Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A delegation of World Bank Group Executive Directors (EDs) has concluded its visit to Djibouti after gaining a comprehensive perspective of the country’s current development status and future opportunities, with its focus on youth and women. Source: Hiiraan Online
  2. “Accept the Call” follows Minneapolis resident Yusuf Abdurahman as he struggles to find out why his son attempted to join Isis in Syria. Source: Hiiraan Online
  3. In ka badan 10 ruux ayaa la soo weriyay in ay ku dhaawacmeen Bumbo gacmeed xalay lagu weeraray guri ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho. Laba ruux oo dadkaasi dhaawacmay kamid ah ayaa la soo sheegayaa in xaaladood aad u liidato balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaasi. Wararku waxay sheegayaan in guriga Bumbo gacmeedka lagu weeraray ay xilliyada habeenkii ah ku ku caweeyaan dhalinyaro isu’gu jira wiilal iyo gabdho inkastoo aysan weli laamaha Amnigu faahfaahin ka bixin goobta la weeraray. Kooxdii Bumbo gacmeedka ku tuurtay guriga ayaa goobta ka baxsaday oo aan weli gacanta lagu dhigin iyadoo ciidamadu ay halkaas hawlgallo ka wadaan. PUNTLAND POST The post In ka badan 10 ruux oo ku dhaawacmay weerar Bambaano oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu soo geba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, oo lagu soo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo gudoomiye ku-xigeenka 2-aad. Haddaba maxaa nooga baxay doorashadii maanta maxayse kaga dhigan tahay midda madaxweynaha ee noqon doonto tan ugu adag. Waa kuwan sida dowladda iyo mucaaradka u kala fasireen. Haddii aan ka horeyno dhinaca dowladda. Waxay ku macneeyeen doorashadan inay caddeyn u tahay in madaxweyne loo dooran doono Qoor Qoor, oo dowladda ay gadaal ka riixeyso. Waxa ku doodayaan in mucaaradka oo idil oo isku tagay ay ka badin waayeen 34 cod, marka ay noqoto guddoomiyaha baarlamanka. Maxamed Nuur Gacal oo ahaa musharaxa dowladda ayaa helay 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cismaan oo la tartamayay, kana socday mucaaradka uu hely 34 cod. Hase yeeshee mucaaradka ayaa ku dooday in sida dowladda wax u dhigeyso aysan ahayn, waxaana xubno la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in 54-ka cod ee uu helay Dr. Gacal ay ku jireen xildhibaanada Ahlu-Sunna. Sida mucaaradka ku doodeen, waxaa jira heshiis dhex-maray Ahlu-Sunna iyo dowladda oo ahaa, in Ahlu-Sunna codadka siiso Gacal, si doorashada guddoomiye ku xigeenka ay codadka dowladda ugu weecdaan dhanka Saadaq Sheekh Yuusuf, oo ahaa musharaxa Ahlu-Sunna, kaasi oo laga adkaaday markii dambe. Mucaaradka waxa ay sidoo kale sheegeen in dowladda ay Ahlu-Sunna uga baxday heshiiskii kadib markii la doortay Gacal, taasi oo ay eedi doonto marka la gaaro doorashada madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen. Mucaaradka ayaa sidoo kale bixiyey tusaale kale, oo ay ku muujinayaan in codadka uu helay Gacal aysan wada ahayn dad wada taageersan dowladda. Waxay ku doodeen, inay jireen xildhibaano aan diyaar u ahayn in saami qaybsiga beelaha la qaldo, guddoomiyaha baarlamaankana la dhaafsiiyo Beesha Murusade. Taas oo loo arkayay in ay halis galin laheyd awood qaybsiga beelaha Galmudug, sidaas darteed Gacal codad ku helay. Cabdinaasir oo Gacal uu ka adkaay ayaa kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana mucaaradka ay rumeysan yihiin in haddii qof Murusade ah uu la tartami lahaa Gacal, ay sheekada sidan ka duwanaan lahayd. Si kastaba, waxaa xusid mudan in Dr. Gacal uu 9 bilood olole waday, islamarkaana dhaqaale xooggan ka helay dowladda, halka Cabdinaasir uu ololihiisa billaabay saddex maalmood ka hor, taasi oo 34-ka cod ee uu helay ka dhigeysa wax aad u weyn. Waxaa kale oo xaqiiq ah in musharaxa dowladda ee madaxweynaha Qoor Qoor uusan wada heli doonin 54-ka cod ee uu helay Gacal, maadaama ay ku jiraan dad codka u siiyey in la ilaaliyo saami qeybsiga beelaha. Wax kasta oo ay ahaataba, sidee doonaana dhinacyada ha u fasireen wixii maanta dhacayn, waxaa xaqiiq ah inay dhici doonto doorasho madaxweyne oo aad u adag aadna la isugu dhow yahay, suurta-galna ay tahay in xitaa hal cod lagu kala adkaado.
  5. DJIBOUTI has rejected a London Court of International Arbitration ruling that DP World should be handed back control of Doraleh Container Terminal following the premature truncation of an operating concession Source: Hiiraan Online
  6. Six Somali government soldiers and 19 militants were killed when Islamist group al-Shabab attacked two bases before dawn Friday, according to officials and residents. Source: Hiiraan Online
  7. Galmudug lawmakers have on Friday elected new speaker during an election in the state’s capital, Dhusamareeb. The crucial vote comes ahead of the presidential election which is expected to take place later this month. Nur Mohamed Ga’al was declared winner of the parliament speaker after winning majority votes. Ga’al has garnered 54 votes while his rival, Abdinadir Adan Osman got 34 votes. One vote was spoilt. Galmudug parliament is made up of 89 MPs with Ahlu Sunna Wal Jamaa allocated 20 seats under a deal with the Somali Government. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashada hooyo Amran Maxamed Cismaan oo sheegtay in gabar ay dhashay oo 16 jir ah ay haystaan ciidamada ilaalada madaxtooyada. Agaasimada madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cabashada hooyo Amran. “Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay.” Ayuu yiri Cabdinuur. Waxa uu sheegay in sida wax u jiraan iyo sida wax loo tebinayo “ay kala fog yihiin,” sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog.” “Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale.” Ayuu yiri. Cabdinuur ayaa sheegay in qoyska Amran uu u xaqiijiyay inay caddaaladda ku garab istaagayaan, ayada iyo qof kasta oo dhibbane ah, loona baahanyahay inaan laga hordhicin baaritaannada haatan socda, sida uu hadalka u dhigay.
  9. Muqdisho (SMN) – Guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJ mudane Maxamed Mutual Sheep Cabdiraxmaan oo lahadlay Wakaaladda Warrant(SONNA) ayaa u hambaleeyay guddoomiye Dr Maxames Nuur Galaxy iyo Ku-xigeenadiiaa,isagoo u rajeeyay in eebe uu Ku guuleeyo xilka look igmaday. Sidoo kale mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi gudddoomiyaha Aqalka sare oo wakaaaldda (SONNA) ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediye guddoonka baarlamaanka Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay guddoonka baarlamaanka Galmudug ee la doortay in si hufan ay u gutaan waajibaadka loo doortay Maal Maha soo socda ayaa lafilayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-17012020.mp3 View the full article
  11. Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu dambeyn doortay Guddoomiye ku xigeenka labaad, oo ay noqotay Haneeney. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ah xildhibaan Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xildhibaan Maxamed Axmed Maalin, waxaana ku guuleysatay Faadumo Faandhe. Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Faadumo Cabdi Cali ay heshay 47 cod, halka musharaxii la dartamay Maxamed Maalin uu helay 41 cod. Faadumo Faandhe ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee Guddoomiye ku xigeen ka noqota Baarlamaanada dowlad goboleedyada, horey ayey Haweeey uga mid noqotay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle. Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana maalmaha soo socda la dooran doonaa Madaxweyne iyo ku xigeen. PUNTLAND POST The post Haweeney ka mid noqotay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo isku dayey inuu eeda dhiibistii Qalbi-Dhagax ka wareejiyo madaxweyne Farmaajo. Cabdi Xaashi ayaa hadalka jeediyey maamlo un kadib markii Qalbi-Dhagax uu bixiyey wareysi xasaasi ah oo uu kaga hadlay gefki iyo xadgudubkii uga yimid Farmaajo. Hoos ka aqriso jawaabta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi wuxuu ogolaaday in noqdo denbi qariye, eed ka roge iyo asture loo isticmaalay in uu eedda kiiska Qalbidhagax ka rogo madaxweyne Farmaajo kuna g eddiyo Sanbalooshe. Waase isku day si farsamo xumo ah loo soo qorsheeyey dhanka su’aasha loo dhigay iyo jawaabta uu Cabdi Xaashi bixiyey intaba. Waraysiga Cabdi Xaashi waxaa lagu soo beegay maalmo yar ka dib waraysigii xanuunka badnaa ee la ii sheegay in ay Villa Somalia ka hurdi waysay ee uu bixiyey Qalbidhagax oo eed culus dusha ka saaray madaxweynaha. Cabdi Xaashi wuxuu leeyahay Sanbalooshe ayaa marin habaabiyey madaxweynaha, haddii ay sidaa tahay muxuu madaxweynuhu xilka uga qaadi waayey Sanbalooshe oo xilka 3 oo kale sii hayey? Muxuuse madaxweynuhu u diidi waayey go’aanka ay xukuumaddiisu Qalbidhagax iyo ONLF ku sheegtay in ay argagexiso yihiin? Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo, laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuu ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed. Sababta keli ah ee uu Sanbalooshe eedda u saarayana, waa ‘miskiin baa miska la fuulo leh’, maadaama uusan haatan xil haynin, sababtoo ah intii uu Sanbalooshe xilka hayey Cabdi Xaashi marna kiiska Qalbidhagax kama hadlin, horayna weligii ugama hadal. Haddii dhiibistii Qalbdhigax ee shalay ay marada ka ridday waddani N&N, maantana waxay marada ka riday waddanigii Kacaanka. Soomaaliyeed iska jira kaligiis waddani iyo kaligiis Islaam.
  13. Xaaji Cali (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoobaxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in 15 dagaalyahan oo Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in 26 kale oo Shabaab ah lagu dhaawacay dagaalka. Ciidamada ayaa sheegay in xalay abaare 2:00 AM ay ka hor-tageen dagaal Al-Shabaab u qorsheeyeen ciidanka kadib markii warbixin laga helay qorshahooda, sida ay hadalka u dhigeen. “Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka. Ciidanka Xoogga dalka ayaa qirtay in dagaalka ay uga dhinteen 1 sarkaal, 1 sarkaal Xigeen, iyo 2 askari, halka saddex askarina ay uga dhaawacmeen. Kooxda Al-Shabaab weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalkan.
  14. Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu si rasmi ah u doortay gudoomiye ku xigeen labaad. Faadumo Cabdi Cali iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin ayaa ku tartamay xilkaan. Coddeynta waxaa ka qeybgashay 89 mudane. Guddiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in Faadumo ay kusoo baxday xilkan kadib markii ay heshay 47 cod, Maalina uu helay 41 cod. Maxamed Axmed Gacal ayaa loo doortay afhayeenka xeer-dejinta dowlad goboleedkan Soomaaliyeed. C/llaahi Xirsi Maxamed ayaa noqday gudoomiye ku xigeenka 1aad markii uu 59 cod kaga badiyey Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim oo helay 29 cod. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Is-rasaaseynta ayaa laga soo wariyey degaanka Xaaj Cali oo ku dhow degmada xeebta leh ee Cadalle ee gobolkaas. Isku dhaca oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan ayaa yimid kadib weerar ay soo qaadey xarakada. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in uu jiro khasaaro balse uusan caddeyn karin tiradda guud. Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa gaancsiga ayaana caadi kusoo noqday. Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhaca falal noocaan ah, iyaddoo saraakiisha ammaanka aysan wali ka hadlin arrintaan. View the full article
  16. Boosaaso (SMN) – Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa kulamo siyaasadeed kawada magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari. Axmed Madoobe oo ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in ay kawada hadli doonan danta Soomaaliya iyo arrimaha doorashoouinka. Saciid Cabdullaahi Deni oo wehliyey ayaa tilmaamay in Puntland iyo Jubaland ay ka mideysan yihiin ilaalinta federaalka iyo danta dalka. Kulamadda ay wadaan madaxdaan ayaa la filayaa in ay gogol xaar u noqdaan shirar kale oo ay la leeyihiin xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Shan maalmood kahor, safiirka Mareykanka oo Boosaaso kula kulmay Deni ayaa ku tartarsiiyey in ay ku heshiiyaan doorashooyinka 2020. View the full article
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Galmudug ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas. Jagadaan waxaa ku tartartay laba murashax oo kala ah; Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim. Cabdullaahi ayaa la sheegay in uu ku guuleystay xilkan kadib markii uu helay 59 kamid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiilada. Sidda uu guddigu ku dhawaaqay, Saadaq ayaa la tilmaamay in uu dhankiisa helay 29 cod, waxaana xumaadey hal cod. Kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka, waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay doortaan madxweynaha cusub ee maamul goboleedkaas. View the full article
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa la doortay kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb, oo ay codeeyrrny 89 xildhibaan. Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Xirsi Maxamuud iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim, waxaana 59 cod helay Cabdullaahi Xirsi Maxamuud oo loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug, halka Saadaq Sheekh Yuusuf uu heley 29 Cod. Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa waxaa aad u taageerayey kooxda Ahlu-Sunna, waxaana guul-darradan ay ka dhigan tahay in kooxda ay u muuqato inaysan wax jago sare ah ka heleyn hoggaanka Galmudug Dhinaca kale, Cabdullahi Xirsi Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Dir, waxaana la sheegay inuusan kooxna ku xirneyn. Sidoo kale waxaa goordhow bilaabatey u codeynta musharixiinta u tartameysa xilka Guddoomiye ku-xgeenka labaad ee Baarlamanaka Galmudug oo ay ku tartamayaan Faatima Cabdi Cali iyo Maxamed Axmed Maalin.
  19. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxaa maanta oo jamce ah ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug. Doorashada waxaa ku tartamay labo xildhibaan oo kala ah Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cismaan, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug ku guuleystay Maxamed Nuur Gacal. Maxamed Nuur Gacal Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqat in Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 cod, 1 cod ayaa xumaaday, waxaana codeeyey 89-ka xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Dhanka kale Cabdullaahi Xirsi Maxamed (Xagey) ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug, kadib markii uu helay 59 cod. Taariikh nololeedka Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal Maxamed Nuur Gacal waxa uu degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhashay 1966, wuxuuna 1987 ka baxay dugsiga sare ee Muqdisho. 1988-kii ayuu ka qaatay diploma heer dhexe mac-hadka maamulka iyo maareynta Jaamacadda Carabta ee Muqdisho. 1995 ayuu shahaadada 1-aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Umu Durman ee dalka Sudan 1999-kii ayuu ka qaatay Diploma sare, Mac-hadka maareynta masiibooyinka ee Jaamacadda Caalamiga ee Afrika. 2000 ayuu diploma sare ee qaanuunka guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn ee Sudan 2001 ayuu shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee Afrika 2008 ayuu shahaadada 3-aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Umu Durman ee dalka Sudan. 2013-2014 wuxuu ahaa Wasiiru dowlihii arrimaha dibadda Soomaaliya 2014-2016 wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 2019 wuxuu ahaa xubin kamid ah guddiga dib u heshiisiinta DGGM. Ugu dambeyna maanta ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Yaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug? appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa war kasoo saarey duqeyn ay Al-Shabaab kula eegteen gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka dhanka cirka ah ayaa la sheegay in uu ka dhacay degaanka Kunya Barow ee gobolkaan hoostaga maamulka Koonfur Galbeed. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ay ku dileen laba kamid ahaa dagaalameyaasha xarakada Al-Shabaab. Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyntaan ayaa tilmaamtay in ay qeyb ka ahayd howlgalkaas. Ma jiro wax war ah oo ku aadan duqeyntaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xarakadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-170120.mp3 View the full article
  22. Dhuusamareeb (SMN) – Waxaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay tartanka doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka maamul Goboleedka Galmudug oo uu ku guuleystay Dr; Maxamed Nuur Gacal Waxaa goor dhow lasoo gaba-gabeeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug oo uu ku guuleystay Dr; Maxamed Nuur Gacal. Dr; Maxamed Nuur Gacal ayaa murashixii kula loollamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka kaga adkaaday 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cusmaan uu isna helay 34-cod, waxaana dhowaan ayaa la filayaa in la doorto xilalka Guddoomiye ku xigeennada Afhayeenka golaha wakiillada Galmudug. View the full article
  23. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa doortay Guddoomiye cusub oo uu yeelanayo Baarlamaanka Labaad ee Maamulkaas. Kursigaas oo ay ku tartameyn labada Musharax ee kala Dr. Maxamed Nur Gacal iyo Cabdinasir Aaden Cismaan ayaa waxaa ku guuleystay Dr. Maxamed Nur Gacal oo ah Musharixii ay wadatay Dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inay ku dhamaatay natiijada doorashada sida soo socoto: Dr. Maxamed Nur Gacal 54 cod Cabdinasir Aaden Cismaan 34 cod Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu halaabay hal cod. Natiijada kasoo baxday doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug ayaa muujineyso inuu weli furan yahay tartanka loogu jiro xilka madaxweynimo ee maamulkaas maadaama farqiga labada musharax u dhaxeeyo uu yahay 19 Xildhibaan.