Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka horyimid shuruudihii uu xalay shaaciyey guddiga doorashada Galmudug, kuwaas oo ka koobnaa illaa 11 qodob. Qoraal ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudahaasi aysan quseyn 20-ka xubnood ee laga siiyey baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka ka akhriso: View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-subax-25122019.mp3 View the full article
  3. Hoggaanka Saree e Ahlusunna, ayaa ku gacan-sayray shuruudaha uu guddiga doorashada Galmudug ku xiray xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug. Hoggaanka Ahlusunn,a waxay sheegeen in shuruudaha guddiga doorashada Galmudug aysan khusayn qoondada 20-ka xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyay Baarlamanka Galmudug, maadaama Ahlusunna aysan aqoonsaneyn guddigaasi matalaadna ku lahayn. Ahlusunna ayaa sidoo kale sheegtay, in Heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul wasaare Khayre, ay sidiisi u fuliyeen dhankooda. Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay ixtiraamto Heshiiska labada dhinac wada-galeen, islamarkaana ay sidii loo dhigay u dhaqan-geliso. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Ahlusunna PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo ku gacan-sayray Shuruudaha guddiga doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si weyn uga horyimid shuruudihii uu xalay soo bandhigay guddiga farsamada maamul u dhisida Galmudug, kuwaas oo la xariiray ka mid noqoshada baarlamaanka. War ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudaha guddiga aysan quseyn 20-ka xubnood ee ay dhowaan soo xushay. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa shaacisay inay xor u tahay xubnaha laga siiyey baarlamaanka labaad ee Galmudug, taasina ay ku cadahay heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga doorashada Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan weli aqoonsaneyn, islamarkaana aysan ku laheyn wax matalaad ah. Ugu dambeyn waxa ay Ahlu Sunna ugu baaqday dowladda dhexe inay ilaaliso heshiiska labada dhinac, iyada oo tilmaamtay in dhankeeda ay sidiisii u fulisay. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo xalay guddiga farsamada uu soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadaasi ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug ah.
  5. Dawladda Ingiriiska ayaa bogaadisay heshiis nabadeed oo ay wadagaadheen laba beelood oo muddo afar sannadood ah ku dirirsanaa degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo colaadii u dhexaysay soo afjaray Axadii Toddobaadkan. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyey Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland Stuart Brown, waxaanu sheegay in heshiiskaasi uu caddeyn u yahay muhiimada nabadda salka hoose laga soo unkay ee ay bilaabeen shacabka Somaliland. Stuart Brown wuxuu heshiiskii lagu soo afjaray colaadii deegaanka Ceel-afweyn ku sifeeyey heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo lagu guulaystay afar sannadood kadib markii colaadaasi bilaabantay. Madaxa dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland waxa uu tilmaamay inuu bogaadinayo cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiskaas, waxaanu xusay inuu u rajaynayo bulshada deegankaasi inay ku naaloodaan nabadgelyo. Source
  6. (SLT-Iran)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Iiraan ayaa sheegay in Israel ay ka qoomamayn doonto xadgudubyada ka dhanka ah dalalka Suuriya iyo Lubnaan. La-taliyaha dhanka arrimaha dibadda ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaatulaahi Cali Khumeyni, Mr Cali Akbar Velayati ayaa sheegay in xukuumada Tel Aviv ay heli doonto jawaab bixin ka dhan ah tacadiyada dalalkaan. Mr Cali oo wareysi siinayay Tv-ga Russia Today ayaa intaa ku daray ha dhowaato ama ha dheerato Israel ay ka qoomamayn doonto duqeymaha ay ka wado dalka Suuriya. Dhanka kale wuxuu tilmaamay in Israel ayna awood u laheyn in ay sii wado dhibaatada ay ka geysaneyso bariga Dhexe. Source
  7. (SLT-London)-Hoggaamiyeyaasha dhalinyarada Muslimiinta UK ayaa diyaar garow ugu jira in raashin iyo agabyo kale oo gargaar ah ay gaadhsiiyaan dadka darbi jiifka ah dhammaadka Sannadkaan. Dhalinyaradan is aruursatay ayaa dhanka kale dadaal ugu jira in howlgalo nadaafadeed ay ka sameeyaan magaalooyinka UK. Caadil Shaah oo 24 jir ah kana tirsan hey’adda Ahmadiyya Muslim Youth Association ayaa sheegay in ay doonayaan isbadal dhanka nadaafada ah in laga dareemo Ingariiska. Wuxuu intaa ku daray in maalinta dabaaldega Christmas ka ay u kuurgali doonaan sida wax looga qaban karo dhibaatada heysata dadka darbi Jiifka. Inkabadan 4,700 ruux oo ku nool UK ayaa ah kuwa darbi jiif ah sida ay sheegtay dowlada sannadkii 2017-dii iyadoo tan iyo waqtigaas ay 15 boqolkiiba ay tirada kor u Kacday. Source
  8. (SLT-Brazil)-Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa lumiyay xasuustiisa kaddib marki uu kufay oo uu madaxa dhulka ku dhuftay. Wareysi lala yeeshay salaasadii ayuu madaxweynahan 64-jirka ah ku sheegay in uu ku taraaraxay musqul ku taalla qasriga madaxtooyada, taasoo keentay inuu madaxa ka dhul billaabo. Wuxuu sheegay in markiiba uu lumiyay xasuustiisa, balse ay dib ugu soo laabatay aroornimadi maalinti xigtay isla markaana uu hadda caafimaad qabo. Caafimaadka madaxweynaha Brazil ayaa noqday mid ay dad badan walaac ka muujiyeen tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkaan. Afar jeer ayuu maray qalliin lagu saxay dhaawac ka gaadhay caloosha, kaddib marki uu toorreey ku weeraray nin cadheysan bishi September xilli uu ku jiray ololihii doorashada madaxtinimada uu marki danbe ku guuleystay. Source
  9. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said it has awarded medals to 19 staff officers for their contribution to the restoration of peace and security in Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha waddanka Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore, ayaa sheegay in 35 qof oo rayid ah lagu dilay, weerar ay koox mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen waqooyiga dalka Burkina Faso. Weerarka oo shalay ay mintidiinta ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Soum, ayaa waxaa ku dhintay 7 askari iyo 80 ka mid ah kooxaha mintidiinta ah ee weerarka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Burkina Faso. Weerarka Talaadadi ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadanka Burkina Faso ku dhawaad muddo shan ah, tan iyo marki ay bilowdeen rabshadaha ay hormuudka ka yihiin kooxaha jihaad doonka ah ee hadda ka jira dalkaasi dhaca galbeedka Africa. Burkina Faso oo xuduud la leh dalalka Mali iyo Miger ayaa tan iyo sannadki 2015-ki waxaa ka dhacayay weeraro ay kooxo mintidiin islaami ah ku qaadayeen ciidamada dowladda. Weeraradaasi ayaa sababay dhimashada boqollaal qof halka ay ku barakaceen kumannaan ruux oo rayid ah. PUNTLAND POST The post 35 qof oo Rayid ah oo lagu dilay dalka Burkina Faso appeared first on Puntland Post.
  11. “Somalia is ready to take its place to cooperate in the international effort against maritime crime,” said Captain Hassan Mohamed Afrah, Director of the Somali Maritime Administration, as he addressed participants this week at a key conference on information sharing in the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  12. Israeli organized crime groups are paying travelers to smuggle khat leaves to European countries Source: Hiiraan Online
  13. A new study conducted by archaeologists has discovered the remnants of a lost city in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Caadiyan madaxda Soomaalida ayaa siyaasada ku kala fogaada markii uu soo dhawyahay waqtiga kala guurka, waxaana hada soo if baxaya khilaaf dhowrkii bil ee ugu dambeysay la hadal hayay, kaas oo u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaaliya. Madaxda ayaa isku khilaafsan nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020 iyo habka loo wajahayo, waxaana ay tani horseeday in laba dhinac kala noqdaan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Khilaafkan ma ahan mid shaqada kale ee dowladda saameyn ku leh, wuxuuna ku kooban yahay kaliya arrinta doorashooyinka. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, ku-xigeenkiisa Cabdi Weli Muudey, iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali ay isku dhinac yihiin. Xubnahan ayaa doonaya in doorashada madaxtooyada ay u dhacdo sida ku qoran dastuurka ah, taas oo ah in Baarlamaanka ay doortaan madaxweynaha, halka xildhibaanada ay soo dooran doonaan dadweynaha, haddii ay suurta-gal tahay, haddii kalena lagu celiyo nidaamkii 2016 ee ergada 51-ka Dhinaca kale, waxaa iyana isku dhinac iyo xulufo ah, madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cawad, waxayna doonayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana la baal maro dastuurka oo ay ku qoran tahay in madaxweynaha ku yimaado doorashada labada Gole ee baarlamanka. Dooda mas’uuliyiintaan labada garab noqday ayaa sababtay in 3 jeer fariin loo soo diro Baarlamaanka oo ay aheyd in ay Isniintii kulmaan, balse la baajiyey. Madaxweynaha ayaa raba in doorashado ay noqoto mid qof iyo cod ah, oo aysan ka wada qeyb gelin shacabka oo idil, balse dhowr kun oo shacabka matala ay codeeyaan. Madaxweynaha ayaa raba in dadkaas ay soo xusho dowladda isuguna keento Muqdisho, halkaasna laga codeeyo. Madaxweynaha ayaa rumeysan in haddii xildhibaanada ay dooranayaan madaxweynaha uusan wax rajo ah ka lahayn in dib loo doorto, waana sababta uu ugu adeegayo in dad uu meel isugu keensado oo ay doortaan. Kheyre iyo Mursal ayaa rumeysan in doorasho noocaas ah ay tahay wax aan dunida horey uga dhicin oo caqliga saliimka ah uu diidayo, waxayna ku adkeysteen inaysan jirin meel ay uga gudbi karaan qodob dastuuri ah.
  15. The declaration by the mayor was his first real challenge to the president and the powerful vested interests around him. Source: Hiiraan Online
  16. “It’s important for me to be visible and to do whatever I can to let girls know that they don’t have to change who they are," Halima Aden said. Source: Hiiraan Online
  17. Human trafficking and smuggling have been identified as leading forms of transnational crime in the East Africa and Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
  18. Wararka laga helayo koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegay in qarax culus uu gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degaan lagu magacaabo Miliqo oo hoostaga degmada Xarardheere. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay maqleen jugta qarax culus oo ka dhacay goob la sheegay in Al-shabaab ay ku diyaarinayeen gaari walxaha qarxa laga buuxiyay, gaarigaasi oo ku qarxay xubno ka tirsan Al-shabaab. Goobta qaraxu ka dhacay ayaa laga arkay qiiq iyo uuro madow oo circa isku shareeray kadib jugta culus ee halkaasi ka dhacday, waxaana sida la rumaysanyahay goobta ku wada-dhintay dhammaan xubnihii qaraxaasi diyaarinayay. Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo aad u hubaysan ayaa sida la sheegay isku gedaamay goobta qaraxaasi ka dhacay, iyagoo shacabka u diiday in ay u dhowaadan aaga wax ka dhaceen si aan loo ogaan khasaaraha. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku qarxay gaari miinaysan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf iyo xiisad bilow ah oo ka dhex oogan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uusan la dhacsaneen dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu dalka ka wado James Swan. Swan ayaa si xowli ah u wada wadatashayada ku aadan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karto, isagoo la qaadanaya masuuliyiinta maamul gobaleedyada, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaas oo dhamaantood aan ku aragti aheyn Madaxweyne Farmaajo. Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay wadatashiyada James Swan iyo saameynta ay ku yeelan karto rabitaanka nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa ee uu doonayo madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in arintaasi ay muhiim tahay in lagala hadlo Swan. Swan ayaa la kumay ra’iisul wasaaraha, afhayeenada baarlamanka, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda xisbiyada, balse weli lama kulmin madaxweynaha, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu ka meer-meerayo kulanka. Farmaajo ayaa rumeysan in dalka ay maamusho dowladda, ayna tahay inay ayaga go’aan ka gaaraan doorashada, halak Swan uu rumeysan yahay in talada dalka ay wada leeyihiin dowladda, mucaaradka iyo maamul goboleedyada. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo koox kale oo ku xiran Xafiiska madaxweynaha ayaa doonaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo aysan dadka oo dhan ka qeyb-gelin balse tiro yar oo dadka oo dhan wakiilka ka noqonaya, la iskuna keenayo Muqdisho. Dhinaca kale, Xisbiyada, madaxda Maamul Gobaleedyada, Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaba in aysan suurtagal in dhowr kun ay ka wakil noqdaan dhowr milyan, sidaas darteedna maadaama aan dalka oo dhan doorasho qof iyo cod ah laga hir-gelin karin, ay tahay in la helo nidaam kale. Su’aasha taagan ayaa ah James Swan ma mari doonaa wadadii Nicholas Heysom oo ah wakiilkii ka horeeyay?
  20. Gurceel (Caasimada Online) – Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud waxaa xalay lagu qabtay lacago badan oo been abuur ah. Ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Guriceel ayaa soo bandhigay lacago ay ku sheegeen kuwo been abuur ah iyo dadkii watay. Lacagta ay soo qabteen ciidamadu ayaa la sheegay inay iskugu jirto Dollar iyo shilin Soomaali, waxayna dadka watay ee lagu soo qabtay ka yimaadeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay noo sheegeen dadka reer Gurceel. Hey’adaha amaanka degmada Gurceel ayaa sheegay in lacagahaas lagu dhacay ganacsato ku nool deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, in mudo ahna lagu raad joogay dadka la qabtay. Sidoo kale waxay shaaciyeen in dad kale oo wata lacago been abuur ah ay ku dhex dhuumaaleysanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo ciidamada amaanku ay ku howlanyihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa booqasho ku tagay Tuulada Xaaji Cali ee gobolka Shabellada dhexe. Taliyaha ayaa halkaas kula hadlay dhallinyarada macawiisleyda deegaanka ee isu taagay si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab. Taliyaha oo ay garab taagnaayeen saraakiil kale ayaa sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan tahay dhalinyarada Macaawiisleey, isla markaana la qarmeyn doono. “Awal kaligiin ayaa dagaalami jiray soo maahan, hadda garab ayaad heysataan, waxaadna heli doontaa taageero buuxda oo idinkaga timaado Dowladda Dhexe” ayuu yiri Taliye Bariise. Sidoo kale, taliye Bariise ayaa amray taliska qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka inay garab siiyaan dhallinyarada Macaawiisleeyda. “Waxaan amrayaa taliyaha qeybta 27-aad inay garab idiin siiyaan, oo qalabkooda iyo raashiinkooda wax idinka siiyaan inta ay Dowladda Soomaaliya ka diyaarineyso qorshihii lagu qarameyn lahaa” ayuu sii raaciyey. Taliyaha ayaa ugu dambeyntii ciidamada Macawiisleyda uga mahadceliyey halgankii ay u galeen sidii deegaanadooda ay uga sifeyn lahaayeen Al-Shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka taliye ku-xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Taliye-Bariise.mp3
  22. Hadda waa Safiirka u jooga Jamhuuriyadda Turkiga Wadanka Malaysiya, waxaana lagu tirayaa haweeney shaqo badan oo daacad u ah qarankeeda. Merve Kavakçı gelitaankii siyaasadda waxey ka martay harjad adag, waxey usoo dulqaadatay dhega hadal iyo weji xumeyn badan, dhammaanna waxey uga dhacayeen iney jeceshahay asturnaanta jirkeeda. Han kasta oo siyaasadeed oo ay leedahayna marna ma noqon qof waayuhu liiciyeen oo dhigta asturkeeda hu’ga iyo xijaabka. Laakiin waxey laheyd yool dheer iyo iney aaminsantahay nafteeda. Merve Kavakçı ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay kursi Baarlamaan oo ay usoo gashay dedaal sanadkii 1999-kii, nasiib-darrese waa laga raacdeeyay iney Xubnaha Golaha Mudanayaasha Wadanka Turkiga ay kamid noqoto, sababta oo ah waxey diiday iney Xijaabka tuurto. Xilligaas Turkiga waxaa awood ku lahaa Mabda’ii Cilmaaniga oo ay ku shaqeyneysay dowladdii ra’iisul Wasaare Najm al-Din Erbakan. Cilmaaniyaddu ma ogoleyn in dumarka siyaasadda kamid noqonaya ay xijaabtaan. Dhibka intaasi kuma e’ekeyn oo xitaa waxaa lagala laabtay dhalashadeedii Muwaadinimmo ee Turkiga iyada iyo shan ka mid ah hoggaamiyayaashii Xisbigeeda, sababo la xiriiray muujinta Mashaacirtii Islaamiga ahaa oo ay lasoo banbaxeen. Hadda waxey tusaale u tahay haween badan oo Siyaasadda Jamhuuriyadda Turkiga ku jira, oo xitaa qaarkood Wasiirro ah, waxey xirtaan Xijaabka, fikirkii Xilligaasi jirayna hadda awood kama laha Turkiga . Gabadhaan waxey sidoo kale tusaale u tahay haween badan oo leh han Siyaasadeed , kuwaas oo aan haddane ka tegin dhaqankooda Islaamiga ah. W/Q: Abdiaziz Ahmed Barrow
  23. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu la hadlo Shacabka Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed khamiista 26 bishaan December. Khudbada Sanadkaan [...] Source