-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhaarintii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Oktoobar 2004 kaddib markii la doortay. Sanadkii 2004tii ayay ahayd markii lagu heshiiyay in Soomaaliya ay qaadato nadaam federaal ah. 20 Sano kaddib qaadashadii nadaamka fadaraalka ee Soomaaliya waxaa muuqda arrimmo badan oo u baahan iftiimin. 23 Febaraayo 2004 shirkii Mbagathi ee duleedka magaalada Nairobi ayaa lagu ansixiyey is-beddel lagu sameeyey axdiga KMG ah ay ku dhaqmi doonto dowladda la sameyn doono shanta sano ee soo socota taasoo noqonaysa dowlad federaal ah. Agoosto 2004 waxaa la doortay Baarlamaan; Aktoobar 2004 wuxuu baarlamankii doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee dowladda fedaraalka Somaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. 10kii Sano ee ugu horreeyay waxaa hirgalay qaab dhismeedka maamul gobaleedyo ku dhisan nadaamka fedaraalka ah ee Soomaaliya, shuruuddu tahay in maamul ka kooban yahay 2 gobol oo buuxa ugu yaraan. Habkan wuxuu yeeshay macne hoos kasoo dhisid oo kor u dhisid ah muuqaalka guud. Dastuurkii kumeelgaarka ahaa ee federaalka waxaa markii kowaad lagu xadgudbay markii heshiis siyaasadeed lagu beddelay qaab dhismeedka maamul goboleedyada kaddib markii la dhisay maamul aan buuxin qodobkii lagu dhisayay. 2016 waxaa la aasaasay aqalka sare oo ku yimid habka fedaraalka (Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka) waana ilaaliyaha federaalka iyo iska haynta dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda federaalka. 20 Sano kadib Puntland oo keliya ayaa xaqiijisay laba talaabo oo mihiim u ah nadaamka federaalka ee ku dhisan baahinta iyo daadejinta awoodda iyadoo la dhisay gole degaan oo ay soo xuleen odayaasha 2007. Sanadkii 2023 iyo sanadkan 2024 waxaa samaysmay goleyaal degaan ay soo doorteen dadku inkastoo la isku qabtay markii hore habka doorashadu golayaasha degaanku u qabsoomeen. 20 Sano kadib waxaa muuqata habka fadaraalku inuu magac ahaan u jiro maadaama uusan ka muuqan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah maamul daadejin dhab ah oo waafaqsan nadaamka federaalka oo maqan awgeed. Madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa masuuliyad saaran inay dhowraan hannaanka dowlad dhissidda heer qaran iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay ku dhaqmaan hishiiskii bulsho ee ay ku dhaarteen uguna adeegaan si hufnaan iyo daacadnimo leh. W.Q: Siyaad Cali Jaamac The post 20 Sano Kaddib Qaadashadii Habka Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Newly manufactured weapons are fuelling the war in Sudan, a new report by Amnesty International claims. In a report, New Weapons Fuelling the Sudan Conflict, released on July 24, Amnesty details how foreign weapons are being transferred into and around Sudan, in flagrant violation of the existing arms embargo on Darfur. “The constant flow of arms into Sudan is continuing to cause civilian death and suffering on an immense scale. This is a humanitarian crisis that cannot be ignored,” said Deprose Muchena, Amnesty International Senior Director for Regional Human Rights Impact. The study shows that weapons entering the country are ending up in the hands of fighters who are accused of humanitarian and human rights law violations. Amnesty methodically tracked a range of lethal weapons –handguns, shotguns, and rifles – used by the warring forces and calls for a blanket arms embargo on Sudan. “It is clear that the existing arms embargo that currently applies only to Darfur is completely inadequate, and must be updated and extended to cover the whole of Sudan. As the threat of famine looms large, the world cannot continue to fail civilians in Sudan,” Mr Muchena said. At least 16,650 people have been killed since the escalation in conflict between the Sudanese Armed Forces (SAF) and the Rapid Support Forces (RSF) in April 2023. More than 11 million people are estimated to have been internally displaced, and millions are at imminent risk of famine. Amnesty International has documented civilian casualties from both indiscriminate strikes and direct attacks on civilians. Some of the violations of international humanitarian law by the parties to the conflict amount to war crimes. The organisation analysed 1,900 shipment records from two different trade data providers and reviewed open source and digital evidence – including approximately 2,000 photos and videos – showing weapons recently manufactured or recently imported in Sudan. It also interviewed 17 regional arms and Sudan experts between February and March 2024 to corroborate the data analysis and investigate arms supply lines used by various groups. Advanced Chinese-made drone jammers, mortars, and anti-tank rifles have been used by both sides in the conflict. A variety of recently manufactured armoured personnel carriers from the United Arab Emirates have been used by the A man walks as smoke rises over buildings following air strikes during clashes between the paramilitary Rapid Support Forces and the Sudanese army in Khartoum North on May 1, 2023. File | Reuters Newly manufactured weapons are fuelling the war in Sudan, a new report by Amnesty International claims. In a report, New Weapons Fuelling the Sudan Conflict, released on July 24, Amnesty details how foreign weapons are being transferred into and around Sudan, in flagrant violation of the existing arms embargo on Darfur. “The constant flow of arms into Sudan is continuing to cause civilian death and suffering on an immense scale. This is a humanitarian crisis that cannot be ignored,” said Deprose Muchena, Amnesty International Senior Director for Regional Human Rights Impact. The study shows that weapons entering the country are ending up in the hands of fighters who are accused of humanitarian and human rights law violations. Amnesty methodically tracked a range of lethal weapons –handguns, shotguns, and rifles – used by the warring forces and calls for a blanket arms embargo on Sudan. “It is clear that the existing arms embargo that currently applies only to Darfur is completely inadequate, and must be updated and extended to cover the whole of Sudan. As the threat of famine looms large, the world cannot continue to fail civilians in Sudan,” Mr Muchena said. At least 16,650 people have been killed since the escalation in conflict between the Sudanese Armed Forces (SAF) and the Rapid Support Forces (RSF) in April 2023. More than 11 million people are estimated to have been internally displaced, and millions are at imminent risk of famine. Amnesty International has documented civilian casualties from both indiscriminate strikes and direct attacks on civilians. Some of the violations of international humanitarian law by the parties to the conflict amount to war crimes. The organisation analysed 1,900 shipment records from two different trade data providers and reviewed open source and digital evidence – including approximately 2,000 photos and videos – showing weapons recently manufactured or recently imported in Sudan. It also interviewed 17 regional arms and Sudan experts between February and March 2024 to corroborate the data analysis and investigate arms supply lines used by various groups. Advanced Chinese-made drone jammers, mortars, and anti-tank rifles have been used by both sides in the conflict. A variety of recently manufactured armoured personnel carriers from the United Arab Emirates have been used by the RSF. According to Amnesty, trade data at shipment level indicates that hundreds of thousands of unmodified rifles have been exported by Turkish companies to Sudan in recent years, along with millions of blank cartridges. Amnesty warns that these can be converted into lethal weapons on a large scale, highlighting the need for closer scrutiny of this largely unregulated trade. By supplying arms to Sudan, States parties to the Arms Trade Treaty – such as China and Serbia – are violating their legal obligations under Articles 6 and 7 of the treaty and undermining the legally binding framework that regulates the global arms trade. Qaran News
-
Israel ayaa oggolaatay in 15-ka Agoosto dib loo bilaabo wadahadaladii xabad joojinta Gaza, sida ay dalbadeen dhexdhexaadiyeyaasha Mareykanka, Qatar iyo Masar, sidaasina waxaa sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu. Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa sheegtay in ka badan 18 qof duqaymo ay ciidanka Israel ku qaadeen laba dugsi maalintii Khamiistii, iyadoo Iran-na ay ku eedaysay Israel inay doonayso in ay dagaal ku faafiso bariga dhexe. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar iyo Mareykanka ayay ku casuumeen dhinacyada is haya in ay dib u bilaabaan wada-hadallada 15-ka Agoosto kuwaasi oo ka dhacaya Doha ama Qaahira. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay habeenkii xalay in Israa’iil ay 15ka Agoosto u diri doonto koox wada xaajoodyaal ah “goobtii lagu heshiiyo si loo soo gabagabeeyo tafaasiisha fulinta heshiiska”. Heshiiska la filayo in colaadda lagu joojiyo ayaa waxaa ka mid ah sii deynta la haystayaasha ee Gaza iyo in kor loo qaado gargaarka la gaarsiiyo Gaza. PUNTLAND POST The post Israel oo oggolaatay in 15-ka Agoosto dib loo bilaabo wadahadaladii xabad joojinta Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 4 xildhibaan iyo hal senator oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Guddigaan ayaa loo magacaabay inay ka shaqeeyaan oo Soomaaliya ku metelaan qorshe cusub oo bilaabanaya, kuna saleysan saaxiibtinimada ee baarlamaanadda Soomaaliya iyo dalka Luxembourg. Xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin: 1-Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar 2-Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow 3-Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud 4-Senator Seynab Ismaaciil Maxamed 5-Xildhibaan Xiis Xasan Aadan. Dowladda Soomaaliya oo ku jirta soo kabasho ayaa aad u daneysa inay la saaxiibto dalal kale ee caalamka, waxaana baarlamaanka horay looga xolay guddiyo sidaan oo kale u shaqeeya. Guddiyadaan ayaa loo xil-saaraa inay ka shaqeeyaan saaxiibtinimada ama iskaashiga labada dal iyo labada baarlamaanka, guddiga ugu shaqada badan waa kan qaabilsan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga. Fursadda uu helay guddigaas waa in danaha labada dal ay aad isku dhexgaleen oo saaxiibtinimada ama xiriirkoodu uu gaaray heerkii ugu sareeyey. Hoos ka eeg warqadda magacaabidda guddiga: The post A/Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo magacaabay guddi ka shaqeynaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno. Faa’iidooyinka caafimaad ee Mooska waxaa ka mid ah: 1:Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”:mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sare u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay. Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London. Macdanta Potassuim ee jirka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jirka taas oo mooska laga helo. 2: Waxa laga helaa tamar “Energy”:Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jidhku in uu helo tamar ku filan. 3: Wuxuu xoojiyaa lafaha:Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha. Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darteed waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xooggan. bbcsomali Qaran News
-
HORDHAC: Qormadan waxay si gaar ah u khuseysaa maggaalada Muqdisho, (Caasimadda Soomaaliya), inkastoo aan si kooban (summary) wax uga taaban doono Dowladihii ka dambeeyay bur-bur kii dowladdii Kacaanka iyo maamul kasta wixii uu kusoo kordhiyay Caasimadda – waa haddiiba uu wax kusoo kordhiyay). Waxaan ahay nin ku Xamar ku dhashay, ku koray, wax ku bartay, shaqo ka bilaabay, kasoo shaqeeyay hay’ado kala duwan, soo qabtay jagooyin sare oo kala duwan ilaa heer wasiir. Waxaan ka mid ahay dadka aad uga xanuunsada dhibaatada ay dagaalladii sokeeye u geysteen guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho. Dalkan iyo caasimaddiisa waxaa ku dhacay dhibaatooyin aan lasoo koobi Karin oo ay u geysteen Soomaalida lafahaantooda ayna ugu kaalmeeyeen dhibaateyntiisa quwado shisheeye. Wax badan ayaa laga qoray bur-burka saameeyay Dalka oo dhan sidaas darteed ujeedkeygu ma ahan inaan qormadaan uga hadlo dhibaatadii guud ee Dalka, waxaan si gaar ah uga faalloon doonaa dhibaatooyinka u gaarka ah Muqdisho laga soo bilaabo 1990 ilaa 2024. Yaa ka dambeeyay bur-burkii Muqdisho bilowgii dagaalladii Sokeeye ee 90-yadii? Subixii uu Maxamed Siyaad ka baxay Muqdisho, magaaladu 98% way bed qabtay waxaase islmarkiiba bilowday boob, bililiqo, ugaarsi beeleed, dil, burburin hantidii maguurtada ahayd ee Dowladda iyo midii shacabkaba; baabi’in xusuustii Qaranka (National Archives & Records). Waxaa caasimadda kusoo xoomay dhallinyaro reer miyi ahaa oo siyaabo kala duwan loo soo geliyay Muqdisho; ka dibna si baahsan loogu adeegsaday dagaalladii sokeeye oo wax kasta galaaftay naf iyo maalba; taas oo macnaheedu yahay in bur-burkii Muqdisho uu sababsaday isla dadkii dowladdii Kacaanka ka ceyriyay Muqdisho. Wixii ka horreeyay sanadihii 1990 – 2000, Muqdisho waxay ahayd meel wax kasta bannaan yihiin, oo ay fowdo baahsan ka jirtay (Total anarchy and violent crimes). Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed Isla maalintii uu Maxamed Siyaad Barre ka baxay caasimadda, wuxuu guddigii USC ee Muqdisho si deg-degsiimo ah ugu dhawaqay dowlad KMG ah, ayadoo aan laga talo gelin jabhadihii kale ee hubeysnaa, waxayna Madaxweyne u doorteen Cali Mahdi Maxamed. Ku dhawaadistii Dawladii Madaxweyne Cali Mahdi, waxaa isla markiiba diidmo kala horyimid Jabhadihii kale, gaar ahaan Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo hoggaaminanaayay garabkii Farjanno ee USCdii. Waxaa bilowday dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay dhinacyo kala duwan ee USCdii, Waxaana isla xilligaas sii xoogeystay fowdadii, dilkii, dhacii, bililiqadii oo magac u yaal ka dhigay dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi, wax laga qabto iska daayee waxaa xilligaas si naxariis darro ah loogu dhex dagaallamay Muqdisho oo dhiig badan ku daatay, laguna baabi’iyay hantidii maguurtada ahayd, mid dowladeed iyo mid gaar ahaaneed. Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad 2000-2004 Dowladdii lagu soo dhisay magaalada Carta ee Dalka Jabuuti, oo lagu doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, waxay guud ahaan soomaalida iyo gaar ahaan dadka degganaa Muqdisho rajo wanaagsan ka filayeen in laga biskoon doono dhibaatadii taagneed oo ay sabab u ahayd Dowlad la’aanta. Hase yeeshee waxaa rajadaas gaashaanka ku dhuftay qab-qablayaashii dagaal ee Muqdisho, oo horjoogsadey in ay Dalka ka hanaqaaddo Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad; sidaas darteed, muddo xileedkaas waxba kama beddelin xaaladdihii murugada lahaa ee Muqdisho iyo guud ahaan Dalka ay ku sugnaayeen. Dowladdii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed (2004-2008) October 10 keedi 2004tii ayaa la dhisay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf oo mar kale dadka iyo dalka ku abuurtay rajo dib u soo kabasho iyo dib u dhis qaranka soomaaliyeed. Dowladdaasu waxay ku guuleysatay in muddo ka badan 10 sano ka dib dalka dib looga maaamulo caasimaddiisa Muqdisho. Hase yeeshee waxaa si ba’an u majaxaabiyay dagaallo ujeeddo badan lahaa iyo mucaarad oo ugu dambeyntii ku qasabtay inuu xilka ka dego Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Sabab kasta ha ahaatee, uma suurtoobin Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf in ay wax macno leh ka qabato Muadisho, xag amni iyo guud ahaan arrimaha bulsho-dhaqaale ee Dalka. Dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed (2009-2012) Jannaayo 30keedii 2009kii waxaa dalka Djibouti lagu soo dhisay Dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo nasiib u yeelatay inay saldhigato caasimadda oo ay weli ku xoogganaayeen xubnihii Maxaakiimta Islaamiga. Waxaa si buuxda Muqdisho uga howl galay Baarlamaakii, Xukuumaddii iyo Hay’adihii Garsoorka; hase ahaatee waxaa dagaal ba’an kala horyimid xubnihii muqaawamada islaamiga, ayadoo ay dagaalka qayb ka noqdeen ciidamadii Ethiopia oo garab siinayay Dowladdaas. Dagaalkaas wuxuu mar kale u horseeday Muqdisho bur-bur hor leh iyo amni la’aan baahsan. Dhanka kale guud ahaan Dalka, waxay dowladdii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ka gaartey horumar dhanka dib u heshiisiinta iyo arrimamaha siyaasadda dalka. Waxaa kaloo ay Dowladdii Madaxweyne Shiikh Shariiif ku guuleysatay in Dalku yeesho Dastuur Ku Meel Gaar ah, kadib shirar badan, iyo dood adag. Dastuurka KMG wuxuu beddelay Axadi Qarameedkii (Transitional Charter) ee lagu ansixiyay Shirkii dib u heshiineed ee Nairobi, waxaa kale 00 ay dowladaas xoogaa horumar ah ka sameysay amniga Muqdisho. Dowladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 1aad (2012-2016) September 10 keedii 2012kii, waxaa Loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si nadaam ah xilka ula wareegay; wuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh nasiib u yeeshay inuu hoggaamiyo Dowlad rasmi ah oo ka baxday Ku meel gaarnimadii. Muddo xileedkaas ee Madaxweyne Xasan waxaa horay loo ambaqaaday horumarna laga gaaray dowlad-dhiska, hirgelinta 4 maamul goboleed iyo guud ahaan dhanka xiriirka caalamiga. Waxaa la qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu hormarinaayay danaha Bulsho-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Hase yeeshee, dhanka Muqdisho amnigeeda iyo maamul wanaageeda wax horumar la taaban karo lagama sameyn xilligaas. Sidii Maamulladii ka horreeyay oo kale, waxay Caasimaddu marti u sii ahayd dayacnaan ba’an oo dhan kasta ah. Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo (2017-2022) Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo waxaa dowlad dhiskii laga sii ambaqaaday halkii uu Madaxweyne Xasan Shiikh uga tagay. Waxaa horumar laga sameeyay dhanka dib u dhiska ciidamada amniga, nadaaminta iyo ururinta dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka maaliyadeed, bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo guud ahaan waxyaabihii qabyada ahaa ee horay u socday. Hase ahaatee xaaladda Muqdisho halkeedii ayey taagneed, wax isbeddel horumar ah Muqdisho kuma tallaabsan, gaar ahaan dhanka amniga, bilicda iyo arrimaha bulsho-dhaqaale. Geba gebo Muqdisho Waa laga shaqeystaa ee looma shaqeeyo. 1-Arrimaha siyaasadeed (Maqaamka Muqdisho) Laga soo bilaabo dowladdii lagu dhisay Nairobi 2004tii, waxaa Dowladnimada Soomaaliyeed lagu saleeyay Axdi Qarameedkii lagu ansixiyay shirweynihii dib-u heshiineed ee Nairobi (Transitional National Charter) oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in Muqdisho loo yeelo maqaam gaar ah. Markii loo guuray Dastuurka KMG ah waxaa isna lagu qeexay Maqaamka Muqdisho. Mas’uuliyaddaas waxaa dusha loo saarey Golaha Shacabka. Haddaba, su’aashu waxay tahay “maxaa loo hirgelin la’yahay qodobkaas dastuuriga ah ee ku saabsan Maqaamka Caasimadda?.” Jawaabtu waxay tahay in madaxdii isaga dambeeyay maamulka Dalka laga soo bilaabo 2004tii halkii ay fulin lahaayeen qodobka Maqaamka Muqdisho ay ka door bideen in Maamul Kasta madaxdiisu u magacaabaan Gobolka Banaadir (Muqdisho) shakhsi u adeega danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale. Waxay ka baqaayeen in haddii ay Muqdisho maqaam gaar ah yeelato, ay dhaceyso in Soomaalida deggan dooranayaan madaxdii iyo maamulkii hoggaamin lahaa, meeshaasna ay ku waayaan ku daneysigii wejiyada badnaa ee siyaasad-bulsho-dhaqaale ee Muqdisho. Arrintaan waxaa Dowladahaas ugu kaalmeynayey xilli kasta reer Annagaa Leh (qayb ka mid ah) oo ka baqaya in maamulka sare ee Muqdisho/GB lagula tartamo hadii lakala qaado Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. 2-Laamaha kala duwan ee dowladda ee salshigtay Muqdisho (Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda iyo Garsoorka) Muddo kor u dhaafeysa 20 sano ayay dowladihii kala dambeeyay iyo heerarkooda kala duwan (Gole Shacab, Aqal Sare, Gole Fulin iyo Garsoor), waxay ku howl gelayeen Magaaladda Muqdisho. Waxaase ayaan darro nogotay in 275 xubnaha Golaha shacabka, 54 Xubnaha aqalka sare, 70 ama ka badan xubnaha Golaha wasiirrada oo isugu jira (wasiirro, wasiirro ku xigeenno, iyo wasiirru-dowlayaal) oo in ka badan 95% degaan ahaan ku uruureen aagga Madaxtooyada iyo hoteello u dhow Xalane/airport ka. Xubnahaas 3-da Qaybood ah ee kor ku xusan waxay isugu jiraan: a) Qayb dibad joog ah (Diaspora) oo ku soo biiray qaybaha kala duwan ee maamulka sare iyo dhexe; qolooyinkaan intooda badan waxay u dhaqmaan sida ajaanib usoo shaqo tagay Soomaaliya, oo markay waayaan xilka si deg-deg ah dib ugu laabta dalalki ay dibad joogga ku ahaayeen. Inta ay dalka joogaanna dhaqaalihi ay xalaal ama xaaraan ku helaan ma geliyaan Muqdisho ama gobalada kale ee dalka, waxayse u dhoofiyaan dibada, guryo kama dhistaan Muqdisho, wax horumar ah oo kalena kuma soo kordhiyaan, xataa kharashka ku baxa inta ay joogaan xamar waxaa laga bixiyaa dakhliga kasoo xarooda Magaalada Muqdisho. b) Waxaa jira qayb kaloo ka mid ah madaxda sare ee Dowladda Dhexe muddo 15 sano ka badan ka tirsanaa (golayaasha iyo garsoorka) oo aan xataa 1 (hal) sandaqad ka dhisan ama ka iibsan Muqdisho, oo dakhliga ay helaan u xawila gobollo Dalka ka mid ah. Qaybtaan waxaa ku jira koox markay waayaan jagada si deg-deg ugu dhoofa gobollada ay ka soo jeedaan, oo markay tagaan qirta in ay dambi ahayd kamid ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, cafisna weydiista madaxda gobollada ay tageen. Waa wax wanaagsan in la camiro gobollada dalka, hase yeeshee meesha aad magaca, maamuuska iyo dhaqaalaha ka heshay, in aan hanti lagu yeelan haba yaraatee, waa wax lala yaabo. 3-Maamulka loo magacaabo Muqdisho (Gobolka Banaadir) Laga soo bilaabo Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaa mar kasta loo magacaabayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, dadka sheegta inay Muqdisho leeyihiin (reer Annagaa leh). Hase ahaatee qofka la magacaabayo looma fiiriyo waaya aragnimaddiisa maamul, aqoontiisa, karti iyo hufnaantiisa, looguma talo galo inuu wax ka qabto dhibaatooyinka baaxadda weyn ee haysta Caasimadda iyo shacabka deggan, balse waxaa saldhig looga dhigaa qofka loo magacaabayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu si hoose uga soo jeedo reer Annagaa leh, inuu yahay qof u adeegaya danaha gaar ahaaneed ee Madaxda Dowladda dhexe iyo tiisa kaliya, inuu si indho la’aan iyo dhega la’aan ah u fuliyo awaamiirta iyo rabitaanka madaxda dowladda sax iyo khalad, inuu dakhliga laga ururiyo dadka deggan Muqdisho aan wax loogu qaban bulshada, inuu dakhligaa ku wareejiyo ciddii uu u tilmaamo Maamulka Sare, ha ahaato lafahaantooda ama ciddii kale ee lagu naasnuujinayo, amaba ay Madaxda Maamulka Gobolku leexsadaan. Waxaa shacabka Muqdisho oo 99% deris la ah saboolnimo, amni darro, ciriiri iyo dhibaato ay ku qabaan maritaanka waddooyinka. Intaa waxaa u dheer in markii ay wax uga baahdaan xafiisyada Gobolka Banaadir amaba kuwa Dowladda Dhexe lagu xujeeyo bixinta lacago laaluush ah. Ku takrifalka shacabka kaliya ma aha ee waxaa si aan xishood lahayn loogu takrifalaa hantida maguurtada ah oo ay Hay’adaha Dowladda Dhexe iyo Gobolka Banaadir ku lahaayeen Muqdisho; hantidaas maguurtada ah waxaa qaybsada shakhsiyaad ku bahoobay boobka hantida ka dhexeysa umadda Soomaaliyeed ee taalla Caasimadda. Waxaa intaas uga sii daran cadaalad darrada taal xafiisyada garsoorka, gaar haan qeybta madaniga, oo ula dhaqma shacabka Muqdisho iyo soomaalida kaleba si aan inta badan ku saleysneyn garsoor caadil ah. Waxaa la arkey hanti maguurta ah oo milkiyaddeedu saxantahay oo sanooyin badan ku jirtay iska dabawareeg oo kolba dhinac loo xukumo. Qaabkaa gurracan oo ay ku timaado magacaabista Guddoonka Gobolka Banaadir, waxaa kasii daran qaabka loo magacaabo Ku-xigeennada Guddoomiyaha iyo Guddoomiyeyaasha 20ka degmo ee Gobolka Banaadir. Magacaabista mas’uuliyiintaan looma xulo dad wax qabad laga doonayo, waxaa lagu keenaa qaab qaraabo kiil ah, qancin shakhsiyaad xiriir la leh Madaxda sare, waxaa lagu laaluushaa siyaasiyiin ama Guddoonka Gobolka ayaa keensada qaraabadiisa. Lama soo koobi karo dhibaatooyinka haysta Soomaalida deggan Caasimadda waxaase laga xusi karaa shaqgo la’aan baahsan oo lagu qiyaasi karo 85%, lacago lagu sheego canshuur (mid gobol iyo mid federal) iyadoo inta badan aan lagu saleyn qaab sharci ah 00 soo maray hay’adaha Fulinta iyo sharci dejinta. Madaxda jaangoysa canshuuraha kama warhayaan ama dan kama laha xaaladaha liita ee nolosha shacabka. Markaan si gaar ah u fiirinno sida canshuurta looga qaado guryaha ku yaal Muqdisho, waxaa loola dhaqmaa qaab ka baxsan nadaam maamul iyo qadarin la’aan. Waxaa si caadi ah u dhaca, in gori caaradiis lagu kaxeysto dad guriga ugu jira kiro ama marti ku ah amaba waardiye ka ah, ayadoo la heli karo in milkiilaha guriga hadduu bixin waayo canshuurta maxkamad lagu dacweeyo ee laga qaado canshuurtii iyo ganaax la jira, halkii ay tacadi loo geysan lahaa dumar, carruur, waayeel iyo dad aan waxba ka khuseeyn bixinta canshuurta. Waxaad mooddaa in markii ay jirto baahi lacageed oo deg deg ah lagu qamaamo shacabka ay noloshii ku adkaatay. Waxaa is weydiin leh, maxaa lagu tilmaami karaa shacabka waxaas oo dulmi, tacadi iyo ku takrifal dhan kasta ah lagu haayo ee u hoganayo, oo weliba ku dhawaaqayo Muqdisho Annagaa leh. Sow caqliga caadiga ah sheegi maayo in qofku waxaa uu leeyahay dhibka ka dhowro, xannaaneeysto, diidana in lagu tacadiyo. Isma qaban karaan annagaa leh Muqdisho iyo haddana u damqan meyno dhibaatada sida joogta ah loogu haayo. Waxaa in la xuso mudan, in reer Annagaa leh ay yihiin dad jecel dib u dhiska qaranka, wada jirka ummadda Soomaaliyeed iyo jiritaan Dowlad Soomaaliyeed, raallina ka yihiin in Muqdisho ahaato caasimadda Soomaaliya oo ka dhexeysa Soomaali oo dhan. Waxaa amaan iyo bogaadin mudan laamaha amniga (Booliska iyo Nisa) ee ka howl gala Magaalada Muqdisho; gudashada waajibaadkooda waxay kala kulmaan dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin sida: dil, dhaawac iyo dhaqaale xumo. Waxaa wax qabadkooda qiimeyn kara qofkii Muqdisho joogay xilligii fowdada ee sagaashameeyadii. Xoogaaga xasilloonida ah ee ka jira Muqdisho waxay ku timid dulqaadka iyo naftooda hurinimada. Waxaa iyana amaan mudan dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Muqdisho oo ayadoo lagu jiro xaaladaha aan soo xusnay u dhabar adeygay, qayb muuqatana ka qaatay camiraadda magaalada iyo horumarinta ganacsiga. Waxaa xusid mudan in wixi ka horreyey Dowladdii Kacaanka ee 21-kii Oktoobar 1969, ay Muqdisho ahayd hal (1) degmo oo ka koobnaa xaafado. Talo soo jeedin 1- In Golaha Shacabku sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saaro Sharci qeexaya Maqaaamka Caasimadda. 2- In ay Dowladda Dhexe ku tallaabsataa meel marinta iyo hirgelinta sharciga Maqaamka Muaqdisho. 3- In la abaabulaa doorashada Golaha Maamulka Muqdisho oo asaguna dooranaya Duga Magaalada. 4- In laga guuraa nadaamka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada, maadaama labaduba ay khuseeyaan hal magaalo oo ah Muqdisho. Mas’uuliyadda maamulka Muqdisho waxay ku wareegeysaa Golihii la doortay iyo Madaxda ay u xulaan maamulka. 5- In Gudoomiyeyaasha degmooyinka ay shacabka degmooyinkaas degan soo doortaan. W/Q: Abdullahi Ahmed Afrah afrahaa245@gmail.com Wasiirki hore ee ganacsiga ee DKMG iyo guddoomiyihii Bank horumarinta The post MUQDISHO yey dhibane u tahay – Arrimo xasaasi ah ka ogow maqaamka caasimada appeared first on Caasimada Online.
-
Belgium's marathon hope Bashir Abdi eyes medal run in Paris
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Born in Somalia, raised in Belgium, and training regularly in Ethiopia, marathon runner Bashir Abdi is hoping for another medal in Paris after winning bronze at the Tokyo Olympics three years ago. Source: Hiiraan Online -
Ramla Ali is a professional boxer, model and activist. Selected as one of TIME Magazine’s women of the year and a former ELLE UK cover star, she was the first Somali boxer to compete at the Olympic Games and the first to win an international gold medal for the country in boxing. In 2021, she founded Sisters Club, a Not-For-Profit Charity providing free sports classes for women. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian Ambassador Taye Aske-Selassie meeting with Egyptian Ambassador , Mohamed Omar Gad. (Photo : MFAE) Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (HOL) —Jermaine Grant, a British terror suspect with ties to the infamous "White Widow" Samantha Lewthwaite and the Somali-based militant group Al-Shabaab, was deported from Kenya to the United Kingdom on Thursday, where he was immediately arrested upon arrival at Heathrow Airport. Source: Hiiraan Online
-
Howlgal ay ciidamada dab-damiska ee magaalada laascaanood ku doonayeen inay ku badbaadiyaan ilma yar oo musqul ku dhacay ayaa sababay khasaare dhimasho oo aan la filayn ka dib markii mid kamida askartu uu geeriyooday intii lagu jiray dadaalada samata-bixinta ee goobta ka socday. Askarigan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan, kana tirsanaa ciidanka dab-damiska magaalada ayaa la sheegay inuu galay godkii suuliga ee ilmaha yari ku dhacay si uu uga soo saaro, balse wax yar ka dib asagii qudhiisa oo meyd ah ayaa laga soo saaray sida goobgoojeyaashu ay warbaahinta u xaqiijiyeen. Sidoo kale ilmihii yaraa ee musqusha ku dhacay ayaa badbaadintiisa lagu guul-darraystay, wuxuuna weli ku jiraa halkii uu ku shalwaday, mana cadda nolo iyo geeri midda uu ku suganyahay, balse in ka badan 10 saacadood ka hor ayuu halkaas ku dhacay, waxaana la filayaa in maanta mar kale laysku dayi doono in raqdiisa iyo ruuxiisa midkood bannaanka la keeno. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — U.S. federal prosecutors have indicted two Iranian brothers and a Pakistani national for their roles in a smuggling operation that resulted in the deaths of two U.S. Navy SEALs earlier this year. The operation, linked to Iran's Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC), involved the shipment of advanced weaponry intended for Houthi rebels in Yemen. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa oggolaatay in 15-ka Agoosto dib loo bilaabo wadahadaladii xabad joojinta Gaza, sida ay dalbadeen dhex-dhexaadiyeyaasha Mareykanka, Qatar iyo Masar, sidaasina waxaa sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu xilli xiisadda dagaal ka qarxa gobolka ay cirka isku shareertay. Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ayaa sheegtay in ka badan 18 qof duqaymo ay ciidanka Israel ku qaadeen laba dugsi maalintii Khamiistii, iyadoo Iran-na ay ku eedaysay Israel inay doonayso in ay dagaal ku faafiso bariga dhexe. War-murtiyeed ay si wadajir ah Khamiistii u soo saareen hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar iyo Mareykanka ayay ku casuumeen dhinacyada is haya in ay dib u bilaabaan wada-hadallada 15-ka Agoosto kuwaasi oo ka dhacaya Doha ama Qaahira “si isfaham looga gaaro qeybaha aan wali la isla garan oo loo bilaabo hirgelinta heshiiska iyada oo aan dib loo dhigin”. Heshiis guud ayaa “hadda miiska saaran, oo kaliya tafaasiisha fulintiisu” ay dhiman tahay in la gabagabeeyo, iyadoo dhexdhexaadiyayaashuna ay “diyaariyeen in ay soo bandhigaan soo jeedinta heshiiska kama dambaysta ah” si loo xalliyo arrimaha harsan, ayay yiraahdeen. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay habeenkii xalay in Israa’iil ay 15ka Agoosto u diri doonto koox wada xaajoodyaal ah “goobtii lagu heshiiyo si loo soo gabagabeeyo tafaasiisha fulinta heshiiska”. Heshiiska la filayo in colaadda lagu hakiyo ayaa waxaa ka mid ah sii deynta la haystayaasha ee Gaza iyo in kor loo qaado gargaarka la gaarsiiyo Gaza. The post War ka cusub wada-hadallada Israel iyo Xamaas kadib dilkii Haniya appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia's cabinet on Thursday endorsed legislation to allow a one-person-one-vote election system that was hailed as a "historic" step for the troubled Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Vienna (Caasimada Online) – Wiil 19 jir ah oo u dhashay Austria kaasi oo loo xiray eed ah in uu doonayay in uu weeraro bandhig faneed ay magaalada Vienna ku qaban lahayd fannaanadda Taylor Swift ayaa si buuxda u qirtay qorshe uu maleegayay. Ninkan ayaa sheegay inuu rabay in uu dhiig badan ku daadiyo weerarkaasi, sida uu shir jaraaid ka sheegay agaasimaha hay’adda amniga guud ee Austria Franz Ruf. Ruf ayaa intaa ku daray in wiilkan dhallinyada ah uu ku dhaartay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha kooxda Daacish wuxuuna gurigiisa oo ku yaal magaalada Ternitz ku haystay kiimikooyin, baangado iyo aalado si uu isugu diyaariyo weerarka Eedeysanaha ayaa qorsheynayay weerar halis ah oo ka dhan ah dad lagu qiyaasay 20,000 oo taageereyaasha fanaannadda Tyler Swift, kuwaasi oo lagu waday in ay isugu yimaadaan bannaanka garoonka Ernst Happel ee Vienna, ayuu yiri madaxa sirdoonka qaranka Omar Haijawi-Pirchner. Labo kale oo dhallinyaro u dhashay Austria oo da’doodu kala tahay 17 iyo 15 ayaa la xidhay Arbacadii sababo la xiriira qorshaha weerarka. Barracuda Music oo soo qabanqaabisay bandhig faneedka ayaa sheegtay in ay joojisay saddexdii bandhig oo ay Swift ku qaban lahayd Vienna, iyadoo kiiba ay tikidhadiisa iibsadeen ilaa 65 kun oo qof. Taageerayaasha, oo qaar badan oo ka mid ah ay ka soo safreen meelo ka fog fog Vienna ayaa ka xumaaday baaqashada bandhig faneedka laakin sheegay in fahamsan yihiin sababta loo baajiyay. The post Faah-faahinta weerar argagixiso oo lagu fishiliyay dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay hadal ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Masar oo uu kaga soo horjeeddo heshiiska is-fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka masar oo ay shir jaraa’id si wadajir ah u qabteen dhigiisa dalka Turkiga. Waxaanay caddaynaysaa in hadalladaasi oo khuseeyay arrimaha heshiiska is-fahan ay yihiin qaar aan sax ahayn, oo marin-habaabin ah isla markaana aan xushmaynayn xuquuqda madaxbannnaanida ee Somaliland. Dawladda Somaliland waxa ay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay inuu fulo heshiiska is fahan. hehsiiskaas waxa uu ka tarjumayaa danaha ay wadaagaan iyo is qadarinta u dhexaysa labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, waxana ay Somaliland u aragtaa inuu tiir dhexaad u yahay xasilloonida gobolka iyo iskaashi dhaqaale oo hor leh. Waxa lama huraan ah in la caddeeyo in Somaliland aanay ahayn waligeedna aanay noqon qayb ka mid ah maamulka Muqdisho. Waana dal madaxbannaan oo leh taariikh qani ah , dhaqan iyo hay’ado Dimuqraadi ah. Shacabka Somaliland waxa ay adeegsadeen xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashigooda waxyana xorriyaddooda la soo noqdeen 18 May 1991, iyaga oo seeska u dhigay Jamhuuriyadda Somaliland oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay. Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dawladda Masar inay ixtiraamto madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu xasuusinaynnaa dawladda Masar inay tamarteeda iyo dedaalladeeda diblomaasiyadeed ay ku jihayso dalalka ay xuduudaha wadaagaan ee dhibaatooyinku ka taagan yihiin sida Liibya, Suudan, Falastiin iyo Lubnaan. Gabagabadii waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda, “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland wax ka go’an in ay sii wadaan jidka ay ku raadinayaan aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho caalamka, kamana hor istaagi karaan sheegashooyin aan waxba ka jirin iyo fargelin lagu sameeyo arrimeheeda gudaha.” Qaran News
-
Hargeisa (HOL) — The Government of Somaliland has strongly refuted recent remarks made by Egypt's Foreign Minister about the Memorandum of Understanding (MoU) between Somaliland and Ethiopia. Somaliland officials labelled the comments, made during a joint press conference on August 5 with Turkey, as inaccurate and misleading. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, maadaama uu socdo qorshe lagu diyaarinayo howlgalka 3-aad ee bedelaya ciidamada ATMIS oo dalka joogay in ka badan 10 sano. La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa xaqiijiyey in Masar ay soo gudbisay codsigaas, balse go’aanka aqbalaada laga sugayo dowladda Soomaaliya. “Masar iyo Jabuuti waxay kulankii Midowga Afrika ay uga tashanayeen qorsheynta howlgalka cusub uga dhawaaqeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb noqdaan oo Soomaaliya ciidamo u soo doraan, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaareysa wadamada ay ciidamadu ka imaa doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalin Maxamuud. Howlgalkaas ayaa Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka 2025-ka, waxaana go’aankiisa loo daba fariisa doonaa dowladda Soomaaliya, sida la rijeynayo wax badan ayuu uga duwanaa doonaa kan hadda shaqeeya ee ATMIS. La-taliyaha amniga qaranka wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo. Sidoo kale waxaa intii hore ka yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan. La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS. Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada. Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka. “Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo shaacisay in Masar ay dalbatay inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.