Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maantay waxaa Saldanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay caasimadda dalkaas Masqad. Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha waxaan goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas, halkaas ayaa Boqorka iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doono Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid. Waxaa la filayaa maalmaha soo socda Boqorku inuu ku sugnaan doono Dalka Cumaan, oo masuuliyiin sare la kulmi doono, waxaa kaloo la filayaa inuu booqan doono Magaaalada Salalah ee ay ku badantahay Soomaalidu. Waxaa xusid mudan Boqorku inuu safarkiisii ka soo kicitimay dalka Imaaraatka Carabta halkaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah amiirada dalkaas. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan oo lagu soo dhaweeyay caasimadda dalka Cumaan appeared first on Puntland Post.
  2. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac saacadihii la soo dhaafay ganacsato Soomaali ah loogu geystay gudaha wadanka Afrika. Wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay xalay xaafad ka tirsan magaalada Cape Town ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kuna dhawaaceen mid kale, kuwaas oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha maagaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Nuur Degeb, halka midka la dhaawacay magaciisa lagu soo koobay, Mustaf. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dalka Koonfur Afrika. Dilkaan ayaa noqonaya kii labaad oo Soomaalida loogu geysto South Afrika, tan markii la guda galay sanadkaan cusub ee 2020-ka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-20012020.mp3 View the full article
  4. Malaayiin isticmaaleyaasha Allada WhatsApp ayaa ku qasbanaan doona inay iibsadaan taleefano Maskaxda leh ee casriga ah oo la jan qaadi gara Alladda WhatsApp ee Cusub ee la soo wado, Waa haddii ay rabaan inay sii wadaan adeegsiga barnaamijka farriin diraaha iyo maqalka ee bilaashka ah ee WhatsApp. Laga bilaabo bilowga bisha soo socota ee Febraayo, Aalado kala duwan oo ku shaqeynaya Barnaamijka iOS iyo Android ayaana la jaan qadi doonin ama la shaqeyndooni Alladda WhatsAppka – taasoo ka dhigeysa in qaarkood ay uu baahandoonan Dib uu Casriyeen ama wax afka qalaad lagu yirahdo(Upgrade). Alladan WhatsAppka Waxaa iska leh Shirkadda Qabilsan warbaahinta bulshada Ee Facebook, WhatsApp ayaa waxa uu u digaya dadka isticmaala Fariin diraah Bilaashka ah in uu soo wadaan isbeddel dhanka ay ku sameynayaan Alladooda , kaas oo socday muddo bilooyin ah, laakiin waxaay Maanta ugu dambeyntii la xaqiijiyay inay si rasmi ah u dhaqan gali doonaan isbadalka soo socda ee dhanka WhatsAppka 1-da Febraayo 2020. Habkan cusub wuxuu macnihiisu yahay in iPhones ku shaqeynaya Barnaamijka ka hooseyaa iOS 7 ineysan mar dambe la jaan qaadi doonin barnaamijka WhatsApp, isla sidoo kale adeegsadayaasha Samsung ee wata aaladaha barnaamijkiisu ka hooseyo Android 2.3.7 ayaan la shaqeyn doonin bisha Febraayo Allada WhatsAppka Soo socda. Tirakoob ay Google sameysay ayaa muujinaya in dad badan ay adeegssanayaan Alladaha Maskaxda leh iyo taleefannadooda oo ay wali ay ku isticmaalan Barnaamijyo gaboobey, Taas oo qiyaastii mujineysa in ay yihiin illaa 7.5 milyan oo aaladood ay tahay in dib uu casriyeen lagu sameeyo sii ay uu sii isticmaalan WhatsApp. In kasta oo ay umuuqato inay tahay go’aan xad dhaaf ah oo ku xadgubaya kuwa inaga mid ah oo ku qanacsan isticmaalka Allada ay haystan ee Barnaamijkoodu uu yahay Duug, shirkadaha sida Facebook iyo WhatsApp waxay joogaan heer ay tahay mid aan suurtoobi karin in barnaamijkooda whatsApp uu la shaqeyo Alladaha Barnaamijka duuga ah wali isticmaala kuwaas oo Barnaamijyadda kala duwaan ay ku shaqeeyan Foogaal Maqalka iyo araguba. Iyaaga oo sharraxaya sababaha ka dambeeya go’aan Qadashadda Cusub, WhatsApp waxaay yirahdeen: “Anaga oo fiirinayno hiigsiga toddobada sano ee soo socota, waxaan dooneynaa inaan diirada saarno dadaalladayada Alladaha Foogal Maqalka (mobile platforms) oo ay inta badan ay dadku adeegsadaan. “In kasta oo aaladaha Fogaal Maqalka iyo Araga ay qayb muhiim ah ka ahaayeen mashruuceen dib uu habeynta ee Alladeen whatsapp in ay la shaqeyso, hadaba ma la jan qaadi karo Barnaamijka aynu soo wadno ee aynu u baahanahay si aannu mustaqbalka ugu ballaarino astaamaha barnaamijkeenna soo socda uu yelaanaayo. “Tani waxaay aheyd go’aan aad uu adag oo aan qaadan lahayn, laakiin marka la eego midka saxda ah ee go’aan qadashadeena waa si aan dadka u siino Allad amaan ah oo wanaagsan oo ay kula xiriiraan asxaabtooda, qoyskooda, iyo kuwa ay aad u jecelyihiin iyaagoo adeegsanaya WhatsApp barnamijkiisa cusub. “Haddii aad isticmaasho mid ka mid ah Aaladahaan Maskaxda leh ee saameynta ku yeelan doonao Barnamijkan, waxaan kugula talineynaa inaad cusbooneysiiso Barnaamijka Android, Barnamijka iPhone ama kan Windows Phone-Ka si aad u sii wadato isticmaalka WhatsApp.” Soo turjume Ali Musa alimusa@axadletimes.com Axadle media Group
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka isaga kala dhexeeyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay iska diiday inay wadahadal la gasho maamulkiis, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen in la soo afjaro khilaafka muddada dheer u dhexeeya labada dhinac. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay inuu isagu ka dalbaday guddoomiyaha Aqalka Sare inuu la hadalsiiyo Madaxweynaha, balse arrintaasi aysan dhicin. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dowladda federaalka aysan lugaha u aheyn arrimo Qabiil, kuwa shaqsi iyo mid dowladeed, balse la isku hayo kaliya ku dhaqanka shuruucda u taalla dalka. “Waxey dad badan aad isu weydiinayaan inaan anagu Dowladda Federalka ka soo horjeedno oo lugaha heyno, qabiil ahaan lugaha ugama heyno, shaqsi ahaan lugaha uma heyno, dowlad ahaan lugaha uma heyno, ee waxaan leenahay waxaan ku heshiinay aan ku dhaqano, waxaa noo yimid Gudoomiyaha Aqalka Sare waxaan ku yiri sharcigii waa kanaa waxaan rabaa inaa Qoorteyda qaado oo madaxweynaha lugtiisa ku xirto, wuxuu jawaab igu soo celiyay waan waayay Qoortaada meel aan ku xiro” ayuu Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Madoobe. Khilaafkaan oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac ayaa ka soo bilowday doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe oo ay ka hortimid dowladda dhexe.
  6. Maamulka gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in Amniga caasimadda Garoowe si ku meel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliiska, islamarkaan lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ciidanka madaxtooyada Puntland. Guddiga Nabad-gelyada gobolka Nugaal oo shirk u yeeshay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska gobolka Nugaal ay ku socoto dib u-habayn, waxaana ay go’aamiyeen in Booliiska si ku meel gaar ah looga wareejiyo Amniga caasimadda mudada ay dib u-habayntaasi socoto. Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyay in kantaroollada Garoowe si deg deg ah loogu raro goobaha loo asteeyay, Booliiskii joogay kantaroolladana lagu beddelo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo ciidanka madaxtooyada. Waxa kale oo guddigu amray, in lala dagaallamo dadka amni-darrada ka wada gudaha caasimadda , gaar ahanna kuwa soo geliyaya maan-dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka iyo sidoo kale dadka soo geliya hubka sharci-darrada ah. PUNTLAND POST The post Amniga caasimadda Garoowe oo lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah appeared first on Puntland Post.
  7. MARKA (HOL) - Somali forces killed at least eight Al-Shabaab militants and injured 11 others in Marka town, south west of the capital Mogadishu Sunday evening, a military commander has confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. MARKA (HOL) - Somali forces killed at least eight Al-Shabaab militants and injured 11 others in Marka town, south west of the capital Mogadishu Sunday evening, a military commander has confirmed. Source: Hiiraan Online
  9. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 31aad ee kalfadhiga 6aad. Ujeedada kulan maanta ee Golaha Aqalka Sare waxaa ka mid ahaa ansixinta hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Guddomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Senatar Maxamed Cismaan Faarax ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey warbixinta akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaaal Maxamed Cismaan iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda. Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Golaha Aqalka sare aya ansixiyey hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, waxaana ogolaaday 31 Senatar, iyadoo ay Golaha ay fadhiyeen 32 Senatar. Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo ansixiyey sharci cusub appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka diidday wadahadal ay la gasho maamulkiisa. Wuxuu tilmaamay in dedaal badan ku bixiyeen sidii ay madaxweyne Farmaajo ugla hadli lahaayeen khilaafyada jira, balse arrintaasi ay meesha ka baxday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu la kulmay guddoomiyaha aqalka sare, islamarkaana ka dalbaday in madaxweynaha la hadalsiiyo, balse arrintaasi aysan dhicin. Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in aysan dowladda lugaha uga hayn arrimo qabiil, shaqsi iyo mid dowladeeda, balse la isku hayo oo kaliya ku dhaqanka shuruucda dalka u taalla. Dadbadan dareenkoodu wuxuu yahay inaan annaga dowladda federaalka kasoo horjeedNa oo lugaha hayno, qabiil ahaan lugaha uma hayno, shaqsi ahaan lugaha uma hayno, dowkad ahaan lugaha uma hayno ee waxaan leeyahay waxaan ku heshiinnay aan ku dhaqanno, waxaa noo yimid guddoomiyaha aqalka sare oo wafdi wata, waxaan ku iri guddoomiye qoorteyda intaad qaaddo oo madaxweynaha Jamhuuriyadda lugtiisa ku xirto oo taa ku kala baxno, laakiin jawaabta uu isoo siiyey waxay ahayd qoortaada meel aan ku xiro waan waayey Ugu dambey, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe iney waddo qalaase siyaasadeed, islaamarkaana ay ku burburineyso maamullo dhisan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay booqasho ku tegay isbitaalka Erdogan, Ex Digfer oo la dhigay Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay weerarkii degmada Afgooye. Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ku aadan xaaladda caafimaad ee Injineerada ka dhageystay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay garab istaagi doonto Muwaadiniintaasi Turkiga ah ee ay waxyeelada soo gaartay, iyaga oo adeegaya walaalahooda Soomaaliyeed, kana shaqeynaya horumarka dalka. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ilaabi doonin garab istaaga ay mar weliba ula heelan tahay dowladda Turkiga. Tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2011-kii Turkiga ayaa taageero kala duwan u fidinayey dowladda Soomaaliya, isagoo mashariic badan ka fuliya gudaha dalka. Dowladda Turkiga, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dalkaasi ayaa sidoo kale dhowaan sheegtay in aysan weerarada Al-Shabaab hakin doonin howlaha ay ka wadaan Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah dhismaha ka socda jidka Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhisayso shirkad Turki ah, iyadoona maanta hakad la galiyey isku socodka wadadaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaalki doonto daaweynta dadkaasi ku waxyeeloobey qarixii Sabtidii la soo dhaafey lagu weeraraey Injineerada Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Bar Koontorool oo ku taalla Afgooye.
  12. Fighters from the militant group Al-Shabaab on Sunday night launched a heavy attack on the southern Somalia town of Marka. The militants attacked a base of the Somali National Army’s 14 October Battalion on the outskirts of Marka town. SNA troops said they repulsed the attack and forced the militants to retreats to where they came from. Area residents said the sounds of artillery and other heavy weapons were heard across all parts of the seaside town. The number of casualties from both sides is not yet known. Al-Shabaab has recently stepped up its attacks against the Somali army and other foreign forces in the region. View the full article
  13. Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in Isniinta maanta ah la shaacin doono war-murtiyeedka shirkii Iskaashiga Puntland iyo Jubbaland ee Sabtidii todobaadkan ka qabsoomay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Shirka waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan wasiiro ka socda labada xukuumadood, waxaana looga hadlay iskaashiga labada dowlad goboleed, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka, deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya, iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Dadka odorosa Siyaasadda, ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubbaland, ay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan dhammaan arrimaha looga hadlay shirka, gaar ahaanna arrimaha ku wajahan heer Federaal sida doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, deeqaha dibadda iyo dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Puntland iyo Jubbaland, ayaa la sheegayaa in ay hadda aragti midaysan ka qabaan khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Federaalka, taasi oo ay aaminsan yihiin in xallinta khilaafkaasi, uu ku imaan karo in dowlad goboleedyada lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Shirkii Puntland iyo Jubbaland oo maanta laga soo saarayo War-murtiyeed appeared first on Puntland Post.
  14. Waxaa deganaansho laga dareemayaa magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo xalay uu ka dhacay dagaal ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaadiid. Ururka Al-shabaab ayaa werar lama filaan ah ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14 October ku lahaayeen magaaladaasi, waxaana dagaalka uu socoday ku dhowaad 30 daqiiqo. Taliyaha Ururka 4aad Guutada 14 Oktoober Dhamme Cismaan Maxamed Muuse ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay iska difaaceen, sidoo kalena khasaare culus soo gaarsiiyeen. Weli waxaan si rasmi ah loo hayn khasaaraha rasmiga ah ee Labadan dhinac kasoo kala gaaray dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Marka. Dhanka kale, ciidamada dowladda federaalka ah ayaa maanta waxay howlgal ballaaran ka wadaan duleedka magaalada Marka, mana jirto faah faahin ay saraakiisha xoogga daka ka bixiyeen howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. The 26th Ugandan Battle Group to Somalia has officially been welcomed back to Uganda having completed a one-year tour of duty under the African Union Mission in Somalia. Officially receiving them, the Police Chief of Joint Staff, AIGP Brig Jack Bakasumba on behalf of the Chief of Defence Forces, Gen David Muhoozi welcomed back the 2,256 troops at Peace Support Operation Training Center in Nakaseke district. Ugandan troops make up the bulk of the African Union force helping Somalia’s UN-backed government. With part of the country under the control of al-Shabab Islamist militants. The 22,000 AU troops are expected to leave the country in 2021 and hand over the security responsibility to the Somali national army. View the full article
  16. Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ay dhawanahan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen. Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma. Taliyaha ayaa intaasi kudaray in howlgalka inat uu socday ay 9 mino soo saareen ciidanka isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Somali forces claimed to have killed at least 12 al-Shabaab militants and liberated five villages from al-Qaeda affiliated group in the country’s south. Hassan Adan Mohamed, a commander of the country’s elite forces, told state media that the forces conducted an operation against al-Shabaab in lower Juba province, killing 12 militants and wounding 15 others. He said that the forces liberated Malayley, Janale-gay, Rernerow, Bandar Jadiid and Bengani villages from al-Shabaab during the military operation. The liberated villages located approximately 90 kilometers ( 56 miles) from the port city of Kismayo, the administrative capital of Jubaland State. On Sunday night, heavy fighting between Somali forces and al-Shabaab in the coastal town of Marka, lower Shabelle region, killed at least militants and wounded 12 others. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaaraan saddex caruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay ku geeriyoodeen Kaamka Maandeeq oo ku yaalla KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in caruurtaasi uu ku soo booday shuban biyood, haatana ay la il daran yihiin todobo kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Todobada caruurta ah ee uu hadda soo riday shubanka ayaa loo soo qaaday isbitaallada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Dadka barakacayaasha ee dagan Kaamamka ku yaalla duleedka Caasimada oo inta badan ka yimid Sh/Hoose ayaa maalmihii dambe wajahayey xaalado dhanka nolosha ah. Sidoo kale dadka qaar ayaa la sheegayaa inay nafaqo darro darteed barareen, waxayna codsanayaan gargaar bani’aadnimo oo deg-deg ah. Dhowaan ayey aheyd markii saddex caruur ahaa ay Gaajo darteed ugu geeriyoodeen Kaamka Calaf Suge ee duleedkaMuqdisho, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan. Dowladda federaalka iyo sidoo kale hay’adaga Samafalka illaa iyo hadda kama jawaabin baaqa dadkaasi dhibaateysan ee u dhimayaa gaajada iyo caafimaad darrada heysata.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil iyo dhaawac loogu geystay dalkaasi. Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa la sheegay inay xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville oo ka tirsan magaalada Cape Town ay ka geysteen weerarkaan oo lagu dilay ganacsade Soomaali ah, mid kalena lagu dhaawacay. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Nuur Degeb, halka midka la dhaawacay magaciisa lagu soo koobay, Mustaf. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo burcadii ka dambeysay falkaasi. Weerarkaan ayaa noqonayo kii labaad oo sanadkaan cusub ee 2020-ka Koonfur Afrika loogu geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi. Inta badan Soomaalida ayaa dil iyo boob kala kulma rag burcad ah oo u dhashay dalkaasi K/Afrika, mana muuqato qorshe ay dowladdu wax uga qabaneyso dhibaatooyinkaasi.
  20. (SLT-Nairobi)-Orodyahan caan ka ah dalka Kenya ayaa ka baxsaday xero tabbabar lagu siinayay si uu uga cararo saraakiil orodyahanada ka baadheysay dawooyinka sare u qaado tamarta ee aan loo ogoleyn orodyanada adduunka inay isticmaalaan. Waxay arrintani muujineysaa dhibaatooyinka dowladda ay kala kulmeyso dadaallada la xidhiidha in ciyaaraha orodka laga cidhibtiro dawooyinka mamnuuc ah ee la isticmaalo. Saraakiisha ayaa si lama filaan ugu duulay xero lagu tababaro orodyahanada oo ku taal magaalada Kapsabet ee galbeedka Kenya. Orodyahanka ayaa markii uu arkay saraakiisha waxaa uu ka booday deerta xerada isla markaasna si xowli ah ayuu u baxsaday. Barnaba Korir oo kamid ah orodyahanada Kenya ayaa xaqiijiyay dhacdada balse ma ay sheegin magaca orodyahanka ka baxsaday saraakiishi baaritaanka wadday. Waxay u muuqataa in orodyahankan laga ganaaxi doono. Shantii sanno ee lasoo dhaafay 60 orodyahan oo u dhashay dalka Kenya ayaa cunaqabateyn lagu soo rogay markii ay jebiyeen xeerka ka hortagga dawooyinka tamarta kordhiyo. Korir wuxuu sidoo kale sheegay in orodyahanada lagu qabto falalka noocan ah aysan heysan waddo kale oo aan ka aheyn inay baxsadaa. Source
  21. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen nawaaxiga deegaanka Basra oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada dhaq dhaqaaq cusub ay ka bilaabeen halkaasi, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid kacsan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey howlgallada Milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  22. Howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa 130 sarkaal oo Police ah tababar muddo socday ugu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Saraakiisha Police ka ah ee tababarka loo soo xiray ayaa waxay dhamaantood ka soo jeedaan dalka Nigeria, waxaana tababarka ay qaateen uu socday 6 maalmood. Tababarka ayaa ku saabsanaa ciwaano kala duwan oo ay ka mid ahaayeen howlaha AMISOM ee Soomaaliya, arrimaha ban’aadanimada, xeerarka howgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa iyo sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha Booliska AMISOM Augustine Kailie ayaa ugu baaqay saraakiisha tababarka ka faa’iideystay in ay sida ugu haboon ugu adeegaan Ummadda Soomaaliyeed, si dhawna ula shaqeeyaan ciidankaBooliska Soomaaliya, iyagoo tixraacaya sharciyada u yaalla AMISOM. AMISOM ayaa la filayaa inay dhowaan isaga baxdo dalka,waxaana haatan socda qorshe ay ammaanka ugu gacan galinayaan ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  23. (SLT-London)-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dood ka socotay toddobaadkan aqalka Baarlamaanka ee dalkaas, wuxuu kaga hadlay Somaliland iyo sida ay dawladoodu xidhiidh adag ula yeelan karto, maadaama oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh taariikhi ahi. Waxa isna hadalka ku raacay xildhibaan Thomas Tugendhat oo soo dhaweeyay aragtida xildhibaan Stephen. Xildhibaan Stephen Doughty ayaa yidhi “Mudanaha sharafta lihi wuxuu si dareen leh uga hadlay meelo badan oo dunida ka mid ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, wuxuu og yahay inaan ahay qof muddo aad u dheer taageere u ahaa qadiyadda Somaliland, goob ay suurtagal tahay inaynu ganacsi la yeelano islamarkaana ay inaga dhexayso xidiidh taariikhi ah oo dhaqan, goob ahaan jirtay maxmiyadda Ingiriiska, balse sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ahi ay ka ciyaarta door muhiim ah. Ma igu raacsan yahay in goboladaas iyo dalalkaasi ay yihiin meelo aynu isugu keeni karno dhamaan qaybaha siyaasadda arimaha debedda ee Ingiriiska?” Xildhibaan Thomas Tugendhat ayaa isna ugu jawaabay, “Saaxiibkayga sharafta leh -waxaan sidaas u leeyahay sababta oo ah waa saaxiibkay- si buuxda ayuu sax u yahay: waa hanaanka aynu iskaashiga ula yeelanayno dalalka adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Somaliland, inaga oo waxa aynu isku gaynaynaa aanay ahayn oo keliya dadaalo deeq shisheeye, balse mararka qaarkood caddaalad, isku xukunka sharciga, booliiska iyo xitaa difaaca si aynu u xaqiijino inaynu ku waajahno hab iskaashi ah oo wada socda si anynu uga samayno is-bedel dhab ah dalalkaas. Taasina waa waxa ay tahay inaynu samayno. Doodan ayaa ka qabsoontay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska 13 January oo ah toddob. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Jarmalka Oo Shuruud Ku Xidhay Dhismaha Dugsiga Farsamada Burco, halkan hoose ka Daawo Source
  25. Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland, ayaa isku fidiyay degaano horleh oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kadib hawlgallo ay halkaasi ka sameeyeen. Saraakiisha Taliska 16-aad ee Kumaandooska Militariga Soomaaliya, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Daraawiista Jubaland, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl gallo saacadihii u dambeeyay ay ka fuliyeen tuulooyin hoosyimaada degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose. Ciidamada ayaa hawlgalladaasi ku qaaday, degaanno ay gacanta ku hayeen dagaallamayaasha Alshabaab, halkaasi oo iska hor-imaadyo ku dhexmareen labada dhinac. Taliyaha Ururka 5aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumaandooska DANAB, Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 12 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen. Taliyaha ayaa sheegay, in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin degaanka Kamsuuma u jira qiyaastii 37KM kuwaasi oo kala ah Malaayley, Janaale Gaay, Reerneerow, Bandar Jadiid iyo Bengaani. Sidoo kale, Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada inta howlgalka sameynayeen ay ku soo saareen illaa 9 Miino oo wadada lagu aasay. PUNTLAND POST The post DANAB: 12 xubnood ayaan ka dilnay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.