Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Belgian athlete Bashir Abdi won the silver medal at the Olympic marathon in the French capital Paris on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  2. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay xushmeeyaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. waxaanu xusay in dhammaystirka heshiiskii isfaham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gabogabo ah. Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in Somaliland aanay weligeed qayb ka noqon Soomaaliya, hase ahaatee Somaliland midow qayrul dastuuriya la gashay Soomaaliya sannadkii 1960kii. Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray in midowgii fashilmay uu dhammaaday sannadkii 1991kii, kadib toban sanno ah oo Somaliland ay dagaal dhiig ku daatay la gashay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuuna xusay in tan iyo muddadaas ay Somaliland ahayd qaran madax-bannaan oo dimuqraadi ah. Geesta kalena, Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Itoobiya ay mar walba qadariso madax-bannaanida Soomaaliya, waxaanu bayaamiyay in tan iyo 2006-dii Itoobiya ay dalka fashilmay ee Soomaaliya ka saacidaysay sidii nabad looga dhallin lahaa oo ay geysay ciidammo, taasina ay sababtay in Itoobiya ku wayday Soomaaliya dad badan. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah u jeediyay dadka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka, isaga oo ku adkeystay inuu qabanyayo qof iy cod. Madaxweynaha ayaa si faah-faahsan uga hadlay hannaanka doorasho ee dalka, wuxuuna sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne, isla markaana ay muhiim tahay in shacabka ay soo doortaan hoggaankooda. “Dalka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ayuu galayaa ka noqosho malahan dib uga dhicid iyo ka tanaasulid malahan, dadka soomaaliyeed ayaa codeynaya intii la gaari karo, waxaan rabnaa in dhowr malyan oo Soomaali ah inay codeeyaan oo ay doortaan golaha deegaanka amaba xildhibaanada baarlamaanka, waa suurtogal inay dhowr malyan ay codeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa kale oo uu raaciyay “Horaan u sheegay nin xoog badan dalkan kama talin karo, sharci xoog badan baa ka talin karo, shuruucda aan hagaajinno oo aan ku kolsoonaano”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in dalka uu gaaray guullo waa wayn, isla markaana horumar laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhaqaalaha dalka. “Dalkeennu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya. Khamiistii lasoo dhaafay ayaa tallaabadii ugu horreysay ee qorshaha Villa Soomaaliya ay qaadeen golaha wasiirada, iyaga oo ansxiyay sharciga doorashada iyo kan xisbiyada dalka, kaas oo la filayo in loo gudbiyo Baarlamaanka. The post Muxuu yahay go’aanka Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah? appeared first on Caasimada Online.
  4. Wararka ka imaanaya dalka yemen ayaa sheegaya in 70 askari oo ka socda Israa’iil iyo Maraykanka lagu diley dalkaas, halkaas oo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay in ay Xuutiyiinta gudaha kula dagaallamaan oo ay ku qasbaan inay furaan Marinka Bab al-Mandab. Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen, balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday. Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa ka dusay meelo cidlo ah oo ka xeebaha dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed Ruushku leeyahay, xogtaasi waxaa lala socodsiiyay Iran, isla markiiba Sirdoonka Iran waxay wargalyeen Xuutiyiinta. Xuutiyiintu waxay u dhigeen dabin iyagoo u galay jid-goyn aanay filaynin waxaana halkaas lagu dilay dhammaan ciidankii hubaysnaa Gudaha u galay dalka Yemen sida uu sheegay Khabiir ciidan oo Maraykan ah oo arrintaasi laga waraystay. Ma jiro War kasoo baxay Israaiil iyo Maraykanka oo ku saabsan in ciidan tiradaas ah lagu dilay gudaha Yemen, inkasta askarta dhimatay lagu tilmaamay Calooshooda u shaqaysteyaal daacad u ah labadaas dawladood. Source: goobjoog.com
  5. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Xoogga ayaa maanta kormeer ku tegay taliska cusub ee loo diyaarinayo ciidanka dhulka. Goobta laga dhisayo ayaa ah xarunta Kabka oo ku dhex taalla Kulliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan, waxaana ka socda dhisme iyo diyaarin xoog leh Waxayna Noqonaysa Taliskii ugu Horeeyey ee Ciidanka Dhulku Yeeshaan. Dhulkan ay taliyaashu kormeereen ayaa loo diyaarinayaa in laga dhigo taliska guud ee Ciidanka dhulka xoogga dalka oo kamida laamaha ugu muhiimsan qeybaha ciidamada qalabka sida. Goobjoog Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay jawaabtii uu madaxweynaha ka bixiyay cabashada kasoo yeertay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aadan shaqo la’aanta. Xisbiga Himilo Qaran ayaa si adag u cambaareeyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana qoraalka lagu sheegay inuu gef ku yahay dhalinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu xisbiga intaasi kusii daray in hadalka Madaxweynaha uu dhiiro-gelinayo in dhallinyaradu ay ka tahriibaan dalka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- WAR SAXAAFADEED. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga xun yahay una canbaaraynayaa hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaas oo uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada. Madaxweynuhu wuxuu gef qayaxan kula kacay dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho. Dhallinyaradu waxay ka cabanayaan, shaqo la’aan taasoo sababtay inay adkaato sidii dhallinyaradu ay ku heli lahaayeen nolosha aasaasiga ah ee qofku u baahan yahay, waana xaqiiqo aan la inkiri karin xaaladda guud ee dhaqaalaha waddanku meesha uu marayo. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa ee madaxweynuhu dhallinyarada uu u sameeyay iyo dhammaan ummada Soomaaliyeedba oo ay ka mid ahyd shaqo abuurka, waxaana ayaan darto ah in Madaxweynaha ay la noqotay in xalku ku jiro inuu dhallinyarada sharaftooda uu ku xad-gudbo oo ku sifeeyo wax aan u qalmin. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u arkaa inaysan mudnayn dhallinyaradu in loo qaybiyo saddexda nooc ee Madaxweynuhu u qaybiyay. Dhallinyaradu waa mustaqbalkii dalka waana hantida ugu qaalisan ee waddankaani leeyahay. Xisbigu wuxuu u arkaa in hadalka Madaxweynu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ka tahriibaan waddanka. Waxaa kaloo hadalka Madaxweynaha laga dheehanayaa in dhallinyaradu ay ku biiraan argagixisada, taas oo ka dhigan niyad jabin iyo mustaqbalka dhallinyarada oo mugdi la geliyo. Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa Madaxweynaha inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka jaa’ifada ah ee uu ku sifeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waa inuu fahmaa shacabka dareenkooda ee uusan qiyaas ka qaadan oo kaliya xaaladdiisa dhaqaale iyo tan xukuumaddiisa oo kaliya. Ugu danbeyn xisbigu wuxuu dhalinyaradda soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan hormarinta dalkooda iyo kaalinta ay ku lee yihiin dib u dhigiska dalka, una adkaystaan duruufaha adag ee ay ku noolyihiin. Xisbigu wuxuu u rajaynayaa dhalinyarada soomaaliyeed mustaqbal dhow oo ifaya. The post Xisbiga SHARIIF oo war culus kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  7. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday xarunta gurmadka qaran ee loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii lagu ee hoobtay ee xeebta liido. Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan howlaha gurmadka ahi, asagoo sheegay in gudaha iyo dibaddaba qaydhaan gurmad loo diray, islamarkaana lagu guulaystay in wax badan laga qabto baxnaaninta iyo samatabixinta dadka waxyeeladu gaartay ee musiibadu saamaysay. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa guddiga gurmadka uga mahadceliyey howsha ay qabteen, asagoo markalena tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhammaaday qarixii khasaaraha badan sababay ee dhowaan ka dhacay xeebta liido. Source: goobjoog.com
  8. 70 askari oo ka socda Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu dilay dalka Yemen, halkaas oo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay in ay gudaha ka dagaallamaan oo ay Xuutiyiinta ku qasbaan in ay furaan Marinka Bab al-Mandab. Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo Israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday. Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa ka dusay meelo cidlo ah oo ka xeebaha dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed Ruushku leeyahay, xogtaasi waxaa lala socodsiiyay Iran, isla markiiba Sirdoonka Iran waxay wargeliyeen Xuutiyiinta. Xuutiyiintu waxay u dhigeen dabin iyagoo u galay jid-goyn aanay filaynin waxaana halkaas lagu dilay dhammaan ciidankii hubaysnaa Gudaha u galay dalka Yemen sida uu sheegay Khabiir ciidan oo Maraykan ah oo arrintaasi laga waraystay. Ma jiro War kasoo baxay Israa’iil iyo Maraykanka oo ku saabsan in ciidan tiradaas ah lagu dilay gudaha Yemen, inkasta askarta dhimatay lagu tilmaamay Calooshooda u shaqaysteyaal daacad u ah labadaas dawladood. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo dilay 70 askari oo Kumaandoos ah kana socday Maraykanka iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay fanaanada Asma Xasan Ismaaciil oo ku caan ahayd Asma Saban oo ka mid ahayd faaniinta Xiddigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland. Sida uu sheegay abwaan Maxamed Siciid Cabdilaahi Xarago, marxuumadda ayaa shalay gelinkii denbe ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee caasimada ee maamulkaasi. “Way caafimaad qabtay, wax xanuuna ahna ma qabin waa mowtul qafle ‘geeri deg deg ah’, waana u ducaynayaa haddaan nahay bahda xiddigaha geeska “ ayuu yiri abwaan Xarago. Guddoomiyaha kooxda xiddigaha geeska Cabdiweli Ibraahim Furinle ayaa isguna BBC u sheegay in Asma ahayd mid ka mid ahayd xiddigaha kooxda. “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timo Asma, kaalinteeda kooxda waxay ahayd heesaa, kaalin fiican yeyna kaga jirtay kooxda” ayuu yiri Furinle oo la hadlayay BBC da. Dhinaca kale maqalka geerida ka dib baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku faafay war sheegaya in marxuumadu is dishay. Ehellada marxuumadda ayaa dhankooda sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah, aysana qoyska garanayn ujeedka ay ka lahaayeen dadka ku faafiyay baraha bulshada. “Wax alle iyo wax ka jiraa ma jirto warkaas, geerida iyo waqtiga qadarta ayaa u yimid” ayuu BBC da u sheegay aabaheed Xassan Ismaaciil Saban. Ehelku waxay intaa ku dareen in iyaga oo ku mashquulsan geerida dhacday ay maqleen warka lagu baahiyey baraha bulshada. Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ay si weyn u qabsatay baraha bulshada. The post War cusub oo kasoo kordhay geerida Fanaanada Asma Saban appeared first on Caasimada Online.
  10. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa muddeeyey kalfadhiga Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Caluula, Gumbax, Baargaal, Bareeda, Bandarbayla, Gaalkacyo iyo Eyl oo ka kala tirsan Gobolada Raas-casayr, Mudug, Nugaal iyo Karkaar. 1. Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Eyl waxaa loo Muddeeyey 20 Agoosto 2024. 2. Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Bandar-bayla waxaa loo Muddeeyey 20 Agoosto 2024. 3. Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Baargaal waxaa loo Muddeeyey 20 September 2024. 4. Furtitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Gumbax waxaa loo Muddeeyey 25 September 2024. 5. Furitaanka Kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo waxaa loo Muddeeyey 25 September 2024. 6. Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Bareeda Waxaa loo Muddeeyey 30 September 2024. 7. furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Caluula waxaa loo Muddeeyey 5 October 2024. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo muddaysay Kal-dhiga goleyaasha degaanka 7 degmo appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (HOL) — Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has called on President Hassan Sheikh Mohamud to apologize to the nation's youth for remarks he made about unemployment during a speech at a mosque in the Presidential Palace after Friday prayers. Source: Hiiraan Online
  12. Waxaa maanta si rasmi ah xisbiga WADDANI ugu soo biiray Xildhibaan Cabdirashiid Nuur Wacays oo ka tisan Golaha Deegaanka Berbera . Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kal-furan ugu soo dhaweeyey Xildhibaanka xisbiga WADDANI . Sidoo kale Musharaxa waxaa soo dhaweynta Xildhibaanka ku wehelinaayey mas’uuliyiin ay isku deegaan yihiin oo ka tirsan Xisbiga WADDANI oo uu horkacayo Guddomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Xil.Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf Qaran News
  13. Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda uu ka dhacay gudaha degmada Xarardheere, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo goordhow istaagay ayaa lasoo wariyay inuu socday muddo kooban, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu dhex-maray Ciidamada Ilaalo Qaran iyo kuwa dadka deegaanka, kadib isfaham-waa soo kala dhex-galay, waxaana mar qura rasaas ay ka bilaabatay bartamaha magaalada, taas oo sababtay khasaaro. Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay israsaaseynta laba dhinac, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo dha dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana maamulka degmada Xarardheere uu sheegay in ciidamadii dagaalamay dib loogu celiyay xeryahooda. Degmadan ayaa kamid aheyd meelihii ugu dambeeyay Al-Shabaab, waxaana haatan ay fariisin u tahay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee la diriraya Al-Shabaab. Inta badan isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah ayaa kusoo laa laabta gudaha magaalooyinka waa wayn ee dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaare kala duwan. The post Dagaal culus oo ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo Macawiisleyda appeared first on Caasimada Online.
  14. MOOSE JAW — With drugs and $17,000 worth of cash in hand, drug dealer Mahamed Bashir Farah visited an apartment suite where two other dealers waited, wanting to combine their operations with his. Source: Hiiraan Online
  15. The upcoming elections in Somaliland have been a subject of significant interest and scrutiny, both within the region and on the global stage. Somaliland's self-government efforts and its quest for international recognition have been intertwined with the dynamics of tribal influences and their impact on the political landscape. Source: Hiiraan Online
  16. Consistent with its patented contempt of the international rule of law, Israel continues business as usual. Though it is accused of carrying out genocide in Gaza and the International Criminal Court is seeking arrest warrants for Prime Minister Benjamin Netanyahu and Minister of Defense Yoav Gallant, there is no sign indicating that Israel will slow down its genocidal and suicidal mission. Source: Hiiraan Online
  17. Las Anod (HOL) — The body of a 5-year-old boy who fell into an open sewer in Las Anod was recovered Saturday, ending a two-day rescue operation that also claimed the life of a firefighter. The boy, Ahmed Abdullahi Abdisalan Muse, was pronounced dead at the scene. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu u gefay dhalinyarada, isaga oo ka dalbaday inuu raalli-gelin ka bixiyo hadal uu shalay jeediyay. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad ka jeediyay masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada. “Kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri madaxweynuhu. Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhgay bartiisa Twitter-a ayaa shaaca ka qaaday in hadalkaas uu gef ku yahay dhalinyarada oo uu tilmaamay inay cabireen oo kaliya duruufta ay la daala dhacayaan iyo shaqo la’aanta baahsan ee haatan haysata. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka. Hoos ka akhriso jawaabta Kheyre:- Dhallinyaradu waa kuwii shacabka Soomaaliyeed ka korqaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waligoodna u taagnaa dhismaha iyo horumarka dalka, maantana ku sugan furimaha dagaalka si ay u ciribtiraan khawaarijta. Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow. Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan. The post KHEYRE oo Xasan ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii u geystay… appeared first on Caasimada Online.
  19. As the fight over a Minneapolis rideshare ordinance heated up in 2023, Mustafa Sheikh followed the debate from a bustling city in the Ethiopian highlands. The Somali refugee had spent more than two years as an Uber driver in San Diego. Now he was working in Jijiga, Ethiopia, to get a new rideshare service — Hich — off the ground. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeediyay masjidka madaxtooyada, taas oo uu kaga hadlay shaqo la’aanta dhalinyarada. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu kasoo baxay masaajidka, isla markaana uu yimaado fagaare lagula doodi karo. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray madaxweynaha ee uu ugu jawaabay dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo haatan ka cabanayo shiid ama lacag la’aan aad u baahsan. “Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:- Madaxweynaha haddii uu dood qabo ama uu ka jawabaayo mid loo qabo waa in uu yimaado goob uu siyaasigu kula doodi karo, dhalinyaradu su’aalo ku waydiin karaan ee ma aha in uu maalin walba Masaajidka kaligii ka soo garnaqsado. Siyaasadu waa dood, su’aalo, dabagal iyo jawaab celin, Masjidkuna waa goob cibaado oo wanaaga la iska faro, xumaanta la iskaga reebo, midnimada iyo wadajirka ummada laga dhiirageliyo. Tan kale, waxay ahayd Madaxweynuhu in uu ka haldo xasuuqii xeebta Liido, masuuliyaddii la gabay iyo go’aannadii laga qaatay iyo kaalinta bulshada kaga aadan. Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta. Waxaad xaq ugu leedihiin Madaxweynaha in uu runta idinkaga sheego si tawaaduc leh sababaha keenay shiidka iyo shaqo la’aanta ba’an ee dalka ka jirta, waxa uu ka qabanayo, isagoo idiin bidhaaminaya hiigsi iyo yididiiladii looga baxo. Ma ahayn in uu dafiro in aad intiina badan shaqo la’aan tihiin, waxay ahayd in uu wax ka qabto fursadaha shaqo ee tirada yar ee Dowladdu bixiso ee lagu helayo garab eexeedka iyo musuqa. Waxay ahayd in uusan isdiidsiinin hoos u dhac ku yimid ganacsigii dalka, gaar ahaan dhulka, ka dib markii ay madaxda xukuumada qiimo jaban ku xaraashayso dhulkii dawlada, in uusan inkirin in canshuurta xaddhaaf ah iyo adeega khidmo ee la isku naasnuujinayo ay irdaha u xireen ganacsigii yaryaraa, karti la’aan, musuqa iyo dhacdhac ka raadintana ay hakadeen mashaariicdii ka imaanaysay deeqbixiyayaasha caalamiga ah, lacagihii laga dhacay dawladana lagu maalgashaday dalka dibadiisa. Rasumaalka ugu muhiimsan ee uu hoggaamiye heli karo waa in shacabkiisu aamino, dalna hadal iyo muran laguma hoggaamiyo, ee ficil iyo habdhaqan ayaa tusaale loogu noqdaa. Sida muuqata, Madaxweynaha waaqaca xiriir lama laha, isaga iyo bulshaduna way kala bariyeen, dadka ka agdhow ee ay ahayd in ay runta u sheegaana, malaha way kula dhici waayeen, ama dantooday ka muraadsadeen. The post Madaxweyne XASAN oo si weyn loogu dhagan yahay kadib tallaabadii shalay appeared first on Caasimada Online.
  21. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay mid kamid ah xubnihii kooxda Al-Shabaab ee todobaadkii hore ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Barkhad Cawil Xirsi oo ku xukunanaa dil toogasho ah ayaa lasoo qabtay, ayada oo la abaal-mariyay ciddii soo sheegtay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska Puntland. “Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa qoraalka la sii raaciyay “Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay ciddii keentay xogta dilaaga argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.” Puntland ayaa sidoo kale weli baadi goob ugu jirto saddex kale oo weli baxsad ah, kuwaas oo horay dilal uga gaystay gobolka Mudug. Xubnaha la baadi goobayo ayaa kal ah: 1- Abdiqani saleeban Jama (Sayloor), 2- Abdulahu Faysal Xuseen (Abuujonge) 3- Abdirahman Awal Maxamed (Siigayste). “Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah Nagalasoo xiriir 5540000 Nagalasoo xiriir 431444, Nagalasoo xiriir 5500000” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Tirada guud ee ka baxsatay xabsiga Gaalkacyo ayaa ahayd 12 maxabuus, waxaase isla markii lasoo qabtay 8 xubnood halka maanta lasoo qabtay mid kale, ayada oo saddexda kalena ay hadda ku daba jiraan ciidamada Puntland. Sidan oo kale sannado kahor ayay xubno Shabaab ah uga baxsadee xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistaas qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo dib ugu laabtay Al Shabaab. The post PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigtay mid kamid ah Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
  22. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah afar maxbuus loo haysto falal argagixiso kuwaasi oo dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaalla Gaalkacyo. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen Barkhad Cawil Xirsi oo kamid ah maxaabiistii ka baxsaday xabsiga halka weli saddexdii kale lagu raad joogo. “Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka fakaday xabsi ku yaalla Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobolka Mudug”. “Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay cidii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland. Maxaabiista weli baxsadka ku maqan ayay Booliska Puntland ku sheegeen Cabdiqani saleeban jaamac (Sayloor) Cabdullaahi Faysal xuseen (Abuujonge) iyo Cabdiraxmaan Awal maxamed (Siigayste) waxayna intaasi raaciyeen in 20,000 oo dollar lagu abaalmarin doono cid kasta oo xogtooda keenta. PUNTLAND POST The post Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay mid kamid ah maxaabiistii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) — The Somali Coast Guard, in collaboration with the European Union Naval Operation ATALANTA, has completed a joint exercise to enhance maritime security in the region and counter illegal activities in Somali waters. Source: Hiiraan Online