Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish ) ayaa sheegay in waddooyinka magaalada muqdisho laga xareynayo xoolaha kala duwan ee dhex socda,kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan lagu qabo. Guddoomiyaha waxa uu shegay in xero lagu magacaabo baadi qabad oo hadda Dhismo lagu wado loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha wadooyinka caasimadda dhex socda ee dadkii lahaa xanaaneysan waayeen in lagu xareeyn doono. Wuxuu intaasi ku daray hadalkiisa Guddoomiyaha in hadii dhismaha xaruntaasi oo ku taala meel u dhaw kawaan bari la dhamaystiro ay digniin u diri doonaan dadka leh xoolahaasi hadii ay xanaaneysan waayaane laga xarayn doono si ay u soo hagaagto bilicda caasimadda. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya hagaajinta bilicda iy o amniga caasimadda,waxaana dadaaladaas qeyb ka ah Shacabka gobolka Banaadir. View the full article
  2. Jihan Abass, a 26-year-old Kenyan woman, often walks into meetings full of puzzled faces as people crane past her looking for the boss of her new digital motor insurance company. Source: Hiiraan Online
  3. Tan iyo markii ay Goobjoog News ay daabacday in uu weli furanyahay, shaqeeyana xabsiga Godka Jilacow waxaa isa soo tarayey xaqiijinta arrintan la xiriira. Qaar ka tirsan hey’adaha dowladda federaalka ah oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu Godka Jilacow uu haatan xarun u yahay NISA-da gobolka Banaadir isla markaana si KMG ah dadka laga shakiyo lagu baaro, su’aalo lagu weydiiyo, laguna xiro inta ay baaristu socoto. Arrintan ayaa si cad uga hor imaaneysa hadalkii dowladda federaalka ah ee ahaa inuu xabsigaasi xiran yahay, did dambe aan loo fureyn, loona isticmaali karin sidii hore. Dhanka kale, Goobjoog News ayaa la hadashay qaar ka tirsan dad qaab dambi baaris ah loo geeyey bishii tagtay xabsiga godka Jilacow, kuwaas oo sidoo kale sheegaya iney indhahooda ku arkeen dad xiran iyo xabsiga oo caadi u shaqeeyo. Arrimaha aan ogaanay inta aan baarista wadnay waxaa ka mid ah xabsigan ay adeegsadaan hey’adda nabadsugidda gobolka Banaadir. December 16,2018: Xaflad ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA. Hey’adaha amniga ee dowladda federaalka ah ayaa ka baxay balantii ay qaadeen wasiirrada iyaga oo soo xeliyey shaqada xabsigii, lamana oga sida ay dowladda ka yeeli-doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Warbaahinta Puntland Post, ayaa xog dheeriya ka heshay kulamo gaar-gaar ah, oo safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto uu maalmo ka hor magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Ilo’ kala duwan oo xog-ogaal ah, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Puntland Post, in safiirka Maraykanka Donald Yamamoto uu madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland u soo jeediyay, in Shir deg deg ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka lagu qabto magaalada Muqdisho, si xal rasmiya looga gaaro khilaafka labada dhinac. Mr Yamamoto ayaa Deni iyo Axmed Madoobe midba gaarkiisa ugu sheegay, in Maraykanku doonayo, in si dhakhso ah heshiis midaysan looga wada-gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya 2020/2021, si taasi loo xaqiijiyana ay marka hore muhiim tahay, in la dhammeeyo khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ayaa la xaqiijiyay in ay jawaabo isu’eg siiyeen safiirka Maraykanka, kuwaasi oo ah in ay diyaar u yihiin shirkaasi, balse dhinaca dowladda Federaalka ay wax kasta ka socon waayeen, islamarkaana aysan ogolayn in tanaasul iyo wada-tashi wax lagu dhammeeyo. Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto, ayaa dhankiisa u sheegay Deni iyo Axmed Madoobe, in uu dhowaan la kulmi doono madaxda sare ee dowladda Federaalka, isagoo u ballan-qaaday in uu Villa Somalia go’aan cad ka keeni doono, dabadeedna uu ku soo war-celin doono Puntland iyo Jubaland. Villa Somalia ayaa diiddan in ay hor-fariistaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo doorashadiisi dambe ay aqoonsan waayeen, balse haddii Mr Yamamoto uu ku qanciyo shirkaasi oo Axmed Madoobe qeyb ka yahay waxa ay guul siyaasadeed u noqon doontaa Jubaland. Sidoo kale, haddii Villa Somalia diiddo in shirkaasi la qabto, waxay wajihi doontaa cadaadis xooggan oo kaga furmayaa dhinaca Beesha Caalamka oo doonaysa in si dhakhso ah looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020/2021-da. PUNTLAND POST The post XOG: Villa Somalia oo wajahaysa laba-daran mid dooro appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Nairobi)-Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaarado dhowr ah oo nooca dagaalka ku wareejiyay dowladda Kenya, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya. Tiradda diyaaradaha Mareykanka uu ku wareejiyay Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay gaadhayaan ilaa iyo lix diyaaradood ah nooca MD-530F, waxaana Kenya u adeegsan doontaa dagaalka ka dhan ah Al-shabaab. Goobta ay ka dhacday Munaasabada wareejinta diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend. Taliye Stephen Townsendn oo halkaas khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in lixda diyaaradood ee lagu wareejiyay Kenya ay qeyb ka yihiin iskaashiga dhanka amaanka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Mareykanka. Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ayaa u mahadceliyay Mareykanaka, iyagoona sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay tahay mid muhiim u ah. Si kastaba Mareykanka ayaa Kenya ka caawinaya dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, iyadoona ay xusid mudan tahay in bishaan Janaayo Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Badda ee Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Mand Bay eek u yaalla Gobolka xeebta ah ee Lamu ee Kenya. Source
  7. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa maanta xarunta dhexe ee magaalada Garowe kulan kula qaatay xubno ka socday bulshada rayidka ah, xarumaha aqoonta; sida laamaha cilmibaarista, jaamacadaha, ururada haweenka, dhallinyarada iyo warbaahihta. Kulanka oo ahaa isxog-wareysi iyo in Guddiga iyo Bulshada Rayidka ah bishiiba mar ay shir noocaan oo kale ah. Waxaa shirka furay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Guuleed Saalax Barre oo soo dhoweeyay kasoo qaybgalayaasha isaga oo uga waramay wixii TPEC u qabsoomay iyo qorshaha guddiga ee bisha soo socota iyo ahmiyadda iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac. Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xubnaha TPEC ay safar ugu amba baxayaan gobolada oo ay la kulmayaan qaybaha bulshada, xilli dhowna la hawlgalindoono xafiisyadii Guddiga ee Gobolada. Faysal Axmed Warsame, guddomiyaha dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA oo hadal mahadcelin ah jeediyey ayaa sheegay sida qaybaha bulshada rayidka ay uga go’antahay dhankooda taaba-galinta qorshada dimoqaraadiyeynta Puntland. Wuxuu bogaadiyay shaqada ay hayaan guddiga isagoo sheegay in qorshayaasha socda ay horseed u noqon doonaan sidii loo hirgalin lahaa hannaanka axsaabta badan. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan ciidamada dowladda oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday ciidamada in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka Al-shabaab, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka. Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen qaar kamid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Khayre oo saagootiyay ciidamo dhamaystay Tababar oo dagaal loo qorsheeyay appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Warqadda ka soo baxday Xaaf ayaa waxaa taliyaha gobolka Mudug loogu magacaabay Duraan Cabdi Xaashi, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Mahad Axmed Warsame. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  10. Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaaa sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay deegaanka Bariire oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dagaal ayaa waxuu u dhaxeeyey ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii Xoogaga Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay saaka degan tahay, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  11. (SLT-Tehran)-Iiraan ayaa waxa ay dishay ganacsade weyn oo maandooriyaha ka shaqeysta kaas oo lagu naanayso “Yaxaaska Gacanka Beershiya”, sidoo kalana ay halkaas ku baabi’isay maandooriyihii uu tahriibinayay, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay. “Yaxaaska” ayaa waxaa la qabtay isagoo kuguda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maandooriye ah oo uu marsiinayay biyaha caalamiga ah, saraakiisha ayaa sidaas sheegay. 36-jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgal sirdoon. Iiraan ayaa sannad walba waxa ay khaarijisaa boqollaal maxbuus. Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed xalay saqdii dhexe ay soo saartay Ahlu Sunna ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi. Qoraalka oo uu ku saxiixnaa madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shakir Cali Xasan, kana mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu sheegay in dadka reer Galmudug ay marti ka noqdeen dhisamaha maamulkaasi, islamarkaana howlaha maamul dhisida ee ka socda Dhuusamareeb ay isku soo koobtay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay u afduubtahay doorashada, islamarkaana ay ku xadgudbtay nidaamka federaalka, dastuurka dalka. Ahlu Sunna ayaa sidoo kale dowladda ka dalbatay inay tixgeliso waxgaradka iyo sidoo kale daneeyeyaasha siyaasadda Galmudug. “Dowladda federaalka waa inay tix galisaa waxgaradka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug, taladaas oo ah sida ay wax ku hagaagayaan, Galmudug mid ahna ku dhismi karto.” ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir. Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ku goodisay, haddii aysan dowladda bedalin sida ay haatan wax ku socdaan ay gudaha gali doonto dhismaha maamul kale oo loo dhan yahay. “Dowladda federaalka hadii wax ka badali weyso sida ay wax ku wado, waxaan cadeynaynaa inago kaashaneyna dad reer Galmudug oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale inaan guda gali doono dhismaha maamul loo dhanyahay, kaas oo aan ku soo dhisi doono si waafaqsan dastuurka qaranka iyo kan Galmudug-ba, waxaana cawaaqib kasta oo dhasha arintaas mas’uuliyadiisa dusha u ridan doona dowladda federaalka.” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.
  13. Iyadoo muddoyinkii ugu danbeeyay uu soo ifbaxayay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxda Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haya dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa qoraal kale oo cabasho ah waxaa soo saaray madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay afduubatay Doorashada maamulka Galmudug, iyagoona arrinkaasi ka digay. Warsaxaafadeedkaan oo uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sidoo kale looga digay DF in ay hareermarto waxgaradka Galmudug si loo helo maamul loo dhanyahay. Ugu danbeyn Ahlu Sunna, waxa ay ku goodisay In haddii DFS, ay wax ka badali weyso hanaanka haatan ay wax u wado in iyaguna ay soo dhisi doonaan maamul kale kaas oo sida ay sheegeen noqon doona mid loo dhanyahay. Halkaan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Ahlu Sunna Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war cusub uu soo saaray kaga hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi. Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska, Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegaya in dadka reer Galmudug ay marti ka noqdeen dhismaha maamulkooda, islamarkaana ay dowladda federaalka ay isku soo koobtay howlaha ka socda magaalada Dhuusamareeb Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in haatan uu mugdi galay mustqabalka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  15. Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisada ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo guddoomiyah degmada Baardheere ee uu maamulkaasi soo magacaabay, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, islamarkaana taageersan maamulka ay Baardheere u magacowday dowladda federaalka ay ka goodeen tallaabadaasi, islamarkaana ay dhankooda bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana laga cabsi qabaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi. Dhinaca kale Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo ah ninka ay Jubbaland soo magacowday ayaa eedeyn u jeediyey dowladda Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyey Shabelle. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bardheere-1.mp3 View the full article
  16. Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in si KMG ah loo hakiyey qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in mudo todobaad ah la hakin doono qaadashada baasaboorka, taas oo ka bilaabaneysa 27-ka Jannaayo illaa 2-da Febaraayo. Sidoo kale sababta ayaa lagu sheegay inay jiraan howlo farsamo iyo horumarin ku socota habka bixinta Baasaboorka. “Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda socdaalka. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-260120.mp3 View the full article
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaarado dagaal ugu deeqay ciidamada dowladda Kenya, si ay ugula dagaalamaaan Al-Shabaab. Diyaaradaan oo ah nooca MD-530F ayaa gaaraya illaa lix, waxaana la sheegay in Kenya loo siiyey, si ay ugu adeegsato howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Stephen Townsen oo ah taliyaha ciidanka ee AFRICOM oo Kenya ku wareejiyey diyaaradahaan, kadib munaasabad ka dhacday Nairobi ayaa sheegay inay arrintaan qeyb ka tahay iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Kenya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan taageerada Milatari ee ay siiyaan ciidanka Kenya, islamarkaana ay markale ugu deeqi doonaan diyaarado kale. Saraakiil sare sare oo ka tirsan Milatariga Kenya oo madasha ku sugnaa ayaa ka mahadceliyey diyaaradaha loogu deeqay, waxayna sheegeen inay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan Kenya iyo Soomaaliya. Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee diyaaradaha dagaal ee haatan la siiyey Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso wadankaasi, waxaana dhowaan ay weerartay saldhig ay ciidanka Kenya iyo kuwa Mareykan ah ku leeyihiin gobolka xeebta ee Laamu.
  19. (Mogadishu, Puntland Post) The Somali Federal Government Council of Ministers yesterday ratified a proposal about a bridging loan from Noway to facilitate achieving the debt relief milestone for Somalia. The Norway initiative came to light last year when Prime Minister Hassan Ali Kheire met senior officials of the Norwegian Government. Somali National News Agency (SONNA) reported that United Kingdom and Italy would pay off Somalia’s debt. Both countries have not issued statements to corroborate the SONNA story. UK and Italy, two former colonial powers, are teaming up to challenge assertive French policy embedded in EU mission in Somalia at the time Britain is finalising its exit from the EU. SONNA’S report lacks corroboration Last year Britain voted for the continuation of arms embargo against Somalia for fear that Somali troops’ weapons could end up in the hands of religous extremists waging the war against the Federal Government and its backers, Amisom. Italy has been playing a more active role in Somali politics but has not reportedly been keen on the debt relief agenda at the bedrock of US policy towards Somalia at a time Somali political situation has entered a period of dysfunctionality. © Puntland Post, 2020 The post UK and Italy “to Pay Off Somalia’s Debt” appeared first on Puntland Post.
  20. Social media platforms have been becoming an increasingly integrated part of the lives of the Somali people. They have become the number one socializing method of the public, especially among the millennials who have come of age in the technology age. Social Media is where most people get their news bulleting, learn about the latest events, form and exchange opinions, discuss important issues, do fundraisings for the causes they care about and most importantly social media is where they express themselves without the fear of censorship. Even though the argument that social media is slowly destroying the community fiber may hold some truth, the fact that it has become a formidable force for good is undisputed. Social Media sites have become where the highest form of democracy- the freedom of speech and expression- is exercised, where the voice of the voiceless is amplified, and most importantly human rights promoted and defended. A great example that demonstrated such uncanny powers of social media has happened in Hargeisa when a mother of orphaned children was unjustly fired from her cleaning operative job at a local supermarket, without getting any of her rights as an employee. A woman who came to the supermarket to do some shopping has overheard the mother saying something about being fired to one of the other employees and got curious to learn more about the case. The woman asked the mother why was she fired and she replied “I fell down the steps yesterday during my work hours and my knee was hurt, so I could not get up and come to work this morning. I instead sent my daughter to do my job in the morning shift and this has frustrated the manager. When I arrived in the afternoon for the second shift, the manager told me that I was fired since I could not properly do the work.” She continued, “When I begged him to allow me to stay the rest of the month since we were in the middle of the month and I could not get the money to support my family anywhere else, he refused.” The woman who was shocked by the mother’s story has asked her if she works double shifts and she replied, “Yes, I come here early in the morning and leave at midday to cook lunch for my children and I come back in the afternoon and stay on shift until 9 at night. I get paid $70 a month for all of that. And the worst thing is the fact the manager checks everything several times a day looking for a fault and if he finds anything he scolds me so harshly.” The young woman who has learned the mother’s story has decided to share the story on her Facebook page. The story has reached thousands and where shared by several hundred people across the world within 2 hours. Many of the people wanted to financially contribute to the mother. Many others wrote about the story on their pages expressing empathy, anger, and frustration about what this mother had to put with for so long. Moreover, the story has reached officials from the Ministry of Employment and Social Affairs within 24 hours and they promised that they will take steps to get the mother her rights immediately. The following morning the ministry has called the mother and the employer to learn more about the matter and then it has made its decision following the Somaliland labor code. The final decision was for the employer to pay the employee her full rights including gratuity, annual leave, holidays, and the national holidays. The mother was paid a total amount of $990. Furthermore, the chairperson of the Somaliland Department of Refugees, who has read the moving story on Facebook, has employed the mother in his department with less working hours and better pay. Social Media can indeed be a force good and a voice for the vulnerable. The Facebook post the first broke the story of the mother. The Somaliland Minister of Employment and Social Affairs giving the mother the $990 paid by the employer. The mother (left) and the woman who shared her story on Social Media (Center) at the office of the chairperson of refugees department, who has promised to employ the mother. PUNTLAND POST The post Social Media: A Force for Good appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeisa- On the 13th of January, the government of Somaliland has launched a new electronic payment platform and the government employees will receive their salaries on their phones via this platform named ‘E-Shilling’ from now on. The E-Shilling program was officially inaugurated in a ceremony attended by the Vice President Mr. Abdirahman Abdilahi (Sayli’i), Minister of Finance Dr. Sa’ad Ali Shire, Central Bank Governor Mr. Ibrahim Baghdadi and the Head of Civil Service Mr. Farhan Adan Haybe, among other high ranking government officials. The Vice President, who made the official opening remarks, has thanked and congratulated to the Somaliland Central Bank, Ministry of Finance and the Civil Service Bureau for achieving this milestone. Dr. Sa’ad Ali Shire speaking at the ceremony has noted down some of the benefits of this electronic payment system compared to the traditional cash payment system. In his speech, he cited that this new system will be much more efficient and effective given the fact that the logistics and spending of moving the cash around to distribute it to the employees will be out of the picture. “In my Ministry alone, we spend over 30,000 hours every month paying cash to our employees. We could have spent all that time for more productive work.” Said Dr. Sa’ad. Also speaking at the ceremony the Central Bank Governor Mr. Baghdadi, said “ All employees are now required to open bank accounts from the Central Bank which has branches in all regions and major cities; the bank accounts will be linked with their mobile phones through E-Dahab platforms powered by Somtel Telecom.” Furthermore, the Head of Civil Service Mr. Farhan Haybe has spoken highly of the new program, underlining the crucial role it will play in promoting transparency, accountability, and good governance. “The E-shilling program provides paid government employees with direct access to their mobile phone and monthly pay anywhere. The government employees in all regions in Somaliland will now receive their salaries and bonuses on time. This program is a positive step towards accountability and transparency and the elimination of ghost employees and corruption.” Said Mr. Haybe. On the other hand, the public has received the news of the E-shilling program with mixed feeling. Some of the skeptics are finding it hard to understand how this platform is going to be different from the privately-owned electronic money transfer platforms such as Zaad and E-Dahab. More importantly, many people are wondering about the consequences this will have on the already dwindling use of cash in Somaliland. On top of that, this step taken by the Somaliland government may come as a surprise, given the government has imposed restrictions on Zaad and E-Dahab three years ago to fight off the skyrocketed inflation. In 2017, the government has issued a decree banning mobile money transfer dollar transactions less than $100. According to the government, this decision was to encourage the use of Somaliland Shillings to boost its value against foreign currencies and consequently reduce the inflation that plagued the country at the time. The consequences the E-Shilling will have on the use of Somaliland Shilling Cash, the value of the currency and inflation is still in question. PUNTLAND POST The post Somaliland Government Introduces Electronic Payment System for Government Employees appeared first on Puntland Post.
  22. Former Saudi minister of justice, Mohammed Bin Abdul-Karim Issa, has announced that his country will stop funding mosques in foreign countries, Source: Hiiraan Online
  23. Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, mar kale ku celiyay in hannaanka doorashada Galmudug, ay afduubatay dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheikh Shaakir ayaa sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faquuq siyaasadeed ku samaysay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hoggaanka sare ee Ahlusunna, islamarkaana dadka reer Galmudug aan wax talo ah laga siin masiirkooda, oo ay marti ka yihiin hawlaha socda. Sidoo kale, wuxuu sheegay in musharrixiintii kale marka laga reebo musharraxa dowladda, ay si cad u qaaddaceen doorashada, maadaama la af-duubtay hannaankii doorashadaasi oo musuq maasuq iyo eex lagu sameeyay dadka reer Galmudug. Madaxa Xukuumadda Galmudug waxa kale oo uu caddeeyay, in haddii aysan dowladda Federaalka wax ka beddelin sida ay u waddo hannaanka doorashada, ay Ahlusunna doorasho kale u qaban doonaan dadka reer Galmudug. PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo mar kale ku celiyay in Villa Somalia af-duubtay doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.