Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamo kuwa Jubbaland ka mid ah oo howlgal ka waday duleedka Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan yare degan, iyadoona labada dhinac dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article
  2. Wararka ka imaanaya degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Degaankaasi oo ay horay gacanta ku hayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab, ayaa la soo weriyay in ay la wareegeen cutubyo ka tirsan Guutada DANAB ee Kumaandooska dowladda Soomaaliya. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in ay degaanka isaga carareen, kadib markii cabsi ka soo wajahday ciidamada aadka u qalabaysan ee Kumaandooska DANAB. Degaanka Tooratoorow, waxaa ku taallay xarunta ugu muhiimsan ee Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaasi uga furnayd maxkamad ay ku kala xukmaan bulshada degaanka, islamarkaana ay uga yeeri jireen dadka ku sugan gobollada kale ee wax isku haysta, si ay ugu kala xukmaan. Sidoo kale, Tooratoorow, waxay Alshabaab u ahayd xarunta ugu weyn ee ay ku uruuriyaan canshuuraha uga soo xerooda gobolka Shabeellada Hoose iyo meela kaleba. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay degaanka Tooratoorow appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay natiijadda kulankii Madaxweyne Biixi iyo xisbiyadda mucaaridka ah, halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wefdiga ay hoggaaminayeen Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay ee WHO, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik. Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka appeared first on Puntland Post.
  5. Booliska Kenya ayaa ka warbixiyey weerar khasaare geystay oo xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Gaarisa ee G/Waqooyi Bari dalkaasi. Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa xaqiijiyey in dagaalyahanbada weerarka soo qaaday ay markii koowaad rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa saldhig halkaasi ku yaala, kadibna ay isku dayeen in ay burburiyaan Ateeno ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Intaasi kadib Booliska ayaa sheegay in Al-Shabaab ayaa gudaha u galeen iskuul ku yaalla tuulada Kamuthe, halkaasina ay ku dhex dileen illaa saddex Macalin. Taliyaha Booliska gobolka Woqooyi Bari, Paul Soi ayaa sheegay in haatan baaritaan dheeraad ah ay sameyn doonaan, si cadaaladda loo horkeeno dadkii weerarkaasi geystay, islamarkaana xilligan ay soo qabashadooda ku howlan yihiin ha’yadaha sirdoonka dalkaasi. Al-Shabab ayaa inta badan weeraro khasaaro geysta ka fulisa deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  6. Ciidanka Booliiska dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in koox hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen dugsi hoose oo ku yaalla gobolka waqooyi bari ee dalkaas. Dableeyda hubaysan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey anteeno taleefon weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa. “Qiyaastii labadii subaxnimo, koox hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno taleefon, waxayna dileen saddex macalin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska. Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saddex macallin ku dishay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  7. Cabdiweli Maxamed Xirsi agaasimaha waaxda musiibooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha, faderaalka iyo simuquraadiyeynta Puntland ayaa shacabka uga digay roobab dabeylo wata oo la sheegay in saacadaha soo socda ay ka di’i doonaan xeebaha G/Bari. Agaasimaha ayaa tilmaamay in laga cabsi qabo in roobabkaasi iyo dabeylaha is wata ay ku dhuftaan meelo ay ka mid yihiin Boosaaso, Baargaal, Bayla, Xaafuun iyo Ayl loo ka wada tirsan gobolka Bari ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay ka fogaadaan goobaha biya dhaca ah oo roobka marka uu da’o sababi kara khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-Jaamac-Kadiye.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xoghaya arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa goor dhawayd xorriyadiisa dib u helay ka dib muddo 20 maalmood ah oo uu ku xidhnaa magaalada Hargeysa. Xoghaye Ramaax ayaa la sheegay in lagu sii daayay damaanad. Source
  9. Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo dhowaan booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegay in QM ay dedaal badan ku bixineyso wadahadalada Soomalaiya iyo Somaliland. AJames Swan ayaa tilmaamay in QM ay soo dhaweneyso dedaalada dib u cusbooneysiinta wadahadalada, islamarkaana ay labada dhinac ku bogaadinayaan arrintaasi. Sidoo kale wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland siyaasad ahaan aysan is waafaqsaneen, balse ay jiraan dhinacyo badan ay iska kaashadaan, si bulshada labada dhinac loogu adeego. Sikastaba ha’ahaatee ambassador James Swan ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto taageerada iyo garab istaaga ay siiyaan maamulka gooni isu taaha ah ee Somaliland, si ay hormaruga sameeyaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha. View the full article
  10. Tooratoorow (Caasimada Online) – Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa maanta qabsaday degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, oo ah mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsan Al-Shabaab Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka. Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-Shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-Shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan. Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Dhinaca kale, faah-faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada Jubbaland iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Kisamayo. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubaland oo howlgal ka wada deegaannada Canjeel iyo Kaba Kibir ee Galbeedka Kismaayo ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu khasaaro kala duwan kasoo gaarey labada dhinac ee wada dagaalamay, hase yeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn heerka. Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay dagaalkaas ku dileen lix Askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland, balse ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta. Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin dagaalkan
  11. Saddex macallin ayaa ku geeriyooda weerar ay Xarrakada Alshabaab ku qaadday deegaan lagu magacaabo Kamuthe oo u dhaw magaalada Garissa waxaana weerarku uu dhacay waaberigii hore ee saaka. Sarkaal ka tirsan deegaanka shilku ka dhacay ayaa xaqiijiyey in Alshabaab ay toogteen saddex macallin islamarkaana ay geeriyoodeen wuxuuna intaas ku daray in hal macallin uu weerarkaas ku dhaawacmay loona qaaday Isbitaal. Wararku waxay sheegayaan in macallimiinta la dilay aysan deegaan ku lahayn halka lagu dilay laakiin ay u imaan jireen Iskuul ku yaalla Garissa oo ay wax ku bari jireen ardayda deegaanka. Dagaaalyahannada ayaa weeraray Iskuulka Kamuthe xilli ay macallimiintu hurdeen waxaana maamulka Iskuulku sheegay in hadda Iskuulka la xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayey arrimaha amniga HirShabelle oo maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamul HirShabelle. Intiisa badan shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi dadka wata hubka sharci darrada ah iyo amniga waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo inta badan weeraro gaadma ka fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha canshuuraha, gaar ahaan xadiga lacagaha laga qaado gaadiidka isaga goosha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. HirShabelle ayaa tan iyo markii la aas aasay wajaheysa dhibaayooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan arrimo dhaqaale iyo kuwa amni intaba. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay natiijadda kulan ay maanta la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Kulan ay saaka yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyada oo lagu soo kala kacay iyada oo wax is-afargarad ah laga gaadhin muran ka taagan guddiga doorashooyinka iyo muddo-kordhinta loo sameeyay golaha wakiillada. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo hadda si toos ah warbaahinta ula hadlaya ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Biix uu si cad u diiday in uu kala diro komishanka cusub ee doorashooyin. Muuqaalka warkan goordhaw la soco Source
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-13012020.mp3 View the full article
  16. Gudiga Doorashada Madaxweyne Xaaf uu dhowaantaan magacaabi jiray ayaa waxay maanta soo dhajiyeen Jadwalka Doorashada, waxayna sheegeen in Diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha ay dhacayso 27 [...] Source
  17. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo Monday left for Oman to condole with the people of Oman following the death of their leader Sultan Qaboos Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Galmudug, gaar ahaan garabka uu magacaabay Madaxweyne, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada guud ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada guddoonka baarlamaanka ay dhaceyso 25-ka bishaan Janaayo ee 2020-ka Sidoo kale waxaa qoraalkaan lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharaxiinta Mmdaxweynaha ay bilaabaneyso isla 27-ka bishaan, kadibna doorashada madaxweynaha cusub la qaban doono 1-da bisha soo socota ee sanadkaan 2020-ka. Jadwalkaan ayaa ah mid ka duwan kii ay soo saareen guddiga farsamada ay dowladdu magacawday, kaas oo ka howlgalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Arrintaan ayaa sababi karta in Galmudug ay yeelato laba madaxweyne, haddi aan xal rasmi ah laga gaarin ololaha iska soo horjeeda ee ka socda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.