-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni ayaa wada qorshe dib u habayn loogu samaynayo dhamaan agaasimayaal waaxeedyadda hay’adaha kala duwan ee dowlada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan isbeddel ku samaynaya dhammaan agaasimayaasha waaxyaha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Wasaaradda shaqadda iyo Shaqaalaha oo hordhac u ah qorshahaas ayaa dhamaan agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda ku amartay in ay soo gudbiyaan Cv-yadooda iyo warqadaha lagu shaqaalaysiiyay. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka shaqadda iyo Shaqaalaha Puntland ayaa amarkaasi lagu siiyay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka & Maaliyadda iyo Xisaabiyaasha Wasaaradaha iyo sidoo kale Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Puntland. Halkaan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradaha Puntland oo dib u habayn iyo isbeddel lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gebi ahaanba isaga hartay tartanka iyo loolanka loogu jiro kursiga Guddiga Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay hadda u tartamayaan 4 waddan oo Afrikan oo doonaya qabashada xilka guddoomiyaha Ururka. Soomaaliya ayaa waxaa tartankan ku metali lahayd Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taas oo muddooyinkii u dambeeyay wadday olole ballaaran oo ku aadan damaceeda kursigan, balse waxa ay la kulantay cadaadis ugu dambeyn sababay inay harto. Sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa afar musharrax oo aysan ku jirin Soomaaliya ayaa haatan isku diiwaan-geliyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhowaan dhaceysa, waxayna taasi meesha ka saartay hamigii Fowsiyo ee qabashada xilkaasi. Sidoo kale diwaan-gelinta xubnaha tartamaya ayaa ku ekeyd shalay oo ay ahayd lixda bisha August oo loo qabtay dhammaan musharrixiinta gobolka ee daneynayo kursiga. Horay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa uga hadashay cadaadis ay sheegtay inuu uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan u tartamideeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika. Fowsiyo waxay xilligaas sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato, inkasta oo Fowsiyo ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah. “Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey horay u tiri. Si kastaba, Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika. The post Soomaaliya oo ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MiT ayaa la sheegay inay ka hortageen labo iskuday oo hore oo lagu doonayay in lagu dilo madaxii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay weerar ka dhacay Tehran Arbacadii, sida ay sheegtay CNN Turk. Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu jiray fayl gaar ah oo MiT ay ugu magac dartay (Steel Shield), wuxuuna ahaa howlgal gaar ah oo lagu ilaalinayay Haniyeh.Inta lagu jiray howlgalka MiT ayaa fashilisay iskuday la qorsheeyay in howlgal lagu dilayo Haniyeh laga fuliyo Turkiga inta uu booqashada ku joogay bishii April , sidoo kale howlgal kale oo la qorsheeyay ayaa ka dhici lahaa Doha oo uu degganaa Haniyeh , iskudaygaana wuxuu ahaa mid fashilmay. Sirdoonka Turkiga , ayay warbixintu sheegtay inay ku wargeliyeen Haniyeh inuusan booqan Tehran , sababtoo ah waxaa jirtay calaamad muujinaysa howlgal horumarsan oo lagu dili karo , marka uu ku adkeystay waxaa la sheegay inay la wadaageen tallooyin amni iyo inuu muujiyo taxaddar dheeraad ah oo uu uga fogaanayo qalabka internetka ku xiran. Illaa hadda ma jirto warbixin faahfaahsan oo laga hayo sida uu u dhacay howlgalka lagu dilay Haniyeh , iyadoo toddobaadkan warbixin kooban oo ay soo saareen ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo ilaalinayay goobta lagu dilay Haniyeh ay sheegeen gantaal laga soo ridday bannaanka dhismaha uu degganaa Haniyeh in dilka lagu fuliyay, tan iyo marka uu dilka dhacay Iran ayaa loo jeedinayay in saraakiisheeda ay dilkan ka qeybqaateen iyo fadeexad weyn oo sirdoonkeeda iyo hay’adaha amniga oo dilkan uu usoo jiiday. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Turkiga oo hore u fashiliyay isku dilay lagu dili rabay Ismaaciil Haniya appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa sheegay in Khaatumo iyo Maakhir aysan midna keligeed noqon karin maamul gaar ah oo la aqoonsan karo. Guddoomiye Tima-cadde oo hadal ka jeedinayay munaasabad ku saabsan dhismaha maamul la baxay Maakhir oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in gobolka Sanaag oo keliya uusan noqon karin maamul gaar ah maadaama la rabo in Maakhir laga dhiso Sanaag. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka SSC-khaatumo isna aanu noqon karin maamul gaar ah oo ku biira dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya islamarkaana aysan buuxin shuruudaha maamulnimo. Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Gobollada Sool iyo Sanaag laga sameeyo maamul midaysan oo buuxiya shuruudaha maamul goboleed dhammaystiran maadaama aan Khaatumo iyo Maakhir midna gaar loo aqoonsan karin. Halkaan ka daawo Muuqaalka Tima-cadde PUNTLAND POST The post Guddoomiye Tima-cadde oo sheegay in Maakhir iyo Khaatumo midna aysan keligeed noqon karin Maamul gaar ah appeared first on Puntland Post.
-
Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Xaji Cali Xasan, Ayaa Soo Dhaweeyey Siyaasi Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin Ex) Oo Soo Noqday Gudoomiyihii Gobolada Sool, Hawd iyo Agaasime Guud, Kana Mid Ahaa Mudo Dheer Xisbiga Kulmiye, Haatana Ku Soo Biiray Xisbiga Rajada Shacabka Ee WADDANI. Siyaasi Yaasiin Maxamed Shide Ayaa Sheegay In Soomaliland U Baahantahay Isbadelka Uu Hogaaminayo Xisbiga WADDANI, Xisbiga Waddani-na yahay ka keenaya Horumar, Cadaalad Iyo Isku Haynta Shacabka Soomaliland. Qaran News
-
Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa beegsaday Allaha Unaxariistee Cabdinasir Ahmed Arab iyo Abdikarin Ahmed Arab oo walaalo ah kana soo jeeday Cadaado, weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Oodan oo dhaca bariga gobolka Galgaduud. Nimankaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato. waxaana loo dilay aano qabiil. Dilka waxaa geystay Maleeshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Xiindheere. Kooxda ayaa sidoo kale isla goobta ku dhaawacay Carruur iyo hooyo ka tirsanaa isla qoyska reer Axmed Carab, kuwaas oo dhaawacooda lagula tacaalayo isbitaalka guud ee Cadaado. Dhacdadaan ayaa argagax ku abuurtay dadka kunool gobolka Galgaduud. Waxaa maamulka Galmudug loogu baaqay in wax ka qabto dilalka noocaan oo kale ah. Billihii lasoo dhaafay waxaa kordhay dilalka iyo dagaal beeleedyada deegaanada maamulka Galmudug. waxaa ku nafwaayay dad badan oo aan waxba galabsan Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu boggaadiyay, taas oo sidoo kale dhalisay falcelin xooggan. Xamza ayaa mushaarkiisa bishan ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku beegsadeen shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo sidoo kale dhamaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaaraadkooda qayb ka mid ah u jareen gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay. Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, taas oo lagu kordhin doono lacaga gurmadka ee haatan la aruurinayo. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Haddaba sidee looga falceliyay? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay tallaabadan, iyaga oo inta badan ku amaanay ra’iisul wasaare Xamza. Xidig Cadde “Ra’iisul wasaaraha waa wanaagsan yahay hadduuba mushaarkiisa bishan u daayey dadkii waxyeelada soo gaartay”. Maxamed Deeq Xasan Xaraare ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Mushaarka Ra, isulwazaaraha waa immisa?”. Cabdiraxmaan Maxamed “Ra’iisul wasaare waa ogahay daacad baa tahay haddii ay jirto lacagtaa gudigaa u xil-saareyso gacan ku haay dadka qaarna haba u dhiibin”. Cabdalle Naasir “Waa dowlad mashruuc ah lacagtaas wllhi inaysan gaarayn rag gaar ah baa qadan dabaqyana ka dhisan”. Muscab Xasan “Lacagta wax ma tartee ee shacabka hadaan amnigooda sugi karin ka taga meesha kuligiin calooshiin ushaqeestayaal baa tihiin The post Maxay tahay tallaabada uu qaaday R/W Xamza ee lagu farxay? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (HOL) — Two brothers from the Adado district, Abdinregion's Abdikarim Ahmed Arab, were killed and their family injured in a clan militia attack in the Oodan area of Galgaduud last night. The attackers, believed to be from the Harardheere district in Mudug, fled immediately after the incident. Source: Hiiraan Online
-
Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Suudaan ayaa sababay dhimashada 17 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi. Khasaaraha ka dhashay roobabkaasi ayaa uga sii daray xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda 16-ki bilood ee lasoo dhaafay. Korontada ayaa ka maqan magaalada Khartuum, dadkuna waxay ku hoyanayaan meel bannaan ah, iyagoo ka cabsi qaba roob kale in uu ugu yimaado xaaladdaasi. Ilaa Koow iyo Toban kun oo guri ayaa dumay, sida uu sheegay wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Samiir Sacad ugu yaraan 170 qofna waa ay dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 17 qof oo ku dhintay mahiigaan ah oo ka da’ay Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — Minnesota Governor Tim Walz, recently announced as Kamala Harris's running mate for the 2024 presidential election, did not change the state flag to resemble the Somali flag or Puntland's state flag. This claim, which surfaced on social media after the announcement, is false. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay. Golaha ayaa ku dhawaaqay xalay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka. Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa xalay ansixiyay magacaabista Danjireyaal Soomaaliya uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee dalku ka leenahay caalamka. Waxaana ay kala yihiin: 1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir 2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir 3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir 4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir 5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir 6. Faysal Axmed Salaad – Safiir 7. Abiib Muuse Faarax – Safiir 8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir 9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir 10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir 11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir 12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir 13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud 14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay Shirkii degdega ahaa ee ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somalis are experiencing an economic downturn characterized by declining purchasing power and high unemployment. Multiple factors, including conflicts, climatic shocks, and global economic changes, have compounded these issues, affecting many Somalis' livelihoods. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Cabinet has approved the appointment of 14 new diplomats to represent the country internationally, including 12 ambassadors and two consuls general. The decision, made during an urgent meeting on Tuesday, aims to enhance Somalia's diplomatic presence worldwide. The federal government did not specify where the new diplomats would be posted. Source: Hiiraan Online
-
In the complex landscape of Somalia's governance, fostering collaboration and coordination among government entities is paramount for sustainable development. Recognizing this need, the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF1 ) Project supported the establishment of the Somalia Inter-governmental Fiscal Forum (IGFF) comprising two key components: The Intergovernmental Fiscal Federalism Technical Committee (IGFFTC) and the Finance Ministers’ Fiscal Forum (FMFF). Source: Hiiraan Online