-
Content Count
214,025 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Maanta oo khamiis ah, 12 December, sannadka 2019-ka waxaa guud ahaan dalkan Britain subaxnimada looga dareerayaa doorasho nooceeda aan hore loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida. Doorashadani waxey saamayn ballaadhan ku yeelan doontaa jihada mustaqbalka dalka Britain oo kaalinta 6-aad ee dhaqaalaha adduunka ku jirta, saamayn siyaasadeedna ku leh qaaradda Yurub – waliba waxaa intaasi dheer in doorashadan ay ka dhalatay go’aanka reer Britain ee ka bixista Midowga Yurub oo xiisad siyaasad dalka ka buurtay. Ra’iiusl Wasaaraha Britain Boris Johnson oo hoggaamiya xisbiga muxaafadka ee concervetifka iyo hogaamiyaha xisbiga shaqalaaha ee mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa loolankan xoogiisu uu u dhexeeyaa – labaduba waxaa looga fadhiyaa in ay jahawareerka siyaasadeed ee taagan soo afjaraan, xisbiyada liberal democrat iyo SNP ayaa Iyana kaalin muuqata ku leh doorashadan. Boris waxaa uu balan qaaday in uu Britain kaga saari doono Midowga Yurub sanad guduhiisa, halka hogaamiyaha Mucaaradka oo Corpyn uu ku tilmaamay balan qaadkaas mid liddi ku ah horumarka dhaqaale ee dalka isla markaana uu balan qaaday in uu afti kale shacabka dib ugu celin doono saddex bilood kadib haddii uu doorashada ku guullaysto. Horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida waaxda caafimaadka ee NHS, guri la’aanta, isbadalka cimilada, ka hortagga dambiyafda iyo qaar kaloo badan ayaa Iyana kamid ah olalaha iyo hal ku dhigyada doorashada ee axsaabta siyaasadda dalka Britain. Saadaasha doorashada ayaa muujinaysa in xsibiga Ra’iiusl wasaare Boris uu ku guulaysan doono doorashada 43% halka la saadaalinayo in xisbiga shaqaalah uu helo doono 33% hase yeeshee dhowr jeer oo hore oo la saadaaliyay in xisbiga taladaha haya uu guulaysan doono ayaa isu badashay in labada xisbi ayna heli doonin kuraas ku filan, kuna qasbanaan doonaan in xisbi kale uu dowladda lasoo dhiso. Dadka dalkan laga tirada badan oo gaadhaya 7.5 milyan oo qof oo isugu jira Soomaalida, dadka bariga yurub, afrika iyo Muslimiintu ay ku jiraan ayaa doorashadan la filayaa in ay xoogoodu u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy corbyn. Si kastaba ha ahaatee natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo subaxnimada maalinta barito oo jimco ah, mana cadda in cid walba oo guulaysta ay soo afjari karto qalalaasaha siyaasadda ee ka bixista Britain ee Midowga Yurub. Source
-
Al-shabaab oo weeraray Xero ciidan oo u dhow degmada Balcad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Xerada ciidan ee Hiilweyne oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Balcad. Malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xeradaasi Ciidan ee Hiilweyne waxaana la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dileen 5 ruux oo 4 ay yihiin rayid, kan kalena askari. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay saacado kooban qabsadeen saldhigaasi sidoo kalena ay gubeen laba gaari oo xerada yaallay ka hor inta aysan isaga bixin halkaasi. Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerar kii Al-Shabaab ku qaadday hoteelka SYL oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, 11 kalena ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weeraray Xero ciidan oo u dhow degmada Balcad appeared first on Puntland Post. -
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo magaalada Aswan u jooga ka qayb galka madasha Aswan, ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Canada, François-Philippe Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo François-Philippe, looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Canada Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa ay la yeelanayaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb gelaysa shirka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara ee maanta ka furmay Masar. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo khamiis ah, 12 December, sanadka 2019-ka waxaa guud ahaan dalkan Britain subaxnimada looga dareerayaa doorasho nooceeda aan horay loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida. Doorashadani waxey saamayn balaadhan ku yeelan doontaa jihada mustaqbalka dalka Britain oo kaalinta 6-aad ee dhaqaalaha aduunka ku jirta, saamayn siyaasadeedna ku leh qaaradda Yurub – waliba waxaa intaasi dheer in doorashadan ay ka dhalatay go’aanka reer Britain ee ka bixista Midowga Yurub oo xiisad siyaasad dalka ka buurtay. Ra’iiusl Wasaaraha Britain Boris Johnson oo hogaamiya xisbiga muxaafadka ee concervetifka iyo hogaamiyaha xisbiga shaqalaaha ee mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa loolankan xoogiisu uu u dhexeeyaa – labaduba waxaa looga fadhiyaa in ay jahawareerka siyaasadeed ee taagan soo afjaraan, xisbiyada liberal democrat iyo SNP ayaa Iyana kaalin muuqata ku leh doorashadan. Boris waxaa uu balan qaaday in uu Britain kaga saari doono Midowga Yurub sanad guduhiisa, halka hogaamiyaha Mucaaradka oo Corpyn uu ku tilmaamay balan qaadkaas mid liddi ku ah horumarka dhaqaale ee dalka isla markaana uu balan qaaday in uu afti kale shacabka dib ugu celin doono sadex bilood kadib haddii uu doorashada ku guulaysto. Horumarinta adeegyada aas aasiga ah sida waaxda caafimaadka ee NHS, guri la’aanta, isbadalka cimilada, ka hortagga dambiyafda iyo qaar kaloo badan ayaa Iyana kamid ah olalaha iyo hal ku dhigyada doorashada ee axsaabta siyaasadda dalka Britain. Saadaasha doorashada ayaa muujinaysa in xsibiga Ra’iiusl wasaare Boris uu ku guulaysan doono doorashada 43% halka la saadaalinayo in xisbiga shaqaalah uu helo doono 33% hase yeeshee dhowr mar oo hore oo la saadaaliyay in xisbiga taladaha haya uu guulaysan doono ayaa isu badashay in labada xisbi aysan heli doonin kuraas ku filan, kuna qasbanaan doonaan in xisbi kale uu dowladda lasoo dhiso. Dadka dalkan looga tirada badan oo gaaraya 7.5 milyan oo qof oo isugu jira Soomaalida, dadka bariga yurub, afrika iyo Muslimiintu ay ku jiraan ayaa doorashadan la filayaa in ay xoogoodu u codeeyaan xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy corbyn. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dadweynaha Britain oo u Dareeraya Doorasho appeared first on Puntland Post.
-
17 former members of the Watergate special prosecutors force wrote in a Washington Post op-ed on Wednesday that they believe President Trump committed impeachable offenses and should be removed from office Source: Hiiraan Online
-
A story out of Minnesota relates how a group of Muslim immigrants are taking on Amazon to challenge what they feel are inhuman working conditions required by the company. Fair enough. Source: Hiiraan Online
-
Abdallah Ahmed Ibrahim, is the director of the East Africa Centre for Research and Strategic Studies. He was interviewed by The EastAfrican’s Special Correspondent Fred Oluoch. Source: Hiiraan Online
-
Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulmay kulankoodii 21-aad kala fadhigii 6-aad waxaana shir guddoominaayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh sheekh Cabdiraxmaan. Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2aad ee sharciga doorashooyinka oo asbuucaan dood kulul uu ka lahaa guluhu, soona maray akhrintiisa 1aad, ka hor inta aysan bilaaban dooda golaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo hor hadlay golaha ayaa sheegay in aysan suurtogal aheyn in mar kale dalka lagu celiyo doorashooyinkii dadbanaa ee dalka uu soo maray waxaana uu yiri” Ma’dooneyno inaan u laabano doorashii dadbaneyd ee hadda aan soo marnay doorasho ayaa la gaarayaa sharci ayaan soo saareynaa, waa qof iyo cod, in ay soo qiimeeyaan cidda go’aan ka gaareysa Madaxweynaha maahan, Ra’isul wasaaraha maahan ee waa golaha Baarlamaanka”. Sidoo kale Xildhibaan Xasan Yare oo dhankiisa ka hor hadlay golaha ayaa xusay inaan la aqbali karin muddo korarsi loo sameeyo Madaxda xilka keysa loona baahan yahay in guddiga madaxabannaan uu cadeeyo nuuca doorasho ee ka dhici karta dalka waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Bisha March guddiga madaxabannaan waa in ay golaha soo hor istaagaan oo ay cadeeyaan 2021-ka doorashada dalkaan ka dhici karta iyo in aysan dhici karin, wixii intaas ka badan oo farsamada xageedaa ama qarashaadkii oo la waayo ama dhib dhaco inaan intaas ka badan aanan aqbalin oo jaanis loo siin oo aan niyadda marna la gashanin wax la yiraahdo muddo dheereysi” Dhanka kale xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan (Cali Ganeey) oo ka hor hadlay golaha ayaa carabka kuftay in fatahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaan degmada Afgooye walina aan loo gurman waxaana uu yiri ” Waxaa la ii soo sawiray oo aan idin tusi karaa guri ay biyuhu galeen dadkii iska lahaa ay ka guureen Malayna uu ka dhashay, wasaaradda gargaarka markii wabiga uu biyaha fatahay waan u sheegnay wasiirkana waxaa uu dhahay 3000 oo tan ayaa koogu talo galay Afgooye oo dowladda Sucuudiga ay keentay waana geyneynaa.” Ugu dabeyn xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed ( Gama’diid) ayaa sheegay in gurmadkii laga sameeye Balaweyne lacagihii dowladda federaalka ah ay balanqaaday aysan gaarin 1doller oo ka mid, waxaana uu xusay in Baladwene ay ugurmadeen shacabka Soomaaliyeed” Waxaan ognahay in halkaan laga sheegay ama xukuumadda ay ku dhawaaqday guddi 9 wasiir ka koobanaa isla markaana loogu yaboohay lacag 500’000 iyo ka badan aheyd waxaan rabaa inaa inaan cadeeyo 100$ oo dowladda federaalka ah ka timid inaysan Baladweyne gaarin, Magaalada Baladweyne waxaa u gurmaday shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo bulshada iyo maamulada kale ayaa u istaagay iyo ganacsatada Soomaaliyeed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u yeeray wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareye inuu hor yimaado 15 Dec 2019. Wasiira ayaa su’aalo laga weydiin doonaa shaqada wasaaradda warfaafinta gaar ahaan dhaqanka ama siyaasadda ku aadan wararka baarlamaanka iyo sida hantida qaranka ay dad gaar ah ugu adeegtaan uguna fushadaan dacaayad. Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
