-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaaliya 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa ka jirtay musiibo qaran oo la xiriirta Ayaxa kaas oo baabi’iyey dalagga, geedaha iyo wax walbo oo caleen leh. Haddaba, Goobjoog News ayaa ogaatay in wasiirka beeraha uu ka gaabiyey talooyin badan oo arrinkan wax looga qaban lahaa oo ay siiyeen hey’adaha caalamiga iyo khubarada dalka, isaga oo iska aaday fasax, waa hade halkii wasiirrada caalamka marka ay arrimahan oo kale dhacaan ay soo gaabiyaan ama joojiyaan safarrada, dalkana ku soo laabtaan! Wasaaradda waxaa ay musiibada ka dhigtay mid xalkeeda u taalo beesha caalamka iyo FAO, lama arkin hawl-wadeenadeeda oo iskudey sameeya ama dadka wacyigeliya taas oo soo dedejisay fashilkooda iyo iney ku guuldareysteen imtixaankan. Hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda beeraha oo la hadlay Goobjoog News, codsadana in magacooda la qariyo ayaa sheegaya in wasiirka uu fasax qoys u aaday Turkiga xilli uu dalku musiibo ku jira isaga oo xataa aan ka tegin lacag iyo barnaamij arrinkan wax looga qabto. Tallooyinka uu wasiirka diiday waxaa ka ahaa: 1. Wasiirka ilaa hadda ma arkin heerka musiibada Ayaxa, waxyeelada, lama hadlin beeraleyda Soomaaliyeed, xataa kamana guban dhibaatada iskaba daa xalkeeda e. 2. Markii uu Ayaxa korokorada ahaa, waxaa lagu taliyey inuu dadka ku wacyigeliyo iney dhulka qodaan, oo aasaan, laakin far ma dhaqaajin, xataa ma isticmaalin warbaahinta qaranka, maanta Ayaxu waxaa uu duulayaa ilaa 150 KM. 3. Waxaa lagula taliyey inuu dadka ku dhiirigeliyo is-xilqaan qaran iyo wax qabsi, oo ardeyda, ciidanka iyo cid walba ka qeyb qaadato la dagaalista Ayaxa laakin dhagaha ayuu ka fureystay. 4. Waxaa lagula taliyey in deegaan, dowlad goboleed iyo qarankaba iska kaashadaan arrintan, la isku yimaado, oo loo arko musiibo qaran, waa ka seexday. 5. Hey’adda FAO waxaa ay kula talisay inuu bixiyo $ 5,000 oo keliya si loogu iibiyo sun ay beeraleyda isticmaalaan halka hey’addana ay bixineyso waxa kale, taasina waa diiday. 6. Sida hawl-wadeennada wasaaradda beeraha sheegayaan, Ayaxu hadda waxaa uu gaaray heerkii 2-aad, waxa ay aheyd in wax laga qabto June markii uu bilaabanayey, laakin jiilkii hore ma ahee hadda waxaa jooga jiilkii 2-aad, waana 6 bil oo ay wasaaradda gacmaha ka xiratay. 7. Wasaaradda beeraha mushkiladda Ayaxu uma aragto mid qaran oo waxay rumeysan tahay in arrintan xalkeeda ay beeraleyda iyo beesha caalamka iska kaashadaan. Wasaaradda beeraha miisaaniyadeeda sanadlaha ah waa: $1,558,891, lama yaqaano waxa ay ku qabato, waxbo kala qabato abaaraha iyo farataahadaha jira. Beeladeyda waxaa ay ka mid yihiin dadka ugu dhibaatada badan, waxyeelo waxaa u geystay roobka, abaarta, cayeyaanka iyo arrimo badan, beerahana waa mid ka mid ah 3-da shey ay Soomaaliya ku faanto sida xoolaha iyo kaluunka, sidaasi ay tahay dadku ma dareemaan jiritaanka wasaaradda beeraha xataa qaarkooda ma yaqaanaan magaciisa. “Aniga waxaa suuqa ka gatay sun, waan ku shubaa, haddii hal mid wax ka tari weyso nooc kale ayaan ku shubaa, wasaarad iyo cid kale ma arko, ee caqligeyga ayaan ku socdaa”, waxaa yiri Maxamed oo ka tirsan beeraldeyda. Xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo aan wacnay si aan u weydiinno sida wasiir fasax u qaadan karo xilli beeraleyda dhibaato ku jiraan, waxaan weynay cid noo jawaabto. Maamulka Farmaajo waxaa uu ku guuldareystay inuu gaaro gobollada iyo maamul goboleedyada, shaqada ugu badan waxaa ay ka qabtaan uun Xamar taasi oo ka hor imaaneysa baahinta maamulka iyo inuu muwaadinka dareemo dowladnimada. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf Shube. Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xilka Maareeyaha Golaha Murtida Qaranka haayay muddo 8-bilood ah, isagoona xilkaas ka bedelay Abwaan Guure.
-
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya u diyaar garoobeen howlgal la’isugu furayo waddoyinka isku xira deegaanada maamulkaasi oo ay go’doomisay Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ay si gaar ah howlgalladaasi ka ga bilaaban doonaan Waddooyinka xiriiriya magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee K/Soomaaliya. Sidokale wuxuu faray ciidamada inay si degdeg ah ku yimaadaan xeryahooda milatari, si ay ugu diyaar garoobaan difaaca dalka. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/www-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay falceclinta hadalkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ka sheegay Magaalada Baydhabo. Mudane Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in laga fogaado hadalada caadifadda leh oo dadka wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya. Wuxuu sheegay inuu hubo in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah. Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan xaq aheyn in dadka reer Koonfur Galbeed lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo uu sheegay inay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto. Halkaan hoose ka akhriso hadalka Guuleedo oo dhameytiran: Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha Koofur Galbeed, hadaladaas iyo falcelisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaashaha dadka walaalaha ah ee reer Galmudug iyo Koofur Galbeed. Haddaba waxaan ku baaqayaa in aan dhammaanteen ka fogaano hadalada caadifadda leh oo dadkana wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya. Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdayna dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgisheen, ayagoo intii ay karaanna ka samafalay kana garaabay falkaas xun oo ay geesteen dad wax ma garad ah. Dhanka kale dadka reer Koofur Galbeedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto. Haddaba waxaa haboon in dadka masuuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojinayana wadajirkooda, iskaashigooda iyo midnimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo. Waxaan xiriiro la sameeyay masuuliintii kala duwaneyd ee ay arintani khuseysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku mahadsan yihiin sida ay arinka iila garteen. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay cadiifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso. Mahadsanidiin Abdikareem Hussein Guled
-
Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, ganacsato iyo Culimo Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa boggaadiyey in dadka walaalaha ee Soomaaliya iyo reer Somaliland ay is caawiyaan, taasina ay muujineyso sida dadkeennu ay ugu weyn tahay Soomaalinimada. Jamaal Ceydiid Ibraahim guddoomiyaha guddiga gurmadka fataadaha Baladweyne ee Somaliland, ayaa sheegay in dhaqaalahan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo madaxda Somaliland si ay u garab istaagaan walaalahood ay fataahaduhu saameeyeen ee reer Baladweyne.. Xildhibaan Suleybaan Maxamuud Xaashi iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka socday Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga mahadceliyey dadaalka iyo dadnimada ay walaalaha Somaliland muujiyeen. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in gurmadka dhaqaale ee reer Somaliland uu muujinayo sida weli labada shacab ay isu jecel yihiin, loona baahan yahay in madaxdu ay ka faa’iideysato midnimadaas. Gurmadka dhaqaale ee gaaraya Lixda Boqol oo kun oo Dollar ee Somaliland ka yimid ayaa muujinaya walaaltinimada dheer iyo isku gargaaridda labada dhanba, waxaana lagu xusuustaa in abaarihii qeybo ka mid ah dalka ku dhuftay sannadkii 2011-kii in ay kaalin muuqata ka qaateen gurmadkii lagu badbaadinayey boqollaal kun Soomaaliyeed. View the full article
-
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay munaasabadda xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ciidanka ku booriyay inay labo jibaaraan u adeegidda shacabka. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen ka hortagga falal badan oo ay argagixisada Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaataan shacabka, isagoo bogaadiyay sida ay ciidanka u gudanayaan gudashada waajibaadka loo igmaday. “Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha. Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska. “Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kobcin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriyeynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga. Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa faray ciidanka booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Siyaasi Cumar Cabdirashiid Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay in uu Garoowe u yimid ka qeyb-galka Munaasabadda Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire, oo 25-ka bishan December ka dhacaysa tuulada Jeedalow oo ka tirsan degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Sidoo kale, waxa uu xusay in socdaalkiisu la xiriiro sidiii mas’uuliyiinta iyo shacabka Puntland uu kala tashan lahaa sharciga doorashooyinka dalka ee horyaalla Golaha Shacabka Soomaaliya. Balse, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in socdaalka Cumar Cabdirashiid uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo ay kamid yihiin dhex-dhexaadinta madaxweyne Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Karkaar oo mucaaradsan xukuumadda Puntland iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-da. Wararku waxay intaasi ku darayaan, in mudane Cumar Cabdirashiid uu horay khadka Taleefonka ugula hadlay madaxweyne Deni, isagoo u ballan-qaaday in uu dhex-dhexaadin ka galayo khilaaf u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho oo dowladda mucaaradsan. Sidoo kale, siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa doonaya in uu madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa ku qanciyo qorshe is-xulafaysi siyaasadeed ah oo ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020/2021. PUNTLAND POST The post XOG: Muxuu salka ku hayaa socdaalka Cumar Cabdirashiid ee Garoowe? appeared first on Puntland Post.
-
Gen. Richard Otto oo ah taliyaha cusub ee ciidamada Uganda ka jooga gudaha Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa si rasmi ah xil ka u la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha cusub ayaa bedalaya, midkii isaga ka horreeyey ee Michael Kabango oo xil kaasi hayey sanadihii la soo dhaafay. Genaraal Otto ayaa leh khibarado kala duwan, waxaana 2013-kii uu soo noqday madaxa howlgallada ee xarunta dhexe ee ciidamada AMISOM. Sidoo kale wuxuu wax ku soo bartay dalka Ruushka, isaga oo ku qaatay tababar aad u sarreeya oo dhinaca milatariga iyo ciidamada. Taliyaha cusub oo xafladda xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuu hal-keeda ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab. Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya dalalka ay ka socdaan Ciidamada AMISOM, kuwaas oo tiradoodu tahay illaa 6,000 oo askari View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo ka furay shirka maaliyadda ee DF iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirada maaliyadda ee maamullada ka jira dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirkaan ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira maaliyadda dalka iyo muhiimada ay leedahay deyn cafinta. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta maamulka maaliyadda, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka. Waa shirkii ugu horreeyey noociisa ee lagu qabto Kismaayo, tan iyo doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland oo ay ka hortimid dowladda Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-21122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Garoonka Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay sanadguurada 76-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Munaasabadda Ciidanka Booliska waxaa ka qeyb gali jiray Madaxda ugu sareysa dalka Sidda Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha oo Khudbad ku aadan waajibaadka Ciidanka Booliska iyo dhiirigalin u sameyn jiray Sanadyadii ugu dambeeyay. Munaasabadda maanta lagu qabtay Garoonka Eng Yariisow waxaa ka qeyb galin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Kheyre oo labadda ku sugan dalka. Waxaa sidoo kale Munaasabadda ka baaqsaday Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed” Filish”. Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xafladda ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, kadib markii la-taliyeyaasha ay sidaasi u soo jeediyeen, waxaana sidoo kale ka baaqday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrintaas kadib la filayey inuu buuxiyo booska Madaxweynaha markii xilli danbe lagu wargeliyey go’aanka Madaxweynaha. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamud Abuukar Islow ayaa dowladda ku metelay xafladda, waxaana si weyn loo hadal hayaa xaaladda Madaxweynaha oo muddooyinkii ugu danbeeyay diidanaa qaabilaadaha qaarkood. Madaxweynaha Soomaaliya oo ah taliyaha Guud ee Ciidanka ayaa inta badan dardaaran u jeedin jiray Ciidanka Booliska sidoo kalena dalacsiin jiray Saraakiisha Shaqooyinka muhiimka ah qabta.
-
The crucial meeting between the finance ministers of the Federal Government of Somalia and the Federal States has opened on Saturday in the port city of Kismayo. The Minister of Finance for the Federal Government of Somalia, Abdirahman Duale Beyle said the forum is aimed at discussing the efforts to reform the economy and the financial sector in the country. “Minister Abdirashid Shire, Jubbaland Finance Minister and other ministers from the regional states are attending the meeting in Kismayo on the development of the revenue,” the Finance Minister said. Minister Beyle called on the people of Lower Jubba to take advantage of the natural resources ALLAH has bestowed to the region, and to take advantage of the development projects for the people of Juba. View the full article
-
Somali forces [Danab] were reported to have seized full control of fresh areas in the Lower Jubba region from Al-Shabaab militants. Army officials the US-trained troops captured Abdi Dore, Berhani and Hadweyn following a well-organized operation targeting militant-controlled areas in the region. Al-Shabab controls large parts of rural Lower Jubba and all of Middle Jubba, and has been carrying out attacks against government and AU peacekeeping troops in both regions. Somali forces backed by AU and US soldiers have been conducting military operations in southern regions to flush out Al-Shabaab from the entire country. View the full article
-
Somali Police Force (SPF) has marked the 76th anniversary of its founding in celebrations held in Mogadishu and several other towns in the country. The law enforcement agency was established in 1943. The celebrations were expected to take place on Friday but the technical issue has been postponed to Saturday. Somali leaders attended events to mark the foundation of the law enforcement agency. Villa Somalia has congratulated the agency on the 76th anniversary of service. Brave, honorable and dedicated. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale soo saaray fariin ku socota Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo khudbad dood ka dhalisay baraha bulshada ka jeediyey xafladda sanad guuradii koowaad markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi. Mahad Salaad ayaa sheegay in Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) looga baahan yahay inuu ka garaabo gabadood-falladii loo geystay shacabka Koonfur Galbeed, halka uu ka dabameeraysan lahaa Galmudug iyo dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanadii ka soo falceliyey qoraalkiisii hore inay ka shaqeeyaan danaha dadka ay matalaan oo uu sheegay inay qaarkood xabsiyo ku jiraan. Dagaal siyaasadeedka Qabiil ee uu qarxiyey Madaxweyne Lafta Gareen ayaa hadda gaaray meel xun, waxaana doodiisu ay si aad ah uga socotaa baraha bulshada. Halkan hoose ka aqriso: Fariin ku socota Madaxweyne Lafta Gareen iyo Xildhibaanada saaxiibadey ah! Marka hore waxaan u mahadcelinayaa saaxiibada ila soo xiriiray iguna dhiirageliyay shaqada aan u hayo shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waa waajib diini iyo dastuuri ah in aan difaaco ama u hadlo qof kasta oo aan u arko in la dulminayo ama xuquuqdiisa lagu tumanayo ayna ugu horeeyaan shacabka reer Koonfur Galbeed. Hadii aan u soo laabto fariinteyda, Madaxweyne Lafta Gareen waxaan leeyahay hal sano ayaad kursi dhiig leh reer Koonfur Galbeed ku xukumaysay. Maalin gelinkeed ma iswaydiisay shacabkii adiga daraadaa loo xasuuqay iyo kuwa xorriyada laga qaaday ee xabsiyada dhex ceegaaga in aad xal u raadiso. Hadaad nin wax garta tahay Galmudug iyo dadkeeda haka daba meeraysan ee gaboodfalkii shacabkaaga loo gaystay ka garaab, kuwa xabsiyada kujirana xorriyadoodii u soo celi, dadkaagana la heshii. Xildhibaanada saaxiibadey ah ee baraha bulshada soo buux dhaafiyay waxaan leeyahay bulshada DM ee aad matashaan danahooda ka shaqeeya. Sida in Alshabaab laga xoreeyo. Kuwa xabsiyada dhex ceegaaga in xorriyadooda loo soo celiyo. Kuwa qorraxda iyo qobbada taagan hoy ay ka galaan in aad la raadisaan. Xagxagashada walaalkiina waqti ha iskaga dhuminina. Hadii wali howli qabyo idiin tahayna horay u socda aniga kulayl iyo qabow midna iguma haysee! Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
-
Shirka looga arinsanayo Arimaha Maaliyada Soomaaliya ayaa wuxuu ka socdaa Kismaayo, ajadaha Shirkaan waa Deyn Xarunta Soomaaliya, waxaa goobjoog ah Wasiirada Maaliyada Soomaaliya oo Soomaaliland [...] Source
-
Sharmarke Ali Ahmed, 11, is among 10 street children who have started a new life in Garowe, in northern Somalia’s state of Puntland, thanks to the support of the principal of a local primary school. Source: Hiiraan Online
-
Nim’a Hassan Mohamud, 24, can see a new future opening up in front of her after undergoing successful fistula surgery in a hospital in Borama in Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Somaliland, kaas oo ka soo ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee xarunta mamaulkaasi. Wafdigan ayaa sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Deeqda oo ah mid lacageed ayaa dhan 600,000 oo Dollerka Mareykan ah, taas oo ay soo uruuriyeen qaar ka mid ah shacabka iyo culimada ku dhaqan Somaliland. Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa lacagtaasi ku wareejin doono dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Gargaarkaan ayaa qeyb ka noqonayo kaalmo gudaha oo horay dadka Soomaaliyeed uga soo urooriyeey meelo badan, si dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan loogu caawiyo. Tallaabadan ayaa muujineysa, sida ay dadka Soomaaliyeed isugu gurman karaa marka ay yimaadaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, halkii wax laga sugii lahaa wadamo shisheeye ama hay’ado leh dano gaar ah oo wax ku soo qaata magaca Soomaaliya. Somaliland ayaa waxaa lagu xasuustaa sidii ay uga qeyb qaadatay gurmadkii loo fidiyey dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaarihii horay ugu dhuftay koonfurta Soomaaliya.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhoweyd magaalada Kismaayo ka daah-furay Shir ku saabsan Hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo Arrimaha Deyn-Cafinta dalka. Shirka Waxaa ka qeyb-geyala wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirada Maaliyadda heer dowlad goboleed oo halkaasi ku wada-sugan. Shirka ayaa looga hadlayaa midaynta Hannaanka Maaliyadeed ee dalka, gaar ahaanna midaynta Nidaamka Canshuurah heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed. Madaxweynaha Jubbaland oo hadal ka jeediyey furitaanka shirkan ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalka laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay usoo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka Maaliyada dalka. Sidoo kale Shirka waxaa looga hadlaya Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya, waxaana shirar midkan lamid ah ay horay uga soo qabsoomeen Ethiopia, Uganda iyo Kenya. Shirka hanaanka Maaliyadda dalka ayaa Kismaayo ka socon doona 21-22 December 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ka daah-furay Shirka Maaliyadda dalka appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay gaaray magaaladaasi iyo wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada ka jira dalka. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya. Ugu horreyn khudbad uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyey shirkaan ayaa waxaa kaga hadlay arrimo la xariira maaliyadda dalka iyo muhiimada deyn cafinta. Shirkaan ayaa noqonaya mid kii horreeyey oo noociisa lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo, tan markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wax xiriir ah la lahayn Jubbaland, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn Axmed Madoobe. Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020-ka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
-
Popular Contributors
