Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ayaa la filayaa inuu dhawaan ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Shirkan oo lagu waday inuu Muqdisho ka dhaco dhamaadkii bishii hore ayaa waxa uu dhawaan ka furmi doona Kismaayo, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Shirka ayaa horey ugu baaqday dhowr arrimood oo isbiirsaday u baaqday, sida Axmed Madoobe oo shirkan inuu ka soo qeyb-galo uga cudur daartay sababo la xiriira xoojinta howl-galada ka socda deegaanada Jubbaland, kaddib guulihii u dambeeyay ee ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab. Sida wararku sheegayaan shirkan ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka dowlad-goboleedyada muddo xileedkooda dhamaaday oo doonaya in madaxweyne Xasan Sheekh u fasaxo inay doorasho aadaan iyo jaangoynta masiirka Villa Somalia ee doorashada 2026. Bishan August ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal. Arrimaha ayaa imanaya, iyada oo mashruuca doorashada qof iyo cod ee madaxweyne Xasan Sheekh ay caqabado waa weyn ku horgudban yihiin, sida mucaaradka oo aad u diidan qorshaha madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in dalka ka dhacdo doorashada qof iyo cod, kadib markii uu baarlamaanka marsaday cutubyo kamid ah dastuurka, oo dhigaya in laga guuray hanaankii doorasho ee hore, wallow ay illaa hadda muuqan tallaabooyin loo qaaday middaasi. The post Xog: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka dhacaya meel ka baxsan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Ugu yaraan shan askari oo Maraykan ah ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhalatay dilkii todobaadkii hore loo geystay xubno sare oo ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah oo uu ka mid ahaa madixii siyaasadda Xamaas Ismaaciil haniyah. Labo gantaal oo nooca loo yaqaanno Katyusha ah ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada cirka ee Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay saraakiil tirsan ciidamada nabad-galyada Ciraaq, kuwaas oo xaqiijiyay in gantaalladu ay ku dheceen gudaha saldhigga. Ma cadda in weerarkan uu la xiriiro hanjabaad ay iiraan ku sheegtay inay ka aargoosan doonto dilka hoggaamiyaha Xamaas, balse wuxuu ku soo beegmayaa xilli xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareerayso oo maamulka Israa’iil iyo dalka Iiraan ay heegan militari ku jiraan. Source: goobjoog.com
  3. Ciidanka Booliiska Maamulka Galmudug ee ka howlgala deegaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo uu muddo dheer xubin ka ahaa, laguna magacaabo Idris Maxamed Shiikh. Ninkan ayay Booliiska Galmudug ku wareejiyeen Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee NISA oo mudo ku raadjoogtay, islamarkaana ay aad u doon doonaysay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd, haatan’se ku guulaysatay ayadoo kaashanaysa laamaha nabad-galyada gobolka Galgaduud. Hoggaaminayahan ka mid ahaa xubnaha sar sare ee kooxda Alshabaab ayaan faahfaahin laga bixin howsha uu u qaabilsanaa iyo sida ay soo qabashadiisu ku suurta-gashay, wuxuuna hadda gacanta ugu jraa Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladdu. Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii ay isku filnaasho dhaqaale u gaari lahayd, islamarkaana uga maarmi lahayd ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah. Wasiirka oo warbaahinta dowladda wareysi siiyay ayaa tibaaxay in dowladda ay ka go’antahay inay gaarto isku filnaasho dhaqaale, islamarkaana ay xukuumaddu qaatay tillaabooyin waaweyn oo ay kobcinayso daqliga gudaha iyo wax soo saarka, kuwaas oo ay kamid tahay mideynta canshuuraha, iyo faa’iidaysiga ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda si weyn ugu tiirsan taageerada ay dalalka caalamku siiyaan, taas oo qeyb ka ah miisaaniyadda dalka, waxaana hadda la qorshaynayaa sidii kaalmeyntaas oo sumcadda dalka dhaawac ku ah looga maarmi lahaa. Source: goobjoog.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland oo gacanta ku dhigay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo, ayaa meel fagaaro ah ku gubay. Taliska Booliska magaalada ayaa sheegay inay xabsiga dhigi doonaan ayna ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xiran indho shareer, sababo la xiriira cabsi laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex dhuuntaan oo ay weeraro geystaan. Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xaafadaha magaalada Kismaayo ka sameenaya howl-gal lagu mamnuucayo xirashada indho shareerka, iyada oo horay looga soo saaray awaamiir lagu joojinayo xerashada niqaabka haweenka. Warsame Axmed Geelle oo ah taliyaha ciidanka booliska Kismaayo ayaa sheegay in la soo afjaray niqaabka, isaggoo tilmaamay in hindisahan looga gol leeyahay in laga hortago in dambiilayaasha la baadi goobayo ay ku qariyaan wajiyadooda indho-shareerka. Maamulka ayaa markale ku celiyay mowqifkeeda ka dhanka ah niqaabka, iyada oo gebi ahaanba Kismaauo laga joojiyay xirashada indho-shareerka matkii taariikhdu aheyd 31 July, 2024, si loo adkeeyo amniga magaalada . Jubbaland ayaa ka digtay in haweenka lagu qabto niqaabka ama si buuxda u daboolaya wajiyadooda ay la kulmi doonaan ciqaab dhanka sharciga ah, oo ay ku jirto xabsi ama ganaax. Si kastaba, ciidamada booliska ayaa howl-gallada ka dhanka ah niqaabka sidoo kale ku tegay suuqyada lagu iibiyo, kuwaasi oo ay kasoo aruuriyeen indho-shareer aad u badan, oo qeyb ka ahaa kuwii maanta lagu gubay meel fagaare ah. The post Jubbaland oo gubtay indha-shareerkii u badnaa, soona saartay awaamiir culus appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas. Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dowlada Turkiga uga mahad-,celiyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli berri uu Muqdisho ka furmayo tababar la siinayo diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo xirfadan ku cusub. Socdaalka masuulkan sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Hakan ayaa halkaas ka wada kulamo gogol xaar u ah dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, isaggoo la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Sidoo kale wasiir Fidan ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie. Safarkaan ayaa la sheegay inuu qaadan doono dhowr maalmood, wuxuuna door weyn ka qaadanaya xal u helista xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haysa heshiis beenaadkii badda. Hakan Fidan ayaa inta uu joogo Itoobiya ka shaqeynaya sidii loo dhex-dhexaadin lahaa labada dal ee Turkiga saaxiibka la yahay, maadaama Turkiga uu aad u daneynayo gobolka Geeska Afrika, uuna dantiisa ka dhex arko Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ah. The post Turkiga oo masuul sare usoo direy Muqdisho xilli Fidan ku sugan yahay Addis appeared first on Caasimada Online.
  7. Jowhar (HOL) — Hirshabelle regional state leader Ali Abdullahi Hussein Guudlawe inaugurated a new primary and secondary school in the Biyo-Adde district of the Middle Shabelle region on Monday. Source: Hiiraan Online
  8. Dowladda Masar ayaa mar kale ku celisay mawqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Masar Badr Abdelatty oo shir jaraa’id ka hadlayay magaalada Qaahira ayaa sheegay in dowladdiisu si adag u taagantahay difaacidda midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. “Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda” ayuu yiri Badr Abdelatty. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Masar ay si adag u diiddan tahay is-afgaradkii arrimaha badda ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo uu ku tilmaamay mid gardarro cad ah. “waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu sii raaciyay Badr Abdelatty. Shirka jaraa’id ayuu qabtay isagoo uu weheliyo wasiirka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo mar kale si adag u difaacday midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Wolaita ee koonfurta dalka Ethiopia ayay ku dhinteen ugu 13 qof. Samuel Fola, oo ah maamulaha aagga Wolaita, ayaa sheegay in dad ka badan 300 oo qof laga daadgureeyay degmada Kindo Didaaye, waxaana weli deegaankaas ku sii hadhsan tiro dad ah oo aan la ogayn inta ay le’eg yihiin. “Carruur ayaa ka mid ah dadka dhintay,” ayuu sheegay Samuel Fola. “Hadda waxaan daad-gureynay in ka badan 300 oo qof, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dhul go’ intan ka weyni”. Gurmad aad u ballaadhan ayaa ka socda deegaanka Wolaita, sida ay sheegayaan maamulka gobolku. Dhul go’an dhacay Isniintii ayaa u muuqda inuu ka sahlan yahay kii dhacay bishii hore, oo sababay geerida in ka badan 200 oo qof. PUNTLAND POST The post Dhul go’ ka dhashay roobab oo dad ku laayay Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  10. Israa’iil ayaa dib u celisay maydadka in ka badan 80 Falastiiniyiin ah oo lagu ay ku dishay weerarada milatari ee ay ka waddo Gaza tan iyo bishi October. Yamen Abu Suleymaan, oo ah maamulaha Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Khan Younis ee koonfurta Gaza, ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in meydadka ay ciidamadu ka soo qodeen qabuuraha iyo in ay yihiin maxaabiis la jir dilay kaddibna la laayay. Wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Isra’il aysan siinin xog ku saabsan magacyada, dadka iyo heybta, arrintaas oo uu ku tilmaamay danbi bagaal. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan meydadka si loo ogaado waxa sababay dilkooda, ka hor inta aanan loo sameyn aas wadareed. Israa’il wali kama aysan hadlin meydadka ay ku wareejisay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta Koofurta Gaza. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo marinka Gaza ku celisay meydadka 80 qof oo Falastiiniyiin ah appeared first on Puntland Post.
  11. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Kismaayo, kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland. Shirkan oo la filay in uu ka qabsoomo Muqdisho dabayaaqadii bishii hore ayaa la sheegay in uu u baaqday cudur-daar ka yimid Madaxweyne Axmed Madoobe oo hawla yeeshay. Sida wararku sheegayaan shirkani ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka dowlad goboleedyada mudda xileedkooda dhammaaday oo doonaya in Madaxweyne Xasan Sheekh u fasaxo in ay doorashooyin qabsadaan. Bishan Agosto ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal, iyadoo Mashruuca Doorashada Qof iyo cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay caqabado waa weyn ku horgudban yihiin. PUNTLAND POST The post Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  12. Ka dib toddobaadyo si darran ay dibad-baxyo rabshado watoo ay ka dhaceeyeen dalka Bangaladesh, dhalinyaro ka gadooday qoonda shaqada ee dowladdeedu soo bandhigtay ayaa aakhirkii ku qasbay inay iyadii xilka ka degto ka dibna ay u baxsato dalka ay dariska yihiin ee Hindiya. Tani waxay soo gunaanaday shan iyo toban sano oo xukunka dalkaasi ay haysay. Sida booliska dalkaasi sheegeen ilaa sagaashan ruux ayaa ku dhintay dibax-baxyada saddex boqol o kalana way ku dhaawacmeen. Kumanaan qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa xoog ku galay gurigeedii ka dib rasmiga ah ee ay ka degan tahay caasimadda Bangladesh ee Dhaka, taasoo keentay in si lama filaan ah loo soo afjaro xukunkii ugu dheeraa ee haweeney ra’iisul wasaare ka noqota taariikhda Bangladesh. Sanadihii u danbeyey xukunkeeda waxaa lagu eedeyey kali talisnimo iyo in ay caburinayso cid kasta oo ka soo horjeeda maamulkeeda. Bishii Janaayo, Sheikh Xasina ayaa ku guuleysatay mar afaraad inay sii hoggaamiso dalkaas ka dib doorasho loo jeediyey in lagu shubtay taas oo mucaaradku ay qaadaceen Siday xukunka ku timi Guulihii iyo caqabadihii Sheikh Xasina? Dalka Muslimiinta u badan ee Bangladesh, oo mar ka mid ahaa kuwa ugu saboolsan adduunka, ayaa guulo la taaban karo ka gaaray muddadii ay hoggaanka Xasina haysay tan iyo sannadkii 2009-kii. Maanta, dhaqaalaha Bangladesh waa mid ka mid ah kobaca ugu dhaqsaha badan gobolka, isagoo ka sarreeya xitaa deriskooda weyn, India. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dakhliga qof kasta ee Bangladesh ayaa saddex jibaarmay marka loo eego sidii hore. Bangiga Adduunka ayaa sheegay in in ka badan 25 milyan oo qof ay ka baxeen faqriga labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkaasi. Iyada oo ka faa’iidaysanaysa hantida dalka, marka laga soo tago deeqaha horumarineed ee ay dibadda ka hesho, Sheekh Hasina waxa u suurtagashay in ay bilawdo mashaariic waaweyn oo kaabayaasha dhaqaalaha ah oo ay ka mid tahay dhismaha buundada Padma oo ay ku baxayso lacag dhan $2.9 bilyan. Ka sokow guulahaas waxaa barbar socday khilaafyo ku xeernaa siyaasaddeeda muddadaas. Ka dib masiibada COVID-19, qiimaha nolosha ee Bangladesh ayaa kor u kacday, sicir-bararka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay, kaydka sarifka lacagaha qalaad ee Bangladesh ayaa aad hoos ugu dhacay, deynta dibadda ee Bangladesh ayaa labanlaabmay marka la barbar dhigo 2016. Si kastaba ha ahaatee, ururada xuquuqul insaanka ayaa diiwaan galiyay boqolaal kiis oo dadka la wayay iyo dilal sharci daro ah oo ay gaysteen ciidamada amaanka Bangladesh tan iyo 2009ki Waa tuma Sheekh Xasina? Sheekh Xasina Sheikh Mujibur Rahman, waxay ku dhalatay deegaanka Tungipara bariga dalka Bangaladesh sanadkii 1947-dii, waa gabadha madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaasi. Dugsiga hoose waxay ku qaadatay tuuladeeda Tungipara. Markii qoyskeedu u guureen Dhaka, waxay dhigatay Dugsiga Hablaha ee Azimpur. Heerkeeda kowaad ee Jaamacada ayey shahaadada kowaad ka qaadatay jaamacada Eden College. Waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka ururka ardayda ee kuliyada Eden intii u dhaxaysay 1966 iyo 1967-kii. Waxaa kale oo ay shaadaha ka haysataa dhaqanka iyadoo ka baxday jaamacad Dhaka oo ay ka baxday sanadkii 1973-dii Sheekh Xasinay eyey is guursadeen MA Wazed Miah, oo ahaa saynisyahan nukliyeer ah oo Bengali ah oo shahaado sare ku qaatay cilmiga fiisigiska Waa haweenay ka sheegay siyaasadda Qaarada Aasiyada doorkeedu sarreeyo. Waxay laba jeer Ra’iisul wasaare ka noqotay dalkeeda iyadoo sidoo kale ah haweenaydii xilkaas haysay muddadii ugu dheeray dalka Bangaladesh bbcsomali Qaran News
  13. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii la kulmay saraakiisha sare ee amniga qaranka, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo suurtagalnimada weerar aargoosi ah oo Iran ay ku qaado Israel. Biden waxa uu sheegay in saraakiisha lagu wargaliyay diyaar garowga lagu taageerayo Israa’iil haddii la soo weeraro, halka xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu sheegay in saraakiishu ay “saacad kasta” ka shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xaalad kacsanaan ah. Xiisada ayaa sare u kacday toddobaadkii la soo dhaafay kadib dilkii hogaamiyihii siyaasada ee Xamaas Ismail Haniyah, kaas oo Iran ay ku eedaysay Israel ayna wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo aargoosi oo “aad u daran”. Israa’iil ma sheegan mas’uuliyadda dilka. Dalal badan, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ayaa sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan, halkaas oo laga cabsi qabo in Xisbullah, oo ah koox ay taageerto Iran ay door ku yeeshaan jawaab kasta. bbcsomali Qaran News
  14. The State Department of Diaspora Affairs has urged Kenyans in Lebanon to urgently register for evacuation as fears of war mount. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federalka ah ee Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas. Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga, xilli dowladda Turkigu kamid tahay dowladaha taageera Soomalaiya/ Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dowlada Turkiga uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya mudane Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli barri uu Muqdisho ka furmayo tababar la siinayo diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo xirfadan ku cusub. Source: goobjoog.com
  16. Kenya's Beatrice Chebet won the women's Olympic 5,000 metres as she delivered a textbook performance to outkick compatriot Faith Kipyegon, whose silver medal was reinstated after she had been controversially disqualified. Source: Hiiraan Online
  17. Chanting "down with Al-Shabaab, down with the enemy", hundreds of Somalis joined a rally Monday against the jihadist group at the site of a deadly beachfront assault in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Al-Shabaab suicide bomber and gunmen attack beach in Mogadishu, killing at least 32 people. Al-Qaeda linked jihadists have waged an insurgency against the internationally backed federal government for more that 18 years. Source: Hiiraan Online
  19. Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi met with Mesut Ozcan, the director of the Diplomatic Academy of the Ministry of Foreign Affairs of Türkiye, in the capital Mogadishu late Monday. Source: Hiiraan Online
  20. Amid growing warnings that Sudan could record the largest hunger crisis in the world, the country’s two warring parties traded accusations over the responsibility for a famine recently confirmed in one of the largest camps for the displaced in Sudan’s Darfur. In a statement late Friday, the Sudanese foreign ministry, controlled by the Sudanese Armed Forces (SAF), accused the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) of causing the famine that struck the Zamzam camp near El Fasher, the capital city of North Darfur State. “The militia is continuing its siege of El Fasher as part of the starvation strategy it is carrying out,” the statement said. The statement further noted that attributing food insecurity to not using a particular border crossing is “unfounded.” UN agencies are calling on the Sudanese authorities to open the Adre crossing on the border with Chad to enable aid trucks to reach Darfur, given the difficulties of moving through the Al-Tina crossing in North Darfur due to heavy rains. However, Khartoum rejected the request, saying the border with Chad could possibly be exploited to bring military support for the RSF. Meanwhile, the RSF accused the SAF of “using starvation as a weapon” against the residents of Darfur and other regions in the country by obstructing or preventing the delivery of humanitarian aid to them In a statement posted on the social media platform X, the RSF urged the international community to intervene to save millions of people who are threatened by starvation. On Thursday, the United Nations said famine was prevalent in some areas of war-torn Sudan and would continue through the next two months. “The 15-month-long escalating conflict has severely impeded humanitarian access and pushed parts of North Darfur into famine, notably in the Zamzam camp for internally displaced persons”, the UN reported on its website, citing the latest report of the Famine Review Committee of the Integrated Food Security Phase Classification. “The scale of devastation brought by the escalating violence in El Fasher town is profound and harrowing,” said the report. “The main drivers of famine in Zamzam camp are conflict and lack of humanitarian access, both of which can immediately be rectified with the necessary political will,” according to the report. The report recommended, among other things, the immediate halt by warring parties to any attacks on hospitals, aid groups, and civilian infrastructure. In the meantime, Adam Rijal, spokesperson of the General Coordination for Displaced Persons and Refugees in Darfur, a voluntary body, said in a statement that the situation in Zamzam camp was similar to the situation in more than 171 camps in the Darfur region. He said that between 20 and 25 people die every day in the Darfur camps due to malnutrition, food shortage, and lack of life-saving medicines. However, official sources could not be reached to confirm the daily death toll in the camps. Since May 10, fierce clashes have been raging in El Fasher, the capital city of North Darfur State. The World Food Program has previously warned that the ongoing war in Sudan between the SAF and the RSF “risks triggering the world’s largest hunger crisis.” Sudan has been witnessing a deadly conflict between the SAF and the RSF since April 15, 2023, resulting in the loss of at least 16,650 lives. An estimated 10.7 million people are now internally displaced in Sudan, with approximately 2.2 million others seeking refuge in neighboring countries, according to the UN data released on Monday. The East African Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) — A video posted on social media shows Abdirahman Rage rescuing a young man injured in an explosion on Liido Beach last Friday night. In the footage, Rage is seen crouching and kneeling next to the injured person lying on the ground while people flee the scene amid chaos and uncertainty. Source: Hiiraan Online
  22. 454282424_1202901680859482_4630345820272045489_n Qaran News
  23. Bangladesh's prime minister resigned and fled the country on Monday, after weeks of protests against a quota system for government jobs descended into violence and grew into a broader challenge to her 15-year rule. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Raage oo ahaa wiilkii baraha bulshada lagu faafiyey isagoo badbaadinaya wiil kale oo dhaawac ah habeenkii weerarku ka dhacay xeebta Liido ayaa sharaxaad ka bixiyey sida uu habeenkaas xaalku ahaa. Cabdiraxmaan ayaa maanta warbaahinta kula hadlay goobtii uu naf hurnimada ku sameeyey ee wiilka uu ka soo badbaadiyey, wuxuuna sharaxay sidii ay ugu suurtagashay tallaabadii la mahadiyey. Muuqaal laga duubay meel fog ayuu Cabdiraxmaan kasoo muuqday isagoo doonaya dhaawaca wiil looga kala cararay barxadda hore ee xeebta Liido. Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay in markii uu go’aansaday in wiilkaas uu badbaadiyo ay socotay xabad aan kala joogsi laheyn, maadaama ay dagaalamayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday iyo ciidanka ammaanka. Wuxuu sheegay in dhabarka iyo jilib ay jug kasoo gaartay, balse uusan u joojin ee uu u bareeray inuu ku dhex ordo xabado dhacaya, kadibna soo qaado dhaawaca. Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhaawaca wiilkaas uu geeyey laamiga hore, gaar ahaan meel u dhow dabaqa Cali Mahdi, halkaas oo booliska Soomaaliya ay ka qaadeen. Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray in wiilkii dhaawaca ahaa ee uu badbaadiyey uu ku booqday isbitaalka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu soo bartay ehelkiisa. Wuxuu sheegay in horay uusan u garaneyn wiilkaas, balse uu ka naxay markii uu arkay isagoo dalbanaya in la badbaadiyo oo gacanta haatinaya, sidaasna uu u soo aaday iyadoo xabaduhu u dhacayaan si darandoori ah. Wiilka dhaawaca ah ayaa dhiig baxayey, sida wareysigaan uu ku sheegay Cabdiraxmaan, sidoo kale wuxuu cadeeyey in muuqaalkaas in laga duubayo uusan ogeyn ee baraha bulshada u uku arkay. Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ugu mahadceliyey wiilkaan uu muujiyey geesinimo iyo dareen islaamnimo, maadaama uu kooxo manaxayaal ah oo toogasho fulinaya uu ka soo badbaadiyey wiil dhaawac ah oo dhiig baxaya, dhulkana ka kici waayey. Hoos ka daawo Muuqaalka Cabdiraxmaan Raage The post Daawo: Cabdiraxmaan oo sharaxay halistii uu galay isagoo badbaadinaya wiil dhaawac ah appeared first on Caasimada Online.