-
Content Count
214,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sawirro: Somalia iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd ( 1 December) heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden. Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay. Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiyeyaal cusub u macagaacay degmooyinka Shangaani iyo Waaberi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Cumar Filish ayaa waxaa Aweys Sheekh Maxamed Amiin (Camuudi) loogu magacaabey guddoomiyaha degmada shangaani iyo halka Guddoomiyaha degmada Waaberi loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac. Camuudi ayaa bedalaya Sahro Markeezi, halka Cabdicasiis uu bedalayo Mahad Cilmi oo labaduba Allaha u naxariistee ku dhintay weerarkii ismiidaamiinta ee 24-kii bishii July ee sanadkaan 2019-ka ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wadajir u magacaabay, Axmed Maxamud Diiriye. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe uu Duqa magaalada Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir. Dhowaan guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo nabad galyada degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal Milatari ah oo wata gaari Cabdi Bile, si uu xaqiijiyo amniga degmadaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Cukuse Oo Ka Hadlay Khilaafka Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-02122019.mp3 View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa markale ku guuleystay kamid ahaanshaha golaha caalamiga ee hey’adda badaha adduunka. Kenya oo horay uga mid ahayd golahan ayaa hataan waxaa ay markale fursad u heleysaa dejinta shuruucda caalamiga ah ee badaha oo ay ku dhaqmaan maraakiibta dunida. Doorashada Kenya loogu doortay kamid ahaanshaha hey’adan oo maalama kahor ka dhacday Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeybqaatay 174 dal, waxaana Kenya ay ku guuleysatay in markale ay dib uga mid noqoto golahaas. Kenya ayaa hataan katirsan qeybta C ee hey’adda IMO oo ay ku wada jiraan 20 dal oo ah kuwa danaha gaarka ah ka leh arrimaha badda, gaar ahaan hagida maraakiibta adeegsada badaha. Hey’addan ayaa kala leh qeybo kala duwan, waxaana Kenya ay qeybta C ka wada tirsan yihiin dalalk badan oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin dalalka Morocco, Koonfur Africa, Liberia iyo Masar. Dalalka leh danaha gaarka ah Xoghayaha joogtada ee Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha badda, Nancy Karigithu ayaa wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa Kenya u sheegtay in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay gaadiidka badda ku safra, maadaama ay sheegtay in Kenya ay ku taaloo gobol istaraatejik ah oo geeska Afrika, taasna ay ka dhigeyso mid muhiim u ah in ay ka qeybqaadato arrimaha la xiriira badaha. “In markale dib la inoo doorto waxay xaqiijineysaa wakiilka aan ka nahay geeska Afrika iyo dalalka harooyinka waaweyn oo ay kmid yihiin Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Jabuuti, Eritrea, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Tanzania iyo Uganda,” ayay tidhi Nancy. Golahan ayaa labadii sanaba mar yeesha shirweyne, waxaana ay isla nidaamiyaan qaabka loo wada shaqeynayo, miisaaniyadda ku baxeysa hey’addaas iyo sidoo kale doorashada 40-ka xubnood ee kamid noqonaya hey’adda. Hey’addan oo hoos tagata Qaramada Midoobay ayaa shaqada ugu weyn ee ay qabato waxay tahay in ay dejiso nidaamka iyo xeerarka lagu dhaqo badaha caalamka. Source
-
(SLT- Israa’iil)-Millatariga Israa’iil ayaa wali wada dilalka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee ka soo jeeda dalka Falastiin. Wiil da’yar oo 18 jir ahaa ayaa millatariga Israa’iil ay ku toogteen habeenimadii xalay daanta galbeed. Falkaan ayaa waxaa ka cadhooday hoggaamiyeyaasha Falastiin kuwaasi oo ku baaqay dibadbaxyo xoogan oo saacadihii la soo dhaafay gilgilay daanta galbeed iyo deegaanada kale ee Israa’iil ka heysato shacabka Falastiin. Wiilka la dilay oo wasaarada caafimaadka Falastiin magaciisa ku sheegtay Badaawi Masalmah ayaa milatariga Isreal ay diideen habeeninadii xalay in meydkiisa la Qaado. Ciidanka Israa’iil ayaa aalaaba toogata dadka rayidka ah ee ku nool daanta galbeed iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in khatar ay ku yihiin Amnigooda. Source
-
(SLT- Yemen)-Hoggaamiyaha ugu weyn xisbiyada mucaaradka UK Jeremy Corbyn ayaa sheegay in uu joojin doono hubka ay UK ka iibiso boqortooyada Sacuudiga oo dagaal kula jirta xuutiyiinta Yemen. Mr Corbyn ayaa balan qaaday haddii xisbiga shaqaalaha uu ku guulaysto doorashada guud ee ka dhaceysa UK uu gabi ahaanba meesha ka saari doono ganacsiga hubka ee kala dhaxeeya wadanka Sacuudiga. Xilli uu khudbad la xidhiidha ololaha doorashada dhaceysa ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono joojinta dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda dalka Yemen. Khudbada Jeremy Corbyn ayaa la xidhiidhay oo kaliya siyaasadda macaamilka arrimaha dibadda UK haddii uu xilka hanto doorashada 12-ka bishan ka dhaceysa UK. Bishii June ee sannadkaan ayaa xisbiga haya talada ee Conservative-ka wuxuu sheegay in uu dib u cusbooneysiin doonin shatiga iibka hubka ee Sacuudiga kadib markii Maxkamada sare ee UK ay ku tilmaantay iibka ceynkani oo kale mid aan sharci Aheyn. Source
-
(SLT- Tunisia)-26 qof ayaa illaa iyo iminka la xaqiijiyey inay dhinteen kadib markii bas ay saarnaayeen uu kula qallibmay meel dooxo ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Tunisia, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada ee deegaankaas. Wasiiradda caafimaadka Tunisia ayaa sheegtay in ay 17 qof oo kale ku dhaawacmeeen shilkan ka dhacay deegaankaas buuraleyda ah ee dalxiisayashu ku badan yihiin. Waa shilkii ugu weynaa ee ka dhaca dalka Tunisia, oo aad wadooyinkiisa loo dhaleeceeyo Wasiiradda ayaa sheegay in rakaabka baska saarnaa oo dhami ahaayeen dad u dhashay dalkaas. Baskan oo ka socdaalay magaalada Tunis, ayaa usii jeedey magaalada Ain Draham ee buuraleyda ah oo ku taala dhinaca waqooyi ee magaalada Tunis. Madaxweyne Kais Saied iyo ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya ayaa booqdey goobta shilku ka dhacay, lama xaqiijin waxa kalifay shilkan goobtana waxa ku sugan baarayaal. Source
-
Wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa kolkaad marto aad arkaysaa baahiyo badan ay qabaan dhallinyarada jecel xirfada kubbadda cagta,iyagoo ku dheelo wadooyinka halista ee degmooyinka Gobolka. Yaasmiin Cusmaan Maxamed Kastan oo ku nool wadanka Ingiriisa ayaa dhallinyarada ugu deeqaday kubbadahan waxayna Goobjoog u sheegtay in ay sii wadidoonto howshan mustaqbalka soo aadan. Deeq Xalane oo ka mid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabtay ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay howshan wuxuuna dhinaca kale qurbajoogta kula dardaarmay in ay mas’uuliyada iska saaran fursadsiinta dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku ciyaara wadooyinka halista ah ee magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dhallinyarada ku ciyaara wadooyinka oo la hadlay Goobjoog bogaadiyay shaqsiyaadka soo gaarsiiyay kubbaddahna ,iyagoo geesta kale madaxda Ciyaaraha iyo dowladda ka dalbaday in ay sameeyaan garoomo aad u wanaagsan oo ay kgaa bad baadin kara goobaha halista badan. Yuusuf Yuusuf oo ka wakiil ahaa Yaasmiin Cusmaan Maxamed kuna wareejiyay kubbadihii loo soo wakiishay dhallinyarada ku ciyaarta wadooyinka caasimada ayaa Goobjoog u sheegay in ay sii wadi doonaan arimahan oo muhiim dhallinyarada,isagoo ganacsatada kula dardaarmay iyo qurabjoogta kula dardaarmay in ay dhiiri gelinyaan dhallinyarada oo u baahan fursad badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Caruurta La Siiyay Kubbaddaha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somali diplomats will benefit from capacity development and training from the Swedish government’ peace and security agency Folke Bernadotte Academy (FBA) following a memorandum of understanding between the two countries. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Shirkadda baraha bulshada ee Twiter ayaa xirtay akoonka ay barta twiter-ka ku laheyd haweeney lagu magacaabo Danielle Stella, oo katirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump. Haweeneydan oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo ay u jeedisay. Wargeyska The Washington post ee dalka Mareykanka oo soo wariyay xanibaada lagu sameeyay akoonka haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ayaa sheegay in Stella oo ciwaankeeda ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan, waxaana twiter-ka ay ku qortay: ” Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar, waa in la maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa”. Waxaa kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo la daldalayo. Waxaa maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaas la xiriira, Ilhaan ay beenisay eedeymahaas. Wargeyska ayaa kusoo warramay in shirkadda Twiter-ka ay maalma kahor si toos ah u bannaday akoonkaas, iyadoona ku eedeysay Stela in ay ku xadgudubtay shuruucda u degsan. The Washington post ayaa sidoo kale kusoo warramay in Facebook ay tirtirtay isla qoraalkaas ay Stela ku sheegtay in Ilhaan Cumar la daldalo. Hasayeeshee go’aamadaas ay qaateen shirkadaha Facebook iyo Twiter ayaa waxaa kasoo horjeestay Stella. “Xanibaada la saaray dedaaladeydii waxay muujineysaa in shirkadda Twiter ay marwalba dhinac istaagto oo ay u dagaalanto argagixisada iyo dadka wax basaasa,” ayay Stella u sheegtay wargeyska the Washington Post. Qoraal kale oo ay Stela soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in marnaba aysan hanjabaad u jeedinin qofkale, waxaana ay sheegtay: ” hadalkeyga ayay ka dhigtay wax uusan ahayn, waxaadna u rogtay arrimo diin iyo midab”. Ma ahan markii ugu horeesay oo ay haweeneydan ay weerarto Ilhaan Cumar, oo waxay ahayd horaantii sanadkan, xilligaas oo ay sheegtay in sharci darro ay tahay in xildhibaan Ilhaan ay ka talabixiso arrimaha muhaajiriinta. Ilhaan Cumar oo culeyso siyaasadeed kala kulmeysay dadka taageera siyaasadaha Madaxaweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maalma kahor waxaa ay naxariis u muujisay nin horay ugu hanjabay in uu dili doona. Ninkan oo lasoo taagay maxkamad ku taala Magaalada New York ee dalka Mareykanka, laguna magacaabo Patrick Carlenio ayaa horay baraha bulshada usoo dhigay hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono Ilhaan Cumar. Hasayeeshee Ilhan Cumar ayaa garsooraha maxkamadda ka codsatay in loo naxariisto ninkan oo aan xukun dheer lagu xukumin. Xigasho: BBC.
-
Bangiga Amal ayaa daahfuray mashruuca xaafada New Garowe taariikhdu markay ahayd 28/11/2019 magaalaada Garowe. Mashruuca Xaafada New Garowe ayaa ah xaafad casri ah una naqshadaysan qaab deegaan iyo ganasiga oo leh adeegyadaan:- 1. Goobo Ganacsi, Suuqyo dhamaystiran 2. Iskuulo iyo xarumo caafimaad oo tayo leh. 3. Wadooyin laami ah, dhiraysan lehna nalalka cadceeda. 4. Masaajido, Dugsiyo Quraan. 5. Goobo cagaaran oo lagu nasto laguna jimicsado. 6. Biy iyo Koronto la isku halayn karo. 7. Ilaalo Joogto ah 24/7, dayr wareegsan iyo xarun Boolis. Guddoomiyaha Amal Bank Siciid Cali Shire ayaa sheegay in xaafada New Garowe ay noqon doontaa mid la ilaaliyay tayada guryaha iyo dhismayaasha ayna u riyaaqi doonaan soona jiidan doonto macaamiisha iyo dadwaynaha dhamaantood, sidoo kale Guddoomiyaha Bangiga Amal Siciid Cali Shire ayaa iftiimiyay in xaafada New Garowe aysan ahayn mashruuc ku kooban Bangiga Amal ee uu yahay hormar ka dhaxaysa bulshada una furanyahay maalgashi iyo maalgalin intaba. Xaafada New Garowe waxaa la filayaa inay soo kordhiso deegaamayn iyo maalgashi baaxad leh ayna ka faa’iidaysan doonaan dhamaan bulshada qaybaheeda. Daahfurka oo dadweyne kala duwan ka soo qayb galeen ayaa lagu soo bandhigay naqshada Xaafada New Garowe, qaab dhismeedka, nidaamka iibka iyo habka maalgashiga intaba. Sidoo kale maamulka Bangiga Amal ayaa cadeeyay inuu furay xisaabta maalgashiga (investment account) si macaamiisha uga faa’iidaystaan maalgashiga xaafada New Garowe. Dhismaha Xaafada New Garowe oo iskugu jira saddex waji (3 Phases) ayaa noqon doontaa in ka badan labo kun (2,000) oo guryo casri ah lehna tayo, kuwaas oo ku kacaya hanti dhan $90 million. Martida goob-jooga u ahaa daahfurka oo uu ka mid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay guryo casri ah ayna tahay hormar wayn oo wadanka kusoo kordhay taas oo loo baahanyhay in laga faa’iidaysto deegeemaynteedana laga qayb qaato. Sidoo kale Dadwaynaha iyo martida kasoo qabgashay oo hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa amaan balaaran u fidiyay Bangiga Amal hormarka uu wado iyo fursadaha uu u fidiyay bulshada sida maalgalinta iyo maalgashiga mashaariicda dhisamaha, beeraha iyo ganacsiga guud ahaan. Hoos ka daawo muuqaal xafladii daahfurka msharuucan oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Bangiga Amal oo mashruuc $90 million ku kacaya ka fulinaya Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa guddoomiye u magacaabay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay, Aweys Camuudi sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online. Camuudi ayaa bedalaya, Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Shangaani, marxuumad Sahra Markeyzi oo ka mid aheyd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir 24-kii July ee 2019-ka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiyuhu maalmaha soo socda uu magacaabi doono guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka Waaberi iyo Cabdicasiis oo iyaguna ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Arrintan ayaa qeyb ka ah mid uu Duqa Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir. Dhowaan guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo amniga degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal ciidan oo Milatari ah, kaas oo wata gaari Cabdi Bile, sida uu hadalka u dhigay.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsho, Cumar Maxamuud Filish ayaa guddoomiye cusub wuxuu u magacaabay degmada Shangaani. Aweys Camuudi ayaa wareegto uu soo saaray Filish loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Shangaani, wuxuuna bedalay Allaha u naxariistee guddoomiyahii hore Sahra Markeyzi oo ka mid ahayd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii 24-July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxaa la filayaa in guddoomiye Filish uu soo magacaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka Waaberi iyo C/casiis oo iyaguna qaraxaasi ku dhintay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay xalay ciidanka Jabhadda Kornayl Caare ku qaadeen saldhig ay ciidamada Somaliland ku lahaayeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Ceerigaabo. Inkastoo aan si ramsi ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkan, ayaa hadana waxaa la sheegayaa in Labada dhinac is hayeen ku dhowaad Saacad. Ma jiro wax hadal ah oo Labadan dhinac kasoo saareen dagaalkan. Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa ah mid deggan, balse ciidanka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa iney wadaan dhaq-dhaqaaqyo. Marar badan waxaa fashilmay wadahadllo la doonayo in la isugu keeno Kornayl Saciid Cawil Jaamac (Caare) iyo sidoo kale xukuumadda Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho . Kulanka Maanta ay Golaha Shacabku yeelanayaan ayuu Ajendahiisu yahay Akhrinta Saddaxaad ee ku noqoshada Miisaaniyadda Dalka 2019. Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya howlaha muhiim ah ee horyaala si loo gaaro dowladnimo dhammeystiran. View the full article
-
Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kaashanaya hay’adda IESG ee ka taageerta arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ku qabtay xarunta Guddiga, aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta iyo horumarinta xiriirka daneeyeyaasha doorashooyinka. Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa casharro muhiim ah ka bixiyay Mr. Judge kriegler, Guddomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa sannadkii 1994-tii ahna khabiir ku xeel dheer hirgelinta doorashooyinka wadamada ka soo kabanaya colaadaha sokeeye. Kulankan ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa hannaanka shaqo hufnaan iyo dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay Guddi Doorasho. “Waxaad ku hirgelin kartaan doorashooyin la aqbalo natiijada ka soo baxda markii aad ku guulaysataan kalsoonida daneeyaasha siyaasadeed iyo shacabka” Ayuu yiri Mr. Kriegler. Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa ayaa aad ugu adkeeyey Guddiga in ay dhisaan hannaanka xiriirka iyo xallinta khilaafaadka doorashoyinka inta aysan guda gelin howlaha doorashooyinka. Ka qaybg galayaasha aqoon iswaydaarsiga ayaa wax ka waydiiyay khabiirka arrimo la xiriira habka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala dalka iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah dalka Soomaaliya. Aqoon iswaydaarsigaan oo socon doona ilaa 4ta bisha December 2019 ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga, Xoghayaha guud iyo Agaasimeyaasha iyo lataliyaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka hay’adaha amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta kula hadlayey Kismaayo ayaa faah faah ka bixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Cabdinuur ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaq dhaqaqa Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu la socday. Afhayeenku ma shaacin magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu dhibaato ka waday deegaanada maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Duqeyntaasi ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha Mareykanka, waxaana war ka soo baxay Africom lagu sheegay in lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku suganaa degmada Jilib. Sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay shabakadda Caasimada Online in Jilib duqeyntii ka dhacday lagu baabi’ayey goob Al-Shabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weerarada ay fuliyaan dagaalamayaasheeda. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa la kordhiyey howlgallada lugta iyo weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulka Jubbaland.
-
Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Gedo waxay Al-shabaab kaga saareen deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee gobolkaasi. Wararku waxay sheegayaan in howlgalkan oo socday Saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen deegaannada kala ah Raydab iyo Daar Macallin oo Al-shabaab ku sugnaayeen. Maxamed-weli C/laahi Xersi oo ah abaanduulaha ururka 49-aad, guutada 1-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in cabasho uga timid shacabka ku dhaqan deegaannadaasi ay keentay iney ku baxaan. Wuxuu tilmaamay in Al-shabaab ay dadka xoog uga qaadanayeen xoolahooda, iyaguna ay ku baxeen, sidaasina kula wareegeen deegaannadan. Abaanduulahan ayaa sheegay in howlgallada sidan oo kale ah sii socon doonaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in khasaare xooggan soo gaarsiiyeen Al-shabaab. Ururka Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal deegaannadan lagala wareegay iyo khasaaraha la sheegay in lasoo gaarsiiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba- gabeeyn doono muddo laba bil ah. Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay isku dayday in ay joojiyaan dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay ku soo qaadeen Injineerrada ku howlan dhismaha Waddada. Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab si looga guuleysto. Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho . Kulanka Maanta ay Golaha Shacabku yeelanayaan ayuu Ajendahiisu yahay Akhrinta Saddaxaad ee ku noqoshada Miisaaniyadda Dalka 2019. Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya howlaha muhiim ah ee horyaala si aanu waqtiga ugu dhammaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa xalay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku hoyday Dr. Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga yaqaano deegaannada Puntland. Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xireen siyaasigan oo xariggiisa loo sababeynayo eedeyn uu Jimcihii lasoo dhaafay u jeediyey madaxweyne Saciid C/laahi Dani. Waa markii Labaad oo siyaasigan la xiro, iyadoo 13-kii October ee sanadkan sidan oo kale loo xiray, balse Saddex cisho kadib lasii daayey., Siyaasigan iyo waxgarad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa jimcihii aad ugu dhaliilay in xukuumadda Dani ay dhulal badan oo muhiim ah ku wareejisay shirkado laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta kuwaasi oo ku yaalla magaalada Boosaaso. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
