Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Turkey will host a crucial second round of talks next week between Somalia and Ethiopia, aiming to defuse tensions over a contentious port deal with Somaliland that has strained relations between the East African neighbours Source: Hiiraan Online
  2. 454646339_2262097137459918_8496840342684024249_n Qaran News
  3. Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee caasimadda Soomaaliland ayaa sheegaya in Caawa ay halkaas ku geeriyootay Fannaanadda Asma Saban ka dib markii ay is dishay ama ayadu gacanteeda is daldashay. Fannaanadan da’yarta ah ayaa ka mid ahayd Kooxda Xiddigaha Geeska oo ay hooballo badan oo reer Soomaaliland ahi ku mideysanyihiin, lamana oga sababta ka dambeysa inay is daldasho oo nafta is dhaafiso, islamarkaana ifka Aakhiro ka doorato. Allaha u naxariistee Asma Saban oo kamid ahayd fannaaniinta Soomaalida kuwa ugu taageerada badan oo heeseheeda aad loo dhageysan jirey ayay geeridoodu keentay hadal-hayn xooggan oo baraha bulshada ka socata iyo weydiimo ku aaddan sababta ku qasabtay inay nafta iska jarto. Source: goobjoog.com
  4. Click here to read more about this Qaran News
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in caawa ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban). Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda. Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay geerideeda iyo waxa sababay, maadaama ay iska soo daba dhacayaan warar kala duwan. Asma Saban ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aadka loo jeclaa, iyadoo qaaday heeso badan oo sanadahaan dambe aad loo dhageysto. Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana lagu wadaa in Kooxda ay ka tirsanayd ee Xidigaha Geeska ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan geerideeda. Hadal heynta iyo tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ayaa caawa hareysay Hargeysa, in kastoo wararka ka soo baxaya ay weli is khilaafsan yihiin. The post Fanaanadii Asma Saban oo caawa geeriyootay iyo arrin naxdin leh oo soo yeertay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa qeybtaan uga hadlay dagaalka ay dowladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo sheegay in muhiimadda koowaad uu dagaalku u yahay dowladiisa. “Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa dagaalka Khawaarijta weli waa muhiimadeena koowaad, mana istaagin oo waa socdaa, mana istaagayo ilaa dalkaan laga xoreeyo argagixisada,” ayuu khudbadiisa ku bilaabay Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey weerarkii dadka shacabka ah lagu laayey ee caawa oo kale Jimcihii hore ay Shabaab ka geysteen xeebta Liido. “Gaadmo waa sameeyaan mar kasta oo Khawaarijta waa dhaqankeeda, laakiin aad ayaa looga taxadaraa amniga Muqdisho, waana dhaceysa mararka qaar inay na gaadaan sidii habeen dhoweeto, ayadana intii nooga dhimatay Allaha u naxariisto oo intii nooga dhaawacantay ha u yasiro,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa mar kale cod dheer ugu sheegay shacabka in dagaalkii lagu qaaday Khawaarijta Al-Shabaab uusan joogsa doonin oo mujiimadda koowaad uu dowladda u yahay. “kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhaqaale la’aanta la sheegay inay magaalada ka jirto. Dhaqaale yarida dadka qaar waxay ku macneeyeen inay ka dhalatay lacagihii laga xayiray Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay, maadaama dowladdu dagaal dhaqaale ay ku qaaday kooxda, balse madaxweynaha oo hadal heyntaas ka jawaabay ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dhaqaale xumada ay jiraan kuwii lacagaha u kala gudbi jiray argagixisada. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo, isagoo tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar. Hoos ka daawo The post Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab + Video appeared first on Caasimada Online.
  7. Ciidanka dab-damiska magaalada Laascoonaad iyo dadweynaha oo iskaashanaya ayaa howlgal ku dhowaad 30 saacadood qaatay, islamarkaana khasaare dhimasho sababay ka dib ku guuleystay inay soo saaraan meydka wiil musqul ku dhacay shalay gelinkii dembe. Howlgalku intii uu socday ayaa waxaa ku dhintay mid kamida askartii ku jirtay dadaalada samata-bixinta ah, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan, kana tirsanaa ciidanka dab-damiska magaalada , waxaana asagoo meyd ah laga soo bixiyay godka suuliga ee ilmaha yari ku dhacay oo uu galay si uu uga soo saaro. ilmihii yaraa ee musqusha ku dhacay ayaa hadda dhow meydkiisa la soo saaray, ku dhowaad 30 saacadood oo gurmad iyo howlgal ballaaran ah, waana kamida samata-bixintii ugu amninta dheerayd ee laga soo wariyay dhulka soomaalida, nasiib darro’se raqdiisii ayaa la helaye ruux looguma tagin. Source: goobjoog.com
  8. Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay garwadeen ka tahay Turkiga ee la xiriiira xiisadda Badda ayaa galaya wejiga 2-aad iyada oo labada dhinac ay Ankara ku kulmi doonaan todobaadka soo socda. Wararka ayaa sheegaya in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya Axmed Macallin Fiqi iyo Taye Atske Selassi ay kulmi doonaan si xal looga gaaro is mariwaaga dhashay kadib markii January ay Adis Ababa kula heshiisay maamulka Hargeisa kireynta 20 km oo badda Soomaaliya taasi oo Muqdisho u aragtay ku xadgudbidda dhulkeeda iyo waxyeeleynta madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya. “Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta aqoonsiga Itoobiya ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo madax-bannaanida siyaasadeed laga xaqiijinayo,” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii. Bishii Abriil, Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay dalkeeda ka cayrisay safiirkii Itoobiya. Waxa kale oo ay xidhidhisay qunsuliyadihii Itoobiya ee Hargeysa oo ah magaalada ugu weyn iyo caasimadda Somaliland iyo Garoowe oo ah magaalo madaxda maamul-goboleedka Puntland. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la ogolayn. Turkiga wuxuu noqday saaxiibka dhow ee Soomaaliya, isagoo dhisay iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna deeq waxbarasho u fidiyay Soomaalida Turkiga. Sanadkii 2017, Turkiga waxa uu Muqdisho ka furay Saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sanadkan kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah. Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka wadaa wada-hadallada u dhexeeya dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika, kuwaas oo xidhiidhkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya ogolaatay in 20km (12 mayl) oo xeeb ah laga kireeyo Somaliland si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda. Soomaaliya waxay sheegtay in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo ka hadlay hannaanka Dimuqraadiyadda iyo qori isku dhiibka madaxtinimada dalka ayaa sheegay inaysan cidina kursiga isku dhajin karin, islamarkaana asagu aanu diyaar u ahayn muddo kororsi, xaqna u lahayn. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inuu horay dalka u soo maamulay dadweynaha Soomaaliyeed ay marqaati ka yihiin inuu xilka si nabad-galyo ah u wareejiyay, haddana uu sidii oo kale damacsanyahay oo boob doorasho iyo waqti dheeraysi midna aan ku fakarayn, qorshahana ugu jirin. Dhanka kale wuxuu carrabka ku adkeeyay inay doorasho qof iyo cod ah dalka ka hirgelin doonaan, islamarkaana laga guuri doono hannaankii hore ee doorashada dadban oo xilligiisii la dhaafay, islamarkaana loo baahanyahay in laga gudbo. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hor ay golaha wasiirradu ansixiyeen laba xeer oo kala ah xeerka doorashooyinka iyo midka axsaabta siyaasadda dalku yeelanayo, kuwaas oo hagi doona doorashada soo socata. Source: goobjoog.com
  10. Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulab Axmed Firin ayaa maanta booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taala magaalada Lyon ee Dalka France, halkaas oo shahaado la gudoonsiiyay. Xoghayaha guud ee INTERPOL Secretary General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xaruntaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Caalamka ee INTERPOL, waxana Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu xoojinaaya xiriirka iyo taageerada wadankeena ee la dagaalanka Argagixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta Dadka iyo Hubka, Dembiyada abaabulan, burcad badeedka, Kalluumeysiga Sharci darada ah iyo fududeynta is-dhaafsiga xogaha dembiilayaasha caalamiga ah. Labada dhinac ayaa is afgarad ka gaaray Sare u qaadista Xirfadaha Baarista Dembiyada, Isticmaalka Keydadka Macluumaadka INTERPOL ee kala duwan iyo iskaashiga howlgalada Booliiska Caalamiga ah ee INERPOL. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka. Qormadeena qeybtaan waxaan ku soo qaada doonaa arrinta dhaqaalaha sidii uu uga hadlay madaxweynuhu, isagoo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada. Ugu horeyn madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray. “kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar. “Kuwiina shiidka ka cabanaya ma arkaan miyaa hormarkaas, aada halkaas ayuu dhaqaalihii idinka jiraa, inkama jiro wado qaldan, dadkeenu ma gaarin sidii aan rabnay, laakiin waxaa jira hormar weyn iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo khudbadaan ka jeediyey masjidka Madaxtooyada salaadii Jimcaha kadib ayaa sidoo kale sheegay in deeqihii caalamku sii jiray Soomaaliya ay sidoodii u socdaan oo hadda uusan jirin dhaqaale dalku lumiyey ama ka xayiran. “Dadkeenu waa fakhri oo waa ognahay, laakiin hadana dhaqaalaheenu wuxuu kobcay in ka badan 50% weli meeshii aan rabnay ma gaarin, balse tartiib ayaa loo gaarayaa, waana arkeysaan waxa dhismayaal iyo mashaariic dalka ka socda ee yaan la dhageysa wiil yar oo baraha bulshada kasoo qeylinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay shiidka ka jira magaalada appeared first on Caasimada Online.
  12. Nairobi (HOL) - Former Somali Foreign Affairs Minister Fawzia Yusuf Adam has endorsed former Kenyan Prime Minister Raila Odinga, who is among four candidates vying to unseat the current African Union (AU) Chairperson, Moussa Faki Mahamat. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan iskaga hartay tartanka doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxa Kenya. Fowsiyo oo horey u sheegtay in madaxda sare ee dalka ay kursigan ku dhisayaan musharaxa ay wadato Jabuuti, ayaa markaan sida muuqata u xarko xiratay sidii ay u dhaafin laheyd, iyadoo taageero u muujisay ra’iisul wasaarahii hore ee dalka Kenya Raila Odinga. Kulan gaar ah oo magaalada Nairobi ku dhex-maray Fowsiyo iyo Odinga ayay kaga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay tan doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika. Xildhibaan Fowsiyo ayaa kulankan taageero ugu muujisay Raila Odinga, oo xilligaan kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee kursigaan raadinaya, ayna dowladdiisa garab buuxa ku siineyso sidii uu dhankooda u mari lahaa. Odinga ayaa ka mahad-celiyay taageerada Fowsiyo oo ayadu kursigan olole xooggan u gashay, waana mid sare usii qaadeysa rejada Kenya ee kursigaan. “Aad ayaan uga mahad-celinayaa taageerada ay ii fidisay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf tartanka aan u galay guddoomiyaha AUC” ayuu yiri musharax Raila Odinga. Tageerada Fowsiyo ay u muujisay Odinga ayaa kusoo aadeysa, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya doorashadaan ku garab taagan tahay musharaxa ay wadato Jabuuti, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf. Doorashadan oo dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay afar musharrax, kuwaasi oo kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti iyo musharixiin kale oo kasoo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagascar. The post Fowsiyo oo taageertay musharax ay is-hayaan midkii ay DF uga reebtay tartanka appeared first on Caasimada Online.
  14. Jowhar (HOL) - Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and traditional elders announced on Friday that two Abgal sub-clans have reached an agreement following months of deadly conflict in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  15. Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil waxa ay isu diyaarinaysaa ciidan ahaan iyo bulsho ahaanba, si ay uga gaashaamato weerarada suurta-galka ah ee uga imanaya ururka Xisbullah ee Lubnaan. Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii Israa’iil ay u geystaya taliyihii ciidamada Xisbullah, Fouad Shukr. Israa’iil waxay geysay xudduudda dhanka Lubnaan gantaallada difaaca hawada, waxayna sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda. Dadwayne badan ayaa laga daabulay magaalooyinka ku yaalla xuudduudda Lubnaan, waxaana dadka si joogta ah loo siiyaa talooyin ku aaddan waxa dhici kara. Magaalada Haifa, tusaale ahaan, waxaa ka socda diyaar garow aad u wayn waxaa laga sameeyay goob isbatal ah oo xaaladaha degdega ah loogu talagalay haddii lacalla magaalada la soo weeraro. “Haifa uma diyaarsano iska hor imaad,” hadalka ayey ku cel-celiyaan dad badan oo deggan magaaladaas, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​300,000 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo 12 boqolkiiba ay yihiin Carabta Israa’iil ayaa ah in aysan dagaal u diyaarsaneyn. Dadka deeggan halkaas waxaa ka mid ah Yoav Haifa, kaasi oo aaminsan in dowladda iyo ciidamada Israa’iil ay magaalada Haifa u soo jiidayaan in la bartilmaameedsado iyo in ay noqoto xudunta iska horimaadka, isago farta ku fiiqay “dilalkii qorsheysnaa oo israa’iil dhawaan ay fulisay”. “Bartilmaameed kasta oo lagu sameeyo goobaha kiimikooyiinka waxay khatar ku tahay boqolaal kun oo qof oo deggan,” Yoav ayaa noo sheegay markii aan weydiinnay waxa dadka deggan magaalada ay aad uga walaacsan yihiin. Waxa uu sheegay in inta badan guryaha Haifa aysan ka jirin hoy ama meelo ammaan ah, isla markaana aysan jirin meel gabaad laga dhigto. Runtii, qaar badan oo ka mid ah dhismayaal ku yaal Haifa, waa dhismayaal duug ah, mana laha meelo god hoose ah oo loogu talagalay in dadka ay ku gabadaan. Sagaashamaadkii, ka dib markii uu qarxay waxa loogu yeero Dagaalkii Labaad ee Gacanka 1991, waxaa la soo rogay sharci Israa’iil oo dhigaya in qandaraaslayaasha dhismuha ay xaqiijiyaan in marka ay guriyaha dhisayaan ay ku dhex dhisaan hal qol oo ku yaalla goob hoose oo god ah oo ay dadka gabaad ka dhigan karaan. Laakiin tiro badan oo guryaha magaalada ah, oo ay ku jiraan kuwa ay deggan yihiin Carabta Israa’iil, ayaan haba yaraatee ku jirin meelo dadka ay gabaad ka dhigan karaan, maadaama la dhisay ka hor inta aan sharcigan la soo saarin. Wasaaradda ilaalinta deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in Haifa ay ka kooban tahay bakhaaro badan iyo warshado loogu talagalay kiimikooyinka halista ah, taas oo walaac weyn ku haysa dadka deegaanka. Muxuu Xoghayaha Guud ee Xisbullaah ugu hanjabay Haifa? Haifa waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Israa’iil, waxayna leedahay meelo badan oo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan oo muhiim ah, goobaha lagu keydiyo kiimikooyinka batroolka, iyo dekedda dhexe ee magaalada. Xoghayaha guud ee Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa sheegay in laga yaabo in Haifa ay ka mid tahay bartilmaameedyada jawaabta xisbigu ka bixnayo dilkii Israel u geysatay taliyihii militariga Fouad Shukr, kaas oo la dilay todobaadkii hore. Sida laga soo xigtay goob-joogayaal, Haifa waxay noqon kartaa mid xiisadda sii kordhisa marka loo eego muhiimada istaraatiijiyadeed iyo dhaqaalaha. Walaaca kale ayaa ah in magaaladan ay aad ugu dhaw dahay xudduudda islamarkaana dhawaan ay Xisbullah soo bandhigeen sawirro dhowr goobood oo istiraatiiji ah. Sidee ayay Israa’iil ula tacaashay hanjabaadaha Iiraan iyo Xisbullah? Maalmihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay dilkii Shukr iyo Haniyeh, Israa’iil waxay gashay fejignaan ay sugaysay jawaab. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa hanjabaad soo saaray, saraakiisha ururka xisbullah oo ku goodiyay in ay weerari doonaan Israaiil. Iyada oo ay sii socoto xaaladda walaaca iyo cabsida ka dhex jirta Israa’iiliyiinta, ayaa afhayeenka ciidamada Israa’iil waxa shacabka soo hormuuqday ugu yaraan saddex jeer si uu u dejiyo ra’yiga dadweynaha, isaga oo sheegay in aanay waxba iska beddelin tilmaamaha hore ee dadka la siiyay. Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa buux-dhaafiyay bakhaarrada si ay u kaydsadaan sahayda cuntada aasaasiga ah, kuwaas oo si degdeg ah loogu baahnaan doono haddii ay xiisadda sii kordaho. Xukuumadda Israa’iil ayaa dhankeeda soo saartay awaamiir ay dadka uga dalbanayso iibsashada baytariyada, iyo xirmooyinka gargaarka degdegga ah, iyadoo la filayo in uu dagaal dhaco. Isha: BBC The post Nasrallah oo u goodiyay ISRAEL iyo magaalo halis ugu jirta weerarka IRAN appeared first on Caasimada Online.
  16. Sanadkii 2004-tii ayay ahayd markii lagu heshiiyay in Soomaaliya ay qaadato nidaam federaal ah. 20 sano kaddib qaadashadii nadaamka fadaraalka ee Soomaaliya waxaa muuqda arrimmo badan oo u baahan iftiimin. 23 Febaraayo 2004 shirkii Mbagathi ee duleedka magaalada Nairobi ayaa lagu ansixiyey is-beddel lagu sameeyey axdiga KMG ah ay ku dhaqmi doonto dowladda la sameyn doono shanta sano ee soo socota taasoo noqonaysa dowlad federaal ah. Agoosto 2004 waxaa la doortay Baarlamaan; Aktoobar 2004 wuxuu baarlamankii doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee dowladda fedaraalka Somaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. 10-kii Sano ee ugu horreeyay waxaa hirgalay qaab dhismeedka maamul gobaleedyo ku dhisan nadaamka fedaraalka ah ee Soomaaliya, shuruuddu tahay in maamul ka kooban yahay 2 gobol oo buuxa ugu yaraan. Habkan wuxuu yeeshay macne hoos kasoo dhisid oo kor u dhisid ah muuqaalka guud. Dastuurkii kumeel-gaarka ahaa ee federaalka waxaa markii kowaad lagu xadgudbay markii heshiis siyaasadeed lagu beddelay qaab dhismeedka maamul goboleedyada kaddib markii la dhisay maamul aan buuxin qodobkii lagu dhisayay. 2016-kii waxaa la aas-aasay aqalka sare oo ku yimid habka fedaraalka (Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka) waana ilaaliyaha federaalka iyo iska haynta dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda federaalka. 20 sano kadib Puntland oo keliya ayaa xaqiijisay laba talaabo oo mihiim u ah nadaamka federaalka ee ku dhisan baahinta iyo daadejinta awoodda iyadoo la dhisay gole degaan oo ay soo xuleen odayaasha 2007-dii. Sanadkii 2023 iyo sanadkan 2024 waxaa samaysmay goleyaal degaan ay soo doorteen dadku inkastoo la isku qabtay markii hore habka doorashadu golayaasha degaanku u qabsoomeen. 20 sano kadib waxaa muuqata habka fadaraalku inuu magac ahaan u jiro maadaama uusan ka muuqan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah maamul daadejin dhab ah oo waafaqsan nadaamka federaalka oo maqan awgeed. Madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa masuuliyad saaran inay dhowraan hannaanka dowlad dhissidda heer qaran iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay ku dhaqmaan hishiiskii bulsho ee ay ku dhaarteen uguna adeegaan si hufnaan iyo daacadnimo leh. W/Q: Siyaad Cali Jaamac AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post 20 sano kadib qaadashadii habka federaalka Soomaaliya – Yaa ku faa’iiday? appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, kaasi oo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah. Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jira qodobo xujo ku noqonaya musharrixiinta madaxweyne ee u taagan doorashada soo socota, taas oo meesha ka saareysa in mucaaradka uu aqbalo sharcigan. Sida uu dhigayo qodobka 36-aad ee shuruudaha doorashada madaxweynaha ee sharcigan waa inuu musharaxa jagada madaxweyne u tartamayaa uu muddo laba sanadood kahor ku noolaa gudaha dalka. Qodobkan ayaa sida muuqata xujo ku noqonaya madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu tan iyo markii uu xilka wareejiyay u wareegay ku nolaanshaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Sidoo kale wuxuu sharcigan dhigayaa in musharaxa madaxweyne uu 6 bilood kahor iska casilaa haddii uu haho xil fulin dowladeed, marka laga reebo madaxweynaha xilka markaasi haya. Qodobkan ayaa isna xujo kale ku noqonaya Saciid Deni, oo doorashadii hore u tartamay xilka madaxweyne isaggoo iska casilin kan Puntland, balse sharcigaan ayaa midaas u diidaya hadda. “Waa inuu ka tanaasulaa haysashada jinsiyad kastoo kale oo aan aheyn midda JFS, uuna sidoo kale shantii sano ee u dambeysay musharaxnimadiisa horteed aanu ku dhicin xukun ciqaab oo ay maxkamadda awoodda u lihi si kama dambeys ah ugu riday,” ayaa lagu yiri qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka. Waxaa adkaan doonta sida muuqata in musharaxiinta u damaca uga jiro kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Xasan ay aqbalaan sharcigan uu madaxweynaha rabo inuu marsado baarlamaanka, iyaga oo horey meel adag uga istaagay afartii cutub ee dastuurka. Middan ayaa ka dhigan in dalka uu lugaha la galayo qalalaase siyaasadeed, waxaana isha lagu hayaa halka ay ku biyo shubato arrintaan iyo dhinaca ay dhibcaha siyaasadeed dhankiisa mari doonaan. The post Qodobo ku jira sharciga doorashada oo xujo ku noqonaya Farmaajo iyo Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  18. Somaliland government rejects the comments made by Egypt’s Foreign Minister Somaliland government expresses its disappointment at the recent comments made by the Egyptian Minister of Foreign Affairs during a joint press conference with his Turkish counterpart. In a statement the Somaliland Ministry of Foreign Affairs issued on Wednesday, it said “it is imperative to clarify that Somaliland is not, and has never been, part of the Mogadishu administration. We are a distinct and independent nation with a rich history, culture, and democratic institutions. The people of Somaliland exercised their right to self-determination on 18th May 1991, establishing the Republic of Somaliland with its internationally recognized borders.” “We call upon the Egyptian government to respect the sovereignty and territorial integrity of the Republic of Somaliland. We are calling on the government of Egypt to focus its energy and diplomatic efforts on the crises surrounding its borders, such as Libya, Sudan, Palestine, and Lebanon.” Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa haweenaydii labaad oo muddo 24 saac gudahood, taasi oo loo haysto kiis xasaasi ah. Haweenaydan oo lagu magacaabo Caasho Macallin Mursal Cali ayey xeer ilaalinta kusoo eedeysay dambiyo culus oo qeyb ka yihiin lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Caasho Macallin Mursal oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.” Caasho ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka. “Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.” Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ku goodisay in ay qaadi doonto dacwada Caasho ayada oo maqane ah haddii ay maxkamadda ku hor imaan weyso mudadda loo qabtay. Waa baafintii labaad oo muddo 24 saac gudahood kasoo baxda xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo horey baafin u saartay haweenay lagu magacaabo Nadiifo Xasan Cabdiqaadir, oo iyadna loo haysto kiis lamid ah kan Caasho. Xeer ilaalinta ayaa horey sidan oo kale maxkamadda ugu gudbisay shaqsiyaad ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal dhowr jiho ah kula jirto kooxda Al-Shabaab. The post Muqdisho: Haweenay loo haysto dambi culus oo la raadinayo appeared first on Caasimada Online.
  20. Hirad: “At every customs point, there are two officers: one officer tasked with levying the appropriate tax and the other officer ensures the proper rules are applied, e.g., not overcharging or undercharging the businessperson transporting goods.” Laascaanood (PP News Desk ) — The Finance Minister of Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo interim administration (SSCK) based in Laascaanood, Abdiqani Hirad, said that revenue growth “is a priority for the administration.” In an interview he granted to a news website, Hirad outlined the sources of revenue for the SSCK administration. “We have more than six customs points in the regions under our control. The mandate for tax collection is primarily divided into two: one type of tax collected by the local government and another type of tax collected by the SSCK Ministry of Finance, which represents the Somali Federal Finance Ministry. We have a plan to register all vehicles in SSCK territories and issue new number plates” said Hirad. Mr. Hirad emphasised the role of citizens as taxpayers and revenue protection volunteers. “At every customs point, there are two officers: one officer tasked with levying the appropriate tax and the other officer ensures the proper rules are applied, e.g., not overcharging or undercharging the businessperson transporting goods.” The SSCK Ministry of Finance is exploring ways to introduce gradual tax collection mechanisms that take into account the special conditions such as conflict and underdevelopment that have affected SSCK regions for more than 15 years. “We give priority to security and pay our soldiers. The security of Somali citizens in SSCK territories is of utmost importance in the minds of the SSCK executive and legislative branches,” added Hirad, who chose not to disclose the tax revenues raised by the SSCK administration. “We are in talks with the Federal Government of Somalia over such initiatives as budget support and development assistance for SSCK regions, and we are in a good relationship with Puntland State of Somalia,” said Hirad. © Puntland Post, 2024 The post SSCK Finance Minister Highlights Dual Tax Collection Strategy and Regional Security appeared first on Puntland Post.
  21. region of Somalia. Abu Dhabi’s position sparked an ongoing political crisis with the Somali federal government. The UAE has a military base in Berbera, which represents a stark reminder of how the UAE is tearing apart the Horn of Africa. It also risks exacerbating the conflict between the weak, internationally recognized Somali federal government in Mogadishu and its restive secessionist regions. In April 2018, Somalia ended any diplomatic or military cooperation with the UAE in protest against its plots against the country’s unity. Since 2014, the UAE has been training Somali forces in Mogadishu, paying the salaries of their personnel, and establishing an anti-piracy force in Puntland. Hundreds of weapons were looted from the training center in Mogadishu while it was closed. The Somali Parliament later passed a law prohibiting DP World from operating throughout Somalia. The European Parliament previously accused the UAE of destabilizing Somalia and the Horn of Africa. The European Parliament called on Abu Dhabi to stop every action that would threaten stability in Somalia and to respect its sovereignty and territorial integrity. Source Emiratesleaks Qaran News
  22. Maxkamad milatari oo ku taal Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa xukun dil ah ku ridday 26 eedaysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin jabhadda fallaagada ah es M23 ka dib markii dacwad si heer sare ah loo qaaday lagu oogay dhammaantood. Eedeysanayaashan oo 21 ka mid ahi ay baxsad ku jiraan ayaa lagu helay dambiyo dagaal, ka qeyb-qaadashada kacdoon iyo khiyaano qaran oo ay geysatay iyo falal kale sida ay sheegtay maxkamadda militariga ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kinshasa . Fallaagada M23 oo u badan qabiilka Tutsi-ga, islamarkaana ay taageerto Rwanda, ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga DRC tan iyo dabayaaqadii 2021-kii, waxayna ka mid tahay tiro jabhado ah oo taniyo 1990-meeyadii dalkaas ka dagaalamayay, kuwaas oo loo arko dhaxalka keligii taliyihii muddada dheeraa ee Mobutu Sese Seko. Source: goobjoog.com
  23. Ruushka ayaa toddobaadkan weerar lama filan ah kala kulmay ciidanka Ukraine , kuwaaso qaaday tallaabo jahwareer ku ridday Moscow, iyagoo ku guulaystay inay tijaabiyaan difaaca xudduudaha ee dalkaasi. Ruushka ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 askari oo Ukraine ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ay gudaha usoo galeen dhulka Ruushka subaxnimadii Talaadada. Tan ayaa u muuqata mid ka mid ah weerarradii ugu weynaa ee ka dhaca dhulka Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana tan iyo Talaadadiina gobolka uu ku jiraa xaalad deg deg ah markii ciidanka Ukraine ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah gobolkan muhiimka u ah Ruushka oo ay ku yaalan aagga laga maamullo haamaha gaas geeya Yurub. Inta uu socday dagaalka Talaaladii ciidanka Ukraine ayaa ku dhowaaday Sudzha, oo ah magaalo ay ku badanyihiin astaamihii Soofiyeedka, waxaana ku yaalla taalada aasaasihii Midowga Soofiyeeti ee Vladimir Lenin, si la mid ah magaaladan ayaa muhiim Ruushka , waxaana ku taalla xarunta ugu weyn oo bamka gaaska dibiiciga ah u qaada Yurub iyo sidoo kale xarunta ugu da’da weyn ee nukliyeerka. Ruushka ayaa wixii ka dambeeyay weerarka ay horumarka ka sameeyeen ciidanka Ukraine, wuxuu qaaday duulaan ballaaran iyo weerarro duqeymo ah oo uu dib ugu xaqiijinayo difaacyada gobolka Kursk, waxaana jira khasaaro badan oo duqeymaha Ruushka ay gaarsiiyeen Ukraine. Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay weerarkan mid ay ku dhadhansiinayaan caawaaqibka dagaalka u leeyahay iyo marka dhulkaaga lagu dhex dagaallamayo, halka Putin uu ku eedeyay Ukraine ‘daandaansi’ ay kala kulmi karto jawaab adag. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ukraine oo Todobaadkan gudaha u galay dhulka Ruushka kadib weerar qorshaysan appeared first on Puntland Post.
  24. Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona saaxiibnimada iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo LUXEMBOURG, gaar ahaan dhanka laamaha sharci dejinta ama baarlamaanada labada dhinac. Guddiga oo ka kooban 5 xubnood oo isugu jira xildhibaanno iyo senatorro ayaa kala ah xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow, Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud, Senator Seynab Ismaaciil Maxamed, iyo xildhibaan Xiis Xasan Aadan. Hawsha loo xilsaaray xubnahan ayaa ah xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaliya iyo dalka Luxembourg oo kamida ugu hodansan, uguna wax soo saarka iyo nabad-galyada feecan ree galbeedka, gaar ahaan qaaradda hormartay ee Yurub. Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sameeyay dhoolatus cajiib ah, iyagoo soo bandhigay xirfad sare iyo tababar heer sare ah. Ciidanka Soomaalida ayaa waxay layligan si wada-jir ah u sameeyeen howl-galka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations), waxaana loo soo gaabiya (VBSS). Layligan ayaa ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya. Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareen lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada xeebaha ku fuuli karaan maraakiibta. Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u yeelan laheyd ciidamo bad oo awood u leh difaaca biyaha Soomaaliya, xilli ay dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dowladda Turkiga. Baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale meel-mariyay in Turkiga uu Muqdisho u diro ciidamo, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dhismaha ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa badda, sida ay horey ugu heshiiyeen labada dhinac. Arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli halkiisi yahay khilaafka xooggan ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya, kaasi oo salka ku haya is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya u gacan galinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. The post Sawirro: Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya oo sameeyay dhoolatus cajiib ah appeared first on Caasimada Online.