-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ma fahamdarro siyaasadeed ayaa haysa Bidhaan mise marin-habaabin ayuu waday markuu dadka ugu duurxulay in dowladda Biritayn taageertay duqeyntii maamulka Somaliland u geystay Laascaanood sanadkii 2023? Muqdisho (Faallo PP) — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ka qeybgalay shirkii Muqdishu ugu qabsoomay magaca “Maakhir” xubno ka tirsan beesha degta Sanaag. Bidhaan wuxuu bixiyay xog ka fog runta kuna saabsan mowqifka dowladda Biritan ku aaddan dhulka maamulka Sool, Sanaag, Ceyn iyo Khaatumo ka taliyo hadda. Bidhaan wuxuu sheegay in dowladda Biritayn dhulkan u taqaanno Somaliland. Ma fahamdarro siyaasadeed ayaa haysa Bidhaan mise dadka ayuu marin-habaabinayaa? Dowladda Biritayn way og tahay in maamul Somaliland la yiraahdo oo mar ka taliyay dhulka maamulka SSC-Khaatumo oo doorasho heer federaal kaga tirsanaa maamulka Puntland markii doorashooyinkii federaalka ee 2012, 2017 iyo 2022 qabsoomeen. Dhul labo maamul ku murusan yihiin ayuu ahaa, hase ahaatee laga billaabo 6 Febraayo 2023 maamulka Puntland wuxuu taageeray xaqa ismaamul ee beelaha SSC-Khaatumo. Taas macnaheedu waa: Puntland marnaba weerar kuma soo qaadin, ma duqeynin oo isma hor taagin xaqa ismaamul ee beelaha SSC-Khaatumo ku midoobay. Bidhaan wuxuu bixiyay xog qalad ah oo loo fasiran karo 1- in dowladda Biritayn taageeraysay duqeyntii iyo barakicintii uu maamulka goosasho-doonka ee Somaliland u geystay Laascaanood sanadkii 2023, iyo 2- In dowladda federaalka Soomaaliya oggoshahay in dowladda Biritayn leedahay mowqif taageeraya kala-goynta Soomaaliya, ka sokow mowqifkeeda rasmiga ah oo taageera midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Firdhiye waa inuu caddeeyo in Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo fadhigiisu yahay Laascaanood u xilsaaran yihiin dejinta, ka hadlista siyaasadda maamulka iyo la xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Warbixintii Machadka Rift Valley soo saaray sanadki 2021 oo ay maalgelisay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Biritayn kuna saabsanayd Laascaanood ayaa iftiimisay in Laascaanood uu ka jiray maamul xitaa lacagtiisu aysan ka soconin magaalada. “Doollarka iyo Shilin Soomaali ayaa laga isticmaalaa Laascaanood, halka shaqaalaha maamulka Somaliland mushaarka lagu siiyo Shilinka Somaliland oo ay u beddeshaan Shilin Soomaali” ayay warbixintu qortay. Khudbaddii Bidhaan ka jeediyay shirka. Waajib ayaa saarnaa dowladda federaalka Soomaaliya sanadkii 2023 ah inay si cad uga soo horjeesato hadalkii Muuse Biixi ahaa “inuu Laacaanood kula dagaallamayo Al-shabaab, iyo inuu yahay dal gaar ah, xabad-joojintuna ku salaysnaato xal laba dal”. Dowladda federaalku waxay, iyadoo weli colaadda Sool aan xal laga gaarin, heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland Diseembar 2023, heshiiskaas oo dib u cusboonaysiiyay heshiis hore (2020) uu qodobbo ka mid ah maamulka Somaliland u cuskaday barikicintii qasabka ahayd uu sanadkii 2021 ka geystay magaalada Laascaanood. U dabacsanaantaas xad-dhaafka ah ay dowladdda federaalku u muujisay maamulka goosasho-doonka ah ayaa sababtay in Muuse Biixi heshiis uu bad ku kireynayo la galay Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) ayaa sanadkan billowgiisi ku eedeeyay dowladda Biritayn inay la jirto maamulka Somaliland. Ma Bidhaan buu ahaa qofka xogta aan sugnayn siiyay Firdhiye? Bidhaan iyo xubnaha kale ka soo jeeda dhulka SSC-Khaatumo waxaa lagu doortay Garoowe, hase ahaatee hadda waxay fuliyaan siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya. Waa wax laga xumaado in Bidhaan xog-warran marin-habaabin ah ka soo jeediyay shirka “Maakhir”. Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadka uu metelo uma baahna in cadaw loo sameeyo. Maamulka SSC-Khaatumo waa inuu caddeeyo in Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka fadhigiisu yahay Laascaanood u xilsaaran yihiin dejinta, ka hadlista siyaasadda maamulka iyo la xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland. © Puntland Post, 2024 The post Bidhaan Kama Run-sheegin Mowqifka Biritayn Ku Aaddan Midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Fadaraal, Heer Dowlad-Gobolood iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo socday muddo sadex cisho ah, iyadoona diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud. Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban 5 qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Qodobada lagu heshiiyay 1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18-aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024, si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025. 2)𝐐𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (𝐋𝐀𝐂): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Kulanku wuxuu isku raacay soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/hey’ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo uu abuurayo iyo lambar lagu hubinayo. 3)𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐟𝐢𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta si sax ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada. 4)𝐐𝐨𝐫𝐦𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐬𝐭𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐚𝐡𝐚: Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Mas’uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore go’aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023. Falanqeyn dheer kadib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kastaa gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024. 5) 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐑𝐂𝐑𝐅-𝐈𝐈𝐈: Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan. The post DF iyo maamullada oo ku heshiiyey 5 qodob oo masiiri ah iyo Puntland oo ka maqan appeared first on Caasimada Online.
-
Midowga Afrika ayaa dhowaan meelmariyay isbadel lagu samaynayo howgalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS, kuwaas oo magacooda laga dhigey AUSSOM, islamarkaana habkii ay u shaqayn jireen sidii hore laga duway oo dib loo qaabeeyay hannaankooda shaqo. La-taliyaha amniga Qaranka ee madaxweyne XasanShiikh Maxamuud ayaa haddaba markii ugu horraysay arrintaas si faahfaahsan uga hadlay, asagoo sheegay in howgalka cusubi uu muddo shaqayn doono, islamarkaana uu taageero siin doono ciidanka xoogga dalka inta dagaalka kooxda Alshabaab la soo afjarayo. Howgalka ATMIS oo magaciisa dhowr jeer horay loo bedelay ayaa ku dhowaad 20 dalka ku sugan, waxaana madaxweyne waliba uu ololaha doorashada ku galaa inuu saari doono, islamarkaana laga maarmi doono, balse sii joogitaankooda ayaan la ogeyn xilliga uu soo gabangaboobi doono. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations) ayaa si wada jir ah u sameeyey layliga loo soo gaabiyo (VBSS) oo ku saabsan sida fatashaadda, habunita iyo fuulista Maraakiibta laga shakiyay. Sidoo kale howgalka dhoolatuska ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa soo bandhigidda qaabta loola dagaalamo maraakiibta ku lugta leh arrimaha Sharci darada ah ama ku xad gudba biyaha Soomaaliya, ayadoo looga hortagayo hannaan xirfadeysan. Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta ilaalada xeebaha ayaa ku jira dib u kabasho xoog leh, islamarkaana waxaa la filayaa inay badeli doonaan howgalka Midowga yurub ee magaca la dagaallanka burcad badeedka muddada dheer ku jooga xeebaha Soomaaliya . Source: goobjoog.com
-
Dibad-baxyo xooggan ayaa weli ka socda guud ahaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dheceen bannaanbaxyo xooggan oo ay boolisku xakamayn waayeen. Ciimada ayaa aad u adkeeyay ammaanka dhammaan waddooyinka gala Xarunta Ganacsiga ee Magaalada (CBD) si looga hortago mudaaharaadayaasha laga magac baxay ‘Nane Nane’ ee la filayo inay dibadbaxyo xooggan oo rabshado wata halkaas ka sameeyaan. Ciidamo tiro beel ah ayaa la soo dhoobay Laga soo bilaabo wadada Mombasa ilaa wadada Thika iyo wadada Jogoo, kuwaas oo bara koontarool ka samaystay, islamarkaana aad ula socda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka halkaa maraya, iyadoo dadka qaarkood loo diiday inay galaan xarunta CBD oo ay ku jiraan gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan PSVs. Xaaladda halkaas ayaa saacadihii la soo dhaafay ahayd mid kacsan, iyadoo booliisku ay sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaaleen si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha isugu baxay meelaha muhiimka ah ee magaalada , waxaana la xiray dad badan, balse bannaanbaxyadu ay sii socdaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka 3-aad ee bedelaya ATMIS, kaasi oo bilowga sanadka 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya, kaas oo ciidamo ka socda wadamo hor leh ay ka qeyb qaada doonaan. La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa sheegay in go’aanka howlgalkaas ay leedahay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo. Sidoo kale waxaa aad u yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in 10,000 (toban kun) aysan ka badan. La-taliyaha amniga qaranka wuxuu wareysigaan ku sheegay in ciidankaas ay u howlgeli doonaan si ka duwan ATMIS. Waxay tegi doonaan furimaha dagaalka, waxayna la howlgeli doonaan ciidamada qaranka, iyagoo saldhigyo ka sameysa doona deegaanada fog fog ee looga baahanyahay ciidamada. Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo Soomaali ah oo la howlgeli doona ciidamadaas cusub ee ka socda dalalka shisheeye, kuwaas oo hagi doona howlgalka. “Markii la ansixiyo go’aanka ay ciidamadaas uga howlgelayaan Soomaaliya, waxaan si gaar gaar ah heshiisyo ula geli doonaa dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo xog culus ka bixisay qorshaha ciidamada cusub ee bedelaya ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jiro qodobo la-yaab leh oo qalalaase siyaasadeed gelin kara dalka. Sharcigan ayaa dhigaya in guddiga doorashooyinka ay awood buuxda u leeyihiin inay ku dhawaaqan dib u dhaca doorashooyinka, kadib marka ay suurtagali waeydo in doorashooyinka qabsoomi waayan duruufo adag oo jira awgood waqtigii loo cayimay. Sidoo kale waxa uu qodobka 75-aad ee dib u dhaca doorashooyinka ee sharcigan ku xusan in haddii ay suurtagli weydo in doorashooyinka ay qabsoomaan ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, cidda haysa xilka loo tartamayay ayaa sii haynaysa xilka inta duruufahaas adag laga gudbayo doorashaduna ka qabsoomayso. Qodobkan ayaa masuulka xilka jooga siin kara waqti dheeraad ah “muddo kororsi” uu kusii joogi karo, waana mid kamid ah qodobada qalalaase siyaasadeed horseedi kara, ayada oo la ogyahay waxa dhici kara haddii madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday uu iska sii joogo Villa Somalia. Sharcigan ayaa sidoo kale waxa uu dhigayaa in magaala madaxda dalka ee Muqdisho ay yeelaneyso gole ka kooban 49 xubnood iyo duqa caasimadda iyo ku-xigeenkiisa oo si toos ah oo qarsoodi ah ay u soo dooranayaan cod bixiyeyaasha diiwaan gishan (Vote Registration). Waxa uuna dhigayaa in degmo kasta oo magaalo madaxda dalka ah ay yeelaneyso gole deegaan iyo duqa degmada oo la soo dooranayo. “Degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa yeelanaya labo darajo oo Gole deegaan ah (A) oo noqonaya 15 xubnood, halka darajada (B) ay noqoneyso 11 xubnood gole deegaan ah, taasoo macnaheeda tahay sida ay u kala helayaan darajooyinkaas ay tahay sida ay degmooyinka u kala weyn yihiin.” Sharcigan oo lagu wado in baarlamaanka loo gudbiyo kadib markii ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya, ayaa uga sii dari kara xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, taas oo meel adag iska taageen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. The post Aqriso: Qodobo yaab leh oo ku jira sharciga doorasho ee maanta la ansixiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Less than four months to the expiry of the African Union Transition Mission in Somalia (Atmis) mandate, the continental body’s Peace and Security Council has endorsed the plan for the creation and deployment of a new force, to be known as the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (Aussom). Source: Hiiraan Online
-
Maayar ku Xigeenka Caasimadda Hargaysa Khadar Axmed Cumar (Khadar Nour) oo kaashanaya Waaxda nabadgalyada Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Gudiga wanaag farista iyo xumaan reebista ee heer qaran iyo heer Degmo, qaar ka mid ah masuuliyiinta gudiyada nabadgalyada. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa adkaynta nabadgalyada Caasimadda Hargaysa iyo sidii looga hortagi lahaa dhammaan dhaqamada aan wanaagsanayn ee lagu arko gudaha Caasimadda Hargaysa. Qaran News
-
454356286_2713271275522055_8871508899117217847_n Qaran News
-
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Jidah ee dalka boqortooyada Sacuudiga ah, ahna xarunta ururka iskaashiga islaamka ayaa booqday xarunta ergada joogta ah iyo qunsuliyadda guud ee Soomaaliya. Wasiirka oo kulan la yeeshay ergada iyo diblumaasiyiinta qunsuliyadda ayaa ka dhageystay warbixin ku aaddan xariirka ay la leeyihiin Ergooyinka dhiggooda ah iyo madaxda ururka iskaashiga islaamka ee OIC, ayadoo ay masuuliyiintu faahfaahin dheeraad ah ka siiyeen amuurtaas. Kulanku markuu soo gabangaboobay ka dib Ergeyga ergada joogta ah u Soomaaliya u fadhisa magaalada Jidah Dr Cabdulqaadir Macallin Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ergada dowladda Soomaaliya ku matasha ururka iskaashiga islaamku ay ku shaqayso istiraatiijiyadda xukuumadda ee ku jahaysan dalalka islaamka. Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga u tagey ka qeyb-galka shirka 9-aad ee ururka iskaashiga islaamka, kaas oo diiradda lagu saaray musiibada ka jirta marinka Qasa, iyo xiisadda gobolkq bariga dhexe . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle oo xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay kiis xasaasi ah. Xeer ilaalinta ayaa Nadiifo usoo jeedisay dambiyo ay kamid yihiin lacag dhaqida iyo maalgalinta argagaxisada, sida lagu sheegay warqadda baafinta ee ksaoo baxday maxkamadda gfobolka Banaadir. “Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Nadiifo Xasan oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.” Nadiifo ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka. “Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.” Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ku goodisay in ay qaadi doonto dacwada Nadiifo ayada oo maqane ah haddii ay maxkamadda ku hor imaan weyso mudadda loo qabtay. Xeer ilaalinta ayaa horey sidan oo kale maxkamadda ugu gudbisay shaqsiyaad ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal dhowr jiho ah kula jirto kooxda Al-Shabaab. The post Maxkamadda G/Banaadir oo baafineysa haweeney loo haysto kiis xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Waa tee rajada rumowday ee uu Maxamed Cali Bille sheegayaa?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
454625091_1028553349053096_1140698578538342872_n Qaran News -
Mr Dini: ”The very group claiming to seek federal status for Mogadishu has undermined this effort by failing to represent Somalis from different parts of the country.” Mogadishu (PP News Desk) — Dini Mohamed Dini, the former Chairman of Somali Civil Society Organisations, today challenged the groups campaigning for federal status for Mogadishu over their claim that the city belongs to certain social groups. “The very group claiming to seek federal status for Mogadishu has undermined this effort by failing to represent Somalis from different parts of the country. Mogadishu is the capital city of Somalia,” said Dini. Mr. Dini reminded people how Mogadishu’s districts were originally planned in a socially inclusive manner. “It’s a different matter if the quest for federal status is based on how clans currently reside in districts. Anyone familiar with pre-war Mogadishu knows that all social amenities, such as parks, were sold to businesses,” added Mr. Dini. Mogadishu continues to bear the physical and social scars of the Somali civil wars that raged through the city in the 1990s. The capital was divided into northern and southern halves, with different clan groups controlling various districts. © Puntland Post, 2024 The post Somali Activist Warns Mogadishu Could Lose Capital Status appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddexdii asbuuc ee u dambeeyay waxaa shaqeyn waayay saddex isku-day oo la rabay in lagu qabto shirka golaha wadatashiga qaran. Madaxdan muddo xileedka haysan ee maamul goboleedyada ayaa raadinaya inuu qabsoomo shir u fasixi kara inay doorashooyin u gaar ah qabsadaan. Waxaa kale oo lagu jiraa waqtigii la heli jiray lacagta kabka ah ee ka timaada Bangiga Adduunka, taas oo ay maamul goboleedyada min dhowr milyan ka helaan. 24-kii bishii dhamaatay ee July waxaa la damacsanaa in Muqdisho la iskugu yimaado mana dhicin. Waxaa markale laga fikiray in 3-da August Xamar la iskugu tago, iyaduna ma qabsoomin. Markale waxaa soo baxday in magaalada Kismaayo la isugu tegaayo, iyaduna hadda ma muuqato. Waxaana dhinaca Jubbaland ka xaqiijinay in uusan jirin shir qorsheysan oo horey looga heshiiyay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, balse hadda kadib laga wada-hadli karo macquul ahaanshihiisa. Hal kulan oo kamid ah kuwa baaqday waxaa cudur-daartay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, laakiin guud ahaan baaqashadani kama dhigna in Xasan Sheekh la meer-meerinayo. Waxaase dhinaca kale jirta inuu madaxweyne Xasan Sheekh shaqo wato, taas oo la xiriirta dhismaha guddiga doorashooyinka, sharciga doorashooyinka iyo sharciga axsaabta. Isniintii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir ugu yeeray xubnaha xisbigiisa UPD, waxaa kale oo la xaqiijiyay inuu kulanka joogay wasiirka arrimaha gudaha iyo sharci-yaqaanno. Waxay madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ka wada-hadleen in si deg deg ah loo dhameystiro sharciga doorashooyinka iyo midka asxaabta, loona gudbiyo golaha wasiirada. Horey golaha wasiirada ayaa u ansixiyay sharciga dhismaha doorashooyinka, waxaana kadib loo gudbiyay baarlamaanka. Haddana waxay madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u jiheysteen sharcigii doorashooyinka iyo kii axsaabta. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu weli ku dhagan yahay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Maamullada qaar inay isdib dhigaan Xasan uu dantiisa wato waa dibir dhinaca maamullada jirta. Haddii ay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya maraan sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, midka axsaabta iyo kan guud ee doorashooyinka, Xasan Sheekh waa ka xoog badnaan doona halka uu maanta joogo. Maamul goboleedyada haddii ay dib isku dhigayaan iyo haddii loogu tala-galayba, Xasan Sheekh wuxuu sameystay jidad uu ku gaari karo halka uu usocdo isaga oo shir qaban. Maamullada raadinaya kabkii World Bank, in doorashooyinka loo fasaxo ama raba in madaxweynaha waxyaabaha qaar si dhab ah loogala heshiiyo iyaga hadda u baahan kulanka. Xasan Sheekh waa nin weli sharciyad haysta, wixii uu baarlamaanka mariyana lama dhayalsan karo, marwalba oo shirka golaha wadatashiga qaran dib u dhacana waxaa macquul ah inuu hal tallaabo usii qaado in sharciyadda miiska saaran ku adkaado. Maamullada iyaga ayuu hadda xalkooda ku jiraa inay miiska yimaadan. The post Hubanti la’aanta shirka G/Wadatashiga: Yaa faa’iido ku qaba Xasan mise maamullada? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, xilli ay si weyn uga soo horjeedan siyaasiyiinta mucaaradka qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh. Tallaabadan ayaa billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan ku doonayo inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, waxaana la horgeyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya, si uu isna u ansixiyo. Meel-marinta labada sharci ayaa waxaa durba ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo bulshada Soomaaliyeed ay su’aal ka keeneen sida ay xilligaan dalka uga qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah, ayada oo la ogyahay xaalka amni iyo in aysan jirin tallaabooyin dhab ah oo arrintaan u qaaday dowladda Xasan Sheekh. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabdiraxmaan Dhamac: “Waddan aan amni lahayn baa doorashadiisa la isku haysta wixii waddanka dhacay cid iskala xisaabtamtay ilaa hadda lama hayo iyo shaqsi shaqadiisa ku waayey, marka in aan dowladnimo jirin sidaas baad ku garanaysaa waddankii amnigiisa cid uu gacan ugu jiro lama hayo oo isla-xisaabtam lama hayo.” Yuusuf Cabdalle ayaa isna waxa uu yiri “Shaqo fiican ayaa qabateen ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, halka la joogo hore ha looga sii socdo.” “Markii afka laga sheegaayo ama qoraal ahaan loo diyaarinaayo waa fududahay, sidoo kale ansixinteedu waa lamid oo waa fududahay laakiin markii la joogo ficil iyo fulinteedu aad ayay u adag tahay, mana muuqato wadadii lagu qaban lahaa xeerarkaan muhiimka ah,” ayuu yiri Cabdicasiis Khayrdoon. Cabdikariin Jabra: “Doorasho dadban in laga guuro waa dow balse hannaan looga guuro ayaa loo baahanyahay.” Cali Jaziira ayaa isna waxa uu yiri “Raggaan wasiirada ah ayagu xitee wey ogyihiin in wadanka doorasho qaf iyo cod laga qaban karin laakiin qalbiga umadda Soomaaliyeed ayey ku ciyaarayaan.” Saadam Muxiyadiin: “Shaqo badan ayay rabtaa in dalkaan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ee sida ay wax u socdaan ha la beddelo haddii kale teendhadii baa lagu laaban.” “Waxaan sugaynaa markaad darbiga soo taabataan oo dhahdaan Saciid Deni hala raadiyo,” ayuu yiri Saadam Baddal Salaad. Maxamed Xuseen Fidaar: “2026 amaa aragnaa doorasho dadban iyadoo loo laabtay ama qof iyo cod ah oo dad kooban oo la ogyahay qofka ay dooranyaan.” “Dowladdii oo dhan waxay noqotay mashruuc socda,” ayuu yiri Saalim Soofe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan Maxamed Khaliif: ” Madaxweyne walba marku wareero doorasho qof iyo cod ah muxuu isugu xoqa horta.” The post Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabaddii golaha wasiirada ee maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa diiwaan-geliyay musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, kaas oo horey ugu hanqal taageysay Soomaaliya. Doorashadan oo dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay afar musharrax, kuwaasi oo noqonaya musharrixiinta rasmi ah ee u tartamaya jagadan, kuma jirto Fowsiya Yuusuf Aadan. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo kamid ahayd musharrixiintii u horreyay ee sheegay inay jagadan u tartamayaan, rejo fiican ka laheyd ayaa tartankan uga hartay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka. Middan oo lagu micneeyay bahdil siyaasadeed iyo dhaawac sumcadeed oo soo gaaray Soomaaliya ayaa waxay madaxda Soomaaliya ku qanceen in musharaxeeda uu booska u banneeyo musharraxa ka socda dalka Jabuuti. Soomaaliya ayaa muddo nus qarni ah sugi doonto si ay mar kale ay ugu tartanto jagadan. Musharrixiinta u tartamaysa xilkan ayaa kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo musharixiin kale oo ka soo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagascar. Si kastaba, isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika. The post Liiska xubnaha u tartamaya kursiga M/Afrika iyo bahdil kale oo ku dhacay Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii todobaad laha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay laba xeer oo waweyn oo kala ah xeerka doorashadooyinka iyo xeerka ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka. Kulanka golaha wasiirada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si aqlabiyad leh u ansiyay labadan xeer oo kamid ah habraacyada waaweyn ee hannaanka siyaasadda dalka. Labadan xeer ayaa hagi doona hannaanka doorashadooyinka dalka, islamarkaana waxay ahmiyad u leeyihiin ka qeyb qaadashada dadweynaha ee hab maamulka dalka maadaama ay talada dib ugu celinayaan shacabka oo dadka talaya u codayn doona, sida ay xukuumaddu sheegtay. Doorashada iyo Dastuurka ayaa kamid ah shaqooyinka ugu adag hor tabinta u leh xukuumad walba oo talada dalka qabata, waxaana la filayaa in xeerarkani ay jihayn doonaan doorashooyinka, ayadoo loo gudbayo hannaan qof iyo cod ah, dalkoo dhanna ka qabdoonta haddii uu baarlamaanka labadiisa golahe ay ansixiyaan. Source: goobjoog.com
-
President Mohamud (left) finds it hard to carry on with his plan to have the provisional constitution amended with the help of Lower House Speaker Adan Madobe (middle) and Abdi Hashi, the Speaker of the Upper House. Mogadishu (PP News) — A plan by the federal government of Somalia to complete the amendment of the provisional constitution” completely did hit a snag”, according MPs and Senators familiar with the matter. The federal government has withdrawn its efforts to bring the proposal to amend more articles of the federal constitution before the bicameral legislature after MPs and senators who initially supported it turned against the plan. One MP who opposes the “illegal amendments” said that the intention of the Somali Presidency to finalise the constitutional amendments before August 2024 has faced significant hurdles. President Hassan Sheikh Mohamud is contemplating how to overcome these obstacles. A senator, who requested anonymity, told the Puntland Post reporter in Mogadishu that President Hassan Sheikh Mohamud “is facing the dilemma of either withdrawing the constitutional amendments or risking a constitutional crisis that could add at least two more years to his tenure, which is set to expire on 15 May 2026”. Recently, Mustaf Dhuxulow, an MP, accused President Hassan Sheikh of adopting the political “doctrine of Isaias Afwerki.” Many parliamentarians and senators believe that President Hassan Sheikh Mohamud committed treason when he allowed for the return of Ethiopian troops to Somalia in 2014 and when his government signed a defense and intelligence-sharing agreements with Ethiopia in 2023. “President Hassan Sheikh prioritises term extension triggered by the failed attempt to amend the federal constitution,” said a retired lawmaker in Mogadishu. © Puntland Post, 2024 The post Efforts to Amend the Provisional Somali Constitution Stalled by Opposition appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo uu Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo kala ah Xeerka doorashooyinka oo ay weheliyaan Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka sida uu sheegay Af-hayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale. Labadan sharci ayaa hagi doona hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay raadinayso in lagu qabto barnaamijka xisbiyada badan ee qof iyo cod inkastoo caqabado badan ku gudban yihiin. “Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka” ayuu yiri Af-hayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale. Sharciyaddan ayaa la filayaa in la horgeeyo aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si looga doodo waxaana calaamad su’aal saaran tahay hannaanka loo ansixin doono, maadaama Mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin qorshahaasi. Halkan ka daawo Hadalka Af-hayeen Farxaan Jimcaale PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Xeerka doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
-
Qorshihii Madaxweyne Xasan Sheekh uu wax kaga beddalayay dastuurka federaalka wuxuu caqabad kala kulmay Labada Aqal ay kala hoggaamiyaan Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi. Muqdisho (Wararka PP) — Qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya ku doonaysay inay ku dhammaystirto wax ka beddelka dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaan fashilmay. Dowladda federaalka ayaa ka noqotay dadaallo ay ku doonaysay inay Labada Aqal keento soo jeedinta wax ka beddelka qodobbo kale ka mid dastuurka federaalka kaddib markii Xildhibaannadii iyo Senatarradii taageersanaa ay ka soo hor jeesteen qorshahaas. Xildhibaan ka mid ah xildhibaannada diiddan wax ka beddelka dastuurka ayaa sheegay in caqabad ay soo foodsaartay ku talagalka Madaxtooyada Soomaaliya oo ahaa in ka hor bisha Agoosto 2024 uu soo idlaado wax ka beddelka dastuurka. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka fekeraysa sida ay uga tallaabsan karto caqabadda. Senator codsaday in magaciisa aan la sheegin oo la hadlay wariyaha Puntland Post ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay hor taallo kala doorashada inuu ka noqdo wax ka beddelka dastuurka ama inuu u beddelo qalalaase dastuur ugu yaraan labo sano oo kale ku dari karta muddo xileedkiisa oo ku eg 15/5/2026. Dhowaan Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaatay mad-habta siyaasadeed ee Isaias Afwerke “Afwerke doctrine”. Xildhibaanno iyo senetarro badan ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud galay dibindaabyo qaran markii uu ciidanka Itoobiya ku soo celiyay Soomaaliya 2014 iyo markii dowladdiisu heshiis difaac iyo heshiis sir wadaagis la gashay Itoobiya 2023. “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mudnaanta siinayaa muddo kororsi uu isku dayga wax ka beddelka dastuuriga ahi abuuray” ayuu yiri xildhibaan hawlgab ah oo ku sugan Muqdisho. © Puntland Post, 2024 The post Qorshaha wax ka beddelka Dastuurka federaalka Soomaaliya oo fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimda Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaaray sharciyo taabanaya doorashooyinka soo socda oo la rabo inay noqdaan qof iyo cod, wuxuuna golaha u qaaday tallaabadii ugu horreysay, ayada oo weli ay taagan tahay qaylada mucaaradka. Xubnaha golaha wasiirada ayaa goordhow si buuxda u meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada, kaasoo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu haatan ku doonayo inuu ku qabto doorashada qof iyo cod ah. Labadan sharci ayaa sidoo kale la horgeyn doonaa baarlamaanka Soomaaliyeed, si uu u ansixiyo, laakiin waxaa taagan dood xoogan oo caqabad ku noqon karta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan meel-marinta shuruucdan oo fure u noqon doono doorashada. Caqabadda ugu wayn waa xubnaha xildhibaanada garabka mucaaradka oo muddooyinkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday Muqdisho, sidoo kale waxaa iyana indhaha la’iska tiri karin qaylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka oo mar hore ka furtay Xasan Sheekh. Dhinaca kale waxaa shirka golaha wasiirada lagu soo qaaday xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka, ayada oo warbixinno laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka hadlay amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada. Xubnaha golaha wasiirada ayaa si weyn u bogaadiyay guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan guulihii laga gaaray dhinaca Jubbaland. The post Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada appeared first on Caasimada Online.