Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ballaaran oo weli ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 5-aad ee guutada 16-aad ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka J/ Hoose. Howlgallada ayaa xoogoodu ciidamadA waxa ay ka fuliyeen agagaarka degmada Kamsuuma, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu dagaallo ay kala kulmeen dhanka Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan. Taliyaha ururka 5-aad ee guutada 16-aad ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi iyo u jeedkooda, isagoo tilmaamay inay khasaare gaarsiiyeen Shabaab. Ciraaqi ayaa sheegay inay toogasho ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaceen tiro kale, kadib dagaal ay la galeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Malaayleey, Janaale Gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo deegaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km u jira degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in jeedka dhaq dhaqaaqyadaan uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari deegaanada gobolkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas iyo dagaallada ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
  2. (SLT-Iran)-Dawladda Iiraan ayaa dhaleeceysay Millatariga Faransiiska ee jooga bariga dhexe kuwaasi oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Argagixisada. Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iiraan Cabaas Museyfi ayaa dhaleeceyay ciidanka Faransiiska ee ku sugan bariga xeebaha Khaliijka oo u dhow Iiraan. Hadalkaan ayaa imaanaya laba maalin kadib markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu xaqiijiyay in ay xoojinayaan qalabka difaaca ciidankooda ku sugan xeebaha Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga. Mr Cabaas ayaa yidhi joogitaanka Millatarigiina waa qalad maxaa yeelay waxay joogaan Biyaheena. Dowlada Iiraan ayaa intaa ku raacisay in ay ogolaan doonin gardarada Faransiiska iyo cidwaliba oo ku soo xadgudubta Biyaheeda. Source
  3. (SLT-Berlin)-Hogaamiyeyaasha wadamada Yurub ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xabad joojin rasmi ah oo laga gaadho colaada sokeeye ee ka taagan dalka Liibiya oo dhaca waqooyiga Afrika. Qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Liibiya oo ka furmay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in ay rajeynayaan heshiis buuxa in ay gaadhaan garabyada ku loolamaya Siyaasada. Shirka ayaa oo ay soo qaban qaabisay dowlada Jarmalka ayaa waxaa lagu casuumay Ra’isul Wasaaraha Fayes Al-Siraaj iyo hogaamiyaha mucaaradka ee heesta dhanka bariga Janaraal Khaliifa Xaftar. Tan iyo markii ay burburtay xukuumadii uu hogaamin jiray Corneyl Mucammar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii ayaa dalkan hodanka ku ah saliida wuxuu madaxa la galay dagaal sokeeye oo laba u kala qeybiyay Liibiy Source
  4. Wararka laga helayo magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Haddaba maamulka degmadaasi Marka ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay dagaalka halkaasi xalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaasha Al-shabaab. Guddoomiyaha degmada Marka C/llaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay inay ka war hayeen weerarka ay Al-shabaab xalay ku soo qaadeen fariisimaha Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Marka, gaar ahaanna Guutada 14 October islamarkaana ciidanku iska difaacay weerarkaasi “Meel 8KM u jirta Marka ayay weerar ka soo qaadeen, galabtii ayaa la ogaa, xogtooda waa heynay, dadka deegaanka ayaa farrimahooda na soo gaarsiiyay, waana loo diyaar garoobay, markii ay wax soo tuur tuureen ayaa ciidamada u jawaabeen, waana la iska caabiyay”ayuu yiri Waafow oo warbaahinta la hadlay. Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka inkastoo uu ku gaabsaday in weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab la iska difaacay oo dib loo caabiyay. Xaalada magaalada Marka ayaa saaka ah mid degan, waxaana saaka duleedka magaalada ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka Guutada 14 October ee gacanta ku haya ammaanka magaaladaas. PUNTLAND POST The post Maamulka degmada Marka oo faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay degmadaasi appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Boosaaso)-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Xabsi ku yaalla waxaa xalay lagu xidhay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland, kuwaasi oo gaadhay Magaaladaas. Xubno ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa xaqiijiyay in Boosaaso lagu xidhay Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda Magaciisa lagu sheegay Eng Maxamed Cali Beeldaaje. Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta loo xidhay Mas’uuliyiintan ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha Musuq-maasuq ay sameeyeen, waxaana markii dambe lagu lagu xidhay Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso. Weli ma jiro wax war ah faah faahin ah oo laga bixiyay Musuq-maasuqa lagu eedeeyay inay sameeyeen Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda. Source
  6. (SLT-Cape Town)-Koox budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa ganacsatada halkaas kunool, iyadoona mid kale lagu dhaawacay. Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Badhtamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town, iyadoona muwaadinka ay dhowr xabadood ay ku dhufteen rag hubeysnaa, isagoon goobta ku geeriyooday. Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Degeb, kaasi oo kamid ah dhalinyarada Caan ka ahaa gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in halkaas uu ku lahaa goob ganacsi. Dhinaca kale budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa isla xalay Magaalada Cape Town fal dhaawac ugu geystay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, kaasi oo kamid ah ganacasatada kunool Magaalada. Qaar kamid ah ganacsatada ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Mustaf falka kadib loola cararay goob Caafimaad oo ku taalla halkaas, isagoona haatan halkaas lagu dabiibayo. Source
  7. Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad Drone ah ay ku dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi. Diyaaradda oo ay ku xirnaayeen Kaamirooyiin ayaa waxaa loo maleynayaa inay laheyd dowladda Mareykanka. Al-Shabaab oo gacanta ku heysa Tooratoow ayaa soo bandhigtay Sawirro muujinaya burburka diyaaraddaasi. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay taliska Africom iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan diyaaraddaasi. Inta badan diyaaradaha Mareykanka oo ka soo duula garoonka Balidoogle ayaa duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. – Waxaan qirsanahay xaaladda adag ee ay mudada labada sano ah kusoo jireen., waxaana ku ayiday go`aankooda ah in ay sameystaan nolol cusub oo u gaar ah”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ay soo saartay boqoradda. Qoraal ay horay u soo saareen Amiir Harry iyo marwadiisa Meghan ayay ku sheegeen in ay isaga baxeen safka hore ee daladda reer boqorka Ingriiska kaddib bilo ay arrintani ka baaraandagayeen. Qoyskan da`da yar ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay isku tashan doonaan dhaqaale ahaan iyo in ay keligood taagnaadaan, balse ay taageero buuxda iyo garab-istaag u hayaan boqoradda oo Harry ayeydii ah. Meghan Markle iyo Amiir Harry ayaa sheegay in ay u dhaxeyn doonaan deegaan ahaa Waqooyiga Ameerika iyo Britain. “Khilaafka” u dhexeeya Amiirka iyo qoyskiisa reer boqor ayaa muddooyinkii u dambeeyay bannaanka imaanayay, iyadoona la arkayay faquuq lagu hayo oo ay u dambeeysay dabaaldeggii Chrismaska xilligaas oo sawirka amiirka iyo xaaskiisa laga waayay miiskii ay khudbadda ku akhrineysa boqoradda iyo in ay ka guureen gurigii ay ka dagnaayeen duleedka magaalada London. Meghan ayaa loo badinayaa in ay galaafatay Harry sababo la xiriira in aan lala rabin. Qaran News
  9. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan Boosaaso ayaa ka hadlay khilaafka ragaaday ee kala dhexeeya dowladda dhexe. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo madaxda dowladda federaalka, si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland aysan caqabad ku aheyn dowladda, balse ay wado caburin siyaasadeed,islamarkaana aysan rabin in la wadahadlo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/jaamac-1.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-20012020.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka la xiray gabi ahaan wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah darawallada gaadiidleyda ee isticmaala jidkaasi. Gaadiidleyda aaan la hadalnay ayaa sheegay inay u wareegeen jid cade ka baxa dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray wadadaan oo ay dhismo ka wado shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta ugu weyn ee gaadiidka kala duwan looga joojiyey isticmaalka wadadaasi ay tahay arrimo amni, iyadoona la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay inay xoojiso amniga Injineerada iyo shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha jidka isku xiray magaalooyinka Muqdisho & Afgooye. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay shirkadda ka dalbatay in ay sii wado shaqada dhismaha wadadaasi. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale wadada dhismaha ka socdo geysay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo dhismaha jidkaas, islamarkaana halkaas la geeyo qalab cusub oo ay leedahay shirkadda qaadatay mashruuca, maadaama qalabkii hore uu burbur ka soo gaaray qarixii ugu dambeeyey ee dhowaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah dhismaha wadadan, iyadoo marar kala duwan qaraxyo khasaaro geystay la eegatay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada halkaasi oo uu ugu dambeeyey mid kii Afgooye.
  12. National flag carrier Turkish Airlines (THY) broke an all-time record in terms of the number of female pilots, Source: Hiiraan Online
  13. National flag carrier Turkish Airlines (THY) broke an all-time record in terms of the number of female pilots, Source: Hiiraan Online
  14. Baarlamaanka cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug oo yeeshay kulankoodii labaad kala fadhigii kowaad oo ka qabsoomay xarunta Baarlamaanka dowlad gobaleedka ee Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb,waxaana shir goddoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Maxamed Nuur Gacal, waxaana goobjoog ahaa labadiisa ku-xigeen. Ajandaha kulanka ayaa ahaa isbarashada xildhibaannada, isxogwareysi iyo sidoo kale ku dhawaaqista guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug waxaana madasha goobjoog ahaa 74 Xildhibaan. Sidoo kale guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka kooban 13 xildhibaan kuwaas laga xulay Baarlaamka dhexdiida waxaana meel mariyey joogay 62 xildhibaan waxaan diiday 8 xildhibaan halka kala fadhiga ay ka maqnaayeen 4 xildhibaan. Dhanka kale markii ansixintu soo idlaatay ayaa Xoghayaha Baarlamaanka doowlag gobaleedka Galmudug Sayid Cali Cumar Xirsi, warbaahinta u aqriyay magacyada 13 –ka xildhibaan ee loo soo xolay in ay noqdaan guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug. Xildhibaan Maxamed Mire Axmed. Xildhibaan Cabdi raxmaan Axmed Cigaal. Xildhibaan Xasan Xirsi Xaashi. Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf. Xildhibaan Cabdulqaadir C/llaahi Maxamed. Xildhibaan Shaacir Sheegoow Maxamed. Xildhibaan C/raxmaan Cali Maxamuud. Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahlil. Xildhibaan Axmed C/risaaq C/llaahi. Xildhibaan C/llaahi Abuukar Cali. Xildhibaan Muxiyadiin Sheekh C/llaahi. Xildhibaan Mahad Jilac Warsame. Xildhimaan Amal Axmed Cabdulle. Ugu danbeyn ayadoo lagu dhawaaqay guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa jiray Musharaxiinta ay horay ula kulmeen guddoonka Baarlamaanka ayaga oo ku wargaliyey in la siiyo waqti ay ku soo muujiyaan ololahooda doorashada. Source: goobjoog.com
  15. I used to have pimples and everything. And I have big ears in case you haven’t noticed,” laughs Ebba Tesfaye, now fresh-faced and snappily dressed, in the lobby of a swanky hotel. Rattling through his life story—bullying, drugs, redemption—he pauses only to glad-hand a passing celebrity before rushing to the set of his new tv show. Source: Hiiraan Online
  16. PENANG, Malaysia (AP) — Malaysia has sent back 150 containers of plastic waste to 13 mainly rich countries since the third quarter last year, with the environment minster warning on Monday that those who want to make the country a rubbish bin of the world can “dream on.” Source: Hiiraan Online
  17. Security agencies in Lamu have repulsed a group of about 50 heavily armed suspected Al-Shabaab militants who attempted to attack Pandanguo Village in Witu Division. Source: Hiiraan Online
  18. A United States national is among five terror suspects that are being held by police after they were arrested in Nairobi on Saturday. Source: Hiiraan Online
  19. BEIRUT —Lebanon is bracing for deepening unrest after weekend riots in the capital suggested the country's once-peaceful protest movement is entering a dangerous new phase. Source: Hiiraan Online
  20. Foreign Minister of Somalia Ahmed Isse Awad has commended the great role of Saudi Arabia in the Arab and Islamic worlds, stressing that the kingdom has been the biggest supporter of Somalia since its independence. Source: Hiiraan Online
  21. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ammaanay “Doorka Sacuudiga” ee dunida Carabta iyo Islaamka, waxaana uu sheegay in boqortooyada ay ahayd dalka taageerada ugu weyn siiya Soomaaliya, tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay. Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo khaas ah, islamarkaana uu horumaray tobanaanki sano ee tagay. Waxa uu sheegay in taageerada Sacuudiga uu siiyo Soomaaliya aysan ku koobneyn kaliya maaliyadda, balse ay qeyb ka yihiin siyaasadda iyo dhaqanka. Hay’adda gargaarka ee Boqor Salman, ayuu sheegay, in Soomaaliya ay ka fulineyso mashaariic gaaraya 40, oo ku kacaya guud ahaan 184 milyan oo dollar. Mar wax laga weydiiyey xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, Cawad waxa uu sheegay inuu wanaagsan yahay islamarkaana Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga mahad-celineyso taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ay siiso. Isaga oo ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa Cawad waxa uu sheegay in dalka muddo lagu yaqaan dhex-dhexaadnimo, islamarkaana ay ka go’an tahay inuu siyaasaddan sii wado. “Siyaasaddeena waxaa qeyb ka ah inaan kala saarno dalalka walaalaha nala ah iyo kuwa saaxiibka nala ah, iyo xiriirada aan la kala yeelaneyno,” ayuu yiri. Soomaaliya ayaa markii ay is-qabteen xulufada Sacuudiga iyo Qatar, waxay dooratay siyaasad dhex-dhexaadnimo, hase yeeshee loo macneeyey taageero Qatar. Dhinaca kale, wasiirka ayaa amaanay isbaheysiga dalalka Gacanka Cadan iyo Geeska Afrika ee dhowaan looga dhowaaqay dalka Sacuudiga, wuxuuna taageeray go’aanka xarunta isbaheysigan looga dhigay magaalada Riyadh, taasi oo sida uu sheegay ka tarjumeyso doorka Sacuudiga ee dalalka Islaamka iyo Carabta.
  22. Cadale (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay amar ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku wajahnaa dagaalkii maleeshiyo beeleedka u dhaxeeyay ee ka socday degaanka Burdheere oo ka tirsan degmada Cadale. Dagaalkaan oo kii ugu dambeeyay dhacay bishii Marso ee sanadkii hore ayaa tan iyo wixii markaas ka dambeeyay ku jiray Al-Shabaab oo laba jeer kulmiyay odayaasha dhaqanka ee labada beel. Sida ay qaar ka mid ah odayaasha u sheegeen Caasimada Online, Al-Shabaab ayaa ku amray odayaasha in la joojiyo dagaalka iyo dilka, cidii u hogaansami weysana ay ka qaadi doonaan talaabo adag. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa u sheegay odayaasha in ay soo gudbiyaan khasaaraha kala gaaray kadibna sida lagu xalin doono ay go’aamin doonaan Al-Shabaab. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kaliya xogta khasaaraha aysan soo gudbin doonin dhinacyadii dagaalamay balse ay dhankooda baari doonaan Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegay in muddo sanad ah lagu dhameen doono muranka degaanka islamarkaana ay Al-Shabaab sameyn doonaan soodinta dhulka la isku haysto. Labada beel ayaa u hogaansamay amarka Al-Shabaab, waxaana hadda si nabad ah ay ugu wada nool yihiin goobihii lagu dagaalamay laakiin waxaa ka mamnuuc ah isticmaalka waxyaabihii uu dagaalka ka bilaawday. Dhaq dhaqaaqa ay dowladda Soomaaliya kawado degaanka Xaaji Cali nawaaxigiisa ayaa la sheegay in uu yahay mid salka ku haayo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee beelaha ka dhaxwadaan iyo soo gelitaanka Al-Shabaab ee degaanka Geelgub oo ilaa hadda ay haystaan. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle ayaa hore ugu guul dareestay in ay xaliyaan dagaalkaan oo muddo dheer soo jiray kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo bur bur hantiyadeed.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarumaha Safaaradaha Turkiga iyo Imaaraadka ee ku yaalla xeebta liido, ammaanka dekadda Muqdisho iyo nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya kadib markii la sheegay in la helay xog sheegeysa in ay Al-Shabaab qorsheeyeen weeraro argagixiso. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in hay’adaha ammaanka lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan weeraro argagixiso oo gawaari loo adeegsado, waxayna arrintaas sababtay in la adkeeyo ammaanka. Waxaa la baarayaa dhamaan gaadiidka isticmaala goobaha aan soo sheegnay oo aan markii hore baaritaan mari jirin, sidoo kale waxaa la keenay ciidan iyo gaadiid dagaal oo hareeraha laamiga safan, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadanayaan ammaanka magaalada Muqdisho. Lama sheegin nuuca gaariga iyo tirada kooxda la sheegay in xogtooda la helay ee weerarka soo ah, laakiin waxaa la sheegay in gaarigaas iyo kooxda saaranba ay ku sugan yihiin Muqdisho. Adkeenta ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha aan kor ku soo xusnay ayaa sidaan oo kale adkaa wixii ka dambeeyay weerarkii sabtidii ka dhacay waddada Afgooye. Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in xarumahaasi ay weeraraan oo ay ugu horreeyaan Safaaradda Turkiga iyo Dekadda Muqdisho oo ay maamulaan Turkida. Al-Shabaab ayaa sabtidii weeraray Kolonyo Turki ah oo ku sugnaa meel u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Cismaan Abuukar Dubbe, oo kamid ah Aqoonyahanka sida weyn looga yaqaano deegaanada Somaliland, isla markaana ka soo qeyb qaatay Doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shalay Xisbi cusub kaga dhawaaqay Muqdisho. Prof Cismaan Dubbe ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Nabadda, Barwaaqada iyo Midnimada ee la soo gaabiyo ‘HILOW’. Aqoonyahankan oo ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa waxa uu kamid ahaa Shaqsiyaadkii qoray barnaamij siyaasadeedkii uu Xisbiga Kulmiye ku galay ololihii doorashada, isla markaana uu ku soo baxay Madaxweynaha talada haye ee Muuse Biixi. Waxaana uu si dhow ula shaqeyn jirey Prof Dubbe waqtigii uu loolanka adag ugu jiray xilka Madaxtinimada Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi, oo xiligaa xisbiga Kulmiye ugu sharaxnaa madaxtinimada. Prof. Dubbe oo ka hadlaya xisbiga cusub ee loo diiwaan galiyay, ayaa waxa uu yiri “Waxaanu hadda ka soo baxnay xafiiska guddida diiwaan-galinta asxaabta qaranka Soomaaliya oo aanu ka soo diiwaangalinay xisbi cusub oo hankiisa, himiladiisa iyo hoggaankiisuba ku cusub yihiin dhagaha iyo maqalka shacabka Soomaaliyeed”. “60-sanadood ayaa ka soo wareegtay markii Soomaalidu xornimada ay qaadatay ee ay ka qaadatay gumaysigii qaybiyey ee kala qoqobay, ummadihii wakhtiga inala qaatay xoriyadda 60-kaa sanadood ka hor ee dawladaha dunida ka mid ahaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Maantana waxay dageen oo ummadahoodii ay dajiyeen gurya-samo, gayigoodiina waxay ka dhigeen guri barwaaqo ah oo nabadd ah oo xasiloon. Laakiin nasiib-darooyin, dagaalo iyo dib u dhac ayaa ahaa inta kaga soo aaday Soomaalida, qaybtii ay duniddu qaybsatay”.