-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta aad loogu faafiyey muuqaalka haweeney waayeel ah oo ka shaqeyneysa dhismayaasha guryaha oo nin oday ah uu ku qasbayo shaqada, iyadoo la hadleysa Telefishin. Wiil weriye ah oo ka socoday Bay TV ayaa si kedis ah ula kulmay Hooyo ka mid ah shaqaale dhisaya guri, bartamaha magaalada Baydhaba, wuxuuna go’aansaday inuu ka qaado wareysi. Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa dhismaha guriga, wuxuuna u gacan qaaday Maamadii oo TV-ga u warameysa, waxayna u carartay dhanka shaqada. Goobta waxaa ka socday dhisme guri weyn, shaqaalaha dhisaya gurigaas sida caadiga ah wuxuu ahaa rag, balse waxaa ku jirtay haweyneydaan, waana sababta uu weriyuhu u go’aansaday inuu wareysto. Maamada ayaa wareysigaas ku sheegtay in maalinkii ay dhismahaas ka hesho $5 isla markaana ay ku biilato carruurteeda, markii la yiri “maxaad codsanee” waxay ku jawaabtay inay shaqeysaneyso. Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib, waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa guriga la dhisayo, wuxuuna labada garbood qabtay maamadii, isagoo u tuuray dhinaca shaqada kuna yiri “Shaqeyso waqtiga ha beerdareyne.” Intaas kadib waxaa baahay muuqaalkii, dadka Soomaaliyeed oo ka carooday sida loo qasbay maamada, duruufta ay ku shaqeyneyso iyo culeyska shaqada ay qabaneyso oo qof haween ah aan looga baran ayaa aad loo falanqeeyey. Daqiiqado kadib waxaa lasoo duubay muuqaalka ninkii odaga ahaa ee maamada qasbay oo xabsiga loo sii wado, kadib markii lagu dacweeyey ciidamada ammaanka, waxaana lagu xiray saldhigga magaalada Baydhabo. Hoos ka daawo The post Daawo: Muuqaal murugo leh hooyo dhisme guri ka shaqeysa oo fagaare lagu bahdilay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka, isagoo wajahay su’aalo adag oo laga weydiiyey xaaladda Muqdisho. Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye Madaale u qabsaday sababta uu ugu gefay xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda oo uu ku tilmaamay kuwo baahan, wuxuuna Madaale mar kale arrintaas galabta ka bixiyey raali gelin. Sidoo kale, qaraxii dadka shacabka ah lagu laayey ee ka dhacay xeebta Liido ayaa su’aalo laga weydiiyey Madaale iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira magaalada. Xildhibaanada guddigaas ku jira ayaa guddoomiyaha su’aalo badan ka weydiiyey dib u dhaca ka jira caasimada ee dadka reer Muqdisho ay dareemayaan. Kulankaan waxaa loo diiday warbaahinta wuxuuna ahaa mid ay Albaabadu u xiran yihiin, taasi oo yareysay xogta laga heli karo, warbaahintii u tagtay inay soo tebiso ayaa lagu wargeliyey inay iska laabtaan. Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa yiri, “Anaga oo ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Maamulada BJFS waxaan la kulanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kulanka waxaan uga hadalnay weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabkii ku sugnaa xeebta Liido”. Guddiga ayaa isla maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha, sida uu cadeeyey Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye waxaana la weydiiyey su’aalo lamid ah kuwa Madaale la weydiiyey. Guddoomiye Madaale ayaa xiligaan la kulmaya cadaados adag, maadaama magaalada Muqdisho ay ku nool shahay bulsho badan caqabado badana ay ka jiraan, xiliyada qaraxyadu dhacaan iyo markii Roob da’o waxay Muqdisho gashaa xaalad xasaasi ah, taas oo indhaha bulshada ku soo jeedisa guddoomiyaha. The post Sawirro: Madaale oo hortegay BF iyo arrimo xasaasi ah oo su’aalo laga weydiiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jidah ee dalka Sucuudiga, ahna xarunta ku meel gaarka ah ee ururka iskaashiga islaamka, halkaas oo ay shir muhiim ah uga qeyb-geli doonaan. Shirka ay wasiirka iyo wefdigiisu ka qeyb-gelayaan ayaa ah mid aan caadi ahayn oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka islaamku isugu imaanayaan, islamarkaana looga hadlayo xaaladda marinka Qasa iyo sidii wax looga qaban lahaa duqeymaha arxan darrada ah ee uu maamulka Israa’iil bishii 10-aad halkaas ka wado. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad culusi ka jirto bariga dhexe oo ah gobol dalalka ugu badan ee dhacaahi ay islaam yihiin, islamarkaana ay si xoog leh oo dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaan isugu jirta u saameynayso haddii ay sii kororto xurgufta ka dhexeysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iiraan, taas oo cirka isku sii shareertay ka dib dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Turkey and Egypt, during high-level talks in Cairo, have reaffirmed their unified commitment to upholding Somalia's territorial integrity, emphasizing the critical importance of safeguarding its sovereignty amidst ongoing regional disputes. Turkish Foreign Minister Hakan Fidan and his Egyptian counterpart, Badr Abdelatty, emphasized their stance at a press conference following their discussions. Source: Hiiraan Online
-
Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen ku soo qabtay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay miinooyin aasayeen kolkii gacanta lagu soo dhigey, sida ay sheegeen laamaha nabad-galyadu. Ciidanka Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka ayaan faahfaahin dheeraada ka bixin goobta raggaan laga soo qabtay, balse qoraal masariradda 4 nin oo dhallinyaro ahi la socdaan ayaa lagu baahiyay warbaahinta dowladda iyo mareega ay ciidamada qalabka sidaasi adeegsadaan ee baraha bulshad Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo ka hor qarax lagu hoobtay uu ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, islamarkaana ay saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada dhex wareegayeen farriimo digniin ah oo la xariira weerro qaraxyo ah oo magaalada Muqdisho looga cabsi qabo. Source: goobjoog.com
-
Filming has begun in London on In the Shadows, the true story of refugee Ramla Ali who, without her parents’ knowledge, secretly pursued boxing to become the first Somali-British professional boxing champion. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Turning to labouring on local farms has become a lifeline for around destitute 150 pastoralists, whose livestock were wiped out by extreme drought in Bahdo-Gaabo district of central Somalia’s Mudug region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimana maaliyadda dalka. Waxaa kulanka ka maqan oo aan ka soo qayb-galin wasiirka Mlmaaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka, balse aa imaan Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka weli maamulkan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac. Shirkan oo ah kii 22-aad ee wasiirada maaliyadda ayaa waxaa daah-furay wasiie Biixi Imaan Cige, ayada oo ay goobjoog yihiin wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir. Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga wada-tashanayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaiya Biixi Imaan Cige oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyn kadib furitaanka shirka waxa uu dhageystay talooyinka wasiirada dowlad goboleedyada, isga oo uga jawaabay su’aallo la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta labada dhinac. Sidoo kale waxa uu wasiirku dhankiisa la wadaagay xubnaha ka qayb-galaya shirka horumarada laga gaaray maaliyadda dalka iyo dadaallada horumarineed ee ay hadda waddo dowladda Soomaaliya, taas oo ay ugu horeyso qaadista canshuuraha dalka oo muhiim u ah kobaca dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka. Shirka maanta u furmay dowladda dhexe iyo maamullad dalka ayaa socon doono muddo laba cisho ah, ayada la filayo in beri lasoo xiro, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed. Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa in shir kan ka ballaaran ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. The post Shir ay ka maqan tahay PUNTLAND oo ka furmay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka Wasiirada Dowlad-Goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta Maaliyadda iyo wadashaqeynta guud. Shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda heer federal iyo heer D.Goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo, Waxaa kulankaan ka maqan oo aan ka soo qayb galin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka. Source: goobjoog.com
-
Garowe (HOL) — Puntland President Said Abdullahi Deni has defended the 2021 decision to stop using the Somali shilling, asserting that the shift to the U.S. dollar saved the region from economic instability and widespread poverty. "We have $7 million worth of Somali shillings stored with no way to use them. There's no central government to exchange it for other currencies. If we hadn't taken this step, our people would be impoverished today," Deni stated. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay illaa 4 nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, isla markaana ay wadeen qaraxyo xilliga gacanta lagu soo dhigayay. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay howlgalkan, waxaana lagu sheeegay in ragga lasoo qabtay ay wadeen miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. “Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah es Soomaaliya. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh. Ciidamada dowladda ayaa haatan kordhiyay howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan gudaha caasimada, si looga hortago cabsi laga qabo weeraro ay mar kale Al-Shabaab ka fuliso magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Jimcihii lasoo dhaafay ayaa kooxda weerar ku billowday qaraxyo ka fulisay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu laayay dad u badan shacab, waxaana haatan soo baxaya digniino kale oo ku aadan weeraro kale oo ka dhici kara gudaha caasimada. The post Afar nin oo qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gabdhihii TikTok-leyda ee ay maalin kahor xukunka ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta laga sii daayay xabsiga, kadib markii ay iibsadeen xukuna ku dhacay. Gabdhaha la sii daayay ee maanta dib u helay xoriyaddooda ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Khadro Anjalii iyo Farxiyo Zona, kuwaas oo xukun 6 bilood ah ay ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir. Dhammaantood waxaa horay loogu eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga dhexe. Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaasha baraha bulshada ee Internet-ka ayaa xaqiijiyay inay lasii daayay gabdhaha, isla markaana ay iibsadeen xabsiga lagu xukumay. “Ugu dambeyn dhammaantood waa xor, caawana guryahooda ayay u hoyan doonaan maalmaha soo socdana si toos ah ayaad u wada sheekeysan doontaan gabdhihii waa lasoo daayay sifo sharci ah ayayna kusoo baxeen oo uu u ogolaanaayo dastuurka dalka iyo shuruucdii lagu xukumay” ayuu yiri Bilaal. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka wuxuu xaq u leeyahay in xukunnada noocaan oo kale ah uu iibsan karo waana iibsadeen, iyagana intaas ayay waxay igu filantahay wacyigelin iyo kuwa waana qaadasho”. Bulshaawi ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay cashir u noqon doonto dhammaan dhalinyarada kale, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada, maadaama uu yimid isla xisaabtan dhab ah, kaas oo muhiim u ah akhlaaqda qofka, dhaqanka iyo diinteenna Islaamka. “Waxaan rajeynayaa insha allah dadka daawadayaashooda ah inay ku waana qaataan waxyaabaha noocaan oo kale ah, si aysan mar kale noogu soo laaban waxaan u rajeynayaa nolol qurux badan, wanaag iyo cimri dheer oo cibaado leh ayuu mar kale yiri Bilaal Bilshaawi. Dhinaca kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo iyana loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok. Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May ee sanadkan, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho. Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho. The post War cusub oo kasoo kordhay xukunka gabdhihii TikTok-leyda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar lale digniin culus kasoo saaray weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka gaysan karto gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub. Digniintan kasoo baxday xafiiska QM ee Soomaaiiya ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4 iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab. Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado. Horay ayaa Qaramada Midoobay sidaan oo kale uga digtay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale. Jimcihii ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay Al-Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi. Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan. Magaalada Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad adag, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada tooska iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha caasimada, iyaga oo beegsada goobo muhiim ah iyo xarumaha dowladda. The post Digniin culus: Gawaari qaraxyo sida oo ku jiro Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Comment) —The dispute between the Federal Government of Somalia and Puntland State of Somalia over the tendering process for the rehabilitation and reconstruction of the Galkayo-Xarfo Road (67 KM) brings to light the absence of political agreements on infrastructure projects. The African Development Bank funds the rehabilitation and reconstruction of the Galkayo-Xarfo Road. The press release from AFD dated 1 August instructs potential bidders to send their bids to the Federal Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing. This policy grants Mogadishu powers to oversee the tendering process. It is a policy that excludes Puntland State institutions such as the Puntland Auditor General and Puntland Housing and Public Works Ministry from discharging their duties over the project. The Federal Government of Somalia has an obligation to look into the political dimensions of the projects — the absence of clear rules on awarding the project to a company based outside Puntland State of Somalia. Puntland is a pre-federal state (it was founded before Somalia adopted the federal system). The African Development Bank channelled the grant through the Federal Government of Somalia, which has strained relations with Puntland State of Somalia. Although the federal system in Somalia turns 20 in October, institutionally it is in its infancy. It is more centralised than pre-1991 Somali governments in the sense that it tends to use its privileges to represent Somalia as an opportunity to marginalise Puntland State of Somalia. By its very nature, development is inseparable from politics in Lasswell’s definition of “who gets what, when and how.” In a country that underwent a state collapse precipitated by dictatorial and statist policies that treated parts of Somalia as a periphery, the federal system is supposed to empower federal member states by letting them play an important role in development projects being carried out in an area under the jurisdiction of a federal member state. In the rudimentary stage of the federal system, the application of a non-competition clause specific to the federal member state that is a beneficiary of a development project such as the rehabilitation and reconstruction of Galkayo-Xarfo Road is crucial. The tendering process for development projects should reflect the spirit of the federal system. The role of the federal government is to secure development funds for the benefit of citizens, not to use the privilege as an opportunity to assert political power or settle political scores. © Puntland Post, 2024 The post Development and Politics Collide in Somalia’s Galkayo-Xarfo Road Project appeared first on Puntland Post.
-
The death toll from two landslides in southern Ethiopia has jumped to 229 and could rise further as the search for survivors and casualties continued into a second day, a government official said on Tuesday. Following heavy rain, a landslide buried people in Gofa zone in Southern Ethiopia regional state on Sunday night, then a second one engulfed other who had gathered to help on Monday morning. “I don’t know when it will stop. We are still recovering bodies,” Markos Melese, head of the National Disaster Response agency in Gofa Zone, told Reuters by phone. “We are still digging.” On Monday an official said at least 50 people had died and children and police officers were among the dead. Footage shared by the local administration showed people digging up bodies with shovels and bare hands. The death toll surged after the people who came to rescue also got trapped,” said Gofa district administrator Misikir Mitiku. “It is a very sad incident.” Prime Minister Abiy Ahmed said he was deeply saddened by the terrible loss of life, and that federal officials had been deployed to reduce the impact of the disaster. “We stand in strong solidarity with the people and Government of Ethiopia as rescue efforts continue to find the missing and assist the displaced,” African Union chairperson Moussa Faki Mahamat wrote on the social media platform X. The head of the World Health Organization Tedros Adhanom Ghebreyesus, who is Ethiopian, said he was thinking of all the families affected and that a WHO team had been sent to support immediate health needs. “As the region continues to face the harsh impacts of climate change, we urge everyone to stay vigilant and follow safety protocols to protect lives and prevent further tragedies,” said Workneh Gebeyehu, executive secretary of the Intergovernmental Authority on Development, a regional bloc. The East African Qaran News
-
Vice-President Kamala Harris is expected to announce her running mate by Tuesday morning, ending two weeks of intense speculation as the US hurtles towards November's presidential election. Source: Hiiraan Online
-
454106856_523398030125825_2392203032095404340_n Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Howl-gal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh. Ninkan oo si weyn ugu raadjoogtay hay’adda NISA ayaa hadda ahaa horjoogaha kooxda Al-Shabaab lacagaha baadda ay ugu yeeraan Sakada ee gobolka Galgaduud. Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-Shabaab ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kahor inta aanan kooxda laga xorreyn Guud ahaan Gobalkaas. Sidoo kale wuxuu ninkaan kasoo howl-galay gobolada Baay iyo Bakool, wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee Axmed Diiriye Hay’adaha amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha kooxda ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed. Horjoogahan oo muddo ay ku raadjoogtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa ugu dambeyn lagu wareejiyay, ayada oo baaris ku bilaabeysa ninkaan. Dagaalka Al-Shabaab ayaa markale dardar cusub ku socda, xilli uu heer geba-gebo ah marayo wejiga hore ee dagaalka, uuna dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo ka xoog badnaan doona ka hore. The post Sidee ayuu NISA ugu soo gacan galay horjoogihii ay muddo ku raadjoogtay? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Siciid Deni ayaa markii u horraysay si faahfaahsan uga hadlay go’aankii xukuumaddiisu degaannada Puntland kaga joojisay isticmaalka shilin Soomaaliga. Madaxweyne Deni ayaa xalay degmada Buurtinle lagu weydiiyay su’aal ku saabsan go’aankii dowladdu guud ahaan degaannada Puntland kaga joojisay isticmaalka Shilin Soomaaliga kaasi oo aan mudda sannado ah laga adeegsan Puntland. Madaxweynaya ayaa sheegay in kadib markii la xakamayn waayay sarrifka lacagta shilin Soomaaliga ay go’aankaasi qaateen si loo badbaadiyo dhaqaalaha shacabka Puntland islamarkaana dowladdu ku saxneyd joojinta Shilin Soomaaliga. Wuxuu sidoo kale sheegay in dad ku sugan meelo ka baxsan Puntland ay samaysteen lacago been-abuur ah kadibna u soo rareen gudaha degaannada Puntland si ay ugu dhacaan shacabka taasina dowladdu ka hortagtay. Halkaan ka daawo hadalka Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo difaacay go’aankii xukuumaddiisu degaannada Puntland kaga joojisay isticmaalka Shilin Soomaaliga appeared first on Puntland Post.