Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkada Diyaaradaha Jabuuti ayaa shaacisay inay duulimaadyo ka bilaabaysa Puntland, Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ka socda Horumar soi jirtay Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka. Warsaxaafadeed ay [...] Source
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta ayaa waxa ka bilowday qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la rabo inuusan dib ugu soo laaban hogaanka dalka, sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay in uu dalka Imaaraadka Carabta u joogo qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay “mid Farmaajo iyo Kooxdiisa lagaga bad-baadinayo dalka Soomaaliya”, sida uu hadalka u dhigay. Faysal ayaa xusay inay la kulmi doonaan jaaliyadaha Soomaalida ee ku sugan Imaaraadka, kuwaasi oo ay kala shiri doonaan “sidii Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay uga bad-baadin lahaayeen inay bur-buriyaan Soomaaliya, loona dooran lahaa cid aan Somaliland cadow ku aheyn”, waa sida uu hadalka u dhigaye. Qorshahan cusub ee uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Ayaan wxaaan caddeyn inay wax ka ogtahay dowladda Imaaraadka Carabta iyo in kale. Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaa dhowaan, waxaana la rumeysan yahay in Imaaraadku ka mid yahay dalal doonaya inuusan soo laaban madaxweyne Farmaajo, qarashna ku bixinaya. Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya. Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/warka-Habeen-18122019.mp3 View the full article
  4. Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal waxaa saddex maalmood ka hor lagu xidhay mid ka mid salaadiinta gobolka oo ay saraakiisha amnigu sheegeen inay loo haysto inuu amniga khalkhal ku hayay, isagoo kicinayay dadweynaha. Suldaanka ayaa lagu warramayaa in iminka loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee gobolka Saaxil. Qaar ka mid ah ehalladiisa ayaa maanta sheegay in Suldaanka xabsi lagu hayo ayada oo aan wax dambi ah lagu soo oogin islamarkaana la horgeyn maxkamad, waxayna dalbadeena in lasii daayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya waa musharaxa rasmiga ah ee midowga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM, hase yeeshee taasi Jabuuti kama joojin inay loolan adag u gasho kursigan. Kenya waxay markii hore rumeysneyd inaysan Jabuuti kala kulmi doonin loolan adag, oo ay kursigan hanan doonto bisha June ee 2020, marka ay dhacdo codbixinta. Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Business Daily Africa, dadaallo diblomaasiyeed oo xooggan oo bilihii dhowaa ay wadday Jabuuti, ayaa taxliiliyayaasha siyaasadda ee Kenya ku dhaliyey tuhun ku saabsan in Jabuuti ay isku haleeneyso taageerada dalalka ugu saameynta badan golaha ammaanka. Prof Macharia Munene, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda caalamiga ah ee Mareykanka ee Afrika (USIU-A), ayaa sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay yihiin laba dal oo si hoose u taageeraya dadaalalda Jabuuti. Dowladda Mareykanka weli kuma aysan dhowaaqin go’aankeeda ku aaddan cidda ay taageereyso Jabuuti iyo Kenya. “Waxaan rumeysanahay in Beijing iyo Washington ay kursiga ku fariisin karaa cidda ay doonaan,” ayuu yiri Prof Munene, oo intaas ku daray in tallaabada noocaas ah ay ku iman karto dalka juqraafi ahaan ay muhiimka u arkaan. Fallanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in saldhigga militari ee China ay ku leedahay Jabuuti uu calaamad u yahay cidda ah muhiimadda juqraafi ee Beijing. Mareykanka iyo France iyo sidoo kale saldhigyo militari ku leh Jabuuti. Saddexdan dal ayaa ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, waxayna gebigood dano ka leeyihiin ahmiyadna u leh Jabuuti, taasi oo taageeradooda u weecin karta Jabuuti. Kenya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan la leh dalalkan, hase yeeshee uma lahan muhiimad la mid ah tan Jabuuti. Warbixinta ayaa tiri, haddii Kenya aysan ka hor codbixinta xaqiijin taageerada Mareykanka iyo China, ayadoo Faransiiska uu taageerayo Jabuuti, waxay la kulmi doontaa lama filaan marka doorashadu dhacdo bisha June ee 2020, kumana filna oo kaliya taageerada Midowga Afrika.
  6. (SLT-Washington)-Kumanaan ruuux ayaa isugu soo baxay gudaha dalka Mareykanka ,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay u codeynayaan moshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump oo la tilmaamay in uu si xun u adeegsaday awooddii maamul ,isla mar4kaana uu carqaladeeyay howshii Golaha. Bannaanbaxyadaan waxaa lagu kala qabtay Washington, DC, illaa magaalada New York iyo St Paul, (Minnesota) ilaa Phoenix, (Arizona), iyadoo la codsanayo in Trump xilka laga qaado ka dib kolkii lagu eedeeyay in uu heshiis ku saabsan xagga doorashooyinka soo socda la galay xukuumadda Ukraine. Dibad-baxyada ayaa yimid,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay isu diyaarinayaan codeynta 2-qodob oo kala ah ku takrifal awoodeed iyo carqaladeyn hosha Aqalkaasi,waxaana si weyn loo filayaa in ay codeyntu ay ka dhex muuqdo xisbiyada ku jira aqalka ay Dimoqraadiga maamusho. Dimuqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey Trump inuu cadaadis saaray xukumadda Yukreyn,si ay gacan uga geystaan dhaleeceynta Joe Biden oo u taagan xilka doorashada soo socota ee Mareykanka. Trump ayaa dafiray in uu sameeyay wax qalad ah,isagoo maalintii shalay warqad xasaasi ah u diray afhayeenka aqalka Nancy Pelosi,kaas oo uu ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga in ay wadaan afgambi. Source
  7. Gen. Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Gen. Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, kadib markii eedeyn loo jeediyey. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Warbaahinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey Taliyaha Xabsiga Dhexe, isla markaana la magacaabay Guddi baaraya sida uu ku dhacay kiiska lagu eedeeyey oo ahaa maxbuus 8 sano oo xabsi ah ku xukunaa oo 16-kii bishan geeriyooday. Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa lagu eedeyey in uu Isbitaal si xoog ah uga saaray marxuum Xasan Kurtun Calasow oo eheladiisu geysay isbitaalkaas, balse Taliyaha ayaa iska difaacay eedeyntaas wuxuuna sheegay in xabsiga amar la’aan looga saarey maxbuuskaas, kadibna uu ugu tagay isbitaal gaar ah, uuna ka soo saaray oo geeyey mid dowladdu leedahay, base uu saacado kadib geeriyooday maxbuuskaas. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqal lagu sheegay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Isbitaal ku yaala Muqdisho kala baxaya bukaan. Dhanka kale qoyska maxbuuska geeriyooday ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanaya awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka oo kala baxay bukaanka, waxayna sheegeen in aan marxuumka la’aasi doonin inta ay ka helayaan caddaalad. Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka Ciidanka Asluubta. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxbuus geeriyooday iyo Taliye shaqada looga joojiyey appeared first on Puntland Post.
  8. Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee sannadlaha ah, oo kulmisa haldoorka Soomaalida meel walba oo ay joogaan, waxay markii saddexaad ku qabsoontay caasimadda Jamhuuriyadda Djibouti, intii u dhaxeysay 15-19-kii December 2019. Madasha waxaa qabanqaabiya Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho, waxaana marti galiya Jamhuuriyadda Djibouti. Halkudhigga Madasha sannadkan wuxuu ahaa: “Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika: Dabar Furidda Kartida Ummadeed (Human Capital) Si Loo Hiigsado Horumar Baahsan”. Madasha waxaa looga hadlay mowduucyo fara badan oo taabanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida, waxaana kasoo qayb galay 180 qof oo isugu jira masuuliyiin, ganacsato, aqoonyahanno, dhallinyaro, haween iyo dadka u ololeeya arrimaha Soomaalida. Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa kamid ah: (a) Nabadda Geeska Afrika (b) Arrinta Somaliland (c) Horumarinta Kartida Ummadda (d) Ganacsiga (e) Siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka (f) Kaalinta dhallinyarada. Nabaddeynta iyo Horumarinta Dadka Soomaalida Shirka waxaa lagu gorfeeyey xaaladda amni ee gobolka iyo doorka ay dadka Soomaalida ah ka qaadan karaan nabadaynta geyiga. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay dardar-galiyaan nabadeynta dadka iyo deegaanka Soomaalida. Madashu waxay aqoonsan tahay doorka weyn ee ay haweenku ka qaateen badbaadinta ummadda Soomaaliyeed. Waxayna ku dhiirrigelineysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay u aqoonsadaan kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan bulshada. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa Machadka Heritage inuu kordhiyo ka qaybgalka haweenka kulammada noocan ah, islamarkaana lagu daro kulammada amuuraha khuseeya haweeynka. Sida ka muuqata daraasaadka iyo doodaha lagu soo bandhigay shirka, waxaa lama huraan ah in la kordhiyo, lana tayeeyo kartida dadka (human capital) Soomaalida ah, si ay ula tartamaan ummadaha kale ee ku nool Geeska Afrika iyo qaaraddaba. Sidaa darteed, Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaamiyeyaasha dadka Soomaalida ah inay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa kartida aqoonta iyo caafimaadka shacabkooda. Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardeyda ah ee fursadaha waxbarasho hela, guud ahaan gayiga Soomaalida. Waxayna u aragtay arrin murugo leh in inta badan da’yarta Soomaalida ah aysan fursad u helin waxbarasho aasaasi ah. Sidoo kale, waxaa jirta in waxbarashada kooban ee ka jirta geyiga Soomaalida ay tayadeedu hooseyso. Haddaba, Madashu waxay ugu baaqaysaa oggaamiyeyaasha inay muhimadda koobaad siiyaan sidii ay waxbarasho tayo leh u gaarsiin lahaayeen inta ugu badan da’yarta. Madashu waxay soo jeedinaysaa in sannadka 2020 loo aqoonsado “Sannadka Waxbarashada Soomaalida”, halkudhigna looga dhigo “Yaan ubadka looga tegin aqoon la’aan.” Dhaqaalaha la galiyo caafimaadka dadka Soomaalida ah waa mid aad u kooban. Madashu waxay oggaanka Soomaalida ah, meel kasta oo ay joogaan, ugu baaqeysaa in ay culeyska saaraan sidii loo kordhin lahaa adeegyada caafimaadka ee ay dadku u baahan yihiin. Tayeynta kartida dadku waa inay noqotaa mid dhammeystiran, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Dad tayo leh ayaa la tartami kara caalamka intiisa kale. Madashu waxay ugu baaqaysaa qof kasta oo Soomaali ah inuu qeybta kaga beegan ka qaato orumarinta waxbarashada iyo caafimaadka. Madashu waxay aad u bogaadineysaa kaalinta ay diblomaasiyiin Soomaliyeed ka qaadanayaan xasillinta gobolka Geeska Afrika. Madashu waxay si gaar ah ugu hambalyeyneysaa Danjire Maxamud Dirir, kaalinta uu ka qaatay soo afjaridda khilaafaadkii siyaasadeed ee dalka Sudan, isagoo wakiil ka ah dalka Itoobiya iyo Midowga Africa. Sidoo kale, Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta Danjire Ismaaciil Wacays, oo ah u qaybsanaha gaarka ah ee urur goboleedka IGAD ee amuuraha Koonfurta Sudan, ahna diblomaasi ruuga caddaa ah kana soo jeeda Jamhuuriyadda Djibouti. Jamhuuriyadda Jabuuti Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay leeyihiin. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta, dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah. Soomaaliya Madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka Soomaalidu. Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda. Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee dhanka aqoonta iyo caafimaadka. Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni. Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah. Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta Somaliland oo ah mid masiiri ah. Madashu waxay ku ammaaneysaa Dowladda Soomaaliya ahamiyadda weyn ee ay siineyso barnaamijka cafinta deynta, waxayna ugu baaqaysaa ummadda Soomaaliyeed in la taageero barnaamijkaas. Madashu waxay si weyn ugu mahad celineysaa saaxiibbada Soomaaliya ee iyana sida weyn u taageeray barnaamijka cafinta daynta. Somaliland Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda deegaannda Somaliland. Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal waara looga gaaro arrinta Somaliland. III. Hoggaanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta muuqata ee ay Dowlad-Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya uga jiraan dalkaas, gaar ahaan xilligan kala guurka ah. Madashu waxay sidoo kale bogaadineysaa dowladda gobolka Soomaalida sida ay isaga xilsaartay nabadda iyo dibu heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Soomaalida gobolkaas. Madashu waxay dhiirri galineysaa in Soomaalidu ay laba jibbaaraan kaalinta ay uga jiraan guud ahaan dalka Itoobiya, ha ahaato mid siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaaleba. Iyadoo laga faa’ideysanayo isbaddalka cusub, Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda iyo shacabka dowladdeegaanka Soomaalidu inay hormuud ka noqdaan doodaha muhiimka ah ee gobolka ka socda. Madashu waxay soo dhaweyneysaa ballanta uu qaaday Madaxweyne Mustafa Muxumad Cumar ee ah in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee ku beegan Soomaaliya ay ka duwanaan doonto middii hore, noqotana mid ku qotonta isku soo dhaweynta Soomaalida, ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Soomaalida. Madashu waxay ku baaqaysaa in la fududeeyo isku socodka dadka Soomaalida ah iyo ganacsigaba. Arrintaasi waxay horseedeysaa inuu bullaalo ganacsiga gobolka Geeska Afrika, waxayna qayb ka tahay go’aankii ay gaareen madaxda Midowga Afrika ee yoolkiisu ahaa in dadka qaaraddani ay si bilaa shiddo ah isugu gooshaan, islana ganacsadaan. Hoggaanka Soomaalida Kenya Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta baaxadda leh ee ay Soomaalida Kenya uga jiraan dalkaas, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hoggaanka bulshada. Madashu waxay sidoo kale bogaadineysaa sida ay Soomaalida Kenya usoo dhaweeyaaan walaalohood Soomaaliyeed, uguna fududeeyaan inay dalkaas si nabad ah ugu noolaadaan, kana ganacsadaan. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay ka shaqeeyaan horumarinta xiriir ku dhisan ixtiraam iyo deris-wanaag ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Madashu waxay ku dhiirri galineysaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya inay kiiska badda uga dambeeyaan Maxkamadda Caddaaladda Dunida ee haatan gacanta ku haysa, isla markaana ixtiraamaan qaraarka kama dambaysta ah ee Maxkamaddu qaadato. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay xal u raadiyaan arrimaha saameynaya ganacsiga oo guud ahaan dan u ah gobolka Geeska Afrika. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay arrimaha ganacsiga carqaladda ku ah ee taagan ay wax ka qabtaan, sida burburinta hantida shirkadaha taleefoonnada Soomaalida. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida, heer walba, inay ka shaqeeyaan fududeeynta isku socodka dadka deggan soohdinta labada dal. Arrintaasi waxay horseedeysaa inuu bullaalo ganacsiga u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika. Waxayna qayb ka tahay go’aankii ay gaareen madaxda Midowga Afrika ee yoolkiisu ahaa in dadka qaaraddani ay si bilaa shiddo ah isugu gooshaan, islana ganacsadaan. Soomaalida Qurbaha Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta muuqata ee ay Soomaalida qurbuhu ku yeelanayaan dalalka ay u hijroodeen. Madashu waxay Soomaalida qurbaha ku ammaaneysaa inay ka dhex muuqdaan bulshooyinka ay la nool yihiin, iyagoo masuuliyiin waaweyn ka noqday dalalka USA, UK, Canada, Norway, Sweden iyo kuwa kale. Waxayna ku dhiirri galineysaa inay laba jibbaaraan dadaalkooda. Madashu waxay ugu baaqaysaa inay xoojiyaan dhaqanka iyo afka. Madashu waxay ku bogaadineysaa Soomaalida Qurbaha kaalinta hormuudnimo ee ay uga jiraan horumarinta dadka Soomaalida ah ee Gobolka Geeska Afrika. Waxayna ugu baaqeysaa Soomaalida qurbaha inay kordhiyaan ka shaqeynta hawlaha tayeynta kartida dadka (capacity building). Madashu waxay ugu baaqeysaa Soomaalida qurbaha inay uga ololeeyaan dalalka joogaan horumarinta danaha dadka Soomaalida ah ee Geeska Afrika. Beesha Caalamka Gunaanad Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa dowladda iyo shacanka Jabuuti. Sidoo kale, Madashu waxay u mahad celineysaa Machadka Heritage, dadaalka culus ee uu dhabarka u ritay, waxayna ku dhiirri galineysaa inuu sii wado dadaalkaas. Madashu waxay kaloo mahad ballaaran u jeedineysaa shirkadaha iyo hey’adaha taageeray Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah. Madashu waxay soo jeedineysaa in kulanka sannadka soo socda laga dhigo mowduuca madasha u dabbaaldeggidda iyo qiimeynta 20-guurada shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta ee dib loogu yagleelay dowladnimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guuleed Maxamed Ismaaciil Oo Ka Hadlay Sababta Looga Caydhiyay Shaqadii Madaarka Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhimsha garoonka Stadium Muqdisho ayaa ku dhaw in la dhameystiro, waxaana la filayaa in dhawaan daaha laga qaado laguna qabto tartamo kubadda cagta ah, sida ay sheegtay Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Khadiija Maxamed Diiriye. Wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ciyaartoy ka timid dalka dibadiisa iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeed ku tagay garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho, waxeyna soo qiimeynayeen dhismaha dhamaadka maraya ee ka socda halkaas. Seynab Maxamuud Warsame oo ah gudoomiyaha dagmada Warta Nabadda ayaa warbixin kooban ka siisay Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Masuuliyiintii la socotay iyo sidoo kale ciyaartoyda heerka uu marayo dhismaha. Basma Caamir Shakeeti ayaa sidoo kale kalmadeeda ka qaadatay, waxeyna aad uga mahad celisay maamulka dagmada Warta Nabadda sida ay howshaan u furliyeen. Khadiijo Maxamed Diiriye waxey sheegtay in dhismaha dhawaan lasoo afjari doono, isla markaana bisha Janaayo ee 2020 daaha laga qaadi doono garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxeyna sidoo kale sheegtay in tartamo kala duwan lagu qaban doono. Garoonka Stadium Muqdisho oo ka mid ah kuwa ugu weyn qaaradda Afrika ayaa la dhisay 1978.
  11. Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wuxuu shaqo joojin rasmi ah ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Guud. Digreetadda kasoo baxday Taliyaha ayaa lagu sheegay in shaqo joojinta Jeneraal Maxamed Cumar Xirsiile ay la xiriirto kiis lagu eedeeyay. Afhayeen u hadlay taliska ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay “dhacdadaas”. Dhacdada lagu eedeeyay Xirsiile ayaa ah maxbuus-xanuunsan oo dhintay, taasoo ay cabasho ay ka muujiyeen qoyska marxuumka. Jeneraal Xirsiile oo kahor shaqo joojinta beeniyey eedeyntaas ayaa xusay “si qaldan” loo dhigay “naxariis uu u sameeyay maxbuuska dhintay”. Gabagabadii, warka kasoo baxay Taliska Ciidamadda Asluubta, ayaa lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaasoo baaraya kiiskan, wallow aysan caddeyn hadii xabsi loo taxaabay Xirsiile. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoonno ka tirsan jufada reer Maxamed Cabdi oo ka tirsan beesha Saleebaan ee Galmudug, ayaa ka sheeganaya musuq lagu sameeyey saxiixe ka tirsanaa odeyaashii Galmudug dhisay 2015-kii. Nabaddoonnada Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye ayaa waxaa ay qabaan in murshax Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor uu si hoosi uga dhaadhiciyey nabaddoonkii hore ee Reer Maxamed Cabdi Nabaddoon Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) in lagu badalo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Tahliil Maxamed Aaden, arrintaas oo ku dhacday tashi iyo iska warqab la’aan. Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) ayaa la sheegaya in la badalay kadib markii uu xanuun u yimid magaalada Muqdisho iyada oo ninka cusubna aan lala socodsiin dadkii uu kuraasta 2-bada ah mas’uul uga ahaan lahaa. Mire Yuusuf Jimcaale oo arrintaan sharaxaya ayaa yiri “ Nabaddoon Jabuuti waa jirraday, waxaana lagu badalay sida aan maqalnay Tahliil Maxamed Aden oo la dhashay Jabuuti si uu saxiixe ugu noqdo 2-badii kursi ee Galmudug ku lahaayeen reer Maxamed Cabdi, arrintaas waa mid qabyaaladeysan, eex ku jirto, qaladka hadda bilowday ayaan saxeynaa, waxna kama jiraan, ololaha Qooqoor ayey qeyb ka tahay, mana yeeleyno”. Dhankiisa, Nabaddoon Cabdi Cismaan Weheliye ayaa isna ka sheegtay sifada lagu xulay Nabaddoon Tahliil oo aaney cidna ka tashan isaga oo yiri “ Haddii Nabaddoon ama saxiixe dhaco ama iscasilo, waa in laga tashto, ee ma aha in qof la isaga dhiibo, ninkan loo dhiibay wakiilnimo loogama tashan, si rasmi ah inuu u hayana lagama tashan, mana yeeleyno, waa musuq cad”. Kuraasta 2-nada ah ee saxiixahooda la badalay waxaa leh reer Maxamed Cabdi oo ka kooban: reer Warsame, reer Caraaye iyo Reer Muuse, waxaana arrintaasi ka hor yimid nabaddoonnada kala ah: Muuse Raqle, Cumar Faniinte, Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye . Guud ahaan Saleebaan waxaa ay Galmudug ku leeyihiin 7 xildhibaan , 4 Dashame iyo 3 Farax ah, keliya waxaa la badalay nabaddoonkan ka mas’uulka ahaa labada xildhibaan. Beel kale oo Murusade ah la dhaho, oo ka tirsan kuwa Galmudug iyadana waxaa laga badalay 4 ka mid ah 6 saxiixe oo laheyd, arrintaas oo lagu sheegay musuq dhacaya doorashada ka hor. Waxaan isku dayna inaan xiriir la sameyno Wasiir Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo lagu sheegay inuu arrintan ku lug leeyahay, laakin nooma suurogelin, innaga oo sugeyna jawaabtiisa. Xigasho: Goobjoog
  13. (SLT-Hargeysa)-ildhibaan Indho Indho Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida ayaa eedaymo culus u jeediyay wafti beesha caalamka oo Hargeysa yimid, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Ergadii Dhexdhexaadinta Oo La Kulmay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi+Nuxurka Xogtay xanbaarsan tahay WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka; Markaan Arkay: Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013; Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka; Markaan Xaqiiqsaday: La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act); Markaan dersay: Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number); Markaan Helay: Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS; Waxaan Go’aamiyey; 1) In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 2) In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 3) In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation). 4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan. 5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah. Qaran News
  16. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD. Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka. “Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”. “Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelinlahaa xiriirka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhici doonaan kulamo intan kasii ballaaran oo looga hadli doono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa. Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jawi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen wefdiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
  17. (SLT-Laascaanood)-Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa ka hor-yimid biyo-gelin la doonayo in laga sameeyo Magaalada Laascaanood. Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadda la siiyey Mashruuca biyo-gelinta Laascaanood doonayso inay Magaalada Biyaha uga soo jiiddo Ceelka Goojacade oo ay sheegeen in biyihiisa aanay Xooluhu Cabbin karin, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen Dawladda Somaliland inay mashruuca dib u eegto. Xildhibaan Maxamed Aflahaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deeganka Laascaanood ayaa sheegay in aanay ogolayn in Magaalada Laascaanood biyo looga soo geliyo Ceelka Gooja-cadde, waxaanu yidhi “Dawladdii Riyaale biyo-gelin ayay ballan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo-gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u ballan-qaaday, haddana la sheegay in ceelka Gooja-cadde oo aan xooluhu cabbi karin in la yidhaahdo waa laga soo jiidayaa taasina maaha mid aanu yeeli karno” Xildhibaannada Golaha deegaanka oo dhaliilay Shirkad Magaceedu yahay Nugaal oo la sheegay inay ku guulaystay Mashruuca Biyo-gelinta Laascanood, ayaa diiddan Ceelka la doonayo in Biyo-gelinta looga sameeyo Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay sheegeen inaan biyihiisa xooluhu cabbi karin. Shirkadda Nugaal oo ah Shirkadda wadda Biyo-gelinta Laascaanood ayaa dhawaan qalabka biyaha lagu sifeeyo ku rakibtay duleedka Magaaladaasi. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Raali-gelin Ka Bixiyay Hadal Shalay Ka Soo Yeedhay, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=MjBq5c46CW4 Source
  19. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Golaha Wasiiradda Cuba oo ka warbixiyey xaaladda dakhaatiir u dhalatay dalkaas oo Al-Shabaab ay qafaalatay ayaa carabka ku dhuftay “in ay caafimaad iyo bad-qabaan”. Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa 12-kii April, 2019, laga afduubtay magaaladda Mandheer, gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta amniga oo fahfaahin kooban bixiyey ayaa shaaca ka qaadey in howladeenadda lagu haysto meelo kamid ah Soomaaliya. Laba dhakhtar ayaa kamid ah boqol u dhalatay Cuba, oo dowladda waddankas u soo dirtay Kenya si ay howlo caafimaad uga fuliyaan degaanada miyiga ah ee gobolada kala duwan ee Kenya. Cuba ayaa horay u sheegtay in kooxda heysata labada dhaqtar ay dalbadeen madaxfurasho dhan $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah inkasta oo aan la caddeyn in Cuba bixineyso haddana dowladda Kenya ayaa xilligaas sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan ahayn bixinta madax furasho. “Labadda dowladood waxay qaadi doonan howlgalo wadajir ah si aan muwaadiniinteena ugu soo celino Cuba iyagoo bad-qaba,” ayuu hadalkiisa ku daray Ines Maria Chapman. Hadalkan ayuu u sheegay wariyeyaasha markii uu dib ugu laabtey magaaladda caasimadda ah ee Havana kadib socdaal uu ku tegay Nairobi, xarunta waddanka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay madaxda ugu sareysa. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaqaatiirta kale ee u dhashay Cuba dib u dejin loo sameeyay lagana wareejiyay aagga sohdinta Soomaaliya lana dejiyay meel u dhow caasimadda Nairobi.
  20. PRESS RELEASE Internet Society Foundation Announces $300,000 in Grants for Projects that Promote the Benefits of the Internet Projects in Mali, Madgascar, South Africa among grant recipients WASHINGTON D.C., United States of America, December 18, 2019/ — The new Internet Society Foundation has issued its first set of medium and large grants (ranging from $12,000 to USD $30,000 each) to 13 ground-breaking projects that seek to spread the benefits of the Internet around the world. The Internet Society (https://www.InternetSociety.org/) established the Internet Society Foundation (http://bit.ly/2rOclzv) to fund projects that will improve the quality of people’s lives everywhere. The Foundation awards grants to Internet Society Chapters as well as non-profit organizations and individuals dedicated to providing meaningful access to an open, globally connected and trusted Internet for everyone. Of the more than 40 applications received this year, 13 projects were selected by a committee that evaluated projects based on criteria that included originality and innovation, community impact and sustainability and technical feasibility, among others. The projects in Africa selected for grants are: $30,000 to create Wi-Fi access points and an off-the-grid Media Center within the Mamaila Tribal Authority, South Africa. The project will also build community capacity through training on cybersecurity, content development, entrepreneurship, and the construction, operation and maintenance of community networks. This aims to empower unemployed youth to organize themselves into cooperatives to advance their socio-economic aspirations and expand the planned network infrastructure. $12,322 will go towards creating community networks for 5,000 people in three remote farming communities and awareness-raising in Madagascar. The project will also provide technical training and basic Internet skills to a group of people who will train others to use the Internet to capture practical information for their economic development (such as on weather forecasts that can impact harvests and the prices of the agricultural products they sell). $30,000 to generate reliable statistical data on Internet use in Mali, in particular on the use/misuse of social media, which has become popular in both rural and urban areas. Most existing data has been produced by telecoms operators, for commercial ends, and results have not been made widely accessible. The results of this project, however, will be widely available through its publication and dissemination. The Internet Society Foundation provides grants to the Internet community, Internet Society Chapters, non-profits and individuals working on one or more of the following program areas: Initiatives that build community capacity to access and benefit from the Internet (including digital literacy skills, reaching unconnected populations, awareness-raising and local content-production);Initiatives that respond to natural disasters;Opportunities for research across technical, economic and public policy topics;Initiatives that demonstrate innovative techniques to advance an Internet for all; andLocal and regional projects supported by ISOC’s nearly 140 Chapters (Beyond the Net) (http://bit.ly/38OC5MH). The Internet Society Foundation will launch its next call for grant applications in early 2020. More information on future calls for grants can be found at: http://bit.ly/2PvLrW2 Distributed by APO Group on behalf of Internet Society (ISOC). Projects in Mali, Madgascar, South Africa among grant recipients WASHINGTON D.C., United States of America, December 18, 2019/ — The new Internet Society Foundation has issued its first set of medium and large grants (ranging from $12,000 to USD $30,000 each) to 13 ground-breaking projects that seek to spread the benefits of the Internet around the world. The Internet Society (https://www.InternetSociety.org/) established the Internet Society Foundation (http://bit.ly/2rOclzv) to fund projects that will improve the quality of people’s lives everywhere. The Foundation awards grants to Internet Society Chapters as well as non-profit organizations and individuals dedicated to providing meaningful access to an open, globally connected and trusted Internet for everyone. Of the more than 40 applications received this year, 13 projects were selected by a committee that evaluated projects based on criteria that included originality and innovation, community impact and sustainability and technical feasibility, among others. The projects in Africa selected for grants are: $30,000 to create Wi-Fi access points and an off-the-grid Media Center within the Mamaila Tribal Authority, South Africa. The project will also build community capacity through training on cybersecurity, content development, entrepreneurship, and the construction, operation and maintenance of community networks. This aims to empower unemployed youth to organize themselves into cooperatives to advance their socio-economic aspirations and expand the planned network infrastructure. $12,322 will go towards creating community networks for 5,000 people in three remote farming communities and awareness-raising in Madagascar. The project will also provide technical training and basic Internet skills to a group of people who will train others to use the Internet to capture practical information for their economic development (such as on weather forecasts that can impact harvests and the prices of the agricultural products they sell). $30,000 to generate reliable statistical data on Internet use in Mali, in particular on the use/misuse of social media, which has become popular in both rural and urban areas. Most existing data has been produced by telecoms operators, for commercial ends, and results have not been made widely accessible. The results of this project, however, will be widely available through its publication and dissemination. The Internet Society Foundation provides grants to the Internet community, Internet Society Chapters, non-profits and individuals working on one or more of the following program areas: Initiatives that build community capacity to access and benefit from the Internet (including digital literacy skills, reaching unconnected populations, awareness-raising and local content-production);Initiatives that respond to natural disasters;Opportunities for research across technical, economic and public policy topics;Initiatives that demonstrate innovative techniques to advance an Internet for all; andLocal and regional projects supported by ISOC’s nearly 140 Chapters (Beyond the Net) (http://bit.ly/38OC5MH). The Internet Society Foundation will launch its next call for grant applications in early 2020. More information on future calls for grants can be found at: http://bit.ly/2PvLrW2 Distributed by APO Group on behalf of Internet Society (ISOC). Qaran News
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefti ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD. Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka. “Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefti uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”. “Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelinlahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhicidoonaan kulamo intan kasii balaadhan oo looga hadlidoono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa. Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen weftiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Puntland iyo Wefdiga Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.
  22. Sawirka qaraxyadii la fashiliyay Laamaha Amniga Puntland ee gobolka Bari oo is kaashanaya, ayaa maanta ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyo miino oo lagu saasay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Saraakiisha ciidamada, ayaa ka hor inta aysan qarxin miinooyinkaasi, waxay shacabkii goobta agdhowaa ku wargeliyeen, in ay isaga baxaan halkaasi, kadibna waxay rasaas ku qarxiyeen miinooyinkii aasnaa. Mudadii hawlgalkaasi socday, waxa hakad la geliyay isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha nawaaxiga goobta qaraxyada lagu arkay, si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka Rayidka ah. Haddaba, Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay sida loo fashiliyay qaraxyadii aasnaa, waxaana uu bogaadiyay ciidamadii fuliyay hawlgalkaasi guulaystay. Hoos ka daawo wareysiga Taliyaha PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay qaraxyo la fashiliyay appeared first on Puntland Post.
  23. Munaasabad Ballaaran oo Beesha Reer Xirsi ee Cumar Maxamuud ku caleemasaaraysay Fiqi Axmed Xuseen Cabdilee Codweyn ayaa maantay lagu qabtay Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal. Munaasabada Caleemasaarka Fiqiga oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Nabadoono,Waxgarad,Cuqaal,Wakiilo matalayey isimada dhaqanka kana yimid deegaanada ay soomaalidu degto,aqoonyahan,Haween Culimo,Abwaano dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Beesha Reer Xirsi ee soo dooratay fiqiga ayaa sheegay in fiqigu yahay Isinka guud ee beesha reer xirsi waxaana ay sheegay inay ku doorteen inuu u qalmo duubka isinimo ee loo cimaamaday madaama uu ku sifoobay astaamihii Isimino. Waxgaradka iyo cuqaashii ka hadlay munaasabada ee beesha ayaa u rajeeyey in Fiqiga alle u fudeeyo xilka loo igmaday waxaana ay kula dardaarmeen inuu ka qaybqaato doorka hogaamineed ee isimada Soomaaliyeed. Nabadoono,Waxgarad iyo cuqaal ku hadlay afka beelaha kale ee kasoo qaybgalay munaasabada ayaa soo dhaweeyey fiqiga cusub waxaa ay tilmaameen inay la qaateen Beesha soo xulatay fiqiga iyagoo alle uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee uu beesha u qaaday. PUNTLAND POST The post Fiqi Axmed Xuseen Cabdile oo lagu caleema-saaray Buurtinle appeared first on Puntland Post.