Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortay, islamarkaana muddo xileed cusub oo hoggaaminta dalkaas ahi uu hadda u billaabmayo. Madaxweyne Xasan shiikh ayaa muddada uu kigale joogo waxaa la filayaa inuu kulamo kale duwan la yeelan doono dhiggiisa dalkaas Paul Kagame iyo madaxda kale ee caleemasaarka ka qeyb-galaysa. Source: goobjoog.com
  2. Inta uu socday kulanka madaxweyne, Siciid Deni iyo odayaasha dhaqanka gobolka Mudug, waxay la wadaageen baahiyaha ka jira gobolka Mudug oo lagu soo koobay 12 qodob. Qoraal diyaarsan oo ay Madaxweynaha la wadaageen odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ayay ku soo bandhigeen qodobada mudnaanta leh, ee ay doonayaan in wax laga qabto oo uu ugu horreeyo amniga gobolka. Madaxweyne Deni ayaa u ballanqaaday odayaasha in dawladdu ay dadaal gelinayso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee ay u soo bandhigeen odayaasha. Waxa uu intaasi ku daray in uu waqti sii joogi doono gobolka , si wax badan uu uga fahmo hababka ugu horumarsan ee baahiyaha ka jira gobolka wax looga qaban karo. Nabadoon Yaasiin Cabdisamad , duqii hore ee degmada Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha ka hor akhriyay baahiyaha la isku raacay in ay wax ka qabasho deg deg ah u baahanyihiin ee ka jira gobolka Mudug. Halkaan ka akhriso qodobada PUNTLAND POST The post Odayaasha gobolka Mudug oo madaxweyne Deni la wadaagay 12 qodob oo xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida ayaa maanta xukun kasoo saartay kiiska Xidigle Maxamed Xasan Maxamed. Maxamed ayaa loo soo xiray inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay ka wada tirsanaayen, ahaayeen laba sarkaal oo saaxiib ah. Falkaas oo dhacay 12-kii May ee sanadkaan ayaa waxaa la sheegay in marxuumka uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray bistoolad uu “si kaftan ah” ugu dhuftay Xidigle Maxamed Xasan. Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadibna maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24 bishii May ee sanadkaan, balse xeer ilaalinta ayaa markaas racfaan ka qaatay xukunkaasi. 6-dii bishaan August, maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ku xukuntay inuu bixiyo boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex-Xidigle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale labo sano oo xabsi ciidan ah. Ninkan ayaa sida la sheegay aad ugu fara ka ciyaari jiray hubka saaxiibadiisa shaqo wadaagta yihiin, ayada oo marqaatiyaashi la keenay maxkamaddana ay sheegeen in bistoolada uu Maxamed ku dhuftay Ridwaan oo ahaayeen sarkiil saaxiib ah uusan iska hubin in qasnada ku jirtay iyo inkale, ayada oo markii hore qasnadu ku jirin, balse gadaal cid gelisay la garan waayey. The post Muqdisho: Xukunka askari si yaab leh u dilay sarkaal saaxiibkiis ah appeared first on Caasimada Online.
  4. The Higher Education Commission of Somaliland has announced 200 scholarships that the Ethiopian government has extended to Somaliland, especially to benefit the students of the country. The scholarship was given to two hundred students and consists of different levels of education such as 100 students for basic degrees, 92 for the masters and 8 for PHD levels. Required criteria set for those eligible are that the students should have the national ID cards, school leaving certificates and those of the corresponding specific degrees. Of note is the fact that they must have finished schooling within the past three years. The requirement for a student who wants to be among the candidates for the Masters scholarship is that the student must have a university degree, and have a minimum GPA of 3.00 and above; the student must also have a high school diploma. The requirement set by the Higher Education Board of Somaliland for the student who wants to be among the candidates for the third level scholarship (PHD) is that the student must have a first and second level university degree, and must also have a GPA of 3.50 and above in the current examinations. Further, they must have in the last five years been operating in higher education, hence must have published a journal and be ready to undertake examinations. The higher education board of Somaliland has informed all students who are interested in this scholarship that the filing of applications will start on 08/08/2024 and will end on 28/08/2024; the places to file applications are at their offices in the regions of the country. Qaran News
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan wefdi kooban ayaa maanta gaaray dalka Rwanda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiinta safarka ku wehelisa ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caasimadda Kigali kaga qayb-galaya caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Rwanda mudane Paul Kagame, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame ayaa gaaray Magaalada Kigali” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun kasoo saartay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay kawada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay Labo iyo tobankii May ee Sanadkaan. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Labaatan iyo afartii bishii May ee Sanadkaan, balse Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Lixdii Bishaan August Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inuu Bixiyo Boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex Xle Xoogga Rideaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. Source: goobjoog.com
  7. 454741163_820762303519306_4365995637201532526_n Qaran News
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay dadaaladda uu Turkiga ku doonayo inuu meesha uga saaro heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya. Heshiiskan oo xad-gudub ku ahaa madax-banaanida Soomaaliya ayaa xilligan u muuqda mid soo afjarmaya, ayada oo wejiga labaad ee wada-hadallada xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya uu Ankara ka furmayo maalinta berri ah. Muuse Biixi ayaa gef ku tilmaamay in Turkiga uu soo faro-geliyo arrimaha Somaliland, isaggoo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in Soomaaliya la hoos geeyo, ayna yihiin dal madax-banaan, sida uu hadalka u dhigay. “Shalay waxaa jaraa’idka caalamka kusoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo arrimaha Somaliland soo faro-geliyay oo yiri waxaan ku talinayna in Itoobiya ay Somaliland usoo marto Xasan Sheekh, taasi waa gaf qarannimada Somaliland, taasina aqbali mayso Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu intaas kusii daray “Wasiirka waxaa u sheegaya taas waxay lamid tahay in aad tiraahda qoraxdii ayaa galbeed kasoo baxday, suurtoobi meysana in Somaliland looga taliyo Xamar.” Hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya xilli uu socon waayey qorshaha is-afgaradkii Addis Ababa loogu rogayay heshiis rasmi ah, iyada oo lagu wado in Itoobiya ay si xeeladeysan uga laabato gebi ahaanba heshiiskaasi oo Somaliland ay sheegtay inay ku beddelaneysay aqoonsi. Si kastaba, dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland. The post Muuse Biixi oo si adag ugu jawaabay Turkiga xilli uu soo afjarmayo heshiiski badda appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - Several federal lawmakers representing the Sanaag region have accused President Hassan Sheikh Mohamud of attempting to divide the unity of the Puntland people. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Several federal lawmakers representing the Sanaag region have accused President Hassan Sheikh Mohamud of attempting to divide the Puntland people's unity. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay 4 agaasime guud. 1. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. 2. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. 3. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. 4. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay 4 Agaasime guud appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (HOL) - Gunmen shot and killed two civilians in a rural area of central Somalia on Sunday in what is believed to be a clan revenge attack. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka furmo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. Turkiga ayaa dadaal badan gelinaya sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Waxaa magaalada Ankara ku sugan wafdiga labada dhinac ku metelaya wada-hadallada, ayada oo xalay uu halkaasi gaaray wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wada-hadalada bilaabanaya oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga ayaa waxaa si qoto dheer diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex-dhexaadin ah. Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kahor furitaanka shirka khadka telefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaggoo kala hadlay wada-hadallada maalinta berri ah ka furmaya Ankara. Erdogan ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Itoobiya ayaa iyadna dhankeeda aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga. Isku soo wada duubo, wada-hadallada labada dhinac ayaa isha lagu hayaa, waxaana lagu wadaa in dhinacyadu ay heshiis ku gaari doonaan in laga laabto is-afgaradkii Somaliland, iyada oo Itoobiya loo ogolaanayo inay hab ganacsi kusoo gaarto biyaha caalamiga ah oo deked laga kireeyo. The post Xogtii u dambeysay wada-hadallada berri Ankara uga furmaya Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  14. Waxa laga yaabaa in urur siyaasadeedka Waabari uu dhaan ku biiro xisbiga Waddani oo ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada qaranka Somaliland. War ay xisbiga Waddani maanta baahiyeen ayay ku sheegeen in wada hadalo ay maanta u furmeen xisbiga Waddani iyo ururka Waabari, ma jiro wax war ah oo intaasi dhaafsiisani, waxase ay labada dhanba ku rajo weyn yihiin in uu arinkaasi guul ku soo dhamaado dhawaan Qaran News
  15. 454830430_1592847887929448_3189760511457093127_n Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqon karta garoonka dagaalka ee dalalka isku eryanaya biyaha Webiga Nile. Dowladda Itoobiya ayaa waayahan si weyn ugu dagaalamaysay in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay joojiso tallaabada ay ku dooneyso in ciidanka Itoobiya ka wada baxaan guud ahaan dalka daba-yaqaadda bisha December ee sanadkan. Waxaase hadda dhinaca kale timid inay Masar aqbashay inay kamid noqoto dalalka ciidamada usoo diraya Soomaaliya, halkaas oo 2025 uu ka bilaaban doono howl-gal cusub oo Midowga Afrika. Bisha Janaayo 2025 waxaa la daah-furayaa howl-galkii saddexaad oo Midowga Afrika uu ka sameeyo Soomaaliya kadib AMISOM iyo ATMIS. Howl-galkan cusub waxaa loo bixiyay AUSSOM, sida ay 7-dii bishan xaqiijiyeen golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika. Durba laba waddan ayaa aqbalay inay howl-galkan ciidan cusub ku biiriyaan, waana Masar iyo Jabuuti. Imaatinka ciidan ka socda waddanka Masar ee gudaha Soomaaliya keliya ma noqon doonto mowduuc ku eeg Soomaalida ama ciidan nabad ilaalin ah oo dal loo diray, balse waxaa ku xardhan loolan siyaasadeed oo Qaahira iyo Addis Ababa ka dhaxeeya. Itoobiya waxay haatan jiifta caloosha Soomaaliya, waxaana ciidan ka jooga illaa lix gobol oo kamid ah Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xorowday 1960-kii. Tan iyo 1996 ciidanka Itoobiya ayaa si sharci darro ah marba qeyb uga soo galay Soomaaliya, taas oo sii xoojisay naceybka ay Soomaali badan u qabaan Itoobiya. Go’aanka ay Masar ku aqbashay inay ciidan usoo dirto Soomaaliya ayuu ka mahad-celiyay golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika, laakiin dadka siyaasadda gobolka ka faallooda ayaa su’aal culus dul dhigaya imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, xilliga ay kusoo aadeysa oo ah waqti ay xiisadi dhex taallo Soomaaliya iyo Itoobiya, Masar iyo Itoobiya iyo sida ay noqon doonto fal-celinta qarsoon ee ka imaan karta dhanka dowladda Itoobiya. Falanqeeyayaasha qaar ayaa xasuusinaya Soomaaliya foojignaan xoog leh oo u badan mid sirdoon iyo mid bulsho, sababtana waa inay jiraan dad ka walaacsan inay abuurmi karto furin qarsoon. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an sida muuqata inay qaado tallaabo walba oo ay ku difaaceyso dhulkeeda, laakiin ma jiraan wax diidaya in tallaabooyinka qaar aad loo akhriyo oo aan xamaasad lagu darin, loona diyaar-garoobo go’aanka ah inay Itoobiya baxdo Masar-na ay timaado. Furintan marna waa faa’iido, marna fidno cusub ayay noqon kartaa oo ma sahlana in labo waddan oo milateri ahaan iyo sirdoon ahaanba sidaa u xooggan inay gudaha dalkaaga isku eryadaan. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh sida muuqata iyadu waxay xooga saareysa in howl-galkaan cusub dhaqan-gal noqdo, inay Itoobiya meel kusoo xirto iyo inay muujiso in ay ku filan tahay inay ilaaliso dhulka iyo badda Soomaaliyeed, taasina waa arrin muddan in lagu bogaadiyo, balse Soomaalidu waa inay indho intaan ka badan ku eegta marxaladan soo aadan. The post Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay furin qarsoon u noqoto Itoobiya iyo Masar – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
  17. Qoraalka ay barteeda ‘X’ ku daabacday Fowsiya Yuusuf ayay ku sheegtay in ay taageero la garab taagan tahay Raila Odinga, musharraxa xilka gudoomiyaha Midowga Afrika, guulna u rajeynayso. Warkaas ayaa dadka qaar ee isticmaala baraha bulshada waxay u fasirteen in ay iskeed u tanaasuleyso Fowsiyo. “Waxaan u rajeynayaa inuu ku guuleysto dadaalkan muhiimka ah. Intaa waxaa dheer, waxaan rabaa in aan u muujiyo mahadnaq iyo bogaadin aan la soo koobi karin oo aan u jeedinayo dhammaan dawladihii iyo shakhsiyaadkii taageeray musharaxnimadayda goor hore.” ayay qoraalka ay soo saartay ku tiri Fowsiya. Qoraalka ayaa waxaa la socday sawir ay kula jirto Raila Odinga oo kamid ah musharaxiinta u tartamaya kursiga hoggaanka Midowga Afrika. Balse BBC da ayaa waxay ogaatay in Fowsiyo aysan tanaasulin ee uu ka dhacay waqtigii ay ku soo gudbin leheed arjiga musharraxnimada. Kadib qoraalka ay soo daabacday ayay dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen, iyadoona dadka qaar ay u fasirteen in ay Fawsiya kursiga iskaga tanaasushay, tanina ay muujineyso qanaaco ka muuqata Fowsiya. Maxaa ka jira in Fawsiya ay iskaga hartay tartankii ay ugu jirtay Kursiga hoggaanka Midowga Afrika? Xog ay heshay BBC-da ayaa sheegeysa in Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan aysan iskaga harin tartankii ay ugu jirtay kursigaan, taa badalkeedna siyaabaha kursigaan ka reebay ay tahay diidmo ay kala kulantay dowladda Soomaaliya sida ay ku sheegtay war saxaafadeed ay qabatay bil ka hor. Dhanka kale xogta ayaa sheegeysa in qoraalka haatan ay barteeda ‘X’ ku daabacday Fowsiya ay ka dhigantahay taageero ay u muujineyso musharax Raila, kaas oo olole xoogan ka dhexwada dalalka Afrika, maadaama haatan aysan haysan fursad ay iyadu tartan ku gasho. Fowsiya ayaa sida ay horay u sheegtay kursigaan u tartantay sanadkii 2016 kii, balse ay isaga hartay tartanka maadaama dawladii xilligaasi ay ka codsatay in ay isag harto tartanka. BBC da ayaa si madaxbanaan u xaqiijin karin sheegashada Fowsiya. Qoraalka sawirka,Fawsiya Yuusuf Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya ayaan qayb ka noqon doonin tartanka loogu jiro kursigaan, maadaama lixdii bishaan Agoosto ay ku ekeyd gudbinta araajida musharaxiinta. Kursigaan ayaa waxaa ku tartami doona musharrixiin dhawr ah. Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa horay u shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika. Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona. Muxuu Soomaaliya uga dhignaan lahaa hadii Fawsiya tartanka ku jiri lahayd? Kulankii 44-aad ee Golaha Midowga Afrika ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa. Soomaaliya oo dhawaan ku biirtay dalalka bariga Africa ayay suurtagal u ahaan lahayd in ay ku guuleysato hogaanka kursiga, iyadoona musharax Fawsiya ay ka dhawaajisay in ay ku guuleysan kartay marka loo eego fursadaha ay u heysato. Fowsiya oo kaddib marka ay shaacisay inay u tartameyso xilkan wareysi gaar ah siisay BBC-da ayaa sheegtay in ololaha musharraxnimada uu meel fiicna u marayo, isla markaana jagada haatan ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay. “Hadda aniga iyo Raila Odinga ayaa sharraxan oo musharraxnimadeenna shaacinnay, inkastoo ololuhu billow yahay, lama oga cidda kale ee nagu soo biiri doonta” ayay tiri. Qoraalka sawirka,Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan Goorma ayay dhaceysaa doorashada kursiga bariga Afrika? Doorashada jagada hoggaanka Midowga Afrika ayaa qabsoomeysa bisha Febraayo ee sanadka soo socda ee 2025, inta lagu jiro shirweynaha midowga Afrika. Codadka lagu guuleysan karo ayaana ah in musharaxu uu helo ugu yaraan saddax meelood laba meel dhamaan tirada guud ee madaxda codeeneysa. Musharaxiinta gudoomiyaha ah ayaana ka imaanaya dalalka Bariga Africa, halka ku xigeenkiisa uu si toos ah uga iman doono Waqooyiga Afrika. Kursigaan oo ah mid wareega ayaa laga yaabaa in muddo badan Soomaaliya aysan dib u helin fursadan oo kale. Qaran News
  18. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kulanka Madaxweynaha iyo Dadweynaha ayaa ahaa kulan is-xog-wareysi shacabkuna fursad u heleen in ay Madaxweynaha weydiinayeen su’aalo dhanka siyaasadda ah iyo kuwo ku saabsan qorshaha hortebinta u xukuumadda gaar ahaan dhanka adeegyada bulshada ee dowladdu bixiso, Mashaariicda horumarinta , Kaabayaasha Dhaqaalaha, doorka shacabka ee horumarka iyo Amniga, iyo ka gungaaridda masuuliyad wadareedka saaran qof kasta oo muwaadin ah, Sidoo kale kulanka ayaa daaranaa is-xogwaraysi guud oo ku salaysan nabadda gobolka Mudug, Amniga Guud, adkeenta Xasiloonidda, horumarka gobolka, nabadaynta beelaha walaalaha ah ee xurguftu dhextaallo, la dagaalanka maandooriyaha iyo ka hortagga falalka Argagixisada cadawga ku ah shacabka iyo dowladdooda. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nabadoonada beelaha gobolka Mudug, masuuliyiinta dowladda iyo waxgaradka gobolka ku wargeliyey in si dhammaystiran oo dhiifoon looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Kulankii Madaxweyne Deni la yeeshay Odayaasha iyo Bulshada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ayaa kor u sheegay in dhaqaale la’aanta iyo busaarada ka jirta caasimadda ay gaartay halkii ugu xumeyd dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay. Waxay dowladda federaalka ugu baaqeen inay xal u raadiso xaaladda dhaqaale xumada, laakiin sida uu madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay busaaradda dhalinyarada haysata ayaa caro kale sii abuurtay kadib markii uu shalay ka hadlay Masaajidka Madaxtooyadda. Dad isugu jira shacab, aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa madaxweynaha ka dalbaday inuu cudur-daar ka bixiyo ereyadii uu u adeegsaday dhalinyarada ka cabaneysa shiidka iyo shaqo la’aanta. Weli madaxtooyada kama jawaabin cabashada ka dhalatay sida uu madaxweynaha u naqdiyay cabashada shacabkiisa. Balse waxaa warbixintan kusoo koobeyna lix arrimood oo keentay cabashada dhaqaale ee ka jirta magaalada Muqdisho. 1. Lacagihii wareegi jiray ee argagixisada oo istaagay Waxaa la qiyaasaya in lacag ku dhow 300 milyan oo dollar oo ay dad isqarinaya ugu shaqeyn jireen argagixisada inay istaagtay kadib markii dowladda daba-gal xoogleh ku bilowday. Ma ahan in lacagahan gacanta lagu dhigay ee kooxda ayaa la baqday kadibna dhaq-dhaqaaqi ayey joojiyeen. Lacagahan waxay ku jireen ganacsiyada dhulalka, dhismayaasha casriga ah, dhoofka iyo soo dejinta alaabaha, ganacsiyada raashinka iyo meelo kale. Haddii ay istaagto 300 milyan oo dollar oo wareegi jirtay waa qasab in la dareemo. 2. Qamaarka 1xbet Si xoog leh oo aan weligeed la arag ayay dhalinyarada Soomaaliyeed u galeen qamaarka. Iyada oo diiniyan iyo dhaqan ahaanba ay aheyd in arrintaan laga hortago, lagana gaabiyay, haddana wixii yaraa ee dhalinyarada sida maalinlaha u heli jirtay waxaa inbadan oo kamid ah looga cunaa qamaarka, gaar ahaan midka ay dhalinyarada Muqdisho aadka u isticmaalan ee loo yaqaano 1xbet. 3. Lacagaha galay halka gacan Intii ay jirtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ee ka yimaada dhinaca dowladda waxay galeen hal gacan, oo wixii ay qaatana dibadda ku maal-gashada. Kooxdan lacagaha ku waalan ee dowladda ka tirsan ama gacan saarka la’leh ma haysan wax fursad ah xilligii dowladdii Farmaajo. Lacagaha halka gacan galay ee dibadda loo rarayo waa culeys kale oo magaalada ku yimid. 4. Dowladdii oo shaqo abuur keeni weysay Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku guuleysan inuu curiyo hal mashruuc oo weyn oo shaqo abuur ah, xilli ay sanad walba kumanaan dhalinyaro ah kasoo qalin-jabinayaan jaamacadaha dalka. 5. Ganacsiyada u xirmay canshuuraha xad-dhaafka Qaar kamid ah ganacsiyada caasimadda ku yaalay ayaa u xirmay saddex jeer oo canshuurta guud la kordhiyay iyo dhowr jeer oo dadka Muqdisho lacago badan oo magacyo kala duwanle la dulsaaray. Marwalba oo canshuurta la kordhiyo, maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha qandaraasyada la siiyayna alifaan lacago kale oo joogto ah waa qasab inay ganacsiyada qaar socon waayan, taas oo ka dhigan in dad shaqo haystay ay noqonayaan baagamuudo. 6. Sicir-bararka Marwalba oo canshuurta la kordhiyo ama lacagaha magacyada badan lagu qaado, ganacsatadu waxay iyaguna lacagtaas dul-saaran shacabka danyarta ah, taas oo iyaduna kamid ah waxyaabaha sii adkeeyay nolosha dadka reer Muqdisho. Midda toddobaad ee aan ku biriin karno qodobadan waa mashaariicda xayiran. Lacagaha Muqdisho wareegi jiray waxaa kamid ah lacagaha ka yimaada mashaariicda ay bixiyaan UN-ka, World Bank iyo hay’daha kala ee caalamiga ah ee fadhiga ku leh magaalada Muqdisho. Balse hadda inta badan mashaariicda waa taagan yihiin, waxaana loo sababeeya tayo xumada xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Toddobadan arrimood oo isbiirsaday ayaa Xamar ku riday shiid iyo shaqo la’aan. Dowladdana waxaa laga rabaa inay culeyska jira qiimeyso kadibna xal raadiso. The post Wax badan ka ogow arrimo xasaasi ah oo sababay lacag la’aanta ka jirta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo lagu wado in maalinta Isniinta ah ay dib u billowdaan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ayaa waxaa dowladda federaalka loo jeediyay dalab culus oo ku aadan shirka ka dhacaya Ankara oo ay gar-wadeenka ka tahay dowladda Turkiga. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdshakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya inay laba arrimood ay ku wajahdo Itoobiya oo horay xad-gudub ugu gaysatay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii badda. “Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa; 1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya. 2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ee rasmiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Warsame. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe inay ka digtoonaato taaktikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta, maadaama ay rabto inay hesho deked. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:- Itoobiya iyadaa ku dhiiratay in ay ku xadgudubto madaxbanaannida Soomaaliya. Sidaa daraadeed ma haboonayn in miiska wadahadalka lala fariisto inta ay ka noqonayso xadgudubka, waase dhacdaa in mararka qaarkood ay kula soo gudboonaato huriwayto iyo ku qabatay, laakiin waa in Soomaaliya ka digtoonaato taaktiikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta (Strategic Ambiguity) iyo farsamada dhagarta (deception tactics). Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa; 1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya. 2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ee rasmiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya. Maadaama waxa miiska saaran ay tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka Soomaaliya, dawlada Soomaaliya waa in aysan soo qaadin wax mugdi ku jiro oo fasiraad kala duwan yeelan kara. Itoobiya maanta teeda ayeysan ka badi karin, wayna ka nugayl badan tahay Soomaaliya oo ah dal isku imaanaya, halka ay iyagu yihiin dal kala tegaya, mana aha in aan aqbalno wax kasta ama cid kasta oo isku dayda in ay inoo hoosaasiso ama loogto. The post DF oo lagula taliyay inay ku adkeysato laba qodob kahor shirka Ankara appeared first on Caasimada Online.
  21. VIENNA, Austria (HOL) — A Somali asylum seeker has been arrested in Austria on suspicion of raping a 14-year-old girl, according to local authorities. The assault allegedly took place at a train station, where the girl was attacked. She later informed her mother, who immediately reported the crime to the police. Source: Hiiraan Online
  22. Galkayo (HOL) — Puntland authorities have recaptured Barkhad Awil Hirsi, one of four Al-Shabaab militants who escaped from a high-security prison in Galkayo earlier this week. Hirsi, who was sentenced to death for his role in multiple assassinations, was apprehended by the Mudug Regional Police following a brief but intense manhunt. Source: Hiiraan Online
  23. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo arrintsan toos usoo farogeliyay ayaa xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda. Erdogan ayaa shaaca ka qaada in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka ay qaadayso Itoobiya oo meesha ka saaraysa wel-welka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ay fududeynayaan hannaan wada-hadal oo dhab ah. Itoobiya ayaa sidoo kale aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga. Wada-hadalka labada mas’uul ayaa kusoo aaday, kahor shir ay beri oo Isniin a Ankara ku yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib usii amba qaadaya wada-hadallada u dhexeeya labada dal ee ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkiga. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah. Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan. The post Erdogan oo taleefoonka kula xiriiray Abiy kahor shirka Ankara appeared first on Caasimada Online.
  24. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa saaka xarunta Madaxtooyada kula shirsan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada gobolka Mudug. Madaxweyne Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland ayaa saaka xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo kula shiraya odayasha dhaqanka iyo bulshada gobolka. Shirka ka socda xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee madaxweynuhu la lee yahay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlayaa xaaladda gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa tan iyo intii uu Gaalkacyo tegey aan dhinacna u dhaafin xarunta Madaxtooyada islamarkaana waxa uu magacaabay guddi ka kooban wasaaradaha dowladda si ay qiimayn ugu sameeyaan xaaladda amniga Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo saaka xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo kula shirsan odayaasha dhaqanka iyo bulshada gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.