuliso sanadka dambe ee 2020-ka. “Dhib kasta ha jiro, waxaan rajeynaynaa in sanadka 2020-ka, qarnigaas in uu noqdo qarnigii Soomaalida,” ayuu hoosta ka xariiqay. Dhinaca kale, safiirka oo ku celiyey in dowladdu taageersan tahay murashaxnimadda Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramadda Midoobay ayaa Soomaalida ku booriyey in ay garab-istaagaan. Ugu dambeyntii, danjiraha oo si lamid ah Soomaalida ku tartarsiiyey in ay xoojiyaan wadajirkooda ayaa ku waaniyey in ay kaalin ka cayaaraan sidii dalka looga saari lahaa liiska wadamada uu xayiraada saarey Trump. MUUQAALKA SAFIIRKA Xigasho: Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah Sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’addii nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa ka digay qatar ku soo wajahan Kaamirooyinka lagu xiray wadooyinka Muqdisho. Mr Xaashi ayaa amaanay talaabada lagu xiray kaamirooyinka isagoo ku taliyay in dhinaca wanaagsan looga faa’ideesto islamarkaana la gaarsiiyo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee gobalka Banaadir. Cabdullaahi Nuur Xaashi ayaa sheegay in ay qatar ku soo food leedahay Kaamirooyinka, taas oo ka imaan karta Al-shabaab iyo kooxo kale. “Al-Shabaab waxay ku fikirayaan sidii ay isaga leexin lahaayeen kaamirooyinka, haddii ay jaanis helaan waxay ku xirayaan qaraxyo sidii baalooyinkii cad ceeda ku shaqeeya, sidoo kale tuugo ayaa furan karta hadii aan la ilaalin” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Xaashi oo la hadlay Radio Kulmiye. “Waxaan ku talinayaa in loo sameeyo askar ilaalisa 5-tii xabo ee Kaamiro ah ama waxaa imaan doonto in la qarxiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Xaashi. Al-Shabaab ayaa hore u qarxiyay qaar kamid ah baalooyinkii magaalada Muqdisho ee dhalin jiray leerarka cad ceeda ku shaqeeya kadib markii ay qaraxyo ku xireen. Si kastaba, goobaha hadda la suray kaamirooyinkan ayaa ah goobo amingooda aad u wanaagsan yahay, waxaana adag inay Al-Shabaab yimaadaan oo ay ficillo ka gaystaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadka araga naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ku eedeeyay in uu ka joojiyay lacag la siin jiray Iskuulka, si loo kaabo macalimiinta iyo shaqaalaha Iskuulka. Nin kamid ah masuuliyiinta urur ay Indhoolayaasha leeyihiin oo magaciisa aan ku soo koobnay Yuusuf, ayaa Caasimada Online u sheegay in 4-tii bil ee ugu dambeysay aysan qaadan lacag dhowr kun ah oo si tabarucaad ah loo siin jiray Iskuul ku yaala magaalada Muqdisho oo si lacag la’aan dadka wax loogu baro. “Laga soo bilaabo Taabid ilaa Marxuum Yariisow waxaan heli jirnay lacag taakuleen ah oo bil walba ah laakiin mudo dheer ma helin markii aan raadinayne waxaa nagala xirtay albaabka” ayuu yiri Yuusuf oo ka tirsan dadka araga naafada ah ee ku nool Muqdisho. Yuusuf ayaa go’aanka lagu joojiyay bixinta lacagtaan ku tilmaamay mid ka soo baxay duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish. “Waa amar ka soo baxay duqa caasimada ayaa nala dhahay markii aan raadinay” ayuu yiri masuulkaan la hadlay Caasimada Online. Xiriiro aan la sameynay guddoomiyaha gobalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Hoose ayaa heli weynay si aan arintaan wax uga weydiino, mana jirto cid faah faahin ka bixisay arrintaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Agaasimihii hore ee naafada gobolka Banaadir, Basiira Cabdi oo ahayd gabar aragga la’, ayaa fulisay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka ee ay ku dhinteen Injineer Yariisow iyo mas’uulyiin kale.
-
Riyad (Caasimada Online) – Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad. Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta. “waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya.
-
Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii booqday caasimadda Jubbaland ee Kismaayo, halkaas oo ay ku yeesheen shirar ku saabsan sida dalku u dhaqan gelin karo ahmiyadaha qaran ee sanadka soo socda 2020. “Waxaan halkaan u joognaa inaan la shaqeyno daneeyayaal fara badan isla markaana aan dhageysanno aragtidooda ku saabsan sida muhiimadaha qaran ee mudnaanta leh lagu gaari karo sannadka 2020. Kuwaas waxaa ka mid ah u diyaargarowga doorashada ‘hal-qof, hal-cod’, dhammaystirka dastuurka Federaalka, horumarka joogtada ah ee loo wajahayo deynta, iyo dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab”. ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo hoggaaminayey wafdiga Beesha Caalamka ee tigey Kismaayo. Mudane Swan wuxuu yiri “Ka hor sanadkaan xasaasiga ah, wakiilo ka socda qaar kamid ah iskaashiga dhinacyada badan ee Soomaaliya waxay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta qaranka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, odayaasha iyo bulshada rayidka ah, guud ahaan dalka.” Wafdigan ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), odayaasha deegaanka, wakiillada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha mucaaradka, iyagoo qirey in xaalada siyaasadeed ee Jubbaland aysan wali xasilloonayn. “Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay wali mid aan deganeyn, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxa ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020, ma rajeyneyno in aragtiyadooda la iska indha-tiro,” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. James Swan wuxuu kaloo iftiimiyay in himilooyinka Soomaaliya lagu gaari karo wada shaqeyn adag oo ka dhaxaysa dhammaan dhinacyada ay qusayso iyo in 2020 ay leedahay awood ay u noqon karto sanad taariikhi u leh Soomaaliya. “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’adaha iyo bulshada inay ka qaybgalaan wadahadal si loo heshiiyo hab horay loo maro, iyo in la iska kaashado sidii loo xaqiijin lahaa waxyaabaha mudnaanta la siinayo sannadka soo socda”. ayuu yiri James Swan. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka: Jubbaland xaalada siyaasadeed wali ma xasilloona appeared first on Puntland Post.
-
Golaha wakiilada dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Arbaco ah u cod u codayn doona in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump iyo in kale. Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda u codeeyaan laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump. Labadaas qodob ayaa waxaa toddobaadkii tegay ansixiyey guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ka si loogu gudbiyo golaha. Dimoqraadiyiinta ayaa Trump ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah. Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii seddexaad ee lagu soo oogo dacwad xilka-xayuubin ah isagoo xafiiska jooga. Haddii go’aankan ay isku raacaan xubnaha Aqalka hoose ee Kongeyska Maraykanka , waxaa loo gudbin doonaa aqalka Senate-ka oo si uu ansixiyo. PUNTLAND POST The post Golaha Kongareyska Maraykanka oo maanta u codaynaya xilka xayuubinta Trump appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Sweden ann christin linde, oo kamid ah madaxda Geneva uga qayb geleysa madasha qaxootiga adduunka ee looga hadlayo xal u helidda qaxootiga caalamka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay, in mudane Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay, in labada mas’uul isla qireen inay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta. Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska dalka. Kulanka ayaa qayb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga. Ra’iisul Wasaaraha oo shalay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan la yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayaa maanta ka qayb galay madasha qaxootiga oo berri lasoo xirayo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Geneva Kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa meel-mariyey miisaaniyad ay ku jirto deyn-cafinta Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalkaas. War-saxaafadeed ay soo saartay ayey Ilhaan Cumar ku sheegtay in miisaaniuyadda Aqalka Wakiilada ee lambarkeedu yahay H.R 1158 lagu xaqiijiyey deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tiri Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay. “Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tiri Ilhaan. “Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sanadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xiriir diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya. “Waa in wax badan oo dheeri ah la sameeyaa marka ay noqoto adkeynta dimoqraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo xiriirka ka dhaxeeya Villa Somalia, dowlad goboleedyada iyo shacabka. Mareykanka kaalin ayuu ka qaadan karaa dhammaan arrimahan.” Ayey tiri Ilhaan. Waxay intaas ku dartay “Deyn cafinta waa tallaabo loo qaaday jihada saxan, waxaana sii wadi doonnaa inaan ka shaqeeyo helista Soomaaliya xor ah, nabad ah, oo dimoqraadi ah oo dhammaanteen aan dooneyno inaan aragno.” Warka kasoo baxay Ilhaan ayaa imanaya ayada oo dhowaan wargeyska Foreign Policy, uu qoray in wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, ay hilmaameen inay ku wargeliyaan Congress-ka in lacagta lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya lagu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka. Khaladkaas ayaa u muuqday mid meesha ka saarayeyin Soomaaliya ay hesho deyn-cafin sanadka 2020, maadaama barnaamijka deyn cafinta Bankiga Adduunka iyo IMF ee HIPC uu u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura. Si kastaba, miisaaniyaddii uu horey u ansixiyey Aqalka Wakiilada, ayaa wxaaa dib usoo celiyey aqalka Senate-ka, taasi oo Aqalka Wakiilada siisay fursad labaad oo deyn cafinta Soomaaliya loogu daro miisaaniyadda. Bilaha hore ee sanada 2020 ayaa la filayaa in IMF iyo Bankiga Adduunka ay si rasmiga ah deynta uga cafiyaan Soomaaliya, kadib marka ay isku wada raacaan dhammaan dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Ka hor Mareykanka, dalal badan ayaa horey sidaas u ballan-qaaday. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumanha-Wararka-17122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inaysan wali cadaalad helin dhalinyaradii ilaalada u aheyd ee 17-kii bishan oo kale sanadkii 2017-kii lagu dilay weerarkii ay ciidamada dowladdu ku qaadeen xarunta Xisbiga Wadajir. Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay xuska dhalinyaradaas sanad walba u dhigaan in aan la iloobin iyaga oo aan wali cadaalad helin, waxa uu sheegay in kuwii dilay ay wali dalka xukumayaan, isla markaana hal mar aysan muujin garowshiyo. “Mida xusuusteena aan ka go’eyn waxay tahay oo aan rabno inaan dadka Soomaaliyeed ku heyno xusuustooda waa in dowlad magaceed wax lagu dilay, oo dad masaakiin ah oo guryahoodii iska jooga madaafiic lagu soo weeraro habeen barkii dadkaas waxaa lagu dilay magaca dowladda, dowladuna waa wax la isku darsaday oo naga dhexeeya marka wixii naga dhexeeyey ayaa anga nala ku dilay, dilkii markuu dhacayna dadkii la dilay cadaalad ma helin, oo hadii ay dadkaas cadaalad heli lahaayeen waan ka sabri laheyn” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Halkan ka Daawo
-
Somali-American Congresswoman Ilhan Omar has announced a deal was reached Tuesday to cancel Somalia’s debt but it remained unclear if the cancellation is on the arrears owed to the US by Somalia or the entire debt. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo-(Caasimada Online-Xildhibaan Cabdirashiir Xidig oo horay u sheegtay madaxweynaha garab la magacbaxay isbedel doonka ee Jubbaland ayaa qoraal uu soo dhigay bariita xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in shacabka reer Jubbaland muddo dheer ku soo jireen caburin, balse hadda la joogo markii ay ka bixi lahaayeen. Waxaan leeyahay Shacabka Jubaland Mudo dheer oo aad maamulkii hore ee Jubaland kala kulmayseen cabudhin iyo caga jugleyn Waxay saacadu dul hoganeysaa xiligii aad ku naaloon lahaydeen go,aan ka gaadhista mustaqbalkiina Jubalandna ay ka dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xidig. Cabdirashiid Xadig ayaa sidoo kale sheegay inay lagama maarmaan tahay in is bedel kla dhaco Jubbaland si ciidamadu u heleen xuquuq joogto ah ardayduna u helaan deeqaha waxbarasho oo ay helaan asaagooda. “Waa in is bedel dhacaa si Ciidamada Jubaland ay u helaan Mushaar joogta ah oo lamida midka Ciidamada kale ee dalku qaataan, Ardayduna heli lahaayeen waxbarasho dalka Iyo dibada ah,dhalinyaradu heli lahaayeen shaqooyin iyo xirfado lamida mida asagoodu helaan”ayuu Xidig sii raaciyey qoraalkiisa. Ugu danbeyntii Xildhibaan Cabdirashiid ayaa maamulka madaxweyne Axmed Madoo be ku eedeeyey inuu xarago mooday u dhoofidda Nairobi iyo ka dhuumashada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. “Maamulkii hore ee Jubaland wuxuu xarago mooday inay Nairobi u dhuuntaan oo Muqdisho ka dhuuntaan jawaabta arintan Shacabka soomaaliyeed ayaan u daynayaa: Isbedel doonka Jubaland Waxaa deeqa Doorasho xor iyo xalaal ah oo kaliya” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyey madaxweynaha garabka is bedel doonka Jubbaland Xildhibaan Cabdirashiid Xidig. Hadalka Xildhibaan Xidig ayaa ku soo aadaya iyadoo uu maanta magaalada Kismaayo kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya James Swan, kaas oo ay ka wada hadleen arimaha Jubbaland iyo ay sidii loo xalin lahaa khilaafkii ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe.
-
International partners on Tuesday called on Somalis to embrace dialogue to agree on a way forward and to cooperate to realize the priorities agreed for the year ahead. The partners including the Africa Union, UN, EU and the U.S. among others said the leaders including institutions and communities should work together provide a conducive environment for universal polls, finalize the constitution and fight al-Shabab in 2020. “Somalia’s objectives are achievable with the strong collaboration of all stakeholders and 2020 has the potential to be a historic year for Somali,” the partners said in a joint statement issued after holding consultations in the town of Kismayo. The partners who visited Jubaland, southern Somalia, in the third of a series of consultative meetings in Federal Member States said they reflected on the progress made this year and looking ahead to 2020 as a critical year for Somalia. “We are here to engage with a range of stakeholders and to hear their views on how key national priorities can be achieved in 2020,” they said. The priorities, they said, include preparations for “one-person, one-vote” elections, finalization of the Federal Constitution, continued progress towards debt relief, and the fight against al-Shabab. Somalia, with the help of AMISOM and the UN, is making urgent preparations for universal suffrage elections, which will be the first of its kind after more than two decades since the outbreak of the civil war that followed the collapse of the Somali government in 1992. According to the UN, Somalia last held one-person, one-vote elections in March 1969 when the government was overthrown in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. The partners said the political situation in Jubaland remains unsettled but noted that Jubaland and its people will have their role to play in the work to achieve Somalia’s goals in 2020, adding that they did not wish their views to be overlooked. The partners said the visit afforded them the opportunity to understand directly from the stakeholders in Jubaland the issues that continue to divide them and what solutions may be possible through dialogue, pragmatism and compromise, and prioritization of the national interest. “Without a peaceful resolution, the Jubaland situation poses risks for achievement of critical national priorities. We are grateful to the representatives we met for sharing their ideas,” they said. Enditem View the full article
-
A 2-day national seminar on the Role of Trade Unions in Somalia’s Constitutional Review Process was yesterday concluded in Mogadishu, bringing together more than 30 trade union representatives and leaders from 12 affiliated unions of the Federation of Somali Trade Unions (FESTU). The seminar, which was supported by the Italian Agency for Development Cooperation (AICS) and the UN’s specialised agency for labour – International Labour Organisation (ILO), gave the workers’ representatives of Somalia an overview of the current status of constitutional reform, the ongoing processes, and the different avenues for providing inputs. The seminar also reviewed the current provisions that guarantee labour relations, freedom of association, and freedom of expression. The first day, 15 December, was dedicated to internal discussions between the trade unions and senior experts from the Ministry of Constitutional Affairs led by its Director General Mohamed Abukar Zubeyr. Unions representatives finally came up a charter of demands for the trade unions and key principles that need to be adhered to during the constitutional review process. The second day, 16 December, was devoted to interactive discussions with senior officials in charge of constitutional affairs and the government, with the aim of ensuring collective understanding of the interests and demands of workers. Trade unions deliberated extensively and adopted key principles that should be applied during the constitutional reform process, along with 16 demands that concern and speak to the interests and aspirations of workers. These must be enshrined in the new permanent constitution of Somalia. The Federal Minister of Labour and Social Affairs, Sadik Hirsi Warfa, recognised the two days of extensive discussions by the trade unions as timely and important for the protection of the fundamental rights of workers of Somalia. He welcomed and threw his support behind the 16 demands from the trade unions, and committed to championing their inclusion in the new permanent constitution. “When workers are at peace, there is social peace in the whole country is at peace. On behalf of the government, let me make it clear that workers must be safeguarded in the next constitution and we shall do everything we can to ensure these rights are constitutionally protected and any law that contradicts this constitution shall be null and void”. Ambassador of Italy to Somalia, Albert Vecchi, expressed the commitment of the Italian government in supporting Somalia’s democratisation route. Italy’s direct support of this seminar underscores its commitment to inspire civic organisations like trade unions to engage and discuss issues of public interests. Ambassador Vecchi applauded the paradigm shift that Minister Warfa led in bringing together the government, workers and employers to promote social dialogue and harmony in rebuilding the Somali nation. Omar Faruk Osman, General Secretary of FESTU stressed that “It is perfectly legitimate and indispensable for the working people of this country to have a say in the constitution-making process because the majority of those this constitution will impact are workers and their interests, inputs and concerns must be taken into thoughtful consideration. The current provisional constitution contains progressive clauses for human and trade union rights but we need to safeguard these current provisions and other progressive clauses to be integrated.” Director General of Ministry of Constitutional Affairs received the proposed principles and Charter of Demands and committed to taking them into account. Professor Isse Halane, Deputy Director of Somali Chamber of Commerce and Industry supported the Charter of Demands, adding that they are progressive insertions that employers also support. ENDS View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay dayn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo. Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen. Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka. Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo. Arimaha Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan isla markana wax badan laga qabtay sidii midnimada iyo wadajirka Bulshada loo adkayn lahaa taas oo dadka shacabka ah iyo Xukuumada Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen isagoo xusay in fataahada wabiga Jubba ay meelo kamid ah Jubbaland saamayn ku yeesheen waxaana beesha caalamka uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay xaaladahaasi sameeyeen. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qaybqadanayeen dayn cafinta Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka Doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sidii loogu midoobi lahaa. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guriga martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, xubno ka socday midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen Jubbaland, doorashada 2020, Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay deyn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qaaabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo. Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen. Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tirakoob sax ah, dhameystirka dastuurka, arrimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka. Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo. Arimaha Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan isla markana wax badan laga qabtay sidii midnimada iyo wadajirka Bulshada loo adkayn lahaa taas oo dadka shacabka ah iyo Xukuumada Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen isagoo xusay in fataahada wabiga Jubba ay meelo kamid ah Jubbaland saamayn ku yeesheen waxaana beesha caalamka uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay xaaladahaasi sameeyeen. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qaybqadanayeen dayn cafinta Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka Doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sidii loogu midoobi lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-17122019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay kulankii wafdi ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminayey ay maanta magaalada Kismaayo kula yeesheen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Qoraalka James Swan oo matalayey beesha caalamka ayaa lagu sheegay in kaalinta Jubaland ay hadafyada Soomaaliya ee 2020 aan la iska indha tiri karin. “Xaaladda siyaasadeed ee Jubaland weli waa mid aan saldhigin, hase yeeshee Jubaland iyo dadkeeda waxay kaalin ku yeelan doonaan shaqada loogu guuleysanayo hadafyada Soomaaliya ee 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM. “Ma dooneyn in fikradaha dadka Jubaland la iska indha-tiro” ayuu qoraalka intaas ku daray. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in booqashadii maanta ay ahayd fursad si toos ah looga dhageysto saamileyda siyaasadeed ee Jubaland arrimaha kala qeybinaya iyo xalka loo heli karo, ayada oo loo marayo wada-hadallo iyo isu-tanaasul. James Swan waxa uu intaas ku daray in haddii aan xal laga gaarin ay xalaadda Jubaland halis ku noqon karto sidii loogu guuleysan lahaa ahmiyadaha qaranka. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wafdigii maanta Kismaayo tagay u caddeeyey in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho qof-iyo-cod ah, taasi oo ayideysa ra’yiga xildhibaanada, maamul goboleedyada kale, iyo inta badan shacabka Soomaaliyeed.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira kormeerka sannadlaha ah ee mashruuca JPLG, ayaa maanta kormeer ku tegay, mashaariicda horumarineed ee Dawladda hoose ee Hargeysa ka waddo gudaha Caasimadda Hareysa. Madaxweyne ku xigeenka ayaa tegay Iskuulo kala duwan kuwaasi oo Dawladda hoose ee Hargeysa ay wax badan ka qabatay dhanka dhismayaasha iyo qalabaynta, sidoo kalena waxa uu booqday Xarumo caafimaad, kuwaas oo ku yaala Degmooyinka kala duwan ee Caasimadda isla markaana ay Dawladda hoose dhistay kuwo kalena ay dhismayaal ku kordhisay, iyadoo kaashanaysa mashruuca maamul daadejinta ee JPLG, sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeerkiisa ku tegay Waddada Xaafada Siinay ee Degmada Axmed Dhagax, taasi oo ay dhawaan Dawladda hoose ee Hargeysa bilowday dhismaheeda wakhtigana meel fiican maraysa. Ka dib markii uu kormeerkaasi soo dhammaaday waxaa waftiga Madaxweyne ku xigeenku xogwaraysi kula yeesheen maamulka Dawladda hoose isla xarunta Dawladda hoose ee Hargeysa, halkaasi oo lagu eegayey qorshaha wajiga saddexaad ee mashruuca JPLGka ee ay dawladda hoose ku wajihi doonto hannaanka maamul daadejinta. Madaxweyne ku xigeenka oo geba-gebadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa farxad weyn maanta noo ah inaan joogno Dawladdii hoose ee Caasimadda Hargeysa, magaaladii ugu dadka badnayd uguna weynayd Somaliland, kormeerkayagii sannadlaha ahaa oo aanu ugu kuur gelaynay mashruuca JPLG iyo guud ahaan waxqabadka dawladaha hoose” Isagoo Madaxweyne ku xigeenku hadalkiisa sii wata waxa uu xusay inay Degamda Hargeysa wax badan ka qabatay baahiyaha aasaasiga ah ee waxbarashada waxaana uu yidhi “Iyadoo aan soo marnay dhulkii wax laga qabtay oo maamul daadejintii maanta arrimaha ugu mudan ee kormeerkan uu ka kow yahay oo addeegyadii aasaasiga ahaa ee dadka loo hayey ee dastuurkeenu cadaynayaye in loo dhaadhiciyo , hoos loo daadejiyo oo la gaadhsiiyo dadkii u baahnaa ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashada oo degmadii Hargeysa waxbarashadii runtii tallaabo aad iyo aad weyn iyadoo hal sanno iyo dhawr bilood ku jirta ay qaaday, aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa marka hore maamulka degmada Hargeysa” Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
By: Abdullahi Alas Over the last 10 years, Somalia has made tremendous improvement in building government institutions and restructuring security forces. Mohamed Abdullahi Farmajo’s government has secured the capital Mogadishu. Banks have opened and investment is growing. The main economic activities are agriculture and the services sector. Somalia is preparing for a presidential election next year. What are the prospects and practicality of conducting a free and fair election in the horn of Africa nation? Conducting an election in a country like Somalia is a huge task—for government institutions and the people. Popular elections have been held in Somalia only twice in 50 years—in 1964 and 1969. Since their first meeting in Arta, Djibouti, in 2000, Somalis have exercised a clan power-sharing model. This was a temporary measure to help the transitional government prepare the country for a one-person one-vote election. Farmajo’s election was conducted in the airport complex in Mogadishu, as it was too dangerous in the rest of the country. Since the Arta conference adopted the 4.5 power-sharing system, Somalia’s two highest political offices—president and prime minister—have been held by only two clans. Addressing the UN Security Council on November 21, 2019, in New York, the chairperson of the National Independent Electoral Commission, Halima Ismail Ibrahim, emphasised the need to support the rights of Somali people to political participation. “I want to remind the distinguished members of the Council that 2020 is a pivotal year for Somalia’s citizens whose rights to political participation have been denied for 50 years and also it will be a milestone for the international community who have been investing heavily in Somalia for several decades to introduce and promote democracy and good governance,” she said. Somalia has an estimated population of 12 million, many of whom live outside the country; Somaliland is autonomous, and 2-3 million others are refugees in other countries. The Farmajo led-government has been struggling to be in the good books of the federal states of Somalia. It has yet to recognise the election of President Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe) in Jubaland. Al Shabaab is estimated to have between 7,000 and 9,000 fighters in Somalia, according to the BBC. Al Shabaab continues to carry out attacks in Somalia and neighbouring Kenya, killing civilians. The militants also continue to target the Somali state and African Union Mission in Somalia (Amisom) forces. According to the Council of Foreign Relations, the United States has pursued a two-pronged approach in Somalia—by providing financial and logistical support to Amisom and conducting counterterrorism operations, including drone strikes and special operations forces raids, against al Shabaab militants. It was reported that 150 militants were killed by a US strike at a training camp north of Mogadishu in 2016. The US continues to carry out airstrikes against the militants. Given these circumstances, therefore, it would be difficult for Mogadishu to conduct a free and fair election. Al Shabaab controls part of Bay and Bakool as well as parts of Gedo. With weak institutions and lack of properly trained electoral officials (those available have little skill in election infrastructure, let alone the capacity to do mapping), Somalia’s ability to exercise universal suffrage is still a distant mirage. Without proper electoral laws and funds, it remains to be seen how the Farmajo led-government will conduct a popular election in Somalia. It is estimated that the National Independent Electoral Commission needs $53 million (Sh5.4 billion) for the election by December 2019. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mida mudanayaasha golaha wakiiladda, ayaa ku taliyey hadii ay noqotay in la soo celiyo guddidi hore doorashooyinka, in isna la soo celiyo madaxweynihi hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
