Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wajeer (Caasimadda Online) – Maamulka magaalada Wajeer ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu xaslinayo amniga magaalada Wajeer kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ka geystaan Magaaladaasi. Jacob Narengo Guddoomiyaha Wajeer, ayaa warbaahinta u sheegay in ay go’aansadeen in ay kulan la qaataan odayaasha Gobolka Gedo ee dhinaca Soomaaliya iyo odayaasha Wajeer kaddibna sameeyaan Guddi isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya amaanka Sohdinta labada dal. Guddoomiyaha ayaa odayaasha Labada Dhinac ka dalbay in ay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan amniga, islamarkaana xoogga saaraan sidii Hay’adaha amniga ee Kenya ay u heli lahaayeen xogaha weerarrada Al-shabaab ka hor inta aysan fulin. Isniintii la soo dhaafay saraakiil ka mid ah Hay’adaha amniga Kenya ayaa ka badbaaday weerar Miino ahaa kaddib markii Gaari ay la socdeen uu dulmaray markii uu dhaafayna ay qaraxday. Xeeladaan cusub ee looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ayaa imaaneyso kadib markii ay cirka isku shareertay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan joojin doonin weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa waxaa ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee kaasoo muddo ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya.
  2. Biyo la’aan baahsan ayaa xilligan laga soo sheegayaa in ay ka jirto xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 2kun oo qoys. Afar maalin oo xiriir ah ayaa la sheegay in aanay biyo haysan dadka ku dhaqan xeradaasi, gaar ahaan kudhowaad 20 xaafadood oo xeradaasi ah. Sababta biyo la’aanta keentay ayaa lagu sheegay kadib markii ay cillad soo wajahday ceelashii ay dadku biyaha ka cabi jireen. Dadka ayaa biyo u raadsanaya saldhigga Booliiska ee xerada Dhadhaab, iyadoo aanay jirin meello kale oo biyo ka keenaan. “Saddex maalin ka badan ayaa oon nahayaa, waxaan kala garan la nahay in ceelashii haleysan yihiin ama biyo xumi kale jirto, caagii 20ka Liter waxaa nalaga qaataa Shan Shilin Kenya, mana awoodno lacagtaasi” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka qaxootiga ku ah halkaasi. Dadkan ayaa biyaha ku heli jiray si lacag la’aan ah, waxaana bixin jiray hay’ado samafal, iyadoo ay socdaan dedaallo ay hay’adaha ku doonayaan in lagu hagaajiyo ceelshan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, ay mooshin xil ka qaadis ah ka diyaarinayaaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanno u badan kuwa wasiirada ah ayaa lasoo sheegayaa in Jowhar ay ka wadaan abaabulka mooshinkaan, iyaga oo ku eedeynaya Waare waxqabad la’aan. Mudanayaasha mooshinkan wada ayaa ka badan 30 xildhibaan, waxaana la ogeyn sida ay wax ku dambeyn doonaan. Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno kale oo Hirshabelle ah, islamarkaana kasoo horjeeda mooshinkan, sheegayana in loo baahan yahay badbaadinta shacabka Hirshabelle, bedalkii mooshin lagu mashquuli lahaa. Waxay sheegayaan mudanayaashan in Hirshabelle aanay qalqal siyaasadeed xilligan u baahneen, kaliyana dooneyso wax u qabasho shacabka ay isugu darsameen fatahaadda iyo Anyaxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliiska uu diley Haweeney ka mid ahayd shacabka ku dhaqan degmadaasi. Askarigan ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo isugu soo baxay dagaal dhexmaray dad deris ah, balse waxaa halkaasi ku dhimatay Hani Ismaaciil Yuubane. Askarigii falkaasi ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, sida ay inoo sheegeen dad ku dhaqan halka dilkan uu ka dhacay. Dhanka kale, ciidamada Booliiska degmada Dayniile ayaa wada howlgal ay ku raadinayaan askarigii dilka ka dambeeyey. Saraakiisha ammaanka degmadaasi ayaa sheegay in haddii ay gacanta ku soo dhigaan askarigan cadaaladda la marsiin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka magaalada Muqdisho oo Todobaadle ah, waxaana ka qeybgala madaxda sare ee maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Shirkan oo saacado socday ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ammaanka caasimadda, ka shaqeynta bilic soo celinta, tirakoobka guryaha iyo sidoo kale sare u qaadista daqliga kala duwan ee dowladda Hoose. Cumar Filish ayaa u sheegay guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho in looga baahan yahay sare u qaadista howlaha ay bulshada u hayaan, sidoo kalena laga doonayo in si hufan ugu adeegaan shacabka ay madaxda u yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland Oo Lacag Electronic Ah Samaysay, halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Norway)-Ari Behn, oo uu mar soddog u ahaa boqorka Norway, ayaa geeriyooday isagoo jiray 47 sano, sida uu sheegay afhayeenkiisa. Behn, oo qoray dhowr buugaag, ayaa guursaday Amiirad Martha Louise sanadkii 2002 balse waxay labadoodu kala tageen laba sanno kahor. Afhayeenkiisa ayaa wakaaladda wararka Norway ee NTB u sheegay in Behn uu is dilay. War-saxaafadeed ka soo baxay, boqorka iyo boqoradda Norway ayaa lagu yidhi “wuxuu ahaa qeyb muhiim ah oo qoyskayaga ka tirsanaa sannado badan waxaana u heynaa xusuuso fiican”. Arooskoodii, Behn oo u dhashay dalka Denmark ayaa lagu mursansanaa inuu noqdo lammaanaha Amiirad Martha Louise, oo ah gabadha keliya iyo curadda Boqor Harald iyo Boqorad Sonja. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Salman Khan ayaa qirtay inuu “ku madax adkaa” waalidiintiisa, Salim Khan iyo Salma Khan, sidoo kalena iskuulka uu dhiganayay laga eryay isagoo marayay fasalka afaraad. Xiddigan ayaa arrimahan sheegay xilli uu ka hadlayay bandhigga “Tara Sharma”, halkaasoo uu ka ahaa marti sharafkii ugu horreeyay. Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa sheekadan ku saabsan noloshii yaraanta ee Salman. Markii ay Tara weydiisay Salman su’aal ku saabsaneyd sidii uu yaraantiisa ahaa ayuu yidhi: “Markaan yaraa, waan dhibi jiray waalidiinteyda, aad bay iigu rafaadi jireen, walina sidii ayaan ahay, ilaa hadda dabeecaddaas waan leeyahay”. Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata sheegay inuu mar walba jeclaa waalidiintiisa, ayna aad isugu dhawaayeen. “Taasi waa sababta aan xanuunka u dareemo mar kasta oo aan xaaladdaas soo xasuusto”, ayuu yiri. Salman Khan ayaa dhanka kale ka hadlay qaar ka mid ah marxaladihii uu soo maray markii uu iskuulka dhiganayay, isagoo sheegay in “la eryay” xilli uu ku jiray fasalka 4-aad ee dugsiga hoose. “Run ahaantii ma aqaanno waxa khaldan ee aan sameeyay marka aan soo korayay, waana la yaabanahay sababtii la iiga eryay iskuulka anigoo fasalka afaraad ku jira. Waxaa la ii gudbiyay iskuul kale, markaas ka dibna waxay iskuulkeygii hore ka codsadeen inuu dib ii qaato”, ayuu yiri Khan. Atoorahan ayaa intii uu sheekadaas waday wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo dhex martay macallinka maamulaha ka ahaa mac-had uu dhiganayay. Wuxuu sheegay in maamulaha uu carooday markii uu Salman u gambiyay cashirkii maaddada seyniska. “Bannaanka ayuu igu sugayay isagoo ul heysta, wuxuuna iisii istaagay albaabka weyn agtiisa! Wuu ogaa inaan wax kale ku mashquulsanaa”, Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Siciid Cartan Cismaan waxaa kale oo uu ka hadlay taladii ay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta asxaabta iyo Xukuumadda oo uu sheegay in taladooda loo eegayo sharciyadda qaranka. Siciid Maxamed Cilmi oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa uu dadka ku dhiiri galinayay Faysal Cali Waraabe in Baarlamaanka loo daato taasina waa Sharci darro iyo meel ka dhac ayay ku tahay Qaranka iyo wax aan ku Wanaagsanayn, waxaanu hilmaansanyahay tiradii ugu yarayd ayuu ka helay Faysal Cali Waraabe Doorashadii Madaxtooyadda, waxaanan leeyahay Baarlamaanku Sharciyad ayuu ku joogaa iyo ta uu ku yahay 15 sanno Guddoomiyaha Xisbiga UCID, “ Xildhibaan Siciid Cartan ayaa waxa uu Sheegay in Sharciga loo raacayo Tallo soo jeedintii ay soo saareen Gudidii Dhexdhexaadinta.waxaana uu ydhi “Odayaashii is xil qaamay Go’aan may soo saarin ee waxaay soo saareen talo soo jeedin ayay ahayd waanay ku Mahadsanyihiin, waxaana loo akhrinayaa talo soo jeedintaa Xeerarka iyo Sharciga Qaranka u yaalla wixii aan Sharciga Waafaqsanayn waa waxba kama jiraan,”. Waxaa kale oo uu ka hadlay dhismaha dekedda Berbera oo ay dhawaan soo kormeereen, waxaanu yidhi. “Waxaanu soo kormeernay Dekeda Magaalada Berbera si Wanaagsan ayayna u socotaa Dhismaha dekeda Berbera Magaalada Berbera Mustaqbal Wanaagsan ayaa usoo ifaya.” Source
  10. PRESS RELEASE African Entrepreneurs: Take Part in the Challenge of 1000 at the Africa-France Summit (4-6 June 2020) By launching the “Challenge des 1000”, France is inviting 1000 African entrepreneurs to come and present their solutions at the Cité des Solutions WINDHOEK, Namibia, December 24, 2019/ — Are you an African entrepreneur? Do you bring innovative solutions to foster the emergence of sustainable cities? Come and present them during the “Challenge des 1000”, on the occasion of the Africa-France 2020 summit. By launching the “Challenge des 1000”, France is inviting 1000 African entrepreneurs to come and present their solutions at the Cité des Solutions, an exhibition dedicated to projects and solutions for sustainable cities and territories, which will be held during the 28th Africa-France Summit (Bordeaux, 4-6 June 2020). Applications are open until 31 January 2020. The selection of contractors will be based on the following criteria : To be an African entrepreneur, with an activity related to one of the 7 districts of the Cité des Solutions;Gender parity of the 1000 Entrepreneurs;Geographical balance in terms of the origin of the Entrepreneurs;Balance of themes across the 7 districts*;To be the bearer of an innovative or duplicable solution, at a lower cost and with a strong impact to make French and African cities more sustainable from an environmental and social point of view;Be registered on the Digital Africa platform. The City of Solutions: 7 thematic neighbourhoods to create together the city of tomorrow. Access to essential servicesFeeding the citiesDevelop and beautify the cityGetting around the city / visiting the cityLiving in the cityFinancing and structuring projectsConnect the city For more information, visit Digital Africa: What is the Challenge of 1000? Distributed by APO Group on behalf of Ambassade de France à Windhoek, Namibie. View multimedia content SOURCE Ambassade de France à Windhoek, Namibie Qaran News
  11. In ka badan 40 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay mooshin xilka qaadis ah ka wadaan madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaannada ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay qodoba kala duwan oo ay ku jiraan xil-gudasho la’aan iyo in uu ku fashilmay ilaalinta Amniga iyo xasilinta Nabad-gelyada degaannada Hirshabeelle. Mudanayaasha mooshinka diyaariyay ayaa laga soo xigtay in ay qorshaynayaan sidii ay mooshinkaasi u horgeyn lahaayeen Guddoonka Baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle. Xubno ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa horay sidaan oo kale mooshin uga diyaariyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare inkastoo markii dambe ay sheegeen in ay ka noqdeen mooshinka kadib wada-hadal lala furay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo mooshin laga diyaariyay appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dhiggiisa dalka Tunisia Kais Saied uu kala hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xal ka gaadhida dagaalka sokeeye ee ka socda wadanka Liibiya. Warsaxaafadeed uu qabtay Erdogan oo garabkiisa uu taagnaa Mr Saied ayaa wuxuu sheegay in Tunisia ay muhiim u tahay xasiloonida dalka daris wadaaga ay yihiin ee Liibiya oo dhaca waqooyiga Afrika. Booqashada Erdogan uu ku tagay arbacadii shalay magaalada Tunis ayaa noqoneysa madaxweynihii ugu horreeyay ee safar ku gaadha Tunisia tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Kais Saied. Hoggaamiyaha Turkiga ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay wasiirkiisa difaaca iyo taliyaha ciidanka Sirdoonka iyadoo macluumaad dheeri ah aan laga bixin waxyaabaha laga Wadahadlay. Safarkaan ayaa dhanka kale imaanaya iyadoo dowlada Turkiga ay heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah la gashay todobaadkii hore xukuumada liibiya oo uu hogaamiyo ra’isul wasaare Feysal Al-Siraaj. Source
  13. (SLT-Riyadh)-Laamaha Amniga Sacuudiga ayaa dilay laba siyaasi oo mucaarad ku ah dowlada kadib howlgal ka dhacay deegaan ku yaalla gobolka bari ee Shiicada ku badan Tahay. Goobjoogayaal diiday in warbaahinta lagu xuso ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Al Canuud oo ku dhow magaalo madaxda gobolka ee Damaam oo qiyaastii 400 oo kiilo mitir dhanka bari kaga beegan caasimada Riyaad. Labada siyaasi ayaa ciidanka si badheedh ah ay u toogteen kuwaasi oo isla durbadiiba meesha ku Nafbaxay. Sacuudiga ayaa sanadihii la soo dhaafay xoojiyay cadaadiska uu ku hayo siyaasiyiinta iyo culumida dhaliishan maamulka Boqortooyada. Arintaan ayaa la aaminsan yahay in uu ka danbeeyo dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan, walow arintaas uu gaashaanka u Daruuray. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Dhallinyaro U Dhashay Israa’iil Oo Loo Xidhay Qaad Ay U Tahriibiyeen Dalalka Yurub, halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in xisbiga dhexe ee Baydhabo lagu jir-dilo maxaabiista. Maxamed Xuseen Xasan oo been abuur ku tilmaamay wararkaas ayaa shaaca ka qaadey in maxaabiista ay helaan tababaro iyo daryeel joogto ah. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa xusay in ay haatan ka shaqeynayaa sidii ay u xoojin lahaa howlaha haatan ka socda xabsiga. Hadalkan ayuu wasiirku shaaca ka qaadey xili uu wareysi gaar ah siinayey idaacadda Shabelle ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Koonfur-Galbeed.mp3 View the full article
  16. Adeeggii internet-ka ayaa laga gooyay qeybo ka mid ah waddanka Iiraan, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in la qorsheynayo mudaharaadyo cusub oo ka dhan ah dowladda. Xogta la helay ayaa muujineysa in dibadbaxyada la qabanqaabinayo ay dhici doonaan maalinta oo Khamiista ah. Dad ku sugan dalka Iiraan ayaa soo tabiyay inay cadho w7eyn ka dhalatay tallaabadaas, halka waaxda adeegga internet-kana ay xaqiijisay in laga jaray meelaha qaarkood. Wakaaladda wararka Ilna ee uu saldhiggeedu yahay Iiraan ayaa soo xigatay saraakiil magacyadooda la qariyay oo sheegaya in arrintaasi ay ku timid amar sare oo kasoo baxay dowladda. Waxay kusoo aadeysaa iyadoo lagu baaqayo mudaharaadyo loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay dibadbaxyadii dhacay bishii hore. Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in dad gaaraya 304 ruux la dilay kumannaan kalena xabsiga loo taxaabay maalmihii ay dibadbaxyadu socdeen, ciidamaduna ay howlgallada fulinayeen. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tirada dhimashada gaadhsiisay 1,500 oo ruux, iyadoo macluumaadkana kasoo xiganeysay saraakiil aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Iiraan. Source
  17. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa shir gudoomiyay shirkii asbuuclaha ahaa ee maamulka Sare. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha degmooyinka hoos-yimaada goblka Banaadir. Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Gobolka Banaadir, shirka ayaa todobaadkan diiradda lagu saarey ammaanka, nadaafadda, bilic soo celinta iyo sarre u qaadida dowlada hosoe ee Xamar. Cumar Filish ayaa ku booriyey gudoomiyeyaasha degmooyinka in ay dardargeliyaan qorsheyaasha hor-tabinta leh ee horyaala maamulkiisa si adeega loogu daweeyo dadweynaha. Hoos ka daawo sawiradda kulanka View the full article
  18. Riyadh (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo jooga Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulamo la yeeshey madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda. Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimah Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020. “Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka iyo Cumarada Sucuudiga in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019,” ayuu yiri Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-26122019.mp3 View the full article
  20. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa Shir gudoomiyay Shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda, bilic soo celinta, nadaafada ,tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale. Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa duqa muqdisho waxaa ay u gudbiyeen Warbixinta todobaadlaha ah ee Shaqooyinkii ay qabteen iyo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna, duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarma,y in ay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga. PUNTLAND POST The post Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Al-Shabaab militants raided a construction site in Mandera near the Somalia border and burnt down four construction equipment in the latest incursion into Kenya. Source: Hiiraan Online
  22. Wajir County Commissioner Jacob Narengo has said that the county security team will revive the joint cross-border meetings between communities living in Kenya and neighbouring Somalia in a bid to combat increased cases of violent extremism. Source: Hiiraan Online
  23. Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo jooga Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulamo la yeeshey madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda. Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimah Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020. “Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka iyo Cumarada Sucuudiga in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019” ayuu yiri Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay in la xalliyo Caqabadaha ka yimaada Xajka appeared first on Puntland Post.
  24. President Recep Tayyip Erdogan sent his firmest signal yet that Turkey will deploy troops to support Libya’s internationally recognized government, saying recent commitments between the countries should be seen as a “harbinger of steps” to follow. Source: Hiiraan Online
  25. WASHINGTON (Reuters) - Republican U.S. Senator Lisa Murkowski said she was “disturbed” by the Senate leader’s approach to working with White House counsel on the impeachment trial of President Donald Trump, saying there should be distance between the two. Source: Hiiraan Online