Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Diinta iyo Saynisku ma cadow baa? Horta waxa la yidhi dadku waa u cadow waxa aanay aqoon ( الناس أعداء لما جهلوا). Sidaa markay tahay dadku waxay u qaybsameen labo: 1. Qayb saysniska xooga saartay aaminsanna in runta kaligii uun lagu gaadhikaro. 2. Qayb diinta xooga saartay aaminsanna inay kaligeed waxay sheegaysaa run yahay. Haddaba labdaa kooxood waxaa ka dhexeeya xurguf iyo xafiiltan taariikhiya; oo salka ku haya yaa run sheegaya, yaase khaldan?!! Labdan qodob waxay sawirayaan kale fikir duwaanshahooda taarikhiga ah:- 1. Dhinaca reer Yurub: reer yurub waxay soo mareen marxalado kale duwan oo xagga afkaarta ah. Qarniyaddii dhexe haddaan soo qaadano waxa inta badan talada gacanta ku hayay boqoro iyo wadaadada kinisada oo isbahaystay waxaana dhismay nidaam hanti-goosad ah; oo dadka iyo dhulkaba ay leeyhiin kooxdaa isbahaysatay oo waxna xalaaleeya waxna xaaraantimeeya. Haddaba sida taariikhda lagu hayo aqoonyahankii waqtigaa ku hawlanaa baadhitaanada Cilmiga sida: Sayniska iyo falsafada waxay markasta qoorta iskula jireen wadaadada kinisada fadhiya oo qaybta ugu wayn ka ahaa dulmiga waqtigaa bulshooyinka haystay, maadama aqoon-yahankaa cilmiga maadiga ah ay sheegayeen waxyaabo ka duwan waxyaabaha kinisada kasoo fulaaya, xoriyad iyo in dadku maskaxdooda furaan ayay ku baaqayeen, wadaada kinisadu waxay u qaadeen caddaawad adag, waxayna ku dirijireen wax-magaratada yagoo ugu sheegi jiray inay diidanyihiin kana horyimaadeen diintii sidaa awgeedna ay yihiin MULXIDIIN ama diin-laawayaal. Sidaa awgeed rag badan oo ka mid ah aqoon-yahanka maanta taariikhda reer Yurub iyo aduunka ka caan ah waxa loo geestay tacadiyo balaadhan waxaana laga dhigay mid la dilo, mid lamasaafuriyo iyo mid silic u dhinta; xataa qaar ka mid ah ay fatwoodeen inaan la aasi karin. Haddaba wadaada kinisada iyo aqoon-yahanka cilmiga maadiga ah kuwee baa saxnaa??! Si aan jawaabta u helno ragga kinisadu maxay aaminsanaayeen maxayse ka shaqayn jireen?! Si kooban wadaadada kinisada waxay aaminsanaayeen diinta masiixiyada oo ay leeyxiyeen, sida ay rabbaana ay u dhigeen, iyagoo u qaybsanaa kooxo amma maddaahib kala duwan sida: kuwo aaminsan in Ciise ilaahyahay. Kuwo aaminsan in ilaahay saddex isku-hal ah yahay. Iyo kuwo aaminsan in Ciise Ilmo Ilaah yahay. Waxayna ka sinaayeen in cilmi-baadhayaasha kasoo horjeeda afkaatooda waxay sheegayaan uu kburaafaad yahay. Shaqo ahaana, waxay ka shaqayn jireen sidii dadka iyo duunyadooduba u noqon lahaayeen adoomo ku jira gacanta boqorka iyo wadaadada kinisada. Dhinaca kale baadhayaasha cilmiga Maadiga ah maxay aaminsanaayeen maxayse qaban jireen? Inkasta oo ay kale duwanaayeen haddana waxay ka midaysnaayeen:- 1. In waxan wadaadada kinisadu akhriyaan aanay ahayn wax sax. 2. In aanay macquul ahayn in bulshadu ku hoos noolaato dulmiga huwanta wadaadada kinisada iyo boqorada. 3. Raadinta xaqiiqada iyo raadinta fahamka dhabta ee waxkasta. Qodabkan oo ah ka keenay in ay laftoodu kala aragti duwanaadaan sida xaqiiqdaa lagu gaarayo iyo waxa loo adeegsanayo. Tusaale: waxa la sheegaa in isxaaq neyuuton uu ka mid ahaa ragga ay isa-seegeen wadaadadaas inkasto aanu isagu ka mid ahayn ragga dhibaatada badan soo gaadhay waayo waxa uu qarin jiray afkaatiisa inta badan iyo kutubtiisa labadaba gaar ahaan xaga caqiidada. Waxa uu na wadaadada ku dhaliilsanaa in aanay suuro-gal ahayn:- 1. In ilaahay saddex isku-hal ah yahay. 2. In Ciise Ilmo ilaah yahay. 3. In Ciise laftiisu ilaah yahay. 4. In waxa wadaadada kinisadu sheegayaan aanu ahay masiixiyadii saxda ahayd. 4. Waxa kale uu aaminsanaa in aanay suuro-gal ahayn in caalamkan bilaa maamul iska socdo. Arrimahan oo uu arkaayay inay tahay wax mandiqa ka baxsan, balse waa uu eeday, Ragga kinisada waxay ku tilmaameen inuu diin-laawe yahay. HADDA MA KUU BAXAY SALKA HIRDANKA???! Hirdankaas xagee ku danbeeyay maxaase ka dhashay?! Hirdankaas waxa uu kusoo gabogaboobay qodabadan: 1. Kacdoono lagaga soo horjeedo boqotooyooyinka iyo ragga kinisada. 2. In cadaawad loo qaado kinisada. 3. In cilmi- baadhayaashii dhinaca maadiga aragtidoodii faaftay sal ay u noqotay kacdoonka cilmiga iyo horumarka ah ee reer Yurub sameeyeen. 4. In aqoon-yahankii ragga kinisadu cabiidin jireen loo aqoonsaday halyeeyo. 5. Inay soo baxdo fikrada CALMAANIYADA loo bixiyay ee salka ku haysa in noloshu ka xorowdo wadaadada kinisada. 6. In ay guud ahaanba meesha ka baxdo awoodii wadaadada kinisada ee dadka ra’yigooda iyo rabitaankooda diinta, cibaadada iyo waajibka uga dhigijiray. Gabogabada qaybtan waxay noqonaysaa wadaadada kinisada joogay ee reer Yurub meesha kumay hayn diin diidaysa ama ka hor-imanaysa sayniska ama cilmiga maadiga ah ee waxay u hortaagnaayeen caddawadana ugu hayeen kuwa cilmi-baadhista ku hawlanaa waxay u arkayeen in hawsha ay wadaan aanay iyaga dani ugu jirin, khasaari xooglena ay ku keenayso. Waana sababta keentay in si xun loo jabiyo. Waxaana la odhankaraa waxay ku danbeeyeen TUUG LA QABTAY TALO MA LEH. qodobka labaad waxaan ku eegaynaa cilmi-baadhayaashii muslimiinta ahaa iyo culimadii la waqtiga ahaa waxa ay kala muteen iyo halka ay isla-mareen! Inaga oo maanka ku hayna in diinta islaamka tahay diin cilmiga dhiirigalisa. Ka dibna wax-yaabaha khilaafkan abuuraya ayaan soo koobi si aan jawaab ugu helno Diinta iyo saynisku ma cadowbaa???!! La soco qaybta danbe……….. Mohamed Hussein (Samodoon). guul-alle1@hotmail.com Qaran News
  2. Muqdisho (SMN) – Wiil dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in maanta lagu dilay agagaarka xarunta degmada Karaan ee magaalada Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dabley la socotay Bajaaj ay ka dambeeyeen falkaas, kuwaasoo baxsaday kadib toogashada. Marxuumka oo meydkiisa ay meesha kaga tageen ayaa la sheegay in uu saarnaa Mooto Bajaaj kale oo uu wadday. Ma cadda sababta loo beegsaday marxuumka iyo waxa uu ahaa. Wararka ayaa intaas ku daray in kooxaha dilka geystay ay soo racdeysanayeen wiilka la dilay oo Mootada kusoo baxsaday. Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa aad ugu yaraa dilal noocaan ah, waxay ka dambeysay markii la kordhiyey kontaroolada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bajaaj.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka hadlay xasilinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa sheegay in maamulkiisa uu waqti badan gelinayo sugitaanka ammaanka. Filish oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in aanan nabad-gelyada la xaqiijin karin hadii aysan shacabku kaalin muuqata ka qaadan. Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay doorkooda qaataan si looga hortago falal liddi ku ah horumarka iyo nabada magaalada Muqdisho. Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad xarig-jar ahayd oo lagu qabtay xarunta degmada Shangaani ee magaalo madaxda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Filish.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Afar caruur ah ayaa la sheegay in ay macluul ugu geeriyoodeen kaamka Kuntuwaarey, degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Caruurtaan ayaa kamid ahaa ku dhowaad 500 qoys kuwaasoo kusoo xaroodey Kaamka iyagoo kasoo barakacay gobolka Shabeellaha Hoose. Daruufo isugu jira amni iyo xaalado abaaro ayaa kasoo qixiyey degaanadooda, iyagoo halkii ay u soo carareen aysan ka helin nolol wanaagsan. Dhibaatooyinka ay sheegeen in ay wajahayaan ayaa isugu jira guri la’aan, caafimaad daro iyo cuno la’aan, waxayna dalbadeen gargaar degdeg ah. Dowladda ayaa dhowaan shaacisay in ay u baahan tahay in ka badan hal bilyan oo Doolar si wax loogu qabto dadka soo barakacay ee Muqdisho ku sugan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/DO.mp3 View the full article
  5. Ciidamada Somaliland, ayaa maanta saacado kooban la wareegay degaanka Boocame ee gobolkaa Sool, halkaasi oo ay horay u joogeen ciidamo u dhashay degaanka oo taageersan Somaliland. Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, ayaa saaka gudaha u galay degaanka Boocame ee gobolkaasi Sool, inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen, sida ay soo weriyeen goob-joogayaal kala duwan. Warar hoose oo ay heshay Puntland Post, ayaa sheegaya in dhacdadaasi aysan la xiriirin xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland, balse ay ahayd xeelad warbaahinta looga mashquulinayo muran ka dhex jira Taliska ciidamada Somaliland ee GOOJA-CADDE, kaasi oo ka dhashay sarkaal la xiray. Tan iyo markii uu saaka soo baxay warka sheegaya in Somaliland la wareegtay degaanka Boocame, waxa baraha bulshada qabsaday warkaasi, waxaana yaraaday hadal-haynta muran laga soo sheegayay Taliska ciidamada Somaliland ee GOOJA-CADDE. Dhinaca kale, Puntland ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin tallaabada ay qaadeen ciidamada Somaliland eek u sugan gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo saacado kooban la wareegay degaanka Boocame ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-24012020-ok-sax.mp3 View the full article
  7. Wararka ka imaanaya degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaanna sii jeedka buuraleyda Calmadow ee kulaala Gacanka Cadmeed, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya laba malayshiya-beeleed. Dad kala duwan oo ku sugan degmooyinka Ceerigaabo iyo Yubbe, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dagaalka oo subaxnimadii hore ee saaka bilowday uu istaagay goor dambe oo duhurnimadii ah, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Wararku waxay sheegaayan, in dagaalka labada malayshiya-beeleed uu salka ku hayo macdan noocya kala duwan leh, oo ay halkaasi ka wada-guran jireen labada dhinac, balse markii dambe ay ku heshiin waayeen. Labada dhinac, ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degaanka Shidan iyo nawaaxigiisa, waxaana odayaasha iyo waxgaradka degmada Yubbe ay Somaliland ku eedeeyeen, in ay taageero siinayso dhinac kamid ah malayshiyaadka. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay buuraleyda gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankan ay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya , Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho. Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka ,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka , Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadashay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho , Sen, Maxamed amiin Sheeq Cusmaan guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobay ayaa raadineysa 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu maalgeliyo howlaha samafalka ee Soomaaliya sanadkaan 2020 sida uu sheegay Khamiistii Shalay aheyd afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay. Farhan Haq oo ah Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in UN-ka oo kaashaneyso Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha ku shaqada leh howlaha bini’adaanimada ay bilaabeen raadinta lacago loogu talagalay Soomaaliya sanadkaan 2020. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaas loo adeegsan doono dadka u baahan gargaarka bini’aadanimo si ay u helaan raashin ku filan, wuxuuna dadka gargaarkaas la siinayo ku sheegay inay yihiin 3 Milyan oo qof, oo ku dhawaad kalabar dadkaas ay ku barakaceen gudaha dalka. Si kastaba ha noqotee, qiyaastii 5.2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo, oo ay ka mid yihiin 1.7 milyan oo qof oo ku barakacay dagaalada, amni-darrada, kuwa xoog looga saaray guryahooda, abaaraha, iyo daadadka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Xafiiska bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada waqtiga dheer ku jiray dhibaatooyinka ugu adag ee dhanka bini’aadanimada taasoo ay sabab u tahay Cimilada isla markaasna ay wehliso dagaalada iyo sanboolnimada baahsan.
  10. Somaliland: Can A Leopard Change It’s Spots? More than thirty years after the carpet bombing of Hargeisa, the shelling of Burao, the strafing of civilians, predominantly women and children, by hired mercenary pilots of the regime of the late dictator, Siyad Barre, up pops an unrepentant, unreconstructed, bloodthirsty felon, Abdirahman “Guulwadde” to declare that it was all , in his words, “justified” Which begs the question, Can a leopard change it’s spots?. No, it is impossible. A few months ago, the unelected “president” in Mogadishu, guarded at an considerable expense by AMISON and international forces, whose motto, ironically, is “nabad iyo nolol” ( peace and life), took a picture with a convicted war criminal, the infamous Col. Tuke, in Washington, DC at the opening of a new Somali “embassy”! No surprise in that since they are both remnants of that brutal Barre regime. But, the offensiveness of that photo in the eyes of Somalilanders and many other Somalis was and is beyond measure. Which begs the question, Can a leopard change it’s spots? No, it is impossible. Nothing will ever change in Mogadishu with regard to Somaliland. They will neither acknowledge nor apologize for the genocide committed against the very people who championed the union and fought for independence against colonialism. So much for “pan-Somalism”. Somaliland and it’s people have learned their lesson. Tragically, it came at a heavy price and they will never make the same mistake again. With each diabolical, and truth be told, deeply held, utterance from Mogadishu and it’s cronies, the more determined we are in holding on to our precious sovereignty. It makes no difference whether few educated and “sane” people from Somalia condemn such offensive remarks and actions; but, let us be clear, these same apologists also deny the fact that Somaliland and Somalia were two sovereign countries who agreed to form the now defunct union. They also deny our history and existence. Which begs the question, Can a leopard change its spots? No, it is impossible. It is now over three decades since Somaliland reclaimed it’s sovereignty. We may not enjoy de-jure recognition, YET, but, we enjoy peace, freedom and progress. THERE IS NO GOING BACK. The only thing left to discuss is the possibility of a future relationship based on good neighbourliness, and of cultural, social and economic ties. If that is not good enough for Mogadishu, then, we all know the next chapter. Waa Bilaahi Towfiiq Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
  11. Nairobi (SMN) – Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamota, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay qaar kamid ah madaxda maamulada. Madaxda uu diblumaasigaan la fariistay ayaa waxay kala yihiin hogaamiyeyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in kulanka diirada lagu saarey amniga iyo khilaafka maamulada qaar iyo dowlada. Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka, Mareykanka wuxuu doonayaan in lasoo gabagabeeyo muranka si looga wada hadlo doorashooyinka 2020-21. Washington ayaa ku boorisay hogaamiyeyaasha Soomaaliya inay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si looga heshiiyo arrimaha masiiriga ah ee wadanka. Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa soo dhaweeyay wada-hadalo loo dhan yahay oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyadda iyo kuwa federaalka ah. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay dhameystirayaan sharciga doorashooyinka dalka. Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa tilmaamtay in ay sharciyadan ay muhiim u yihiin doorashooyinka wadanka ka dhacaya 2020-21. Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, Xaliimo Yarey ayaa daboolka ka qaadey in ay rajeynayaan in baarlamaanka uu kala shaqeyn doono arrintaas. Hadalka ayaa kusoo aadaya iyaddoo haatan sharciga doorashooyinka uu horyaalo Aqalka Sare, maadaama Golaha Shacabka meelmariyey. Sidda ay ka dhawaajisay Xaliimo Yarey, waxaa jira sharciyo kale oo muhiim u ah doorashooyinka kuwaasoo aanan wali la ansixin. Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashooyin qof iyo cod sanadka dambe 2020-21, waxaana dowladdu waqti badan gelineysaa hirgelinteeda. View the full article
  13. Baardheere (SMN) – Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal ka dhacay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo iyo rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu ekeeyay saldhiga milatariga. Xerada la bartilmaameedsaday ayaa la wariyey in ay ku taalo koonfurta magaalada Baardheere ee gobolkaas Gedo. Ruuxa shacabka ah ee dhaawaca soo gaarey ayaa lagu waramy in ay haleeshay rasaasta ay is-weedaarsanayeen dhinacyadda. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo maamul goboleedka Jubaland. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan ah waxay ku qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-24012020.mp3 View the full article
  15. Sidee buu Amiir Maxamed Bin Salmanka Sacuudigu u jabsaday Teleefonka Jeff Bezos – Ninka ugu taajirsan dunida? Taleefonka bilyineerka iska leh shirkadda Amazon ee Jeff Bezos ayaa la jabsaday sanaddii 2018 kadib markii uu farriin WhatsApp ah ka helay cinwaanka dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian. Jeff Bezos ayaa sanadihii 2018 iyo 2019 kaalinta koowaad ka galay liiska majaladda Forbes ee dadka ugu taajirsan caalamka. Farriin la rumeysnaa inay sugan tahay oo uu Maxamed Bin Salman usoo diray Jeff Bezos ayaa waxaa la ogaaday inuu ku jiray Fayrus, kaasi oo sahlay in taleefonka la dhex galo kadib markii uu Bezos furay fariinta, sida lagu ogaaday baaritaan. Taxliiliyayaal computer ayaa sheegay inay u badan tahay in taleefonka lagu jabsaday video la socday fariinta Bin Salmaan uu soo diray. Marka file-ka Fayruska wata lasoo dirayey, ayaa Jeff Bezos iyo Bin Salmaan waxaa WhatsApp-ka ku dhex-marayey wada sheekeyso saaxiibtinimo, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen The Guardian. Saacado gudahood ayaa faylal kumanaan gaaraya loogala baxay taleefonka Bezos, sida uu sheegay qof xog-ogaal u ah arrintan. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa ay ahaayeen falayasha. Sheekadan ayaa abuureyso su’aal ku saabsan kaalinta uu Maxamed Bin Salman ku lahaa sawirro sir ah oo muujinayey xiriir qarsoodi ah oo Jeff Bezos uu lahaa gabar, kuwaasi oo uu daabacay wargeyska National Enquirer, islamarkaana hoggaamiyey in Bezos iyo xaaskiisa kala tagaan. Tallabaadan ayaa la rumeysan yahay in looga dan lahaa in loogu goodiyo Jeff Bezos, si wargeyska Washington Post, oo uu leeyahay, uu u joojiyo qorista sheekooyinka Jamaal Khaashuqji oo wargeyska wax ku qori jiray, kuwaasi oo fadeexad weyn ku noqday Bin Salmaan. Sacuudi Carabiya way beenisay in jabsashada taleefonka Bezos ay dhiir-geliyeen ficillo siyaasadeed. Dad ku dhow Maxamed Bin Salmaan ayaa u sheegay wargeyska Wall Street Journal inay ka war hayeen qorshahaha jabsashada, balse aysan waxba ka ogeyn in ujeedku ahaa in loogu hanjabo Jeff Bezos. Waxay sidoo kale sheegeen in falkan uu ka dambeeyey Saud Al-Qahtani oo ahaa jaajuus u shaqeynayey Maxamed Bin Salmaan, uuna doonayo inuu ku cabsi geliyo Jamaal Khaashuqji. Qaran News
  16. Siyaasiga reer Gambia ee maxkamadda adduunka geeyay Tacadiyada ay Aung San Suu Kyi u geysatey Muslimiinta Rohingya Wasiirka caddaaladda ee Gambia Abubacarr Tambadou Tallaabo uu qaaday wasiirka caddaaladda ee dalka Gambia Abubacarr Tambadou ayaa Aung San Suu Kyi lagu geeyay maxkamadda caddaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay Hague, waxaana loo heystaa eedeymo ay beenisay oo ku saabsan in milatariga dalkeeda ay xasuuq geysteen. Maxkamaddan ugu sarreysa caalamka ee hoos tagta Qaramada Midoobay ayaa amartay in laga hortago dilal kale oo ka dhaca waddanka ay haweeneydaas madaxweynaha ka tahay ee Myanmar. Haddaba waa kuma ninkan maxkamadda geeyay haweeneyda horay ugu guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka? Safar lama filaan ah oo uu Abubacarr uga tagay waddankiisa yar ee ku yaalla galbeedka Afrika ayuu ku gaaray waddanka Bangladesh, halkaasoo uu kula kulmay dad qaxooti ah. Ka dib markii uu dhageystay sheekooyinkooda naxdinta leh, waxaa usoo baxday in dad badan lagu xasuuqay gudaha Myanmar. “Waxaan ogaaday in arrintani ay aad uga weyneyd sida aan ku arkeynayay telefishinnada”, ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da. “Milatariga iyo dadka shacabka ah ayaa si toos ah u qorsheynayay weerarrada ka dhanka ah qowmiyadda Rohingya, iyagoo guryaha ka gubayay, carruurtana intay khasab uga qaadaan hooyooyinkooda ayey ku tuurayeen dabka holcaya. Ragga way gowracayeen, gabdhahana way kufsanayeen iyagoo nooc walba oo xadgudubka dhinaca galmada ah ku sameynaya”. Rohingya waa qowmiyad muslimiin ah oo looga tiro badan yahay wdadanka ay ku badan yihiin dadka heysta diinta budiistaha ee Myanmar (oo sidoo kale loo yaqaanno Burma). ‘Wixii ka dhacay Rwanda oo kale’ Dhacdooyinkan waxay Mr Tambadou soo xasuusiyeen kuwii ka dhacay dalka Rwanda, markii uu xasuuqa ka socday sanadkii 1994-kii. Xasuuqaas waxaa lagu dilay qiyaastii 800,000 oo ruux. “Waxay sheekooyinku aad ugu ekaayeen kuwii ku saabsanaa falalkii ka socday Rwanda ee lagu bartilmaameedsanayay dadka Tutsi-ga ah. “Waxay wadaagaan fikirka isir-goynta ah, magacyada loo bixiyay iyo calaamad kasta oo xasuuqa muujineysa. “Markii aan fikiray waxaa ii soo baxday in dowladda Myanmar ay mas’uul ka ahayd burburinta guud ahaan qowmiyadda Rohingya”, ayuu yiri. Boqollaal kun oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya oo kasoo qaxay Myanmar ayaa ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Bangladesh Dowladda Myanmar waxay beenisay inay xasuuq geysatay, waxayna isbuucan soo saartay “xog kooban” oo ku saabsan baaritaannadii ay ku wadday dilalkii faraha badnaa ee dhacay iyo howlgalladii ay milatariga uga jawaabeen weerarro ay fuliyeen mintidiin muslimiin ah. Maadaama xogtan lasoo saaray maalmo yar ka hor inta aysan xukun ku dhawaaqin maxkamadda ICJ, waxay u muuqataa isku day lagu doonayo in mas’uuliyiinta dowladda “lagu bariyeelo”, xilli dowladda ay hadda bartamaha uga jirto eedeymaha xasuuqa. Aung San Suu Kyi waxay maxkamadda horteeda ku doodday in baaritaankan ay iyagu sameynayeen uu u furan yahay faragalin caalami ah. Hoggaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi Mr Tambadou dhankiisa, ma uusan rabin in marnabada laga aamuso arrintaas. “Waxan bani’aadannimadeenna ayey ku xiran yihiin markii dhinac kasta laga eego”, ayuu ku yiri cod dheer. Myanmar waxaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudubtay xeerka caalamka u yaalla ee lagu mamnuucay xasuuqa. Mid kasta oo ka mid ah waddamada 149-ka ah ee saxiixay xeerkaas ayaa kusoo oogi karay dacwaddaas laakiin Gambia oo aan qeyb ka ahayd dalalkii saxiixay xeerka ayaa tallaabo u qaaday dacwdadan, waxaana hor kacayay Mr Tambadou. Kiiska ku saabsan xasuuqa ee ka dhanka ah dowladda Myanmar ayaa taageero ka heysta ururka ay ku mideysan yihiin 57-da waddan ee muslimiinta ah(OIC) iyo waliba koox qareenno caalami ah. Dowladda Gambia ayaa maxkamadda ICJ ka codsatay inay xukun deg deg ah kasoo saarto dacwaddan. ‘Cabsi la’aan’ Simon Adams, oo ah madaxa hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, ayaa sheegay in hal nin oo dhiirran, xirfadna leh uu usoo istaagay inuu Myanmar kula xisaabtamo xasuuq lagu eedeeyay. “Dadka qaarkood waxay ka cabsanayeen xiriirka lala leeyahay Shiinaha”, ayuu yiri. “Kuwo kale waxay sheegeen inaan la joogin wakhtigii saxda ahaa, oo arrintu ay siyaasad ahaan khatar u ahayd. [Laakiin] waxaan aad ula dhacay cabsi la’aantiisa. Wuxuu fahansanaa cadaadiska imaan kara, laakiin wuxuu qorsheeyay sida lagu maareyn karo”. Aung San Suu Kyi was seated next to Abubacarr Tambadou as he addressed the ICJ Dareenka noocan ah wuxuu Mr Tambadou isagoo aad u da’ yar. Isagoo dhashay sanadkii 1972-kii, wuxuu ku soo koray caasimadda waddanka Gambia ee Banjul, wuxuuna dhexda uga jiray 18 carruur ah oo walalaihiis ah. Aabihiis wuxuu lahaa saddex xaas, maadaama ay yihiin qoys muslimiin ah. Markii uu dhalinyarada ahaa wuxuu ku fiicnaa dhinaca ciyaaraha, wuxuuna dalkiisa kula guuleystay koobab. “Ciyaartoy xun ma aanan ahayn”, ayuu yiri. Saaxiibbo u dhow oo dacwado lagu soo oogay inkan 47 jirka ah waxaa markii uu yaraa lagu naaneysi jiray “nasiibloow”. Qoyskiisa oo dabaqad dhexe ahaa waxay awood u heleen inay ka bixiyaan kharashkii uu ku dhigtay dugsiga sare ee gaarka ah iyo jaamacad dalka Ingiriiska ah. Isagoo ka cabsanaya inuu aabihiis niyad jabiyo ayuu ka tanaasulay hammigiisii dhinaca ciyaaraha, wuxuuna sameystay aqoon kale. “Waligey kuma fikirin inaan cilmiga sharciga barto. Laakiin… booskii ugu horreeyay ee aan jaamacadda ka helay wuxuu ahaa heerka koowaad ee barashada sharciga, sidaas darteedna waan baddalay xirfaddeydii”. Ka dib markii uu qalin jabiyay, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo, wuxuuna ku biiray waaxda dacwad oogista. Isgaa iyo saaxiibbadiis waxay cod dheer uga hadli jireen tacaddiyada ka dhanka ah bani’aadannimada. Bishii April ee sanadkii 2000, ciidamada amniga ee madaxweynihii hore ee Gambia Yahya Jammeh ayaa rasaas ku furay dad mudaharaadyo nabadeysan dhigayay, waxayna dileen 14 arday, hal wariye iyo nin si isxilqaamid ah uga shaqeynayay hay’adda Laanqeyrta Cas. Yahya Jammeh wuxuu xukunka heystay 22 sano, ka hor inta aan dalka laga eryin Mr Tambadou wuxuu daawanayay saaxiibaddiisii ugu dhawaa oo la maxkamadeynayo, laakiin cadaadis dhanka qoyskiisa uga yimid awgiis ayuu ku go’aansaday inuu xirfaddiisa uga shaqeyso dalka dibaddiisa. Ka dib markii ay dhacday dowladdii Jammeh, billowgii 2017-kii, Mr Tambadou wuxuu dib ugu soo laabtay Gambia, si uu xubin uga noqdo golaha wasiirrada ee madaxweyne Adama Barrow, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee lagu doorto Gambia, muddo 23 sano ah. Wuxuu hadda dareensan yahay in la joogo wakhtigii ay ambia dib usoo ceshan lahayd booskii ay ku lahayd arrimaha caalamka. Qaran News
  17. Astaan ay dhif tahay in la arko oo kasoo muuqatay cirka Brett Critchley ayaa sawiray calaamaddan oo ay dhif tahay in la arko, xilli uu ku sugnaa magaalada Tywyn, Gwynedd, oo ka tirsan Wales Qaanso roobaan midabkeedu caddaan kaliya yahay oo ay dhif tahay in la arko ayaa lagu sawiray meel badda dhinaceeda ah oo ku taalla deegaanka Gwynedd, oo hoos taga ismaamul goboleedka Wales. Astaantan oo ku timid cimilada hawada ayey subaxnimadii Kahmiista arkeen dadka ku nool magaalada Tywyn, oo dhinaca ku heysa xeebta. Qaanso roobaadkan oo sidoo kale loo yaqaanno qaanso roobaadka reer aakhiraadka ah, ayaa ka sameysanta marka ay is qabtaan iftiinka qorraxda iyo dhibcaha yar yar ee biyaha roobka ku jira daruuraha. Waxay ka duwan tahay qaanso roobaadka la wada yaqaanno ee midabbada kala duwan leh, taasoo ka dhalata marka ay isu soo aadaan iftiinka qorraxda iyo dhibcaha roobka da’aya. Maxay tahay qaanso roobaadda reer aakhiraadka ah? Mark Kendall ayaa sidoo kale sawiray astaantan Qaanso roobaadda cad waxay siyaabo badan ula mid tahay qaanso roobaadda caadiga ah ee mar walba la arko, laakiin waxaa u dhaxeeya farqi aad u weyn. Nidaam la yiraahdo (refraction = islafalgal), ayey fallaaraha iftiinka qorraxda ayaa marka uu ku dhaco dhibcaha waaweyn ee roobka wuxuu sameeyaa midabbo kala duwan oo inta badan aad loo arko, waxaana loo yaqaannaa Qaanso Roobaad. Hase yeeshee Qaanso Roobaadda midabkeedu caddaanka kaliya yahay waxay ka dhalataa falgalka dhibcaha biyaha khafiifka ah ee kasii fafiina dhibcaha waaweyn ee roobka iyo fallaaraha intiinka qorraxda. Qaanso roobaad cad oo lagu arkay Scotland Sawir aad u qurux badan oo muujinaya “Qaanso Roobaadda cad” ayuu Rannoch Moor ku qaaday galbeedka Scotland, bishii Nofember ee sanadkii 2016-kii. Calaamadda noocan ah ee cirka kasoo muuqata ayey seynisyahannadu sheegaan inay tahay mid aan si sahlan ku sameysmin, sidaas darteedna aan badanaa la arki karin. Qaran News
  18. THE HAGUE/COX’S BAZAAR, Bangladesh (Reuters) - The International Court of Justice on Thursday ordered Myanmar to take urgent measures to protect its Rohingya population from genocide, Source: Hiiraan Online
  19. JOHANNESBURG (AP) — Locusts by the millions are nibbling their way across a large part of Africa in the worst outbreak some places have seen in 70 years. Source: Hiiraan Online
  20. The Security Council Committee pursuant to resolution 751 (1992) concerning Somalia held its first informal consultations of the year to meet with the Panel of Experts on Somalia renewed by resolution 2498 (2019). Source: Hiiraan Online
  21. The U.S. military on Thursday released new details of the Jan. 5 attack on a Kenyan airbase used by U.S. troops following a New York Times report that described the scene as chaotic. Source: Hiiraan Online
  22. Washington (Caasimada Online) – Taleefonka bilyineerka iska leh shirkadda Amazon ee Jeff Bezos ayaa la jabsaday sanaddii 2018 kadib markii uu farriin WhatsApp ah ka helay cinwaanka dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian. Jeff Bezos ayaa sanadihii 2018 iyo 2019 kaalinta koowaad ka galay liiska majaladda Forbes ee dadka ugu taajirsan caalamka. Farriin la rumeysnaa inay sugan tahay oo uu Maxamed Bin Salman usoo diray Jeff Bezos ayaa waxaa la ogaaday inuu ku jiray Fayrus, kaasi oo sahlay in taleefonka la dhex galo kadib markii uu Bezos furay fariinta, sida lagu ogaaday baaritaan. Taxliiliyayaal computer ayaa sheegay inay u badan tahay in taleefonka lagu jabsaday video la socday fariinta Bin Salmaan uu soo diray. Marka file-ka Fayruska wata lasoo dirayey, ayaa Jeff Bezos iyo Bin Salmaan waxaa WhatsApp-ka ku dhex-marayey wada sheekeyso saaxiibtinimo, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen The Guardian. Saacado gudahood ayaa faylal kumanaan gaaraya loogala baxay taleefonka Bezos, sida uu sheegay qof xog-ogaal u ah arrintan. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa ay ahaayeen falayasha. Sheekadan ayaa abuureyso su’aal ku saabsan kaalinta uu Maxamed Bin Salman ku lahaa sawirro sir ah oo muujinayey xiriir qarsoodi ah oo Jeff Bezos uu lahaa gabar, kuwaasi oo uu daabacay wargeyska National Enquirer, islamarkaana hoggaamiyey in Bezos iyo xaaskiisa kala tagaan. Tallabaadan ayaa la rumeysan yahay in looga dan lahaa in loogu goodiyo Jeff Bezos, si wargeyska Washington Post, oo uu leeyahay, uu u joojiyo qorista sheekooyinka Jamaal Khaashuqji oo wargeyska wax ku qori jiray, kuwaasi oo fadeexad weyn ku noqday Bin Salmaan. Sacuudi Carabiya way beenisay in jabsashada taleefonka Bezos ay dhiir-geliyeen ficillo siyaasadeed. Dad ku dhow Maxamed Bin Salmaan ayaa u sheegay wargeyska Wall Street Journal inay ka war hayeen qorshahaha jabsashada, balse aysan waxba ka ogeyn in ujeedku ahaa in loogu hanjabo Jeff Bezos. Waxay sidoo kale sheegeen in falkan uu ka dambeeyey Saud Al-Qahtani oo ahaa jaajuus u shaqeynayey Maxamed Bin Salmaan, uuna doonayo inuu ku cabsi geliyo Jamaal Khaashuqji.
  23. Soomaaliya ayaa mar kale u tallaaba-qaadday ​ka faa’iidaysiga kheyraadka shiidaalka, kaddib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu ansixiyay January 6, 2020 Sharciga Batroolka dalka. Walow sharcigu uu soo raagay, haddana waxaa la filaayaa inuu soo jiidan doono maalgashiga shirkadaha shidaalka caalamiga ah. Balse, waxaa murugo ka taagan tahay in ansaxintii sharciga uu ku soo beegmay xilli olole​ doorasho, iyo rabshado argaggixiso dalka ay ka bilowdeen, taas oo baqdin gelin karta maanka maalgashatada shisheeyaha. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa muhiim ka dhigaya udugga saliidda Soomaaliya laga sheegayo? Tobankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaa si xoog leh looga helayay gaaska dabiiciga ah iyo saliidba, inta u dhaxeysa Mozambique iyo Kenya. Warbixin uu qoray wargeys ka soo baxay Houston Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed wuxuu ku yiri, “Muhiimadeenna maanta waa inaan caddeynaa jiritaanka harooyin kayd iyo xaqiijinta mugga saliidda” (Chron – 12/02/2019). Soomaaliya waxay magaalada London ku soo bandhigtay February 7da, 2019 macluumaad laga soo uruuriyay sahmintii Spectrum ee “Juba-Lamu Basin, Coriole Basin, and Obbia Basin.” Halkaas, waxaa ka soo ifbaxay in dalku uu ka mid noqon karo mid ka mid ah baraha saliidda ugu muhiimsan ee xeebaha Bariga Afrika. Walow dhulka Soomaaliya shidaal laga baarayay tan iyo 1956dii, haddana saliidda dhawaan lagu sheegay xeebaha Soomaaliya waxaa muhiim ka dhigaya baaxadda kaydka iyo waddanka oo ku dhow suuqyada Aasiya (Hindiya iyo Shiinaha), kana fog colaadda Bariga Dhexe. Shirweynihii shidaalka qaaradda Afrika ee November 2019 ka dhacay magaaladda Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika ayaa Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ku ballan qaaday in Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay billaabi doonto sanadka 2020 shati bixinta 15 xirmo. War laga soo xigtay wargeyska Financial Times ayaa sheegaya, in Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil ay safka hore uga jiraan maalgashiga kheyraadka badda Soomaaliya, waxaase muuqan shirkadda Talyaaniga ENI Energy oo magac weyn ku yeelatay helidda gaaska Mozambique. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegayaa in ENI Energy oo shuraaka kula ah Imaaraadka Carbeed sahminta aagga badda Soomaaliyeed ee Kenya ay sheeganeyso inay ku sugan tahay xaalad ishaa falateen ah (wait and see). Si kastaba ha ahaatee, kharashyada wax soo saarista oo sii kordhaya iyo macaashka laga helaaya oo hooseeyo ayaa shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ka hakinaya inay foodda daraan khatarta aan la ogeyn. Taas ayaa shirkadaha yaryar horumuud uga dhigtay sahminta saliidda iyo gaaska gobolka, kuwaas oo ku dhiirran u bareeridda khatarta maaliyadeed iyo ka howlgalka dhul aan hore loo tijaabin sahmintiisa. Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya ifafaale tilmaamaya in shirkadda Fransiiska TOTAL oo shuraako kula ah “Qatar Petroleum,” baarista saliidda Kenya iyo Namibia ay daneyneyso saliidda Soomaaliya, waxaase lama filaan noqotay, in Madaxweyne Recep Tayib Erdogan uu ku dhawaaqo in Muqdisho ku casuntay sahminta saliida Soomaaliya. Suuqa shidaalka adduunku wuxuu soo maray marxalado kala duwan. Shirkadaha shidaalka caalamiga ah waxay 60-yadii xuquuqda hantida “royalties” u siin jireen dalka shidaalka laga helo 1.80 doolar barmiilkii. Arrintaas waxay isbeddeshay kadib markii 1973kii uu shidaalka adduunka galay khalkhal, taas oo keentay in la kordhiyo xuquuqdaas. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxaa ku kallifay Madaxweyne Erdogan inuu warkiisa warbaahinta u soo mariyo Soomaaliya, asagoo heli karo habab ka habboon? Baaqa Madaxweyne Erdogan, wuxuu siday farriin u baahan in la dhuuxo nuxurkeeda. Yuusuf Gaandi oo ka faallooda siyaasadda “Horn of Africa Geopolitics” ayaa yiri, “Siyaasaddu ma aha oo keliya inta muuqata ee waxaa loo baahan yahay in la fahmo inta miiska hoostiisa ka socota.” Turkiga wuxuu ku soo galay Soomaaliya ujeeddooyin laysku ogaa, hase yeeshee isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku jahaysnayd dagaalka xagjiriinta Geeska Afrika, ayaa diblomaasiyadda nabadda u gacan banneysay Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbeed, iyadoo aan loo cayi​min xuduudaha ​ay ciyaari karaan. Maanta, waxaa muuqata in Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ay ka jiraan qalalaaso u baahan xal degdeg ah. Falanqeeyaasha siyaasadda waxay rumeysan yihiin in xalkii Turkiga ee Syria iyo Libya uu beddelay isla-ekaanta cududda, taas oo dalal badan ku qasabtay inay dib uga fiirsadaan ujeeddooyinkoodii siyaasadeed. Miyaysan haddaba, afeefta Erdogan u muuqan inay u socoto dalal aan la magac dhabin, balse door ku leh fidnada Soomaaliya, iyadoo loo sii marsiinayo Ingiriiska oo iskuduwe ka ah mashruuca Geeska Afrika. Sidoo kale waxaa muhiim ah, in dalalka gobolka ay u baahan yihiin inay iska kaashadaan, islamarkaasna iska caabbiyaan faraggelinta Amiiradda Imaaraadka Carbeed ee meel ka dhaca ku ah siyaasadooda gudaha iyo xuriyaddooda qarannimo, ​iyadoo la soo dhaweenayo iskaashiga faa’iidada labada dhinac ku dhisan. Madaxweyne Erdogan, waxuu hurdada ka kiciyey shirkadaha shiidaalka ee quuddarraynaaya kheyraadka Soomaaliya, balse aan maalgashi diyaar u ahayn inay sameeyaan xilligan, sababo amni awgood. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wada-shaqeyn ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay horumarka siyaasadeed ee 2020 iyo mustaqbalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjire Donald Yamamoto uu la kulmay afar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, islamarkaana uu kala hadlay baahida loo qabo in si wada jir ah wax looga qabto caqabadaha taagan, wanaag Soomaaliya darteed. “Dib u billaabidda hanaanka wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa muhiim u ah dhammaan dhinacyada. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sare u qaadiida hadafyada aan wadaagno ee ah xaqiijinta Soomaaliya barwaaqo u ah dhammaan Soomaalida. Dadka Soomaaliya ayaa dalbanaya, jiilka mustaqbalka ayaa rajeynaya, waana in hoogaamiyayaasha Soomaaliya ay fuliyaan” ayaa lagu yiri qoraalka. Yamamoto ayaa 23-kii bishan la kulmay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kalana hadlay baahida deg degga ah ee loo qabo in samai-leyda siyaasadda Jubaland ay dhameeyaan is-marin waaga siyaasadeed, islamarkaana si isku mid ah diiradda loo saaro la-dagaalanka Al-Shabaab. Danjiraha ayaa sidoo kale 23-kii bishan la kulmay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, kalana hadlay taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada ammaanka ee Puntland, muhiimadda doorasho qaran oo laga wada qyeb-galo, iyo baahida deg degga ah ee loo qabo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Toddobaadkii tagay danjiraha ayaa la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen kalana hadlay arrimaha ammaanka iyo horumarka iskaashiga gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu sidoo kale la kulmay madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, kalana hadlay muhiimadda xoojinta saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wada shaqeynta Amisom. Kulamadan ayaa kusoo aadaya ayada oo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ku gacan seereen habka ay xukuumadda u wajaheyso hanaanka doorashooyinka 2020, iyo ansixinta sharciga doorashooyinka ee baarlamanka.