-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si rasmi ah u shaaciyey cidda laheyd amarkii dowladda Itoobiya loogu gacan galiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka ururka xornimo doonka ah ee ONLF. Sanbaloolshe oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in amarka lagu dhiibay Qalbi-dhagax ay la haayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagana lagu amray doorkii fududeynta ahaa ee uu ku lahaa. Taliyihii hore ee NISA ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan dalbanayo in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa arrintaas oo uu ku tilmaamay dambi weyn iyo qayaano qaran oo ay sharci tahay in la isku maxkamadeeyo. “Aniga waxan ahaa qof amar la siiyay, Qalbi-Dhagax dhiibistiisa dembi weyn oo la galay ayuu ahaa. Waan qirsanahay taas xitaa in la isku maxkamadeeyo inay waajib tahay ayaan qabaa” ayuu yiri Sanbaloolshe. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Arrinta Qalbi-dhagax in la iga cafiyo ayaan rabaa, anigu qeyb ayaan ku lahaa falkaas, laakiin amarka lagu soo xiray ee loogu dhiibay Itoobiya waxaa lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.” Wareysigaan ayuu Sanbaloolshe talo ugu soo jeediyey madaxda dowladda ee ku kacday falkaas uu ku tilmaamay dembiga. “Madaxda Qaranka waxaan ka codsanayaa inay qaataan go’aan geesinimo leh, ma qaldame waa ilaahey, waa in golaha wasiiradu mar kale ka fariistaan arrinta ONLF oo ka saaraan liiskii ay ku dareen ee argagixisada, waa in madaxda ONLF oo Qalbi-dhagax ku jiro Muqdisho lagu casuumo dembigaasna looga hoydo” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe, Taliyihii hore ee NISA. Hoos ka daawo wareysiga Sanbaloolshe
-
(SLT-Hargaysa) Iyadoo dhawaan la qisaasay Dad u xidhnaa Dilal ay gaysteen markii kobaad muddo dheer Somaliland, waxaa siwayn loogu dhegtaagaya tallaabada ku xigta ee lagu qisaasayo Dadka Dilalka u xidhan. Madaxweynaha Somaliland ayaa laga sugayaa fulinta qisaasta Dablaydii Dishay Taliyihii Ciidanka Booliska Berbera Alle hawnaxariste Casayr. Xubnihii ugu muhuumsana ee falkaas gaystay ayaa wali xidhan iyadoo lagu xukumay Dil toogasho ah . Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-20012020.mp3 View the full article
-
Sannadkan aynu joogno, mawduuca ugu xasaasisan ee lagu falanqeeyo goobaha bulshadu ay ku kulantaa waa “Somaliland xaggee baa ay ku socotaa?”Mawduucani waa mid u baahan si dhexdhexaad ah in loo dul joogsado. Waa dal ama dal doonayey in uu gaarkiisa isu maamulo halka uu ku dambayn doono? Hubaal waxa ah “halkee baa ay Somaliland ku sooctaa?” maanta in ay tahay dood lagu galayo Xabsi, haddii su’aashaa meel fagaare ah lagu soo bandhigo. Dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa qaba: Maanta haddii afti laga qaadi lahaa shacabka ku nool Somaliland in dadka intiisa badani ay u coddayn lahayeen “Markale iyo Midnimo!” Sababta natiijadaa keenaysaa maaha hilow loo qabo Xamar balse, waa nacayb loo qabo Madaxtooyadda Hargaysa. Waa kalsooni xumo ay abuureen labadii xukumaddood ee ka dhashay Kulmiye. Rag ka tirsan xukumadda hadda talada haysa, ayaa laga soo xigtay: Marnaba Afti galin mayno rabitaanka shacabka! Si aynnu haddaba u turjuno mustaqbalka, aynu fahano waayaha ku gadaaman dalkii hore laysugu odhan jiray Somali Republic. Somali Republic waxa ay gashay waji cusub, wajigaas oo ah xukumadda Xamar ka dhisan in loo aqoonsaday dawlad sharci ah oo masuul ka ah Soomaaliya – xasuusnow muddo dheer xukumadihii Xamar fadhi jiray looma aqoonsanayn dawlad rasmi ah. Markii la aqoonsaday dawladda Xamar, waxa iyana dharaarahan raacday in Soomaaliya laga cafiyo deyn hore loogu lahaa. Taasi waxa ay ooda ka qadaysaa deeq iyo deyn hor leh. Maxaa deynta iyo deeqda loo siinayaa Somalia? Waxa Somalia deynta iyo deeqda loo siinayaa, waxa weeye: Waxa la rabaa in la soo saaro khayraadka ku jira Somaaliya guud ahaan gaar ahaan shidaalka. Somaaliya wajigaa ay gashay, gadhwadeen waxa ka ah – sida illo xoggogaal ah aan ka helayo waddanka Maraykanka – dabcan waddamada la isku yidhaa “non-traditionan” ee ay ku jiraan: Turkey, Qatar iyo waddamo kale-ba, darafka ayaa ay ka haystaan isbedelka Soomaaliya. Waxaa se aad moodaa boqortooyada Britain oo muddo dheer hor boodi jirtay siyaasadda Somaliya, hadda in loo riixay dhanka Bay iyo Bakool. Waddamada waagii hore sida weyn siyaasadda Somalia ugu lug lahaa ee hadda iyaga la bara bixiyey waxa ugu horeeya: Italy iyo Masar. Isbedelka noocaas ahi, waa mid damaciisu yahay in dib la isugu soo celiyo Xamar iyo Hargaysa. Sida aad ka warqabteen maalmihii la soo dhaafay Hargaysa waxa yimid James Swan oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaalia. Safiirka Britain. Waxa sidoo kale safar saxaafadda laga qariyey Hargaysa ku yimid maalmihii ina dhaafay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto. Socodkaa ay saddexda sarkaal ku yimadeen Hargaysa, ujeedkooda koobaad ma ahayn doorashooyinka Somaliland; ujeedka safaradaasi waxa ay ahayeen, sidii Md. Biixi iyo Md. Farmaajo ay u furi lahayeen wadahadalo hor leh oo dhex mara Hargaysa iyo Muqdishu – dadka siyaasadda Soomaalia u dhuul daloolaa, waxa ay leeyihiin: Maraykanka ayaa Farmaajo ku tageeraya in uu samaysto muddo kororsi xilleed, si Farmaajo ugu soo dabco wada hadalada Biixi. IMF, Bangiga Adduunka iyo Midawga Yurub ayaa dhammaan u muuqda kuwo hadda ka xiiso dhacay Somaliland, waxaana cadayn kugu fillan deeqda gaadhaysa $120M ee Bangiga Adduunku usii deyn rabo maamulada ka jira Konfurta Soomaalia – deeqdaa Hargaysa waa ay ka qaday. Dadka qaar waa ay isdiidsiin karaan saamaynta lacagtaasi iyo deeqaha kale ay ku yeelan karaan horumarka Soomaaliya lakiin, midhka marnaba dadkaasi aysan qarin karin waa “aaminaad ka baxa” ka dhex qarxay shacabka Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa sida uu Muuse Biixi ka sheegay dhawr sanno ka hor magaalada London lumiyey kalsoonidii ka dhex jirtay dhexdooda! Mustaqbalka Somaliland maaha saynis cabirkiisu rabo in lala tago shaybaadh, balse waxa mar walba mustaqbalka Somaliland jaangoyn doona hab-dhaqanka Madaxtooyada Hargaysa iyo faragalin Somaliland kaga timaada banaanka – faragalinta ayaa aan noqon doonin duuulaan lagu soo hujuumo Hargaysa hayeeshee, isbedelka ayaa ka imanaya mar walba koboca dhaqaale ee ku yimaada waddamada deriska. Haddii Jigjiga iyo Xamar ay noqdaan magaalooyin abuura shaqo iyo fursado ganacsi, hubaal waxa ah shacabka Somaliland in aysan kusii jiri karin shaqo la’aan, biyo la’aan iyo SNM baa aan ahaan jiray. W.Q Axmed-xiis Dharbaan Source
-
Boosaaso (SMN) – Laamaha ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyey in ay ka hortageen qaraxyo lagu diyaarinayey magaalada Boosaaso. Taliska Booliska ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka dambeysay markii ciidamaddu fuliyeen howlgalo aad loo qorsheeyay. Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka iyo soo saarista walxaha qarxa. Mas’uuliyiinta ma aysan shaacin cidda ka dambeysay ee Miinooyinka ku aastey guri ay sheegeen in ay kasoo saareen. Qaraxyada ayaa la sheegay in lagu aasey meel ku dhow Masjidka Rashiid oo kamid ah kuwa ugu caansan magaaladda dekadda leh ee Boosaaso. Maalmihii lasoo dhaafay, hay’addaha nabad-gelyadda Puntland ayaa xoojiyey dhaqdhaqaaqyada ay ku sugayaan xasiloonida magaalooyinka. View the full article
-
(SLT -Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud Muuse Biixi Cabdi ayaa u ballanqaaday Waddamada Somaliland ka tageera Dimuquraadiyadda inuu dhammaadka bishan aynu ku jirno uu kala diri-doono Xubnihii Koomiishanka Doorashooyinka ee sida wayn Axsaabta siyaasaddu ugu muransanayd. Warar xogogaal ah oo ay heshay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa xaqiijinaya in Safiirka Waddanka Ingiriiska u fadhiya Somaaliya Ambassador Ben Fender uu Madaxweynuhu ka ballanqaaday inuu kala diridoono xubnaha Koomiishanka inta ka hadhay bisha koobaad ee sannadka oo dhammaadkeedi lagu jiro. Ballanqaadka uu Madaxweynuhu u sameeyay ayay soo dhaweyeen Waddamada beesha Caalamku. Haddii uu fuliyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wacadkiisa uu Waddamada Somaliland tageera ugu ballanqaaday kala dirida Koomiishanka doorashooyinka waxay noqon doonta caqabad wayn oo Somaliland laga furdaamiyay. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Muqdisho(Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda oo galabta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Shangani ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa dhismaha safaaraddii hore ee Itoobiya iyo xarunta Taraafikada ee ciidanka booliska Soomaaliya oo ku taalla degmada Shangaani. Iska hor imaadka galinkii dambe ee maanta dhex maray labada ciidan ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana weli si rasmi ah loo xaqiiji karin tirada dhimashada, balse waxaa ku dhaawacmatay seddax qof oo mid yahay askari boolis ah, halka labada kalena ay yihiin dad shacab ah. Dagaalkan ayaa salka ku haya guri ku yaalla degmada Shangaani, waxuuna dagaalku dhex maray ciidamo iskugu jira boolis iyo militeri oo dadkoodu ay deganyihiin gurigaas iyo kuwo Nabad sugid oo dhinac ah, sidoo kalena ah kuwa iyagu weerarka soo qaaday. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ay saakay tageen gurigaas la isku heysto, isla markaana qoysaskii deganaa ay ku amreen inay ka baxaan guriga, taas oo iyaguna ay ka biya diideen, waxaana sidaas goobta ku soo gaaray ciidamada difaacaya qoysaska degan guriga. Intii uu socday dagaalkaas waxaa goobta gaaray ciidamo uu hoggaminayo taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan oo kala qaaday labadaas ciidan, isagoo xeryahoodii dib ugu celiyey, balse daqiiqado kadib ayey ku soo laabteen isla goobtii. Labada ciidan oo garab ka socdo Nabad sugidda, garabna yahay ciidan iskugu jira boolis iyo militeri oo diidan in qoysaskaas guriga laga saaro ayaa caawa isku hor fadhiya nawaaxiga guriga la isku heysto oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
-
According to the Greater London Authority (the London Mayor’s Office) knife crime has been defined as an “offence of homicide, attempted murder, and assault Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in fanaaniin dhowr ah oo ka tirsan waaxda fanka ee gobalka Banaadir la xiray, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in Abshir Gaarane Axmed, oo xog heyn u ahaa agaasimaha waaxda Fanka ee gobalka Banaadir Shamso Cali Macalim iyo fanaaniin kale laga qabtay guri ay daganaayeen oo ku yaalla degmada Boondheere. Baaritaan dheer oo ay hay’adaha ammaanka sameeyeen ayaa la sheegay in Abshir Gaarane uu qirtay in uu shaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna qaabilsanaa qaybta canshuuraha ee gobalka Banaadir. Gaarane ayaa sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan qaybta Maaliyadda ee gobalka Banaadir ee Al-Shabaab, waxa uu si gaar ah u qaabilsanaa bixinta mushaaraadka Al-Shabaabka gobalka Banaadir iyo bixinta lacago la siiyo Shabaabka wax dila iyo kuwa kale ee xogaha muhiimka ah keena sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida. Dadka aan la hadalnay waxay noo sheegeen in Fanaaniin kale oo la shaqeeyo Gaarane la xiray balse aysan jirin wax cadeen ah oo lagu helay iyo qiraal ay sameeyeen balse ay ku socoto baaritaan kale oo dheeraad ah. Wararka ayaa sheegaya in ninkaan uu muddo kooban noqday madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsan gobalka Banaadir balse bilo kadib laga qaaday, waxa uuna xilkaas u hayay si kumeel gaar ah. Sidoo kale xogta ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxeysa in ninkaan uu soo far muuqay macalimkii dilaaga ahaa ee Ilkacase oo dhawaan ka soo muuqday TV-ga Qaranka. Hay’adaha amaanku waxay sheegeen in gobalka Banaadir ay dhax ceegaan Shabaab badan oo u baahan in aad looga taxadaro, qaarkood waxay ku taliyeen in gobalka go’aan laga qaato.
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga sahan loogu sameeyo saliidda ku jirta badaha Soomaaliya kaddib markii ay Ankara heshiis la saxiixatay Libya sannadkii hore. Turkey ayaa Soomaaliya u ahayd dalka ay gaarsiiso kaalmada ugu badan tan iyo markii ay Soomaaliya ku dhufatay macluusha sannadkii 2011 iyadoo Ankara ay raadineyso inay kor u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Africa si ay uga hortagto dalalka ay siyaasad ahaan is-hayaan ee Sucuudiga iyo Imaaraadka. Injineerro Turkey ah ayaa gacan ka geysanaya dhismeyaasha waddooyinka Soomaaliya, Sidoo kale saraakiil Turkey ah ayaa tababaray askar Soomaaliyeed taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidanka Soomaaliyeed. Isagoo la hadlayey wariyeyaasha xilli uu dib uga soo laabtay shirka Libya ee ka dhacay magaalada Berlin ayuu Madaxweyne Ordogan sheegay in Turkey qaadi doonto talllaabo ay uga jawaabeyso casuumadda Soomaaliya laakiin ma sii faahfaahin tallaabadaas nuuca ay noqon karto. “Waxaa jira yabooh nooga yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: “Waxaa ku jirta saliid badaheenna. Waxaad hawlgalladan oo kale ka waddaan Libya, laakiin sidoo kale halkaan waad ka sameyn kartaan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,’ ayuu yiri Madaxweyne Ordogan.” Isagoo intaas ku daray in dowladdiisu ay qaadi doonto hawlgallo arrintaas ku aaddan. Bishii December, Koox Injineerro ah oo Turkey ah ayaa qeyb ka ahaa dad tiradoodu gaareyso 90 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Bar Ciidan oo Muqdisho ku taal. Sidoo kale maalmo ka hor qarax gaari ayaa lagu dhaawacay 15 qof oo ay ka mid yihiin qandaraasleyaal Turkey ah magaalada Afgooye waxaana weerarkaas sheegatay xarrakada Alshabaab. Bishii November, Turkey waxay heshiis badda lagu kala xadeynayo la gaartay Libya waxayna noqotay tallaabo ka careysiisay dalalka Greece iyo Cyprus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey kulankaasi masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda Global Education Partnership ayaa ka wadahadlay tayaynta iyo kor u qaadidda Waxbarashada, taageerada beesha caalamka ee arrimaha Waxbarashada iyo shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland. Sidoo kale masuuliyiinta hay’addaasi ayaa waxay bogaadiyeen qoondada Dowladdu ugu dartay miisaaniyad sanadeedka 2020 tayaynya Waxbarashada Puntland, waxaana uu Madaxweyne Ku-xigeenka dhankiisa uga mahadnaqay beesha caalamka taageerada ay ka geystaan Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan dalka. Weftigan ayaa beri ka qayb gelidoona Shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland oo sanadkiiba mar la qabto, kaasi oo ka furmidoona caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wefdi ka socday Hay’adda Global Education Partnership appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (SMN) – War-murtiyeed ayaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland oo January 18-19, 2020 ku qabsoomay magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-20012020.mp3 View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaartay Libya sanadkii tagay, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NTV ee Turkey. Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah. “Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Erdogan ayaa waxaa sidaas kasoo taleefishinka NTV. “Sidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.” Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka. Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah. Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxiixatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka carreysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xiriira kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus. Reuters + VOA
-
Masada (Caasimadda Online) – Maantay waxaa Saladanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay Caasimadda dalkaas Masqad. Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garuunka diyaaradaha, waxaan goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas. Boqorka iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doona Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid. Waxaa la filayaa maalmaha soo socda Boqorku inuu ku sugnaan doono Dalka Cummaan, oo masuuliyiin sare la kulmi doono, waxaa kaloo la filayaa inuu booqan doono Magaaalada Salalah ee ay ku badantahay Soomaalida. Waxaa xusid mudan Boqorku inuu safarkiisii ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah amiirada dalkaas.
-
(SLT-Akara)-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaadhay Libya sanadkii tagay, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NTV ee Turkey. Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah. “Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Erdogan ayaa waxaa sidaas kasoo taleefishinka NTV. “Sidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.” Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka. Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xidhiidhka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah. Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxeexatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka carreysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xidhiidha kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Argagaxisadu u geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka. Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si argagaxisada loogu muujiyo in weerarada naf-lacaarinimada ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka. View the full article
-
(SLT-Beijing)-Fayras cusub ayaa ka dilaacay dalka shiinaha Shiinaha, kaas oo durtaba laga helay dad tiradoodu gaadhayso 136 qof, xaaladahan cusub ee Fayraska ayaa saamayn ku yeelanaya habka neef-mareenka. Magaalada caasimada ah ee Beijing ayaa lagu soo waramayaa in laga helay laba kiis, halka Shenzhen la xaqiijiyey hal kiis. Tirada guud ee uu haleelay Fayraska cudurkani ayaa hadda kor u dhaaftaysa 200, saddex qofna way u dhinteen. Xaaladahan kacsan ee Fayraskan ayaa ku soo beegmaya xilli malaayiin Shiinees ah isu diyaarinayaan inay u safraan ciidaha sannadka cusub. Saraakiisha caafimaadku waxay caddeeyeen Fayraskan, kaasoo markii ugu horreeyay laga soo saaray Wuhan bishii December, isagoo ah nooc ka mid ah corona-virus. Waxay sheegeen inuu asiibayo inuu bukoodo habka neefmareenadu, laakiin wax badan oo ku saabsan illaa iyo hadda lama oga. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun ee dhisaysa wadada Muqdisho iyo Afgooye Kheyre ayaa uga tacsiyeeyay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun dhibaatooyinkii ka soo gaaray weeraradii ay Al-shabaab u geysteen howl-wadeennadooda, intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Seracettin Aksun ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, wuxuuna caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imanaya Al-shabaab Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka. Ra’iisukl Wasaaraha Soomaaliya ayaa maamulaha shirkadda Enez u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada. Kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo maamulaha Shirkadda Enez, ayaa ku soo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayeen in shirkadaasi joojisay dhismihii wadada Muqdisho iyo Afgooye, kadib weeraro is-xigxiga oo ay ku qaadeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Kheyre oo ballan-qaad u sameeyey shirkadda dhisaysa wadada Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Al-Shabaab uu geysteen howl-wadeenadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dhiiragalinta garab istaagiisa ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiira gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha wadada, isla markaana saameyn aysan ku yeelan doonin weerarada uga imaanaya Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka. Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Sidoo kale waxa uu ku dhiiri geliyay inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan u daacad ahaanshaha dib u dhiska dalka, muujiyaana in weerarada uga imaanaya Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo naf la’caarinimo ah aysan ka hor istaagi karin hadafkooda.
-
Qulqulka Oromada iyo Qaanuunka Socodka ? Shantii sannadood ee ugu danbeeyey dhawr jeer ayaan safar dhulka ah ku marayey jidka laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo Boosaaso. waa jid dheer oo 1000 kilo mitir ka badan. Jidkaas oo lagu sii xidhiidhiyey laamiga ka soo bilaabma magaalo xuduudeedka Wajaale ilaa Hargeysa, waxa qulqulaya dad Ethiopian ah oo dhinac keliya u socda. Dadkaasi way lugaynayaan, lugtoodana waxa ay ka soo bilaabaan magaalada Wajaale ilaa ay Boosaaso ka caga dhiganayaan, si ay socdaalkooda ay badda kaga gudbayaan u sii wataan. Tirada jidkaa qulqulaysa way adagtahay in si kama danbeys ah loo hubiyo, laakiin waa koox koox ay laba qof ugu yaryihiin, inta badanse ka kooban 5-8 qof kooxdiiba, mararka qaarkoodna meelo ayay isku soo gaadhaan markaasay tobannaan noqdaan, isku darka dadka jidkaa qulqula ee boosaaso gaadha bilkasta, in kasta oo wakhtiyadu aanay isku wada mid ahayn, waxa laga yaabaa in ay noqdaan wakhtigan oo kale 500-800 oo qof. Waxyaalaha la yaabka leh ee iska hor iyo daba imanaya waxa ka mid in Tahriibayaashaas aan loo oggolayn in ay gawaadhi raacaan, oo haddii lagu qabto cid dadkaa gaadhi ku sidda, gaadhigana waa la ciqaabayaa, tahriibayaashana waa la xidhayaa, isla tahriibayaashaasi haddii ay lugaynayaan waxa ay maraan isla jidka laamiga ag ee gawaadhida, waxa ay maraan dhammaan kaantaroollada Soomaaliland iyo Puntland ee laamiga ku teedsan, si nabad ayay u maraan, waa lagu soo dhoweeyaa oo biyo ayaabay askartu siisaa. Waxa la yaabka lihi waxa weeye, maxaa dadkan loogu ciqaabayaa lugta iyo socodka rafaadka ah oo loogu diidayaa in ay gawaadhida muwaadiniinta kiraystaan oo jidkaas gaadhi ku marana? Maxaa tahriibka lugta ah ee kadeedka ah na sharci ka dhigay, kan gaadhiga saaranna sharci darro ka dhigay?! Dadkaa waddan daraf ilaa daraf lugaynayaa waxa ay halis ku yihiin amniga qaranka ee mustaqbalka, sidoo kale waxa ay guntanayaan cadaawad iyo cuqdad ay u qaadayaan bulshadaas ay silica ku dhex marayaan. Dadkani labada jeerba sharci darro ayay waddanka ku dhex maraan, dhibaato badan ayay jidkaa dheer ee ay lugaynayaan kala kulmaan, bulshada ay dhex marayaanna marar badan ayay dhibaateeyaan, dad xog ogaal ah oo aan wareysatay waxa ay ii sheegeen in tahriibayaasha qaarkood ay jidka ugu dhintaan gaajo iyo xanuun, in qaarkood ay bahalo cuneen, waxa kale oo la ii sheegay in ay dhibaatooyin geysteen, reero boobeen, meelaha qaarkoodna dumar ku kufsadeen. TALO SOO JEEDIN: 1) Haddii xukuumadda Soomaaliland u aragto dadkaas tahriibayaasha ah in socodkoodu sharci darro yahay ha ku joojiso xuduudda iyo meel kasta oo ay kula kulanto, haddii aanay sharci darro ahaynna ha laga daayo dhibaateynta iyo kelifaadda lugta, oo halla jiheeyo socodkooda hallana sharciyeeyo, xukuumaddu dakhli aanay ka helin kuwa sharci darrada lugaynaya ayay ka sameyn kartaa, bulshada gaadiidlayda ahina way ka shaqeysan kartaa, isma qabanayso lugtuna waa xalaal, gaadhi raacistuna waa xaaraan! 2) Dadkaa ha loo sameeyo xarumo lagu ururiyo oo lagu daryeelo inta aan waddankooda lagu celinnin iyada oo lala kaashanayo hay’adaha arrimaas ka shaqeeya. 3) Dadkaasi Islaam iyo gaalaba way leeyihiine, kuwooda Islaamka ahna halla baro tiirarka diintooda kuwooda gaalada ahna ha loo bandhigo Islaamka, inta lagu hayo xarumaha loogu talo galay, oo arrimahaas cid qaabilsan halloo asteeyo. 4) Waan ogahay in dadkan in badan oo ka mid ahi ay yihiin dad danyar ah oo aan waxba haysannin, lugtana lacag la’aani ku kellifi karto, waxase hubaal ah haddii lugtooda la joojin lahaa in aanay isa soo luggooyeen ama wixii shardi ah ee lagu xidho ay ilaalin lahaayeen, waayo Boosaaso kama sii dabbaashaan ee doonyo lacag ah ayay ka raacaan oo jeebkooda ayay la baxaan. Ujeedku waa danta dalka, dadka iyo socotadaba si nidaamsan halloo ilaaliyo. Nb: Sawirrada waxa aan ka soo qaatay websaytyada: Burcoonline iyo Kaafimedia. Dr-Abdulqani Beder 54Cabdisalan Socdaal, Nour Abdi Jamac Nurcade and 52 others 18 Comments Qaran News
