-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan. Saraakiishaan oo ka kala tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad iyo guutooyinkooda ka howl gala Galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta. Genaraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya. Odoyaasha iyo wax garadka labada dhinaca oo dood dheer kadib la isku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo, hadda kadibna la iska kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa soo qabashada cid walba oo dil geysata. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Wararka aan ka helayo magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa wax ay sheegayaan in maanta guud ahaan xaaladda magaalada ay degantahay ka dib shaqaaqooyin ay dad ku geeriyoodeen oo ka dhacay magaaladaas. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in isku socodka dadka, gaadiidaka iyo midka gancsi ee magaalada uu yahay mid caadi ku soo laabtay inkastoo dadka ay mar waliba muujinayaan cabsi ay ka qabaan in dagaal uu magaalada ku dhexmaro ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Ciidamada dowladda ay geysay qeybo ka mid ah gobalka Gedo ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan degmooyinka Luuq iyo Beladxaawo oo ay horay uga arrimin jireen ciidanka daraawiishta dowlad gobeelda jubbaland. 8-dii bishan ayey ahayd markii dagaal uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland iyo ciidanka dowladda uu ka dhacay magaaalada Beladxaawo, waxaana dagaalkaasi uu cabsi ku abuuray dadka shacabka ah. Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa ku sugan goob qiyaastii 2-km u jirta degmada Beladxaawo oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda federaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa isku fidinaysa qeybo ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa kaalinta 9-aad ka gashay goobaha dalxiis ee caalamka, iyada oo qayb ka noqotay goobo ku kala yaalla wadamada Turkey-ga, Iran ,Masar ,Suuriya,Urdun iyo Cuman, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Middle East News oo gobolka Barriga Dhexe kazoo baxa, taas oo ciwaan looga dhigay Goobaha Caalamka dalxiiska ku wanaagsan ee ay Somaliland ku jirto (Degmada Laasgeel). Tifaftire ku xigeenka wargeyskaas Omar Shariff oo warbixintan diyaariyey ayaa sheegay in ay Somaliland kamid tahay meelaha ugu nabadgelyadda badan adduunka , isaguna indhihiisa kusoo arkay. Waxaana warbixintan lagu sheegay in midabyadda ku xardhan buuraha Laasgeel ay lamid yihiin ataarta laga helo barriga dhexe, waxaana lagu sheegay in la sameeyey qoraaladaasi 5,000 ilaa 7,000 oo sanno ka hor. Source
-
11-ka February 2020 oo ku beegan Talaadada berriya, ayaa ku muddaysan wakhtiga ay Xeer ilaalinta Puntland shaacisay, in la qiyaasi doono saddexda Xukmane ee Kiiskii Caa’isha Ilyaas. 12-kii bishii January ee la soo dhaafay, Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa si rasmiya u muddeeyay wakhtiga la fulin doono qisaasta saddexda nin ee u xukman Kiiskaasi. Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden. Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. 24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray. Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay. Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas. PUNTLAND POST The post Qiyaasta saddexdii xukmane ee kiiskii Caa’isha Ilyaas oo berri ku muddaysan appeared first on Puntland Post.
-
Rag hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Afgooye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah ay dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu geysteen duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. Raggan oo ku hubeysnaa qoryaha fu-fudud ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen dad beeraley ah oo ku sugnaa halkaasi, iyaga oo isugu daray dil, dhaawac iyo dhac intaba. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dableydaasi ay dishay nin lagu magacaabi jiray, Cumar Nuur oo ka mid ahaa dadka beeraha ku leh duleedka Afgooye. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dhaawacyo loo geystay dad kale oo la socday marxuumka, kadibna laga qaatay wax alaala wixii ay siteen. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ky daraya in kooxdii burcada aheyd falka kadib ay goobta isaga baxsatay, waxaana markii dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey duleedka degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin kala duwan oo ay geystaan kooxo burcad ah oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi, sidoo kale waxaa u sii dheer weerarada dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo dagaallada ay kala kulmaan ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. -
Ciidamo daacad u ah Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay fariisimo cusub ka sameysteen magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in taasi ay walaac xoogan ku abuurtay shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa dhankooda dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul culus ka wada magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xaaladda ayaa haatan si aad ah u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi xoog leh ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco degmadaasi. View the full article
-
Maxamed Cali Afgooye hanti dhowraha Qaranka ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga soo horjeesto dagaalanka musuq-maasuqa oo dhibaato ku haya dalka. Hanti dhowraha ayaa carbka ku adkeeyey in qeybaha kala duwan ee bulshada loo baahan yahay inay qeyb ka noqodaan ciribtirka musuqa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in horumar la taaban karo laga gaaray dhanka cadaaladda, gaar ahaan maxkamadaha iyo sida ay u shaqeeyaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/jaamac-1.mp3 View the full article
-
BEIJING, Feb. 10, 2020 /PRNewswire/ — The beginning of 2020 is special to most Chinese – with a sudden coronavirus outbreak firstly occurred in Wuhan, China, all cities joined to fight with efforts. Shenzhen MicroMultiCopter (MMC) quickly launched the UAV prevention solutions and invested a service team of over 200 people rushing to the front line with over 100 drones deployed in many cities such as Shanghai, Guangzhou, Zhaoqing, Foshan and other areas to participate in the battles, by which the risk of virus spreading among front-line staffs is greatly reduced. I. Aerial broadcasting Instead of artificially patrolling, the drones are capable of uninterrupted patrols in 360 degrees to observe the ground condition through 40x zoom cameras. Crowds and those who doesn’t wear masks in public places are found and dispersed by the commanders through onboard megaphones. Daily broadcasting by drones is carrying out in different streets and communities, larger area is covered than using traditional loudspeakers. II. Disinfectant spraying From stations, supermarkets to small courtyards where there is a need, MMC drones are used to spray disinfectant in public places. Compared to traditional way, using drones can avoid direct contact especially in those places required regular disinfection. III. Aerial thermal sensing The drone with thermal camera will automatically sense each person through high accuracy infrared which has been widely used in crowded areas to assist in onsite management and evacuation. IV. Traffic control Since 1st Feb, MMC teams have been working with traffic police at many highway points. Traffic flow, congestion situation was captured. With larger coverage than fixed cameras, MMC drones greatly helped commanders figure out solutions very quickly. “Unlike previous years where we must drive to patrol and gather information, we can now discover everything using drones,” a local traffic police praised with his thumb-up. “At first, our drones are used only in aerial broadcasting, and it goes deeper in front-line use since the situation is getting more serious, further functions are required so we quickly formed a online R&D team and carried out the solutions,” said Lu Zhihui, chairman of MMC. As a company with complete supply chain of industrial UAV, MMC provides not only complete solutions but also UAV key parts for different applications and OEM/ODM cooperation. With the experience cooperating with its global partners, MMC is committed to boosting automation level so people can work in greater safety, with lower cost and by higher efficiency. The post MMC’s drones used in the battle against the new coronavirus outbreak appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid culus, islamarkaana ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhow magaalada Lamu ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday waddo uu dhismo ka socday, iskuna xirta Lamu iyo Garsen. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu gubay laba ka mid ah gaadiid ka shaqeynayey dhismaha jidkaasi. Sidoo kale warar madax banaan ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka qaaday ay toogteen shaqaale Shiinees ah oo ku sugnaa halkaasi, kuwa kalena ay afduubteen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa soo qoray in xiisad sare ay ka jirto magaalada Mandera ee dalkaasi, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidanka Soomaaliya ay ka soo muuqdeen xadka kala qeybiya labada dal, iyado la sheegayo in ay qorsheynayaan in ay weeraraan hotel ku yaalla Mandera oo la sheegay in uu ku jiro wasiirka amniga Jubbaland oo ay doon dooneyso dowladda Soomaaliya. Inta badan dadka deeganada dhaca xadka ee dhanka Mandera ayuu wargeysku sheegay inay u qaxeen xaafadaha ehaladooda ee qeybaha kale ee magaalada. Sidoo kale Cumar Maalin oo ah xildhibaan laga soo doortay dhanka bari ee Mandera oo la hadlay warbaaginta ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay xirto Janan, kuna wareejiso dowladda Soomaaliya, ama ay ka saarto isaga iyo ciidankiisa magaaladaasi. “Ma garanayo waxa ay dowladda ka faa’ideyso dambiile la raadinayo, waa in dambiilahan la xiraa oo loo dhiibaa Soomaaliya ama waa in laga saaraa Mandera”. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-100220.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gudaha wadanka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Milihoi ee ku yaalla wadada isku xirta Lamu iyo Garsen oo uu dhismo ka socday. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah gaadiidka dhismahaasi ka shaqeynayey ay gubeen dagaalyahannada weerarka qaaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu iska hor imaad kooban dhex maray dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidanka Booliska dalka Kenya, kadibna raggii weerarka fuliyey ay u baxsadeen dhanka kemaha ee magaaladaasi. Taliska Booliska Lamu oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay in u jeedadu aheyd in la beegsado saldhig ciidan oo ka agdhawaa halka uu iska hor imaadka ka dhacay. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in marka laga tago baabuurta la gubay aanay jirin khasaare kale oo ka dhashay dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
-
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyay Itoobiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo si balaadhan loogu Soo dhaweeyey dalka Itoobiya. Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha. Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi. Source -
(SLT-Laascaanood)-Waxaa shalay laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa. 25 dhalinyaro ah ayaa lagu bilaabay in ay ka hawl galaan magaalada Laascaanood kuwaa ka soo baxay boqolaal siyaabo kala duwan lagu soo kala saaray. Agaasimaha Waaxda hawl fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinta soo baxday ay yihiin kuwo hanankara hawlaha looga baahan yahay isagoo intaas ku daray in tabarkii rasmiga ahaa haatan u bilaabmi doono. Sidoo kale masuuliyiinta degmada iyo gobolka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhalintan u rajeeyeen kuwo hawshooda ka soo baxa. Si kastaba ha ahaatee dhalinta weydey shaqadan ayaa dhaliilo badan oo garab taabasho ay ku sheegeen loo qaatay waxaase taas jawaab ah looma heli karo maadaama dadka imtixaankani qaadayay oo gebi ahaanba aan degaanka ahayn. Source
-
FARMAAJO Oo Kula Kulmay Addis Ababa Raysal Wasaaraha Canada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, waxaana ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh. Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa ka mid ah martida lagu casuumay shirka Midowga Afrika , waxaana uu olole ugu jiraa sidii dalalka Afrika uu taageero uga raadin lahaa Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen. Source -
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaad muddo dheer ka taagneyd gudaha degmada Matabaan iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Hiiraan. Kulan ka dhacay degmadaasi, islamarkaana ay ka qeyb galeen taliyaha guutada 15-aad, odayaasha iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo afjaray xiisadaasi oo u dhexeysay labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan. Jen. Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay odayaasha labada dhinac inay ka dhabeeyaan heshiiska, islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan nabadda deegaanka. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maleeshiyaadka labada beelood inay ka fogaadaan wax kasta oo dib u soo celin karaa colaadaasi. Ugu dambeyn qaar ka mid ah odayaasha ee ka qeyb galay shirka oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay qaadan doonaan doorkooda, islamarkaana ay dhaqan gelinayaan heshiiska la gaaray oo lagu kala qaadanayo Diyo laga bixinayo dilalkii hore ee ay isugu geysteen labada beelood, si ay xal waara ugu noqoto xiisadaasi. Hiiraan ayaa waxa in muddo ah ka taagnaa colaado salka ku hayo arrimo la xariira aano qabiil, kuwaas oo lagu dilay dad badan.
-
Somaliland: President Muse Bihi And Delegation In Addis Ababa The President of the Republic of Somaliland, H.E. Muse Bihi Abdi and a coterie of senior ministers are in Addis Ababa, Ethiopia. The delegation was received at Bole International Airport by senior officials from the Ethiopian Foreign ministry, including the State Minister. The Annual AU Summit is currently taking place in Addis Ababa. The President is expected to meet with several African heads of state, but, there are no indications that a meeting will take place with officials from the federal government in neighbouring Somalia. Qarannews.com Qaran News
-
Boorama (Caasimada Online) ― Warbaahinta kala duwan ee ka howl-gasha magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa maanta si wada-jir ah Madaxweynaha Somaliland uga dalbaday in cafis loo fidiyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Wariye Coldoon ayaa muddo u xiran Xukuumada Muuse Biixi, kaasi oo Maxkamadi ay sheegtay inay ku heshay dacwado lagu soo oogay, iyadoona muddo saddex sano iyo dhowr bilood ahna ku xukuntay Warbaahinta gobolka Awdal ayaa Madaxweyne Biixi ka dalbaday in uu Cafis Madaxweyne u fidiyo Wariye Coldoon, oo sidoo kale ahaa Samafale caawiya masaakiinta tabaaleysan. Baaqan ay maanta si wada-jir ah u direen Warbaahinta gobolka Awdal, ayaa kamid noqonaya baaqyo badan oo xukuumada Biixi loogu soo jeediyay inay sii deyso Coldoon, inkasta oo ay Xukuumada Biixi u muuqato mid ka dhago adeygaysa dalabyadaasi. Coldoon ayaa waxa hore loogu soo eedeyay, isla markaan loo xukumay gaf la sheegay in uu kula kacay Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, Muuse Biixi iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso, oo ku yaala duleedka Hargeysa, kaasi oo gacanta ku hayaan shaqsiyaad u dhashay Mareykanka. Wariye Coldaan ayaa dhowr jeer ay hore u xirtay Xukuumada Somaliland, inkasta oo uu xarigiisan noqonayo midkii ugu dheera ee ay xirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.
-
Tension has remained high in Mandera town for the fourth day now with reports that troops of the Somalia National Army troops are converging along the border, planning to raid a hotel where a Jubbaland minister is allegedly holed up. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay doorasho ku qabato magaalada Bu’aale oo ah xarunta Jubaland. Sida ay ilo wareedyo noo sheegeen, dowladda ayaa damacsan in ciidan ay geyso xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya ee Jubooyinka, kadibna ay ciidanka Itoobiya qabtaan gobalka Jubada Dhexe si doorasho deg deg ah loo qabto. Ciidanka lagu daabulay Gedo, ayaa la sheegay in aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka balse ay ilaalin doonaan xuduudaha dalka, si loo ilaaliyo faro-gelinta Kenya kadibna loo qabto doorashada Jubaland. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya kula heshiiyay qorshahaan, islamarkaana ay suurta gal tahay in ay ka qayb qaataan ciidamo u dhashay dalka Eritrea oo soo gala Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ka hor bisha April ay dowladdu qaban doonto Jubada Dhexe kadibna la qaban doono doorasho, waxaana halkaas lagu soo afjari doonaa waayaha Axmed Madoobe, sida ay noo sheegeen Ilo-wareedyo muhiim ah oo dowladda ka tirsan. Ciidamada Itoobiya ayaa la filayaa in ay ka baxaan saddex gobal midkood, kuwaas oo kala ah Jubada Hoose, gaar ahaan Kismaayo, Gedo degmooyin ka tirsan iyo gobalka Bay, gaar ahaan Diinsoor oo masaafo aan fogeyn u jirta Bu’aale. Haddii ay dowladda Soomaaliya qabato doorasho kale oo Jubaland ah islamarkaana aqoonsi iyo taageero u hesho waxay u muuqataa in halkaasi looga soo gudbay waayihii maamul gobaleedyada dalka inkastoo gebo-gebo uu waqtiga madaxda dowladda Soomaaliya uga harsan muddo xileedkeeda. Maamulka laga dhisayo Jubaland ayaa qorshihiisu yahay inuu soo xilo xildhibaanada federaalka ee 2020, taasi oo dowladda siineys awoodda suu xulista xildhibaanada ka imanaya afar maamul goboleed, kuwaasi oo saddexda kale ay yihiin Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha dib u doorashada Farmaajo, ama haddii aan si kale u dhahno isku dayga Farmaajo ee sii haysashada kursiga.
