Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, kadib warqad uu soo saaray. Sidoo kale xildhibaanada cusub ee Galmudug oo xubnaha guddi laga soo dhex xulay ayaa sidoo kale ansixiyey. Guddiga oo ka kooban 13 xubnood ayaa wuxuu ka shaqeyn doonaa qaban qaabada doorashada, isagoo looga fadhiyo inuu deg deg ku soo bandhigo jadwalka doorashada. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  2. (SLT-Muqdisho)-Prof. Cismaan Abokor Dubbe oo kamid ah aqoonyahada sida weyn looga yaqaan Somaliland iyo Somalia ayaa hadda magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub. Prof Cismaan ayaa la’sheegayaa in uu u tartamayo jagada Madaxweynaha Federalka Somalia ee doorashada sanadkan 2020/21. Xisbiga cusub ee uu ku dhawaaqay ayuu u bixiyey Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Barwaaqada ee HILOW. Cismaan Abokor ayaa ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka togdheer. Prof. Cismaan Abubakar Dubbe, ayaa waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii Qoray barnaamijka Xisbiga KULMIYE, ee uu olalaha ku galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub. Source
  3. Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ay joojisay hirgelinta mashruuc Baanka Adduunku ku dhisayey Kaabayaasha caasimadaha dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Laakiin Baanka Adduunkana boggiisa internet-ka [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Soo Bandhigay Tacadiyo Caafimaad Oo Loo Geystay Xaaskiisa, halkan hoose ka DAAWO https://youtu.be/onjUhgRS8i4 Source
  5. Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa maanta magaalada Laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool ku soo dhaweeyey Ciidamo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland. Ciidamada oo tiro ahaan gaarayey illaa 30 askari ayey Somaliland sheegtay inay heli doonaan xuquudooda, islamarkaana ay ka mid yihiin kuwa maamulkaasi. Sidoo kale saraakiisha Somaliland ayaa sheegay in ciidamadaani ay Puntland uga howlgali jireen deegaanka Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool. Si kastaba ha’ahaatee weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan ciidamadaasi ku biiray Somaliland. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 2-aad maamulka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen ayaa maanta kulan Dhuusamareeb kula qaatay qaar ka mid ah musharraxiinta u taagaan xil ka madaxweynaha maamulkaasi. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug iyo sida ugu fudud ee looga gudbi karo caqabadaha weli hortaagan Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka lagu soo qaaday tabashada ay weli muujiyaan inta badan musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Gacal oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu baarlamaanka soo magacaabi doodo guddiga doorashada, kadibna la guda gali doono dhimeystirka Galmudug. Dhuusamareeb oo lagu qaban doono doorashadaasi ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa mashquul badan, waxaana ku qul-qulaya wufuud kala duwan. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  7. Labo Soomaali ah oo dadka tahriibiya ayaa lagu maxkamadeynayaa dalka Kenya iyaga oo loo heysto in gabar ka wadeen xerada Hagadheera ee Gaarisa isla markaana ay geeyeen dalka Libya. Cabdikadir Axmed Maxamed and Maxamed Axmed Ahmed Afrah ayaa gabadh marka hore geeyey Nairobi kadibna diyaarad ku geeyey Khardhom iyada oo halkaasi ka gashay Libya. Gabadha oo hadda lagu heysto dalka Libya waxaa loo heystaa madax furasho gaareysa ilaa $10,000 taasi oo haddii la bixi waayo dhibaato lagu sameyn karo. Gabadha aan qoraal u soo dirtay qoyska bishii December ayaa ku sheegtay in labada nin ay wadeen hadana loo heysto madax furasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Riyadh)-dawladda Faransiiska ayaa heegan sare galisay Millatariga uga sugan bariga dhexe iyadoo u dirtay qalabka la socda dhaqdhaqaaqa hawada ee loo yaqaan radar-ka iyo diyaaradaha Dagaalka. Saraakiil ka tirsan xukuumada Paris ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ciidanka Jaguar ee ku sugan xeebaha bari ee Sacuudiga la Xoojiyay. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa dhankiisa sheegay in xiisada colaadeed ee ka taagan bariga dhexe darteed ay heegan u galiyeen Ciidankooda. Millatariga Faransiiska ee ku sugan Sacuudiga ayaa ujeedkooda yahay in ay xaqiijiyaan amniga boqortooyada oo xulafo la ah wadamada reer Galbeedka. Macron ayaa intaa ku daray in Milatariga Faransiiska ay kala qeyb qaadan doonaan kuwa Mareykanka la dagaalanka kooxda Daacish. Source
  9. Cabdikariin Muuse (Qalbi Dhagax) oo la hadlaayey warbaahinta ayaa eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Qalbi Dhagax ayaa sheegay in Madaxweyne Cagjar uu fulin waayey heshiiskii ay wada galeen ismaamulka uu hoggaamiyo iyo Ururka ONLF. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ballantii uga baxay ciidamadii ururkaasi ee lagu biiriyey kuwa dowlad deegaanka, islamarkaana illaa iyo hadda aan waxba loo qaban. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-jaamac.mp3 View the full article
  10. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in lagu xaqiijinayey amniga, maadaama dhowaan doorasho lagu qabanayo magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay ciidamadu ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wax kasta oo qatar ku ah nabadgalayda. Dhinaca kale Xildhibaano ka tiran labada Aqal iyo taliyaha ciidanka qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii ku dagaalamay G/Galgaduud. Qaar ka mid ah mas’uuliyiintaan ayaa tilmaamay in xal laga gaaray xiisadii u dhexeysay beelahaasi oo dhowaan ku dagaalamay duleedka magaalada Cadaado ee gobolkaaasi. Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/warar.mp3 View the full article
  11. JOWHAR (HOL) - Aid agencies operating in HirShabelle have until the end of this month to seek fresh registration or have their licenses withdrawn, the regional government has said. Source: Hiiraan Online
  12. Hooyo lagu magacaabo Amran Maxamed Cusmaan ayaa 16-kii bishan Janaayo 2020 soo jeedisay cabasho ku saabsan gabadh ay dhashay oo maqan, ayna ku eedeysay inay afduubteen ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dalbatay in arrinteeda lasoo farageliyo oo madaxda sare sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ka codsatay inay wax u qabtaan. Nuxurka cabashada Hooyo Amran wuxuu ahaa sida soo socota: Bidix: Hooyo Amran Maxamed Cismaan (Xalane) 1) Inay ka maqan tahay gabar ay dhashay oo ay dibadda kasoo celisay, 2) In gabdho ay wada socdeen ay u gacan geliyeen rag ka tirsan ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya 3) Inay soo dirtay farriin ku saabsan in la isku dayey in la kufsado 4) In askar ka tirsan ciidamada Madaxtooyada loo xiray, kadibna ay CID-da sii deysay 5) In CID-da iyo maxkamadda ay meermeeriyeen askarta Madaxtooyada ee kiiska gashayna ay sii daayeen. 6) Inay laba bilood oo iska daba wareejin ah wax cadaalad ah aysan helin, gabadheediina maqan tahay 7) Inay caddeymo badan oo maqal iyo muuqaal ah heyso, sida: 8) Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo sawirka gabadheeda maqan soo diray 9) Taliye ka tirsan ciidamada Madaxtooyada oo dil ugu hanjabay Hooyo Amran haddii ay arrintan faafiso 10) Baaq iyo codsi ay u dirtay Madaxweynaha inuu arrinteeda soo farageliyo Cabashada Hooyada Soomaaliyeed ee gabadheedii maqan tahay kama duwaneyn, balse way ka xanuun badneyd cabashooyin hore oo dad kala duwan oo cadaalad raadin ah ay u direen Madaxa Sare ee dalka, laguna baahiyey baraha bulshada, kuwaasoo Madaxtooyada iyo dad u dhow ay si degdeg usoo farageliyeen, kana dhigteen waxqabad ay ku faanaan oo iidheh ku sameystaan; laakiin kiiska Amran wuxuu ugu duwanaa iyadoo cidda la eedeynayo ay ahayd Madaxtooyada, jawaabtiina waxay noqotay lama filaan..! Jawaabtii Madaxtooyada, Xeer ilaalinta Milateriga & Warbaahinta Dowladda Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada farriintiisii waxay ahayd jawaab qabyo ah oo qeyb ahaan dembi la’aan ka dhigeysa ciidamada madaxtooyada, balse ku meereysatay in baaritaan la sameeyo, waxna la husado; waxaase soo baxday jawaabtii Madaxtooyada oo adeegsaneysa Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida oo si aan hore loo arag u soo abaabushay war laga sii daayay TV-ga Qaranka oo ah jawaab loo diray Hooyadii cadaaladda u raadisay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxtooyada Qaranka. WARBIXINTA WARBAAHINTA DOWLADDA LAGA SII DAAYEY Warbixintii jawaabta ahayd ee TV-ga Qaranka uu baahiyey waxay ahayd mid dhinac ka rarran oo xirfad saxaafadeed ahaan khaldan, TV Qaran ahaannaa nasiib darro ah tiiyoo la difaacayo ciidamada madaxtooyada in Hooyo ka cabaneysasay cadaalad darro la ceebeynayo, lana fadeexeeyo gabadhii dhibanaha ahayd ee maqneyd. Nuxurka Warka la jarjaray ee TV-ga Qaranka ka baxay wuxuu ahaa kaliya in kiiska laga berri yeelo oo laga nadiifiyo Madaxtooyada iyo ciidamadeeda. Warbixinta TV-ga waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha soo socda: IDIX: LABA KA MID GABDHIHII LA SOO BAXSADAY AMAAL IYO HOOYADOOD Waxaa la sheegay magaca gabadha maqan (Amal Nur Cusman), waxaana muuqaalkeeda laga baahiyey warbaahinta dowladda, iyadoo aan loola dan lahayn baafin ee lagu fadeexeynayo. (Ma ahayn raadinteeda oo ay waajib ku ahayd Hay’adaha Sharciga ee kiiska gacanta ku hayey). Waxaa la sheegay in dhaqan celin ahaan dibadda looga keenay oo la geyay xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taalla degmada Hodon, ayna ka baxsadeen iyagoo 6 Dumar ah oo afar ka mida dibadda laga keenay. In la adeegsaday mid ka mida gabdhihii Amal la soo xiriirtay ee ay xarunta dhaqan celinta u wada jireen (Ayaan), taasoo AMAL ku eedeysay denbiyo ay ka mid yihiin: inay ahayd qof xanaaq badan, ay abaabushay inay baxsadaan, inay dooneysay inay hooyadeed dacweyso oo safaaradaha dalkii laga keenay ay tagto iyo arrimo kale oo aan haba yaraatee caddeyn lahayn hal dhinacna laga qaatay. Waxaa kaloo la adeegsaday codka hooyada dhashay Ayaan (Meymuun) oo kaliya laga qaatay eedeynta Hooyo Amran oo ah inay ku khaldan tahay inay eedeysay ciidamada Madaxtooyada. Waxaa la adeegsaday nin ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda la sheegay inuu la dhashay hooyo Amran oo difaacaya ciidamada madaxtooyada, sheegayna inay wax caddeyn ah waayeen oo eedeynta ciidamada madaxtooyada ay khalad tahay. JAWAABTA XEER ILAALINTA CIIDAMADA Gen. C/llaahi Buulle Kamey Xeer ilaaliyaha ciidamada Milateriga Jen. C/llaahi Buulle Kamey wuxuu kaliya oo kiiskan uu ka sheegay in markhaati iyo caddeyn loo waayey eedeynta ciidamada Madaxtooyada, isagoo aan faahfaahin sida ciidamda Madaxtooyada ugu lug yeesheen arrintan markii horeba. Xeer ilaaliyaha wuxuuna ka warbixiyey sida gabdhaha usoo baxsadeen wuxuuna markaasi adeegsanayey shir jaraa’id oo ay soo abaabulen, kaasoo ay qabteen gabdhihii lasoo baxsaday oo dhinaca kale hooyo Amran ay ku eedeysay inay gabadeeda u gacan geliyeen ciidamada Madaxtooyda. Xeer ilaaliye Kamey isagoo gacanta ku haya sawirka gabadha maqan ee AMAL ayuu amar ku siiyey CID-da in raadiso ayna dhinacooda Maxkamadda ciidamada iska wareejiyeen kiiska mar haddii aysan ku lug lahayn ciidamada Madaxtooyada. Wuxuu ahayd Dacwad-ooge go’aan gaaray, warkiisuna kuma caddeyn go’aan Maxkamadeed. MAXAA KASOO BAXAY..? Kiiskan yaabka leh ee ku bilowday cabashada Hooyo Amran, ayna ka danbeysay jawaabta Madaxtooyada soo abaabushay ee Xeer ilaalinta ciidamada iyo CID, wuxuu bannaanka soo dhigay khaladaad fara badan iyo su’aalo ka badan kuwii ay hore u abuurtay Hooyo Amran markii ay baraha bulshada iyo warbaahinta maciinsatay 2 bilood kadib. SU’AALAHA KA DHASHAY 1- Kiiskan labada bilood socday ilaa heerkii ayuu gaaray.. Maxkamad miyaa xukuntay..? mise dhexda ayaa laga bixiyey..? (Jawaabta dowladda laguma caddeyn) 2- Sidee ciidamada Madaxtooyada iyo saraakiishooda ugu lug yeesheen kiiskan oo heerkaas ula gaareen..? (Sarkaalka Madaxtooyada ee sawirka gabadha soo diray halkee ka keenay..:) 3- Taliyaha Madaxtooyada ka tirsan ee u hanjabay Hooyo Amran maxay ahayd kaalintiisa…? Maxayse ahayd Lacagta la weydiisay Amran ee madax furashada ah..? 4- Gabdhaha lasoo baxsaday Amaal ee hadda eedeynaya iyo hooyadood maxaa kala dhaxeeya madaxtooyada? (Ogow… Dhinaca Hooyo Amran waxay u yihiin eedeysanayaal gabadheeda u gacan geliyey ciidamada madaxtooyada). 5- Maxay CID-da kiiskan si fiican ugu baari weyday..? [Sidee ciidamda dowladda iyo Hay’adaha Amniga u weyn karaan qof ku sugan magaalada Muqdisho oo heysata Telefoon shidan oo farriimo kasoo direysa..?] 6- Maxay CID-da ula hadli weysay saxaafadda oo kiiskan u faahfaahin weyday? 7- Maxaa keenay in xeer ilaalinta ciidamada Milateriga ay warbaahinta ka difaacdo ciidamo eedeyn loo jeediyey..? Aaway go’aankii Maxkamadda ciidamada intii xeer ilaaliye go’aan ka gaari lahaa kiis heerkaas gaarsiisan..?! WARBAAHINTA DOWLADDA 1- Warbaahintii Qaranka ee jawaabta Madaxtooyada sii deysay iyo weriyihii soo diyaariyey Warkan waxay iska indho tireen xaqii loogu lahaa inay arrinta laba dhinac ka eegaan kiiska, sooma hadal qaadin dhinacii kale ee Hooyo Amran, waxay xukumeen inuu warkeedu ahaa sheegasho, iskuma dayin inay wax baaraan ee waxay fadeexeeyeen gabadha dhibaha ah ee maqan, isagoo weriyuhu u muuqday inuu dagaal kala dhaxeeyo..! waxay baahiyeen muuqaalkeeda iyo magaca goobtii dhaqan celinta, waxayna si ulakac ah cod u siiyeen dhinac kasoo horjeeda dhibanaha oo arrimo badan ku eedeynaya caddeymo la’aan. SAAMEYNTA KIISKAN YEELAN KARO Kiiska gabadha maqan ee AMAAL wuxuu kaloo xiriir dibadda us oo saaray jiritaanka xarumaha dhaqan celin oo Muqdisho ka howlgala kuwaasoo shaqadooda shaki badan ka taagan yahay, arrimo baddanna laga sheego, waana arrin u baahan wax ka qabasho iyo baaritaan kale. Wuxuu kaloo saameyn ku yeelan karaa dal ama dalalka laga keenay gabdhahan, taasoo dib ugu soo laabaneysa qoysaska Soomaalida ee qurbaha ku dhibaateysan, caruurtoodana kala soo carara, iyadoo warbixintan ay waalidiinta u abuureyso denbi. GUNAANAD Qareenada Soomaaliyeed, Warbaahinta xorta ah iyo inta samaha jecel waxaa saaran in xaqiiqada kiiskan laga daba tago oo la soo faqo halka ay wax iska qaban waayeen, si loo ogaado cidda dembiga leh iyo cidda lagu tacadiyey mar haddii Madaxweynihii iyo Madaxtooyadii cadaaladda laga raadiyey lagu hungoobay.
  13. (SLT-Hargeysa)-Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa saacadihii U Danbeeyay Loo Jeedinayay Dhaleecayn Ka dib markii ay dhimatay Gabadh Yar oo Loo Waayay Haanta Naqaska. Qoraal ay barteeda Facebook Ku Baahisay Khadra Halgan oo Goog u ahayd Dhacdadan ayaa Tidhi ” Isbitaalka guud ee Hargaysa hadii aanay oxygen oolin miyaa la iska xidho maxaa dadka loogu lu’goynayaa. Maanta duhurkii ayaannu ilmo yar oo laba sano jirta oo walaalkay dhalay aannu gaynay ma aaminaysaa ilmahaa yar oxygen baannu uga waynay cusbitaalka wayn oo waxa ay yidhaahdeen 4xabo ayaa yaala oo la idinma siinayee magaalada ka doonta. Markii dambe haantii oo madhan ayay $100 oo damaanad ah naga dhigeen Intii aannu ku maqnayn oxygentii kale ee aannu buurta kalajeexan ka doonay ayay inantii yarayd naftu kasii baxday Inkastoo aan la oollin karin naf baxaysa hadana cusbitaalka guud ee caasimadda dayac baa yaala.” Source
  14. Wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in maanta amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan albaabada la’isugu laabay xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi. Cali Muxumed Caraale ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka uu ku amray inay gabi ahaan joojiyaan shaqada xaruntaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Tallaabadaan ayaa timid kadib markii xaruntaan lagu eedeeyey arrimo la xariira musuq-maasuq oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ka cabanayeen dadka shacabka ah. View the full article
  15. In early 1978, Kenyan-Iranian relations came under great strain over the Ogaden war between Ethiopia and Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland maanta uga fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamo ku gaareen deegaano ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-ShabaabAl-Shabaab, kuwaas oo hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu dagaallo ay la galeen Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Korneyl Idiris Kuusow Cabdi oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa howlgalkaasi ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay jab gaarsiiyeen Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Bangaani, Araare iyo Maleeley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaq Milatari oo xoogan laga dareemayaa gobollada Jubbooyinka ee hoostaga maamulka Jubbaland. Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe xoojiyey dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-19012020.mp3 View the full article
  18. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Wiil dhalinayro ah oo la sheegay inuu shacab ahaa. Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Maxamed Macalin ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka uu u dhacay dilkiisa. Wararka qaar ayaa sheegayo inay wiilkaan dileen kooxo ku hubeysan buskoolad balse wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegaya in wiilkaas ay dishay xaaskiisa kadib muran soo kala dhex galay labadooda. Wiilkaan la dilay ayaa Abbe u ahaa sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen 9 Caruur ah, isla markaana Xaaskiida dilka u gaysatay ay u dhashay. Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxaana ay ka wadaan baaritaano ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay. Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayan in Cabdisalaam Maxamed Macalin uu la shaqeeynayan muddooyinkii dambe Maamulka Degmada Afgooye, hayeeshee Maanta xilli uu ku sugnaa Bartmaha Magaalada la toogtay. Degmada Afgooye ayaa xiliyadda qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta kooxda Al-shabaab.
  19. (SLT-Hargeysa)-Maanta waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ka aqbalay warqaddii is casilaadda ahayd ee uu shalay u soo gudbiyey Amb Axmed Safiina, xilkiina waxa uu ku wareejiyey Xafiiska Guddoomiyaha. Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu waxa uu rejeynayaa Mudane Safiina in Ilaahay ku garab-galo musqtaqbalkiisa siyaasadeed iyo dedaalkiisa aqoon korodhsi. Source
  20. Musaasabad ka dhacday xarunta Gobolka Benaadir ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay agaasimaha cusub ee waaxada waxbarashada Gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheikh Nur isagoo kala wareegay asaagimihii ka horreeyay Cabdinaasir Rooble Abuukar. Marwo Basma Caamir Shakeyti guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Benadir oo goobjoog ahayd munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah ay leedahay waxbrashada Gobolka islamarkaana looga fadhiyo agaasimaha cusub inuu la yimaado dardargelin iyo wax qabad muuqda. Dhawaan ayey hayd markii uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nur u magacaabay agaasimaha waaxda waxbarshada ee Gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Shalay oo sabti ahayd waxaa lasoo bandhigay Aduun gaaraya 112 oo loogu talagalay Horumarinta Magaalooyinka Garowe, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo, Laakiin Raysal wasaare Kheyre ayaa [...] Source
  22. (SLT-Laascaanood)-Xukuumadda Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo bandhigay Ciidamo badan oo ay sheegtay inay ka goosteen maamul Gobolleedka Puntland, kuwaasi oo ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Ciidamadan oo tirro ahaan lagu sheegay 30 Askari ayaa waxaa la socday Saraakiil, waxaana lagu soo bandhigay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyagoona Puntland u joogay Degmada Boocame ee Gobolkaas. Sidoo kale Ciidamadan kasoo goostay Puntland ee ku biiray Soomaliland ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Sool iyo kan degmada, isla markaana waxaa lagu wareejiyay Taliyaha qeybta Booliska Sool. Source
  23. The UAE has strongly condemned the bomb attack in Somalia that claimed several lives and left many injured. The bomb struck near the town of Afgoye about 30 kilometers west of the capital (Mogadishu), killing four people and wounding several others including several Turkish nationals, said local police officer Abdirahman Adan. In a statement issued by the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, the UAE expressed its strong condemnation of these criminal acts and its permanent rejection of all forms of violence aimed at destabilizing security and stability that is incompatible with religious and human values and principles. The Ministry condoled with the families and relatives of the victims and wished a speedy recovery for all the injured. Four people were killed in a car bombing in Somalia on Saturday that apparently targeted Turkish engineers working on a road near the capital Mogadishu, police and witnesses said. The attack was claimed by the Al Qaeda-linked militant group Al Shabaab, which has stepped up its activities in Somalia and neighboring Kenya in recent weeks. “The blast was huge, it destroyed a container used by the Turkish engineers who work on the Afgoye road construction,” said witness Muhidin Yusuf. “There were police who were guarding the Turkish engineers and several other people gathering near the checkpoint where the temporary shelter is located,” said another witness Ahmed Said. “I saw the dead bodies of several (people) and Turkish workers who were wounded in the blast.” The terrorist group, which has fought for more than a decade to topple the Somali government, has carried out a series of attacks in recent weeks including a massive car bombing in Mogadishu on December 28 that killed 81 people. And on January 5, the militants stormed a military base used by US forces in Kenya’s coastal Lamu region, killing three Americans. Last week, Al Shabaab warned that Kenya will “never be safe”, threatening tourists and calling for more attacks on US interests. View the full article