Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Saqda dhexe ee habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore waxaa kulan xasaasi ah Villa Somalia ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulankaan oo ahaa kii ugu adkaa ee dhaca waayihii dambe islamarkaana dhaxmara hogaamiyaashaan ayaa salka ku haayay doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadka 2020-ka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u yeeray labadaan mas’uul, waxa uuna guddoomiye Mursal ku wargeliyay in aysan Villa Somalia aqbali karin sharciga doorashooyinka oo ay diyaariyeen guddiga golaha Shacabka ee sharciga doorashooyinka. Farmaajo ayaa ka soo horjeestay in madaxweynaha ay doortaan labada ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 89-aad ee dastuurka, balse waxa uu sheegay in doorashada soo socoto madaxweynaha ku imaan doono doorasho dadweyne. Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in uusan sidaas qabin dastuurka islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto. Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn. Dhinacyada ayaa la sheegay in ay isku fahmi waayeen kulankii ka dhacay Villa Somalia ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin Itoobiya. Lama oga sida ay ku dambeen doonto xaaladda siyaasadeed ee dhinacyadaan ka dhax bilaawday. Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inaysan xildhibaano dooran madaxweynaha xiga, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo aan la dooran doonin, maadaama beesha caalamku goobjoog ka noqoneyso, oo uusan wax ku shubasho ah sameyn karin. Doorasho qof iyo cod ah, kama dhici karto Soomaaliya xaaladda jirta, hase yeeshee madaxweynaha ayaa doonaya in shacab dhowr kun ah meel la isgu keeno, oo ay matalaan Soomaalida oo dhan, sidaasna lagu doorto madaxweynaha. Wuxuu rumeysan yahay in haddi ay sidaas dhacdo uu awoodi karo in taageerayaashiisa un uu soo ururiyo oo ay ayaga codeeyaan.
  2. Jilib (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Jubada dhexe. Duqeynta oo isku mar dhacday ayaa la sheegay in lala beegsaday laba fariisin oo muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Jilib duqeyntii ka dhacday lagu baabi’ayey goob Al-Shabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weerarada dagaalamayaasha. Sidoo kale Jilib duqeynta ka dhacday ayey saraakiishu sheegeen in lala beegsaday guri la aaminsan yahay in uu daganaa mid kamid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab lamana hubo wixii ka dhashay oo khasaare ah. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sidoo kale shalay gelinkii dambe sheegay in duqeyn lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku sugan degmada Jilib. Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta Mareykanka ay sheegeen, waxaana AFRCOM ay sheegtay inay weli qiimeynayaan. Goob joogayaal ayaa sidoo kale warbaahinta u gudaha u sheegay in ay diyaarado dagaal duqeeyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubada dhexe, duqeyntaas oo aan ilaa hada la soo sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay. Dhowr jeer oo hore ayaa la sidaan oo kale diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan ka geesteen Jubbooyinka waxaana mararka qaar ka dhasha dhimasho iyo dhaawac badan.
  3. Just months after winning the Nobel Peace Prize, Ethiopia’s reformist Prime Minister Abiy Ahmed is fighting accusations of is interfering with the affairs of neighbouring countries. Source: Hiiraan Online
  4. Reigning European champions Portugal will come up against World Cup winners France and Germany in the standout group at Euro 2020 following Saturday’s draw for the tournament in Bucharest, as England came out alongside Croatia. Source: Hiiraan Online
  5. Unrest spreads after security forces fire on protesters and anger at Tehran’s influence increases Source: Hiiraan Online
  6. Turkish parliament speaker attends opening ceremony of Abdulhamid Han II Mosque Source: Hiiraan Online
  7. The Saudi Fund for Development (SFD) recently signed an agreement for a grant package worth over USD $9 million to fund the design and construction of a water distribution network Source: Hiiraan Online
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa si faahfaahsan u sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, taasi oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo ka dib markii ay mudaharaad kala hor yimaadeen culimada Suufiyada. Sheekh Umal ayaa sheegay in baaqashada muxaadardaas ay isku baheysteen una midoobeen inay ka hor yimaadeen afar koox oo kala duwan. ” Soomaali Shiicawday, qolyo mawjadii kacdaba fuusha oo kursi ka dhex raadiya, daddana Al-Shabaab iyo Suufiyo isu yimid, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto. Sheek Umal oo si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhex-galaan. “Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, war siyaasiyoow muxaadaro la dhigayo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga tago.” Ayuu yiri Sheekh Umal. Gabagabadii Sheekh Umal ayaa ka sheekeeyay dhibaatada baraha bulshadu keeneen, iyo dadka badan ee Soomaaliyeed ee sida qaldan wixii lasoo geliyo u qaata, waxaana uu sheegay in dhowr waxyoobood oo dhacay mudadii uu joogay magaalada Muqdisho laga been sheegay.
  9. Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ay nawaaxiga degmada Baardheere ee gobolkaasi ku dileen Lix xubnood oo ka tirsanaa dagaallamayaasha Al-Shabaab. Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdullaahi oo taliye u ah ciidanka ku sugan degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in weerar ay iyagu qaadeen kadib markii ay xog ka heleen Dadka degaanka. “Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waxaanu halkaasi kaga dilnay Lix xubnood” ayuu yiri Cali. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka dowladdu ay halkaasi ku gubeen laba kamid ah gaadiidka nooca dagaalka ah oo Shabaabku wateen isagoo xusay degaanka laga saaray Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu laayay gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  10. Istanbul (Caasimada Online) – Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa si adag u weeraray dhigiisa dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasi oo ku tilmaamay mid la il daran xanuunka dila maskaxda. Erdogan ayaa Macron ugu baaqay in uu arko dhakhtar si wax looga qabto jirada maskaxeed, kadib markii uu shalay Erdogan ka jawaab celiyay hadalo dhowaan ka soo yeeray Macron oo ku aadanaa kasii mid ahaanshaha Turkiga ee Isbaheysiga NATO. Madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu ka jeedinayay Jimcihii Jaamacada Marmara ee magaalada Istanbul, wuxuuu si toos ah u abaaray madaxweynaha Faransiiska, Macron, wuxuuna yiri “Mudane Macron, fiiri hadda waxan ka hadlayaa Turkiga, waxaan sidoo kale hadalkan ka dhihi doona NATO, waa inaad ugu horeynta soo baarta maskaxdaada dhimatay!”. “Wax ka galay miyaa jirra arrimaha ka saarida Turkiga ee NATO, ama ka sii mid noqoshadeeda?, Awoodna ma u leedahay in aad ka go’aan gaarto go’aamadaasi oo kale?” ayuu yiri Erdogan, isagoo su’aal toos ah u diraya Macron. Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Faransiisku wuxuu iska indho tirayaa wel-welka uu ka qabo Turkiga ee Suuriya, isagoo isku dayaya in uu raad ku yeesho wadankaasi”. Madaxweyne Erdogan ayaa si adag ugu dhaliilay Emmanuel Marco inuu wado faan cidlo ah, xili uu gabay dalkiisu dhamaan waajibaadkii uu uga baahnaa Isbaaheysiga NATO. “Adigu (Macron) ma gudatid waajibaadka lagaaga baahanyahay ee ka saaran Isbaheysiga, Mana bixisid lacagta kugu waajibtay ee NATO, ugu dambeyntiina waad faaneysa!” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Hadalkan Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu jawaab adag u noqonayaa hadalkii khamiistii uu Macron ku dhaleeceyay howlgaladii Millater ee Turkigu ka fuliyay bishii la soo dhaafay waqooyiga barri ee dalka Suuriya, iyo soo jeedintiisi ku aadaneyd in Turkiga laga saaro NATO.
  11. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, oo ka duulaysa yoolkeeda Tayeynta Waxarashada, ayaa Tababar mudda afar maalmood ah socon doona u furtay, qaar kamid ah Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda. Tababarka waxaa lagu baran doonaa casharro la xiriira Qiimaynta akhriska fasallada hore, Qiimayn tirinta iyo xisaabta fasallada hore, Ururinta iyo Saafidda xogta Qorrida warbixinnada iyo wacyigelinta bulshada si loo helo arday mideysan laguna dhiirri-geliyo waxbarashada iyo wax-tarkeeda. Tababarkan, waxa wasaaradda ka taageeraya, hay’adda UNICEF Mashruuca GPE, waxaana Tababarka bixinaya Macallimiin ka socda Waaxda Tayeyntan, Kormeerka iyo Manaahijta ee Wasaaradda. Agaasimaha Waaxda Tayo-dhawrka iyo Kormeerka, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo ka hadlay ujeedka tababarkan iyo muhiimadda uu leeyahay, ayaa sheegay ujeedkiisu yahay in shaqaalaha lagu hubeeyo aqoonta iyo xirfadda qiimaynta waxbarashada. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddda Waxbarashada Puntland, Bashiir Jaamac Maxamed oo furay Tababarka Shaqaalaha Wasaaradda, ayaa sheegay in loo baahanyahay sare u qaadidda Tayada Waxbarshada, isagoo ku boorriyay shaqaalaha fursadda u helay in ay wixii ay ka bartaan ay la wadaagaan shaqaalaha kale ee aan fursadda u helin. “Waxaan filayaa in afarta maalmood wax badan ay kasoo bixi doonaan, insha Allah, wixii kasoo baxana waxaan filaa in aad la wadaagtaan Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada iyo shaqaalaheeda kale”ayuu yiri Wasiirka. Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Bashiir Jaamac Maxamed ahna ku-simaha Wasiirka, ayaa sheegay in Tayada Waxbarashada kor loo qaadi karo haddii la helo Saacado waxabarashada ku filan, Macallin fiican, Goob Fiican, Manhaj tayo leh iyo Jadwal shaqo. Ugu dambeyntii, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Bashiir Jaamac Maxamed ayaa u mahad celiyey Hay’adda Unicef oo mar walba garab taagan taageeridda Arrimaha Waxbarashada Puntland. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Tababar u furtay Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda appeared first on Puntland Post.
  12. Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo ku sugan degmada Xiingalool ayaa si kulul u cambaareeyay xariga magaalada Boosaaso loogu gaystay laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo xukuumadda Puntland ku dhaliilay Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso iyo sidoo kale heshiisyo cusub oo ay sheegeen in ay Imaaraadka ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale. Mudane Dhoobo ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uu xaq u siinayo muwaaddiniinta in ay dhaliilo u jeedin karaan dowladda iyo ay si xor ah u muujin karaan fikirkooda iyo ra’yiga ay ka aaminsan yihiin hadba wixii taagan sidaasi darteedna ay sharci-darro tahay in fikirkooda loo xiro. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan ceebo horay ay xukuumaddu u gaysatay oo aan weli la isaga imaan haddana ay ku sii socoto xarig iyo cabburin loo gaysanayo qof kasta oo dhaliilsan arrimaha qaldan. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Dhoobo-daareed oo si kulul u cambaareeyay xarigga Nabaddoonada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  13. London (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhimashada lahaa ee uu Jimcihii magaalada London ka fuliyey nin ku hubeysnaa mindi, kaasi oo booliiska ay dileen. Daacish ayaa mas’uuliyadda weerarkan ku sheegatay wakaaladdeeda wararka ee Amaq News. “Qofka fuliyey weerarkii London…waxa uu ahaa dagaal yahan ka tirsan kooxda Daacish, wuxuuna u fuliyey isaga oo uga jawaabaya shacabka ay dalalka xulufada ah beegsanayaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda, oo dalalka isbahaysiga ula jeeda kuwa weerarada duqeymaha la beegsada dagaalyahanada kooxdan ee dalalka Iraq iyo Syria. Booliska Britain ayaa sabtidii sheegay in weli “aysan jirin wax caddeymo ah” oo soo jeedinaya in cid aan ka ahayn ninka weerarka fuliyey ee la dilay ay ku lug lahayd, inkasta oo baaritaanka uu weli socdo. Booliska ayaa rumeysan in weerarka uu fuliyey 28 jir lagu magacaabo Usman Khan, kaasi oo toogasho ay ku dileen booliska. Ninkan ayaa horey waxaa loogu xiray “dambiyo” argagixisanimo. Khan oo xirnaa jaakad qaraxda oo been abuur ah ayaa mindida la dhacay dad marayey Buundada London, waxaana uu dilay laba qof, ayada oo saddex kale ay dhaawacmeen, ka hor inta aysan booliska isaga toogan. Khan ayaa waxaa sanaddii 2012 lagu xukumay sideed sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi inuu ku lug lahaa shirqool lagu qarxin lahaa Suuq Is-waydaarsiga Samiiyada ee London.
  14. Farmaajo xaaladda Jubbaland in uu waanwaan iyo wada hadal ku dayo wuxuu ka doorbiday in uu dagaal ku muquuniyo, maamulkaas oo ka mid ah kuwa ugu deggan Soomaaliya. Kismaayo caasimadda maamul gobolleedku waxay ka fayowdahay qaraxyada joogtada ka ah Xamar iyo agagaarka madaxtooyada iyo waliba dilalka qorshaysan ee maalin walba ka dhaca caasimadda dawladda Federaalka, Shabaabku cashuur kama qaado dekedda Kismaayo halka ay dekedda Xamar ka urursadaan lacago ka badan inta xukumadda Farmaajo ka hesho; Kismaayo kama jiro dhul ka madax bannaan maamulka Jubbaland oo dawlado kale ka taliyaan sida: xarunta Xalane oo kale oo ka madax bannaan dawladda Soomaaliya oo xattaa madaxda sarsare ee xukumaddu aanay geli Karin. Xalanaha Xamar waa sida Vatican-ka Roma ku dhex yaalla oo kale (Xarunta Mad-habta Catholic). Farmaajo ma laha awood uu kaga guulaysan karo maamulka la doortay iyo shicibka isku duuban ee Jubbaland laakiin, wuxuu isticmaalaya dhaqaalihii Beesha Caalamku ugu talo gashay dib u dhiska Soomaaliya iyo in lagula dagaallamo ururada Xagjirka ah, wuxuu taageero milatari ka helaya waddamo shisheeye ah oo uu heshiisyo qarsoodi ah la galay oo kaga bedeshay in la siiyo dhul iyo dekedo dhawr ah inkasta oo aanay ahayn heshiisyo laba dawladood wada galeen balse ay yihiin kuwo suuqa madow lagu kala saxeexday sidaa daraadeed ma noqon karaan kuwo ka dhaqan gala dhinaca Soomaalida. Haddaba si uu ugu guulaysto dagaalka qorshaha Farmaajo waxa ka mid ah: in uu shicibka Jubbaland ka cuno qabateeyo baahiyaha daruuriga ah sida cuntada iyo dawooyinka si uu cadaadis u saaro maamulka la doortay. In bulshada wada degta la iska hor keeno si midnimadooda loo wiiqo, in degmooyin ka mid ah Jubbaland laga hoos saaro maamulka Axmed Madoobe isaga oo adeegsanaya ciidamo dawlado shisheeye ah, in uu si qarsoodi ah u aqbalo in dacwaddii badda laga soo saaro maxkamadda ICJ iyo in uu Kenya u ogolaado in ay qaadato qaybta Khayraadka ugu badani ku jiro isaga oo kaga iibsanaya qiimo aad u rakhiis ah oo ah in uu madaxweynaha Kenya ka baryo in uu kala laabto taageerada uu siiyo maamulka Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee waa hubaal in ay Jubbaland ka guulaysan doonto dawladda Federaalka ah iyo xulufadeeda haddii se la wiiqo nabadgalyada, xasilloonida, kala dambeynta iyo horumarka ka socda ama ka jira Jubbaland maxaa ka dhalan kara? Waxa ka dhalan kara amni darro gobolka ku baahda iyo iska hor imaadyo dhexmara bulshada la kala qaybinayo, Shabaabka oo la wareega maamulka Jubbaland iyaga oo ka faa’iidaysanaya qalalaasaha, hawlgallada ururada Argagixisada oo ku sii xoogaysta Soomaaliya iyo dalalka jaarka ah, dawladda Federaalka iyo madaxda maamul gobolleedka Jubbaland oo sii kala fogaada iyo In ay dawladaha Itoobiya iyo Kenya iskaga hor yimaaddaan danaha gaarka ah iyo bililiqaysiga khayraadka Soomaaliya. Waxa se la yaab leh ujeedada Beesha Caalamku ka leedahay Soomaaliya, waxaynu ognahay in ay u soo gurmadeen in ay Soomaaliya ka caawiyaan nabadda iyo in la soo nooleeyo Qarankii burburay waxa se ka hor imanaya siyaasadda Farmaajo oo isagu xasillooni darro ka wada maamul gobolleedyada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxa aan u malaynaya in la gaadhay wakhtigii Beesha Caalamku dib u eegis iyo qiimayn ku samayn lahayd siyaasaddooda Soomaaliya iyo taageerada xukumadda Fashilantay ee Farmaajo. W/Q: Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Neighbors gather, promise to help those traumatized to grieve, cope and heal. From behind the counter of Afrik Grocery, manager Mohamed Elmi sees customers grieving over the Wednesday blaze that killed five people and injured four in the Cedar-Riverside neighborhood of Minneapolis. Some claim they heard an alarm go off; others say they didn’t hear it. One patron in a turquoise scarf noted that there is still smoke at Cedar High Apartments, where the fire happened. “Some of them are still traumatized and they don’t talk,” Elmi said of his clientele. “They are in shock.” Members of the East African community are reeling from the fire in the 25-story apartment tower at 630 Cedar St., vowing to help one another through their grief and demanding action to prevent more fire deaths. Assistant Minneapolis Fire Chief Brian Tyner said that although the investigation of the area was complete, a specific cause was not likely to be released before Monday. Authorities have said the fire was likely accidental. Three of the five dead were Somali-Americans: Nadifa Mohamud, 67, Amatalah Adam, 79, and Maryan Mohamud, 69. The fourth victim was Jerome Stuart, 59, and authorities identified Tyler Scott Baron, 32, as the fifth victim on Thursday. At least one of the injured, Salad Samatar, remained in critical condition Friday at HCMC. More than two dozen people attended a forum at Brian Coyle Neighborhood Center to hear from community leaders on Friday afternoon, where they said the trauma from the fire will be difficult to heal and requested mental health resources to help them cope. Rep. Mohamud Noor, DFL-Minneapolis, said he plans to introduce legislation that would require sprinklers in each unit of public housing buildings. Older buildings exempt from sprinkler requirements would need retrofitting. “It should not take a tragedy like this one for us to start changing the laws. … We have lost five lives,” Noor said. “No matter what others will say about this sprinkler requirement for housing, we will get it done and I will keep on fighting for those individuals.” Noor praised the resilience of the community, adding, “We will make sure we all recover from this incident.” The 50-year-old building has smoke alarms but no sprinklers, only “partial sprink­ler coverage” on the main floor and lower mechanical equipment rooms. The building is managed by the federal Department of Housing and Urban Development through the Minneapolis Public Housing Authority, which acknowledged the need to upgrade the sprinkler system in its high-rise buildings earlier this year. The agency has 42 high-rises, 40 of which were built in the 1960s and early 1970s, before the state updated its building code to require sprinkler protection in such buildings. In an annual report approved in September, which it must then submit to HUD for approval, the authority identified $152 million in “immediate capital needs,” including $69 million that it required for “mechanical systems (includes plumbing & fire).” “Additionally, as building codes have evolved, we need to address increased life/safety requirements such as retro­fitting our high rise buildings with sprinkler systems,” the report said. Abdisalam Mohamed, whose mother, Nadifa Mohamud, died in the fire, said afterward that he supported Noor’s proposal. “The sooner the better,” said Mohamed, who believes his mother’s death could have been prevented. Fartun Abdulle was raised by Nadifa Mohamud after her own mother died when Abdulle was 5 years old. On Friday, Abdulle contemplated ways her aunt’s death could have been prevented. “I wish we didn’t have her live by herself,” said Abdulle, whose eyes were puffy and red from crying. “We should have died together.” Leaders at Dar Al-Hijrah on Cedar Avenue have helped victims’ families deal with questions of burying the dead and offered counseling. “Faith is part of living with trauma and hardship, so we are there to provide that as much as possible,” said Abdisalam Adam, board member and assistant imam at the mosque, at the meeting. Mahod Jama, 15, was one of the first to arrive at the Coyle center. He recounted how his grandfather, who uses a wheelchair, relied on a neighbor to carry him to safety. His aunt, meanwhile, smashed a window in her apartment and held her head out to breathe after finding it too hard to see through the smoke in the hallway to escape. She had to block the bottom of her door to keep more fumes out, he said. The South High School sophomore said it’s important for people to know how to escape fires. He also wants such buildings to be more regularly inspected. Apartment building resident Abdi Mohamed, 89, said that people in the complex didn’t sleep last night, worried what would happen next. In a statement, U.S. Rep. Ilhan Omar, D-Minneapolis, said she was “devastated by the terrible tragedy in Cedar-Riverside.” “My heart aches for the victims and their loved ones. I grew up in this neighborhood and have close personal relationships with many of those directly affected,” she said. “We will be working directly with the federal agencies involved in the coming weeks to make sure that there is accountability for the victims and families affected as well as ensuring that this never happens again, not only in Minnesota, but across the U.S.” An online fundraiser on the victims’ behalf raised more than $65,000 as of Friday afternoon. Community leaders are also collecting gently used socks, blankets and outdoor wear for the fire victims. Donations will be collected 12-4 p.m. Sunday at Brian Coyle Community Center, 420 S. 15th Av., Minneapolis.
  16. MOGADISHU, Somalia, 30 November, 2019 – Somali Journalists Syndicate (SJS) calls for Somaliland authorities to immediately and unconditionally release Horn Cable TV editor, Abdikadir Saleban Asayr (known as Coday) after the Marodi Jeh Regional Court on Saturday 30 November, 2019 extended his detention for another three days. According to colleagues in Hargeisa,, early on Saturday, officers from the Criminal Investigations Department (CID) took editor Abdikadir Coday to the court and demanded the judges to allow the police to hold Abdikadir for another three days starting from Sunday. Abdkadir is currently held at the CID in Hargeisa for the 13th day. He was arrested on 18 November. A day later (19 November), the Marodi Jeh Regional Court approved police request to remand him in custody for seven days. “We were not pre-notified about today’s court appearance. When lawyers reached there, they [lawyers] were not given any opportunity to defend. The court gave the decision following the police request,” a Horn Cable TV journalist, who requested to remain anonymous for fear of his security, told SJS. The police did not respond SJS calls seeking further explanation but a human rights lawyer in Hargeisa who attended today’s court session said “the police were planning to bring charges against Horn Cable TV and its editor Abdkadir Coday” Colleagues also told SJS that on Saturday lawyers went to the court to request Abdikadir Coday be freed on bail but denied as the court favoured the police request. “Its unacceptable that media freedoms are under serious threat in Somaliland over judicial harassment contrary to its own laws which guarantee such freedoms.” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate said, “We call for the Somaliland’s Marodi Jeex court to unconditionally release our colleague” The arrest of Horn Cable TV editor and an overturned order of closure against the TV came following an interview with Suldan Abubakar Elmi Wabar who leads an armed separatist militia in Awdal region which was aired on 13 November and a a news report on 2 November about an air safety related incident involving Flydubai, a UAE-owned airline which reportedly complained against the services at Hargeisa’s Egal International.
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Wararka-30112019-sax.mp3 View the full article
  18. Dhuusamreeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mudo todobaad ah oo ka soo bilaabatay maanta la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug, oo balanku ahaa in la guda galo toddobaadkan. Hakinta howshii dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo af-jaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug. Xubno ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Muqdisho laga wacay Cabdisamad Macalin Maxamuud, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, kaas oo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna. Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna oo uu ugu horeeyo Aabihii Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Ahlu-Sunna ayaa horay dowladda federaalka ugu eedeysay inay uga baxday heshiis ay ku wada gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxayna haatan ku howlantahay dhismaha maamul ka madax banaan kan ay gar wadeenka ka tahay dowladda federaalka. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta ay wasaaradda arimaha gudaha liiska 44 oday oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku wareejisay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in caawa ay kulamo xal looga gaarayo khilaafkaas ay dowladda iyo hoggaanka Ahlu-Sunna uga bilaawdeen magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta INJI oo uu ku shaqeeyo Sheekh Maxmed Shaakir oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna.
  19. Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa warbaahinta @PuntlandPost u xaqiijiyay, in uu khilaaf ba’an iyo kala shaki soo dhex-galay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre, tan iyo markii Farmaajo la kulmay madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Xassan Sheikh iyo Sheikh Shariif. Khilaafkaasi, ayaa sida la sheegayo ka dhashay shaki uu Ra’iisul wasaare Khayre ka muujiyay, kulamadii dhexmaray Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horreeyay, balse isaga aan wax door ah laga siin, islamarkaana booskiisi lagu beddelay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisul wasaaraha, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay bilaabay, abaabul xooggan oo ku wajahan in uu loollan adag la galo madaxweyne Farmaajo, isagoo aaminsan in uu jiro heshiis ka qarsoon oo ay si hoose u wada-galeen Farmaajo iyo madaxdii ka horraysay. Dhankiisa, Fahad Yaasiin oo wakiil ka ah madaxweyne Farmaajo, ayaa dadaal badan ku bixinaya abaabul kale oo ka dhan ah Qorshaha Mr Khayre, kadib markii la ogaaday hawlaha uu wado Ra’iisul wasaaraha, waxaana sida la sheegayo labada dhinac la kala safan xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka iyo sidoo kale Xukuumadda. Sidoo kale, Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa saameyn xun ku yeeshay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilaabay kala shaki iyo is kooxaysi ku aaddan in ay la kala saftaan labada mas’uul. Xubno ka war-haya khilaafka Farmaajo iyo Khayre, ayaa rumaysan in uu salka ku hayo loollanka doorashada soo socota ee 2020/2021-ka, taasi oo mid walba shaki ka qabo kan kale, in uu hoose ka wato ajandayaal qarsoon, oo ku wajahan loollanka doorashadaasi. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre, oo marar kala duwan ku faanay, in ay dhex-dooda muran iyo khilaaf ka ilaaliyeen, waxa haatan la sheegaya in khilaafkoodu gaaray heer aysan wada-hadlin. Inkastoo khilaafka huursan ee labada mas’uul, aysan cidna qiyaasi Karin halka uu ku dambeyn doono iyo cidda libintu ku raaci doonto loollanka adag dhex-dooda ka bilowday. PUNTLAND POST The post XOG: Khilaaf ka dhex qarxay Farmaajo iyo Khayre muxuu salka ku hayaa? appeared first on Puntland Post.
  20. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dalka. Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayna goob joog ka ahaayeen Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senator Moowlid Xuseen Guhaad, Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow iyo Wasuurka Ganacsiga ,Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa dood dheer kaddib waxa ay Golaha meel mariyeen Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dalka 27 Senator ayaa Haa ku ogolaatay, waxaana ka aamusay hal mudane mana jirin cid diiday sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud. Ugu dambeyntii Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo xiray kulanka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. MOGADISHU (HOL) - A senior military officer has been shot dead in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Kamaal Guutaale oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay faragalin qaawan ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya. Kamaal ayaa sheegay inay horay isu weydiinayeen su’aalo ku aadan waxa ay dowladdu ciidamada isugu jira, Danab, Gor-gor, Haramcas iyo NISA ugu daabushay Galmudug, iyadoo ay horay u joogeen Militerigii 21aad iyo Daraawiish aad u badan. Waxa uu sheegay in ciidamadaas looga baahanyahay gobolada Shabeellooyinka iyo Banaadir ee aan looga baahnay Galmudug, isagoo sheegay inay taasi soo xasuusinayso xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo awood sheegashadii ka dhacday magaalada Baydhabo. “Ciidamada lagu daabulay Dhuusamareeb run ahaantii waxay muujinaysaa niyad xumo, inaysan dowladdu rabin in doorasho xalaala ay meeshaas ka dhacdo, inagu waxaan rabnay inaan doorashada kala hadlno, laakiin hadii ciidamo Itoobiyaan ah la soo daabulay waxaa dareemi kartaan sidey dowladda ugu adagtahay in doorasho xor iyo xalaal ah meeshaas ka dhacdo” ayuu yiri Musharax Kamaal Guutaale. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu dowladda ugu baaqay inay ku kal soonaato shacabkeeda, isla markaana aysan Soomaali ku qabsa karin awood, khaasatan reer Galmudug sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan rabaa inaan dowladda u sheego inaysan codey doonin ciidamada Itoobiya, marka waxaan leeyahay ku kalsoonaada shacabkiina, waxaa codeyn doona xildhibaano Soomaaliyeed oo odayaal Soomaaliyeed ay soo xuleen, kuwaas ku kalsoonaadabaan lee yahay oo codka ka raadiya, balse haku raadinina ciidamo Itoobiyaan ah, jajuub iyo caburin oo horay Soomaali loogu kari waayey reer Galmudug-na iskaba daa” ayuu yiri Kamaal. Sidoo kale Kamaal Guutaale ayaa sharaxaad ka bixiyey damac uu sheegay inuu ku jiro Itoobiya, isagoo tusaale u soo qaatay isku dayo dhawr ah oo maamuladii u kala dambeeyey hoggaanka dowladda Itoobiya ay ku soo galeen gudaha Soomaaliya, balse aysan horay ugu suurta galin haatana aysan u suurta gali doonin. Halkaan ka Daawo
  23. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan dil hoygiisa loogu geystay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya. Jeneraal Yuusuf Cali Qaasay [Yuusuf Cagey] ayaa lagu dhex-toogtay hoygiisa oo ku yaala Warshada Canaaha, degmada Hodan, ee Muqdisho. Ma cadda cidda sida dhabta ah uga dambeysay falkaan. Hase ahaatee, wararka ayaa waxay tibaaxayaan in uu khaarijiyey sarkaal ay murmeen kahor inta uusan rasaasta ku furin. Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa nan wax war ah kasoo saarin falkaan oo dhacay galabnimadii maanta oo Sabti ah. View the full article