-
Content Count
214,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe heshiis hor-dhac ah kula gashay shirkad Shiineys ah. Qoraal kooban oo farteeda Fecebook soo dhigtay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo shirkadda Frontier Services Group oo Shiinaha laga leeyahay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo lagu hormarinayo garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Marka laga yimaado warka Madaxtootada, warar madax bannaan waxay sheegayaan in shirkadda Frontier Services Group lagu wareejin doono garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, taas oo hadda ka dib maamuli doonta. Frontier Services Group Limited waa shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Hong Kong, waxayna ka shaqeysa amniga garoomada, saadka iyo ganacsiga macluumaadka. Shirkaddan ayaa inta badan ka shaqeysa ganacsiga Afrika iyo Yurub, waxayna ku lug leedahay bixinta suuq geynta iyo adeegyada horumarinta ganacsiga, iyo sidoo kale bixinta adeegyada xamuulka rarka. Frontier Services Group Limited waxaa asaasay Erik Prince oo ahaa madaxii hore ee Blackwater. Puntland ayaa sidaan oo kale dhawaan shirkad Imaaraad ah ku heshiis kula gashay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso. PUMTLAND POST The post Puntland oo garoonka diyaaradaha Garowe heshiis kula gashay shirkad Shiineys ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose. “Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoogga saareynay in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqaan ee socda.” Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo. Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-30112019-sax.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalaeda Dhuusamareeb, waxaa shalay halkaas soo gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo ujeedkoodu yahay iney xoojiyaan ciidamadii AMISOM ee horay halkaas u joogay. Xogo wareedka la helayo ayaa tilmaamaya in xarunta maamulka Galmudug ayaa haatan si weyn u maamulayaan ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugan xarumaha ugu muhiimsan oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha. Xubin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna oo ku sugan Dhuusmaareeb isla markaana aysan suuragalin in magaciisa la helo ayaa ku abaal sheegtay ciidamada Itoobiya, wuxuuna carabka ku adkeeyay iney sanado badan xuduudka uu gobolka la leeyahay Itoobiya ka difaacayeen Al-Shabaab. Wuxuuna aaminsan yahay ineysan ciidamada Itoobiyaanku ku abaal dhaceynin wixii ay u faleen. Sidoo kale warbixinada laga helayo Dhuusamareeb waxey sheegayaan in dowladda Federaalka ay hab siyaasi ah u maamulayaan howlaha ka socda, waxeyna arrintaan imaaneysaa xilli ay qeylo dhaan durba bilaabeen xildhibaanada iyo musharaxiinta mucaaradka. Cabdisa ugu weyn ee ay qabaan dadka reer Dhuusamareeb, mucaaradka, Ahlu Sunna iyo qeybaha kale ee aan ku qanacsaneyn siyaasadda Dowladda waxey tahay iney dhacaan wixii ka dhacay December 2018 magaalada Baydhabo.
-
BURCO (HOL) - A 13-year-old boy and a girl of similar age ‘tied the knot’ Friday in Burco in Somaliland to become a husband and wife generating widespread reaction in the social media. Source: Hiiraan Online
-
BURCO (HOL) - A 13-year-old boy and a girl of similar age ‘tied the knot’ Friday in Burco in Somaliland to become a husband and wife generating widespread reaction in the social media. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in xaafadda Warshada caanaha ee Degmada Hodan ee magaalada Muqddisho lagu dilay Jeneraal ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya. Jeneraalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey, waxaana warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan qaabk dilka uu u dhacay. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay qofka dilka gaystay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo Jeneraalka ay wada murmeen sidaasina lagu qabtay, balse weli lama xaqiijin karo. Goobta dilka uu ka dhacay oo ah guriga Jeneraalka ayaa hadda waxaa gaaray Ciidamada dowladda gaar ahaan Booliska oo halkaasi baaritaan ka wada. Jeneraal Cagey ayaa muddo wuxuu ka soo shaqeey Gobolka Shabellaha hoose
-
Wararkii ugu dambeeyey ee ay Goobjoog News ka hesho magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in shalay ay magaalada soo gaareen ciidamo Itoobiyaan oo xoojinaya qaar isla dalkaasi ah oo horay u sii joogay. Weriyaha Goobjoog News ee gobolka ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ku yimaadeen ilaa 6 gaari, mid booyad ah , 2 gaari oo saadka ah iyo 2 kale Uuraal ah, kuwaas oo ujeedkoodu yahay xoojinta ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh xarunta Dhuusamareeb. Ilo kala duwan ayaa sidoo kale noo sheegay in Xabashida ay la wareegeen goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka iyo xarumo kale oo ay joogaan dowladda federaalka ah. Mas’uul ka tirsan Ahlu sunna oo codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa Goobjoog News u sheegay in Itoobiyaanka ay ogyihiin cidda waxtarka u leh iyaga iyo DF isaga oo intaasi ku daray in 12 sano ay Ahlu sunna ka difaaceysay Adis Ababa kooxda Al-shabaab gaar ahaan xadka min Matabaan ilaa Dhuusamareeb. “Kama sugeyno abaaldhac iyo in maanta naloo adeegsado” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey. Dhinaca kale, Xilli murashaxiinta madaxtinimada ee ka socda dhanka mucaaradka iyo madax kale oo diidan maamulka Villada ay qeylinayaan, Nabad iyo Nolol waxaa ay wadataa shaqadeeda, mar hore ayey odeyaashii saxiixayaasha ee Galmudug gudbiyeen xildhibaannadii ay beel walbo qoondo u laheyd, weliba odeyaasha iyo xildhibaannada la gudbiyey waa arrin maamulkeeda ay gacanta ku hayaan saraakiil ay dowladda federaalka ah wadato, oo ka tagay Xamar, mana jirto hufnaan, madaxbannaani iyo la socod kale. Aqoonyahan, saxafiyiin, Ahlu sunna iyo dadkii aan maanta kala hadlay Dhuusamareeb waxaa ay isku raaceen in Dowladda federaalka ah aaney hadda u baahneynba adeegsiga xoog sidii magaalada Baydhabo ee December 2018, markii aan sababta weydiiyana waxaa uu biya dhaca hadalkoodu ahaa iney muuqato in Villa Somalia ay ku guuleysatay xulista xildhibaanno ku yimid rabitaankeeda, si ay u fuliyaan ujeedka. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye. Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Caasimadda Online) Odayaasha dhaqanka oo ay wehlinayaan wax-garadka reer Cadaado ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey go’aan kaga gaareen doorkooda ku aadan xulista xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug. kulanka waxaa kasoo baxay war-saxaafadeed ay ku xaqiijiyeen ineysan cidna u matalin xubnaha odayaasha ee ay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya soo bandhigtay. Sidoo kale war-saxaafadeedka wuxuu ku qotomay in dowladda Federaalka la ogeysiiyo iney wali jiraan tabashooyin, sidaas darteed aysan ka qeyb gali doonin xulista xildhibaanada inta laga xalinayo. Wararka waxey intaas ku darayaan in kulanka kulmiyay dhinacyada kala duwan ee dadka dega Cadaado ay ugu weyn tahay iney doonayaan in loo xaqiijiyo hadii ay magaalada Cadaado sii ahaaneyso xarunta Baarlamaanka iyo sidoo kale cabasho ay ka yahiin inaan gabi ahaan lagala tashan waxa socda. Maanta ayey aheyd markii dowladda Federaalka ay isku soo aruurisay odayaal la sheegay iney soo xuli doonaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug. Doorashada Galmudug ayaa la filayaa in la qabto bisha December, waana mid isha lagu wada hayo maadaama mucaaradku ay durba sheeganayaan in faragalin shisheeye laga dareemayo deegaanada Galmudug.
-
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo ka hadlayey shirka IGAD ee ka socda Addis Ababa ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyey dalal ay ku jirto Soomaaliya Abiy Ahmed ayaa xusay in dalalkaasi ay kaalin muuqata ka qaateen dhinaca maamulka, siyaasadda iyo ka hortagga xiisado colaadeed oo hor leh, kuwaas oo ka dhaca gobolka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa uga mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD sida ay xarunta ururka ugu aqoonsadeen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Abiy ayaa sidoo kale sheegay inuu kala shaqeyn doono howlaha horumarineed ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa kaalin ka qaadatay nabadeynta gobolka, maadaama la xusuusto doorka ay ku laheyn dib u soo celinta xiriirka Eretria iyo Itoobiya. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta. Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen. Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xarigga labadaasi nabaddoon aan sifo sharciya loo soo marin, isagoo cambaareeyay sida uu sheegay in loola dhaqmay markii la xirayey. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari, oo diiday in la xigto magacyadooda, ayaa sheegay in labada nabaddoon ay hadda ku jiraan xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
-
Waxaa saacadaha soo socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku wajahan xildhibaano ka tirsan labado gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari). Sidoo kale xubnaha labada gole ee ku wehlinaya socdaalkan ayaa kala ah, Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)J awaahir Axmed Cilmi, Dhagay Geele Ugaas, Saciid Nuur (Gariish) iyo Mustafa Sheekh (Dhuxulow). Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay dhex dhexaadin lahaayeen dhinacyada weli isku haya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha December ee beri bilaabaneyso, iyadoo baarlamaan iyo madaxweyne cusub la dooran doono. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ay uga qeyb galay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD. Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan. View the full article
-
Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, oo wareysi kooban siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo qabtay laba nabaddoon oo xalay iyo saaka lagu xiray gudaha Boosaaso. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta. Caaqilka ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xarigga labadaasi nabaddoon aan sifo sharciya loo soo marin, isagoo cambaareeyay sida uu sheegay in loola dhaqmay markii la xirayey. Hoos ka dhageyso wareysiga PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Sida loo qabtay Nabaddoonada lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa markale ku celiyey in ciidamadiisa qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM aysan ka bixi doonin Soomaaliya, ilaa la helo nabad waarta. Madaxweyne Uhuru ayaa sidaasi yiri mar uu ku sugnaa xero lagu carbiyo milatariga dalkaasi oo ku taalla magaalada Nakuru oo ah tan afaraad ee ugu weyn dalka Kenya. Inta ay jirto ayuu yiri madaxweyne Kenyatta khatarta Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka in ciidamadiisa ay sii laba jibaari doonaan howgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay qeyb libaax leh ka qaadanayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa Soomaaliya, islamarkaana loo wiiqi lahaa awoodooda, si nabad ay u helaan dalalka dariska. Ciidamada milatariga ee Kenya aya markii ugu hoRreysay Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, kadib weeraro isbada joog oo uga yimid dhinaca Al-Shabaab,walow markii dambe si rasmi ah ay uga mid noqdeen ciidamada Kenya howkgalka AMISOM ee Soomaaliya View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Sacuudi Carbaiya ayaan weli wax jawaab ah kasoo bixin safiir ay xukuumadda Federaalka u magacowda dalkaas muddo ku dhaw lix bilood ka hor. Warbaahinta gudaha oo xiganeysa mid ka mid ah dadka u dhaw xukuumadda ayaa shaacisay in Sacuudi Carbiya ay qaaday tallaabo diidmo ah, inkastoo ayna jawaab usoo dirin, haddana aamusnaantooda waxa ay si diblomaasiyan ah u dhigantaa sida la fahamsan yahay diidmo. Saraakiil kala duwan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Sacuudiga ay si cad u diideen safiirka la magacaabay maadaama ayna jawaab kusoo bixin muddo 90 maalmood gudahood ah, oo ah waqtiga ugu badnaan la sugo in laga falceliyo digreetooyinka noocan ah. Xidhiidhka u dhaxeeya labada dowladood ayaa la dareemayaa inuu hoos u dhacay tan iyo markii uu dilaacay khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka Carabta, waxaana la fahamsan yahay in Sacuudiga aanu ku qancin sida ay Soomaaliya ugu dhawdahay dowladda Qatar oo ay xidhiidhka u jareen isaga iyo isbaheygisiiga. Cabdiakiin Xasan Ashkir ayaa digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay inuu yahay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, balse digreetadu ma noqon mid la aqbalo iyadoo dhawr jeer ay safaro halkaas ku aadeen saraakiil sar sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan si ay arinta u xaliyaan basle lagu guuldareystay. Soomaaliya waxay qiratay iney mowqifka khilaafka Khaliijka Carabta dhex-dhexaad ka tahay, hadana waxey dadka siyaasadda falanqeeya fahamsan yahiin inay dhanka Qatar u jilicsan tahay Source
-
Guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay odayaasha soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulkaasi. Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha soo xulista baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Galmudug. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku afgarteen in la xoojiyo wada shaqeyntooda, lana dadajiyo howlaha doorashada maamulkaasi. Bisha December ee beri noo bilaabaneyso ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweyne ee maamulka Galmudug. View the full article
-
Riyad (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carbaiya ayaan weli wax jawaab ah kasoo bixin safiir ay xukuumadda Federaalka u magacowda dalkaas muddo ku dhaw lix bilood ka hor. Warbaahinta gudaha oo xiganeysa mid ka mid ah dadka u dhaw xukuumadda ayaa shaacisay in Sacuudi Carbiya ay qaaday tallaabo diidmo ah, inkastoo aysan jawaab usoo dirin, haddana aamusnaantooda waxey si diblomaasiyan ah u dhigantaa sida la fahamsan yahay diidmo. Saraakiil kala duwan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Sacuudiga ay si cad u diideen safiirka la magacaabay maadaama aysan jawaab kusoo bixin muddo 90 maalmood gudahood ah, oo ah waqtiga ugu badnaan la sugo in laga falceliyo digreetooyinka nucaan ah. Xiriirka u dhaxeeya labada dowladood ayaa la dareemayaa inuu hoos u dhacay tan iyo markii uu dilaacay khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka Carabta, waxaana la fahamsan yahay in Sacuudiga uusan ku qancin sida ay Somaliya ugu dhawdahay dowladda Qatar oo ay xiriirka u jareen isaga iyo isbaheygisiiga. Cabdiakiin Xasan Ashkir ayaa digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay inuu yahay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, balse digreetadu ma noqon mid la aqbalo iyadoo dhawr jeer ay safaro halkaas ku aadeen saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan si ay arinta u xaliyaan basle lagu guuldareystay. Soomaaliya waxey qiratay iney mowqifka khilaafka Khaliijka Carabta dhex-dhexaad ka tahay, hadana waxey dadka siyaasadda falanqeeya fahamsan yahiin iney dhanka Qatar u jilicsan tahay.
-
Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka dhaqaaqaeen dhanka deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa ujeedka ku sheegay inuu la xariiro sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi. Xaaladda aya ah mid kacsan, waxaana haatan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xariirya in dagaal uu ka qarxo halkaasi. View the full article
-
Popular Contributors
