Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa guddoomiyey shir loogu gurmanayo ganacsatadii ku hantibeelay dabkii ka kacay Suuqa Magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas. Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, iyo masuuliyiin kale, waxaana Warbixino looga dhageystay Wasiirada Arrimaha Guddaha, Ganacsiga, Gargaarka iyo Sidoo kale Guddiga Ganacsatada dhibka gaaray. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay dadka ku ganacsanayay suuqa hanti-wadaag ay soo gaartay dhibaato weyn oo ay ku ceytoobeen dabkii ka kacay suuqa. Dadkii ku hanti beelay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, hadda waa ceyr aan waxba heysan ,anaga iyo Hey’adda SoDMA waxaan u istaagnay in si deg deg ah loogu gurmado dadkaas, sidoo kale waaxana dalbaneynaa in la garab istaago dadka masaakiinta ah ee ku hanti beelay musiibada ayuu yiri “Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) — Somalia is stepping up its preventive measures against the mpox outbreak after the World Health Organization (WHO) declared the situation in Africa a global health emergency. The outbreak, which has hit the Democratic Republic of Congo (DRC) the hardest, has now spread to 13 African countries, raising fears of further international transmission. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo socota oo loogu jio loolan aad u adag. Qoor Qoor ayaa ugu horreynti ku faanay in Galmudug ay gaartay hormar ballaaran, isla-markaana ay door fiican ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale ay wada shaqeyn fiican la leedahay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada kale ee ka jira waddanka. Intaas kadib Madaxwweynaha Galmudug ayaa ka hadlay arrinta doorashada, isaga oo weerar culus ku qaaday xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo, isla markaana doonaya inay ka qayb-galaan doorashada soo socota ee ka dhaceysa Dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lau raadinayay, isla markaana danaha gaarka loogu dhibaateyn jiray shacabkeeda. “Dadka damaca ka leh siyaasadda xaq-baad u leedihiin inaad damac yeelataan, laakiin waxaa rabaa Galmudug waa kasoo gudubtay xilligii qof dan lihi dantiisa ku dhibaateyn jiray” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka reer Galmudug dal iyo dibad, waa baraarugsan yihiin, waana soo jeedeenaa, dantooda iyo dan darradooda waa yaqaaniin”. Axmed Qoor Qoor ayaa sidoo kale u digay xubnaha musharixiinta la tartameyso, wuxuuna sheegay in aan laga aqbli dooniin inay hub lasoo galaan Galmudug iyo inay sameeyeen kicin bulsho ama wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka. “Meeshaas waxaa ka reeban dadka qaarkii waxa lagu arkay ama dowlad goboleedyada ay hadda kusoo baxeen ama caan ay ku yihiin waxaa ka reeban hub, waxaa ka reeban abaabul dhalinyaro waxaa ka reeban wax u eeg saan saan horay loogu soo daalay oo laga soo gudbay” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan leeyahay damacaaga loolan iyo baratan iyo inaad waxaad qabaneyso sheegato kusoo bandhigo” Hoos ka daawo khudbadda oo dhammeystiran:- The post Qoor Qoor oo hal arrin uga digay musharaxiinta Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  4. Egypt’s President Abdel Fattah El Sisi hailed on Wednesday the deeply-rooted and robust ties between Egypt and Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Turkey said Horn of Africa rivals Somalia and Ethiopia made “notable progress” on the second round of talks in Ankara on Tuesday aiming to overcome their differences. Source: Hiiraan Online
  6. Real Madrid 2-0 Atalanta: Mbappé scores as Los Blancos claim Super Cup Source: Hiiraan Online
  7. VOA’s Esther Githui-Ewart discusses the election bill being considered by the Somali parliament, which extends direct representation to Somalians for the first time in nearly 50 years, with Abdifatah Tahir, a research fellow at the Department of Urban Studies And Planning at the University Of Sheffield. Tahir also examines how Ethiopia’s recent maritime agreements with breakaway region Somaliland will affect the region. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Somalia and Egypt have solidified their alliance by signing a groundbreaking Defense and Security Cooperation Agreement in Cairo, reinforcing their bilateral ties and signalling a new chapter in regional security collaboration. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo ka soo jawaabtay cabashada dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa dafirtay eedeymaha ay soo jeediyeen. Bajaaj-leyda Muqdisho ayaa labo maalmood ku jiray banaanbaxyo ay uga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, kuwaas oo lagu sameynayo Leesinka ama ogolaanshaha dowladda ee gaadiid wadista, kaas oo ay sheegeen in qiimihiisu gaaray $300. Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS Bashiir Macalin Cali oo la hadlay Dalsan ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay lacagaha ay sheegeen in lagu soo kordhiyey dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta. “Dhalinyaro Leesinku waa $41.5, waxaana qaada wasaaradda Maaliyadda ee wasaaradda gaadiidka ma qaado, ma jirto meel la inku weydii karo lacag intaas ka badan, qofkii dhiibana waa dambiile,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka XFS. Agaasimaha ayaa dhalinyarada Bajaaj-ta ku shaqeysata ka balan qaaday in ciddii lacag intaas ka badan weydiisa ay talaabo ka qaadi doonto dowladdu, hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhalinyaradu ay sheegeen in Leesinka gaadiidka lagu wado uu qiimihiisu gaaray $300, balse Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka ayaa beeniyey taas. “Waxaan ognahay in bil kasta qof kasta oo Bajaaj wata bishii laga qaado 15 doollar, waxaana qaada maamulka gobolka Banaadir ee wax dowladda federaalka ama wasaaradda gaadiidka quseeya maaha, sidoo kale ma ogin meel lacago ganaax ah looga qaado Bajaaj-leyda, sharcina maaha hadey jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka wuxuu sheegay in habayaraatee wax lacag ah aysan ka qaadin gaadiidleyda dhamaan, sidoo kalena aysan jirin cid u soo dacwootay wasaaradda. “Gadiidleyda oo dhalinyarada mooto Bajaaj-ta ay ugu horeeyaan waxaan ka codsaneynaa inay nala wadaagaan cidda ka dalbatay inay bixiyaan $300 cadeeya meesha aad hadalkaas ka keenteen,” ayuu yiri Agaasime Bashiir Macalin. Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in qof kasta oo gadiid kaxeynaya oo Leesin aan wadan uu yahay dambiile, “Lacag ma qabato wasaaradda gaadiidka, marka waxaan codsaneynaa in Bajaaj-leyda Muqdisho cadeeyaan cidda weydiisatay 300 oo doollar,” ayuu yiri Agaasime Bashiir. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo si adag ugu jawaabtay, su’aalna weydiisay Bajaaj-leyda banaan-baxeysa appeared first on Caasimada Online.
  10. My story with the bloody group is just another example. They must be stopped, now! Source: Hiiraan Online
  11. (Bloomberg) -- Somalia’s breakaway Somaliland region vowed to push ahead with controversial plans to lease part of its territory to Ethiopia and criticized Turkish efforts to mediate an end to a standoff over the deal. Source: Hiiraan Online
  12. Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul-wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa Arbacadii sheegay inuu xilka ka degi doono bisha soo socota, isaga oo eersaday fadeexooyin siyaasadeed iyo sare u kaca maciishada ee Japan oo cirka ku jirtay muddadi saddexda sano ee uu xilka hayay. Ku dhawaaqista lama filaanka aheyd ee Kishida, ee ah in uusan u tartami doonin doorashada hoggaanka xisbigiisa ee bisha September, ayaa waddada u xaartay in Japan ay yeelan doonto ra’isulwasaare cusub. Kishida ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party kaddibna noqday ra’isul-wasaaraha dalka sannadki 2021. Qofki ku soo baxa xilka hogaamiyaha xisbiga ayaana noqon doona ra’iuslwasaaraha soo socda ee Japan. Wasiirki hore ee gaashaandhiga Shigeru Ishiba oo markiiba shaaciyay in uu diyaar u yahay hogaanka sare ee Japan, haddii uu helo kalsoonida xisbiga talada haya. Waxaa sidoo kale xilka ra’isulwasaaraha isu soo taagay, wasiirka arrimaha dibadda Japan haweeneyda la yiraahdo Yoko Kamikawa, wasiirka arrimaha dijitalka Taro Kono, iyo wasiirki hore ee deegaanka Shinjiro Koizumi. VOA The post Ra’iIsul-wasaaraha JAPAN oo xilka ka dagaya appeared first on Caasimada Online.
  13. Jilib (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Xisbada ama Jamhadaha ayaa xalay geeriyooday, sida ilo wareedyo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ninkaas oo ahaa caan, kana soo jeeday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Caweer Cali Mataan. Horjooge Xasan Caweer ayaa u geeriyooday xanuun muddo ka hayey wadnaha, waxayna saameyntaan ka soo gaartay dhaawac ay horay ugu geysteen ciidanka Qaranka. Xasan Caweer Cali Mataan ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna caan ka ahaa gobollada dhexe, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud oo uu kasoo jeedo. Wuxuu ka dhashay beesha Saleebaan ee Habargidir, qof kasta oo reer Cadaado ama deegaanada kale ee Galmudug ku nool waa yaqaan ninkaan, wuxuuna ahaa nin dadka uu yaqaan soo waca oo u hanjaba. Xoolo baad ah ayuu ka qaada jiray dadka ka cabsada hanjabaadiisa, mararka qaarka wuxuu dadka u dhigi jiray dabino ay Shabaab ku dilayaan, maadaama uu kooxda ka ahaa horjooge weyn, waa ninkii Xarardheere geeyey Odayaashii Saleebaan ee markii dambe dowladda u soo gacan galay, kuwaas oo la maxkamadeeyey xabsina lagu xukumay. Horjooge Xasan Caweer oo muddooyinkaan xanuunsanaa sida xogtaani ay sheegeyso ayaa mar si dhuumaaleysi ah lagu geeyey Hargeysa, halkaas oo lagu soo daweeyey, kadibna waxaa la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Ugu dambeyntii xalay ayuu horjooge Xasan Caweer u geeriyooday xanuunkii ka hayey wadnaha ee ilaa Hargeysa loo geeyey, waxaana maanta aad u farxay qof kasta oo yaqiinay ninkaas oo ahaa mid dhib badan oo beegsada qof kasta oo uu yaqaano. The post Xog: Horjoogihii ugu caansanaa Shabaab-ka gobollada dhexe oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray dhibaatada heysata dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho. Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago. “Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadeen dhalinyaradaas, isla markaana ay jiraan qaar dhaawacyo loo geystay, isagoo taasi ku tilmaamay wax laga xumaado oo niyad jebinaya dhalinyaradaan dalkooda ka shaqeysta. “Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda,” ayuu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri. Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuu dalbaday in loo gurmado dhalinyarada lagu dhaawacay rasaastii ciidamada qaranka, sidoo kale dowladda ayuu ugu baaqay inay mudnaan gaar ah siiso cabashada ka soo yeertay dhalinyarada. “Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah,” ayuu yiri. Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo intii uu xukunka joogay dhegaha ka fureystay dadka reer Muqdisho oo duruufo adag soo maray ayaa hadda hadalkiisa loo arkaa ‘kaar ku xogasho.’ The post Farmaajo oo war culus ka soo saaray tacadiga ay DF ku heysto Bajaaj-leyda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Siyaasi Cali Axmed Cali oo ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE,Kaas oo si rasmi ugu soo biiray Xisbiga Rejada shacabka Somaliland ee WADDANI. Kulanka Waxa Murashaxa Ku Wehelinayaayey Xildhibaan Barkhad Maxamed Hurre Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada Soomaliland , Salaadiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa uga mahadnaqay siyaasi Cali Axmed Cali ku biiritaanka uu ku soo biiray Xisbiga WADDANI Iyo Sidii Isbadalka Diyaarka Ugu Yahay Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) – Security forces clashed with auto-rickshaw drivers protesting against a recent increase in license taxes in Mogadishu over the past two days. Source: Hiiraan Online
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-gboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah, isaggoo guddoomiyey shir loogu gurmanayo ganacsatadii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin, waxaana Warbixino looga dhageystay wasiirada arrimaha guddaha, ganacsiga, gargaarka iyo sidoo kale guddiga ganacsatada dhibka gaaray. Guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka ee (SODMA) Maxamuud Macalin ayaa kulankaan ka sheegay sababta ay u yimaadeen magalaada Jowhar inay tahay uruurinta xogta musiibadii dhacday iyo qaabkii loo sameyn lahaa gurmad loo dhanyahay. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay dadka ku ganacsanayay suuqa hanti-wadaag ay soo gaartay dhibaato weyn oo ay ku ceytoobeen dabkii ka kacay suuqa. “Dadkii ku hanti beelay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, hadda waa ceyr aan waxba heysan, anaga iyo hay’adda SODMA waxaan u istaagnay in si deg-deg ah loogu gurmado dadkaas, sidoo kale waxaana dalbaneynaa in la garab istaago dadka masaakiinta ah ee ku hanti beelay musiibada,” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe. Dhinaca kale, guddoomiyaha SODMA iyo wafdiga uu horkacayo ayaa booqday suuqa Hanti-wadaag, wuxuuna soo indho-indheeyay baaxada dabkii baabi’iyay hantida ganacsatada suuqaasi, oo uu saameyn ballaaran kasoo gaaray. Guddoomiyaha ayaa sidoo klae suuqa kula kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabkaas, oo la sheegay inuu sababay in ay baa ba’aan 500 oo goobo ganacsi ah. The post Sawirro: Guudlaawe oo qaaday tallaabo muhiim kadib dabkii baabi’iyey suuqa Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  18. Bismilahi Maamulaha Villa Somalia Xassan Sheikh Oo u guntaday sidii Colaad lagu Hoobto Uu uga Ridi lahaa Geeska Africa si Uu ugu qariyo Jabka ka Soo gaadhay Dagaaladii Dalkiisa gudahiisa ka socday iyo Dildilaaca ku yimid Dalkii Uu Madaxweynaha u Ahaa Ee Somalia, iyo Shacabkii Dhulkaa ku Noolaa oo ku dhamaaday Qaraxyo Iyo Dil aanay garaneyn goor ay ka baxayaan. Odey Xassan oo ay ka dhamaatay Balas-Balastii ayaa Maantana u Cararay Masar. Hadaba isweydiintu waxay tahay hadii Uu shalay Dawlaha Qaarkood ka iibiyey Badda iyo Hawada Somalia iyo dhamaan kheyraadkii ku jiray muxuu Maanta Doonayaa in Uu ka iibiyo Masar si ay uga qaybgasho Dagaal Cusub oo Dadka Somalia intii Hadhay ay ku Hoobtaan. Waxase Muuqata in Uu Dowlada Masarna ku Wareejinayo Labadii Wabi Ee Hadhay Juba Iyo Shabeele Maadaama ay Masaaridu ku wanaagSan tahay Wax Beerista si ay uga Soo kabato biyo yaraanta ka Soo wajaday Wabiga Nile Waxaanse u Soo Jeedin lahaa Xassan sheikh Maamulaha Villa Somalia in Uu isdaba qabateeyo oo Uu ka waantoobo waxaan waxba uga suuroobeynin. Waayo Heshiisyada ay wada galeen Somaliland iyo Ethiopia waa Heshiisyo Laba Diwladood ay wada galeen . Meel kaaga banaanina ayna jirin Intaasina Fadeexad iyo Fashilaad kuugu filan Ee ku Noqo Gurigaaga Gubanaya, Ee Xasuuqu ka socdo kuna Dadaal sidii aad ku Bakhtiin lahayd ama aad Kula heshiin lahayd kuwa aad is dileysaan. Ummadda Reer Somalilandna waxaad u Caddeysay in Cadowga kaliya Ee ay leeyihiin yahay Maamulka aad Maxdaxda aad ka tahay. Ali Mahamed Waranade Qaran News
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Mudane Kamal Fathurahman. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Suudaan, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb-qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas. Source: goobjoog.com
  20. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo wada-hadallada hadda u bilowday. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan wada-hadallada u socda Addis Ababa iyo Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, balse aysan dhicin isaga oo sababta ka gaabsaday. Sidoo kale wuxuu rajo xumo ka muujiyay wada-hadallada Ankara ee markii labaad fashilka kusoo dhammaaday, wuxuuna xusay in aanu Turkuga ku guuleysan doonin xalinta xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa carabka ku adkeeyay in xalka uu ku imaan karo in mid kamid ah labada dowladood ee is haya ay ka tanaasusho mowqifkeeda. “Waxaan isku-daynay in aan wadahadal u qabno Soomaaliya iyo Itoobiya balse ma dhicin mana sheegayo sababta. Turkiga isagana kuma guuleysan doono. Xalka waxa uu ku jiraa in labada dal midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa” ayuu yiri wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan. The post Jabuuti oo arrimo xasaasi ah ka shaacisay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  21. Safarka Muuse ee bariga sheekooyin badan baa ka soo baxay, dad badani na si maadsi ah ayay u eegayaan waxa dhacaaya. Qaybta u gu maadda badnayd waxa ay ahayd markii uu ku hakaday Qoyta oo Shiikh iyo Burco u dhexaysa. “Ina Kaahinoow dadkan aad soo guraysaa maxay yihiin.” ayuu Muuse yidhi. Intii la qarinaayay ee Kulmiye na ay ka murmaayeen, oo ah in ay koox dad ah hadba meel u daad guraynayaan, si ay u mujiyaan in dadweyne soo dhaweeyay Muuse, ayuu kashifay. War ilayn aff aanad lahayn ma qabatid, ayay odayaashu odhan jireen marka ay halkaas oo kale arimuhu ka cago taagaan. Burco waad aragteenba in aanay cidina is ku hawlin u carcarar ka Muuse. Kaahin iyo Biixi ba ceeb ayay ku tahay in ay si baraad la’aan ah isaga socdaan, oo wixii ay fashil soo hooyeen ay is dhego mariyaan, oo kolba meel is ku soo sawiraan iyaka oo ciyaalka la boodboodaaya. Burco – cod midaysan ayay ku tidhi: – Hadda shalay ma dheerayn; – Waxa dhacay ma fududayn! Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  22. Washington (Caasimada Online) – Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal la shaqaynayey waaxda sirdoonka ee ciidamada Mareykanka uu qirtay inuu dal kale ka iibiyay sirta ciidamada. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Korbein Schultz ayaa qirtay eedo lagu soo oogay oo ahaa inuu sirta ciidamada Maraykanka ka iibiyey dalka Shiinaha, sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka. Schultz ayaa bishii March lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay inuu gudbiyo macluumaad la xidhiidha difaaca qaranka ee Maraykanka iyo inuu debedda u diro agab iyo macluumaad la xidhiidha arrimaha difaaca isaga oo aan haysan ruqsadda uu ku dhoofin karayey. Sidoo kale waxaa loo haystaa inuu laaluushay qaar ka mida saraakiisha dawladda. Sarkaalkan oo haystay heerka sare ee ogaanshaha sirta qaranka (top secret clearance) ayaa xidhiidh soke la sameeyey qof ku nool Hong Kong, kaas oo loo malaynayo inuu xidhiidh dhow la leeyahay xukuumadda Shiinaha. Sarkaalkan ayaa ninkaas kala shaqaynayey in la ururiyo macluumaad ku saabsan sirta ciidamada difaaca ee Maraykanka oo ay ku jiraan macluumaad la xidhiidha xogta qarsoon. Sidoo kale waxaa macluumaadka sirta ah qeyb ka ahaa agabka xasaasiga ah ee arrimaha difaaca la xidhiidha, iyada oo lagaga bedelanayo, lacag la siinayey sarkaalkan, sida ku cad waraaqda qiraalka ee uu sameeyey. Sarkaalkan ayaa la siiyey illaa $42,000 si uu xogahan u ururiyo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu. Waxaa la filayaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo bisha January ee soo socota. The post Xogta sarkaal Mareykan ah oo qirtay inuu sir xasaasi ah ka iibinayey dalka… appeared first on Caasimada Online.
  23. Markab dagaal oo ciidamada Badda ee dalka Turkiga ay leeyihiin, laguna magacaaboTCG KINALIADA ayaa gaaray dalka Jabbuuti, isaga oo ku guda jira howlgal uu ka wado Badda-cas iyo xeebaha Soomaaliya, ka dib heshiiskii ilaalinta Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya la saxiixatay Turkiga. Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga la gashay heshiis dhinaca difaaca Xeebaha ah oo muddo toban sanadood ah socan doona, islamarkaana lagu xaqiijinayo nabad-gelyada badda Soomaaliya xilli ay Itoobiya ay hannaan gardarro ah ku doonayso inay ku qaadato qeyb kamida badda JFS. Socdaalka markabkan ayaa ku soo beegmaya xilli wada-hadalladii magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ay is mari-waa ku soo dhammaadeen, islamarkaana Xukuumadda Abii Axmed ay weli ay ka war wareegayso inay ka laabato is afgaradkii Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  24. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis. Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Safiirka UK ee Soomaaliya kala hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda UK ee dhanka Milateriga. Dowladda Ingiriiska kamida ah saaxiibada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ka taageertay tababarka ciidamada iyo arrimaha diblomaasiyadda, ayadoo kaalin weyn ku lahayd in Cuna-qabatayntii hubka ee mudda dheer saarnayd. Source: goobjoog.com
  25. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, iyagagoo ka wadahadlay arrimo dhowr. Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya. Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal. Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda. Source: goobjoog.com