Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka. Baaqyadaas ayaa lagu dalbanayaa in isbedel deg deg ah lagu sameeyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana talada wax laga siiyo madaxda dalalka Afrika. Afrika ayaa muddo dheer ku baaqeysay in matalaad joogto ah ay ka hesho golaha ammaanka ee ugu sarreeya adduunka. Wasiirka gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa sheegay in dib u habeyntu ay kor u qaadi doonto ka qayb galka iyo qotodheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka. Horay madax badan oo Afrikaan ayaa sidaan oo kale dalabkaan culus ugu soo bandhigtay shirarka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, balse dheg jalaq looma siin. Shirka lagu soo bandhigay dalabkaan hadal-heynta abuuray waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jeediyey khudbad dheer, inkastoo uusan ka hadlin arrintaan ay Afrika dalbaneyso. Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa Soomaaliya ka socda ayaa weli ku sugan New York, halkaas oo kulamo doceedyo uu la qaadanayo madaxda caalamka uu ka wado, taasi oo fursad weyn u ah Soomaaliya oo dunida ka gadeysa qorshaheeda diblomaasiyadeed ee damaca Itoobiya. The post Afrika oo dalab xasaasi ah geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka. Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin. Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey ciidanka booliska ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Taliye Sulub ku amaanay sida uu ciidanka ugu soo biiriyey oo fursad u siiyey dhalinyarada firfircoon ee u caaboon inay u shaqeeyaan dalkooda. Xasan Sheekh ayaa ka hadlay nidaamka dalacsiinta saraakiisha ciidamada, isagoo sheegay in dalacsiintu ay ku xiran tahay shaqo, balse aysan ku xireyn waqti iyo in laga baryo madaxda. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac. Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland. Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday. Hoos ka daawo Xasan Sheekh The post Daawo: Xasan oo dalacsiiyey Taliye Sulub – Maxaa ka jira xil ka qaadistiisa? appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ku qabsoontay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin. Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka, isaga oo ku adkeeyey ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada Source: goobjoog.com
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa horraantii sanadkaan gaaray is-afgarad xiisad xooggan ka abuuray gobolka, kaasi oo Somaliland ay sheegtay in Itoobiya ay dhul badeed uga beddelaneyso aqoonsi, maadaama ay Itoobiya si weyn u daneynayso inay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Inkasta oo heshiiskan uu la kulmay diidmo adag oo dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhalleeceyn caalami ah, haddana weli labadii dhinac ee qalinka ku duugay midkoodna kama laaban heshiiskan oo lagu tilmaamay sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. Waxa aynu warbixinteena isku dul taagi doona qodobka aqoonsiga, inaga oo dib u milicsan doona wareysi uu sanado kahor bixiyay ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Wareysigaas oo uu Meles ka qaaday Yuusuf Garaad ayaa waxa uu markaas si cad u sheegay in Itoobiya aysan ku dhiiran karin aqoonsiga Somaliland, haddii aysan taas uga hormarin Soomaaliya, oo macnaheedu yahay “in aysan awood u laheyn aqoonsiga dhul waddan kale”. Wareysiga ayaa u dhacaya sida tan; Yuusuf Garaad: Maaddama xaga ammaanka iyo sirdoonka aad iska kaashanaysaan maxaa idiin diiday in aad Somaliland aqoonsataan?. Meles: Waa su’aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen. Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani. Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan]. Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin. Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno. Su’aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland? Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go’a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale. Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed. Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah. Haddii ay aqoonsadaan Somaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan. The post Sababta u weyn ee ITOOBIYA ugu dhiiran karin aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixiyay tallaabo ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii la hor istaagan safar uu Baydhaba ku tegi lahaa Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo laga reebay diyaaraddii uu raaci lahaa. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xayiraadda la saaray xildhibaanka, wuxuuna sheegay inay tahay arin halisteeda leh oo ku tumasho ah. Sidoo kale wuxuu ka digay hanjabaadyo uu sheegay inay ka imaanayaan dhanka madaxweynaha, isaga oo ku macneeyay ku takrifal awoodeed iyo kalitalisnimo. “Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda” ayuu yiri warsame. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Waxaan canbaaraynayaa safarka ay maanta hay’adda amniga kaga xanibtay xildhibaan Maxamad Sheikh C/llaahi (Ciro) oo u safrayey magaalada Baydhabo. Waa xildhibaankii labaad oo safar loo diido. Xorriyadda safarka waxa ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka, kumana sii jiro xildhibaan xasaanad leh. Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda. Waxaan ugu baaqayaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka xuquuqda muwaadinka, kana fogaadaan ficilka gurracan ee bulshada kala fogaynaya. The post CC Shakuur oo si adag uga horyimid tallaabo ay maanta qaaday DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. 460992941_888997362631855_5700755704251584445_n Qaran News
  8. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Jenaraal Zakir Hasanov. Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka Kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah xasilloonida. Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta cududdeeda ciidan iyo soo afjaridda dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, ayadoo heshiisyo iyo iskaashiyo militari la yeelanaysa dalalka dunida. Source: goobjoog.com
  9. Waxaa maanta la soo gaba gabeeyey dib u eegistii 2-aad ee Barnaamijka ay taageerto Hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee dib u habaynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo Sabtidii la soo dhaafay shir looga hadlayey uu ka furmay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Inta uu socday shirkaan waxaa diiradda lagu saaray sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda iyo dhaqaalaha, xaaladda maanta taagan iyo u gogol xaaridda Seddexda sano ee soo socota halka la filayo inuu ahaado Hiigsiga Dowladda. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii Horumarinta dhaqaalaha. Wada-xaajoodka Dowladdu ay la lee dahay Hey’adda IMF, yoolasha lagaaray waxaa ka mid ah sida uu tilmaamay Wasiirku, Dakhliga Dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaam uruurinta, Maareynta Maamulka kharashaadka Dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda Maaliyadda. Sidoo kale Banigiga Dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaan himilooyinkii lagu hormarinayay Siyaasadaha iyo Shuruucda Bangiga. Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya lagu amaanay qorshaha Isbedelka Qaranka (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay Xukumaddu in ay soo dhameystirto. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin Laf-dhabarta Dowladda ku waas oo qeyb weyn ka qaatay isbedelka, horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay dadaalkooda cashuur-bixineed iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya. Shirkaan waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Batroolka, Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xarunta Warbixinada Maaliyadda, Lataliye-yaasha Dhaqaalaha ee Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha JF Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  10. Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyed, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa Howlal Qorshaysan ka fuliyay Degaano Dhaca Waqooyiga Gobalada Baay iyo Bokool . Degaanada sida gaarka ah ay ciidanka Howlgalka uga fuliyeen Waxaa ka mid ah Adeegow ,Garaar Tijeega, iyo degaanno kale oo kooxda Alshabaab ay saldhigyo ku lahaayeen. Howlgalkan Gaar ka ah ayaa Waxaa Hogaaminayey Taliyaha Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Dhame Ahmed Maclin Abdi raxman ( Ahmed dheere ) iyo saraakiil kale, waxayna howlgalladani qeyb ka yihiin gulufka ciidan ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  11. Nairobi (HOL) – The Italian government has announced an immediate suspension of Schengen visa processing for applications submitted through its embassy in Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Ankara (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo xarunta warbixinadda maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Ankara ku kala saxiixday heshiis is-faham oo muhiim ah. Heshiiskan ayaa ku qotoma wada-shaqeyn dhex-mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal, kaas oo looga gol leeyahay adkeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada-shaqeynta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan ay maanta saxiixdeen labada dhinac ayaa sidoo kale mid la iskaga kaashanayo ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT). Unugyada sirdoonka maaliyadda ee labada dal ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falan-qeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal. Sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal. Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah. Xarunta warbixinadda maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal. Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal. Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ambassador Fadxudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Maxamed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK. The post Xogta heshiis xasaasi ah oo maanta ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Caasimada Online.
  13. Gudoomiyaha Xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe ayaa dhaleecayn u soo jeediyay mid ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda beesha madaxweynaha, Suldaan Sabeeyste oo olole beelaysan ugu jira in uu mar labaad kursiga ku soo laabto Muuse Biixi. Hadaba gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka gubtay hadalada qabyaaladaysan ee ka soo baxay Suldaan Sabayse iyo kala qaybinta dadka ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada siiba barta uu ku leeyhay X- waxa uu u qornaa sidan hoos ku qoran Suldan Sabayse waxuu ku hadlay, waa qaran dumisnimo. Soomali waxay dagal kula jirta dawlad ayey reer Sheikh Isaaq aqlabiyad ka yihin in aanaye hana qaadin. Isna Reer Sh. Isaxaq oo qooys ah ayaa leeyahay jilib jilib oo codeeya oo u qayeebinaya. Sabaysow sidaa qaran kuma dismo. Qaran News
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu maanta qaabilay safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo qaabilay Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni iyo Danjire Steen Sonne Andersen ayaa Kulankooda uga wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Puntland sida dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland. “Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Puntland sida dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta” ayuu sii raaciyay qoraalka kooban ee ka soo baxay Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta appeared first on Puntland Post.
  15. Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo si xamaasad leh loogu soo dhaweeyey magaalad xeebta ah ee Lughaya …… Waftigii Socdaalka Walaaleeye ee uu hogaaminaayo Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta si weyn oo xamaasad leh loogu soo dhaweeyey Magaalada Lughaya . Shacabka reer Lughaya ayaan u kala hadhin soo dhaweynta Cirro , waxaana ay sheegen in codkooda si doonan xisbiga WADDANI Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa joojisay fiisaha Schengen ee laga bixin jiray safaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Go’aanka hakinta fiisaha oo ah mid si deg-deg ah u dhaqan-galaya ayaa wuxuu si weyn u saameynaya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo markii hore ku tiirsanaa safaaradda Muqdisho, si ay u helaan dal-ku-galka Schengen ee ay ku tegi karaan Talyaaniga iyo dalalka kale. Safaaradda ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X, ee horey loo yaqaanno Twitter in la hakiyay dhammaan codsiyadii ay soo gudbisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho. “Fadlan waxaa la ogaysiinayaa in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay si degdeg ah u joojisay bixinta dal-ku-galka ee Schengen ee dhammaan codsiyada ay qabato safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, wixii faahfaahin ah fadlan kala xidhiidh safaaradda Talyaaniga ee Nairobi,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Safaaraddu ma shaacin sababaha loo hakiyay bixinta fiisahan, iyadoo aan la ogeyn goorta iyo haddii ay dib u bilaaban doonaan adeegyadii fiisaha ee safaaradda Muqdisho. Talyaaniga ayaa ahaa dalka kaliya ee Yurub ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ogolaaday inay si toos ah Muqdisho uga dalbadaan fiisaha Schengen. Hakintan ayaa noqon doonta caqabad weyn oo soo food saartay ardayda, ganacsatada iyo qoysaska booqanaya Yurub, maadaama dal ku-galka Schengen uu fududeeyo isu-socodka 27 waddan oo Yurub ah, wuxuuna doorka Talyaanigu ku leeyahay bixinta adeeggan u ahaa Soomaalida mid aad muhiim u ah. The post Talyaaniga oo hakiyay fiisihii laga qaadan jiray safaarada uu ku leeyahay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal. Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada (Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT). Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal, sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal. Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah. Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuudriyadda Turkiga ayaa dhisidoona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal. Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal. Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa goobjoog ka ahaayeen safiirka soomaaliya u fadhiya turkiga Ambassador Fadxudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Max’ed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK. Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan si weyn loogu dhaleeceeyay khudbad uu ka jeediyay magaalada Garoowe, taas oo uu uga hadlay xiisadda u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Masar. Madaxweyne Saciid Deni oo hadal ka jeediyay Garoowe ayaa taageeray Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna sheegay inuu ku raacsan yahay hadalka uu yiri ee ka dhanka ah imaatinka Masar. “Inkastoo dhaliilo badan uu la kulmay Waare warkiisii, laakiin aniga waan ku waafaqsanahay waa xaqiiqo jirto in meeshaas ay wax ku socdaan” ayuu yiri Saciid Deni. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Hadalka marka uu qofka adeegsanaayo ma’aha maanta, beri iyo saa dambe ayay dhaceysaa laakiin saa-saanka ay hadda wax ku socdaan haddii lagu sii eegto oo ayaamo sii socdaan 10 sano ee soo socdo xaalka sidaan waa ka duwanaanaa”. Waare oo ka qayb-galayay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa dhowaan si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya. “Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?. Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?” ayuu horay u yiri Maxamed Waare. Dhankiisa waxaa isna soo hadlay wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo u caqli celiyay Waare, wuxuuna kula taliyay kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD. “Walaalkeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon. Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah” ayuu isaguna yiri wasiir hore Yuusuf Garaad Cumar. The post Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo taageero u muujiyay Waare kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  19. Ethiopia has raised concerns over a recent arms shipment from Egypt to Somalia, warning the weapons could end up in the hands of terrorists and further destabilize the region. In a statement released on Tuesday, Ethiopia’s Foreign Minister Taye Astke Selassie said that the supply of ammunition by external forces risks destabilizing the region’s fragile peace. His comments followed the unloading of heavy weaponry from an Egyptian warship in Mogadishu, marking the second arms delivery under a defense pact between Egypt and Somalia. Ethiopia, which has a running dispute with both countries, views the agreement with suspicion. It has threatened not to remain passive while external actors take actions that will destabilize the region. SOURCE: BUSINESS INSIDER Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac. Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland. Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday. Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa Sidoo kale Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa. Si kastaba, haddii lagu dhawaaqo magacaabista Asad Diyaano ayaa waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo hadda ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu wadahadal ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. The post Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista Asad Diyaano appeared first on Caasimada Online.
  21. Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan guutada Birjeex ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan miinooyin ay kooxda Alshabaab ku aaseen waddo isku xirta tuulooyin u dhow deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan aagga tuulada Caanoole. Ciidamada ayaa howlgallo ay sameeyeen ka dib meel tuulada Caanoole 3 KM u jirta ka saaray miinooyin la sheegay inay kooxda Alshabaab halkaas ku duugeen, sida lagu sheegay war laga soo xigtay saraakiisha. Deegaanada jubbalaand ayaa kamid ah meelaha ay howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ka socdaan, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland. Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbadisii ugu danbeeyay salaasadii shalay ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo hogaamiyayaasha caalamka u sheegay, in in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu fashilmay, isla markaana ay weli suurtogal tahay in xal diblamaasiyadeed laga gaadho colaadda Israel iyo Xisbullah ee Lubnaan. Biden oo ay wax ka yar afar bil uga hartay muddo xileedkiisa xafiiska Aqalka Cad, ayaa kasoo hor muuqday masraxa Golaha Guud, iyada oo ay dagaallo ka socdaan Ukraine, Marinka Gaza, Sudan iyo xadka Lubnan iyo Isra’il. Wuxuu sheegay in dagaal buuxa oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah aysan cidna dani ugu jirin, xitta haddii ay xaaladdu sii xumaado ayuu yidhi. isaga oo intaasi raaciyay in wali uu xal diblamaasiyeed suuragal yahay. Madaxweyne Biden ayaa 193-ka xubnood ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay hortooda ka diray baaq ku aadan soo afjaridda dagaalka Gaza iyo sii deynta la heystayaasha reer Isra’il. Mar uu ka hadlay dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayuu Biden sheegay, in dagaalka uu madaxweyne Putin soo abaabulay ee uu ku qaaday Ukraine uu fashilmay. Isaga oo yidhi, “ Wuxuu u soo kacay in uu burburriyo Ukraine, laakin Ukraine wali waa xor.” Wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka Sudan, isaga oo erayo adag kula hadlay dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo uu ku yiri “Joojiya dagaalkan hadda.” Madaxweyne Biden ayaa bishi July ee sannadkaan ku dhawaaqay in uusan mar kale isu soo sharrixi doonin doorashada madaxtinimada Mareykanka, taas oo ka dhigtay madaxweyne hal xilli u shaqeeyay shacabka Mareykanka. Source