-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE International Organization for Migration (IOM) Supports Cross-border Communities Between Mauritania and Mali Mauritania, as most countries in the Sahel region, faces multiple challenges regarding human trafficking, drug, terrorism threat, and arm smuggling as well as unaccompanied minor migrants BOUSTEILA, Mauritania, December 18, 2019/ — “No development can be attained without security. It is with safe borders that we can guarantee the security of cross-border communities,” says Saghair Haimdon, Mayor of Bousteila, a village located at the border between Mauritania and Mali. To facilitate and secure cross-border movements of communities, the International Organization for Migration (IOM) inaugurated in Bousteila the construction of the 22nd land border posts built by IOM since 2010 (of the 47 official border crossing points), thanks to the support of the European Union Emergency Trust Fund for Africa (EUTF). Mauritania, as most countries in the Sahel region, faces multiple challenges regarding human trafficking, drug, terrorism threat, and arm smuggling as well as unaccompanied minor migrants. Integrated border management constitutes the most appropriated answer to tackle these problematics in a holistic approach. Being at the crossroads between Mauritania and Mali, Bousteila could be used as a strategic point of entry in the region. Once a week, Bousteila serves as a meeting point for farmers, cattle breeders and other tradespeople from each side of the border for the weekly market. The land border post facilitates safe movements and allows for a more accurate data collection regarding movement on the border. While contributing to the economic development of communities living in border areas, the frequent cross-border movements can pose a danger to local communities and migrants, specifically when these movements are done in a disorderly manner. Prior to the inauguration, IOM also conducted a campaign to sensitize local populations, with an emphasis on children, on the meaning of borders, increased security and the presence of migrants in their communities. Following those sessions of sensitization Bousteila’s high school students presented a short play illustrating comradery and support they have for their “next door neighbors”, as they referred to migrants coming from Mali. “I think land border posts are made so no one gets lost or hurt and everyone travels safely,” said 13-year-old Mohamed Lemine SaadBouh, a student at Bousteila’s local high school and actor in the play. Mauritania has more than 5,000 kilometers of land borders, the vast majority of which are located far from major roads and urban areas. In a bit to strengthen collaboration between border communities and security forces, “village committees” were established by IOM. Committees, established in villages around border posts, have improved security in these areas by strengthening relationships between villages and border officials. The youths are sensitized on the importance of border posts for the safe movement of communities through community meeting and discussions. Finally, the committees also act as mediator between cross-border communities, thus contributing to the resolution of conflicts over natural resources between communities. In December, three new posts built by IOM were delivered to the gendarmerie. Two others are currently under construction in Diama and N’Bekeit Lawach and will be delivered in 2020. These border posts were financed by the EUTF through the EU-IOM Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration. These achievements are the fruit of the implementation of the Integrated Border Management Strategy, adopted by the Islamic Republic of Mauritania in 2015 and developed by IOM. This strategy covers all fields relevant to strengthening border management, including organizational and operational, legal, human resources, structural and equipment as well as financial frameworks. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
-
PRESS RELEASE State Department Brings Partnership Opportunity Delegation to Ethiopia The delegation included more than 15 companies representing the United States, Japan, and Sweden JOHANNESBURG, South Africa, December 18, 2019/ — During Global Entrepreneurship Week, the U.S. Department of State assembled a group of private sector representatives to explore investment and collaborative business opportunities in Ethiopia, as the country seeks to implement historic economic reforms. The Partnership Opportunity Delegation (POD) spent a week engaging with government leaders, private sector entities, and Ethiopian entrepreneurs to better understand the challenges and opportunities facing Ethiopian innovators and share expertise on how the country can better foster an enabling environment for startups and tech. The delegation included more than 15 companies representing the United States, Japan, and Sweden. The POD, led by the Office of Global Partnerships, explored opportunities in various sectors of the Ethiopian economy including digital connectivity, Fintech, creative industry, and startups. As a result of these first-hand engagements, several of the delegates committed to support Ethiopia’s economy in tangible ways through workforce development, social entrepreneurship, startup investment, exploring opportunities for telecom privatization, and mentorship training. The week culminated in two events recognizing Ethiopian startups and entrepreneurs. The Africa Fintech Summit brought together over 400 attendees to recognize excellence in entrepreneurship and innovation across the African continent, allowing POD members to learn about the opportunities and risks of the Ethiopian economic ecosystem. The following day, the Department of State partnered with Microsoft, Google, Pegasus Ventures Startup World Cup, and the Africa Fintech Summit to host P!TCH ETHIOP!A, an entrepreneurial pitch competition for seven Ethiopian startups. The delegation provided mentorship to startups, who then presented to a panel of industry professionals and investors. AXIOM Financial Technologies, a startup focused on increasing access to financing by developing the first credit scoring platform in Ethiopia, won the competition. In doing so, AXIOM representatives earned a chance to compete in the Startup World Cup 2020 in San Francisco for a $1,000,000 investment prize. The POD, along with the P!TCH ETHIOP!A competition, is an extension of the Department of State’s active support for Ethiopia’s historic economic reforms. Both programs forged strong partnerships and networks that will advance the growth and economic prosperity of the region. Delegates have already begun making commitments to engage further with Ethiopia. Some of these include Amazon Web Services’ activation of technology credits for all seven finalists of P!TCH ETHIOP!A. Other pledges include Santa Clara University’s Miller Center for Social Entrepreneurship’s new partnership with the Ministry of Science and Higher Education to integrate social entrepreneurship methodology into the curriculum of four Ethiopian Universities and Opportunity International’s pledge to host their Africa Regional Conference in Addis Ababa on January 27, 2020. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
-
Shirkii Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee ka socday dalka Jabuuti, oo maanta la soo geba-gabeeyay, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed soo koobaya nuxurkii shirkaasi. Shirka oo saddex maalmood ah ka socday caasimadda waddanka Jabuuti, ayaa looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin; Doorka Soomaalid ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika, Doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, Horumarinta Ganacsiga & Waxbarashada iyo Qaddiyadda Somaliland. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay, in Madashu ay ku baaqayso in dib loo soo celiyo Wada-hadalladii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, si xal looga gaaro arrinta Somaliland. Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in doorashada madaxtinimada Soomaaliya wkahtigeeda lagu qabto, waxaana ay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee ka taagan Soomaaliya. Madashu waxay ugu baaqday hoggaanka Soomaalida Kenya, in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed, gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha Isgaarsiinta, sida laga soo xigtay War-murtiyeedka Dhinaca kale, Madasha ayaa soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan” Madasha ayaa madaxweynaha Jabuuti Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirka soo xiray u aqoonsatay xuddunta Soomaalida, sida war-murtiyeedku xusay. PUNTLAND POST The post Madasha Aragti wadaaga Soomaalida oo lagu soo geba-gabeeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Inkastoo Ciidanka Amaanka Puntland ay maanta fashiliyiin Waxyaabo Qaraxa oo Aargada agteeda lagu xiray hadana waxay Tani muujineysaa UN Amaanka Magaalada uusan wali sugneyn. Waxyaabaha [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey. Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa, kaasi oo kadib geeriyooday. Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay. Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday. Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso. Ruuxa bukaanka ah ee xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan. Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka asluubta
-
Qaban qaabada soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa koowad ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Guddoomiye Mursal oo wafdigiisa ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda sanad guurada koowaada ee ka soo wareegtay markii madaxweynaha dowlad K/Galbeed Soomaaliya loo doortay C/casiis Lafta Gareen. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb gali doono xafladaasi. Lafta Gareen waa madaxweynihii labaad ee Koonfur Galbeed, tan iyi markii la aas aasay maamulkaasi. View the full article
-
Ciidamada ammaanka ee ka howlgal Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin xalay walaalkiis oo ay ilmo adeer ahaayeen ku dilay gudaha magaaladaasi. Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidamada Xasilinta ee degmadaasi ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey isla xaaafadda uu dilka ka geystay. Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay dib ka faah faahin doonaan waxa sabab dilkaasi. Dhacdadaan ayaa waxaa maanta si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. View the full article
-
Sawirro: Puntland oo qarxisay miinooyin lagu aasay Boosaaso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay fashiliyeen qaraxyo lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee laga hago meelaha fog-fog ayaa la dhigay bartamaha magaalada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee maamulkaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay si nabadoon ku soo saareen miinooyinkaasi, kadibna ay qarxiyeen. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka waxa ay sheegeen inay heleen xog ku aadan qaraxyada, kadib markii ay la soo wadaageen dad shacab ah. Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday baaritaanka xiray dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah oo ku yaalla halkaasi, inkastoo markii dambe la furay. Muddooyinii la soo dhaafay ammaanka Boosaaso ayaa ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska ee maamulka Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-18122019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka; Markaan Arkay: Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013; Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka; Markaan Xaqiiqsaday: La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act); Markaan dersay: Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number); Markaan Helay: Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS; Waxaan Go’aamiyey; 1) In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 2) In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 3) In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation). 4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan. 5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka Oo Kulan Ku Yeeshay Geneva appeared first on Puntland Post.
-
Geneva (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli Dowlada Maraykanka ay ansixisay misaaniyad ay ku jirto deyn cafinta dalka Soomaaliya.
-
Nabaddoonno ka tirsan jufada reer Maxamed Cabdi oo ka tirsan beesha Saleebaan ee Galmudug, oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheeganaya musuq lagu sameeyey saxiixe ka tirsanaa odeyaashii Galmudug dhisay 2015-kii. Nabaddoonnada Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye ayaa waxaa ay qabaan in murshax Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor uu si hoosi uga dhaadhiciyey nabaddoonkii hore ee Reer Maxamed Cabdi Nabaddoon Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) in lagu badalo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Tahliil Maxamed Aaden, arrintaas oo ku dhacday tashi iyo iska warqab la’aan. Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) ayaa la sheegaya in la badalay kadib markii uu xanuun u yimid magaalada Muqdisho iyada oo ninka cusubna aan lala socodsiin dadkii uu kuraasta 2-bada ah mas’uul uga ahaan lahaa. Mire Yuusuf Jimcaale oo arrintaan Goobjoog News u sharaxaya ayaa yiri “ Nabaddoon Jabuuti waa jirraday, waxaana lagu badalay sida aan maqalnay Tahliil Maxamed Aden oo la dhashay Jabuuti si uu saxiixe ugu noqdo 2-badii kursi ee Galmudug ku lahaayeen reer Maxamed Cabdi, arrintaas waa mid qabyaaladeysan, eex ku jirto, qaladka hadda bilowday ayaan saxeynaa, waxna kama jiraan, ololaha Qooqoor ayey qeyb ka tahay, mana yeeleyno”. Dhankiisa, Nabaddoon Cabdi Cismaan Weheliye oo isna la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheegtay sifada lagu xulay Nabaddoon Tahliil oo aaney cidna ka tashan isaga oo yiri “ Haddii Nabaddoon ama saxiixe dhaco ama iscasilo, waa in laga tashto, ee ma aha in qof la isaga dhiibo, ninkan loo dhiibay wakiilnimo loogama tashan, si rasmi ah inuu u hayana lagama tashan, mana yeeleyno, waa musuq cad”. Kuraasta 2-nada ah ee saxiixahooda la badalay waxaa leh reer Maxamed Cabdi oo ka kooban: reer Warsame, reer Caraaye iyo Reer Muuse, waxaana arrintaasi ka hor yimid nabaddoonnada kala ah : Muuse Raqle, Cumar Faniinte, Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye . Guud ahaan Saleebaan waxaa ay Galmudug ku leeyihiin 7 xildhibaan , 4 Dashame iyo 3 Farax ah, keliya waxaa la badalay nabaddoonkan ka mas’uulka ahaa labada xildhibaan. Beel kale oo Murusade ah la dhaho, oo ka tirsan kuwa Galmudug iyadana waxaa laga badalay 4 ka mid ah 6 saxiixe oo laheyd, arrintaas oo lagu sheegay musuq dhacaya doorashada ka hor. Goobjoog News waxaa ay isku deyday in ey la xiriirto Wasiir Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo lagu sheegay inuu arrintan ku lug leeyahay, laakin nooma suurogelin, innaga oo sugeyna jawaabtiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
BOSSASO (HOL) - Security forces in Somalia’s northeastern state of Puntland have today dismantled Improvised Explosive Device (IED) buried on a roadside in Bossaso town in Bari region. Source: Hiiraan Online
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire held talks with Swedish Foreign Affairs Minister, Ann Christin Linde in Geneva on Tuesday. The meeting at the sideline of the world refugee forum focused on the support of the Scandinavian state towards ongoing Somalia’s debt relief process. The two countries agreed to closely cooperate on the debt cancelation procedure which is very crucial for Somalia’s engagement with international financial institutions for reconstruction funds. Stockholm which enjoys close diplomatic ties with Mogadishu helps the horn of the African state in various areas including the reconstruction and economic reforms. During his visit to the Swiss capital, Somali premier also held sideline meetings among other leaders including Turkish President, Rajab Tayyip Erdogan where they agreed to boost already existing close bilateral ties and increase economic cooperation. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta fashiyey qaraxyo miino oo lagu aasay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa midka koowaad la dhigay meel ku dhow xarunta Goolis, halka midka labaad lagu aasay agagaarka hoteelka Jubba ee magaaladaasi. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ayaa kuu guuleystay inay soo saaraan miinooyinkaasi, kadib howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday howlgalkaasi muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Boosaaso. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanku ay si nabad ku qarxiyeen miinooyinkaasi. Saraakiisha amniga Puntland ayaa ku eedeeyey qaraxyadaasi inay aaseen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro ka geysta deegaanada maamulkaasi. Xaaladda ayaa degan waxaana caadi ku soo noqday isku socodkii dadka iyo gaadiidka. Muddooyinii dambe amniga Boosaaso ayaa ahaa mid xasilan, iyadoona ciidanka Booliska magaalada ay kordhiyeen howlgalladooda.
-
The US government has canceled Somalia’s debt after the Congress approved a bill in this regard. Somalia-born Congresswoman Ilhan Omar said that the debt relief package was a major milestone that validates the incredible progress that Somalia has made in the past several years. “I am thrilled we were able to secure debt relief for Somalia today. This doesn’t just have an impact on Somalis in Somalia, but on the thousands of Somali- Americans who live in my district and have family in the region,” Ilhan said on her official Twitter handle. Ilhan’s statement did not, however, indicate the amount of debt that was canceled by the US. Somalia owes the US $1bn in arrears accrued over many years. Somalia’s entire debt stands at $4.7bn. Norway announced in October a bridging loan approval for Somalia to allow the Horn of Africa nation arears a $350m debt owed to the World Bank. The US move is expected to pave the way for other countries to pardon Somalia’s debts. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada amniga oo saaka illaa xalay howlgallo ka waday Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay Faa’id Salaad Caraale oo la sheegay in nin ay ilmo adeer ahaayeen uu ku dilay xaafadda Waabari ee degmadaasi. Taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidanka Xasilinta ee magaaladaasi, Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey xaaafadda uu dilka ka geystay. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay u xaqiijin doonaan waxa ku sababay dilka walaalkiis. Ugu dambeyn taliyaha ayaa tilmaamay inay dib ka faah faahin doonaan natiijada baaritaankooda, islamarkaana ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayey Raage Saalax Caraale, waxaana la sheegay in labadooda uu ka dhexeeyey khilaaf sababay gacan ka hadal. Falkaan ayaa si aad ah ay u hadal hayaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa marxuumka iyo ninka dilka geystay. Dhacdadan ma’ahan mid ugub ah, waxaana magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho iyo kuwa kale ka dhacay dilal noocaan oo kale ah.
-
(SLT-Hargeysa)-Wiil shaqaalaha madaarka Hargeysa ka mid ahaa oo lagu magacaabo Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa maamulka Madaarka Hargeysa shaqada ka eryeen kadib markii uu bartiisa Facebook ku faafiyay waxyaabo uu ku taageersan yahay musharraxnimada Maxamuud Xaashi. Inkasta oo aanu Guuleed faahfaahin bixin waxa laga soo xigtay in loo keenay warqadda shaqo saaridda oo ay ku xusan tahay in shaqada looga eryay taageeridda Maxamuud Xaashi. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo dhawaan guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe sheegay in ay soo saareen wareegto shaqaalaha dawladda lagaga mamnuucayo in ay cidnaba taageero u muujiyaan ama ka hadlaan arrimaha siyaasadda waliba marka ay baraha bulshada isticmaalayaan. https://www.facebook.com/gullied.ismacil?fref=nf Qoraalkan Hoose waxa qoray Wariye Maxamed Cabdi Ilig “Guleed Maxamed Ismaciil waxa shaqada lagaga joojiyay waxaad tageersan tahay Maxamuud Xaashi Wasiirkii hore Madaxtooyada. Imisa Agaasime, shaqaale dawladeed, xoghaymo, Wasiiro iyo Sarakiil kale ayaa wakhtigiisii Tageersana Madaxwayne Biixi markii uu xaaladan oo kale ku jiray. Imisa shaqaale dawladeed ah ayaa malinkasta Xisbiyada Mucaaradka ah Caaya, miyaanay shaqaale rayida ahayn, sidoo kale miyaanay xisbiyo qaran ahayn kuwa la cayaya. Imisa dhalinyara oo shaqaalaha Dawlada ah ayaa malinkasta u ololeeya Wasiirka Arrimaha Guddaha Kaahin, miyaanay cadaalad daro ahayn in kuwaasina shaqada lagu ilaaliyo. Somaliland Cadaalada ka jirta waxa lagu saleeya inaad qofka Necebtahay iyo Inaad Jeceshahay lakiin meeday Cadaaladii xeerku qoray, Guleed Cadaalad iyo wax kasareeya shaqadiisa ayuu heli doona Insha Allaah balse waa Taariikh u qoran Xukuumada Biixi iyo Kaahin.” Source
-
(SLT-Washington)-Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah cod u qaadi doono inay xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump iyo in kale. Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka ee magaalada Washington. D.C ayay dhamaan xubnaha Aqalka Wakiilada cod u qaadi doonaan laba qodob oo dastuuri ah oo ay u kucsanayaan xil-ka-xayuubinta madaxweynaha. Dalka Mareykanka iyo guud ahaan Caalamka ayaa aad looga hadal hayaa eedeynta loo jeediyey Trump Aqalka wakiilada oo Maanta o codeynaya xilka qaadista Madaxweynaha Mareykanka. Source
-
Popular Contributors
