Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Koonfurta Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika. War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan. Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka. Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga. Si hawlahaas loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda. Dalalka Masar iyo Jabuuti ayaa dano gaar ah ka leh Somalia imaantinka ciidamo.Masaari ah oo yimaada Somalia waxa ay abuuri kartaa colaado hor leh iyada oo dawlada Masar ayna marnaba dhex ka noqon doonin arimaha Somalia. Waxana dhici doonta dagaalo lagala hor yimaado Masar hadii ay ciidamo geeyaan meel ka baxsan halkii ay joogeen ciidamada ay beseli doonaan ee ATMIS Qaran News
  2. Shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee u dhexeeyay Wasiirrada Maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa maanta looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha. Dood dheer iyo aragti isdhaafsi kadib, masuuliyiinta labada heer ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada waxa ay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan Ganacsiyada, shaqsiyaadka iyo hey’adaha macaashdoonka ah. Hirgalinta hishiiska nidaankan waxaa si wadajir ah u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Maaliyadda dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
  3. Diyaarad Helicopter ah ayaa ku burburtay kayn ka baxsan caasimadda dalka Nepal, wax yar uun ka dib markii ay kacday ka garoonka, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii sarnaa oo ahaa shan qof sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen. Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ahayd, ayna lahayd shirkadda Dynasty air ayaa ku burburtay kaynta buuralayda Himalayan ee degmada Nuwakot oo 57 km u jirta caasimadda dalkaasi Nepal ee Kathmandu, sida laga soo xigtay ku xigeenka guddoomiyaha degmada Krishna Prasad Humagain. Sargaal lagu magacaabo Dan Bahadur Karki oo u hadlay booliska ayaa xaqiijiyay in dhamaan afarta qof ee rakaabka ah ay u dhasheen dalka Shiinaha, ayna isugu jireen saddex rag ah iyo hal dumar ah, halka duuliyihii diyaaradda uu ahaa nin u dhashay dalka Nepal. Dadka deegaanka ayaa arkay dab ka kacay keymaha, waxayna ku wargeliyeen maamulka, sida uu sheegay Dan Bahadur, Diyaaradda ayaana ku sii jeeday degmada Rasuwa, ayadoo ka soo duushay caasimadda Kathmandu, wwxaana shilkii labaad ee wax ka yar bil halkaas ka dhaca, waxaana diyaarad 24-kii July aaggaas ka dhacay ku dhibtay 18 qof oo ahaa shaqaale markab. Source: goobjoog.com
  4. Addis Ababa (HOL) — The African Union (AU) Peace and Security Council (PSC) has adopted the Concept of Operations (CONOPs) for a new mission in Somalia as al-Shabab increased its terror attack in the country. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aanno xasaasi ah oo saameynaya waxbarashada dalka. Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxay ku dhowaaqday dib u eegista go’aankii wasaaradda waxbarashada ee 2019-kii, iyadoo wax ka beddel ku sameysay mudadda waxbarasho ee jaamacadaha dalka. Bayaan kasoo baxay wasaaradda oo qoddobo kamid ah is-burinayaan ayaa waxaa lagu sheegay in aysan dowladda federaalka aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno. Halka qodob kale oo ku jiray qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya lagu yiri “Wasaaraddu waxay u aqoonsan tahay sanadka aas-aasiga ah ee jaamacadda in heerka koowaad uu yahay ugu yaraan 5 sanno.” Qoddobadan iska hor imaanayo oo su’aal gelinaya go’aamadda kasoo baxay wasaaradda, ayaa haddana waxay sheegtay in aan marna la aqbali dooni shahaado saddex sanno ah oo heer jaamacadeed. “Wasaaradda waxay ku wargalinaysaa dhammaan cidda ay khuseyso in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7-da August 2024 la ogolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah ee ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka, sanad dugsiyeedkii 2023-2024 iyo wixii ka horreeyay.” Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda OGEYSIIS Ujeeddo: Dibu’eegista Go’aankii Wasaaradda Waxbarashada ee 2019 Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan cidda ay khuseyso: 1- In laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024, la oggolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah, ee ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka, sannad dugsiyeedkii 2023-2024, iyo wixii ka horreeyay. 2- In aanan marna la aqbali doonin shahaado saddex sanno ah, wixii ka danbeeyo sannad dugsiyeedka 2023-2024. 3- Dhammaan jaamacadaha dalka waxaa la farayaa in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno. 4- Sidoo kale, iyada oo laga duulayo go’aankii Wasaaradda ee soo baxay bishii Agoosto, 2023, kaasoo lagu soo kordhiyay sannadka aasaasiga ah (foundation year) ee jaamacadda, ay Wasaaraddu u aqoonsanayso in heerka koowaad ee jaamacadda uu yahay ugu yaraan 5 sanno. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. The post Maxay tahay arrinta is-burinaysa ee maanta ay ku dhowaaqday DF? appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowladda Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika. War-murtiyeed ka soo baxay Midawga Africa ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Afrikaanka ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan. Hawlgalkan Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSM- African Union Support and Stabilization Mission) ayaa ku yimid codsi ay dowladda Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in kaddib bixitaanka ATMIS la helo taageero kumeelgaar ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka. Go’aanka ka soo baxay Midawga Afrika ayaa noqonaya mid soo afjara hubanti-la’aan iyo walwal ku gedaamanaa sida loo maareynayo marxaladda ka dambeysa bixitaanka ATMIS, waana tallaabo dhiirrigelin u noqon karta dowladdda Soomaaliya oo xusul-duub ugu jirtay la-wareegista guud ee amniga dalka. Halkan ka akhriso Qoraalka Midowga Afrika PUNTLAND POST The post Masar oo qayb ka noqonaysa Hawlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada. Waxuuna hoosta ka xarriiqay in shirka COP 29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si weyn u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo uu xilligan ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan. Fahad ayaa waxa uu sheegay in labada nin ay maanta isku hayaan wixii ay horey ugu hayeen xukunkoodii, sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter). Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu markasta u nugul yahay shisheeyaha, uuna sidaas darteed ula diriray markii ay xukunka joogeen, uuna tii ku hayo Xasan oo markaas raali uga ahaa, sida uu sheegay. “Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad Saciid Cabdullaahi Deni shalay markii ay dowladdii Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo shisheeyaha isku dhaceen wuxuu la saftay shisheeyaha. Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda. Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa, shalay markuu Deni shisheeyaha ka raacay maamulkii hore, wuxuu u yaqaanay taas kaarto siyaasadeed. Laakiin ku dayan meyno oo kama tanaasuleyno mabaadi’da saxda ah ee difaaca dalka iyo u hiilinta qaranka. Mucaaradnimada lafteedu akhlaaq bay rabtaa The post Fahad oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  9. 322324537_1039058074300105_1514383652182457929_n Qaran News
  10. Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu wadaa in uu beddelo howlgalka Midowga Afrika ee xilligaan ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg December 2024. AUSSOM ayaa loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka howlgasho laga bilaabo Janaayo 2025, kaddib markii la meelmariyay Qaab-dhismeedka iyo Istiraatiijiyadeed ee Howlgallada. Hawlgalkan cusub ayaa waxaa la sheegay in ay taageero gaar ah siin doonan dowladaha kala ah; Masar iyo Jabuuti, kuwaas oo muujiyay rabitaankooda ah inay taakuleeyaan ciidamadda uu ka koobnaan doono AUSSOM. Howlgalkaan ayaa mid ka duwan mida hadda jira, waxaa uu xooga saari doonnaa taageerada Ciidanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalinta Howlgalkaan kala shaqeysay Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay. Source: goobjoog.com
  11. Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay in ay xiisad colaadeed ka hurinayso dalalka galbeedka Afrika ka dib markii Mali iyo Niger ay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen Kyiv, iyagoo sheegay inay taageerto kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah nabad-gelyadooda. Eedeynta Moscow ayaa daba socotay war ka soo baxay dowladda militariga Niger oo ay xiriirka u jartay Ukraine, kuna eedaysay gacan siinta fallaagada islaamiga ah ee ka soo horjeeda, ayadoo dhawr dowladood oo ku yaalla Galbeedka Afrika ay ayaguna dhowaan ka goostay xiriirkii soo jireenka ahaa ee ay la lahaayeen reer galbeedka si ay ugu biiraan xulufada Ruushka. Xukuumadda Moscow ayaa dhankeeda saldhigyo ciidan ka samaysatay dalalķaas, ayadoo sidoo kale geysay ciidamada calooshood u shaqeystayaalka ah ee loo yaqaanno Wagner, kuwaas oo ku sugan meelo badan oo galbeed Afrika kamid ah, halkaas oo laga saaray Mareykanka iyo Faransiiska. Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa daahfuray shir wadatashi ah oo Wasaaarada cadaalada iyo Arrimaha dastuurku la yeelaneyso Hay’adaha dowladda, kaas oo ku saabsan wax ka badalka cutubyada 5-aad iyo 9-aad ee dib u eegista dastuurka. Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’antahay sii wadista wax ka badel dastuurka dalku, si loo dhamaystiro, islamarkaana uu u noqdo mid rasmi ah oo ka baxay ku meelgaarnimada uu mudada dheer ku jiray, asagoo u mahadceliyay guddiyada ku howlan arrimaha dastuurka oo uu ku ammaanay waxqabadkooda. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa wax ka badel 5 cutub oo dastuurka dalka kamid, kuwaas oo kala ah 5-aad iyo ilaa 9-aad, waxayna xukuumadda Soomaaliya bilo ka hor dib u eegis iyo dhammaysir ku samaysay 4 cutub oo kale, kuwaas oo baarlamaanku ay cod aqbaliyad leh ku ansixiyayeen. Source: goobjoog.com
  13. Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida si xoog leh u qabsaday muuqaalka haweenay waayeel ah oo kamid ahayd shaqaalaha dhismaha magaalada Baydhabo, taas oo uu fal foolxun oo arxan darro ah u geysanayo nin la sheegay inuu xoogsatada ay ku jirto hormuudkooda yahay. Haweenaydan oo ay duruuf iyo dacdarrooyin badani ka muuqdeen ayaa ayadoo TV magaalada Baydhabo nolosheeda adag uga waramaysa waxaa waxaa soo garab joogsanaya ninka madaxda u ah muruq maalka dhismaha ka shaqaynaya, ka dibna intuu si xun u qadaanqadiyo ayuu si kulul ugu oranayaa “shaqayso waqti lumiska naga daaye”. Muuqaalkeeda oo baraha bulshada si xoog leh u qabsaday ayaa dhaliyay falcelin baaxad leh, waxaana hadda socda gurmadka baaxad leh oo nolosheeda lagu hormarinayo, balse keligeed ma ahan dad badan oo muruq maal ah ayaa xadgudubyo kaa lamid ah si maalin leh ah ula kulma, islamarkaana culayso ba’an la daalaadhacaya. HADDA SIDEE LOO XALLIN KARAA DHIBAATADAAS. inkastoo aysan dadku sinayn, islamarkaana naxariista iyo damiirka quman lays dheeryahay haddana inta badan shaqaalaha dhulka soomaalida ka howlgalaahi waxay la kulmaan culaysyo iyo xadgudubyo ka imaanaya dhinaca loo shaqeeyeyaalka ama madaxda xoogsatada oo si xun ula dhaqma muruq maalka maaraynta noloshooda iyo midda qoysaskooda u halgamaya. Wax ka qabashada arrintan ayaa u baahannahay in si wadajir ah loogu jeesto, islamarkaana dowladdu ay soo saarto xeerar ay kula xisaabtamayso loo shaqeeyeyaasha looga hortago xadgudubyada lagula kaco xoogsatada, sidoo kalena muruq maalka qudhoodu ay midoobaan oo ay ka dhiidhiyaan wax kasta oo meel ka dhac ku noqan kara. Source: goobjoog.com
  14. Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in ay beegsadeen 41 markab oo Israa’iili laga leeyahay tan iyo markii ay billaabeen howlgallada ay ku taageerayaan dadka reer Falastiin ee marinka Qaza bishii November ee sanadkii soo dhaafay, sida uu baahiyay TV-ga Al Masirah. Warbixinta ayaa lagu yiri “Howlgallada ay ku taageerayaan Gaza, ciidamada qalabka sida ee Yemen ee Xuuthiyiintu waxay ku beegsadeen 170 markab, oo ay ku jiraan 41 markab oo Israa’iil leedahay, 72 markab oo Mareykanku leeyahay iyo 12 British ah, kuwaas oo marayay badda-cas, badda carabta, Badweynta Hindiya, iyo badda Mediterranean-ka. Warbixintu waxay xustay in ciidamada kooxdu ay bartilmaameedsadeen 45 maraakiib ah oo shirkadoodu ay jebiyeen go’aankii lagu mamnuucay imaatinka maraakiibta dekedaha la haysto ee Falastiin oo ay ula jeedaan dhulka ay maamusho Israa’iil, ma’se jiro wax faallo ah oo ka soo baxay Israa’iil, Maraykanka, ama Britain oo ku saabsan warbixinta Xuutiyiinta ay soo saareen. Source: goobjoog.com
  15. Shirkii 9-aad ee wasaaradaha diinta dalalka islaamka ayaa lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Maka ee dhulka barakaysan ee Sacuudiga, ayadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Wasaaradaha arrimaha diinta ee dunida muslimka. Shirka oo uu Soomaaliya ku matalayay wasiir Mukhtaar Roobow Cali aw mansuur ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga wasaaraha Awqaafta, ayadoo lagu salaynayo cilmi baaris dhab ah, islamarkaana la saxayo khodbadaha diiniga ah si ay u noqdaan kuwo ilaalinaya karaamada dadka islaamka ah, iyo ki dhaqanka diinta suuban. Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay khodbad uu kaga hadlay sida looga hortagi karo fikradaha xagjirka ah ee falalka argagixisanimo dhalin kara, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in dhammaan layska kaashado sidii loo cirib tiri lahaa aragtiyaha noocaas ah, asagoo dowladda Sacuudiga ugu mahadceliyay marti-gelinta shirka. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sanadihii la soo dhaafay dhibanaha u noqday falalka argagixisinimada ah, ayadoo muddo ku dhow 20 sano dagaal kula jirtay kooxo aragti xagjirnimo ah qaatay, ka dibna dhawaaq hubaysan isku badelay. Source: goobjoog.com
  16. Waxaa wax laga xumaado ah in Senator Timacadde Shirka ergada “Maakhir” ku tagay isagoo sheeganaya inuu metalayo maamulka SSC-Khaatumo. Muqdisho ( Ra’yi ) — Khudbaddii uu Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ka jeediyay madashii ay ku kulmeen ergada Sanaag Bari (Maakhir) waxay ahayd khudbad muujisay meesha uu ka taagan yahay qarannimada Soomaaliya. Wuxuu si dadban u taageeray kala-goynta Soomaaliya. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay khariidad cusub si meesha looga saaro dhulka uu maamulka Somaliland sheegto. Meesha loo marayo ujeeddadaas wuxuu Senator Timacadde ku tilmaamay samaynta maamul ay ku dhan yihiin dadka dega Sool, Sanaag, Togdheer, Nugaal iyo Bari. Senator Timacadde wuxuu meel kaga dhacay halgankii dadka SSC-Khaatumo iyo Puntland u soo mareen difaaca dhulkooda oo ah hadda mid lahaanshihiisa uusan muran ka taagnayn. Tan kale, Senator Timacadde wuxuu sare u qaaday maqaamka goosasho-doonka waqooyiga oo hadda ay dowladda federaalku u aragto halis amni qaran (national security threat). Sidee Senator Timacadde u sii meteli karaa dadka SSC-Khaatumo? Waxaa maamulka SSC-Khaatumo la gudboon inuu war-saxaafadeed ka soo saaro hadalka meel-ka-dhaca ah ee ka soo yeeray Senator Timacadde oo muddo-xileedkiisa senatarnimo ay ka hartay labo sano. Waxaa wax laga xumaado ah inuu Senator Timacadde Shirka ergada Sanaag ku tagay isagoo sheeganaya inuu metalayo maamulka SSC-Khaatumo. Hadalka Senator Timacadde wuxuu ka dhigan yahay hadal lagu taageeray Heshiiska Isfahamka sharcidarrada ah dhexmaray Janaayo 2024 Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed waayo wuxuu ahaa hadal xoojinayay sheegashada maamulka goosasho-doonka ahi sheegto dhulka SSC-Khaatumo. Senator Timacadde wuxuu si aan ka fiirsi lahayn u taageeray mowqifka Muuse Biixi sanadkii hore xilligan ku doodayay inuu dal gaar ah yahay xaq u leh inuu duqeeyo Laascaanood. Dadka SSC-Khaatumo waxaa la gudboon inay ka fiirsadaan dadka ay soo magacaabi doonaan doorashada soo socota si ay u metelaan heer federaal haddii kale waxaa soo baxaya dad la mid ah Senator Timacadde oo xuquuqda meesha laga soo xulay cadaw ku ah. The post Senator Timacadde wuxuu si dadban u taageeray kala goynta Sooomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta markale guddoomiyey kulan aan caadi aheyn muddo 24 saac gudahood. Kulankan oo looga hadlayey u diyaar-garowga shirka caalamiga ah ee COP-29, kaasi oo bisha November lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP-29 barnaamijyo cad cad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cad cad oo la taaban karo. Sidoo kale wuxuu ku boorriyay in ay si wada-jir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP-29 soo bandhigi doono. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada. Ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xarriiqay in shirka COP-29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka. The post Xamza oo maanta guddoomiyey shir aan caadi aheyn + Ujeedka (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadashay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeedisay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Faa’iso Jayte ayaa sheegtay in Madaale uu hadda kahor Fatwo kasoo saaray xeebta Liido, isla markaana uu sheegay inuu ka socda fisqi xoogan, kadibna uu xigay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday ee lagu laayay dadka badan. “Heer waxaa la marayaa dadkii dadka mas’uulka ka ahaa oo nabad-galyadooda iyo hantidooda iyaga lagu aamninay ay dhahaan fisqi ayaa meesha ka socda oo Gudoomiyihii gobolka fatwooday in Liido la qarxiyo oo dhahay fisqi ayaa ka jira waa wax laga xumaado” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Jayte. Sidoo kale waxa ay xildhibaannadu sii raacisay Meel bannaan ah oo barxad ah oo la’isugu yimiday oo la’isku wada jeedo fisqiga ka socdo muxuu yahay?. Xildhibaan Faa’iso Jayte oo hadalkeeda sii wadata ayaa xukuumadda ku dhaliishay banaan-bixii Isniintii ka dhacay xeebta Liido, waxayna tilmaamay inuu mid digasho ah, isla markaana dano gaar ah laga lahaa, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaan rabaa inaa cambaareeyo banaanbixii lagu sheegay in looga banaan baxaayo dhibaatadii Liido ka dhacday, iyada oo dadka banaanbaxaayay ay ahaayeen shaqaalaha rayidka oo lagu yiri haddii aan banaanbixi weysaan waxaa la’idinka joojinayaan xuquuqdiina oo mushaar ma haleysiin” ayuu hadalkeeda kusii dartay xildhibaanadda. Ugu dambeyn xildhibaanadda ayaa ugu baaqday shacabka Muqdisho inay sameeyaan kacdoon, isla markaana ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saameyn xoogan uu ka dhashay weerarkii xeebta Liido, kaas oo dhaliyay shaki oo laga muujiyay sida ay Al-Shabaab ku gaareen halkaasi, maadaama ay ka sokeeyaan baro koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka. The post “Guddoomiye MADAALE ayaa fatwooday in LIIDO la qarxiyo oo dhahay…” appeared first on Caasimada Online.
  19. 454436630_7847892471972973_7285701088362339069_n Qaran News
  20. Dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dadka dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay yihiin kooxaha midigta fog ayaa gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla dalkaasi. Kuwii dhacay toddobaadkii hore ayaa lagu beegsaday huteelo ay deggan yihiin dad soogalooti ah iyo goobaha cibaadada. Hadda waxaa soo baxaya walaac laga qabo in dadka dibax-baxyada an qorshaysnayn dhiga ee dalkaas bartimaameedsadaan goobaha laga caawiyo magangalyo doonka iyo sidoo kale dadka u dooda soogalootiga sida uu BBC-da u sheegay Khaliil Aden Cabdi oo madax ka ah urur danaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee UK ka shaqeeya. “Magaaladayada Bristol waa ka dhacayaa, qareen caawiya dadka qaxootiga ayey ku balameen inay yimaadaan goobtiisa” ayuu BBC-da u sheegay Khaliil. Dowladda UK, waxay qaaday tallaabooyin ay ku xakameeyeen xaaladda ka dhalatay dibad-baxa rabashada wata iyadoo ilaa 400 ruux, oo lagu eedeeyey rabshadahan ayaa saraakiishu sheegeen in sharciga la horgeyn doono. Khaliil Aadan, oo deggan magaalada Bristol ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada boolisku si wanaagsan ugu hortageen in ay dhibaato baaxad leh dhacdo gaar ahaan magaalada uu deggan yahay oo kale balse wali uu jiro walaac ay qabaan. Wuxuu intaa ku daray in jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Bristol, ay leeyihiin iska warqab joogtaa ayna yeeshaan shirar ay kaga hadlaan arrimahan taagan, basle ay darrreemayan saamaynta arrin dhalisay. “Saameynta ay yeellatay waa mid weyn, dukaamadii ayaan waqtigooda wada furnayn, dhaqdhaqaaqii aad soconaysay ma soconaysid oo waataxadaraysaa oo waxaa ku jirtaa balaayo buulkaga laga jiraa, dadkii shaqyanayey cabsi ayey ku keentay gaar ahaan dadka waqti danbe soo baxayey shaqooyinka, sidoo kale dhaqaalihii ayey culays ku tahay” ayuu yiri Khaliif. Wuxuu intaa raaciyey in xitaa cibaadadii ay saamayn ku yeellatay arrintan oo xitaa aan salaaddihii masaajidada lagu wada tukanayn. “Hadda waxaa iska eegaysaa garabkaga markaa soconaysi, dhinaca iska baa ku jirtaa, masaajidadii waa la xirayaa salaadaha qaar” ayuu intaas raaciyey. Jim McMahon, wasiirka guryeynta bulshooyinka iyo dawladda hoose, ayaa sheegay in uu fahamsan yahay in dadku “ay dareemayaan walaac” ka hor mudaaharaadyo kale oo la qorsheeyay – wuxuuna ku boorriyay dadweynaha inay “feejignaadaan”. Ku dhawaad 6,000 oo sarkaal oo ka tirsan boolisk kala dambeynta dadweynaha ayaa la abaabulayaa si ay uga jawaabaan khalkhal kasta maalmaha soo socda. Dowladdu waxay sheegtay garsoorayaashu ay shaqayn karaan waqti dheeri ah si kuwa lagu oo oogay dacwada rabshada loo horgeeyo sharcigada sida BBC-da u sheegay Khaliil Aadan oo deggan dalkaasi. “Haddii aad sharciga jabiso, tallaabo ayaa lagaa qaadi doonaa,” ayuu yiri duqa London. Sadiq Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, ku sheegay in uu ka warhayo warbixinada kooxda midigta fog ee qorshaynaysa in ay bartilmaameed ka dhigtaan goobo ku yaala London – isaga oo booliiska kala shaqaynaya ilaalinta dhismayaasha la bartilmaameedsanayo. Digniinaha socdaalka eel aga soo saaray UK Xigashada Sawirka,Reuters Dhowr wadan ayaa soo saaray digniino dhanka socdaalka ah oo ku wajahan muwaadiniintooda ku sugan UK, ama u safraya sababo la xiriira mudaaharaadyo iyo rabshado ka dhan ah socdaalka. Dalalka digniinahan durba soo saaray waxaa ka mid ah Nigeria, Malaysia, Australia, Indonesia, UAE iyo India oo dhammaantood diray digniino, iyagoo kula taliyay muwaadiniintooda ku nool ama booqanaya UK inay ka fogaadaan meelaha banaanbaxyada. Hindiya ayaa sidoo kale digniin u diray muwaadiniintooda u safraya UK ka dib dibax baxyada rabshado wata oo maalmo socday. Guddiga Sare ee Hindiya ee London ayaa sheegay inay “si dhow ula socdaan” xaaladda iyagoo kula taliyay booqdayaasha Hindiya inay “feejignaadaan oo ay taxaddar muujiyaan inta ay ku safrayaan UK”. Shalay, Australia waxay soo saartay digniin la mid ah waxayna kula talisay dadka safarka ah inay “ka fogaadaan aagagga ay mudaaharaadyadu ka dhacayaan sababtoo ah suurtagalnimada carqaladaynta iyo rabshadaha” iyadoo dadka ku boorisay inay “la socdaan warbaahinta si ay u helaan macluumaadka iyo wararka”. Thailand ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee uga digay muwaadiniintiisa booqashada UK. Safaaradda Royal Thailand ee London ayaa uga digtay qof kasta oo Thais ah oo imanaya UK inay aad u feejigan yihiin oo ay ka fogaadaan inay tagaan meelaha ay dibadbaxyada ka socdaan. bbcsomali Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) — The Somali Council of Ministers has announced a half-million-dollar fund for the victims of last week's al-Shabab attack on Mogadishu's Lido Beach, which killed 40 people and wounded over 200 others. Source: Hiiraan Online
  22. MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay sugaan amniga Muqdisho, waxaana tallaabadan ay kusoo aaday maalmo uun kadib weerarkii lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido. Ciidamadan oo ka tirsan booliska Soomaaliya waxaa maanta tababar usoo xiray wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kadib munaasabad ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska. Waxaa sidoo kale munaasabadda ciidamada tababarka loogu soo xirayey wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Cabdullahi Kaniif iyo saraakiil kale oo ka tirsa ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa kamid noqonayo Booliska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda. Taliska booliska ayaa sheegay in ciidamadan ay qaateen tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimada, si ay u xaqiijiyaan amnga guud, ugana hortagaan weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada mararka qaar ka dhacay gudaha Muqdisho. Wasiir Fartaag oo madasha ka hadlay ayaa ciidamada cusub ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda. Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad amni, kadib bilo ay ka caaganayd falalka ammaan darrida ah, waxaase mar kale dib weeraradeeda u bilowday kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa beegsatay xarumo muhiim ah, sida Liido, Maqaayadda Top Coffee ee degmada Boondheere iyo saldhiga dhexe, waxaana ka dhashay khasaarooyin xoogan. The post Ciidamo cusub oo loo diyaariyay Muqdisho kadib weerarkii Liido + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in shirka COP 29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa Shirka caalamiga ah ee Arrimaha Isbeddelka Cimilada oo ka dhacaya dalka Azerbaijan appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga shaqada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay xukuumadda dalka. Xubnaa baarlamaanka oo horay doodo kala duwan uga yeeshay xeerkan aya maanta ugu dambeyn ansixiyay, waxaana jira inta ay socotay codeynta xildhibaannada qaar ay buuq sameeyeen, kaas oo kadib uu maareeyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka. “Mudanayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inay fariistaan si uu natiijada u sheegay guddoomiyuhu” ayuu yiri Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya” Dhankiisa guddoomiye Aadan Madoobe oo soo farogeliyay buuqa ayaa yiri “Aan is dhageysano xildhibaanno hala fariisto, waddada baneeya oo kuraastiina fariista”. Intaas kadib guddoomiyaha ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta la sameeyay oo gacan taag ahayd, waxaana sharcigan ogolaatay illaa 138 mudane, halka uu ka aamusay hal dhibaan, waxaa sidoo kale diiday afar mudane oo kale. “Kooramkeena wuxuu ahaa 143, hal qof waa aamusay, afarna waa diideen 138-na waa ogolaadeen, sidaas daraadeed waa ansax sharciga shaqada iyo shaqaalaha” ayuu yiri guddoomiy Sheekh Aadan Madoobe oo kadib si deg-deg ah usoo xray kulanka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay lahaa doodo xasaasi ah oo ku aadan sharciyo iyo heshiisyo ay usoo gudbisay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. The post Daawo: BF Soomaaliya oo buuq kadib ansixiyay sharci xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.