-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Security forces in Somalia's southern city of Kismayo have seized hundreds of Islamic face veils from female residents, the city's police chief says. Source: Hiiraan Online
-
Al-Shabaab suicide bomber and gunmen attack beach in Mogadishu, killing at least 32 people. Al-Qaeda linked jihadists have waged an insurgency against the internationally backed federal government for more that 18 years. VOA’S Paul Ndiho spoke to Ruth Namatovu, a peace and security research fellow at the Institute of Research and Policy Integration for Africa at Northern Illinois University. Source: Hiiraan Online
-
Galkyo (HOL) — Several Al-Shabaab prisoners sentenced to death have escaped from a heavily guarded jail in northern Galkayo, Puntland, authorities confirmed today. The prisoners, who were awaiting execution for crimes, including murders and bombings, managed to flee the high-security facility under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya inuu dab qabsaday dekadda weyn ee ku taalla magaala madaxda dalkaas, kaas oo aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn waxa sababay iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay. Kooxaha dab damiska ayaa ku howlan sidii ay holaca cirka isku shareeray u baqtiin lahaayeen, waxaana muuqaal baraha bulshada la soo dhigey uu muujinayaa holaca iyo uuro ka baxa gudaha dekadda iyo qolyada gurmadka degdega ah oo la tacaalaya, iskuna dayaya inay xakameeyaan. Dabka ayaa kamid ah aanfooyinka soo noq noq ee sanad walba khasaaraha ka geysta dhulka Soomaalida, waxaana inta badan keena foojignaan la’aan ku aaddan adeegsiga qalabka korantada. Source: goobjoog.com
-
Kismayo (HOL) — Two men convicted of murdering civilians were executed by firing squad in a public square in Kismayo, the capital of the Lower Juba region, on Monday, according to the Jubbaland military court. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa galabta toogatay labo nin oo horay u geystay dilal, kuwaas oo bilowgii sanadkaan lagu xukumay dil toogasho ah. Qisaastaan la dedejiyey saacado kadib markii xalay rag dil toogasho ah lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ciidamada Puntland ay maamulaan. Yaasiin Cismaan Colow oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland iyo Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa lagu kala magacaabaa ragga maanta lagu toogtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa bishii 3-aad ee sanadaan aad ugu faafay baraha bulshada isagoo maxkamadda ka hor qiranaya inuu dilay Maxamed-deeq Nuune Saalax oo ku qabsaday boos uu lahaa. Erayada dareen taabadka lahaa ee ninkaas uu maxkamadda ka hor yiri waxaa ka mid ahaa “Mar dambe ha igu soo celin war hala I toogto, ninkaas anigaa dilay, waxaana ka difaacanaayey hantideyda.” Dadka qaar waxay xiligaas dalbanayeen in kiiskaan loo fiiriyo si ka duwan sidii hore, maadaama ninkaan odaga ah ee dilka geystay uu muujinayo ciil iyo caloolyow ku kalifay inuu maxkamadda ka dalbado in deg deg loo toogto. Ugu dambeyntii maanta ayaa tiirka la geeyey isaga iyo nin kale oo hora yuga tirsanaa ciidamada Jubbaland, waxayna toogashadoodu ku soo aaday saacado kadib markii afar Shabaab ah oo dil lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Gaalkacyo. 12 nin ayaa la sheegay inay xalay xabsiga ka baxsadeen, balse 8 ayaa la qabtay, waxaana la waayey 4 nin oo horay loogu helay Shabaabnimo iyo dilal ay geysteen, kuwaas oo ku xukunaa dil toogasho ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Labo nin oo lagu toogtay Kismaayo, kadib fakashadii 4 nin oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Huurshe (Caasimada Online) – Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Huurshe ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaa ka jirta cabsi ku aadan qorshahooda. Ciidamadaan ayaa ka tirsan Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, waxayna dhowaan ka laabteen magaalada Muqdisho, kadib markii laga jartay xuquuqdooda. Ciidankaan gadoodsan ayaa wata ku dhowaad 10 gaari oo tigniko ah, waxayna safar dhulka ah maalmo ka hor uga baxeen Muqdisho, iyagoo gaaray deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq. Ciidankaan ayaa ah kuwii Ahlu-Sunna ee dowladda Soomaaliya ay qarameysay, balse dhowaan ayey ka gadoodeen qorshe ay wadatay dowladdu, taasi oo sababtay in mushaarka laga jarto. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa guutadaan ka soo qaaday Galmudug, waxaana lagu xareeyey xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in qalabeyn iyo dib u habeyn lagu sameynayo. Maalmo kadib waxaa ciidankii laga dalbaday in qoryo ay la yimaadaan, hadii kale mushaarka laga jaranayo, waxayna sameeyeen gadood ka dhan ah go’aanka Taliska xoogga. Waxay sameeyeen banaanbax, ugu dambeyntiina waxay isaga tageen Muqdisho, markii ay xaqiiq sadeen in mushaarkii laga jartay, hubkooda ayey ka sii qaateen magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxayna uga gudbeen deegaanka Huurshe oo caawa ay ku sugan yihiin. Galmudug waxaa ka jirta cabsi la xiriirta in Ahlu-Sunna ay dib u soo noolaato, maadaama ay heystaan fursad ah in ciidamadii daacada u ahaa jiray ay hadda kasoo gadoodeen dowladda, kadib markii laga jartay mushaarka. Dowladda ayaa ciidankaan si cad ugu sheegtay in mushaarka laga jara doono hadii aysan la imaan qoryo lagu diiwaan geliyo, halka ciidankuna ay ku doodeen in hub aysan heysan, isla markaana looga baxay qorshihii looga keenay Galmudug oo ahaa in la qalabey doono, waxaana bilowday gadood, halka dowladu ay go’aankii ka dhabeysay oo bishaan mushaarkii ka jaratay ciidankaas. Ciidankaan ayaa qalalaase culus geli kara Galmudug oo hadda gashay xiligeedii doorashada, Ahlu-Sunna ayaa heli karta fursad ay ku gorgortanto, kuna abuurto awood ciidan oo mar kale ka curata deegaanka, hadii deg deg dowladda federaalka aysan u xalin gadoodka ciidanka galabta gaaray deegaanka Huurshe oo fariisin muhiim ah u ah culimada Ahlu-Sunna, isla markaana u uku aasan yahay Sheekh Yuusuf Direed oo sanad kasta bilahaan oo kale siyaartiisa la dhigo. The post Sawirro: Ciidankii Ahlusunna oo gadooday kadib tallaabo ay qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa si kulul u cambaareynayay weerarkii qaraxa ku billowday ee Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii Ku geeriyooday. Guterres ayaa wax aad aad looga xumaado ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay weli dhibanayaal u yihiin falalkaas foosha xun ee argagixisada ah, wuxuuna ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay si adag u garabtaagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ka hortagaya argagixisada iyo xagjirnimada rabshada ah. Qaraxii ka dhacay xeebta Liido habeenimadii jimcadu sii baxaysay ayaa galaaftay nolosha ku dhowaad 40 qof, halka dhaawacuna uu boqol sare u dhaafay, wuxuuna ahaa mid kamida weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee sanadahan dalka ka dhaca. Source: goobjoog.com
-
Lido Beach: Whenever Al-Shabaab faces massive setbacks on the battlefield, it targets civilians in Mogadishu. Mogadishu (PP Comment) —The massacre of innocent Somalis during a night out at Lido Beach by Al-Shabaab terrorist operatives fits into the pattern of attacks the terrorist outfit carries out in areas populated by civilians. It knows that security procedures for government and security premises serve to foil many attacks. Whenever Al-Shabaab faces massive setbacks on the battlefield, it targets civilians in Mogadishu. By now, the National Intelligence and Security Agency (NISA) should have had a profile of the attacks the group launches to give the mischievous message that the government “is too weak to protect citizens against terrorist attacks.” In 2022, during the month of Ramadan, an Al-Shabaab attack on a restaurant near Lido Beach was prevented after an officer spotted the suicide bomber. Al-Shabaab uses suicide bombers before its armed gangs storm the area they plan to attack. The dual-attack method it employs can be prevented if security forces adopt strict security procedures similar to those in places inhabited by government officials or where government or security offices are located. The Federal Government of Somalia ought to strike a judicious balance between its desire to use the youth nightlife at areas such as Lido Beach as a sign of improved security and the vulnerability Al-Shabaab persistently exploits to kill and maim civilians. Mogadishu is a capital city at war with ruthless terrorists. Adopting multilayer security procedures to prevent Al-Shabaab attacks on civilian areas must be a top security priority. Lessons from Al-Shabaab attacks must be shared with all security forces. Rapid response forces in Mogadishu and field security forces ought to practise preventive measures and how to spot Al-Shabaab operatives before they cause mayhem. Hamza Abdi Barre, the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, said that officers in charge of security at Lido Beach had been arrested. Al-Shabaab is known to bribe unscrupulous officers. In 2013, it bribed a man working for the Federal Government of Somalia who facilitated an attack on Villa Somalia, the presidency. Al-Shabaab approached a worker at the People’s Assembly (the Lower House) to gather information on the area Members of the Parliament do park their cars and when they arrive for parliamentary sessions. Al-Shabaab’s capabilities have been substantially degraded since 2022 when the Ma’awisley campaign was launched. The counterterrorism war against Al-Shabaab and its enablers must continue without forgetting the importance of committing more resources to diminish security vulnerabilities that put the lives of people in Mogadishu at risk. © Puntland Post, 2024 The post Al-Shabaab’s Terror Tactics Remain Unchanged in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay laba askar horay uga tirsanaa ciidanka oo dilal u geystay kuwo kale, islamarkaana lagu helay dambiyeedkaas, ka dibna la qasaasay. Xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland, Gaashaanle dhexe, Mowliid Axmed Yaasiin ayaa sheegay inay raggani horay dilal ugu geysteen laba nin oo kale, islamarkaana lagu fuliyay xukun toogasho ah oo ay maxkamaddu ku riday. Ragga qasaasta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Yaasiin Cismaan Colow oo horay u diley Muxudiin Cabdi Xasan iyo Maxamed Cabdullaahi Siciid oo asna lagu helay inuu nafta dhaafiyay maxamed deeq Nuune Saalax, sida ay shaacisay xeer-ilaalinta maxkamaddu. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa u xilsaaran qaadidda dacwadaha loo haysto askarta iyo xubnaha ka tirsan kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waxayna inta badan dil toogasho ah ku fulisaa cid kasta oo lagu dembiyeed qof kale noloshiisa galaaftay. Source: goobjoog.com
-
Ayadoo saacado ka hor guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Muuse Nuur ” Sanyare” uu bartiisa facebook-ga soo dhigey qoraal ku saabsan maxaabiis dil ku xukunnaa oo xabsiga ka baxsaday ayaa xogo cusub dhacdadaas laga helay. 12 xukumane oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa l sheegay inay ka xalay saqdhexe ka baxsadeen saldhig aad loo illaaliyo ammaankiisa oo ku yaalla magaalada Galkacyo, saldhiggaasi oo ay gacanta ku hayso Puntland, laguna xiro xukumanayaasha iyo eedaysanayaasha Alshabaab, sida xogo ay sheegayaan. Lama oga qaab ay u suurta-gashay inay raggaasi ka baxsadaan maadaama goobta aad loo illaaliyo, balse waxaa jira tuhun ah in cid kale ay u fududaysay fakashada, ayadoo xildhibaan Sanyare qudhiisu uu sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo kuwa gacanta ka geystay dhacdadan. ciidamada nabad-galyada Puntland howgallo degdeg ah sameeyay ayaa gacanta ku soo dhigey 8 ka mid ah raggii baxsaday sida laga soo xigtay saraakiisha, balse 4 kale ayaan illaa hadda la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, kuwaas oo qaarkood ay ku xukunnaayeen dil toogasho ah. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha ciidamada Bangladesh General Waker-Uz-Zaman oo la hadlay shacabka ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sheikh Hasina ay is casishay, isla markaana dowlad ku meel gaar ahi ay dalka sii maamuli doonto, ayadoo wararka qaarna ay sheegayaan inay caasimadda isaga carartay ka dib markii dibadbaxayaal caraysani ay qasriga madaxtooyada ugu galeen. Bangladesh ayaa waxaa ka socda bannaanbaxyo kacdoon isku badelay oo ay dhallinyaro shaqo la’aan ka cabanaysaahi hormuud ka yihiin, waxaana maalmihii la soo dhaafay dibadbaxyada ku dhintay boqolaal dad ah, ka dibna markii at ciidamada iyo bannaanbaxyaashu is fara saareen. Sheikh Hasina oo ah haweenay 76 jira, ayaa waxaa Aabe u ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Bangladesh Sheikh mujibur Rahman, ayadoo muddo 20 sano ah dalkaas Ra’iisul wasaare ka ahayd, waxaana mararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay saacado ka hor is casishay, ka dibna diyaaradda nooca qumaatiga u kaca ah ugu baxsatay dhinaca dalka deriska ah ee Hindiya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin uun kadib qaraxii xeebta Liido ku dhowaaqday qaaran aruurin, ayada oo soo bandhigtay akoonadii ugu badnaa ee lacag lagu diri karo. Akoonnadan ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan guddiga maaliyadda qaran ee qaraxa Liido, oo maalin kadib uuna la dhisay, taas oo si weyn uga careysiisay shacabka Soomaaliyeed. Tallaabadan ayay dadka qaar ku tilmaameen mid macaash looga sameynayo dhibaatada soo gaartay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimada ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku eekeysay xeebta Liido. Guddiga maaliyadda qaran ayaa dhankooda sheegay in qaarankan uu qeyb ka noqonaya taakullada dadkii ku waxyeloobay qaraxii Liido, ayada oo dadka ay ka horyimaadeen in shacabka dhibaateysan dib lacag loo weydiiyo halkii ay aheyd in dowladda kafaalo qaado daaweyntooda. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan? Maxamed Taagane: “Qof shilin idiin soo direyso ma jirto ee magaca umada Soomaaliyeed aduunka deemaha looga soo qaado ku celiya umada.” Mahad America ayaa isna waxa uu yiri “dowlad muwaadiniinteeda canshuur ka qaadaysa laakiin aan awoodin in ay daryeel Ccaafimaad u fidiso haddii dhib soo gaaro!.” “Qof laga qaaday toddoba nooc oo canshuur ah, miyaad caawimaad waydiiseen,” ayuu yiri Cabdiqani Jaamac Ciise. Xuseen Cumar: “Waala dhiman aah ka cabsado maalin kasto gurmad lacag aruurin haku jirine ka horta sameeya dadale kale la imaado fadlan.” Cabdullaahi Xasan Cali: “Qaraab tag Qaran!. Hal Account soo kuma filneen, haddiiba gurmad Qaran tahay, mise sheekada waa waxba yey na dhaafin! Midig ka Dhaw, Bidix ka dhaw.” “Bes naga dhaha damiirkeena intaan kadib ma yeelaayo calyadaan. Aan kala xishoono,” ayuu yiri Cabdirashiid Muxumed Cali. The post Caro xooggan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday dowladda kadib weerarkii LIIDO appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha Golaha Ammaanka Ruushka, Sergei Shoigu ayaa maanta gaaray caasimadda Iran ee Tehran, halkaa oo la sheegay inuu kula kulmayo madaxda sare ee Iran oo uu ku jiro madaxweynihii toddobaadkii hore la caleema-saaray ee Masoud Pezeshkian iyo saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka. Wadahadallada u dhexeeya Shoigu iyo Pezeshkian ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga gobolka iyo kan caalamiga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti. Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo laga cabsi qabo inay ka dillaacdo bariga dhexe xiisad dhalin karta dagaal weyne ka dhaca, xilli Iran ay iskudayayso inay ka jawaabto dilka madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay Tehran. Ruushka wuxuu la leeyahay Iran, iskaashi wanaagsan oo difaaca ah , iyadoo Tehran ay gaarsiisay Moscow diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo qeyb ka noqday dagaalka uu Ruushka ku jiro ee Ukraine , halka labadii maalin ee u dambeysay uu Ruushka u diray Iran diyaaradaha xamuulka qaada oo aan caddeyn xamuulka ay geeyeen Tehran. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Golaha Ammaanka Ruushka oo maanta gaaray caasimadda Iran Tehran appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada waxay dishay in ka badan 30 qof oo shacab ah, waxayna dhaawaceen illaa 200 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah habeenkii Jimcihii lasoo dhaafay. Waa culeys xoog leh, laakiin ma ahan markii koowaad, labaad, saddexaad ama xitaa markii 10-aad oo ay argagixisada tiro intaan le’eg ama ka badan ka disho umadda Soomaaliyeed. Culeyskan tixanaha ah eeddiisu waa inay marwalba ku dhacda cidda xukunka joogta ee shaqada amniga mas’uulka ka ah. Laakiin midda aan la aqbali karin waa in siyaasad laga dhex raadiya dhibaatada gaartay shacabka Soomaaliyeed, iyada oo laga dhigaayo fursad lagu mucaarado madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa. Iyada oo ay jiraan qaladaad badan oo dowladda dhexdeeda ah oo lagu mucaaradi karo Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa, haddana dhinaca kale waxaa jira labo qodob oo lama taabtaan ah oo laga dhex raadin karin luf-luf siyaasadeed. 1. La-dagaalanka argagixisada Kooxdan oo culeyskeeda uu 15 jirsaday waxay dishay tobanaan kun oo shacab Soomaaliyeed ah, waxay hortaagan tahay nabadda iyo noloshada umadda Soomaaliyeed. Dagaalka lagula jiro ee xaqa ah ma lahan af mucaarad iyo mid muxaafid, wuxuuna leeyahay hal albaab oo ah in dowladda lagu garab galo, lala toos-toosiyo oo shacab iyo siyaasina loo midoobo dagaalka. Marka mucaaradnimada laga hadlayo wadada aada dhinaca la-dagaalanka argagixisada waa xiran tahay. 2. Kiiska Itoobiya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muddo xileedkiisi hore dagaal biyaha la xiriira kula jiray dowladda Kenya, isaggoo sheegashadii Nairobi geeyay maxkamadda cadaaladda adduunka, illaa markii ugu dambeysa ay Soomaaliya ku adkaatay kiiskii badda ee kala dhaxeeyay Kenya. Maantana waxay Xasan ula taalla Itoobiya, taas oo iyaduna soo damaacisay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Waa macquul inay wax ka qaldan yihiin sida ay dowladda u wajaheyso arrinta Itoobiya, laakiin iyada oo la siyaasadeyn dowladdda tallo waa lagu biirin karaa, waa qofka ay ka tahay toosin iyo qarankaagu ha adkaado. Balse jidkaana waa xiran yahay haddii laga fikiraayo kalluumeysi siyaasadeed, oo waxaa dhici karta in adigoo isleh Xasan Sheekh ku xumee arrinta Itoobiya in si aanad fileyn ugu dhacdid afka Yaxaaska. Madaxweyne Xasan Sheekh wax badan oo lagu mucaaradi karo ayuu farqaha ku haystaa, laakiin labadan qodob ee la-dagaalanka argagixisada iyo arrinta Itoobiya waa in aan la siyaasadeyn oo aan laga dhex raadin dhibco dhimasho noqon kara. The post Laba qodob oo luf-luf siyaasaddeed aysan ka dhex raadin karan mucaaradka Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisal wasaarihi Bangladesh Sheikh Hasina ayaa is casishay maantavwaxayna ka carartay dalkeeda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray. Taliyaha ciidamada General Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay in Hasina oo 76 jir ahi, ay ka baxday dalka, lana soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah. Warbaahinta dalkaas ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina inay dalka kaga dhooftay diyaarad milateri, waxaana raacday walaasheed. Sheikh Hasina ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay Hindiya la wadaagto Bangladesh. Muuqaallada taleefishinada ayaa muujinayay kumannaan qof oo ku soo qul qulaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dhaka iyagoo aad u faraxsan oo qaylinaya isla markaana sita hal-ku-dhegyo kala duwan. Sidoo kale kumanaan qof ayaa xoog ku galay guriga rasmiga ah ee Hasina. PUNTLAND POST The post Ra’iisal wasaarihi Bangladesh oo maanta is casishay kana carartay dalkeeda appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton. Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah. Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha kadib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah, taas oo sii hurisay carada sii fiday. Masaajido iyo huteel oo ay degenaayeen magangalyo-doon oo ku yaalla magaalooyinka Rotherham iyo Tamworth ayaa dad badani oo ka mid ahaa kuwa dibadbaa dhigayey ay weerareen. Shaqaalihii huteelka iyo dadka deggan, oo qaarkood magan-gelyo-doon ah, ayaa “argagaxay”, laakiin wax dhaawac ah lama soo sheegin, sida ay booliisku sheegeen. Mid ka mida huteelada oo ku yaalla Tamworth, Staffordshire, boolisku waxay sheegeen inay la tacaaleen “falalka tuuganimada ah, balse hal askari ayaa boolisku sheegeen inuu dhaawac soo gaaray kadib markii dadka dibad-baxayey ay ku tuureen waxlo kala duwan iyagoo jajabiyey daaqadaha.” Ra’iisul wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag.. Dowladiisa ayaa kulan deg deg ah yeelan doonta maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan Ra’iisul wasaaraha ayaa wacad ku maray inuu sameyn doono “wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno” mar uu khudbad u jeedinayay shacabka. “Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Wuxuu intaa raaciyey in “bulshooyinka kale ee laga tira badan yahay ee la takooray, salaanta Naasiga ee dariiqyada lala istagay, weerarida booliska, rabshadaha ay dhinac socdaan hadalada cunsiyada leh, markaa maya, kama fogaan doono inaan ugu yeero waxa ay tahay: tuuganimada midigta fog.” Aqalka number 10 ee looga arrimyo UK, ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shirka Cobra, kaas oo ah mid si gaara looga hadlayo xaaladda ka taagan dalkaasi. Shirkaas waxaa isugu yimaada wasiirada dowladda ,booliska, nabag-sugida iyo madax kale ee ku taxaluqda arrintan Kulanka Isniinta ee guddiga gurmadka ayaa looga gol leeyahay in dowladda ay ka siiyaan warbixin ku saabsan shaqaaqooyinkii dhacay dhammaadka todobaadka iyo jawaabta maalmaha soo socda. Waxay ka koobnaan doontaa wasiirro iyo wakiillo boolis ah. Booliiska ayaa ka jawaabay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Tamworth, Middlesbrough, Bolton, Hull iyo Weymouth, iyo qaybo kale oo UK ah. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arrimaha gudaha ee UK ,ayaa lagu sheegay in masaajidada si weyn loo ilaalinayo taas oo qayb ka ah qorshaha cusub , waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in ciidamada deg deg loo diri doono si ay dib ugu soo celiyaan sidii logu cibaadaysan laha goobaha cibaadada sida ugu dhow uguna dhaqsaha badan. Sida ay sheegeen booliska South Yorkshire, magaalada Rotherham, ugu yaraan toban bilays ah ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ayaa miyir beelay ka dib markii mudaaharaadayaal ka soo horjeeda socdaalka ay ku tuureen alwaax. Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper, ayaa ugu yeertay muuqaallada “mid laga naxo” waxayna sheegtay in booliisku ay taageero ka helaan dowladda si ay u qaadaan “tallaabada ugu adag”. Booliska Manchester, qaybta 60AA, ayaa soo saaray amar dadka magaalada looga dalbanayo inay “ wajiga ka qaadaan gafuur xirka si loo aqoonsado” Rabshadaha ayaa daba socday dhacdooyin la mid ah oo rabshado ka dhacay Southport, Belfast, Hartlepool, Hull, Liverpool, Stoke-on-Trent, Nottingham, Sunderland iyo meelo kale horaantii isbuucaan. Isha: BBC The post Wararkii ugu dambeeyay ee dibad-baxayaal caraysan oo weeraray masaajido ku yaal UK appeared first on Caasimada Online.
-
Mid kamida dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga soo badbaadiyay gacanta magafayaasha Liibiya, islamarkaana dalka dib loogu soo celiyay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyin tiro beel ah oo uu la kulmay intii uu halkaas ku xirnaa, ayadoo da’yarta tahriibta ku talamaysa farriin adag u diray. Ninkaas oo lagu magacaabo Dr. Mahad Garaad Xasan ayaa sheegtay in dhibaatooyinka badan uu kala kulmay dalka Liibiya oo muddo lagu haystay, wuxuuna dhallinyarada ugu baaqay in halaahowga iyo hawkar daran ee halkaas yaalla aysan ku kadsoomin oo ay dalkooda iimaansadaan, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan intii soo furdaamintiisa ka qeyb-qaadatay oo ay masuuliyiin dowladda ka tirsani ugu horreeyaan. Boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa gacanta ugu jira magafeyaasha arxanka daran ee dalka Liibiya ka qowlaysta, kuwaas oo daminkaas halista badan ku dhacay xilli ay dhinaca yurub ku sii jeedeen, waxaana waalidkooda si joogto ah u soo gaara farriimo naxdin leh oo lagu leeyahay lacag madax furasho ah soo dir haddii kale degdeg ayaan u dileynaa. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii hore ee gobolka mudug ee dowlad goboleedka Puntland, haddana ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiis dil ku xukunnaa ay ka baxsadeen xabsiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolkaas. Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo war qoraal ah soo dhigey bartiisa Facebook-ga ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in gacan ku dhiigle 3 sano ka hor dil lagu xukumay, islamarkaana in toogasho lagu fuliyo keliyihi ay u dhimanayd uu xabsiga ka baxsaday. Wuxuu intaa ku daray inuu naawilayo in garsoorka la hor keeni doono ciddii ka gacansiisay inuu gacan ku dhiiglahaasi fagado, balse wax faahfaahin ah kama bixi xilliga uu baxsaday, iyo sidoo kale nooca dil ee markii hore loo xukumay in laga qasaaso, Puntland dhankooduna arrintaas weli kama hadlin. Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay maxaabiis ka tirsanayd Al-Shabaab oo xalay ka baxsatay xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay gacanta ku hayso Puntland. Tirada maxaabiista baxsatay ayaa ahayd 12, laakiin waxaa la soo qabtay 9 kamid ah raggaasi, kadib howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland. Ragga baxsaday oo ka tirsanaa Argagixisada ayaa waxaa qaarkood ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, halka kuwa kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xildhibaanka oo si kulul uga hadlay arrintan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maxaabiis saddex sano kahor dil lagu xukumay ay xabsiga ka baxsadaan, ayada oo kaliya ay u harsan tahay in la qisaaso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay inay baxsadaan maxaabiistaas oo horay dhibaatooyin uga gaystay magaalada Gaalkacyo. “Waa wax aad looga xumaado, in gacan kudhiigle 3sano kahor dil lagu xukumay, oo ay u harsantahay in la qisaaso, uu xabsiga kabaxsado, waxaan rajaynaya cidii u kaalmaysay gacan kudhiiglayasha in cadaalada lahorkeeno,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sanyare. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa baadi-goob ugu jiro saddexda maxaabiis ee la la’yahay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo xubnahaasi. Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, sidoo kalena ay gaysteen weeraro qaraxyo ah. Si kastaba, Xildhibaan Cabdiladiif ayaa waxaa walaalkiis Marxuum Axmed Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland qarax ugu dilay kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib xilkaas la wareegay isaga, inkastoo markii dambe uu iska casilay, kadibna loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. The post C/ladiif Sanyare oo war culus kasoo saaray Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xubno maxaabiis ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay maamusho Puntland. Maxaabiista oo fursad heshay ayaa la sheegay inay ka fakadeen xabsiga, waxaana tiradooda lagu sheegay 12 maxbuus oo horay dil iyo xabsi daa’in loogu xukumay. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay innoo sheegay in ciidamada ammaanka oo durbo ka helay arrintan ayaa sameeyay howlgal ka daba tag ah, waxayna soo qabteen 9 kamid ah maxaabiistii Al-Shabaab ee ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale ciidamada ayaa baadi-goob ugu jiro afar kale oo la la’yahay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo xubnahaasi oo qatar ku ah amniga Gaalkacyo. Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, sidoo kalena ay gaysteen weeraro qaraxyo ah. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan maxaabiistaasi baxsatay. Arrintan ayaa waxaa durbo ka dhashay walaac xoogan iyo eedeymo loo jeedinayo saraakiisha iyo hoggaanka gacanta ku haya xabsiga ay ka baxsadeen xubnahaasi. Sidan oo kale sannado kahor ayaay xubno Shabaab ah uga baxsadee xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistaas qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo dib ugu laabtay Al Shabaab. The post Xubno Shabaab ah oo DIL ku xukumanaa oo xabsi ka baxsaday appeared first on Caasimada Online.