Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. U.S. Defense Secretary Mark Esper urged Turkey on Monday to stop holding up support for a NATO defense plan for the Baltics and Poland Source: Hiiraan Online
  2. Munaasabad lagu daah furayo masraxa hal abuurka oo loogu talagalay in abwaanada iyo aqoonyahanada ay ku soo bandhigaan sugaan iyo doodo cilmiyeysan ayaa xalay laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay si wada jir ah xariga uga jaray masraxa furan, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya lagu qaban doono doodo iyo in bulshada loogu soo bandhigo xogta dowladda.. Wasiir Maareeya oo hadalkooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in masraxa furan lagu soo bandhigi doono wax badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tara. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa hoosta ka xariiqay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ay masraxa furan si wadajir ah ugu qaban doonaan doodo. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabsan karo, masraxa ay Wasaaradda Warfaafinta hirgelisayna ay qeyb ka tahay horumarka iyo bilicda ka jirta magaalada. Munaasadda lagu daah furayay masraxa hal abuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Maareeyaha Guud Wakaaladda Dhismaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, marti sharaf iyo fanaaniinta Hobollada Qaranka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso horumarka ay dowladda ku talaabsatay iyo baraarujin ku saabsan inay ka qeyb qaataan horumarinta dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay Masraxa soo bandigidda Hal-abuurka appeared first on Puntland Post.
  3. Federal authorities announced a reward of up to $5 million Monday for information leading to the arrest of a former San Diego man believed to be the highest-ranking United States citizen fighting for a terrorist organization overseas. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa shalay subax daabacday daabacday in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay joojisay bixinta shahaadada ardayda sanadkaan ka qalin jebiyay dugsiyada Sare kadib markii ay awoodi weysay daabacadda shahaadooyinka, islamarkaana ardaydii laga soo eryay Jaamacadihii ay dhaganayeen. Qaar kamid ah Ardaydii laga soo eryay Jaamacadaha ee waayay shahaadadii ay xaqa u lahaayeen oo xalay la soo xariiray Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Jaamacadaha lagala hadlay oo loo fasaxay daraasadooda. “Sabtidii ayaa jaamacadda nagala soo eryay kadib markii aan idin soo wacnay ee aad shalay subax baahiseen xogteena, warbaahinta kalane ay qaateen waxaa isla maalinkii noola fasaxay daraasadda Jaamacadda waxaana la soo hadashay Wasaaradda” ayuu yiri arday kamid ah dadkii dib ugu laabtay Jaamacadda. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya masuuliyiin ka tirsan ayaa xaqiijiyay in aysan awoodin daabacadda Shahaadooyinkii Ardayda laakiin ay wado dadaalo arintaasi ku saabsan kadib markii ay awoodi weysay shirkadii daabacadda Shahaadooyinka sida ay hadalka u dhigeen. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore wax uga qabatay warbixino badan oo sidaan oo kale loogu daabacay bogga Caasimada Online oo aad uga hadla xaaladd dalka, sida warbixinadii dhibka ka jira xarunta CID, iyo baylahnaanta amniga xarunta degmada Kaaraan.
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Wiil lix jir ah oo ku nool magaaladda Kismaayo ayaa wuxuu doonayaa in uu u aargudo Aabihii oo saddex sano kahor ay Al-Shabaab ku dishay caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland. Sheekh Cabdullaahi, oo dabley ay toogatay, ayaa horey uga soo tirsanaa xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida. Balse markii uu isaga soo tegay, wuxuu bilaabay olole ka dhan ah ururkaas. Ciidamadda ammaanka Jubaland ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan dhowr qof oo lala xiriirinayo, oo ugu dambeyntii laga soo reebay Maxamed Ibraahim iyo Ilyaas Xasan. Ibraahim ayaa lagu soo qabtay Bastooladii falka lagu sameeyay. Labadooda waxay haatan ku jiraan xabsi ku yaala Kismaayo. Iyadda oo aan wali maxkamad lasoo taagin, waa xukun-sugeyaal. Labadooda ayaa kasoo muuqday barnaamijka BBC Africa Eye. Maxamed Ibraahim oo ogolaadey in uu wareysi bixiyo ayaa wuxuu sameeyay qirasho dhif iyo naadir ah. “Annigoo Bastoolo wato ayaa lay qabtay,” ayuu yiri. “Anniga gacanteyda qof kuma aanan toogan, laakiin waan la socday ragga ka dambeeyay”. Mar la waydiiyey hadii uu cafis waydiisanayo qoyska marxuumka ayuu ku jawaabay: “Haa, aad iyo aad, maxaan u waydiisan waayey? Inkasta aan gacanteyda ku geysan, laakiin aan ku lug lahaa, waan waydiisan lahaa”. Dafirid Ilyaas Xasan, oo Kismaayo ku cusbaa xiligga uu falku dhacayey ayaa wuxuu ka yimid dhanka degaanadda ku hoos jira maamulka Al-Shabaab. “Al-Shabaab waan kamid ahaa, magaaladda waan iska imaadey, haddey shaqo ka qabo i dhaanna diyaar baan u ahaa markaas,” ayuu ku bilaabay. Wuxuu tibaaxay: “Dilis kaliya ma ahan shaqo, wixii markaas qabo ley yiraahdo”. Ma carabaabin shaqooyinka uu qaban lahaa, hadii loo diro. Isaga oo ka jawaabaya sababta uu ugu biiray Al-Shabaab ayuu ku sharaxay: “Waa sidda kooxaha kubadda cagta oo qof walba uu koox taageero. Dalka laba dhinac baa ka jira, Al-Shabaab iyo taageereyaasha dowladda”. Xasan oo la waydiiyey hadii uu reerka marxuumka waydiisan lahaa cafis wuxuu ku warceliyey: “Aniga qofaan dilay ama caruur ayaan aabahooda ka dilay miyaan ku dhahay, adiga miyaa og in aan ku eedeysanahay dil?” Aargoosi Farxiya Xasan, xaaska marxuumka, oo si qiiro leh u hadashay ayaa waxay codsatay in toogasho lagu xukumo eedeysaneyaal Ilyaas iyo Maxamed. “In la ii dilo ayaan rabaa nimankaas, wiilkeyga aabihiis nimanka dilay, waa in la ii dilo,” ayey tiri, iyadda oo dhabta ku haysa cunugeeda yar. Caaqil Sheekh Cabdullaahi, oo lix jir ah, ayaa, sidda laga soo xigtay hooyadii, wuxuu “doonayaa in uu u aargudo aabihii”. “Waan dilayaa, ayuu lahaa, aabahey nimanka dilay. Xabad buu dhuftay anna waan dili, xabadan ku dhufanayaan,” ayay raacisay Farxiya Xasan. Qirasho Wallow uu qirsan yahay in uu dilka geystay, Ibraahim ayaa barnaamijka dukumiintiriga ah ee soconaya ku dhowaad 29 daqiiqo, waxaa lagu tusiyey muuqaalka laga soo duubay codsiga Farxiya. Oohin ayuu bilaabay isaga oo cod hoose ku yiri “iga dami”. Hase ahaatee, Xasan oo ayaa si ay ka muuqato dhiiranaan u daawadey muuqaalka, bilow illaa dhamaad. “Dhamaan Soomaalida way og tahay dilka waa xanuun. Adiga [wariyaha] oo dibadda ka yimid waad og tahay. Qof kasta oo dhinta ehelkiisa way saameneysaa geeridiisa. Taas waa la og yahay,” ayuu Ibraahim sheegay. Wuxuu raaciyey: “Kumanaan ayaa gedaashiisa dhimatay. ALLE ha u naxariisto isaga, nasiibkiisa iyo waqtigiisa ayaa soo dhamaadey. Hadaan dil u qalmo haley dilo, hadaanan dil lahayn haley sii daayo. Intaas lee waaye”. Xasan oo dafiray in uu wax door ah ku lahaa dilka Sheekh Cabdullaahi ayaa mar kale wuxuu adkeystay in uu kaliya ficil ka sugayo maamulka. “Dowladda way og tahay kiiskeyga. Xogteyda oo dhanna way haysaa. Waxaan maalin hore kaaga waramay, haddana ma kaaga waramaayo, waakaas,” ayuu kusoo koobay hadalkiisa. Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in Ilyaas iyo Maxamed ay u cadahay waxay sugayaan, balse talaabadda waxaa laga dhowrayaa mas’uuliyiinta. “Waxa aan u tegay Soomaaliya oo ahayd in aan soo bandhigo horumarka iyo nabadda Soomaaliya waxay kusoo gabagabowday waxaan filayn,” ayaa kamid ahaa erayadii u dambeeyay ee wariyuhu kusoo xiray Barnaamijka. BBC + Garowe Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Weli waxaa socda dhismaha jidka weyn ee isku xiro magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo hadda marayo meel dhexe, inkastoo aan laami la saarin oo weli diyaarin lagu wado. Hase yeeshee waxaa durba soo shaac baxday dhibaato lagu hayo goobaha ganacsiga iyo guryaha saaran laamiga ee ku yaalla jidka dhismaha ka socdo. Jidkaas ayaa waxaa la saarayaa Marsha biyeed dheer si aysan gawaarida u kor marin, waxayna taas keentay inay saameyn ku yeelato goobaha ganacsiga iyo guryaha. Shirkadda la siiyey mashruuca jidkaas ayaa bilawday inay lacago dheeri ah ka qaadato dadka leh guryaha saaran laamiga si looga leexiyo marsha Biyeedka isla markaasna loogu sameeyo meel ay geli karaan gawaarida iyo Parking. Shirkadda la siiyey mashruuca dhismaha laamigaas ayaa dadka guryaha leh ka qaadaneyso lacago kumanaan Dollar ah, ciddii aan bixina waxaa guriga hortiisa la marinayaa Marsha Biyeedka taasoo saameyn ku yeelaneyso ganacsiyada iyo dadka caadiga ah ee guryaha leh. Qaar ka tirsan dadka leh guryahaas oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay arrintaan dhibaato weyn ku heyso isla markaasna aysan awoodin inay lacagtaas bixiyaan. “Sida sharciga ah marka laamiyada la dhisayo waxaa la rabaa in ganacsiyada iyo guryahaha iridooda loo sameeyo meel ay baabuurta u geli karaan, shirkadda dhismaha jidkaan Muqdisho iyo Afgooye waxayna nagu xujeysay inaan lacago dheeri ah bixino si midaas naloogu sameeyo, ciddii aan bixina looma sameenayo” ayuu yiri mid kamid ah dadka guryaha ku leh halkaas ee lacagaha laaluushka ah la waydiiyey. Mashruuca Dhismaha jidka Afoogye iyo Muqdisho ayaa waxaa la siiyey shirkad, waxaana maal-gelinta bixineysaDowladda Qadar. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay la dagaalami doonto musuq maasuqa, waxaana hadda muuqato inaysan jirin tallaabo laga qaadayo shirkaddaan oo dhibaato xoog leh ku heyso dadka leh guryaha saaran laamiga jidka Muqdisho iyo Afgooye.
  7. Sharicga Hantidhowrka waxaa soo gubiyay golaha wasiirada, Golaha Shacbiga, hadana waxaa uu hada layaal Golaha Aqalka Sare. Waxaa aan waraaqdaan usoo qoray talo bixin aan ka waramayo sida dowladu hada u shaqayso, sida Baarlamaanku soo gubiyay ama oo Dastuurka ku meelgaarku qabo iyo tolo bixin sidi laysku waa fajin lahaa habdhaqanka toosan ama ugu fiican ee ay aqbali karaan Bangiyada aduunka, IMF, World Bank, deeq bixiyaasha ama deyn cafiyaashu naga sugin. Waxaa aan halkaan ku iftiimin qodobo muhiima oo ah taariikhda Hantidhowrka sida loo shaqaalaysiiyo hantidhowre, shaqada looga qaado iyo Mabaadiida Hantidhowrka. Arimahaani waxay la xiriirtaa madax banaanida Hantidhowrka waana arimaha ugu mihiimsan sharcigaan. QEEXID MADAXBANAANIDA AYAA GUN DHIG U NOQON QAYMEYNTA SHARICIGAAN Ururka Hantidhowrada Aduunka (International Organization of Supreme Audit Institions) oo ah Urur caalimiya oo Hantidhowrada aduunku xubin ka yihiin, waxaan ka qaadan karnaa su’aalaha muhiima oo noo hagi kara sida Sharciga Hantidhowrku inuu la falgalo sharuucda aduunka iyo kuwa wadanka u yaalba. Sedexdaan su’aalood jawaabtooda baa inoo muhiima inaan ka jawaabno: Waa Sidee Taariikhda Hantidhowrnimada Yaa magacaabin Hantidhowraha Sidee Hantidhowruhu shaqada looga qaadaa Sadexdaas qodob baan warqadaan ku falanqayn. HORDHAC Xafiisyada Hantidhowradu aduunka waxay raacaan sadex nooc midkood (three models): Nidaamka Maxkamadaha, cour des competes (court of accounts) ama (Napoleonic System), oo leh awood maamul iyo mid maxkamadeed waxaa isticmaala wadama (Latin Countries) sida France, Italy, Spain, Portugal, Latin America, iyo Francophone. Nidaam kaani wuu ka madaxbanaan yahay hayda fulinta iyo sharci dejinta. Nidaamkaani waxaa uu awood uleeyahay inuu baaro hay’adaha kadibna uu maxkamadeeyo haduu danbi ku helo. Nidaamka Baarlamaanka, (Westminster) waana midka aan isticmaalo, hoos baana ku faah faahin. Waxaa isticmaala wadamada Commonwealth. Nidaamkaani ma leh awood uu wax ku maxkamadeeyo sida Napoleonic System wuu ka awood yar yahay. Nidaamka Gudi (The Board). Waxaa isticmaala badanaa wadamada Asia. Waxaa uu udhow yahay Westminister. Waana uu ka madaxbanaan yahay fulinta waxaa uuna Gudigaani ku caawiyaa Baarlamaanka si uu Baarlamaanku u guto awoodiisa ah korjoogtaynta Xukuumada. NIDAAMKA BAARLANAAMKA Nidaamkaani waa midka aan hada isticmaalo. Waxaa jira Bayaano badan iyo hay’ado caalamiya kuwaas oo dhiirigalinaya madax banaanida Hay’adaha Hantidhowrada Aduunka, sida Bayaanka la yiraahdo (LIMA DECLARATION), Bayaanka Mexico, (Mexico Declaration), Heyada Aduunka ee Hantidhowradu ka mid yihiin ee (INTOSAI) oo kuligood tilmaamin madexbanaanida, daahfurnaan, isla xisaabtan iyo Hufnaanta. Markaan jaleecno Soomaaliya, waxaa muhiima in lays waafajiyo sharcigeena, Dastuurka iyo shariciyada Hantidhowrada si aan ula jaan qaadno mabaadiida hantidhowrada, Banigiyada aduunka, Maalgashigayada aduunka ama bangiyada sida IMF, WORLD BANK, iyo deeqbixiyaashu ama dayn cafiska hada nagala doonin udhaqmaan. Hay’ada Hantidhowrkeenu waa Hay’ad Madexbanaan oo kamida Hay’adaha Hantidhowrada Aduunka, Africa iyo tan Carabta. Xafiiska Hantidhowrku waa Hay’ada hubinaysa in canshuurtii laga qaaday dadka la mariyay meeshii loogu tala galay, in sidii ugu tayo badnayd shaqada loo qabtay iyo in sharuucdii wadanka laraacay marka kharash Xukuumadu galayso. MABAADIIDA HOGAAMINAYSA HANTIDHOWRKA GUUD WAA MADAXBANAANI Qaabka loo magacaabo waa mabda kamida mabaadiida qeexin madaxbanaanida hantidhorka. Waxaa uu Dastuurka Qodobka 114aad uu tilmaami in uu xafiiskaani madaxbanaan yahay. Sidoo kale sharciga hantidhowrku waxaa uu tilmaami in uu umadax banaan yahay howlihiisa Dastuurigaa. Waxaa ku cad sharciga Handtidhowrka in uu shaqadiisa u guto si daafuran, madexbanaan, uuna wood uleehayay inuu gali karo meel kasta oo kamida Soomaaliya. Waxaa muhiima in Hantidhorku leeyahay miisaaniyad uu ku shaqeeyo uuna u madax banaan yahay, xafiiskuna diyaarsado. Hantidhowrku waxaa uu hoos imaan oo u gudbisan miisaniyadiisa gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka guud baa ansixin miisaaniyada Hantidhowrka Guud. Hantidhowrka Guud waxaa uu warbixintiisa siinayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka, iyo Raisul Wasaaraha iyo Gudiga Maaliyada oo si hoose ula shaqeeya YAA MAGA QAABIN HANTIDHOWRKA GUUD? Ugu horeyn waxaa cad marka lafiiriyo Qod. 117aad ee Dastuurka ku meel gaarka inuu Madaxweynuhu magacaabin Hantidhowrka Guud, saraakiisha sarsare, markuu latashado Golaha Wasiirada). Waxaa kale oo Qod 90aad (K) Dastuurka ku cad in Madaxweynuhu magacaabin Hantidhowrka Guud, saraakiisha sarsare waana awooda Madexweynaha. Talada taala waa sidee laysku waafa jinkaraa mabaadiida caalamigaa ee hantidhowrada, Dastuurkeena, iyo sida hada shaqada dowladu u socoto. FIKRADAYDA-Anigoo soo koobin waxaan tusaale usoo qaadan wadanka Liberia oo dhawaan dayn cafinta dhaafay. Waxay leeyihiin gudi loo magacaabo oo usoo gudbiya sadex qof (short list) Madaxweynaha. Madexweynaha ayaa waxaa uu kala bixin hal qof kadibna waxaa uu latashan Baarlamaanka ayadoo ayna ahayn in codloo qaado oo talo kaliya ah. Kadibna Madexweynaha ayaa Maga caabin. Su’aashu u baahan in layswaydiiyo waa sidee laysku waafajin Dastuurkeena iyo in talo ay ku yeeshaan baarlamaanku. Waxaan aan fikir ahaan soo jeedin in sida ku cad Qodobka 90aad Xarafka (K) ee ah in Golaha wasiiradu soo gudbiyaan Handtidhowraha kadibna Madexwaynuhu magacaabin kadib markii uu la tashado Gudoonka Labada Aqal ama Baarlamaanka. Tani waxay is waa fajin Dastuurka Kumeelgaarka iyo sida Hantidhowrada aduunku yihiin. XILWAAYISTA HANTIDHOORKA GUUD Marka laga hadlin Sharciga Hantidhowrka Aduunka, iyo kan Soomaaliya, iyo Dastuurka, waa inaan iswaydiinaa qaabkee ayaan ukeenaa sharci ka shaqaynkara xaalada wadanka (de facto ) la jaan qaadi kara. Hadii la sameeyo sharuuc badan oo aana horay la dhaqan galin karin waxay keenin iska hor imaad maamul iyo shaqadii oo curyaanta. Hada sharciga Hantidhowrku waxaa uu yaalaa Aqalka Sare waxaa lasoo jeediyay fikrado badan oo hada ka hor imaan Qodobo badan oo Dastuur ah: Tu’saale ahaan in oo Hantidhowrka guud baarlamaanku u codeeyo waxay u baahan tahay in lagu soo daro waxka badalka Dastuurka hada gacanta lagu hayo. Lakiin lama jaan qaadi karo Dastuurka kumeel gaarkaa ee hada yaal maadaama uu awooda siinayo Madexweynaha. FIKRADAYDA-Maadaama hada Madexweynuhu shaqada ka qaado Hantidhowraha (de facto) waxaa haboon in laga dhigo in Madaxweynuhu shaqada ka qaadin Hantidhowraha kadib markuu la tashado Gudoonka Labada Aqal ama Baarlamaanka. GUNAANAD/TALO Talada koowaad, si Hantidhowrku shaqadiisa uguto sida ugu macquulsan, sharcigeenuna la falgalo sharuucda aduunka, waa in lays waafa jiyaa sharuucda wadanka iyo sida hada shaqadu u socoto (de jure/de facto) si aan loo abuurin iska hor imaad iyo jaahwareer sharci. Hantidhowrka Guud waxaa uu u madexbanaan yahay shaqadiisa, waxaa uu gali karaa oo baari karaa xafiiskasta oo dowladee, sida kan Madexweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha. Hantidhworaha Guud waxaa uu u madaxbanaan yahay miisaaniyadiida arimahaas oo dhan waan mabaadiida aasaasigaa oo tilmaami badax banaanida, sharci Hantidhowrkeenu wuu la kulmi mabaadiida asaasiga ee aduunka. Ugu danbayn Hantidhowrka Guud waxaa uu leeyahay Xasaanad lamna ciqaabi karo markuu ku guda jiro shaqadiisa. Sharuudahaas ayaa ka gundhig u ah Hantidhowrka Guud madexbanaanidiisa. Ugu danbayn inta sida uu qabo Dastuurka ku meelgaarka, waa in loo daayaa magacaabida Madaxweynaha inta laga sixin Dastuurka. Waxii had aka dhiman sharcigaan oo xildhibaanadu ku dari waayaan waa wax uu ka xadiday Dastuurka Kumeel Gaarka. W/Q: Senator Farhan Ali Hussein, Ph.D. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Click here to read more Qaran News
  9. Lionel Messi ayaa caawa markii lixaad ku guuleystay ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida sanadka 2019. Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa abaalmarintan Ballon d’Or kaga guuleystay xiddigaha Liverpool ee Virgil van Dijk, Sadio Manè, Mohamed Salah iyo xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad galay. Lionel Messi ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Kabta Dahabka Yurub, maadaama uu ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badnaa horyaalada waaweyn ee Yurub xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay. Dhawaan ayey ahayd markii Messi ku guuleystay abaalmarinta xidiga sannadka FIFA ee loo yaqaano ‘The Best’ waana abaalmarintii labaad ee uu hanto billo gudahood. Lionel Messi oo 32 sano jir ah ayaa noqday ciyaartoyga kaliga ee lix (6) jeer ku guuleystay abaalmarinta xiddiga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida. Messi ayaa abaalmarintan Ballon d’Or ku guuleystay sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo sanadkan 2019. Messi ayaa xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Barcelona kula guuleystay horyaalka La Liga ee dalka Spain. PUNTLAND POST The post Lionel Messi oo markii lixaad ku guuleystay xiddiga dunida appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa muddo kadib maanta dib loogu arkay saaxadda siyaasadda Soomaaliya, oo uu ka maqnaa. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa maanta ka soo muuqday munaasabaddii xarigga looga jarayay Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya, oo dowladda Qatar ay maal gelisay dib u dayactirkiisa. Machadkan ayaa lagu tabababri doona diblomaasiyiinta Soomaaliya. Munsaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashim, waxaana yaab lahaa in safiirka Imaaraadka uu ka qeyb-galo mashruuca ay wadato Qatar. Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa ka wareegtay Muqdisho islamarkaana saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyey bishii April 2018 markaasi oo xiriirka labada dal uu aad u xumaaday. Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya. Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-02122019-sax.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta ku dhowaaqay in xubinnimadaii xisbiga laga joojiyey xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo ahaa xoghayihii guud ee xisbiga. Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta facebook ee xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu yiri “Kulan maanta ay yeesheen golaha fulinta ee xisbiga Himilo Qaran ayaa ka joojiyey xubinnimadii xisbiga Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo ahaa xoghayahii guud ee xisbiga Himilo Qaran sida uu qabo xeerka xisbiga.” Go’aankan Cabdixakiim xisbiga looga saaray ayaa yimid maalmo kadib markii qoraal uu 29-kii November soo dhigay boggiisa facebook uga been sheegay xaaladda Dhuusomareeb iyo ciidamadii Itoobiyaanka ah ee Villa Somalia ay gaysay magaalada. Qoraalkaas ayuu xildhibaan Cabdixakiim ku yiri “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn!. Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn saddax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM.” Qoraalka xildhibaanka ayaa aad uga yaabiyey bulshada Dhuusomareeb oo indhahooda ku arkay ciidamada Itoobiyaanka ah ee la geeyey Dhuusomareeb, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Cabdixakiim uu taageersan yahay musharaxa ay wadato dowladda ee qorshuhu yahay in ciidamada Itoobiyaanka iyo Villa Somalia ay si sharci-darro ah ugu gacan geliyaan madaxtinimada Galmudug, taasina ay ku qasabtay inuu xaqiiqda ka been sheego.
  13. President Uhuru Kenyatta has underscored the need for countries in the region to nurture peace and unity, saying colonial boundaries should not be allowed to divide people. Source: Hiiraan Online
  14. Following a brief quiet spell, the Indian Ocean is set to explode with tropical activity this week as multiple cyclones may develop. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug ayaa ka cabanaya in dowladda federaalka ay bedeshay ugaasyadii iyo odayaashoodii u qaabilsanaa soo xulidda xildhibaanada ku matalaya baarlamaanka maamulka Galmudug. Odayaal iyo waxgaradka beelahaas qaar kood oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si bareer ah u badashay Ugaasyadii iyo odayaashii saxda ahaa ee ku jira liiska 135-ka. “Waxaan beesha caalamka u sheegeynaa oo madaxda ugu sareysa dowladda federaalka u sheegeynaa in wasiirka arrimaha gudaha iyo guddiga doorashada Galmudug inay wadaan dhibkii Kismaayo laga sheegaayay oo lagu eedeynayey Axmed Madoobe, kaas oo ah in labadalo odayaasha dhaqanka oo lagu bedalo kuwo gacan ku sameys ah, Ugaas Cabdiraxmaan oo ah Ugaaskeenna sidoo kalena ah saxiixaha nagu matala Galmudug inay dowladdu ku badshay nin ay wado”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beelaha la baday matalayaashoodii. Waxgaradka beelaha ka cabanaya in la badalay saxiixayaashoodii saxda ahaa ayaa qaar kood waxa ay sheegeen in odayaashoodii lagu bedalay rag aan ku heyb aheyn. Odayaasha dhaqanka ee liiskaan laga saaray ayaa qaarkood diiday in ay hadlaan waxayna sheegeen in ay ku jiraan wadahadalo isla markaana ay rajo ka qabaan in boosaskooda loo soo celiyo, waxaana sidaas oo noo sheegay qaarkood oo aan la hadalnay. Hore ayaa looga digay in la farageliyo odayaasha dhaqanka iyo guud ahaanba doorashada Galmudug waxaase muuqata in ay dowladda Soomaaliya wado faragelin toos ah. Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta xareeyay qaar ka mid ah odayaashii ay ugu tala galeen inay soo xulaan baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in odayaasha la xareeyey oo aan la cayimin tiradooda ay ku jiraan qaar aan matalin beelahooda oo ay keensatay wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Halkaan ka Daawo
  16. Guddiga farsamada maamul u sameynta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta ka bilaabay magaalada Dhuusamreeb xareynta odeyaal dhaqameedka loogu tala galay soo xulista xildhibaanada cusub ee ka kala imaanaya deegaannada kala duwan ee dowlad gobaleedka. Odayaasha lagu xareeyey Dhuusamareeb ayaa noqonaya sixiixayaasha xildhibaannada cusub, waxaan guddiga uu sheegay in ay yihiin odayaal dhaqameedkii rasmiga ahaa ee loo qorsheeyey xulista xildhibaannada. Sidoo kala waxaa jira Odayaal dhaqameed ku sugan magaalada kuwaas oo sheegay in laga saaray dhaqanka soo xulaya xildhibaanada, waxaana ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen in Odayaasha la xareeyey yihiin kuwii ay xulatay waxaana intaas ku ay dareen in ay ka soo horjeedo hanaankii lagu doonaayey in lagu dhiso Galmudug loo dhan yahay. Dowladda federaalka ah ayaa wajaheysa su’aalo dastuuri ah oo la xiriira kaalintooda sameynta maamul goboleedyada, waxaana Galmudug ka muuqato cadaalad darro la xiriirta xulista xildhibaannada iyo guud ahaan habka loo dhisayo maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Muqdisho dib uga furay Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo xirnaa tan iyo Qaran jabkii 1991. Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo hoostaga Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya waxaa xaruntiisa lagu sameeyey dib u habeyn iyo qalabeyn ballaaran oo maalgaliyey sanduuqa hormarinta Qadar. Dib u furida mac-hadka ayaa loo sameeyey xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo iyo safiiro ka socdo caalamka, gaar ahaan wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyey dib u dhiska Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya ka taageeraya tababarka diblomaasiyiin lagu siinayo mac-hadkan. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Mac-hadku uu suurta galin doono kor u qaadida iyo tayeynta diblomaasiyiinta, sidoo kalana u gacan weyn ka geysan doono dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka intii aan la furin xiriir la sameeyey dalal iyo macaahid badan oo ay ka mid yihiin Mac-hadka diblomaasiyadda Marooko, Mac-hadka diblomaasiyadda Masar, Mac-hadka diblomaasiyadda Qadar, Mac-hadka diblomaasiyadda Suudaan, Mac-hadka diblomaasiyadda Jabuuti, Mac-hadka diblomaasiyadda Itoobiya, Mac-hadka diblomaasiyadda Kenya, Mac-hadka diblomaasiyadda Turkiga iyo Mac-had ku yaalla Sweden. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay xiriir la sameyn doonaan jaamacado badan oo adduunka ku yaalla, si ay waxbarashada dheer uga taageeraan. Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa markii ugu horreesey la asaasay 1986. PUNTLAND POST The post Muqdisho: 30 sano ka dib oo dib loo furay Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka appeared first on Puntland Post.
  18. Wararka Puntland Post ka helayso, magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ,ayaa sheegaya in laamaha amniga Puntland ay xabsiga dhigeen, laba nabaddoon oo magacyadooda lagu sheegay nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo). Nabaddoonada xabsiga loo taxaabay, ayaa kamid ahaa odayaal iyo Siyaasiyiin Jimcihii la soo dhaafay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka fulin. Sidoo kale, odayaasha iyo siyaasiyiinta halkaasi ku shiray, ayaa xukuumadda Puntland ku dhaliilay, in ay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale oo muhiima ku wareejisay, shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta. Sabtidii, nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe iyo nabaddoon Cawad Maxamed Faarax oo kamid ahaa raggaasi, ayaa laamaha amnigu ku xireen Boosaaso,halka Axaddii shalayna xabsiga la dhigay Dr Muuse Cali Jaamac oo isna raggaasi kamid ahaa. Dhammaan odayaasha la qabtay, ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay haatan ku xiran yihiin ,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka gaabsaday in la xigto codkooda iyo magacyadooda. PUNTLAND POST The post Puntland oo nabaddoono kale cabsiga dhigtay appeared first on Puntland Post.
  19. The postponement of a vote set for mid-December to 2022 and increasing crackdowns on free speech pose a risk to Somaliland, an internationally endorsed autonomous region of Somalia that straddles the borders of Ethiopia and Djibouti. Some analysts see Somaliland as East Africa’s strongest democracy, located at a strategic intersection and key to the development of the Horn of Africa . The most recent postponement of the parliamentary vote to 2022 has triggered political infighting and discontent on the part of the opposition and among young people who say they feel excluded. The majority of Somaliland’s population are under 35. A disenfranchised generation “We are having a whole generation unable to elect their own representatives, because everyone who is under the age of 30 was not eligible to vote in 2005 when our parliament was elected,” says Guleid Ahmed Jama, a lawyer and political analyst. “There is a detachment between the elected officials and the majority of the people in the city, who are suffering because of unemployment and other social issues.” Somaliland, home to over 4.5 million people, declared independence from Somalia in 1991. The move came after years of dictatorship and bloody conflict under Somali President Mohamed Siad Barre. The region’s fight to be recognized as an independent state has been hindered by diplomatic issues between the international community and Somalia. Somaliland, meanwhile, functions as a sovereign entity, with its own constitution, institutions and permanent population. While presidential elections have been held on a regular basis, the upper and lower houses of parliament have been in place for 14 and 22 years respectively. The elections for the lower house scheduled for this year were put off until 2022, officially because parties disagreed on who should run the new National Election Commission. However, many people argue that the unwillingness of Somaliland parliamentarians to relinquish power is behind the repeated deferral of the vote. Local councils have also been operating without a mandate since April. “The problem is, even if this [issue oo the election commission] is solved, the issue related to disputes on election and postponement of elections will not be resolved,” says Guleid Ahmed Jama. “This requires addressing the root cause of the problem, which relates to the rule of law and the place of the judiciary. The electoral law and the electoral commission need to be reformed in order to conform with democratic principles.” Political squabbles The main opposition Waddani party has accused Kulmiye, the ruling party of President Musa Bihi Abdi, of appointing biased members to the National Election Commission. To protest this and the delay of elections, Waddani called for a rally at the party’s headquarters in the capital, Hargeisa. On November 18, Waddani’s secretary general and spokesman were arrested, then released one week later. “Taking them to prison was illegal because we are in the opposition and we have the right to criticize the government normally, like in any democracy in the world,” said Waddani chairman Abdirahman Mohamed Abdillahi, also known as Irro. The ruling party denies clamping down on the opposition, which it blames for the postponed elections. “Kulmiye party was ready and prepared to hold the elections on time, but the Somaliland system requires all three political parties to agree to hold the elections,” said Ahmed Abdi Hussien, its deputy chairperson. “It was very unfortunate that the Waddani party refused … to agree with the nominations made by our party, although we have not interfered with their nominations. This caused the extension of the time for the current sitting parliament.” Clan-based politics Somaliland is ruled by three national parties, a number limited by the constitution in order to discourage clan-based and sub-clan parties and competition, which have led to tensions in the past. Such alliances, however, still play an important part in the region’s politics. Disagreements between sub-clans have led to tensions within the ruling party itself. While Kulmiye deputy chairman, Ahmed Abdi Hussien, insists that the clan system is “almost disappearing” from politics and especially among young people, those dynamics still come into play during elections. “Certainly the percentage of youth is huge, but that doesn’t mean that they have much political weight. Sadly, they don’t organize around their own political demands,” says Rakiya Omaar, a human rights activist and director of Horizon Institute. The NGO works in the justice sector to promote human rights and institution building. “Unless they divorce themselves from political parties, which are very much along clan lines, I don’t think a lot will change,” she said. Threatened democracy Despite the political squabbles, Somaliland is still considered as a model of internal stability and peace in the Horn of Africa, and one with strong institutions. But human rights organizations say democracy might be threatened by an increase in arrests and arbitrary detention of journalists and opposition figures. Only a few weeks ago, the chief editor of privately owned Horn Cable TV was arrested by the police, and the station was forcibly closed. “We have seen that media outlets and other individuals who are critical of the government, particularly those who talk about corruption cases, have been targeted, arrested and had their media outlets closed down. It is a violation of freedom of expression,” says Abdullahi Hassan, Amnesty International’s Somalia researcher. “I’m really afraid that the country might descend into worrying kinds of chaos if this current pattern continues.” This trend, combined with a poor economic situation worsened by its non-recognition as an independent state, makes Somaliland vulnerable to outside threats, says Guleid Ahmed Jama.” If democracy is not strengthened, the instability in Somalia, where al-Shabab and other militants operate, can threaten Somaliland. “I believe the president should take more responsibility … and should ensure elections happen earlier than 2022,” he insists. But Rakiya Omaar is confident that the willingness of the Somaliland population to safeguard peace will play a significant role in maintaining the country’s stability. That stability is Somaliland’s most treasured asset and it’s what makes people have red lines beyond which they won’t go, she says: “Without stability, we wouldn’t be talking about political integration or economic success or anything else.” Source: DW.COM
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta dib u furay machadka diblamaasiyadda qaranka oo hoos taga wasaaradda arrimaha dibadda, dib-u-dhis ballaaranna loogu sameeyay in lagu horumariyo diblamaasiyadda dalka. Munaasabadda dib-u-furidda machadka oo lagu qabtay xarunta machadka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo iyo safiirro ka socda waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya. Wasiirka ayaa dowladda Qatar iyo sanduuqa horumarinta Qatar uga mahad celiyay taageeradooda mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dib-u-dhiska Machadka qaranka. Waxaa kale oo wasiirku u mahad celiyay dowladaha Soomaaliya ka caawinaya tababarka diblamaasiyiinta lagu siinayo machadka. Machadka diblamaasiyadda wasaaradda arrimaha dibadda oo la aasaasay December 3, 1986 ayaan shaqeyn wixii ka dambeeyay 1991 oo aheyd xilligii ay buburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana dib u howl gelintiisu ay qayb ka tahay halbeegyada tubta siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta diblamaasiyadda dalka.
  21. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey ku noqashada qoondaha Miisaaniyaddda 2019-ka. Kooramka Golaha ayaa ku furmay 141 Mudane, waxa Kulanka Shir Guddominayey Guddomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye Ku Xigeenka koowaad, Cabduweli Shekh Ibraahim Muudey. Waxaana Cod Loo Qaaday Ku Noqashada Miisaaniyadda 2019-ka Waxana Ogalaatay 118 Mudane, Waxaa Diiday 15 Waxa Ka Aamustay 8, Sidaas Ayuu Ansax Ku Noqday. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-02122019.mp3 View the full article