-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ten people have been wounded with two sustaining serious injuries following a hand grenade attack in Mogadishu on Friday night. According to security officials, the explosive device was hurled into a house where young people gathered for fun in the Yaqshid district. Somali police force arrived at the scene of the crime shortly to conduct further investigations. It is not immediately clear the main motive behind the attack and who is responsible since no group claimed the responsibility. Armed group al-Shabaab frequently carries attacks inform of car bombs and grenade attacks in Mogadishu targeting government installations. More than 90 people were killed and 150 others wounded following a truck bomb attack in Ex-control junction in Mogadishu last month. Al-Shabaab claimed the responsibility for the attack while for the first time regretting massive civilian causalities caused. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Boosaaso ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Shirka oo ah mid iskaashi ayaa waxaa si wadajir ah u daah-furay labada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland. Inta uu socdo shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee daka, arrimaha ammanaka, dhaqaalaha, dib u eegista Dastuurka iyo doorashooyinka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gabagabada shirka iskaashiga Puntland iyo Jubbaland laga soo saari doono War-Murtiyeed ku aadan waxyaabihii laga wada hadlay. Shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisa uu yahay khilaafka dowladda dhexe iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland. Khilaafka ayaa saameeyey xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo labadaasi maamul, mana muuqdo weli wax isku soo dhowaansho ah oo ay muujinayaan saddexda dhinac.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey weerarada dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Kenya looga fadhiyo inay sida ugu dhaqsiyaha ah uga jawabaan, uguna hortagaan weeraradaasi. Uhuru oo kulan gaar ah Mombasa kula qaadanayey saraakiisha amniga Kenya ayaa faray inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda ammaan ee gobolka Waqooyi Bari. Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in hadda kadib ciidanku ay isticmaali doonaan xeelado dhanka sirdoonka ah, iyaga oo kaashanaya dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu ay beegsan doonto dadka maal-geliya kooxda Al-Shabaab iyo kuwa qorsheynaya inay ku biiraan intaba. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fred Matiang uu sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay garab ka helaan dadka deegaanka, marka ay weerarada ka fulinayaan deegaanada Xadka Soomaaliya. Kooxda Al-Shabaab ayaa wixii ka dambeeyey markii la guda galay sanadkan 2020 sare u qaaday weerarada ay ka fuliso Kenya, iyadoo beegsatay saldhigyo ciidan oo muhiim ah.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in Labo qoys ay ku sumoobeen caano ay cabeen, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaaladaasi. Illaa Sideed qof ayaa la xaqiijiyey in la dhigay isbitaalka magaalada Qardho, waxaana wararku sheegayaan in dhaqaatiirta ay aad ula tacaalayaan xaaladooda caafimaad. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dadka sumoobay waxaa ku jira caruur, iyadoo hadda ay soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee Lix ka mid ah dadkaasi. Dhaqaatiirta ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in dedaal xooggan ay wadaan, islamarkaana dadkan ay ka badbaadeen xaaladdii qatarta ahayd ee ay ku jireen markii isbitaalka la geynayey. Maamulka magaalada Qardho ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka caanaha ay dadkan ku sumoobeen iyo sida ay wax u dhaceen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo saraakiisha ugu sarreysa ammaanka dalkiisa kula shirayey Mombasa ayaa ku dhawaaqay dagaal kale oo ka dhan ah Al-Shabaab. Madaxweyne Uhuru ayaa saraakiisha amniga ee dalka Kenya ku amray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan xaaladda ammaan ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya oo weeraro khasaare geystay ay ka dhaceen todobaayadii la soo dhaafay. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka dhaqaalaha ku taageera Al-Shabaab iyo kuwa qorsheynaya in ay ku biiraan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Booliska looga baahan yahay in dadka deegaanka ay u isticmaalaan qaab sirdoon ah, si ula socdaan xaaladda deegaanadaasi. Al-Shabaab ayaan tan markii la guda galay sanadkaan cusub ee 2020-ka kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in dowladda dhexe ay marar badan isku dayday iney qalqal siyaasadeed ka dhex abuurto deegaannada Puntland. Dani ayaa isaga oo ku sugan Boosaaso wuxuu sheegay in marar badan ay dowladda fariimo usoo dirtay waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi si ay uga horyimaadaan maamulkiisa. Wuxuu kale oo uu sheegay in illaa iyo haatan ay dowladda waddo sidii ay isaga horkeeni lahayd maamulkiisa iyo odoyaasha dhaqanka ah. Dowladda ayuu ku eedeeyey iney ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka, horumarinta dalka, taas bedalkeedana ay bilowday iney iska horkeento hoggaanka maamullada dhisan iyo shacabkooda. Ugu dambeyn, madaxweyne Dani ayaa ugu baaqay waxgaradka ku sugan Boosaaso ineysan ku kadsoomin dhagarta uu sheegay iney waddo dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari wuxuu sheegay in muhiim ay tahay wadashaqeyn dhexmarta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Wuxuu tilmaamay in isaga uu ogsoonyahay in aanay shaqo socon karin haddii aanu jirin is ixtiraam iyo wadatashi, isaga oo hadalkiis intaa raaciyey in dowladda dhexe waajib ku tahay in dowlad goboleedyada ku ixtiraamto shaqooyinkooda. Talo aan wadaag lahayn waxbo ma tareyso qof walbo mas’uuliyadda uu hayo in lagu ixtiraamo waa shey aan meel looga wareego lahayn, ninka federaalka jooga in lagu ixtiraamo, kan maamul goboleedka jooga lagu ixtiraamo, wadatashina uu jiro Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay shacabka Puntland ee uu martida u yahay iney la shaqeeyaan maamulkooda, kana fogaadaan wax walbo oo dhib u keenaya midnimadooda. Puntland ayuu sheegay sababta uu haatan u tagay iney tahay inuu uga mahadceliyo sidii Puntland shacab iyo mas’uuliyiin u garab istaageen maamulkiisa oo culeys badan kala kulmay dhanka dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta oo Sabtiya ku shirsan madaxda ugu sarraysa Puntland iyo Jubaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan wasiirada labada dhinac. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa si wadajir ah u guddoominaya shirkaasi, oo ku saabsan iskaashiga labada dowlad goboleed, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha falanqeeyay arrimaha siyaasadda, Puntland iyo Jubaland, waxay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan sida loo wajahayo hannaanka doorashada 2020/2021-ka iyo dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Xeel-dheerayaasha, ayaa sidoo kale sheegaya in Puntland iyo Jubaland, ay hadda aragti midaysan ka qabaan khilaafka xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo ay aaminsan yihiin in xallinta khilaafkaasi, uu ku imaan karo in dowlad goboleedyada lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Jubaland oo shir uga socdo magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray guri ku yaalla xaafadda Fagax, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Gurigan ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen dhallinyaro badan, islamarkaana la tilmaamay in habeenkii isaga fiidsadan jireen, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan Bamka ah ku dhaawacmay in ka badan 10 qof, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo kala qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho qaarkood. Sida ay inoo sheegeen dadka ku dhaqan xaafaddan qaarkood, Labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal baaritaan ah, mana jirto weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Yaaqshiid iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka ee degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu khasaare xoogan ka soo gaaray dad shacab ah oo xalay lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Fagax, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Weerarka ayaa dhacay xilli ay dad badan oo isugu jiray rag iyo dumar ay ku caweynayeen gurigaasi, kuwaas oo la sheegay inay mar weliba isugu imaan jireen halkaasi. Ugu yaraan illaa 10 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad daris la ah hoyga la wareeraray. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdii weerarka fulisay ay si aayar ah goobta isaga baxsatay, waxaana falka kadib meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan geystay. Wararkii ugu dambeeyey ee aynu ka haleyno Yaaqshiid waxa ay saaka sheegayaan in ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ay howlgallo ka wadaan, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarka. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoojisay amniga Caasimada oo ay howlgallo joogta ah ka wadaan ciidamada Booliska.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada Milatari ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga wadaan deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii halkaasi looga saari lahaa Al-Shabaab. Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dagaalameen agagaarka deegaanka Xaaji Cali, kaas oo geystay khasaare kala duwan. View the full article
-
Ciidamada AMISOM ee howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa qeybta Jubbaland ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyey shacabka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Deeqda ayaa isugu jirtay raashiin iyo bustayaal qabowga laga dugaashado. AMISOM ayaa sheegtay in deeqdaasi ay ugu talagaleen qoysaska ay saameeyeen roobab dhaliyey fatahaado oo ka da’ay halkaasi, islamarkaana ay joogteyn doonaan gargaarka ay siiyaan dadka shacabka ah. Mukhtar Axmed Sahal guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Dhoobley ayaa AMISOM uga mahadceliyay deeqda ay gaarsiiyeen degmadaasi, isaga oo hadalkiisa intaasi ku daray in dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale u caawiyeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. AMISOM oo Soomaaliya ka howgaleysa dhowr iyo toban sano ayaa inta badan deeq gargaar ah gaarsiisa meelaha ay ka jiraan xaaladaha bani’aadanimo. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab weerar afar jiho ah ay ku qaadeen degmadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Inta la xaqiijiyey labo askari oo Boolis ahaa ayaa ku dhintay dagaalkaan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi oo uu xoogiisu ka dhacay halka loo yaqaano Mukayga. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Dagaal culus oo ka dhacay Afgooye & weerarkii ugu dambeeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Sahabaab weerar dhowr jiho ah ay ku soo qaadeen degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan oo qeyb ka ahaayeen madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga oo ka tirsan Afgooye. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ku dhowaad 5 askari, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ay dib u laabteen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab. Inta badan degmada Afgooye ayaa weeraro mir ah la kulanto, waxaana khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmadaais. -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-18012020-sx.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa kulan gaar ah oo ay la qaateen Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender, ayaa waxay kaga wada-hadleen xaalad guud ee Somaliland, iyagoona u gudbiyay dacwad ka dhan ah Biixi. Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali ayaa waxa kale oo kulankaasi ay la qaateen Ben Fender ku wehlinayey Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska, Mr Stuart Brown. Kulankaasi ayaa waxa si gaar ah diirada loogu saaray sidii ay Somaliland uga qabsoomi laheyd doorasho 2020-ka, midaasi oo waqti xaadirkan uu hadheeyay muran baahsan oo u dhaxeeya Mucaaridka iyo Xukuumada Biixi. Labada Guddoomiye ayaa u sheegay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb Ben Fender iyo Mr Stuart Brown, in xukuumada Kulmiye ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay waqti xaadirkan diyaar u aheyn in doorasho dhacdo. Xisbiyada Mucaaridka ayaa u muuqda inay Biixi kaga dacwoonayaan Amb. Ben Fender si ay dowladiisu ay cadaadisyo hor leh u saarto Madaxweyne Biixi, si ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsooman waqtigooga. Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku khilaafsanaa Komishanka cusub ee doorashooyinka, midaasi oo kor u sii qaaday muranka baahsan ee ka taagan arrimaha doorashooyinka.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo kulamo isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ka wadaan Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan tan gobolka Bari. Deni oo weerar dhanka afka ah ku qaaday dowladda federaalka ayaa ku eedeeyey inay dhibaato ka wado gobolkaasi, islamarkaana ay ku mashquulsan tahay arrimaha Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad ka tirsan dowladda dhexe oo ka shaqeynaya, sidii ay isaga hor keeni lahaayeen xukuumaddiisa iyo odayaasha dhaqanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee dowlad goboleedka Puntland. Shaqsiyaadkaas oo uusan carab baabin ayuu sheegay inay fariimo u soo diraan qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka, iyadoo ujeedadu tahay inay ka soo horjeestaan Puntland, si khal khal siyaasadeed looga abuuro deegaanada maamulkaasi. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaan dhaqanka Puntland inay kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida siyaasadeed ee maamulkaasi. Puntland ayaa haatan wuxuu khilaaf xoogan ka dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo muddo soo jiitamayey, wuxuuna saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.
-
8 ruux oo ka kooban laba qoys ayaa Jimcihii shalay la dhigay isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida laga soo xigtay dhaqaatiirta isbitaalkaasi. Dadka sumoobay waxa ku jira carruur yar yar kuwaasi oo midkood uu markii dambe geeriyooday sida ay xaqiijiyeen maamulka isbitaalka gacanta ku haya xaaladda caafimaad ee bukaannada. Mas’uuliyiinta isbitaalku weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ku sumoobaan caanaha in ay la xiriirto wax lagu daray caanaha ama weelka lagu keenay oo aan nadiif ahayn. Balse waxay sheegeen in ay la tacaalayaan xaaladda caafimaad ee bukaannada oo sida ay tilmaameen qaarkood soo soo bogsanayaan halka qaar kalena ay weli daawo iyo baxnaani ku socoto. PUNTLAND POST The post Qardho: 8 ruux oo isbitaalka la dhigay kadib markii ay sumoobeen appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Nin derbi-jiif ahaa oo haatan mulkiile shirkadeed ah Cabdinaasir Maxamuud Nuux Waxyaabaha bulshada soo jiita ee inta badan dhiirra-gelintana u noqda ayaa waxaa ka mid ah isbeddellada dadka qaar ay sameeyaan, gaar ahaanna kuwa marka hore nolosha kala kulma caqabado hoos u dhiga rajada qofka. Dadkaasi isbeddelka cajiibka ah sameeyay waxaa ka mid ah Cabdinaasir Maxamuud Nuux oo ah wiil dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, halkaas oo uu tegay isaga oo yar, iyadoo xilligaas aysan jirin cid uu ka garanayay magaalada. Wuxuu sheegay in 12 sano jir uu ahaa markii uu magaalada imaanayay, isagoona gabbaad ka dhigan jiray gidaarrada ku yaalla magaalada, maaddaama uusan heysan hoy uu ka galo cadceedda maalinkii iyo dhaxanta habeenkii. Cabdinaasir oo reer miyi ahaa, ayaa wuxuu xusay in magaalada uu soo galay isagoo raaadinaya ilbaxnimo iyo in uu u arkayay in waxyaabo badan uu ka faa’iidi doono oo ay ugu horreyso waxbarasho, balse nasiib darro ay taas u suura-geli weysay, maaddaama uusan markaas heysan dhaqaalo uu wax ku baran karo iyo reer uu ku soo hagaagayo midna. Sidee ayuu heerkan u gaaray? Cabdinaasir, intii uu ku jiray nolosha adag ee derbi jiifnimada, haddana kama uusan rajo dhigin in wax uun uu noloshiisa ku maareyn karo uu qabsado, isagoo sheegay in shaqooyin yar yar uu qabanayay muddadaas, sida in uu ka shaqeeyo hoteellada. Carruurta derbi jiifka ah oo inta badan la ogyahay in ay isticmaalaan waxyaabaha maanka dooriya, ayaa Cabdinaasir waxa uu sheegay in uusan weligii isticmaalin koolada balse uu isagu khaadka iyo sigaarka isticmaali jiray, iyadoo weliba saaxiibbadiisna ay xabagta iyo koollada dhuuqi jireen. Cabdinaasir hadda waa aabbe heysta afar carruur ah, waxayna isaga iyo qoyskiisuba ku nool yihiin magaalada Hargeysa oo muddo kahor uu soo galay, noloshii adkeyd iyo duruufihii kala duwanaa ee uu soo maray kaddib, hadda waa milkiilaha shirkad la yiraahdo Al-kheyraad oo kireysa gawaarida takaasida. Wuxuu sheegay in shirkadda oo uu ku bilaabay hal gaari ay haatan yaallaan ilaa 14-gaari, isagoo noloshiisa ay aad isku beddeshay, kana mid ah ganacsatada magalaada Hargeysa. Qaran News
-
Maxaad ka ogtahay awoodda milateri ee Turkiga? Ciidanka Turkiga Saameynta milateri ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe aad loo dareemay, waxaan ugu dambeeyay ciidamada Turkiga uu u diray dalka Libya iyo kuwii kasii horeeyay ee hawlgalka ku fuliyay waqooyiga dalka Suuriya. Turkiga oo sidoo kale kamid ah ciidanka Gaashaanbuurta NATO, saldhig aad u ballaaranna ku leh magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa wargeyska the Global Fire power oo ah mid wax ka qora arrimaha milateriga caalamka waxaa uu ku qiimeeyay in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan bariga dhexe. Ciidanka Turkiga ayaa kaalinta sagaalaad ka galay qiimeyn lagu sameeyay awoodda milateri ee dalalka caalamka oo gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar. Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga. Dalka Turkiga ayaa sida uu qoray GFP waxaa uu ka awood badan yahay dalal ay kamid yihiin Jarmalka, Talyaaniga, Masar, Iran, Israel, Pakistan, Australia, Canada iyo Sacuudiga, waxaana uu awood ahaan ku xigaa dalka Ingiriiska. Awoodda ciidanka cirka ee Turkiga Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya sideetan milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari. Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global fire power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari. Turkiga ayuu GFP sheegay in ay kamid yihiin tobanka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan. Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207. Diyaaradaha xamuulka ee Turkiga Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado. Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay. Awoodda ciidanka dhulka ee Turkiga Gantaalada s-400 Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur. Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272. Awoodda ciidanka badda ee Turkiga Ciidanka badda ee Turkiga Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog. Global Fire Power ayaa sidoo kale soo bandhigay 10-ka da ee milateri ahaan caalamka ugu awoodda badan, waxayna kala yihiin: 1. Mareykanka 2. Ruushka 3. Shiinaha 4. Hindiya 5. Faransiiska 6. Japan 7. Kuuriyada Koonfureed 8. Britain 9. Turkiga 10. Jarmalka Qaran News
-
More than 40 al-Shabaab terrorists were killed by the Somali National Army (SNA), officials said. Source: Hiiraan Online
-
BERLIN (Reuters) - A Libyan military commander waging an offensive to capture the capital Tripoli is committed to a ceasefire Source: Hiiraan Online
