-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay xarunta Bangiga Dhexe oo ku taalla degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in Dabka oo ahaa mid xoogan uu ka dhashay koronto, islamarkaana markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, kadib markii uu gurmad deg deg ah sameeyey maamulka gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho oo goobta tegay ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan geysan dabka, islamarkaana laga hortagay inuu ku faafo xafiisyada Bangiga Dhexe. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey shaqaalaha gurmadka ee dab damiska, sida deg dega ah ee ay uga jwaabeen, una damiyeen dabkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay xarunta Bangiga Dhexe ee Sil-silaweyne oo ku taalla degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu saameeyey xafiisyo kooban oo ku yaalla xarunta Bangiga Dhexe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin goobta tegay. Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, kadib markii uu gurmad deg deg ah sameeyey maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale Duqa Muqdisho oo goob-joog ka ahaa daminta dabkaasi ayaa la hadlay warbaahinta, isagoona ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Cumar Filish ayaa tilmaamay in dabka uusan geysan khasaare sidaa u weyn, islamarkaana si deg deg ah looga hortagay inuu ku sii faafo xafiisyada kale ee muhiimka ah, isagoona shaqaalaha gurmadka deg dega ah ee dab damiska u mahadceliyey. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada inay guryahooda dhigtaan haamaha oksijiinta leh, oo looga hortagi karo inuu dabku faafo.
-
Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo saacadihii ugu dambeeyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka sameeyeen gobolka Jubada Dhexe. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa looga hadlay weerarkaasi dhanka cirka ah oo lala beegsaday dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Africom ayaa xaqiijisay in weerarkaasi lagu dilay illaa hal dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay inay wado qiimeyn ku aadan, haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab ayaa weeraro xagga cirka ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - In a meeting held at Villa Somalia on Sunday, Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed held a meeting with media representatives who were spearheaded by the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) to raise concerns about threats to media freedom by new draft media law. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa markale waqti kordhin cusub u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta. Waa markii seddaxaad ee guddigan uu waqti kordhin u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa xilal ka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay in muddo 24-saac ah ay ku dareen waqtiga is diiwaan gelinta, isaga oo carabka ku adkeeyey in mudadaan ay noqon doonto tii ugu dambeysay, kadibna ay dhici doonto doorashada dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in jadwalka doorashada uu sidiisii yahay, islamarkaana ay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dhici doonto waqtigii loo asteeyey. Sagaal musharax ayaa illaa hadda maray nidaamka is diiwaan gelinta, afar ka mid ah ayaa u sharaxan madaxweyne, halka shanta kalena ay u taagan yihiin madaxweyne ku xigeen. Dhinaca kale afarta musharax ee ugu saameynta badan, islamarkaana kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullahi Faarax Weheliye iyo Cabdi Dheere ayaa si cad u sheegay in aysan is diiwaan geli doonin inta ay doorashada Galmudug u afduubantahay dowladda dhexe, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed, kaas oo saameeyey dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo loo dhan yahay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-28012020.mp3 View the full article
-
Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku sugan magaalada Badhan ayaa waxa kamid ah xubno ka tirsan Guddiga dib u-habaynta Ciidamada Puntland. Xubnahaasi waxa kamid ah Guddoomiyaha Guddiga dib-habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere. Mas’uuliyiinta Guddiga dib-habaynta Ciidamada oo qeyb ka ahaa wefdiga Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa halkaasi ka qaban doona Hawlaha diiwaan-gelinta Ciidamada ku sugan Gobolka sanaag. Diiwaan-gelinta Ciidamada ku sugan Talisyada kala duwan ee magaalada Badhan ayaa la filayaa in ay isla maanta bilaabato PUNTLAND POST The post Magaalada Badhan oo maanta laga bilaabayo Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka, ayay ku sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Hay’adda IMF, Waxa ay madaxda xukuumadda Federaalka ku bogaadisay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka. Dhinaca kale, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta ay soo saartay IMF waxa uu yiri: Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya. “Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yirri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Hay’adda IMF oo war ka soo saartay Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
African leaders have called on governments to increase budgetary allocations and increase resources to the education sector. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ay wehelinayaan guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Mudane’ Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac iyo Af-hayeenka guud ee xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa saaka booqday Abwaan Axmed Saleeban bidde oo xaalad caafimaad muddooyinki u dambeeyey ugu jira Hoyga uu ka degan yahay Magaaladda Hargeysa. Madaxda xisbigu waxay Abwaanka Alle ugu baryeen inu caafimaad deg deg ah siiyo isaga iyo inta umadda muslimka ah ka bugtaba. ADVERTISEMENT You may also like… RELATED TOPICS: CLICK TO COMMENT More in focus FOCUS War-murtiyeed: Soomaaliya, Eritrea Iyo Itoobiya Oo Dhisaya Iskaashi Cusub BY XAMSEJANUARY 27, 2020 (SLT-Asmara)-Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen… FOCUS Xildhibaan Ka Hadlay Khilaafka Somaliland Iyo Jabuuti BY XAMSEJANUARY 27, 2020 (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay khilaafka Somaliland Jabuuti,… FOCUS Turkiga Oo Ansixinaya Sharci Dhiirri-galin Kara Kufsiga Dumarka BY XAMSEJANUARY 27, 2020 (SLT-Ankata)- Turkiga ayaa soo saaridoona sharci cusub oo u oggolaanaya ragga in ay ka badbaadaan in… FOCUS Farmaajo, Abiy Axmed Iyo Isaias Afwerki Oo Kulan Ku Yeelanaya Asmara BY XAMSEJANUARY 27, 2020 (SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Asmara halkaas oo uu… FOCUS Muwaadiniinta Israa’iil Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaaday Inay U Safraan Sucuudiga BY XAMSEJANUARY 27, 2020 (SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in markii ugu horraysay ay muwaadiniinteeda u ogolaan doonto inay u… ADVERTISEMENT Qaran News
-
War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya kulankoodii Asmara Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020. Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah. Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman. Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah. Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020. DHAMMAAD Qaran News
-
Qorshe cusub oo Suniyiinta IRAQ loogu sameynayo Dal gaar ah iyo cidda dabada ka riixaysa Ayada oo dhinac loo riixay, saameynteedana ay sii yaraaneyso, ayaa dowladda Mareykanka waxa billowday qorshe ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Iraqi ah oo la hadlay wargeyska Middle East Eye. Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas. Iraq waxa ay buundo muhiim ah u tahay Iran oo ay ku xirto dalalka Syria iyo Lebanon, oo ay Shiicada ku taageerto. Aas-aasidda maamul Sunni ah, oo Mareykanka uu maamulo oo ku yaalla galbeedka Iraq, waxay jari doonaan waddooyinkii Iran ku xiri lahaa Syria iyo Lebanon, waxayna yareyn doontaa saameynta ay ku leedahay gobolka. Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga goyneyso Iraq, ayaa markiisii hore soo billowday sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u sharaxan madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator. Waxaa looga dan lahaa in Sunniyiinta Iraq looga bad-baadiyo rabshadaha diinta ku saleysan ee Shiicada, oo dalka kaga tiro badan. Hase yeeshee, diidmada dadka Iraq ee ahayd in diin ahaan loo kala qeybiyo, iyo Mareykanka oo ay ka go’neyd in la ilaaliyo midnimada dalkaas, ayaa meesha ka saaray qorshahaas. Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq. Midnimada Iraq “hadda iyo wixii ka dambeeya muhiimad uma lahan Mareykanka” waxaa sidaas yiri sarkaal Shiico ah oo la hadlay Middle East Eye. Sidoo kale sarkaal Mareykan ah, oo xog-ogaal u ah mashruucan, ayaa u sheegay Middle East Eye in Mareykanka ay qorshahan oo markii hore fikir un ahaa, hadda u beddeleen fulin. “Sameynta gobol Sunni ah, waxay mar walba ahayd qorshe Mareykan. Iiraaniyiinta looma ogolaan karo inay gaaraan badda Meditareeniyaanka, kana faa’iideystaan dhulka ku xiraya Xizbullah ee dalka Lebanon,” waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay sarkaal Mareykan ah. “Joogitaanka ciidamada Mareykanka waxay ahayd mid amni loogu damaanad qaadayo Sunniyiinta iyo Kurdiyiinta, sidaas darteed haddii Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, sameynta gobolka Sunni ah, si loogu caabiyo Iran waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri sarkaalka. “Waxaan ka hadleyno waa dal, ee ma ahan kaliya maamul goboleed,” ayuu yiri. Gobolka Sunniga ah ayaa wxaaa marka hore lagu aas-aasi doonaa si waafaqsan dastuurka Iraq oo ogolaanayo maamul hoosaadyo la mid ah midka Kurdistan. Markaas kadib ayaa gobolka waxa uu noqon doonaa mid federal ah oo ku biiraya Kurdistan si KMG ah, sida uu sheegay hogaamiye sare oo Sunni ah. Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in gobolka si caalami ah loogu aqoonsado dal ahaan, taasi oo Mareykanka uu hoggaamin doono. Qaran News
-
Nujuum Hashi Ahmed’s paintings are about peace and end to conflict in the country Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa caawa mar kale waqti kordhin cusub u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta. Waa markii seddaxaad ee guddigan uu waqti kordhin u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Guddoomiyaha guddiga ayaa mar kale caawa shaaciyay in muddo 24-saac ah ay ku dareen waqtiga is diiwaan gelinta musharaxiin, isagoo carabka ku adkeeyey in waqti kordhintan ay noqon doonto tii ugu dambeysay. Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, haatana uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii doorashada waqtigeeda loogu qaban lahaa. Sagaal musharax ayaa illaa hadda maray nidaamka is diiwaan gelinta guddiga, afar ka mid ah ayaa u sharaxan madaxweyne, halka shanta kalena ay u sharaxanyihiin madaxweyne ku xigeen. Illaa hadda waxaan is diiwaan gelin inta badan musharaxiintii ugu tunka weyneed doorashada Galmudug, kuwaas oo ku qanci la’ hanaanka loo marayo doorashada, iyagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in afduub ay ku heyso doorashada. Afarta musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullahi Faarax Weheliye iyo Cabdi Dheere ayaa si cad u sheegay in aysan is diiwaan geli doonin inta ay doorashada Galmudug u afduubantahay dowladda dhexe. Dadka sida dhow ula socda geedi socodka doorashada Galmudug, ayaa xubno ku jira afarta mushaarax ee illaa hadda is diiwaan geliyey u arka, kuwa ay dowladdu gadaal ka riixeyso, isla markaana musharax ay wadato loogu camirayo doorashada, hadii ay diidaan musharaxiinta kale iyo hadii ay tartamaanba.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-27012020-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka war bixiyey kulankii maanta magaalada Asmara ku dhex maray hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in la dhiso iskaashi cusub. Agaasime Cabdinuur oo u waramay VOA ayaa sheegay in seddaxda hoggaamiye ay isku raaceen in la sameeyo iskaashi buuxa oo ka hir gala geeska Afrika, kaas oo la doonayo inuu ka shaqeeyo danaha gobolka. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxdu ay is tuseen dalal ay u arkaan inay ku biiriyaan ururkooda oo muhiim u ah is-baheysiga ay ka bilaabeen gobolka, waxuuna sheegay in dalalkaas dib laga sheeci doono. Agaasimaha ayaa sheegay in talaabada xigta kulankii maanta ay Asmara ku sheeyeen madaxweynayaashu ay noqon doonto in la howl-geliyo guddiyo isku dhaf ah oo ka soo shaqeeya dhaqan gelinta qodobadii lagu heshiiyey, kuwaas oo ka wada imaan doona seddaxdaan dal iyo kuwa lagu biirinayo is-baheysigan. Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in ay dhinacyadu qirsanyihiin in gobolka lagu hayo faragelin ba’an, si gaar ahna ka dowlad haan ay tuhmayaan faragin uga imaaneysa qaar ka mid ah dalalka caalamka, balse wixii hada ka dambeeya ay dhinacyadu iska kaasha doonaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen. “Waxaan rajeynaynaa iyadoo la ilaalinaayo madaxbanaadida dal kasta oo is baheysigaan ka mid ah, hadana si wadajir ah uu is-baheysigan uga shaqeeyo, sidii meel looga soo wada jeesan lahaa loona diidi lahaa, in dal ka mid ah is-baheysiga fara gelin uu ku sameeyo dal kale oo shisheeye”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia.
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has Sunday night received a media delegation headed by the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) to hear growing concerns from the journalists’ community about the media law. NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman told the meeting with the Head of State how the media law passed by the Federal Parliament is in breach of the country’s constitution and constitutes a legal threat faced by Somali media. “This law is obviously aimed at silencing journalists, restricting media houses to operate independently and directly contravenes the enjoyment of press freedom in in the country,” said Osman. NUSOJ officials and other media representatives who met with the president underlined that the bill still needs to be radically reformed and requested it to be made in line with the country’s constitution as the media community has serious concerns, and has asked the president to return it for revision. This law compels journalists to register with a government agency, stating who can become a journalist or how a journalist can obtain a journalism ID cards. It is vaguely worded and is not written in legally acceptable language, said the complaining journalists. The president listened to journalists’ concerns with regard to media law, and said he would consult and consider the proposals of journalists. Farmaajo emphasised that his administration was always committed to respecting the rights of journalists and their freedoms, stressing that he would look carefully at strong complaints about this law. Media in Mogadishu has been spared over the past two years of the harassment and intimidation they witnessed before from previous governments, marking conducive environment that Farmaajo government created for journalists. View the full article
-
Baghdad (Caasimada Online) – Ayada oo dhinac loo riixay, saameynteedana ay sii yaraaneyso, ayaa dowladda Mareykanka waxa billowday qorshe ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Iraqi ah oo la hadlay wargeyska Middle East Eye. Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas. Iraq waxa ay buundo muhiim ah u tahay Iran oo ay ku xirto dalalka Syria iyo Lebanon, oo ay Shiicada ku taageerto. Aas-aasidda maamul Sunni ah, oo Mareykanka uu maamulo oo ku yaalla galbeedka Iraq, waxay jari doonaan waddooyinkii Iran ku xiri lahaa Syria iyo Lebanon, waxayna yareyn doontaa saameynta ay ku leedahay gobolka. Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga goyneyso Iraq, ayaa markiisii hore soo billowday sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u sharaxan madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator. Waxaa looga dan lahaa in Sunniyiinta Iraq looga bad-baadiyo rabshadaha diinta ku saleysan ee Shiicada, oo dalka kaga tiro badan. Hase yeeshee, diidmada dadka Iraq ee ahayd in diin ahaan loo kala qeybiyo, iyo Mareykanka oo ay ka go’neyd in la ilaaliyo midnimada dalkaas, ayaa meesha ka saaray qorshahaas. Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq. Midnimada Iraq “hadda iyo wixii ka dambeeya muhiimad uma lahan Mareykanka” waxaa sidaas yiri sarkaal Shiico ah oo la hadlay Middle East Eye. Sidoo kale sarkaal Mareykan ah, oo xog-ogaal u ah mashruucan, ayaa u sheegay Middle East Eye in Mareykanka ay qorshahan oo markii hore fikir un ahaa, hadda u beddeleen fulin. “Sameynta gobol Sunni ah, waxay mar walba ahayd qorshe Mareykan. Iiraaniyiinta looma ogolaan karo inay gaaraan badda Meditareeniyaanka, kana faa’iideystaan dhulka ku xiraya Xizbullah ee dalka Lebanon,” waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay sarkaal Mareykan ah. “Joogitaanka ciidamada Mareykanka waxay ahayd mid amni loogu damaanad qaadayo Sunniyiinta iyo Kurdiyiinta, sidaas darteed haddii Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, sameynta gobolka Sunni ah, si loogu caabiyo Iran waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri sarkaalka. “Waxaan ka hadleyno waa dal, ee ma ahan kaliya maamul goboleed,” ayuu yiri. Gobolka Sunniga ah ayaa wxaaa marka hore lagu aas-aasi doonaa si waafaqsan dastuurka Iraq oo ogolaanayo maamul hoosaadyo la mid ah midka Kurdistan. Markaas kadib ayaa gobolka waxa uu noqon doonaa mid federal ah oo ku biiraya Kurdistan si KMG ah, sida uu sheegay hogaamiye sare oo Sunni ah. Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in gobolka si caalami ah loogu aqoonsado dal ahaan, taasi oo Mareykanka uu hoggaamin doono.
